Nuurka Quluubta Qayskiisa Kariimiinta ah

Document technical information

Format pdf
Size 9.1 MB
First found Jun 9, 2017

Document content analysis

Category Also themed
Language
Italian
Type
not defined
Concepts
no text concepts found

Persons

Joseph Heller
Joseph Heller

wikipedia, lookup

Aram Khachaturian
Aram Khachaturian

wikipedia, lookup

Organizations

Places

Transcript

1
Nuurka Quluubta
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Iyo
Qayskiisa Kariimiinta ah
Juzka saddexaad/waana lix juz
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
2
Nuurka Quluubta
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Iyo
Qayskiisa Kariimiinta ah
Juzka saddexaad/waana lix juz
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
3
Tusmada Guud ee Juzka
Kitaabka
Bogga
1.Abuu Al Qaasim
4
2.Al Bicthah
122
3.Nuurka Islaamka
214
4.Hijrada Arliga Xabashida
334
5.Dhibkuu tolkiis kala kulmay
480
6.Al Israa’u wa Al Micraaj
554
4
Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
(Toban)
Abuu Al Qaasim
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
‫أبو القاسم‬
‫صلى هللا عليه وعلى آله وسلم‬
Waxaa dhigay
Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Waxaa daabacday
Daaru Al Seerah
P.O. Box 200984 - Boston, MA 02120 - U.S
5
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
Bogga
1.Tusmada Kitaabka
2.Araarta dhigaha kitaabka
3.3.Sanadka shan iyo labaatanaad
4.Safarkiisa labaad, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam, ee Shaam
5.Marr al Thahraani
6.Gelidda Nabiga, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam , ee Makkah
7.Waraqah bin Nawfal
8.Shaqadiisa, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam , Nabinnimada horteed
9. Ummu Al Mu'miniina Khadiijah
10.Guursigiisa, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam, Khadiijah
11.Gogosha doonidda iyo guurka Khadiijah
12.Ilmahay Kgadiihaj Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam u dhashay
13.Al Qaasimu
14.Dhimashada Al Qaasimu
15.Soo degidda Suuratu Al Kawthar
16.Cabdu Allaahi
17.lbraahiimu
18.Dhimashada lbraahiim
19.Ekaanshaha lbraahiim
20.Zaynab
21.Calii, wiilka Zaynab
22.Umaamah, gabadha Zaynab
23.Hijrada Zaynab
24.Thuu Dhuwaa
25.Hind bint Cutbah oo xaalka Zaynab baareysa
26.Zaynab waxay hijrootay habeennimo
27.Waadi Ya'jaj
28.Habbaar dhiigiisu waa xalaaloobay
29.Zaynab oo madax furashada Abuu Al Caasii soo dhiibtay
30.Zaynab oo Abuu Al Caasii magangelisay
31.Islaamidda Abuu Al Caasii
32.Zaynab Abuu Al Caasii loo celiyay
33.Dhimashada Zaynab
34.Ruqayyah
35.Guurka Ruqayyah
36.Geerida Ruqayyah
37.Ummu Kulthuum
38.Cutaybah bin Abii Lahab Iibaax ayaa cunay
39.Guurka Ummu Kulthuum
40.Dhimashada Ummu Kulthuum
41.Faadhimah
42.Guurka Faadhimah
43.Siduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, Faadhimah ujeclaa
44.Arooska Faadhimah
5
7
9
9
17
17
19
20
21
23
26
30
31
31
33
36
37
39
46
46
47
47
49
50
51
52
53
53
54
55
56
57
58
59
62
63
64
65
68
70
73
75
75
77
6
45.Waliimada arooska Faadhimah
46. Aqaldhiska Faadhimah
47. Caruurta Faadhimah
48. Al Xasanu, wiilka Faadhimah
49. Al Xusayn, wiiIka Faadhimah
50. Muxassin, wiilka Faadhimah
51. Ummu Kulthuum, gabadha Faadhimah
52. Zaynab, gabadha Faadhimah
53. Sharrif
54. Baghdaad
55. Dhimashada Faadhimah
56. Sanadka lix iyo labaatanaad
57. Sanadka toddoba iyo labaatanaad
58. Sanadka sagaal iyo labaatanaad
59.Sanadka soddonaad
60. Sanadka kow iyo soddonaad
61. Sanadka labo iyo soddonaad
62. Sanadka saddex iyo soddonaad
63. Sanadka afar iyo soddonaad
64. Sanadka shan iyo soddonaad
65. Sanadka lix iyo soddonaad
66. Sanadka sideed iyo soddonaad
67. Sanadka sagaal iyo soddonaad
68. Dib u dhisidda Kacabada
69. Duminta Kacbada
70. Warqadda Rukniga Kacabada laga helay
71. Dhigidda Dhagaxa Madow bartiisa
72. Al Xajaru Al Aswadu/Dhagaa Madow
73. Midabka Dhagaxa Madow
74. Fadliga Dhagaxa Madow
75. Dhismaha Quraysh
76. Cabbirrada Kacbada
77. Al Amiinu
78. Xadiithka Al Xumsa
79. Quraanka Al Xumsa kusoo degay
80. Istaagidda Nabiga, Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam, Carafo
84
84
85
85
85
86
86
88
89
90
91
100
100
100
100
101
101
101
101
101
101
101
101
102
105
106
108
113
113
114
115
117
117
117
119
121
7
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
‫الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما‬
‫ أما بعد‬،‫ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
Kitaabkaan Abuu Al Qaasim\‫أبو القاسم‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kana kooban sideetan
qaybood, waa kii tobanaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka
Al Baghawii\‫البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫األلوسي‬, Dhaahir Caashuur\‫ طاهر عاشوس‬iyo
kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii \‫البخاري‬, Muslim
\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\‫( سيرة إبن هشام‬oo
dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), kitaabka Sharxu al callaamah Al Zarqaanii
(oo dhintay sanadka kun iyo boqol iyo labo iyo labaatan Hijraga) Calaa Al Mawaahibu Al
Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah\‫شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية بمنح المحمدية‬
uuna dhigay al callaamah Al Qasdhalaanii\‫( العالمة القسطالني‬oo dhintay sanadka sagaal boqol iyo
saddex iyo labaatan Hijrada). Al Rawdu Al Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay
shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii \‫( الطبري‬oo dhintay saddex boqol
iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir\‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatn
sanadka Hijriga), Al Bayhaqii\‫( البيهقي‬oo dhintay afar boqol iyo sideed iyo konton Hijriga), Al
Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan Hijriga), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo
dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin
Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\‫( القاضي اإلمام حسين بن الحسن الدياربكري‬oo dhintay sagaal
boqol lix iyo lixdan sanadka Hiiriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii ‫اإلمام علي‬
\‫( برهان الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hiiriga), Al Qadii Ciyaad ‫القاضي‬
\‫( عياض‬oo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al
Saxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬, oo waa dhow dhintay, iyo Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬iyo Kitaabu
Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati \‫ كتاب الشجرة النبوين في نسب خير البرية‬Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin
Cabdil Haadii Al Maqdisiyyi\‫اإلمام جمال الدين يوسف بن خسن بن عبد الهادي المقدسي‬, oo faraca Amiirul
Mu'miniin Cumar\‫ أمير المؤمنين عمر‬ah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga) iyo Daliilo Al
Xaaji Al Musawwar\‫ دليل الحاج المصور‬uuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal\‫صالح محمد جمال‬
intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah Al
Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫ دالئل النبوة‬ee Al Xaafith Abii Nucaym Al
Asbahaanii\‫ الخافظ أبو نعيم اإلسبهاني‬oo dhintay (afar boqol soddon Hijriga), Lisaanu Al Carabi ‫لسان‬
\‫ العرب‬ee Al Imaamu Al Manthuur\‫( اإلمام المنظور‬noolaana inta u dhexaysa lix boqol soddon iyo
toddoba boqol kow iyo toban Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaaxi\‫ مختار الصحاح‬ee Al Raazii\‫الرازي‬, iyo
Taariikhu Makkata Al Mukarramati Qadiiman wa Xadiithan\‫ تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا‬ee Dr.
Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii\‫ د\محمد إلياس عبد الغني‬iyo kuwo kaleba.
Tafsiirka af Soomaaligana waxaan in badan ka qaatay Kitaabka uu tarjumay Sheekh Maxmuud
Maxame Cabdi Allaha, dambigiisa dhaafee. Waxa suuban oo ku dhigan kitaabkaanna waa nicmo
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالي‬uu igu galladaystay, wixii qalad ahna
waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu
8
Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla ‫هللا‬
\‫عزوجل‬, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo,
qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba
iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna
kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada
mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
Woonsocket, Rhode Island, USA
Jimce, sagaalka Bisha Shacbaan kun afar boqol shan iyo labaatan Hijriga, una dhiganta afar iyo
labaatanka Septembar laba kun iyo afar.
9
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل ةصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وفلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما‬
‫ أما بعد‬،‫ذكره الذاكرون وغفي عن ذكره الغافلون‬
Sanadkiisa shan iyo labaatanaad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam
Dhacdooyinka markay shan iyo labaatan sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa ka mid ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
markii labaad arliga Shaam\‫ الشام‬ganacsi u aaday, isagoo wada Safarka Ummu Al Mu'miniina
Khadiijah bintu Khuwaylid\‫أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬, ayadoo uu la socdo addoon ay
Khadiijah‫ خديجة‬leedahay, oo magaciisu yahay Maysarah\‫ميسرة‬.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Makkah \‫ مكة‬ka baxay markay afar
iyo toban habeen ka hare en bisha Thuu Al Xijjah\‫ذو الحجة‬, wuxuuna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Khadiijah‫ خديجة‬guursaday laba bilood iyo shan iyo labaatan maalmood maalintaas
dabadeeed, ciribta bisha Safar\‫ صفر‬ee sanadka lix iyo labaatanaad.
Safarkiisa labaad ee Shaam\‫الشام‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Waxaa la wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu adeerkiis Abuu
Dhaalib\‫ أبو طالب‬ku yiri, siday u wariyeen Al Waaqidii\‫ الواقدي‬iyo ibnu Sakn\‫إبن سكن‬:
‫ وقد اشتد الزمن علينا وألحت علينا سنون منكرة وليس لدينا مادة‬،‫"يا إبن أخي! أنا رجل المال لي‬
‫ وخديجة تبعث رجاال من قومك يتجرون في مالها‬،‫والتجارة وهذه عير قومك قد حضر خروجها إلى الشام‬
،‫ وإن كنت أكره أن تأتي الشام‬،‫ فلو جئتها لفضلتك على غيرك لما يبلغها عنك من طهارتك‬،‫ويصيبون منافع‬
".‫ ولكن النجد من ذلك بدا‬،‫وأخاف عليك من اليهود‬
“Yaa ibna akhii! Anaa rajulun laa maala lii, wa qad ishtadda al zamanu calaynaa, wa
alaxxat calaynaa sinuuna munkaratun wa laysa ladaynaa maadatun wa laa tijaaratun wa
haathihi ciiru qawmika qad xadarat khuruujuhaa ilaa Al Shaami, wa Khadiijatu tabcathu
rijaalan min qawmika yattajatuuna fii maalihaa wa yusiibuuna manaafica, fa law ji’tahaa
la faddalatka calaa ghayrika limaa yablughuhaa canka min dhahaaratika, wa in kuntu
akrahu an ta’tiya Al Shaama, wa akhaafu calayka min yahuuda, wa laakin laa najidu min
thaalika baddan.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wiilka walaalkeeyow, anigu waxaan ahay nin caruur badan aan maalna lahayn, zamankuna wuu
nagu adkaaday, waxaana nagu dul habsaday sanooyin la inkiro oo abaar ah, mana aan lihi xoolo
iyo ganacsi toona. Waxaa la gaaray waqtiga uu tolkaa Safarkiisu Shaam u baxayo \‫الشام‬,
Khadiijahna‫ خديجة‬waxay dirsataa rag maalkeeda ugu soo ganacsada, ayaguna manaafic iyo
waxtar ka hela.
Marka, haddaad u tagtid way kaa fadli yeeleysaa ghayrkaa, sababtuna ay tahay waxa xaggaaga
ka gaaraya oo daahirnimadaada ah. Sidaasoo ay tahayna waxaan kahanayaa inaad Shaam \‫الشام‬
10
tagtid, oo waxaan kaaga baqayaa yuhuudda. Laakiin waxaan taas ahayn ma haysanno."
Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"لعلها ترسل إلي في ذلك‬
"Lacallahaa tarsilu ilayya fii thaalika",
oo macneheedu yahay:
"Waxaaba dhici karta inay ayadu ii soo cid dirsato."
Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu yiri:
".‫إني أخاف أن تولي غيرك‬
“Innii akhaafu an tuwalliya ghayraka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan ka cabsanayaa inay qof kale u xilsaarto."
Markaasaa waxaa Khadiijah‫ خديجة‬gaaray wada hadalkaas uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, adeerkiis la yeeshay, aydoo uu markaas ka horna ay gaartay runhlownimadiisa,
waynaanta ammaanadiisa iyo kariimnimada akhlaaqdiisa.
Markaasey waxay tiri:
"!‫"ما علمت أنه يريد ذلك‬
“Maa calimtu annahu yuriidu thaalika.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma aanan ogayn inuu xilkaan doonayo."
Markaasey u cid dirtay, markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u yimidna waxay tiri:
‫ وأنا أعطيك ضعف ما أعطي‬،‫"دعاني إلى البعثة إليك ما بلغني من صدق حديثك وعظم أمانتك وكرم أخالقك‬
".‫رجال من قومك‬
“Dacaanii ilaa al bicthati ilayka maa balaghanii min sidqi xadiithika wa cathami
amaanatika wa karami akhlaaqika, wa anaa ucdhiika dicfa maa ucdhii rajulan min
qawmika.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa igu xambaaray inaan kuu soo ciddiro waxaa weeye inay iga soo kaa gaartay
runlownimadaada iyo waynaanta ammanadaada iyo kariimnimada akhlaaqdaada, waxaanna ku
siinayaa laba jibbaar waxaan siiyo nin tolkaa ah."
11
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis u sheegay, kaasna uu yiri:
"‫"إن هذا الرزق ساقه هللا إليك‬
“Inaa haathaa al rizqa saaqahu Allaahu ilayka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Kani waa rizqi uu Ilaahay kuu keenay."
Riwaayad kalena, uuna Taariikhu Al Khamiis ku wariyay mujalladka koowaad bogga laba boqol
laba iyo lixdan waxay warisay inuu Khadiijah‫ خديجة‬u yimid Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬, uuna ku
yiri:
"!‫"هل لك أن تستأجري محمدا فقد بلغنا أنك استأجرت فالنا ببكرين ولسنا نرضى لمحمد دون أبع بكرات؟‬
“Hal laki an tasj’ajirii Muxammadan fa qad balaghanaa annaki ist’ajarta fulaanan
bibakrayni wa lasnaa nardaa li Muxammadin duuna arbacu bakraatin?!”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ma kula ay habboon tahay inaad Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) ijaaratid,
ayadoo ay nasoo gaartay inaad hebel ku ijaaratay laba qaalmood oo geel ah. Annaguna raalli uga
noqon maynno Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaan afar qaalmood oo geel
ah ahayn.”
Markaasey Khadiijah waxay tiri:
"!‫"لو سألت ذلك لبعيد فعلنا فكيف وقد سألت لحبيب قريب‬
“Law sa’alta thaalika li baciidin facalnaa, fa kayfa wa qad sa’alta li xabiibin qariibin!”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Haddaad nin shisheeye ah oo aan necebnahay aad intaas ii weydiin lahayd waan yeeli lahayn.
Maxaad u maleyneysaa, marka, adigoo u weydiiyey mid aan jecelnahay oo sokeeye ah?"
Markaasuu Abuu Dhaalib wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
".‫"هذا رزق ساقه هللا إليك‬
“Haathaa rizqun saaqahu Allaahi ilayka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Kani waa rizqi uu Ilaahay kuu keenay."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Safarka hoggaamiyey, isagoo
uu la socdo addoon ay Khadiijah\‫ خديجة‬leedahay oo la yiraahdo Maysarah\‫ميسرة‬.
Riwaayaddaanna warkeedu waa intaas.
12
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu Al Waaqidii\‫ الواقدي‬iyo ghayrkiisba ka wariyay, oo uu yiri:
"Khadiijah\‫ خديجة‬waxay ahayd ganacsato sharafwayn o maal badan leh iyo ganacsi ay Shaam
\‫ الشام‬u dirsato, oo uu markaas Safarkeedu la mid yahay Safarka Quraysh\‫ رحلة قريش‬inteeda kale
marka la isku daro ay dirsadaan, waxayna ijaaran jirtay rag ayna maalka ku siin jirtay sida la
yiraahdo Mudaarabah\‫( مضاربة‬waana daadka dhibieda kor ku leh oo saad ku xigah)."
Al Mudaarabah\‫ المضابة‬siduu kitaabka Kifaatu Al Akhyaari\‫ كفاية األخيار‬u caddeeyey waa nooc
ganacsi oo qofna uu maalka leeyahay, uuna u dhiibayo qof xirfadda ganacsiga leh kanoo
maalkaas tasarruf buuxa ku leh, uuna hore ugu shardiyo qayb faa'iidada ka mid ah. Taas ayaa
shuruudaha Mudaarabada\‫ المضابة‬ka mid ah.
Riwaayad kalena waxay warisay in ninka la yiraahdo Khuzaaymah bin Xakiim Al Sulamii ‫خزيمة‬
‫بن حكيم السلمي‬, kana sii ah Al Bahzii\‫البهزي‬, iyo Khadiijah\‫ خديجة‬ay qaraabannimo ka dhexeysey.
Markaasey Khadiijah\‫ خديجة‬ninkaan ku dartay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo addoon ay leedahay oo la yiraahdo Maysarah \‫ميسرة‬, una dirtay ganacsi degmada
Busraa\‫ بصري‬ee ka mid ah arliga Shaam\‫( الشام‬oo maanta burburkeedu ku yaalla magaalada
Darcah‫ درعة‬ee dalka Suuriya\‫ سورية‬agteeda, horena loo oran jiray Xaaraan\‫)حاران‬.
Lama hayo cid Maysarah‫ ميسرة‬ku tirisay Saxaabada\‫الصحابة‬, waxaana muuqata inuu Bicthada
\‫ البعثة‬horteed dhintay.
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku yiri:
"Ma aanan arag riwaayad saxiix ah oo sheegeysa inuu ilaa Bicthada\‫ البعثة‬noolaa."
Markaasey dhaqaaqeen, oo markay marayaan meel u dhexeysa Shaam \‫ الشام‬iyo Xijaaz‫الحجاز‬, ayaa
waxaa Maysarah\‫ ميسرة‬ka wareeray oo ka socod gaabiyey labo rati oo ay Khadiijah\‫خديجة‬
leedahay.
Rasuulka Ilaahayn, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku sugan yahay afka hore ee
garawaanta iyo madaxeeda. Markaasu Maysarah‫ ميسرة‬wuxuu u baqay naftiisa iyo labada ratiba.
Markaasuu intuu soo orday ayuu wuxuu u yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi
Wasallam, oo uu khabarka u sheegay.
Markaasuu RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo kacay oo uu labadii rati u
yimid, oo uu markaas gacantiisa sharafta leh mid walba cagihiisa saaray oo uu ku qabtay, uuna u
cawthi billeeyey, oo uu Ilaahay magangeliyay.
Markaasey labadii rati intay si xoog leh usoo socdeen ayay waxayba yimaadeen hore iyo madaxa
Safarka ayagoo doobinaya.
Markaasuu markuu Khuzaymah taas arkay, wuxuu gartay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, arrinkiisu weyn yahay, wuxuuna markaas ku dadaalay inuu laazimo oo uu
mar walba ku lammansanaado iyo ilaalintiisaba.
Markaasey markay Shaam\‫ الشام‬soo galeen, ayay waxay ku degeen degmada Busraa‫بصرى‬, meel u
dhow sawmacadda wadaadki Baxiiraa\‫بحيرى‬, uuna waqtigaas ku jiro oo uu deggan yahay wadaad
ka mid ah wadaada Shaam\‫ الشام‬oo la yiraahdo Nasdhuur\‫نسطور‬.
Markaasey dadkii Safarku meelo kala duwan bartaas ka degeen, ayagoo kala firirsan. Rasuulka
13
Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku degay geed qallalan hoostiisa, oo uu
qorigiisu iyo laamihiisuba baaliyoobeen. Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
geedkaas hoostiisa ku xasilay, ayuu geedkii cagaartay, oo uu nuur bixiyey, hareerihiisuna caws
cagaaran iyo geed hoosaad yeesheen, mirihiisuna ay bislaadeen, ay miruhuna soo raaracsameen
oo ay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa ku ruxmeen, sida ayagoo
doonaya inay kusoo kor daataan.
Intaasoo idilna waxaa u jeeda oo fiirsanaya dhacdooyinkaas wadaadka Nasdhuur‫نسطور‬.
Markuu intaas arkay, ayuu Nasdhuur‫ نسطور‬inta is hayn waayey uu gurigiisa kasoo degay, oo
intuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, geedka hoostiisa ugu yimid wuxuu yiri:
"Waxaan kugu dhaariyey Al Llaata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa-ye\‫ العزى‬magacaagu waa maxay?"
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri:
".‫"إليك عني! ثكلتك أمك! ما تكلمت العرب بكلمة أثقل علي من هذه الكلمة‬
"Ilayka cannii. Thakalatka ummuka! Ma takallamati Al Carabu bi kalimatin athqala
calayya min haathihi al kalimati",
oo macneheedu yahay:
"Iga tag, hooyadaa intay ku waydo gablantaye! Carabi kuma ayan hadlin kalimad aniga korkeyga
ugu culus kalimadaan."
Wadaadku inuu labadaas sanam oo ay Carabi caabudi jireen ku dhaariyo waxay ka ahayd makri
iyo sirid iyo ku tijaabin inuu labadaas sanam ku dhaaran doono iyo in kale. Nasdhuur \‫نسطور‬
markuu gurigiisa kasoo degayey wuxuu watay harag cad oo ay wax ku dhigan yihiin. Markaasuu
markuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid ayuu marna wuxuu fiiriyaa Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mar kalena waxa haraggaas uu sitay ku dhigan. Markaasuu
hadana Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo dul foorarsaday, oo uu waqti dheer
fiirinayey.
Kaddibna wuxuu yiri:
"Waxaan ku dhaartay Midka Injiilka soo dejiyeye kani waa isagii."
Khuzaymah\‫ خزيمة‬markuu hadalkaas wadaadku yiri maqlay ayuu wuxuu u maleeyey inuu
doonayo inuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dilo.
Markaasuu intuu seeftiisa gacanta ku dhigay oo uu galkeeda kasoo siibay, ayuu wuxuu codkiisa
ugu dheer la qayliyay oo uu yiri:
"!‫"يا آل غالب‬
"Yaa Aala Ghaalib"
oo macneheedu yahay
"Yaa reer Ghaalib ahay!"
14
oo uu sidaas ugu tol wacday. Ghaalib\‫ غالب‬waa awoowaha sagaalaad ee Nabi Muammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasey raggii oo ordaya dhinac walba ka yimaadeen oo ay isaga agtiisa isugu yimaadeen,
ayagoo leh:
"Maxaa ku helay oo ku cabsiiyey?"
Markaasuu Nasdhuur\‫ نسطور‬markuu waxa socda arkay ayuu degdeg sawmacaddiisa dib ugu
laabtay, oo intuu galay uu albaabka hoos kasoo xirtay. Markaasuu daartiisa korkeeda kasoo
fiiriyry, wuxuuna yiri:
"Dadow! Maxay tahay sababta aad iiga cabsateen? Waxaan ku dhaartay Midka Samada kor
ahaysiiyey ayadoo aan tiirar celiya lahayn, inuusan agteyda soo degin Safar aan adinbka idinka
midka geedkaan hoostiisa ke degay (wuxuuna gacantiisa ku tilmaamay geedka uu hoostiisa
fadhiyo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waa Rasuulka caalamiinta
Rabbigooda, wuxuuna Ilaahay soo diri doonaa isagoo sita seef galka ka siiban, iyo gawricidda
wayn, isagaana ah kan Anbiyada lagu gunaanaday. Qotka adeeca waa badbaaday, kan caasiyana
oo diida waa baadiyoobay."
Markuu intaas yiri kaddibna, intuu gurigiisa kasoo baxay ayuu wuxuu u yimid Khuzaymah \‫خزيمة‬,
wuxuuna ku yiri:
"Ninkaad maxaad u tahay? Ma nin tolkiis ka mid ah ayaad tahay?"
Khuzaymah\‫ خزيمة‬wuxuu yiri:
"Maya, waxaanse ah khaadim isaga u adeega."
Khuzaymah\‫ خزيمة‬wuxuu wadaadka uga warramay arrinka labatii rati ee Maysarah \‫ ميسرة‬oo
qooqay oo gaabiyay. Markaasuu wadaadku wuxuu yiri:
"Nin yohow i dhegeyso: isagu (waa Nabi Muxammade, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waa
Nabiga lasoo dirayo aakhiru zamanka, aniguna waxaan ka helay warqaddaan oo ku dhigan inuu
dalalka ka adkaan doono, isagaana addoommada (waa dadkoo idile) loogu gargaarayaa. (oo uu
Ilaahay u gargaarayaa oo libta siinayaa). Calan uu guntana lasoo celin mayo oo laga adkaan
mayo (waa ciidan uu hoogaamiyo ama uu diree), muraadkiisana wuu gaarayaa. Isagu wuxuu
leeyahay cadaw, intiisa badanna ay yuhuudda ka mid yihiin, kuwaanoo ah cadawga Ilaahay.
Marka, yuhuudda ka jira oo ka ilaaliya."
Hadalkaas uu wadaadku yiri, Khuzaymah\‫ خزيمة‬naftiisa dhexdeeda ayuu ku weeleeyey, kuna
sireystay oo uu ku qariyay. Markaas kaddib ayuu wadaadku wuxuu u yimid Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri:
"Muxammadow\‫( محمد‬Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaan adiga kaa arkay wax aanan
nin kale oo dadka ka mid ah ku arag. Anigu waxaan qabaa inaad tahay Nabiga kasoo bixi doona
Tihaamah\‫( تهامة‬oo ah gobolka ay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinah Al
Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ka mid yihiin, Yamanna\‫ يمن‬ay ka mid tahay).
Markaad dhalatayna waxay waafaqsantahay markii xaqqa iyo runta ahayd. Nafafka dadkaaga
dhexdoodana waxaad ku tahay Al Amiinu\‫األمين‬, midka la aamino, aniguna waxaan arkaa inuu
dadku ku jecel yahay, oo uu jeceylkoodu korkaaga yahay. Aniguna waxaan kugu rumaynayaa
15
hadalkaaga, oo waxaad la timaaddo waan rumaynayaa, cadawgana waan kaaga gargaarayaa, oo
aan kuu hiillinayaa."
Markaas kaddib ayuu Safarku xagga Shaam\‫ الشام‬u kicitimay. Markay Shaam tageen Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, badeecaduhuu waday ayuu iibiyey. Suuqaas dhexdiisa ayey
isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo nin ay wax isku qabteen oo ay isku khilaafeen.
Markaasuu ninku wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
"Ku dhaaro hadaba Al Laata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫"!العزى‬
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ وإني ألمر فأعرض عنهما‬،‫"ما حلفت بهما قط‬
"Maa xalaftu bihimaa qadh-dh, wa innii la amurru fa acridu canhumaa",
oo macneheedeu yahay:
"Waligayba labadooda kuma aanan dhaaran. Markaan ag marana, waanba kasii jeestaa."
Markaasuu ninku wuxuu yiri:
"Hadaba, haddaad sidaas tiri, waxaan isku qabannay waa sidaad adigu tiri oo adigaa jid leh."
Ninku kaddib wuxuu Maysarah\‫ ميسرة‬ku yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬midkaani waa Nabi, oo culummada yuhuuddu waxay hayaan isagoo
kutubbadooda ku sifeysan, oo tilmaamihiisu ay ku qoran yihiin."
Maysarah\‫ ميسرة‬wuxuu arkay in markay tahay bartamaha maalinta oo ah markuu kulaylka
qorraxdu ugu badan yahay, labo Malag oo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
qorraxda ka hoosaasinaya. Ilaahay wuxuu qalbiga Maysarah \‫ ميسرة‬ku riday jacaylka Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaasuu wuxuu u ahaa addoon uu leeyahay oo kale.
Markaasey badeecadohoodii wada iibiyeen, ayna ribxeen laba jibbaar waxay raga kale faa'iidi
jireen.
Markaasey waxay soo gateen badeecadaha ay ayaguna doonayeen inay Shaam \‫ الشام‬kasoo gataan
oo la doonayo in Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda lagu geddisto.
Markaasey markay Shaam\‫ الشام‬kasoo gaddoomeen, ayna marayaan barta la yiraahdo Marra Al
Thahraani\‫( مر الظهران‬oo maanta Waadii Faadhimah\‫ وادي فاطمة‬la yiraahdo), ayuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Safarka ka hormaray oo uu Makkah \‫ مكة‬galay,
waqtigay duhurkii tahay.
16
17
Sawmacadda Baxiiraa‫ بحيراء‬gudeheeda iyo dibaddeedaba: burburkeeda, iyo masjidka laga dhisay
bartay hasha Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam fariisatay
uuna ku degay. Waxaan kasoo qaadannay masawirkaan: Adhlas Al Ssirrah Al Nabawiyyah ‫أطلس‬
‫ السيرة النبوية‬uuna allifay Dr. Shawqii Abuu Khaliil\‫ د\شوقي أبو خليل‬ee Suuriga ah.
Marra Al Th-thahraani\‫مر الظهران‬
Marra Al Thahraani\‫ مر الظهران‬waa waadi waadiyada Xijaaz\‫ الحجاز‬ka mid ah kuna yaalla labo
iyo labaatan kiiloomitir waqooyiga Makkah\‫مكة‬.
Waadigaasu wuxuu biyaha kusoo roga oo halkaas isugu yimaada biyaha labada Nakhlah \‫نخلة‬, oo
kala ah Al Nakhlatu Al Shaamiyah\‫ النخلة الشامية‬iyo Al Nakhlatu Al Yamaaniyah\‫النخلة اليمانية‬.
Labadaas beeloodba biyohoodu waxay ka yimaadaan galbeedka magaalada Dhaa'if\‫الطائف‬,
waxayna isugu yimaadaan Marra Al Thahraani\‫ مر الظهران‬oo ay waadigeeda noqdaan.
Waadigaasu wuxuu ku biyo shubaa Badda Cas, meel Jeddah\‫ جدة‬labaatan kiiloomitir qiyaas
koofur ka xigta. Waadigaas wuxuu leeyahay ilo aad u fara badan iyo tuulooyin badanba, siduu u
magacaabay kitaabkaan warkaan kasoo qaadannay oo la yiraahdo Mucjamu Al Macaalimi Al
Jughraafiyyah Fii Al Siirath Al Nabawiyyah\‫معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبوية‬, uuna dhigay
Caatiq bin Ghayth Al Balaadiyyu \‫عاتق بن غيث البالدي‬, ayna daabacday Daaru Makkah lil Nashri
wa al Tawziici sanadka kun iyo afar boqol iyo labo Hijriga, una dhigantah kun iyo sagaal boqol
iyo labo iyo sideetanka miilaadiga.
Sidoo kale waxaa Marra Al Tharaani‫ مر الظهران‬biyihiisa ku soo roga waadiga isaguna la yiraahdo
Waadii Ya'jaj\‫وادي يأجج‬.
Ya'jaj\‫ يأجج‬laftiisana waxaa kusoo biyo roga waadiga la yiraahdo Waadii Al Tanciim\‫وادي التنعيم‬,
uuna ku yaallo Masjidka Caa'ishah\‫ مسجد عائشة‬oo Kacbada toddoba kiiloomitir xagga
waqooyiga iyo dariiqa Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬loo aadao ka xigah,
Cumradana laga soo xirto.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu Al Rawdu\‫ الروض‬ku yiri:
"Waxaa Marri Al Thahraani‫ مر الظهران‬magacaas loogu bixiyay ayadoo uu ku yaallo carq\‫عرق‬
waa xididee waadiga ka mid uu ku yaallo, lehna midab ka duwan midabka arliga, lehna
ekaanshaha xarafka miimka\‫ م‬la jiiday, ayna ku xigto oo ku dhegentahay xarafka ra, oo sidaas
loo abuuray - oo sidaas ayaa waxaa bartaas u egtahay miim\‫ م‬iyo ra\‫ ر‬isku dheggan.
Dadka qaarkiisna waxay yiraahdaan waxaa magacaas loogu bixiyay oo ah marr xaraarkeeda
daraadiis. Waxa ka jirana ma ogi." Waa intaas warka Al Suhaylii.
Gelidda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, ee Makkah\‫مكة‬
Markaas ayada ah Khadiijah bintu Khuwaylid\‫ خديجة بنت خويلد‬waxay ku jirtaa qol kore oo ka
mid ah gurigeeda. Markaasey waxay aragtay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo hashiisa saran, ayna laba Malag hoosaasinayaan, siduu Abuu Nucaym \‫ أبو نعيم‬u
wariyay.
Markaasey haweenka la joogay tustay oo ay ayaguna la yaabeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah‫ خديجة‬gurigeeda ugu yimid, uuna uga warramay
ganacsigii iyo waxay ribxeen, taasoo ay Khadiijah‫ خديجة‬ku faraxday.
18
Kaddib waxaa Makkah\‫ مكة‬soo galay Maysarah\‫ميسرة‬, oo u yimid Khadiijah‫خديجة‬.
Khadiijah‫ خديجة‬waxay Maysarah\‫ ميسرة‬uga warrantay waxay aragtay.
Markaasuu Maysarah\‫ ميسرة‬wuxuu yiri:
"Anigu waxaan taas arkayey (waana labada Malag oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
qorraxda ka hoosaasineysa) tan iyo goortaan Shaam kasoo ambabaxnay."
Maysarah\‫ ميسرة‬wuxuu kaloo Khadiijah\‫ خديجة‬u sheegay siday ganacsiga ugu faa'iideen, iyo
waxyaalkuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka arkay iyo wuxuu wadaadka
Nasdhuur\‫ نسطور‬yiri.
Wuxuu kaloo u sheegay wixii dhex maray Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo ninkii
Al Laata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫ العزى‬ugu dhaariyey arrin ganacsigooda ku saabsan, iyo siduu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhaartaas u diiday.
Intaasoo idil markay maqashay, Khadiijah‫ خديجة‬waxay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u labo jibaartay ijaarka hore ugu sheegtay inay siin doonto.
Khadiijah‫ خديجة‬waxay ahayd haweeney caqli badan, sharaf badan, ayadoona uu Ilaahay
Tacaalaa doonayo inuu si wayn u karaameeyo, khayr badanna siiyo.
Markaas ayada ahna, Khadiijah‫ خديجة‬ayadaa ugu fadli badan xagga nasabka, uguna sharaf wayn,
uguna maal badan haweenka Quraysh\‫قريش‬.
Ragga tolkeedna waxay aad ugu dadaalayeen inay Khadiijah‫ خديجة‬guursadaan, waxaase Ilaahay
ku sharfay guurka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Ninkii Khuzaymah\‫ خزيمة‬ahaana, safarka dabadiis, wuxuu u laabtay beledkiisa, wuxuuna
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
"Markaan maqlo in lagu soo bixiyey Nabinnimo, waan kuu imaanayaa."
Khuzaymah\‫ خزيمة‬wuxuu wafdi ahaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu
yimid furashada Makkah\‫ مكة‬kaddib. Runtana Rabbi ayaa og.
Riwaayad kalena waxay warisay in markuu Safarku Busraa \‫ بصرى‬ku degay, uu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, geed hoostiis ku degay.
Markaasuu wadaadka Nasdhuur\‫ نسطور‬ah wuxuu Maysarah\‫ميسرة‬, oo uu yiqiinnay, ku yiri:
"Maysarow\‫ !يا ميسرة‬Waa kuma ninka geedka hoostiisa ku sugan?"
Markaasuu Maysarah\‫ ميسرة‬wuxuu yiri:
"Waa nin Quraysh\‫ قريش‬u dhashay, oo ehelka Xaramka ah."
Markaasuu Nasdhuur\‫ نسطور‬wuxuu yiri:
"Geedkaan hoostiisa, saacaddaan, kuma uusan degin nin aan Nabi ahayn."
Riwaayad kalena waxay warisay inuu Nasdhuur\‫ نسطور‬ku yiri:
"Geedkaan hoostiisa kuma uusan degin qof aan Nabi ahayn Ciise\‫ عيسى‬dabadiis."
Sacd\‫ سعد‬wuxuu Al Saraf\‫ السرف‬ku wariyay inuu markaas wadaadku uu Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, usoo dhowaaday, oo uu madaxiisa iyo cagihiisa dhunkaday, uuna yiri:
"Waan ku rumeeyey, aniguna waxaan marag ka ahay inaad adigu tahay midkuu Ilaahay
Tawraadda ku sheegay."
19
Markaasuu wadaadku markuu Khaatimka Nabiniimada\‫ خاتم النبوة‬arkay ayuu dhunkaday,
wuxuuna yiri:
"Waxaan marag ka ahay inaad adigu tahay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
Nabiga Ummiga ah\‫ النبي األمي‬ee uu Ciise\‫ عيسى‬ku bishaareeyey, uuna (Ciise\‫ )عيسى‬yiri:
"Aniga dabadey geedkaan hoostiisa degi uu mayo nin aan ahayn Nabiga ummiga ah, oo reer
Banii Haashim ah\‫بني هاشم‬, oo Carabta ah, oo reer Makkah\‫ مكة‬ah, Xawdkana\‫ الحوض‬iska leh
iyo Shafeecada‫ \الشفيعة‬iyo Calanka Xamdiga\‫لواء الحمد‬."
Al Waaqidii\‫ الواقدي‬iyo ibnu Al Sak‫ السكن‬waxay intaas ku dareen inuu Ciise \‫عيسى‬yiri:
"indhihiisana waxaa ku jira guduud".
Markaasuu Maysarah\‫ ميسرة‬wuxuu yiri:
"Haa, oo guduudku indhihiisa marna kama tago."
Markaasuu wadaadku wuxuu yiri:
"Kani waa isagii, isagaana Anbiyada kii ugu dambeeyey ah. Shallaytideydey, maxaan u gaari
waayey goorta lagu amrayo inuu soo baxo".
Maysarah\‫ ميسرة‬intaas oo idil wuu weeleeyey, oo uu qalbigiisa ku xafithay.
lbnu lsxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Khadiijah bintu Khuwaylid\‫ خديجة بنت خويلد‬waxay u sheegtay ina adeerkeed Waraqah bin
Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa\‫ورقة بن نوفل بن عبد العزى‬, oo ahaa nasraani kutubbadii hore
cilmi u lahaa, iyo cilmiga dadkaba, wuxuu addoonkeeda Maysarah\‫ ميسرة‬u sheegay, oo ahaa
hadalkuu wadaadkii raahibka ahaa yiri, iyo siduu isaga laftiisu u arkay laba Malag oo qorraxda
ka hoosaasineysa.
Markaasuu Waraqah\‫ ورقة‬wuxuu Khadiijah\‫ خديجة‬ku yiri:
"Hadday waxaasi run yihiin Khadiijow\‫ خديجة‬, Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
waa Nabiga ummaddaan, aniguna waxaan ogahay inay ummaddaani leedahay Nabi
midkaan aan ku jirnana waa zamankuu soo bixi lahaa."
Markaasuu Waraqah\‫ ورقة‬soo bixinta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wuxuuna yiraahdaa:
"Ilaa intee baan sugaynnaa?" Arrinkaas raagiddana gabay ayuuba ka tiriyey, uu ibni
\‫ إسحاق‬wariyay.
Waraqah bin Nawfal\‫ورقة بن نوفل بن عبد العزى‬
Wasallam,
la sugayo,
raagsaday,
lsxaaq ‫إبن‬
Waraqah bin Nawfal bin Asada bin Cabdu Al Cuzzaa\‫ ورقة بن نوفل بن عبد العزى‬,, waa Khadiijah
bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa\‫ خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزى‬ina
adeerkeed. Hooyadiisna waxaa la yiraahdaa Hindu bintu Abii Kabiir bin Cabdi bin Qusayy ‫هند بنت‬
‫أبي كبير بن عبد بن قصي‬.
Waraqah‫ ورقة‬ciribi kama ayan harin, wuxuuna ka mid yahay ragga aaminay Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bicthada horteedba. Al Tarmathii\‫ الترمذي‬wuxuu wariyay inuu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
20
".‫ ولو كان من أهل النار لم تكن عليه ثياب بيض‬،‫ وعليه ثياب بيض‬،‫"رأيته في المنام‬
"Ra'aytuhu fii al manaami, wa calayhi thiyaabun biidun, wa law kaana min ahli al Nnaari
lam takun calayhi thiyaabun biidun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan arkay (Waraqah‫ ) ورقة‬anigoo hurda, oo waa riyo (riyada Anbiyaduna waa run), isagoo
labbisan dhar cadcad. Hadduu ehelu Naarta ka mid ahaan lahaana dhar cadcad ma uusan
xirnaadeen."
Warka Waraqah\‫ ورقة‬oo tifaftiranna waxaan ku arki doonnaa, inshaa'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬
markaan Bicthada\‫ البعثة‬ka hadleynno, markuu Jibriil\‫ جبريل‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam Ghaaru Xiraa'\‫ غار حراء‬ugu imaanayo, arrinkaanoo aan wax kasoo warbixinnay
markaan uga soo hadalnay ehelu fitrada\‫ أهل الفترة‬kitaabka Mawliidka Saallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Shaqadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabinnimada horteed
Sidaan hore ugu soo aragnay kitaabkaan Siirada Mujalladka Koowaad,, wuxuu Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, intuu yaraa ka shaqayn jiray isagoo buuraha Makkah \‫ مكة‬ari ku raaca
oo ijaar ku qaata.
Kaddib markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nin dhallinyaro ah noqday, iyo Nabinnimada
horteed wuxuu noqday ganacsade gaddisley ah, siday ibnu Athiir\‫ إبن أثير‬iyo ghayrkiisba u
wariyeen.
Ganacsigaasna waxaa shirko la ahaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ninka la yiraahdo Al
Saa'ibu bin abii Al Saa'ibi\‫السائب بن أبي السائب‬. Abuu Al Saa'ibna\‫ أبو السائب‬magaciisu waa Sayfii
bin Caa'ith bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum, Al Qurashiyyi, Al Makhzuumii ‫صيفي بن‬
\‫عائذ بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬.
Ibnu Athiir\‫ إبن أثير‬kitaabkiisa Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬wuxuu ibnu Shihaab\‫ إبن شهاب‬uga
wariyay inuu Al Saa'ibu ibnu Al Saa'ib\‫ السائب بن أبي السائب‬yahay midkuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri:
".‫ واليماري‬،‫ كان اليشاري‬.‫"نعم الشريك‬
"Nicma al shariiku. Kaana laa yushaarii, wa laa yumaarii".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wuxuu ahaa nin nicmo leh oo lala shirkoobo, wuxuuna ahaa mid aan ahayn macangag wax ku
dhega, aanna murmin."
Waxaa isaguna sidaas u wariyay ibnu Cabdu Al Barr\‫إبن عبد البر‬, kuna wariyay kitaabkiisa Al
Istiicaabu\‫اإلستيعاب‬, kana wariyay Abuu Cumar, mawlaha Mujaahid. Mujaahid‫أبو عمر مولى مجاهد‬
wuxuu Al Saa'ib\‫ السائب‬laftiisa ka wariyay inuu yiri:
"Waxaan u imid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasey i ammaaneen,
ayna wanaaggeyga sheegeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wuxuu yiri:
21
".‫"أنا أعلمكم به‬
"Anaa aclamukum bihi",
oo macneheedu yahay:
"Anigaa isaga idiinku aqoon badan".
Waxaan iri:
"Run ayaad sheegtay, aabahay iyo hooyaday ayaan kugu furanayaaye, waxaan ahaa shariigaaga,
waxaadna tahay nin lala shirkoobo oo nicmo leh, adigoo aan wax khayaaneyn, anna murmayn."
Waxaa Xadiithka wariyay Saddexda, oo ah Abuu Daa'uud \‫ أبو داود‬iyo Al Tarmathii\‫ الترمذي‬iyo Al
Nasaa'ii‫النسائي‬.
Ummu Al Mu'miniina Khadiijah\‫أم المؤمنين خديجة‬
Markay laba bilood iyo shan iyo labaatan maalmood kasoo wareegatay kasoo noqoshadiisa
Shaam, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu guursaday Ummu Al
Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab
Al Qurashiyyah, Al Asadiyyah ‫أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن‬
\‫كالب القرشية األسدية‬.
Khadiijah‫ خديجة‬hooyada dhashayna waa Faadhimah binti Zaa'idah Al Asamm bin Jundab bin
Harim bin Rawaaxah bin Xajr bin Maciis ben Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr/ ‫فاطمة بنت‬
‫زائدة بن األصم بن جندب بن هرم بن رواحة بن حجر بن معيص بن عامر بن لؤي بن غالب بن فهر‬, siduu
Maysarah\‫ميسرة‬, addoonkay lahayd u yiri.
Ibnu Cabdu Al Barru\‫ إبن عبد البر‬wuxuu intaas ku daray inay ahayd ciribta bisha Safar\‫ صفر‬ee
sanadkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee lix iyo labaatanaad.
Khadiijah‫ خديجة‬waxaa Islaamka hortiis loogu yeeri jiray oo la oran jiray "Al Dh-dhaahirah
‫"الطاهرة‬, oo midda daahirka ah, iyo "Sayyidda ee hoggaamisa oo madaxda u ah haweenka
Quraysh\‫"سيدة نساء قريش‬.
Khadiijah‫ خديجة‬waxaa marka ugu horreysey guursaday ninka la yiraahdo Abuu Haalah bin
Zuraarah Al Tamiimii\‫أبو هالة بن هند التميمي‬. Abuu Haalah\‫ هالة‬magaciisa waa la isku khilaafay.
Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬iyo Al Daarqudhniyyu\‫ الدارقطني‬waxay yiraahdeen
magaciisu waa Maalik\‫مالك‬.
Waxaa kaloo la yiri waa Zuraarah\‫زرارة‬, siday ibnu Mundah\‫ إبن منده‬iyo Al Suhaylii\‫ السهيلي‬u
yiraahdeen.
Waxaa kaloo la yiri waa Hind\‫هند‬, siduu Al Caskarii\‫ العسكري‬u yiri waa hubaal.
Waxaa kaloo la yiri magaciisu waxaa weeye Al Nabbaash\‫النباش‬.
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu Fatxu Al Baarii\‫ فنح الباري‬ku wariyay inuu
Abuu Haalah\‫ أبو هالة‬zamanka jaahiliyada iyo Islaamka hortiis dhintay.
22
Khadiijah\‫ خديجة‬waxay Abuu Haalah\‫ أبو هالة‬u dhashay:
(Kow) wiil la yiraahdo Hind\‫هند‬, oo saxaabi wayn ahaa, kana mid ah raga lagu yaqiin sifaynta
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Hind\‫ هند‬wuxuu ka qayb galay oo uu goob joog ka
ahaa Duullaanka Badr\‫غزوة بدر‬. Waxaa kaloo la yiri midkuu ka qay galay waa duullaanka Uxud
\‫غزوة أحد‬. Hind\‫ هند‬waxaa axaadithta ka wariyay Al Xasan ibnu Faadhimah\‫الحسن بن فاطمة‬,
Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam, oo oran jiray, markuu Xadiithka ka warinayo:
"Waxaa ii warramay abtigay ... ", maxaa yeelay Hind\‫ هند‬waa abtigiis la dhashay Faadhimah
\‫فاطمة‬, Al Xasan\‫ الحسن‬hooyadiis, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhim
Wasallam.
Hind\‫ هند‬wuxuu ahaa nin hadalkiisu faseex yahay, codkar ah, si fiican wax u sifeeya, siduu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, abuuritaankiisa u sifeeyey oo kale, wuxuuna
oran jiray:
"Anigaa dadka ugu kariimsan xagga aabaha iyo xagga hooyada iyo xagga walaalkey iyo xagga
walaashey. Aabahay waa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, walaalkeyna waa
Al Qaasim\‫القاسم‬, walaasheyna waa Faadhimah\‫فاطمة‬, hooyadayna waa Khadiijah\‫خديجة‬."
Hind\‫ هند‬waxaa lagu dilay Duullaanka Maalinta Yawmu Al Jamali\‫يوم الجمل‬, isagoo Calii\‫ علي‬la
socday, Allaha wajigiisa karaameeyee, sidayy u yiraahdeen Al Zubayr ibnu Al Bakkaar ‫الزبير بن‬
‫ البكار‬iyo Al Daarqudhniyyu\‫الدارقطني‬.
Waxaa kaloo la yiri wuxuu ku dhintay daacuunka haleelay Basrah\‫بصرة‬.
Al Tajjaanii\‫ التجان‬wuxuu yiri:
"waxaa sax ah inuu Hind\‫ هند‬wiilkiisa, oo isagana Hind\‫ هند‬magaciisu ahaa sida aabihiis oo kale,
uu ahaa kan Basrah\‫ بصرة‬ku dhintay".
Al Tajjaanii\‫ التجان‬warkiisuna waa intaas.
Fatxu Al Baarii\‫ فنح الباري‬wuxuu wariyay inuu saxaabiga ah Hind bin Abii Haalah ‫هند بن أبي‬
‫هالة‬leeyahay wiil isagana magaciisu yahay Hind‫هند‬.
Al Caskarii\‫ العسكري‬wuxuu yiri:
"Saddexdoodaba, oo ah wiilka iyo aabihiis iyo awoowihiisba magaca way wadaagaan oo waxaa
la wada yiraahdaa "Hind\‫"هند‬.
Khadiijah\‫ خديجة‬waxay kaloo Abuu Haalah bin Zuraarah\‫ أبو هالة بن زرارة‬u dhashay
(Labo) wiil labaad oo la yiraahdo Haalah Al Tamiimii\‫هالة النميمي‬. Abuu Cumar\‫ أبو عمر‬wuxuu
yiri:
"Haalah\‫ هالة‬saxaabi ayuu ahaa."
Al Mustaghfirii\‫ المستغفري‬wuxuu Caa'ishah\‫عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, ka wariyay inuu wiil
ay Khadiijah\‫ خديجة‬dhashay uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid, lana
yiraahdo Haalah\‫هالة‬, ayadoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hurdo, oo ay tahay
waqtiga duhurka ka dambeeya, oo qayluulo loo seexdo.
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, codkiisa maqlay. Markaasuu Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
23
"!ّ‫"هالة!هالة!هالة‬
"Haalah! Haalah! Haalah!"
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Haalah bin Abii Haalah\‫ هالة بن أبي هالة‬ka wariyay inuu Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo galay isagoo hurda. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, hurdada kasoo kacay oo uu laabtiisa ku dhejiyay, uuna yiri:
"!ّ‫"هالة!هالة!هالة‬
"Haalah! Haalah! Haalah!"
Kaddib Abuu Haalah\‫ أبو هالة‬Khadiijah\‫ خديجة‬wuu ka dhintay.
Abuu Haalah\‫ أبو هالة‬kaddib waxaa Khadiijah\‫ خديجة‬guursaday Catiiq bin Caabid bin Cabdu
Allaahi bin Cumar bin Makhzuum\‫عتيق بن عابد بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬.
Khadiijah\‫ خديجة‬waxay Catiiq\‫ عتبق‬u dhashay:
(Saddex) gabar la yiraahdo Hind\‫هند‬, oo islaantay, saxaabiyadna ahayd, siduu Al Zuhriyyu \‫الزهري‬
u wariyay. Gabadhaanna waa hooyada dhashay Muxammad bin Sayfii Al Makhzuumii ‫محمد بن‬
‫صيفي المخزومي‬, o ina adeerkeed ah.
Ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬wuxuu yiri:
"Dhasha Muxammadakaan\‫ محمد‬waxaa la yiraahdaa "Banuu Al Dhaahirah‫"بنوا الطاهرة‬, oo ah
"Dhasha midda Daahiradda ah", oo ka tarjumeysa Makaanka Khadiijah\‫" خديجة‬.
Waxaa kaloo la yiri waxay Catiiq\‫ عتيق‬u dhashay wiilla yiraahdo Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, ama
Cabdu Manaaf\‫عبد مناف‬, sida kaloo la sheegay.
Qataadah\‫ قتادة‬iyo ibnu Shihaab\‫ إبن شهاب‬iyo ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬waxay Yuunus\‫ يونس‬ka
wariyeen inuu Khadiijah\‫ خديجة‬marka hore Catiiq\‫ عتيق‬guursaday, ayadoo inan ah oo uu ka
dhintay, dabadeedna uu guursaday Abuu Haalah\‫أبو هالة‬, tanoo uu Fatxu Al Baarii\‫فتح الباري‬
wariyay, uuna ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬kitaabkiisa kale ee Al Isaabah\‫ اإلصابة‬uu labada riwaayadoodba
ku wariyay.
Guursiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Khadiijah\‫خديجة‬
Markay laba bilood iyo shan iyo labaatan maalmood kasoo wareegatay kasoo noqoshadiisa
Shaam\‫الشام‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu guursaday Ummu Al
Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab
Al Qurashiyyah, Al Asadiyyah ‫أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب‬
‫القرشية األسدية‬.
Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah guursanayey wuxuu
jiray shan iyo labaatan sano, Khadiijana\‫ خديجة‬waxay jirtay afartan sano iyo xoogaa.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسجاق‬wuxuu wariyay inay Khadiijah\‫ خديجة‬kaddib markay Nabi Muxammad,
24
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka aragtay waxay ka aragtay iyo wixii looga warramay oo
arrinkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku saabsan, ay ayadu isu soo bandhigtay, si toos
ahna u weydiisatay inuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guursado, wuxuuna yiri:
"Markaasey isu soo bandhigtay waxayna tiri:
"!‫"يا إبن عم! إني قد رغبت فيك لقرابتك وسلتطك في قومك وأمانتك وحسن خلقك وصدق حديثك‬
“Yaa ibna acmm! Inni qad raghabtu fiika li qaraabatika wa suldhatika fii qawmika wa
amaanatika wa xusna khuluqika wa sidqa xadiithika!”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ina adeerkeeyow! Waan ku doonayaa, waxaanna kuu doonayaa qaraabannimadaada iyo
awoodda aad tolkaa dhexdiisa ku leedahay iyo ammaanadaada iyo suubanaanta khuluqdaada iyo
runlownimadaada."
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu isaguna ka wariyay Al Waaqidii\‫ الواقدي‬inay gabadha la yiraahdo
Nafiisah binti Munabbih\‫ نفيسة بنت منبه‬ay tiri:
"Khadiijah\‫ خديجة‬waxay ahayd haweeney go'aan iyo xoog leh, shariifad ah, ayna u wehliyaan
intaas wuxuu Ilaahay ayada la doonay oo karaamo iyo khayr ah, ayadoo markaas Quraysh \‫قريش‬
ugu gobsan xagga nasabka, uguna sharaf badan, uguna maal badan, ragga tolkeeda oo idilna uu
ku dadaalayey inuu guursado, hadday taas awoodaan.
Raggu way doonayeen, maalna ay ku bixiyeen daraadeed.
Markaasey aniga waxay ii dirtay, si qarsoodi ah Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, kaddib markuu Safarkeeda Shaam\‫ الشام‬kasoo celiyay.
Markaasaan intaan u tegey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaan waxaan ku iri:
"Muxammadow‫ محمد‬-Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- maxay tahay sababta kuu diidan inaad
guursatid?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"ما بيدي ما أتزوج به‬
"Maa bi yadii maa atazawwaju bihi",
oo macneheedu yahay:
"Gacanteyda kuma ay jiro wax maal ah oo aan ku guursado".
Waxaan iri:
"Haddii taas lagaaga filnaado, laguuguna yeero maal iyo qurux iyo sharaf iyo kafaa'o -oo ah
haweeney kuu dhiganta, oo kufkaaga ah- soo yeeli meysid?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"‫"فمن هي؟‬
"Fa man hiya?"
25
oo macneheedu yahay:
"Waana tee?"
Waxaan iri:
"Khadiijah\‫خديجة‬."
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"‫"وكيف لي بذلك؟‬
"Wa kayfa lii bi thaalika?"
oo macneheedu yahay:
"Sideebeyna taasi iigu ahaaneysaa?"
Markaasaan tegey oo aan Khadiijah\‫ خديجة‬u sheegay. Markaasey isaga laftiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, u ciddirtay oo ay fartiintaan u fartay:
".‫"أن ائت لساعة كذا‬
"Saacad hebla ii imow".
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, warkaas adeerradiis u sheegay."
Waxaa labadaas riwaayadoodna la isugu geyn karaa sidatan: inay Khadiijah\‫ خديجة‬marka hore
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nafiisah\‫ نفيسة‬u dirtay, si ay u ogaato inuu
guursigeeda raalli ku yahay, markay ogaatayna inuu ku yahay ay ayada lafteedu la hadashay.
Wuxuu kaloo ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬Al Mubtada'\‫ المبتدء‬ku wariyay oo yiri:
"Haweenka Quraysh\‫ قريش‬waxay lahaayeen maalin ay kulmaan. Markaasey maalin isku
yimaadeen. Markaasaa shirkoodaas waxaa yimid nin yuhuudi ah, wuxuuna haweenka ku yiri:
"Haweenka Qurayshow\‫ !قريش‬Waxaa hubaal ah inuu Quraysh\‫ قريش‬Nabi kasoo bixi doono.
Marka tiinna karta inay firaash (waana haweeney) u noqoto, sidaas ha yeesho".
Markaasey haweenku yuhuudiga quruurux la dhaceen oo ay caayeen, ayna si adag ula
dhaqmeen. Khadiijase\‫ خديجة‬hadalka yuhuudiga way ka aamustay, kumana ayan kicin waxay
haweenka kale faleen oo ay ninka kala hortageen. Warka uu ninkaasi yirina qalbigeeda ayuu ku
xasilay.
Markaasey markuu Maysarah\‫ ميسرة‬uga warramay Aayaatka uu ku arkay Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo waxay ayada lafteeduba aragtay, ayay waxay tiri:
".‫ ما ذاك إال هذا‬،‫"إن كان ما قال اليهودي حقا‬
“In kaana maa qaala al yahuudiyyu xaqqan, maa thaaka illaa haathaa.”
26
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Hadduu waxa uu yuhuudigu sheegay run yahay, kaasi ma aha -waa Nabigaase- mid aan kan
ahayn." Intaasuu ku egyahay warka ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ee arrinkaan.
Gogosha doonidda iyo guurga Khadiijah\‫خديجة‬
Gogosha Khadiijah\‫ خديجة‬lagu doonayey waxaa kasoo qayb galay Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, adeerradiis qaarkood, sida Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬iyo Xamzah\‫حمزة‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa goobjoog ahaa Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬iyo madaxda Mudar\‫( مضر‬Mudar\‫ مضر‬waa
awoowaha toddoba iyo tobnaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayna ka
farcameen qabiilka Carbeed oo weyn oo isagana Mudar\‫ مضر‬la yiraahdo, waana daad dhibic kor
ku leh).
Markaasuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬Khadiijah\‫ خديجة‬doonay, oo uu khudbo jeediyey, oo uu yiri:
‫ وجعلنا حضنة‬،‫ وعنصر مضر‬،‫ وضئضى معد‬،‫ وزرع إسماعيل‬،‫"الحمد هلل الذي جعلنا من ذرية إبراهيم‬
،‫ ثم إن ابن أخي هذا‬،‫ وجعلنا الحكام على الناس‬،‫ وحرما آمنا‬،‫ وجعل لنا بيتا محجوجا‬،‫ وسواس حرمه‬،‫بيته‬
،‫ وأمر حائل‬،‫ فإن المال ظل زائل‬،‫ فإن كان في المال قلة‬،‫ اليوزن برجل إال رجح به‬،‫محمد بن عبد هللا‬
‫ "ومحمد من الذين قد عرفتم قرابته لهاشم وعبد المطلب واآلباء‬:‫ومحمد ممن قد عرفتم قرابته (وفي نسخ‬
‫ وقد خطب خديجة بنت خويلد وبذل لها ما آجله وعاجله من مالي‬،)‫ فالحسب أعظم من كثرة المال‬،‫الكرام‬
".‫ وهو – وهللا – بعد هذا له نبأ عظيم وخطر جسيم‬،‫كذا‬
“Al xamdu li Allaahi Allathii jacalanaa min thurriyati Ibraahiima, wa zarca Ismaaciil, wa
d’idi’ata Macadd, wa cunsura Mudar, wa jacalanaa xadanata Baytihi, wa suwaasa
Xaramihi, wa jacala lanaa Baytan maxjuujan, wa Xaraman Aaminan, wa jacalanaa al
xukkaama calaa al nnaasi, thumma inna ibna akhii haathaa, Muxammadun bin Cabdi
Allaahi, laa yuuzanu bi rajulin illaa rajaxa bihi, fa in kaana fii al maali qillatun, fa inna al
maala thillun zaa’ilun, wa amrun xaa’ilun, wa Muxammadun mimman qad caraftum
qaraabatahu (waa fii nusakhin: “wa Muxammadun allathiina qad caraftum qaraabatuhu
li Haashimin wa Cabdu Al Mudh-dhalib, wa al aabaa’i al kiraami, fa al xasabu acthamu
min kathrati al maali), wa qad khadhaba Khadiijata bintu Khuwyalid wa bathala lahaa
maa aajiluhu wa caajiluhu min maalii kathaa, wa huwa – wa Allaahi – bacda haathaa lahu
naba’un cathiimun wa khadharun jasiimun.”
"Mahad waxaa iska leh Ilaaha naga yeelay ubadka Ibraahiim \‫إبراهيم‬, iyo abuurka
Ismaaciil\‫( إسماعيل‬oo ah aabaha Carabta dhalay, kuwaanoo dadka ugu sharaf badan),
asalkeenana geliyey Macadd\‫( معد‬oo ah awoowaha sagaal iyo tobnaad ee Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), iyo Mudar\‫مضر‬, nagana dhigay kuwa gurigiisa (waa
Kacbadee) ilaaliya, oo dhaqaaleeya, oo u adeega, oo kafaalo qaaday, iyo kuwa deggan oo
maamula Xaramkiisa, noona yeelay Guri\‫ البيت‬loo soo xajjiyo iyo Xaram\‫ الحرم‬aamin ah, oo
uusan cadaw wax nagu yeeli Karin (Siduuba Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Aayadda toddoba iyo
27
kontonaad ee Suuratu Al Qasasi\‫ سورة القصص‬ku yiri:
ِ ‫أَولَم ُنم ِّكن لَهم حرما آ‬
)77( ‫َمًنا‬
ً َ َ ُْ ْ َ ْ َ
"Awa lam numakkin lahum Xaraman aaminan(57)",
oo macneheedu yahay:
"Miyaanan dejin oo ku sugin Xaram aamin ah?(57)"), nagana dhigay kuwa dadka u taliya oo
xukuma, dadkuna ay ugu hoggaansan yihiin kariimnimada akhlaaqdooda iyo wanaagga la
dhaqankooda, aanna ahayn xukun dadka lagu dhibayo oo lagu qahro. Intaas kaddib, wiilkaan uu
walaalakay dhalay oo ah Muxammad bin Cabdu Allaahi\‫ محمد بن عبد هللا‬-Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam- oo nin kastoo lala miisaamo uu rajaxayo oo uu ka culusaanayo, xagga sharafta,
gobannimada, fadliga iyo caqligaba.
Hadday maaalkiisa yaraani ku jirto, maalku waa har guura - oo sida hooska uu dhakhso u suulo
oo kale ayuu isaguna u tagaa- iyo arrin aan harin -oo maalku qof ayuu ka guuraa oo uu qof kale
u guuraa, ama sifooyinkiisa ayaaba is beddela- iyo caariyo lagaa ceshanayo. Muxammadna\‫محمد‬
-Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- wuxuu ka mid yahay kuwa aad ogsoon tihiin
qaraabannimadiisa Haashim‫ هاشم‬iyo Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬iyo aabayaalkooda
kiraamta ah, oo sidaasuu nasabku uga qiimo badan yahay maal badnida-, wuxuuna soo doonay
Khadiijah bintu Khuwaylid‫خديجة بنت خويلد‬, wuxuuna siinayaa, si ay deeqsinnimo ku
dheehantahay meher inta la hormarinayo iyo inta dib laga bixinayo, oo maalkeyga ah, intaas
yahay. Intaas aan iri kaddibna, wa Allaahi\‫ وهللا‬isagu (waana Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam) wuxuu leeyahay mustaqbal wayn (oo aydnaan adinku ogayn, taasoo
tilmaameysa wuxuu isaga laftiisu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ah ka arkay barakooyinkiisa Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, markuu ciyaalkiisa cunnada la cunayo iyo wuxuu Baxiiraa \‫ بحيرى‬uga
sheegeyba) iyo qadar jaliil ah oo weyn."
Markaasuu u guuriyey.
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu khudhbaddiisa ku daray, siduu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬u wariyay,
isagoo sheegay inay Khadiijana\‫ خديجة‬guursiga Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay
ayaduna dooneyso.
Markuu Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬khudhbadiisa dhammeeyey, ayaa waxaa hadlay Waraqah bin
Nawfal\‫ ورقة بن نوفل‬-oo ah Khadiijah\‫ خديجة‬ina adeerkeed-, wuxuuna yiri:
"Mahad waxaa iska leh Ilaaha naga dhigay sidaad u xustay, nagana fadli yeelay kuwaad tirisay,
maxaa yeelay annagu waxaan nahay madaxda Carabta iyo hoggaamiyayaalkooda. Adinkuna
intaas oo idil ehel ayaad u tihiin oo mudan tihiin. Cashiiradu -waana Quraysh\‫ قريش‬oo tolkooda
ah- ma inkireyso fadligiinna, axad dadka ka mid ahoo diidaya faankiinna iyo sharaftiinnana ma
jiro. Annaguna waxaan dooneynnaa inaan xariggiinna qabsanno, oo la xiriirno iyo
sharaftiinnaba. Marka marag iiga ahaada, madaxda Qureeyshey\‫قريش‬, inaan Khadiijah bintu
Khuwaylid‫ خديجة بنت خويلد‬u guuriyey Muxammad bin Cabdu Allaahi\‫( محمد بن عبد هللا‬Saallaa
Allaahu Calayhi Wasallam), meherkeeduna uu yahay afar boqol oo diinaar."
Markuu Waraqah\‫ ورقة‬intaas yiri kaddib, wuu aamusay. Markaasuu Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬
wuxuu yiri:
28
".‫"قد أحببت أن يشركك عمها‬
“Qad axbabtu an yushrikaka cammuhaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan jeclaan lahaa inuu arrinkaan adeerkeedna kula wadaago."
Markaasuu Khadiijah\‫ خديجة‬adeerkeed Camr bin Asad\‫ عمرو بن أسد‬wuxuu yiri:
"Marag iiga noqda, madaxdda Qureyshey\‫قريش‬, inaan Muxammad bin Cabdu Allaahi ‫محمد بن‬
\‫( عبد هللا‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) u guuriyey Khadiijah bintu Khuwaylid ‫خديجة بنت‬
\‫خويلد‬."
Khadiijah‫ خديجة‬aabeheed Khuwaylid bin Asad\‫ خويلد بن أسد‬markaas ma noola, oo wuxuu dhintay,
siduu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬uga wariyay Al Dhabarii\‫الطبري‬, oo ka wariyay ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬
iyo Caa'ishah\‫ عائشة‬iyo Jubayr bin Mudhcim\‫الجبير بن مطعم‬, oo yiri:
"Wuxuu ahaa Camr bin Asad\‫ عمرو بن أسد‬kan Khadiijah bintu Khuwaylid\‫خديجة بنت خويلد‬
u guuriyey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo uu Khuwaylid‫خويلد‬
Xarbiga Al Fijjaari\‫ حرب الفجار‬hortood dhintay.
Khuwaylid bin Asad\‫ خويلد بن أسد‬ayuu ahaa ninka ku qabsaday boqorka Yamaneed\‫ يمن‬ee Tubbac
Al Aakhar\‫ تيع اآلخر‬markuu inta soo xajjiyay uu damcay inuu Xajaru Al Aswadka \‫الحجر األسود‬,
waa Dhagaxa Madoobe, inuu inta Kacbada kala baxo arligiisa Yaman\‫ يمن‬la aado oo uu u qaato.
Markaasuu Khuwayli\d‫ خويلد‬ku qabsaday. Waxaa kaloo arrinkaas ku qabsashada ku dhinac
istaagay ayaguna rag kale.
Markaasuu Tubbac\‫ تبع‬wuxuu ku riyooday riyo aad u cabsi gelisay. Markaasuu arrinkaas ka
haray, uuna iska daayey, arligiisana uu dib ugu laabtay isagoo aan Dhagaxa Madow la bixin oo
qaadan." Intaas weeye warka ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬.
Sidaas ayay madaxda Quraysh\‫ قريش‬guurkaas markhaati uga ahaayeen. Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Khadiijah bintu Khuwaylid\‫ خديجة بنت خويلد‬meher ahaan u
siiyey, uuna ka siiyey maalka adeerkiis Abuu Dhaalib\‫أبوطالب‬, laba iyo toban wiqiyadood oo
dahab ah iyo wiqiyad nuskeed. Wiqiyad kastana waxay ahayd afartan dirham, siduu u yiri Al
Muxibbu Al Dhabari\‫المحب الطبري‬.
Sidaas ayuu meherka wadartiisu wuxuu yahay shan boqol oo dirham oo dahab sharci ah. Muslim
\‫ مسلم‬wuxuu Caa'ishah\‫ عائشة‬ka wariyay, Allaha raalli ka noqdee, inay tiri:
:‫" قالت‬.‫ "ال‬:‫ أتدري ما النش؟" قلت‬.‫"كان صداقه صلى هللا عليه وسلم ألزواجه إثنتي عشرة أوقية ونشا‬
".‫ وذلك خمس مأة درهم‬،‫"نصف أوقية‬
29
"Kaana sadaaquhu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, li azwaajihi ithnatay cashrata
awqiyatan wa nashan. A tadrii maa al nash-shu? Qultu: "Laa". Qaalat nisfu awqiyatin, wa
thaalika khamsa mi'atin dirham."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Meherkiisa uu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam haweenkiisa oo idil siiyay wuxuu ahaa laba
iyo toban wiqiyadood iyo nash. Ma ogtahay wuxuu nash yahay?" Waxaan iri: "Maya". Waxay
tiri: "Waa wiqiyad nuskeed." Sidaas ayay wadarta uu haweeney walba meher ahaan u siiyay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay shanh boqol oo dirham oo dahab ah tahay."
Markuu guurku dhacay, ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, u kacay inuu guriga ka
baxo.
Markaasey Khadiijah\‫ خديجة‬waxay ku tiri:
"‫"إلى أين يا محمد؟‬
“Ilaa ayna yaa Muxammad?”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Xaggeebaad u socotaa Muxammadow?"
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫ وأطعم الناس‬،‫"أذهب وأنحر جزورا أو جزورين‬
"Ath-habu wa anxaru jazuuran aw juzuureyni, wa adhcimu al nnaasa"
oo macneheedu yahay:
"Waxaan u baxayaa inaan rati ama laba rati gawraco, oo aan dadka cunno siiyo."
Sidas ayuuna yeelay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Taasna waxay ahayd waliimadii ugu
horreysey oo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sameeyo.
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu kaloo Al Muntaqaa\‫ المنتقى‬ka wariyay inuu qoray oo yiri:
"Markaasey Khadiijah\‫ خديجة‬jaariyadeheeda amartay inay cayaaraan oo ay dafka tumaan.
Isagana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ku tiri:
".‫ وأطعم الناس وهلم فقل مع أهلك‬،‫"مر عمك ينحر بكرا من بكراتك‬
“Mur cammaka yanxaru bakran min bakraatika, wa adhcimi al nnaasa wa halumma fa qil
maca ahlika.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Adeerkaa waxaad amartaa inuu qaalin qaalmahayga ka mid ah gawraco, oo uu dadka cunno
siiyo, ehelkaagana (waana xaaskaagee) la qayluulee (oo ah seexashada duhurka kaddib la
seexdo, oo qorraxda laga harsado). Sidaas ayuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yeelay."
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬wuxuu farxay farax xoog leh, inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
30
Wasallam, Khadiijah\‫ خديجة‬guursaday, wuxuuna yiri:
".‫"الحمد هلل الذي أذهب عنا الكرب ودفع عنا الهموم‬
“Al xamdu li Allaahi Allathii ath-haba cannaa al kariba wa dafaca cannaa al humaama.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Mahadda waxaa leh Ilaahay, oo kurbada naga qaaday, walwal iyo hammina naga qaaday."
Ilmahay Khadiijah\‫ خديجة‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam u dhashay
Ummu Al Mu'miniina Khadiijah\‫ أم المؤمنين خديجة‬waxay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, u dhashay lix cunug, oo ay labana wiilal yihiin, afarna gabdho, siduu u
wariyay Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬.
Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬, oo ah dhasha Al Zubayr ibnu Al Cawwaamu ‫الزبير إبن‬
‫العوام‬, saxaabiga wayn oo ay dhashay Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib ‫صفية بنت عبد‬
\‫المطلب‬, eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo xawaarigiisa‫حواريه‬,
wuxuuna dhashay sanadka boqol iyo labo iyo toddobaatan ee Hijriga, wuxuuna dhintay sanadka
laba boqol iyo lix iyo konton, kitaabkiisana waxaa la yiraahdaa Jamharatu Nasabu Qurayshin wa
Akhbaarihaa\‫جمهرة نسب قريش وأخبارها‬, oo marka ugu dambeysey lagu daabacay Riyaadh ee dalka
Sacuudiga.
Al Zubayr ibnu Bakkaar‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay adeerkey Muscab\‫ مصعب‬oo yiri:
"Khadiijah‫ خديجة‬waxay u dhashay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam:
)kow) Al Qaasim‫ القاسم‬iyo
(Laba) Al Dhaahi\‫الطاهر‬, kanoo lana yiraahdo Al Dhayyibu\‫الطيب‬, magaciisuna waa Cabdu
Allaahi\‫عبد هللا‬."
Al Zubayr\‫ الزبير‬adeerkiis waxaa la yiraahdaa Abuu Cabdu Allaahi Al Muscab bin Cabdu Allaahi
bin Al Muscab Al Zubayrii\‫أبو عبد هللا المصعب بن عبد هللا بن المصعب الزبيري‬, noolaana inta u dhexeysa
boqol iyo lix iyo konton ilaa laba boqol iyo lix iyo soddon, wuxuuna leeyahay kitaab la yiraahdo
Kitaabu Nasabu Quraysh\‫كتاب نسب قريش‬.
Al Zubayr bin Bakkaar‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu kaloo wariyay oo uu yiri:
"Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ibraahiim\‫ إبراهيم‬ka sokow, wuxuu lahaa
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬oo isagoo yar Makkah\‫ مكة‬ku dhintay, waxaana kaloo lagu magacaabaa Al
Dhayyibu\‫ الطيب‬iyo Al Dhaahiru\‫الطاهر‬, oo Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu leeyahay saddex
magac."
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri: "
Taas weeye siday yiraahdeen inta badan ee culummada nasabka ku xeel dheer. Waxaana sidaas
yiri Abuu Cumar\‫ أبو عمر‬oo ah Yuusuf bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al
31
Barr\‫يوسف بن عبد هللا بن محمد بن عبد البر‬, al xaafith\‫الحافظ‬, al callaamah\‫العالمة‬, al imaam\‫اإلمام‬, midka
dadka zamankiisa uga kor maray xifthiga iyo al itqaanu\‫اإلتقان‬, oo ah sugidda runnimada warka,
dhintayna sanadka afar boqol iyo saddex iyo lixdan, waana isaga allifay kutubbo uu ugu caan san
yahay Al Istiicaabu fii Macrifati Al Asxaabi\‫اإلستيعاب في معرفة األصحاب‬, oo afar mujllad ka kooban.
Al Daarqudhniyyuna\‫ الدارقطني‬wuxuu yiri:
"Taas weeye midda sugan", o ah inay wiilashiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saddexdaas
ahaayeen."
Gabdhaha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ahaayeen, oo la isku
wada waafaqay, afar, oo kala ah
(Kow) Zaynab\‫زينب‬,
(Laba) Ruqayyah\‫رقية‬,
(Saddex) Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬iyo
(Afar) Faadhimah\‫فاطمة‬.
Taas weeye midda saxiixa ah, inay caruurtiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, toddoba
ahaayeen, oo kala ah saddex wiil iyo afar gabdhood, ayna dhammaantood dhashay
Khadiijah\‫خديجة‬, intaan lbraahiim\‫ إبراهيم‬ka ahayn oo ay hooyadiis ahayd Ummu Al Mu'miniina
Maariyah Al Qibdhiyyah\‫أم المؤمنين مارية القبطية‬.
Waxaan hadana mid walba oo caruurtaas ka mid u xuseynnaa goonidiis, annago sheegeynna wax
ka mid intii laga wariyay, Inshaa'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
Kow. Al Qaasimu\‫القاسم‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Al Qaasimu\‫ القاسم‬, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa ugu
horreeyey caruurtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Al Qaasim\‫ القاسم‬wuxuu dhashay
Nabinnimada horteed, siday u sugeen Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬iyo ibnu Xajar
Al Casqalaanii\‫ إبن حجر القسقالني‬oo yiri:
"Al Qaasim\‫ القاسم‬waa curadkiisa" Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wiilkiisaan ayaa loogu koofaaray, oo loogu bixiyay "Abaa Al
Qaasim\‫ "أبا القاسم‬oo ah "Al Qaasim\‫ القاسم‬aabihiis".
Al Qaasim\‫ القاسم‬wuxuu noolaa ilaa uu ka socdo, siduu u wariyay Al Zubayr ibnu Al
Bakkaar ‫ الزبير إبن البكار‬oo sheekhiisa ka wariyay oo yiri:
"Nuujintiisuse kaamil ma ayan noqon",
oo macneheedu yahay inuusan labo sano gaarin, ayadoo cunugga labo sano oo kaaamil ah la
nuujiyo, kaddibna naaska laga gooyo.
Dhimashada Al Qaasim\‫القاسم‬
Al Imaamu, al callaamah, al xaafith Abii Bakr Jacfar bin Muxammad al Firyaabii ،‫ العالمة‬،‫اإلمام‬
\‫الحافظ أبي بكر جعفر بن محمد الفريابي‬, oo loo nisbeeyey Firyaab\‫ فرياب‬oo ah degmo Turkiga\‫ تركيا‬ka
tirsanayd oo Balkh\‫ البلخ‬agteeda ahayd, ahaana qaalliga Diinwar\‫دينور‬, oo kutubbada badan
sannifay, thiqqada\‫ ثقة‬lagu kalsoon yahay oo la aamino, uuna Al Khadhiibu Al Baghdaadii ‫الخطيب‬
\‫ البغدادي‬ka yiri: "Wuxuu ka mid ahaa weelasha cilmiga iyo ehelka macrifada iyo fahmada", kuna
32
wareegay arliga barigiisa iyo galbeedkiisa, dhashayna sanadka Hijriga ee laba boqol iyo toddoba,
dhintayna bisha Muxarram\‫ محرم‬ee sanadka saddex boqol iyo kow, wuxuu Musnadkiisa\‫ المسند‬ku
xusay wax tilmaamaya in Al Qaasimu\‫ القاسم‬lagu oofsaday Islaamka dhexdiisa iyo Nabinnimada
kaddib.
Imaamkaan iyo Al Dhayaalisii‫ الطيالسي‬iyo Al Xarbii\‫ الحربي‬iyo ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬waxay ka
wariyeen Faadhimah bintu Al Xusayn\‫فاطمة بنت الحسين‬, oo aabeheed Al Xusayn\‫الحسين‬, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka warisay inuu yiri:
".‫ "يا رسول هللا درت لبينة القاسم فلو كان هللا أبقاه حتى يتم رضاعه‬:‫ قالت خديجة‬،‫"لما مات القاسم‬
“Lammaa maata Al Qaasimu, qaalata Khadiijah: “Yaa Rasuula Allaahi darrat labiinatu
Al Qaasimi fa law kaana Allaahi abqaahu xattaa yatimma radaacahu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markuu Al Qaasimu‫ القاسم‬dhintay ayay Khadiijah‫ خديجة‬waxay tiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Qaasimu‫ القاسم‬caanihiisii way
darareen oo bateen, oo hadduu Ilaahay baaqi ka dhigi lahaa ilaa uu nuujintiisa ka kaamilo".
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"كان تمام رضعه في الجنة‬
"Kaana tamaamu radcihi fii Al Jannati",
oo macneheedu yahay:
"Nuujintiisa waxaa lagu kaamilay Jannada dhexdeeda".
Khadiijah waxay tiri:
".‫"فلو أعلم ذلك يا رسول هللا لهون علي أمره‬
“Fa law aclamu thaalika yaa Rasuula Alaahi la hawwana calayya amruhu.”
Xadiithkla macnihiisu waxaa weeye:
"Hadda markaan taas ogaaday amarkeyga ayay khafiif ka dhigeysaa", oo ah walwalkii hooyo
waa yaraanayaa. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"إن شئت دعوت هللا فأسمعك صوته‬
"In shi'ti dacawtu Allaaha, fa asmacaki sawtahu",
oo macneheedu yahay:
"Haddaad dooneysid Ilaahay ayaan baryayaa markaasuu codkiisa ku maqashiinayaa".
Markaasey waxay tiri:
33
".‫"بل أصدق هللا ورسوله‬
“Bal usaddiqy Allaaha wa Rasuulahu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Bal waxaan rumaynayaa Ilaahay iyo Rasuulkiisa" Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Al Xarbii\‫ الحربي‬wuxuu yiri: "Khadiijah\‫ خديجة‬Al Qaasimu\‫ القاسم‬way u murugtay ilaa ay
caaneheedu ka dararaan."
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu kitaabkiisa Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku yiri:
"Taasi waa war aad u cad, inuu Al Qaasim\‫ القاسم‬Islaamka dhexdiisa ku dhintay, laakin sanadka
(xadiithka) waxaa ku sugan tabar yari".
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu kitaabkiisa Al Rawdu\‫ الروض‬ku yiri:
"Taasi waa calaamad tusineysa Khadijjah\‫ خديجة‬fiqigeeda, ayadoo kahatay inay aragto wiilkeeda
oo Jannada dhexdeweda lagu nuujinayo, oo uu markaas seego ajarkay ka heleyso rumaynta
ghaybka araggeenna ka maqan. Ilaahayna wuu ammaanay kuwa ghaybka rumeeya".
Waa intaas warka Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Yuunus bin Bukayr\‫ يونس بن بكير‬wuxuu ku wariyay kitaabka Fii Ziyaadati al Maghaazii ‫في زيادة‬
\‫المغازي‬, kana wariyay Calii bin Al Xusayn\‫ العلي بن الحسين‬inuu yiri:
"Al Qaasim\‫ القاسم‬wuxuu gaaray da'da uu daabadaha fuulo, uuna ku dheereeyo awrta xoogga
badan oo lagu tartamo.
Soo degidda Suuradda AI Kawthar\‫سورة الكوثر‬
Markaasaa marka la qabtay (uu dhintay), ayuu Al Caasii bin Waa'il\‫ العاصي بن وائل‬wuxuu yiri:
"Muxammad\‫ محمد‬-Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam- waa gablamay."
Markaasaa waxaa soo degatay Suuradda Innaa Acdhaynaaka Al Kawthara\‫سورة إنا أعطيناك الكوثر‬,
oo cawil celin looga dhigayo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam musiibada ku gaartay
dhimashada Al Qaasimu\‫القاسم‬."
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku yiri:
"Middaanna waa daliil kale inuu Al Qaasim‫ القاسم‬Islaamka dhexdiisa ku dhintay."
Al Qaasimu‫ القاسم‬wuxuu ahaa kan ugu horreeya oo caruurta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, dhinta. Ibnu Sacd‫ إبن سعد‬iyo ghayrkiisba waxay wariyeen oo ay yiraahdeen:
"Salmaa\‫ سلمى‬waxay ahayd mawlada Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib ‫صفية بنت عبد‬
\‫المطلب‬, oo Khadiijah\‫ خديجة‬ka umulisay caruurteeda oo dhan, waxayna sheegtay inay Khadiijah
‫ خديجة‬ay wiil kasta ugu walqashay laba wan, gabar walbana wan, iyo inay labadii cunugba oo ay
dhashay ay hal sano kala weynaayeen. Ilmeheedana ayada lafteeda ayaa nuujin jirtay."
34
Suuradda Al Kawthar‫ سورة الكوثر‬wuxuu Ilaahay Tacaalaa ku yiri:
)3( ‫) إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْالَْبرَُر‬2( ‫ِّك َو ْان َح ْر‬
َ ‫ص ِّل لِ َرب‬
َ ‫َعطَ ْي َن‬
ْ ‫ إَِّنا أ‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
َ َ‫) ف‬1( ‫اك اْل َك ْوثََر‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Innaa acdhaynaaka al Kawthara(1)Fasalli li
Rabbika wa anxar(2)Inna shaani'aka huwa al abtar(3)."
Suuradda macneheedu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Annagaa ku siinnay Al Kawthar(10)Ee Rabbigaa u
tuko, daraadisna wax u gawrac(2)Midka cadawgaaga ah oo ku neceb isagaa khayr oo dhan laga
fogeeyey, gablamayna oo cirib go'ay(3)".
Imaam Al Baghawii\‫ البغوي‬wuxuu tafsiirkiisa Anas\‫ أنس‬uga wariyay inuu yiri:
"Maalin maalmaha ka mid ah, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
dhexdeenna ku sugan yahay oo aan la joogno, ayuu in gaaban indhaha isku qabtay, sida isagoo
seexday oo kale. Kaddibna madaxa ayuu kor usoo qaaday isagoo ilko caddeynaya. Markaasaan
waxaan niri:
"Maxaa kaa qosliyay Rasuulka Ilaahayow?"
Wuxuu yiri:
‫) إِ َّن َشانَِئ َك‬2( ‫ِّك َو ْان َح ْر‬
َ ‫ص ِّل لِ َرب‬
َ ‫َعطَ ْي َن‬
ْ ‫ إِنَّا أ‬.‫ بسم اهلل الرحمن الرحيم‬:‫ فقرأ‬،‫"نزلت علي سورة‬
َ َ‫) ف‬1( ‫اك اْل َك ْوثََر‬
‫ فيه خير‬،‫ "فإنه نهر وعدنيه ربي‬:‫" قال‬.‫ "اهلل ورسوله أعلم‬:‫ "تدرون ما الكوثر؟" قلنا‬:‫ ثم قال‬،)3( ‫ُه َو ْال َْبرَُر‬
‫ إنه‬،‫ "رب‬:‫ فأقول‬،‫ فيختلج العبد منهم‬.‫ آنيته عدد انجوم‬.‫ هو حوض ترد عليه أمتي يوم القيامة‬.‫كثير‬
".‫ "ما تدري ما أحدث بعدك‬:‫" فيقول‬.‫مني‬
"Nazalat calayya aanifan Suuratun, fa qara'a: "Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi.
Innaa acdhaynaaka al Kawthara(1 )Fasalli li Rabbika wa anxar(2)Inna shaani'aka huwa al
abtar(3)." Thumma qaala: "Tadruuna maa al Kawtharu?" qulnaa: "Allaahu wa Rasuuluhu
aclamu!" Qaala: "Fa innahu nahrun wacadaniihi Rabbii, fiihi khayrun kathiirun. Huwa
xawdun taridu calayhi ummatii Yawma Al Qiyaamati. Aaniyatuhu cadadu al nnujuumi.
Fa yakhtaliju al cabdu minhum, fa aquulu: "Rabbi innahu minnii". Fa yaquulu: "Maa
tadrii maa axdatha bacdaka!"
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Maalin maalmaha ka mid ah, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
dhexdeenna ku sugan yahay oo aan la joogno, ayuu in gaaban indhaha isku qabtay, sida isagoo
seexday oo kale. Kaddibna madaxa ayuu kor usoo qaaday isagoo ilko caddeynaya. Markaasaan
waxaan niri:
"Maxaa kaa qosliyay Rasuulka Ilaahayow?"
Wuxuu yiri:
"Waxaa haddeer igu soo degatay ‫ح ْر‬
َ ‫َع‬
َ ‫ص ِّل لِ َرِّب‬
َ ‫ط ْي َن‬
ْ ‫ إِنَّا أ‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
َ ‫ك َو ْان‬
َ َ‫) ف‬1( ‫اك اْل َك ْوثََر‬
)3( ‫) إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْال َْبرَُر‬2( . Markaasuu Akhriyay: "Bismi Allaahi Al Raxmaani Al Raxiimi.
35
Innaa acdhaynaaka al Kawthar(1)Fasalli li Rabbika wa anxar(2)Inna shaani'aka huwa al
abtar(3)."
Kaddibna wuxuu yiri:
"Ma ogtihiin wuxuu Al Kawthar\‫ الكوثر‬yahay?"
Waxaan niri: "Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa u cilmi leh."
Wuxuu yiri:
"Waa wabi uu iga ballan qaaday Rabbigay inuu isiiyo, dhexdiisa uu khayr badan ku sugan yahay,
waana barkad ay usoo aroorto ummaddeydu Maalinta Qiyaame. Tirada weelashiisa -wax looga
cabo- waa tirada xiddigaha oo kale. Markaasaa addoon ka mid ah inta la dhufto wabiga laga
jiidaya. Markaasaan waxaan leeyahay:
"Rabbiyow, aniguu iga mid yahay".
Markaasuu wuxuu leeyahay:
"Maad ogsoonid wuxuu gadaashaa falay".
Wuxuu kaloo Al Baghawii\‫ البغوي‬Anas\‫ أنس‬ka wariyay inuu yiri inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
‫ فضربت‬.‫ وحافتاه خيام اللؤلؤ‬،‫ وأحل من العسل‬،‫"دخلت الجنة فإذا أنا بنهر يجري بياضه بياض األلبان‬
".‫ "الكوثر الذي أعطاكه هللا عز وجل‬:‫ "ما هذا؟" قال‬:‫ فقلت لجبريل‬.‫ فإذا الثرى مسك أذفر‬،‫بيدي‬
"Dakhaltu Al Jannah fa ithaa anaa bi naharin yajrii bayaaduhu bayaadu al alabani, wa
axlaa mina al casali, wa xaafataahu khiyaamu al llu'lu'i. Fa darabtu bi yadii, fa ithaa al
tharaa miskun athfar. Fa qultu li Jibriila: "Maa haathaa?" Qaala: "Al Kawtharu allathii
acdhaakahu Allaahu Cazza wa Jaalla."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan galay Jannada, markaasaan waxaa arkay wabi socda, oo ay caddaantiisu la mid tahay
caddaanta caanaha, malabkana ka macaan, labadiisa jinna ay khaymado luul ah yihiin.
Markaasaan gacanteyda dhulka ku dhuftay, mase ciidduba waa miskiga la yiraahdo athfar ‫المسك‬
‫األذفر‬. Markaasaan Jibriil\‫ جبريل‬waxaan ku iri:
"Kani muxuu yahay?"
Wuxuu yiri:
"Waa Al Kawtharka\‫ الكوثر‬uu Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عز وجل‬adiga ku siiyey."
Aayadda labaad ee Suuraddana macneheedu waxaa weeye: "Marka hore Salaadda Ciidda tuko
maalinta la yiraahdo Yawmu Al Naxri\‫يوم النحر‬, oo ah Ciidda Carafo‫عيد عرفاة‬, kaddibna udxiyada
\‫ األضحية‬gawrac", o sidaas ayay u kala horreeyaan.
Siyaalo kalena waa lagu fasiray. Aayadda saddexaad siday noo sheegtayna, Al Caasii \‫ العاصي‬wuu
cirib go'ay oo uu gablamay, waxaana ka haray dhashiisa kii islaamay, kanoo ay Diintu kala
gaysay oo aan ciribtiisa ka mid ahayn.
36
Labo. Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Cabdu Allaahi‫عبد هللا‬, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu
dhintay isagoo yar.
Ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬wuxuu sanad daciif ah uga wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas ‫عبد هللا إبن‬
\‫عباس‬, labadoodaba Allaha raalli ka noqdee, inuu Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬dhintay isagoo yar,
ayadoo aan hadda la ogayn intuu noolaa.
Markaasaa markuu Cabdu Allaahi dhintay‫عبد هللا‬, ayuu Al Caasii bin Waa'il\‫ العاصي بن وائل‬wuxuu
yiri:
"Wiilashii way ka go'een, wuuna cirib go'ay."
Markaasaa waxaa soo degatay
)3( ‫إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْال َْبرَُر‬
"Inna shaani'aka huwa al abtar"
oo macneheedu yahay
"Midka cadawgaaga ah oo ku neceb isagaa khayr oo dhan laga fogeeyey gablamayna oo cirib
go'ay."
Ibnu Jariir\‫ أبن جرير‬wuxuu isaguna wariyay in ninka sidaas yiri uu ahaa Cuqbah bin abii
Mucaydh\‫عقبة بن أبي معيط‬, oo yiri:
"Muxammad -Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam-wiilna baaqi u noqon mayo oo waa gablan."
Markaasey Aayaddaani soo degatay
)3( ‫إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْال َْبرَُر‬
"Inna shaani'aka huwa al abtar".
Sidaas ayay Aayaddu labadaas ninba ugu soo degatay. Waa intaas warka ibnu Jariir\‫إبن جرير‬.
Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu
dhashay Nabinnimada kaddib, isagaana caruurta Khadiijah\‫ خديجة‬ugu yar.
Al Zubayr ibnu Bakkaar\‫ الزبير إبن بكار‬wuxuu awoowihiis Muscab\‫ مصعب‬ka wariyay inuu yiri:
"Al Zubayru bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫الزبير بن عبد المطلب بن هاشم‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis ay aabihiis Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo
adeerkiisa kale Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬isku hooyo iyo isku aabe yihiin, uuna Nabigu, Sallaa
Allahu Calayhi Wasallam, aad u jeclaa, cayaarsiin jirayna intuu yaraa oo uu agoonka ahaa,
wuxuu lahaa wiil magaciisu Al Dhaairu\‫ الطاهر‬ahaa, oo wiilasha Makkah\‫ مكة‬kuwa ugu caqli
badan ka mid ahaa.
37
Wiilkaas ina adeerkiis ah, ayuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wiilkiisa ku
sammiyay."
Sidaas ayuu wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ee Cabdu Allaahi \‫عبد هللا‬
ah wuxuu leeyahay labo kuniyo ama koofaar oo kala ah Al Dhaahiru \‫ الطاهر‬iyo Al
Dhayyibu\‫الطيب‬.
Al Daarqudhniyyu\‫ الدارقطني‬wuxuu yiri waxaa Al Dhayyibu\‫ الطيب‬loogu koofaaray maxaa yeelay
wuxuu dhashay Nabinnimada kaddib.
Al Dhayyibu‫ الطيب‬macneheeduna waa midka dhayyibka ah oo fiican.
Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku
dhintay oo lagu duugay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬wuxuuna hooyadiis Khadiijah\‫خديجة‬
iyo walaalkiis Al Qaasimu\‫ القاسم‬kula duugan yahay qubuuraha Makkah\‫ مكة‬ee Al
Xujuuna\‫ الحجون‬oo maanta loo yaqaan Al Mucallaat \‫ المعالة‬una jirta Kacbada qiyaas shan boqol
oo mitir kuna taalla dariiqa Shaaric Ghazzah\‫شارع غزة‬.
Saddex. Ibraahiimu \‫ إبراهيم‬Sallallaahu Calayhi Wasaallam
lbraahiimu\‫ إبراهيم‬, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa
kan ugu dambeeyey caruurta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Ibraahiim
\‫ إبراهيم‬hooyadiisa dhashay waa Ummu Al Mu'miniina Maariyah Al Qibdhiyyah ‫أم المؤمنين‬
\‫مارية القبطية‬, oo ahayd haweeney qurux badan oo cad.
lbraahiim\‫ إبراهيم‬wuxuu ku dhashay Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬bisha Thuu Al
Xijjah\‫ ذو الحجة‬ee sanadka sideedaad ee Hijrada.
Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu wariyay inuu lbraahiim\‫ إبراهيم‬ku dhashay
xaafadda Al Madiinah\‫ المدينة‬ee la yiraahdo Al Caaliyah\‫العالية‬, oo ahayd meeshuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Maariyah\‫ مارية‬dejiyay.
lbraahiim\‫ إبراهيم‬waxaa hoyadiis umuliso u ahayd haweenta la yiraahdo Salmaa Ummu
Raafic\‫سلمى أم رافع‬, una dhaxday Abuu Raafic\‫أبورافع‬, ahaydna mawlad Safiyyah bintu Cabdu Al
Mudh-dhalib\‫مولى صفية بنت عبد المطلب‬, eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaaahu Calayhi
Wasallam.
Markuu lbraahiim\‫ إبراهيم‬dhashay, ayuu Abuu Raafic\‫ أبورافع‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u tegey oo uu ugu bishaareeyey dhalashada wiilkiisa.
Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Abuu Raafic \‫ أبو رافع‬u
hibeeyey oo uu siiyey addoon.
Maalinta toddobaad ee dhalashadiisa ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu
ugu walqalay laba wan, timaha madaxana waxaa ka xiiray Abuu Hind Al Bayaadii\‫إبو هند الباضي‬,
mawlaha Farwah bin Camr Al Bayaadii \‫مولى فروة بن عمرو البياضي‬oo Ansaarta ka mid ah, siduu
ibnu lsxaaq\‫ إبن إسحاق‬u wariyay.
Magaca Abuu Hind|‫ أبو هند‬waxaa lagu sheegay inuu yahay Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, siduu ibnu Al
38
Sakn\‫ إبن السكن‬u yiri.
Ibnu Mundah\‫ إبن منده‬wuxuu yiri magaciisu waa Yasaar\‫يسار‬.
Waxaa kaloo la yiri Saalim\‫سالم‬.
Maalik\‫ مالك‬wuxuu Al Muwadhaa'‫ الموطأ‬ibnu Wahab\‫ إبن وهب‬uga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, toobay Abuu Hind Yasaar\‫أبو هند يسار‬.
Ibnu Al Sakn\‫ إبن السكن‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬waxay Caa'isha\‫ عائشة‬ka wariyeen inuu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"من سره أن ينظر إلى من صور هللا اإليمان في قلبه فلينظر إلى أبي هند‬
"Man sarrahu an yanthura ilaa man sawwara Allaahu al iimaana fii qalbihi fal yanthur
ilaa abii Hind".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Qofka ku farxaya inuu arko mid uu Ilaahay qalbigiisa iimaanka ku masawwiray ha fiiriyo abii
Hind."
Abuu Hind\‫ أبو هند‬wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kala qayb galay
duullaammada Badr\‫ غزوة بدر‬ka dambeeyey dhammaantood.
Markuu dhashay lbraahiim‫ إبراهيم‬, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu
amray in timaha madixiisa laga xiiray dhulka lagu duugo, wuxuuna masaakiinta ku sadaqaystay
culayskooda oo qalin ah.
Maalintaas toddobaad ee kasoo wareegatay dhalashadiisa ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wiilkiisa magaca lbraahiim\‫ إبراهيم‬u bixiyey.
Waxay Al Bukhaarii\‫ البحاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬Thaabit\‫ ثابت‬ka wariyeen inuu Anas bin Maalik ‫أنس‬
‫ بن مالك‬yiri inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ ثم دفعته إلى أم سيف امرأت قين بالمدينة‬، ‫"ولد لي الليلة غالم سميته باسم أبي إبراهيم‬
"Walada lii al llaylata ghulaamun sammaytuhu bi ismi abii Ibraahiima, thumma
dafactuhu ilaa ummi Sayf imra'ata qaynin bi Al Madiinati."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa xalay ii dhashay wiil aan ku sammiyey aabahay lbraahiim. Kaddibna waxaan u dhiibay
haweenta ummu Sayf\‫سيف‬, una dhaxda tumaal reer Al Madiinah\‫ المدينة‬ah, si ay u nuujiso."
Anas\‫ أنس‬wuxuu yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhaqaaqay, aniguna aan daba
galay. Markaasuu wuxuu u tegey Abuu Sayf \‫ أبوسيف‬oo dabka ku buufinaya Buufin, gurigiina uu
qiiq ka buuxsamay. Markaasaan socod boobay oo aan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, hortiisa socday. Markaasaan waxaan iri:
"Abuu Sayfow\‫يا أبا سيف‬, jooji buufinka, waxaa yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam." Markaasuu joojiyay."
39
Dhimashada Ibraahiim‫إبراهيم‬
Lafthiga Al Bukhaariina\‫لفظ البخاري‬, uuna Anas\‫ أنس‬ka wariyay waxaa weeye:
"Waxaan lasoo galnay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guriga Abii Sayf ‫أبي‬
\‫سيف‬, oo qabay haweenta nuujineysa, oo sidaas lbraahiim\‫ إبراهيم‬aabihiis xagga nuugmada ah.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu qaaday Ibraahiim
\‫ إبراهيم‬oo uu dhunkaday, uuna carafsaday.
Markaas kaddib ayaan hadana soo galnay ayadoo uu lbraahiim geeridu hayso. Markaasey labada
indhood ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ilmeeyeen. Markaasuu Cabdu
Al Rraxmaan bin Cawf\‫ عبد الرحمن بن عوف‬wuxuu ku yiri:
"Adiguna ma ooyeysaa Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam?"
Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫ إنها رحمة‬،‫"يا إبن عوف‬
"Yaa ibna Cawf, innahaa raxmatun",
oo Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"lna Cawfow, ilmadaani waa naxariis", ahna inuu wiilkaasi dhintay oo aan la siin fursad oo ku
noolaado, ee ma aha boohin loo booyayo inuu dhintay. Sidaas weeye macnuhu.
Markaasu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mid kale raaciyey, oo uu yiri:
".‫ لمحزونون‬،‫ يا إبراهيم‬،‫ وإنا بفراقك‬.‫ والنقول إال ما يرضي ربنا‬،‫ والقلب يحزن‬،‫"إن العين تدمع‬
"Inna al cayna tadmacu, wa al qalbu yaxzanu, wa laa naquulu illaa maa yardii Rabbanaa.
Wa innaa bi firaaqika, yaa Ibraahiimu, la maxzuunuuna."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ishu way ilmeyneysaa, qalbiguna waa tiiraanyeysan yahay, mana aanan oraneynno oo kuma
hadleynno waxaan ahayn wuxuu Rabbigeen raalli ka yahay. Annaguna firaaqiddaada, aan kala
tagnay, Ibraahiimow\‫إبراهيم‬, waan ka tiiraanyeysannahay."
Anas\‫ أنس‬isagoo booqashadaas koowaad warkeeda wali ku guda jira wuxuu yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ibraahiim\‫ إبراهيم‬qaaday, oo
uu dhunkaday, oo uu carafsaday. Haweentaas ayuu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬la joogay ilaa uu ka
dhinto."
Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu wariyay, uuna ka wariyay, siduu ibnu Sacadna
‫ إبن سعدد‬uga wariyay sheekhiisa Al Waaqidii\‫ الواقدي‬oo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Cabdu Al
Rraxmaan bin Abii Sacsacah\‫عبد هللا بن عبد الرحمن بن أبي صعصعة‬, oo yiri:
"Markuu lbraahiim\‫ إبراهيم‬dhashay, Ansaartu waxay ku tartameen haweenta ayaga ka mid ah oo
nuujineysa, ayadoo ay mid walba dooneyso inay ayadu nuujiso. Sababtuna waxay tahay inay
40
jeclaayeen inay Maariyah\‫ مارية‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u firaaqowdo oo ayan
wiilka uga mashquulin, ayagoo ogaa inuu ayada jecelyahay. Markaasuu wuxuu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Ibraahiim\‫ إبراهيم‬siiyey Ummu Burdah\‫ أم بردة‬oo magaceedu yahay Khawlah
bintu al Munthir bin Zayd Al Ansaarii\‫خولة بنت المنذر بن ويد األنصاري‬, reer banii Al Najjaar\‫بني النجار‬
u dhalatay, ahna haweenta Al Baraa'u bin Aws bin Khaalid \‫البراء بن أوس بن خالد‬, oo isaguna reer
Banii Al Najjaar\‫ بني النجار‬u dhashay.
Markaasey waxay lbraahii\‫ إبراهيم‬ka nuujisay caanaha wiilkeeda, waxayna ku nuujisay xaafadda
reer Banii Maazin bin Al Najjaar\‫بني مازن بن النجار‬. Kaddibna waxay lbraahiim‫ إبراهيم‬u celisay
hooyadiis.
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Umuu Burdah \‫ أم بردة‬siiyay tiro geed timireed
ah, nuujinta ay Ibraahiim\‫ إبراهيم‬nuujisay daraadeed. Marka, Xadiithka saxiixa ah ee ay Al
Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬wariyeenna wuxuu sheegay inay Ibraahiim\‫ إبراهيم‬nuujisay
Ummu Sayf\‫أم سيف‬.
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Waxaa marka dhici karta inuu marka hore Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ibraahiim
\‫إبراهيم‬u dhiibay Ummu Burdah\‫أم بردة‬, kaddibna Ummu Sayf\‫أم سيف‬, tanoo uu agteeda ku sugnaa
ilaa uu ka dhintay.
Waxaase la wariyay, siduu u wariyay ibnu Cabdu Al Barr\‫ إبن عبد البر‬iyo ghayrkiisba, inuu
lbraahiim\‫ إبراهيم‬ku dhintay Ummu Burdah\‫ أم بردة‬gurigeeda.
Sidaas ayaa waxaa la rajaxayaa oo ay sawaabtu ku jirtaa Xadiithka saxiixa ah."
Waa intas warka Al Qasdhalaanii\‫القسطالني‬.
Waxay Muslim\‫ مسنم‬iyo ibnu Xibbaan\‫ إبن حبان‬iyo Abuu Xaatim\‫ أبو حاتم‬ay Anas bin Maalik ‫أنس‬
\‫ بن مالك‬ka wada wariyeen inuu yiri:
"Ma aanan arag axad caruurta uga naxariis badan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam. Wiilkiisa lbraahiim\‫ إبراهيم‬waxaa lagu nuujiyay xaafadda Al Caaliyah\‫ العالية‬ee Al
Madiinah\‫المدينة‬. Markaasuu aadi jiray, ayadoo aan annaguna la soconno. Markaasuu guriga
galaa. Ninka haweenta nuujineysa qabana wuxuu ahaa tumaal. Markaasuu inta qaado
dhunkadaa."
Wuxuu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬Caa'ishah\‫ عائشة‬ka wariyay inay tiri:
".‫"عاش سبعة عشر أو ثمانية عشر شهرا‬
“Caasha sabcata cashra aw thamaaniyata cashra shahran.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"lbraahiim wuxuu noolaa toddoba iyo toban ama sideed iyo toban bilood."
Axmad\‫ أحمد‬wuxuu isaguna wariyay inuu sided iyo toban bilood noolaa.
41
Al Waaqidii\‫ الواقدي‬wuxuu wariyay inuu Ibraahii\‫ إبراهيم‬,Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
dhintay bisha Rabiicu Al Awwal\‫ربيع األول‬, maalin talaado ah oo ay toban habeen ka gudbeen ee
sanadka tobanaad ee Hijrada.
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu Jaabir\‫ جابر‬ka wariyay inuu:
"Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf\‫عبد الرحمن بن عوف‬
gacanta ku dhegey oo uu markaas keenay Al Nakhla\‫ النخل‬oo ah geedaha timirta, mase waaba
wiilkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo geeridu hayso.
Markaasuu soo qaaday oo uu dhabtiisa saaray, ayna labadiisa indhood, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ilmeeyeen, oo ay ilmadu kasoo hoortay. Kaddibna wuxuu yiri:
".‫ تبكي العين ويحزن القلب وما نقول ما يسخط الرب‬.‫"إنا بك يا إبراهيم لمحزونون‬
"Innaa bika yaa Ibraahiimu la maxzuunuuna. Tabkii al caynu wa yaxzanu al qalbu,
wa maa naquulu maa yaskhidhu Al Rabba."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waan kuu tiiraanyeysannahay, Ibraahiimo\‫ ! إبراهيم‬Ishu way ilmeyneysaa, qalbiguna waa
tiiraanyeysan yahay, mana aan oraneynno, oo ku hadli maynno wax Rabbiga ka careysiiya."
Waxaa sidaas u wariyay Abuu Cumar bin Al Samaak \‫أبو عمر بن السماك‬.
Anas\‫ أنس‬wuxuu intaas ku daray, siday saxiixa ugu sugnaatay:
"inuu Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf\‫ عبد الرحمن بن عوف‬yiri:
"Adiguna waad booyeysaa!", isagoo la yaaban inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
booyayo.
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ugu jawaabay:
".‫"إنها رحمة‬
"Innahaa raxmatun",
oo macneheedu yahay:
"Waa naxariis", oo macneheedu yahay inay ilmayntaasu tahay qalbi jilayc cunuggas dhintay,
ayanse ahayn sabir darro iyo in Ilaahay loo caraysan yahay inuu Ibraahiim \‫ إبراهيم‬qaatay."
Ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬waxay Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf ‫عبد الرحمن بن‬
‫ عوف‬ka wariyeen inuu yiri:
"Markaasaan waxaan iri:
"Rasuula Ilaahayow, ma booyeysaa? Soo nagama aadan reebin boohinta marka qof dhinto?"
Markaassu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ وصوت عند‬،‫ صوت عند نغمة لهو ولعب ومزامير الشيطان‬:‫"إنما نهيت عن صوتين أحمقين فاجرين‬
".‫ اليرحم‬،‫ ومن اليرحم‬،‫ إنما هي رحمة‬.‫ ورنة الشيطان‬،‫ وشق جيوب‬،‫ خمش وجوه‬،‫مصيبة‬
"Innamaa nahaytu can sawtayni axmaqayni faajirayni: sawtun cinda naghmata lahwin wa
42
lacabin wa mazaamiira al sh-shaydhaani, wa sawtun cinda musiibatin, khamsha wujuuhin,
wa shaqqa juyuubin, wa rannata al shaydhaani. Innamaa hiya raxmatun, wa man laa
yarxamu, laa yurxamu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan dadka ka reebay laba cod oo doqommo iyo xadgudub ah: (kow) hadal hoos loo
yiraahdo marka lahwi iyo cayaar lagu dhexjiro iyo cuudka la afuufo -oo muusikada ah- ee
shaydhaanka; iyo (labo) cod markay musiibo dhacdo, oo wajiyada ciddiyaha lagu xagto, dharka
la xiran yahayna la jeexjeexo, iyo rannada -waa dhawaaqee- shaydhaanka, oo ah in lala qayliyo
cod sanka kasoo baxaya. Boohintaanse waa naxariis, oo qofkaan naxariisanna isagana looma
naxariisto."
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬ku yiri:
"Wiilku, yaraantiisa daraadeed iyo inay markaas geeridiiba hayso ma uusan garanayn hadalka uu
aabihiis, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, leeyahay, ee Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu hadalkaas ula dan lahaa dadka meeshaas goob joogga ahaa, uuna u sheegayo
inayan taasi ka mid ahayn tii uu hore uga reebay."
Ibraahiim\‫إبراهيم‬, kaddib markuu dhintay, waxaa dhaqay Abuu Burdah \‫أبو بردة‬, oo magaciisu
yahay, sida caanka ah, Haani' Al Ansaarii\‫هانئ األنصاري‬.
Waxaa kaloola yiri waxaa dhaqay Al Fadlu ibnu Al Cabbaas \‫الفضل بن العباس‬, Allaha raalli ka
wada noqdee. Waxaana dhici karta inay wada dhaqeen.
Markaasaa Ibraahiim‫ إبراهيم‬waxaa looga soo qaaday sariir yar guriga haweenta nuujisay, ilaa
laga keeno qubuuraha Al Baqiic\‫البقيع‬. Qubuurahaas dhexdooda ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam ku tukaday Salaadda janaazada, kulana tukaday afar Takbiirood. Markaasuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"ندفنه عند فرطنا عثمان بن مظعون‬
" Nadfunuhu cinda fardhinaa Cuthmaan bin Mathcuun",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan ku ag duugeynnaa midka naga hormaray oo ah Cuthmaan bin Mathcuun\‫عثما بن مظعون‬."
Cuthmaan bin Mathcuun‫ عثما بن مظعون‬wuxuu u dhashay Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Jumax ‫بني‬
\‫جمح‬, wuxuuna ahaa ninka ugu horreeya ee Muhaajiriinta\‫ المهاجرين‬Al Madiinah\‫ المدينة‬ugu dhinta.
Caa'ishana\‫ عائشة‬waxaa laga wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, uu
dhunkaday Cuthmaan bin Mathcuun‫ عثما بن مظعون‬oo mayd ah, isagoo ooyaya, labadiisa indhood
ay ilmo ka hooreyso, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siduu ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬Usudu Al
Ghaabah\‫ أسد الغابة‬ugu wariyay, uuna ku wariyay inuu ahaa ninka afar iyo tobnaad oo islaamah.
Marka qabriga Ibraahiim‫ إبراهيم‬halkaas laga qoday, waxaa qabrigiisa galay Al Fadlu ibnu Al
Cabbaas\‫ الفصل إبن العباس‬iyo Usaamah bin Zayd bin Al Xaarithah\‫أسامة بن زيد بن الحارثة‬,
ayadoo uu Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabriga qarkiisa taagan yahay.
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu arkay meel luxudka ka daloosha,
43
markaasuu ragga qabriga ku jira wuxuu u dhiibay cad dhoobo ah, wuxuuna yiri:
".‫ ولكنها تقر عين الحي‬،‫"إنها التضر والتنفع‬
"Innahaa laa tadurru wa laa tanfacu, wa laakinnahaa taqarru cayna al xayyi",
siduu u wariyay ibnu Sacd\‫إبن سعد‬, macneheeduna waxaa weeye:
"Wax dhib ahna ma gaysan karto, waxna tari mayso, laakiin waxaa ku farxaysa isha kan nool."
Markii qabriga ciidda lagu rogay, Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, biyo ayuu ku
rusheeyey. Ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬wuxuu nin ka mid ah reer Aali Calii\‫ آل علي‬ka wariyay inuu Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam markuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬duugayey uu yiri:
"‫"هل من أحد يأتي بقربة؟‬
"Hal min axadin ya'tii bi qirbatin?"
oo macneheedu yahay:
"Axadkiinnee ayaa sibraar biyo ah noo keenaya?"
Markaasuu nin Ansaarta ka mid ihi keenay sibraar biyo ah. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, qabriga Ibraahiim‫ إبراهيم‬biyahaas ku rusheeyey.
Qabriga Ibraahiim‫ إبراهيم‬waa qabriga ugu horreeyey oo la rusheeyo, siduu u yiri Al Zubayru
ibnu Al Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabriga
calaamad lagu aqoonsado ku calaamadeeyey. Qabriga Ibraahiim‫ إبراهيم‬qofkii manta qabuuraha
Al Baqiic\‫ البقيع‬gala waa la yaqaannaa oo waa caan.
Maalintuu Ibraahiim‫إبراهيم‬, wiilka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhintay
qorraxda ayaa madoobaatay. Markaasey waxay adadku yiraahdeen:
"Waxay la madoobaatay dhimashada Ibraahiim‫"إبراهيم‬, ayagoo markaas ka hor rumaysnaan jiray
inayan qorraxdu u madoobaan dhimashada qof wayn mooyee.
Markaasuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ فإذا رأيتم فصلوا وادعوا هللا‬.‫ واللحياته‬،‫ الينخسفان لموت أحد‬،‫"إن الشمس والقمر آيتان من آيات هللا‬
"Inna al sh-shamsa wa al qamara aayataani min aayaati Allaahi, laa yankasifaani li mawti
axadin, wa laa li xayaatihi. Fa ithaa ra'aytum fa salluu wa udcuu Allaaha."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Qorraxda iyo dayuxu waa laba aayadood -calaamadood- ee aayaadka Ilaahay ka mid ah, umana
ay madoobaadaan dhimashada axadna iyo noloshiisa midna. Marka haddaad aragtaan -waa
qorraxda iyo dayaxa oo madoobaaday- salad tukada, Ilaahyna barya." Waxaana Xadiithka
wariyey Al Bukhaarii iyo Muslim.
Markuu Ibraahiim‫ إبراهيم‬dhintay, wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
44
".‫"إن له مرضعا في الجنة‬
"Inna lahu murdican fii at Jannati",
oo macneheedu yahay:
"Wuxuu ku leeyahay Jannada dhexdeeda haweeney nuujisa."
Waxaana wariyay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Ibnu Maajah\‫إبن ماجة‬.
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"إن له ظئرين يكمالن رضاعه في الجنة‬
"Inna lahu thi'rayni yakmilaani radaacahu fii al Jannati",
oo macneheedu yahay:
"Wuxuu Jannada dhexdeeda ku leeyahay laba haweeney oo nuujintiisa kaamilaya."
Abuu Cumar ibnu Cabdu Al Barr\‫ أبو عمر إبن عبد البر‬wuxuu Anas bin Maalik\‫ أنس بن مالك‬ka
wariyay inuu yiri:
"Hadduu Ibraahiim\‫ إبراهيم‬baaqi ahaan lahaa, wuxuu noqon lahaa Nabi. Laakiin baaqi ma uusan
noqon, maxaa yeelay Nabigiinna, Sallaa Allaahu Calayhyi Wasallam, ayaa ah Nabiga ugu
dambeeyey Anbiyada."
Saddex dariiq ayaa Xadiithkaan lagu wariyay, oo kala ah:
(Kow) Ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬iyo Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬waxay ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬ka wariyeen
inuu yiri:
"Markuu dhintay Ibraahiim‫إبراهيم‬, wiilka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu ku
tukaday, wuxuuna yiri:
‫ وما استرق‬،‫ ولو عاش العتقت أخواله من القبط‬.‫ ولو عاش لكان صديقا نبيا‬،‫"إن له مرضعا في الجنة‬
".‫قبطي‬
"Inna lahu murdican fii Al Jannati, wa law caasha la kaana Siddiqan Nabiyyan. Wa law
caasha la actaqtu akhwaalahu mina al Qibdhi, wa maa istaraqqa Qibdhiyyun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wuxuu leeyahay murdicad Jannada dhexdeeda ku nuujineysa. Hadduu noolaan lahaana wuxuu
ahaan lahaa Runlow Nabi ah. Haduu noolaan lahaana waxaan xorayn lahaa abtiyaalkiisa
Qibdhiyyiinta ah, oo ah dadka Masar dega. Qof Qibdhi ahna lama addoonsadeen."
Al Burhaanu\‫ البرهان‬wuxuu yiri:
"Macneheedu waxaa weeye, hadduu noolaan lahaa, oo ay abtiyaalkiis arkaan way farxi
lahaayeen, oo ay markaas islaami lahaayeen ku farxiddiisa iyo karaameyntiisa. Markaasaa
jizyada laga ridi lahaa, ayadoo aan muslinka jizyo laga qaadin. Markaasey markay islaamaan
ayagoo xor ah, lama addoonsanayo, ayadoo xorka muslinka ah aan la addoonsan karin."
(Labo) Xadiithka labaad waxaa wariyay Ismaaciil Al Suddii\‫إسماعيل السدي‬, Abuu Muxammad ‫أبو‬
45
‫محمد‬, oo runlow ahaa reer Kuufah\‫ كوفة‬ah, oo uu Muslim\‫ مسلم‬afar Xadiith ka wariyay, wuxuuna
wariyay inuu Anas\‫ أنس‬yiri:
"Ibraahiim\‫ إبراهيم‬xoolka oo ah gogosha caruurta -waana al mahdi\‫المهد‬- ayuu buuxiyay, hadduu
noolaan lahaana wuxuu ahaan lahaa Nabi. Laakiin baaqi ma uusan noqon, maxaa yeelay
Nabigiinna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa ah Nabiga ugu dambeeyey Anbiyada".
(Saddex) Xadiithka saddexaad waxaa waraiyay Al Bukhaarii\‫البخاري‬, oo ka wariyay Sheekhiisa
Muxammad bin Bishr Al Cabdii Abii Cabdu Allaahi\‫ محمد بن بشر العبدي أبي عبد هللا‬oo reer Kuufah
\‫ كوفة‬ahaa, thiqqada lagu kalsoon yahay, ahaana xaafithka, dhintayna sanadka Hijriga ah ee laba
boqol iyo saddex, wuxuuna Xadiithkaan ka wariyey Ismaaciil bin abii Khaalid al Axmasii al
Bajalii\‫إسماعيل بن أبي خالد األحمسي البجلي‬, thiqqada lagu kalsoon yahay, dhammaantoodna ay
Axaadiithta ka wariyeen, dhintayna sanadka laba boqol iyo lix iyo afartanka Hijriga, kanoo yiri:
"Waxaan Cabdu Allaahi bin Abii Awfaa\‫ عبد هللا بن أبي أوفى‬ku iri, waana Saxaabiga Calqamah bin
Khaalid bin Al Xaarith Al Aslamii\‫الصحابي علقمة بن خالد بن الحارث األسلمي‬, aabihiisna Saxaabi ahaa,
kuna dhintay Kuufah\‫ كوفة‬sanadka toddoba iyo sideetanaad ee Hijrada, ahaana kan ugu
dambeeyey Saxaabada oo Kuufah\‫ كوفة‬ku dhintay:
"Ma aragtay Ibraahiim\‫ إبراهيم‬, wiilka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam?"
Wuxuu yiri:
"Wuxuu dhintay isagoo yar. Haddii la qadayn lahaa -oo uu Ilaahay sidaas xukumi lahaa- inuu
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi ka dambeeyo, wiilkiisa Ibraahiim \‫إبراهيم‬
\‫ إبراهيم‬wuu noolaan lahaa. Laakiin Nabi ka dambeeya ma jiro, Ilaahayna taas ma xukumin".
Ibnu Mundah\‫ إبن منده‬wuxuu ku daray inuu yiri:
"Haa waan arkay, isagaana dadka ugu ekaan badnaa."
Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Axmad\‫أحمد‬, oo ka wariyay sheekhiisa Wakiic bin Al Jarraax
‫وكيع بن الجراح‬, reer Kuufah\‫ كوفة‬ah, thiqqo lagu kalsoon yahay ah, xaafith iyo caabid ah.
Axmad\‫ أحمد‬wuxuu yiri:
"Ma aanan arag axad ka weeleyn badan cilmiga, kana xifthin badan, walina ma aanan arag
isagoo kitaab wata ama warqad." Wuxuuna dhintay sanadka boqol iyo lix iyo sagaashanka
Hijriga.
Wakiic\‫ وكيع‬wuxuu Xadiithkaas ka wariyay Ismaaciil\‫ إسماعيل‬-oo ah midka aan hore usoo
sheegnay- oo yiri:
"Waxaan maqlay ibnu Abii Awfaa\‫ إبن أبي أوفى‬oo leh:
"Hadduu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis ahaan lahaa Nabi, wiilkiisa
Ibraahiim\‫ إبراهيم‬ma dhinteen." Sidaas ayuu Xadiithakaani saxiix ku yahay.
Ibnu Al Qayyim\‫ إبن القيم‬iyo ghayrkiisba marka laga warramayo in Ibraahiim\‫ إبراهيم‬wiilka Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nuujintiisa lagu kaamilayo Jannada dhexdeeda,
wuxuu yiri:
"Waxaa Xadiithkaas ku sugan inuu Ilaahay Subxaanahu dadka ehelu Jannada ah -ahlu al
sacaadah\‫أهل السعادة‬- kaddib markay dhintaan naaqusnimada ku sugnayd intay adduunkaan
joogeen uu u kaamilayo, xattaa kan cilmiga baranaya ama Quraanka xifithaya markuu dhinto uu
u kaamil yeelayo, oo u helayo dhimashadiisa kaddib." Allaha annagana noo kaso.
46
Ekaanshaha Ibraahiim\‫إبراهيم‬
Wuxuu ibnu Mundah\‫ إبن منده‬wariyay inuu Ismaaciil bin abii Khaalid Al Axmasii Al Bajalii
\‫إسماعيل بن أبي خالد األحمسي البجلي‬, marka la waydiiyay inuu indhihiisa ku arkay Ibraahiim \‫إبراهيم‬
wiilka Nabi Mumammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yiri:
"Haa, waan arkay, isagaana dadka ugu ekaansho badnaa, waa aabihiise, Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam".
Afar. Zaynab\‫زينب‬, Sallaa Allahu Calayhaa Wasallam
Zaynab‫زينب‬, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadaa ugu wayn
gabdhahiisa, oo ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inay Zaynab‫ زينب‬dhalatay markay soddon
sano kasoo wareegatay dhalashadiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna toban sano
Bicthada\‫ البعثة‬horteed.
Zaynab‫ زينب‬Nabinnimada iyo Islaamka way soo gaartay, wayna islaamtay, Al Madiinaha Al
Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ayay Hijradii u hijrootay mar ku began Duullaanka Badr\‫غزوة بدر‬
dabadeed, siduu ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬u wariyay, uuna ka wariyay Caa'ishah\‫عائشة‬, Allaha raalli
ka wada noqdee.
Zaynab‫ زينب‬waxaa la oofsaday sanadka sideedaad ee Hijrada, siduu Al Waaqidii\‫ الواقدي‬uga
wariyay Cabdu Allaahi bin Abii Bakr bin Xazm\‫عبد هللا بن أبي بكر بن حزم‬.
Waxaa sidoo kale u sugay Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫إبن حجر العسقالني‬, oo ku sugay kitaabkiisa Al
Isaabah\‫اإلصابة‬. Ayagaas ghayrkoodna isla sidaas ayay wariyeen.
Zaynab‫ زينب‬waxaa lagu oofsaday guriga ninkay u dhaxday, oo isla markaas ah ina habaryarteed,
koofaartiisuna tahay Abuu Al Caasii\‫أبو العاصي‬, magaciisuna Qaasim\‫قاسم‬, siday u wariyeen Al
Suhaylii\‫ السهيلي‬iyo ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬oo Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬sidaas ku sheegay.
Abuu Al Caas\‫ أبو العاص‬magaciisoo buuxana waa Qaasim ibnu Al Rabiic ibnu Cabdu Al Cuzzaa
bin Cabdu Shams bin Cabdu Manaaf Al Qurashiyyi Al Cabdshamiyyi ‫قاسم إبن الربيع إبن عبد‬
\‫العزى بن عبد شمس بن عبد مناف القرشي العبشمي‬.
Abuu Al Caasii‫ أبو العاصي‬hooyadiisa dhashay waa Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu
Khuwaylid\‫ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬walaasheed oo magaceedu yahay Haalah bintu
KhuwayIid‫ هالة بنت خويلد‬, oo ayada lafteedu Saxaabiyad ahayd.
Haalah\‫ هالة‬ayaa mar Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka ithan qaadatay inay usoo
gasho, waana kaddib markii Khadiijah‫ خديجة‬la oofsaday, markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu aqoonsaday ithan qaathashadii Khadiijah, markaasuu naxay, wuxuuna yiri:
"!‫"أللهم هالة‬
"Allaahumma Haalah",
oo macneheedu yahay:
"Ilaahayow Haalah", siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬Caa'ishah\‫ عائشة‬uga wariyay.
47
Calii\‫علي‬, wiilka Zaynab\‫زينب‬
Zaynab\‫ زينب‬waxay Abuu Al Caasii\‫ أبو العاصي‬u dhashay wiil la yiraahdo Calii\‫علي‬, saxaabina
ah, sida aabihiis oo kale, kana mid ah Asbaadha\‫ األسباط‬Nabi Muxammad, Sallaa Allaahyu
Calayhi Wasallam. Calii waxaa nuujisay haweeney u dhalatay reer Banii Ghaadirah \‫بني غديرة‬.
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo qaatay, ayadoo uu Abuu Al Caasii
‫ أبو العاصي‬markaas Makkah\‫ مكة‬ku sugan yahay isagoo wali gaal ah.
Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ وأيما كافر شارك مسلما في شيئ فالمسلم أحق به منه‬.‫"من شاركني في بني فأنا أحق به منه‬
"Man shaarakanii fii baniyya fa anaa axaqqu bihi minhu. Wa ayyamaa kaafirin shaaraka
musliman fii shay'in fa al muslimu axaqqu bihi minhu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Qofa caruurteyda ila wadaaga, anigaa isaga uga xaq leh. Qof walba oo gaal ah oo muslim shay
kula shirkoobana muslimka ayaa isaga shaygaas uga xaq leh."
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬ayaa Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku wariyay. Waxaana kaloo wariyay Al Dhabraanii
\‫الطبراني‬.
Wiilkaasu wuxuu dhintay markuu da'da lagu qaangaaro u dhowaaday, kaddib dhimashada
hooyadiis, isagoo uu markaas aabihiis nool yahay, siduu Al Zubayru \‫ الزبير‬uga wariyay Cumar
bin Abii Bakr al Muusilii\‫عمر بن أبي بكر الموصلي‬.
Ibnu Casaakirna\‫ إبن عساكر‬wuxuu yiri:
"Culummo cilmiga nasabka ku xeel dheer waxay sheegeen in Calii\‫ علي‬lagu dilay Duullaanka
Maalinta Yarmuuk\‫يوم يرموك‬, sanadka laba iyo tobnaad ee Hijrada, cahdiga Abuu Bakar Al
Siddiiq\‫أبو بكر الصديق‬, Allaha raalli ka wada noqdee."
Calii\‫ علي‬wuxuu hasha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka saarna xagga
dambe ee ah dhabarka Rasuulka, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintuu Makkah\‫مكة‬
furtay.
Umaamah\‫أمامة‬, gabadha Zaynab\‫زينب‬
Zaynab\‫ زينب‬waxay kaloo Abuu Al Caasii\‫ أبو العاصي‬u dhashay gabar magaceebu yahay
Umaamah\‫أمامة‬, ahna gabarta uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tunkiisa ku qaaday
Salaadda Subax isagoo tukanaya, siduu u wariyay Al Zubayru ibnu Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬.
Abuu Daa'uudna\‫ أبو داود‬wuxuu Abuu Qataadah\‫ أبو قتادة‬ka wariyay inuu yiri:
"Annagoo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sugaynna, oo Salaadda Duhur
ama Casar, ayuu inoo soo baxay (oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam gurigiisa oo
albaab Masjidu furma leh kasoo baxay), ayadoo ay Umaamah‫ أمامة‬tunkiisa saran tahay.
48
Markaasuu Salaadda u istaagay, annaguna gadaashiisa ayaan istaagnay."
Sidaasoo kale wuxuu Imaam Maalik\‫ اإلمام مالك‬ku wariyay kitaabkiis Al Muwadh-dha'\‫ الموطأ‬.
Al Bukhaarii\‫ البحاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬waxay ayaguna ka wariyeen Abuu Qataadah‫أبو قتادة‬
"inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tukanayey isagoo Umaamah ‫أمامة‬
xambaarsan. Markaasuu markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sujuudo ayuu dhulka dhigaa,
markuu istaagana uu qaadaa."
Muslim-na\‫ مسلم‬wuxuu yiri:
"Markuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rukuuco, dhulka ayuu dhigaa, markuuna madaxiisa
sujuudda kasoo qaadana wuu soo celiyaa."
Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sidaas u yeelayaa isagoo Umaamah ‫أمامة‬
jeclaa, una naxariis badnaa.
Axmad\‫ أحمد‬wuxuu Caa'ishah\‫ عائشة‬ka wariyay inay tiri:
"Al Najaashii\‫( النجاشي‬oo ahaa Boqorka arliga amxaarada) ayaa wuxuu hadiyad ahaan ugu soo
diray xullatan\‫( حلة‬oo ah waxay hawenku xirtaan oo qaaliga ah sida murriyadda dahabka ah),
uuna ku jiro faragashi dahab ah, faskiisuna uu xabashi yahay. Markaasuu Umaamah‫ أمامة‬siiyay."
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Abuu Yaclaa\‫ أبويعلى‬waxay ayaguna Caa'ishah\‫ عائشة‬ka
wada wariyeen inay tiri:"
‫ وأمامة تلعب في جانب‬،‫ جزع معلمات بالذهب ونساؤه كلهن مجتمعات في بيت‬،‫"أهديت له هدية فيها قالدة‬
:‫ فقال‬،"‫ والأعجب‬،‫ "ما رأينا أحسن منها‬:‫ "كيف ترين هذه؟" فنظرنا إليها فقلنا‬:‫ فقال‬،‫البيت بالتراب‬
‫ فدعا صلى هللا عليه وسلم‬،"‫ "ذهبت بها ابنة أبي قحافة‬:‫ فقالت النساء‬،"‫"ألدفعنها إلى أحب أهلي إلي‬
‫ "فأقبل بها‬:‫" وفي رواية‬.‫ فمسحه بيده‬،‫أمامة بنت زينب فعقدها بيده في عنقها وكان على عينها عمص‬
".‫ فسري عنا‬،‫حتى وضعها في رقبة أمامة‬
“Uhdiyat lahu hadiyatun fiihaa qalaadatun, jazacun mucallimaatun bi al thahabi wa
nisaa’uhu kulluhunna mujtamicaatun fii baytin, wa Umaamah talcabu fii jaanibi al bayti
bi al turaabi, fa qaala: “kayfa tariini haathihi?” Fa natharnaa ilayhaa fa qulnaa: “maa
ra’aynaa axsana minhaa. Wa laa acjaba”. Fa
qaala: “la adfacannahaa ilaa axabba ahlii
ilayya.” Fa qaalati al nisaa’u: “thahabat bihaa ibnatu Abii Quxaafah.” Fa dacaa Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Sallam Umaamah binti Zaynab fa caqadahaa bi yadihi fii cunuqihaa
wa kaana calaa caynihaa camsun, fa masaxahu bi yadihi.” Wa fii riwaayatin: “fa aqbala
bihaa xattaa wadacahaa fii raqabati Umaamah, fa suria cannaa.”
Xadiitha macnihiisu waxaa weeye:
Waxaa loo keenay oo loo hadiyeeyey Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam hadiyad ay ku jirto
qoorxir iyo xariir dahab lagu dheehay oo lagu calaamadeeyey dahab, ayadoo ay haweenkiisu
kulligood guri ku wada kulansan yihiin, Umaamahna ay guriga dhiniciisa ay ciid ku cayaareyso.
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"Sideebaa middaan u aragtaan?"
49
Markaasaan fiirinnay, aanna niri:
"Wax ka qurxoon hore uma aanan arag, kana yaab badan!"
Markaasuu wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Waxaan siinayaa qofka aan ehelkeyga ugu jeclahay."
Markaasey haweenku waxay yiraahdeen:
"Hadaba waxaa qaadatay, oo la siiyay, gabadha Abii Quxaafah (oo ah Caa'ishah lafteeda)".
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u yeeray
Umaamah\‫ أمامة‬gabadha Zaynab\‫زينب‬, oo uu markaas gacantiisa qoorta ugula xiray, ayadoo uu
(waa gabadhee) uu indhaha cunnada la yiraahdo aal camasu uga taallo.
Markaasuu, Sallallaahu Calayhi Wasallam, (gabadha indheheeda cunnadaas ku taalla) gacantiisa
uga tiray".
Umaamah‫ أمامة‬waxaa guursaday Amiirul Al Mu'miniina Calii bin Abii Dhaalib ‫أمير المؤمنين علي‬
\‫بن أبي طالب‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay Faadhimah \‫فاطمة‬, Sallaa Allaahu
Calayhaa Wasallam, kala dardaarantay ayada dabadeed inuu Umaamah guursado, waxaana u
guuriyey Al Zubayru bin Al Cawwaamu‫الزبير بن العوام‬, ayadoo uu Umaamah‫ أمامة‬aabeheed Al
Zubayru‫ الزبير‬kala dardaarmay.
Calii\‫ علي‬waxaa la dilay isagoo ay u dhaxdo, intuusan dhimanna wuxuu kala dardaarmay Al
Mughiirah bin Nawfal bin Cabdu Al Xaarith bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim ‫المغيرة بن‬
\‫ نوفل بن عبد الحارث بن عبد المطلب بن هاشم‬inuu guursado isaga dabadiis.
Markaasu Al Mughiirah\‫ المغيرة‬geerida Calii\‫ علي‬kaddib guursaday, waxayna u dhashay wiil la
yiraahdo Yaxyaa\‫يحيى‬, oo isaga lagu koofaaray oo la oran jiray Abuu Yaxyaa\‫ أبو يحيى‬oo ah
Yaxye‫ يحيى‬aabihiis.
Umaamah‫ أمامة‬waxaa la oofsaday ayadoo Al Mughiirah‫ المغيرة‬u dhaxda. Waxaa kaloo la
sheegay inayan Calii‫ علي‬iyo Al Mughiirah‫ المغيرة‬ayan midkoodna caruur u dhalin.
Hijrada Zaynab\‫زينب‬
Ninkay Zaynab\‫ زينب‬u dhaxday, oo ah Abuu Al Caasii\‫أبو العاصي‬, wuxuu ka mid ahaa gaalada
uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Maalinta Badar \‫ غزوة بدر‬kusoo qafaalay.
Gaar ahaan Abuu Al Caasii‫ أبو العاصي‬waxaa soo qafaalay saxaabiga la yiraahdo Cabdu Allaahi
bin Jubayr Al Ansaarii\‫عبد هللا بن جبير األنصاري‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬iyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen:
"Marka Abuu Al Caasii\‫ أبو العاصي‬duullaanka Badar\‫ غزوة بدر‬lagu soo qafaalay (isagoo wali
markaas gaal ah), Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu ku manneystay inuu
xoreeyey, markuu Makkah\‫ مكة‬kusoo laabtay, ayuu wuxuu Zaynab‫ زينب‬ku amray inay xagga
aabeheed, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u haajirto, oo ay u guurto Al Madiinah Al
Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
Dhacdadaasi waxay ahayd hal bil in xoogaa ka badan dagaalka Badar\‫ بدر‬dabadiisa.
50
Markaasey Zaynab‫ زينب‬socdaalkaas isku diyaarisay. Markay Zaynab‫ زينب‬diyaar noqotay ayuu
wuxuu ku qaaday hawdaj\‫( هودج‬hawdaj waxaa la yiraahdaaq aqalka yar oo haweenka ratiga lagu
qaadayo looga kor dhiso, si ay u asturnaato, uuna dabaysha iyo kulaylka iyo qabawga iyo ciidda
iyo roobka iyo isha dadkaba uga dhawro) rati korkiisa ah, uuna hoggaankiisa hayo isaga
walaalkiis oo magaciisu yahay Kinaanah ibnu Al Rabiic\‫كنانة إبن الربيع‬.
Kinaanah‫ كنانة‬wuxuu watay qaansadiisa iyo gabooye ay fallaaro ugu jiraan. Markuu la
dhaqaaqay, oo uu xagga Al Madiinbah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ula kacay, ayaa waxaa
kasoo daba baxay rag Quraysh\‫ قريش‬ah, ugana daba tegey meesha la yiraahdo Thii Dhuwaa ‫ذي‬
\‫طوى‬.
Raggaas waxaa Zaynab‫ زينب‬ugu horreeyey nimanka la kala yiraahdo Habbaar bin Al Aswad ‫هبار‬
‫ بن األسود‬iyo Naafic bin Cabdi Qays al Fihriyyi \‫نافع بن عبد قيس الفهري‬, midkaan damboo mar dambe
islaamay.
Markaasuu Habbaar‫ هبار‬gabadha warankiisa ku cabsiiyey, ayadoo markaas xaamilo ah, oo uur
leh. Markaasey ratiga kasoo dhacday, cunuggiina uu kasoo dhacay. Markaasaa waxaa kacay
dumaashigeed Kinaanah‫كنانة‬, oo intuu fallaarihiisa hortiisa ku daadiyay ayuu wuxuu yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaan ninkii ii soo dhowaada (waana Zaynab‫ زينب‬iyo isaga laftiisa usoo
dhowaada) fallaar ku dhejinayo."
Markaasey ka kala carareen. Markaasaa waxaa Kinaanah‫ كنانة‬u yimid Abuu Sufyaan\‫ أبو سفيان‬oo
ay la socdaan madax badan ee Quraysh\‫قريش‬, wuxuuna Kinaanah‫ كنانة‬ku yiri:
"War naga jooji fallaarahaaga, inaan kula hadalno ayaan dooneynaaye."
Markaasuu fallarihiisa ka celiyay. Markaasuu intuu u yimid ayuu Abuu Sufyaan \‫ أبو سفيان‬wuxuu
yiri:
"Waad ogsoon tahay musiibada na haleeshay iyo dhibaataduu Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, noo geystey. Marka, haddaad gabadhiisa ayadoo uu dadku u jeedo la baxdid,
dadku wuxuu u maleynayaa inay taasi ku ahaatay dulli ka yimid musiibadeenna (waana jabka
Badar\‫ بدر‬gaalada reer Makkah\‫ مكة‬lagu jabiyay, oo wax la dilay -oo toddobaatan nin ahaa- iyo
wax la qafaashay -oo ayaguna toddobaatan nin ahaa- iyo wax cararay noqday oo dhabarka
jeediyey) iyo taagdarro. Annaguna inaan gabadha aabeheede, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ka celinno dan kama lihin. Marka, markaan Makkah\‫ مكة‬ku noqo, oo markuu hadalku damo,
laguna sheekeysto inaan (Zaynab‫ )زينب‬soo celinnay, si sir ah ula xaluulo, aabeheedna, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka daba gee."
Thuu Dhuwaa\‫ذو طوى‬
Meeshaas "Thuu Dhuwaa\‫ ذو طوى‬la yiraahdo waxay hadda ka mid tahay magaalada Makkah Al
Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, oo waa la deggan yahay, waana beesha ay ku yaallaan xaafadaha la kala
yiraahdo Al Cutaybah\‫العتيبة‬, iyo Jarwal\‫ جرول‬iyo Al Tandabaawaa\‫ التندباوى‬iyo Xaarratu Al
Barnuu\‫( حارة البرنو‬oo al Barnuu waa qabiil ka mid ah dadka Nigeria dega iyo gobol Nigeria ka
mid ah, oo dad asalkooda halkaas ka yimid ayaa halkaan deggan) iyo inta badan ee wadada la
yiraahdo Shaaricu Al Mansuur‫\شارع المنصور‬, iyo Al Liidh‫الليط‬. Magacaasu wuxuu hadda ku
koobmay ceel xaafadda Jarwal ku yaalla oo la yiraahdo Bi'ru Dhuwaa\‫بئر طوى‬, ahna bartuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula hoyday jayshkiisa Jayshu Al Fatxi‫جيش الفنح‬,
51
maalintuu Makkah\‫ مكة‬furtay.
Walaaleheen reer Maghrib\‫ المغرب‬way ku dadaalaan booqashada ceelkaas iyo inay biyihiisa wax
ka cabbaan."
Waxaan warkaas kasoo qaadannay kitabka la yiraahdo Mucjamu al macaalimi al jughraafiyyah
fii Al Siirah Al Nabawiyyah\‫معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبوية‬, uuna dhigay Caatiq bin Ghayth Al
Balaadii\‫عاتق بن غيث البالدي‬, oo sucuudi u dhashay Allaha u naxariistee, bogga boqol sideed iyo
sideetan, ayna daabacday Daaru Makkah ee Makkah Al Mukarramah ku taalla. Anigo ceelkaas
waan dul istaagay, waxaana ku jaban quful albaabkiisa, waxaana ku dhigan Bi'ru Dhuwaa ‫بئر‬
\‫طوى‬.
Hind bintu Cutbah\‫ هند بنت عتبة‬oo xaalka Zaynab\‫ زينب‬baareysa
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa la ii wariyay inay Zaynab\‫ زينب‬tiri:
‫ ألم يبلغني أنك تريدين‬،‫ "يا بنت محمد‬:‫ فقالت‬،‫"بينا أنا أتجهز بمكة للحوق بأبي لقيتني هند بنت عتبة‬
‫ إن كانت لك حاجة بمتاع‬،‫ التفعلي‬،‫ "إي إبنة عمي‬:‫ فقالت‬،"‫ "ما أردت ذلك‬:‫ فقلت‬:‫اللحوق بأبيك؟" قالت‬
‫ فإنه ال يدخل بين‬،‫ فال تضطني مني‬،‫ فإن عندي حاجتك‬،‫ أو بمال تتبلغين به إلى أبيك‬،‫مما يرفق في سفرك‬
‫ فأنكرت أن أكون‬،‫ "ولكني خفتها‬:‫ قالت‬،"‫ "وهللا ما أراها قالت ذلك إال لتفعل‬:‫" قالت‬.‫النساء ما بين الرجال‬
".‫ وتجهزت‬،‫أريد ذلك‬
“Baynaa anaa atajahhazu lilluxuuqi fi abii laqaytunii Hindu bintu Cutbah, fa qaalat:
“Alam yablughnii annaki turiidiini al lluxuuqa bi abiiki?” Qaalat: faqultu: “maa aradtu
thaalika.” Fa qaalat: “Ayy bintu cammii, laa tafcalii, in kaanat laki xaajatun bi mataacin
mimmaa yarfuqu biki fii safariki, aw bi maalin tataballaghiini bihi ilaa abiiki, fa inna
cindii xaajatuki, falaa tad-dhanii minnii, fa innahu laa yad-khulu bayna al nisaa’i maa
bayna al rijaali.’ Qaalat: “”Wa Allaahi maa araahaa qaalat thaalika illa li tafcala”. Qaalat:
“wa laakinnii khiftuhaa, fa ankartu an akuuna uriidu thaalika, wa tajahhaztu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weey:
"Anigoo Makkah\‫ مكة‬jooga, oo isku diyaarinaya inaan aabahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka daba tago, ayaa waxaa ila kulantay, oo ii timid Hind bintu Cutbah \‫هند بنت عتبة‬.
Markaasey waxay tiri:
"Ina Muxammaday! Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo ima ayan soo gaarin inaad dooneysid
inaad aabahaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka daba tagtid?"
Markaasaan waxaan ku iri:
"Taas ma doonin."
Markaasey waxay tiri:
"Ina adeerteeyey! Ha yeelin. Haddaad u baahan tahay mataac safarkaaga kuu sahli kara, ama
maal aad ku gaartid aabahaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigaa kuu haya waxaad u
baahan tahay, ee marka ha xishoon, ayadoo uusan haweenka kala dhexgelin wax ragga kala dhex
gala."
Zaynab\‫ زينب‬waxay tiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬uma aanan arag inay sidaas u tiri inay waxaas ay tiri yeesho mooyee (oo ah
inay aabeheed Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ka daba tagto, ayaduna ay sahay siineyso
52
hadday u baahan tahay), laakiin ayadaan ka baqay. Markaasaan is diyaariyay."
Waa intaas warka Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬uu wariyay.
Zaynab‫ زينب‬waxay hijrootay habeennimo
Sidaasuu Abuu Sufyaan\‫ أبو سفيان‬ku taliyay ayuu Kinaanah\‫ كنانة‬yeelay, oo Zaynab‫ زينب‬Makkah
\‫ مكة‬ayuu dib ugula noqday, halkaasoo ay hebeenno joogtay.
Kaddib habeennimo ayuu la baxay, uuna waday ilaa uu hoggaan ratigeeda uga dhiibo, oo uu
gacanta u geliyo Zayd bin Xaarithah\‫ زيد بن حارثة‬iyo saaxiibkiisa Ansaarta ka mid ah,
labadaasoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo diray, uuna ku amray inay
istaagaan bartamah waadiga Ya'jaj\‫يأجج‬, halkaasna ay ku sugnaadaan ilaa ay kasoo marto
Zaynab‫زينب‬, wuxuuna yiri:
".‫ فأصحباها حتى تأتياني بها‬.‫"كونا ببطن يأجج حتى تمر بكم زينب‬
"Kuunaa bi badhni Ya'jaj xattaa tamurra bikumaa Zaynab. Fa asxabaahaa xattaa
ta'tiyaanii bihaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ku sugnaada bartamaha waadiga Ya'jaj‫ يأجج‬ilaa ay idinka soo marto Zaynab‫زينب‬. Markaas soo
raaca ilaa aad aniga iiga keentaan."
Markaasey markay Zaynab‫ زينب‬halkaas soo martay ayay Kinaanah\‫ كنانة‬kala wareegeen, oo ay
aabeheed, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keeneen oo ay gacanta usoo
geliyeen.
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu isaguna Cabdu Allaahi bin Al Zubayr \‫ عبد هللا بن الزبير‬ka wariyay
inuu yiri:
"Nin ayaa Zaynab‫ زينب‬xagga Al Madiinah\‫ المدينة‬usoo waday. Markaasaa waxaa ka daba tegay
laba nin oo Quraysh\‫ قريش‬ah, markaasey ninkii waday uga adkaadeen oo ay ratigay saarnayd
kasoo tuureen, oo ay dhagax wayn kusoo kor dhacday.
Markaasuu cunuggay uurkiisa lahayd kasoo dhacay, dhiig badanna uu ka baxay. Markaasey intay
qaadeen waxay u geeyeen Abuu Sufyaan\‫أبو سفيان‬. Abuu Sufyaan\‫أبو سفيان‬gurigiisa ayaa markaas
waxaa Zaynab‫ زينب‬ugu yimid haweenka reer Banuu Haashim\‫بني هاشم‬.
Markaasuu Abuu Sufyaan\‫ أبو سفيان‬Zaynab‫ زينب‬haweenkaas u dhiibay oo siiyay. Markaas
kaddibna way hijrootay.
Zaynab‫ زينب‬way dareemi jirtay xanuunka maalintaas gaaray, oo kama uusan tegin ilaa ay ka
dhimatay. Sidaas daraadeed ayuu wuxuu dadku u arkayey inay Zaynab ‫ زينب‬shahiidad tahay.
Waxaad mooddaa inuu Abuu Sufyaan\‫ أبو سفيان‬markuu dumaashigeed soo celiyay, uuna beer
dulucsaday, oo uu markaas gurigiisa geeyey, si uu taas caan ugu noqdo, oo loo ogaado inuu
isagu Zaynab‫ زينب‬Makkah\‫ مكة‬kusoo celiyay. Markaasey markay haweenka reer Banuu Haashim
\‫ بني هاشم‬u yimaadeen ayuu ayaga u dhiibay. Sababtuna waxay tahay inuu Abuu
Sufyaan\‫ أبوسفيان‬faanka jeclaa."
53
Zaynab‫ زينب‬waxay haajartay Abuu Al Caasii\‫ ابو العاصي‬hortiis.
Waadii Ya'jaj\‫وادي يأجج‬
"Ya'jaj\‫ يأجج‬waa waadi k amid ah waadiyada Makkah\‫مكة‬, xagga waqooyina ka xigah Al
Tanciimu\‫ التنعيم‬oo ah meeshuu ku yaallo Masjidu Caa'ishah\‫مسجد عائشة‬.
Waadiga Waadii Al Tanciim\‫ وادي التنعيم‬ayaa ku biyo roga Waadii Ya'jaj\‫وادي يأجج‬, kuna roga
dariiqa Al Madiinah\‫ المدينة‬loo aado meel dariiqaasi gooyo oo Kacbada toban kiiloomitir
waqooyiga ka xigta. Hadda waxaa loo yaqaannaa Yaaj\‫ياج‬, waxaana degah qabiilka Lixyaan‫لحيان‬
oo Huthayl\‫ هذيل‬ka tirsan"
Waxaa sidaas sheegay Caatiq bin Ghayth Al Balaadiyyu \‫عاتق بن غيث البالدي‬, uguna sheegay
kitaabkiisa Mucjamu Al Macaalimi Al Jughraafiyyah fii Al Siirah Al Nabawiyyah ‫معجم المعالم‬
\‫الجغرافية في السيرة النبوية‬.
Habbaar\‫ هبار‬dhiiggisu waa xalaaloobay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Abuu Hurayrah\‫ أبو هريرة‬wuxuu yiri: "Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa
wuxuu diray ciidan duullaan ah, oo aan aniguna ku jiro, wuxuuna nagu yiri:
".‫ أو الرجل (اآلخر) الذي سبق معه إلى زينب فحرقوهما بالنار‬،‫"إن ظفرتم بهبار بن األسود‬
"In thafirtum bi Habbaara bin Al Aswad, aw al rajula (al aakhar) allathii sabaqa macahu
ilaa Zaynab fa xarriquuhumaa bi al nnaari".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Haddaad qabataan Habbaar bin Al Aswad\‫ هبار بن األسود‬iyo ninka kale (oo uu ibnu Hishaam ‫إبن‬
\‫ هشام‬sheegay inuu magaciisu ahaa Naafic bin Cabdi Qays\‫ )نافع بن عبد قيس‬dab ku guba
labadoodaba."
Xadiithka waxaana wariyay Al Daarimii\‫ الدارمي‬iyo ibnu Abii Shaybah\‫إبن أبي شيبة‬.
Maalintii taas ku xigtay ayuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, noo soo ciddiray, markaan u
nimidna wuxuu na yiri:
.‫ ثم رأيت أنه الينبغي ألحد أن يعذب بالنار إال هللا‬،‫"إني كنت أمرتكم بتحريق هذين الرجلين إن أخذتموهما‬
".‫فإن ظفرتم بهما فاقتلوهما‬
"Innii kuntu amartukum bi taxriiqi haathayni al rrajulayni in akhath-tumuuhumaa,
thumma ra'aytu annahu laa yanbaghii li axadin an yucath-thiba bi al nnaari illaa Allaahu.
Fa in thafartum bihimaa fa aqtuluuhumaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waa anigii idin amray inaad labadaas nin gubtaan haddaad gacanta ku dhigtaan. Kaddibna
waxaan u arkay inayan axadna u habbooneyn inuu dab wax ku cathaabo Ilaahay mooyee. Marka
haddaad labadooda qabataan dila."
54
ynab‫ زينب‬oo madax furashada Abuu Al Caasii\‫ أبو العاصي‬soo dhiibtay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu Makkah\‫ مكة‬joogay waxna ma
xalaaleyn jirin, waxna ma xaaraantimeyn jirin, isagoo amarkiisa looga adkaa (oo Dawladda
Makkah\‫ مكة‬ka dhisan gaalo ayay ahayd). Islaamka ayaana Zaynab ‫زينب‬, gabadha Rasuulka
Ilaahay, Sallala Alaahu Calayhi Wasallam, iyo Abuu Al Caasii ibnu Al Rabiic ‫أبو العاصي إبن‬
\‫ الربيع‬kala geeyey. Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma uusan karin inuu
kala furo, oo weli sooma ayan degin Aayadda laba boqol iyo kow iyo labaatan ee Suuratu Al
Baqarah\‫( سورة البقرة‬oo oraneysa:
ِ
ِ
‫ين‬
َ ‫َوََل رُْنك ُحوا اْل ُم ْش ِرك‬
"Wa laa tunkixuu al mushrikiina(221)"
oo macneheedu yahay:
"Hana u guurinina ragga mushrikiinta ah(221)".).
Sidaas ayay Zaynab\‫ زينب‬Abuu Al Caasi\i‫ أبو العاصي‬agtiisa ku ahayd, ayadoo Muslimad ah,
isaguna uu gaalnimadiisa ku taagan yahay, ilaa uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka haajiray.
Markaasey markay Qurayshi\‫ قريش‬Badar\‫ بدر‬tagtay, waxaa la socday Abuu Al Caasii bin Al
Rabiic\‫أبو العاصي بن أبي الربيع‬. Markaasuu wuxuu ka mid noqday ragga qafaalka maalintaas
Badar\‫ بدر‬ay muslimiintu gacanta ku dhigeen.
Markaasaa loo qaaday Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, agtiisa joogay."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inay Caa'ishah\‫ عائشة‬tiri:
‫ بعثت زينب بنت رسول هللا صلى هللا عله وسلم في فداء أبي العاص‬،‫"لما بعث أهل مكة في فداء أسرائهم‬
:‫ قالت‬،"‫ وبعثت فيه بقالدة لها كانت خديجة أدخلتها بها على أبي العاص حين بنا عليها‬،‫إبن الرب يع بمال‬
،‫ "إن رأيتم أن تطلقوا لها أسيرها‬:‫"فلما رآها رسول هللا صلى هللا عليه وسلم رق لها رقة شديدة وقال‬
".‫ وردوا عليها الذي لها‬،‫" فاطلقوه‬.‫ "نعم يا رسول هللا‬:‫" فقالوا‬.‫ فافعلوا‬،‫وتردوا عليها مالها‬
“Lammaa bacatha Ahlu Makkah fii fidaa’i usaraa’ihim, bacathat Zaynab bintu Rasuuli
Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fii fidaa’i Abii Al Caas ibna Al Rrabiic bi
maalin, wa bacathat fiihi bi qalaadatin lahaa kaanat Khadiijah ad-khalathaa bihaa calaa
Abii Al Caas xiina banaa calayhaa.” Qaalat: “Falammaa ra’aahaa Rasuulu Allaahi Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Sallam raqqa lahaa raqqatan shadiidatan, wa qaala: “in ra’aytum an
tudhliquu lahaa asiirahaa, wa tarudduu calayhaa maalahaa, fa afcaluu.” Fa qaaluu:
“Nacam yaa Rasuula Allaahi.” Fa adhlaquuhu, wa rudduu calayhaa allathii lahaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markay reer Makkah soo direen maalka madax furashada ragga laga qafaalay, ayay Zaynab,
55
gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay soo dhiibtay madax
furashada Abuu Al Caasii ibnu Al Rabiic. Maalkaasna waxaa ka mid ahaa tay haweenku qoorta
ku xirtaan oo ay (hooyadeed) Khadiijah lahaan jirtay, ayna gabadheeda siisay habeenka Abuu Al
Caasii loo aqal geeyey." Waxay tiri: "Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, arkay ayuu u beer jilcay, beer jilayc xoog leh, wuxuuna yiri: "Haddaad sidaas
u aragtaan, oo ay idinla noqoto inaad qafaalkeedana u sii deysaan, maalkeedana aad u celisaan,
sidaas yeela." "Markasey sidaas yeeleen, waxayna yiraahdeen: "Waa yahay Rasuulka Ilaahayow,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam!" Markaasey sii daayeen, maalkeedana u celiyeen."
Zaynab\‫ زينب‬oo Abuu Al Caasii‫ أبو العاصي‬magangelisay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Furashada Makkah in yar horteed ayuu Abuu Al Caasii\‫ أبو العاصي‬ganacsi ugu safray xagga
Shaam\‫الشام‬, isagoo wada maal uu leeyahay iyo mid ay rag Quraysh \‫ قريش‬ah u dhiibteen, isagoo
ahaa nin aamin ah oo la aamino.
Markuu ganacsiga Shaam\‫ الشام‬kasoo jeestay, ayuu Al Caasii\‫أبو العاصي‬
wuxuu usoo
gaddoomay xagga Makkah\‫مكة‬. Markaasaa waxaa dariiqa ka helay ciidan Muslim ah. Markaasey
maalka oo idil kala wareegeen, oo ay ghaniimaysteen, isaguna wuu ka baxsaday oo way gaari
waayeen.
Markaasaa markuu ciidankaasu isagoo wata maalkay kala wareegeen Al Madiinah\‫ المدينة‬soo
galeen, ayuu isaguna habeennimada magaalada soo xaluushay, oo gurigeeda ugu soo galay
Zaynab\‫زينب‬, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna magangelyo
weydiistay.
Markaasey magangelisay.
Sababtuu ugu yimidna waxay ahayd isagoo doonaya maalkiisa laga soo qaatay. Markaasuu
markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Salaadda Subax usoo baxay, oo uu
Takbiirsday oo Salaadda xirtay, dadkuna ay ka daba xirteen, ayay Zaynab‫ زينب‬waxay ka
qaylisay safka haweenka, waxayna tiri:
".‫"أيها الناس! إني قد أجرت أبا العاص بن الربيع‬
“Ayyuhaa al nnaasu! Inni qad ajartu Abaa Al Caas bin Al Rabiic.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Hooy dadow! Anigu waxaan magan geliyay Abuu Al Caasii bin Al Rabiic‫أبو العاصي‬."
Markaasuu markuu Salaadda dhammeeyey, oo uu Salaamo naqsaday, ayuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xagga dadka usoo jeestay, uuna yiri:
"‫"أيها الناس! هل سمعتم ما سمعت؟‬
“Ayyuhaa al nnaasu! Hal samictum maa samictu?”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Dadow ma maqasheen waxaan aniguna maqlay?"
56
Waxay yiraahdeen:
"Haa".
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ إنه يجير على المسلمين‬.‫"أما والذي نفس محمد بيده ما علمت بشيئ من ذلك حتى سمعت ما سمعتم‬
".‫أدناهم‬
"Amaa wa Allathii nafsu Muxammadin bi yadihi maa calimtu bi shay'in min thaalika
xattaa samictu maa samictum. Innahu yujiiru calaa al Muslimiina adnaahum."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan ku dhaartay Midkay nafta Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Gacantiisa
ku jirto, inaanan shay'na ka ogayn arrinkaas jeer aan maqlay waxaad adinkuna maqasheen.
Muslimiinta waxaa wax ka magan geliya kooda ugu tabar yar."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Masjidka ka baxay, uuna
gabadhiisa qolkeeda ugu galay, kuna yiri:
".‫ فإنك التحلين له‬،‫ وال يخلصن إليك‬،‫ أكرمي مثواه‬،‫"أي بنية‬
"Ay bunayyata, akrimii mathwaahu, wa laa yakhlusanna ilayki, fa innaki laa taxilliina
lahu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Gabadhaydey, karaamee joogiddiisa iyo degmadiisa, yuunna kusoo gaarin oo yuusan ku taaban,
maxaa yeelay adigu isaga xalaal uma tihid (oo ayaduna waa muslimad, isaguna markaas waa
gaal)". Sharciguna waa kaas, oo gabar Muslimad ah nin gaal ahi xalaal uma aha oo ma guursan
karo. Waxaa kaloo wariyay Al Dhabraanii\‫الطبراني‬.
Islaamidda Abuu Al Caasii bin Al Rabiic\‫أبو العاصي بن الربيع‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u ciddiray oo u yimid ragga maalka
Abuu Al Caasii kala wareeegay, wuxuuna ku yiri:
‫ وإن‬.‫ فإنا نحب ذلك‬،‫ فإن تحسنوا وتردوا عليه الذي له‬.‫ وقد أصبتم له ماال‬،‫"إن هذا الرجل منا حيث علمتم‬
".‫ فأنتم أحق به‬،‫ابيتم فهو فيئ هللا الذي أفاء عليكم‬
"Inna haathaa al rajulu minnaa xaythu qad calimtum, wa qad asabtum lahu maalan. Fa in
tuxsinuu wa tarudduu calayhi allathii lahu, fa innaa nuxibuu thaalika. Wa in abaytum fa
huwa fay'u Allaahi allathii afaa'a calaykum, fa antum axaggu bihi."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ninkaani waxaad ogsoon tihiin ayaan u nahay, waxaadana ka qaadateen maal. Marka, haddaad
samafashaan oo uu wuxuu leeyahay aad usoo celisaan, taasi waa mid aan jecel nahay. Haddaad
diiddaanna, maalkaasu waa fay uu Ilaahay idin siiyay (Fay\‫ فيئ‬waa maalka gaalada lagala
57
wareego dagaal iyo xarbi la'aan), adinkaana ku xaq leh."
Markaasey waxay yiraahdeen:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bal waa usoo celineynnaa."
Markaasey usoo celiyeen ilaa heer ay rag baaldi usoo celiyey iyo sibraar duug ah iyo harag duug
ah ilaa qori go'iis. Sidaas ayay maalkiisii oo dhan ugu soo celiyeen, oo uusan shayna ka
maqnayn.
Markaasuu Abuu Al Caasii\‫ أبو العاصي‬maalka Makkah\‫ مكة‬ula gaddoomay, uuna nin walba oo
Quraysh\‫ قريش‬ah maalkuu lahaa u celiyey, iyo kii isaga laftiisa wax ku darsadayba.
Intaas markuu falay kaddib ayuu wuxuu yiri:
"Ragga Qurayshow\‫ !قريش‬Miyuu midkiinna maal uu leeyahay agteyda ku haray oo uusan
qaadan?"
Waxay yiraahdeen:
"Maya. Ilaahay khayr ha kaaga abaalgudo. Waxaanna aragnay inaad tahay mid ammaanada
oofiya oo kariim ah."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa anna Muxammadan Cabduhu wa Rasuuluhu ‫أشهد أن الإله‬
‫إال هللا وأن محمدا رسول هللا‬. Wa Allaahi\‫ وهللا‬inuusan iga hor istaagin inaan agtiisa ku islaamo (waa
Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaan ahayn inaan ka baqay inaad u malaysaan
inaan u islaamay inaan maalkiinna cuno (ayadoo uu qofka Muslimka ah maalka gaalka dagaal ka
dhexeeyo xalaal u yahay). Markaasaan markuu Ilaahay maalkiinna idiin soo celiyay, aniguna aan
idinku wareejiyay, oo aan kasoo jeestay, ayaan islaamay."
Markaasuu Makkah\‫ مكة‬kasoo baxay, oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
u yimid oo la degay."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Markuu Abuu Al Caasii ibnu Al Rabiic|‫ أبو العاصي إبن الربيع‬ka yimid Shaam\‫الشام‬, isagoo wada
maalka gaalada, waxaa lagu yiri:
"Maad islaamtid, oo aad markaas maalkaan qaadatid, isagoo maal gaalo ah?"
Markaasuu Abuu Al Caasii‫ أبو العاصي‬wuxuu ku yiri:
"Maxaa ka xun oo aan islaannimadeyda ku bilaabi lahaa, haddaan sidaas yeelo, oo aan wixii la
igu ammaaneystey aan khayaano?"
Zaynab\‫ زينب‬oo Abuu Al Caasii‫ أبو العاصي‬loo celiyey
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu sheegay in ninka Abuu Al Caasii‫ أبو العاصي‬Badar\‫ بدر‬kusoo qafaalay
uu ahaa Cabdu Allaahi bin Jubayr Al Ansaarii\‫عبد هللا بن جبير األنصاري‬. Kaddibna Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu u haajiray. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam wuu ammaanay xididnimadiisa, wuxuuna yiri:
".‫ ووعدني فوفاني‬،‫"حدثني فصدقني‬
"Xadathanii fa sadaqanii, wa wacadanii fa wafaanii."
58
Xadiithka macnihiisu waqxaa weeye:
"Wuu ii warramay, runta ayuuna ii sheegay, ballan ayuuna iga qaaday, waana ii oofiyay."
Al Tarmathii\‫ النرمذي‬iyo ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬waxay Camr bin Shucayb bin Muxammad bin
Cabdu Allaahi bin Camr Al Caasii\‫عمرو بن شعيب بن محمد بن عبد هللا بن عمر العاصي‬, midka runlowga
ahaa, ka wariyeen inuu aabihiis Shucayb bin Muxammad‫ شعيب بن محمد‬, oo runlow la rumaysto
ah, ayna sugnaatay inuu warkaas dhegihiisa ku maqlay, inuu ka wariyay awoowihiis Cabdu
Allaahi bin Camar bin Al Caasii‫ عبد هللا بن عمر العاصي‬inuu yiri:
"Wuxuu ugu soo celiyay nikaax cusub sanadka toddobaad ee Hijrada."
Abuu Al Caasii‫ أبو العاصي‬markay Zaynab islaamtay\‫ زينب‬, isaguna uu gaalnimada ku haray,
ayaa islaamku kala geeyey. Markaasuu markaan dambe Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, nikaax cusub ugu soo celiyay.
Dhimashada Zaynab\‫زينب‬
Zaynab\‫ زينب‬, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la oofsaday
sanadka sideedaad ee Hijrada.
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu Ummu Cadhiyyah\‫ أم عطية‬ka wariyay inay tiri:
"Markay dhimatay Zaynab\‫ زينب‬, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wuxuu yiri:
".‫ واجعلن في اآلخرة كافورا‬،‫"أغسلناها وترا ثالثا أو خمسا‬
"Aghsilnahaa wataran thalaathan aw khamsan, wa ajcalna fii al aakhirati kaafuuran".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Tiro is dhaafsan dhaqa; saddex ama shan, marka ugu dambeysana waxaad biyahaad ku
dhaqeysaan ku dartaan kaafuur."
Zaynab\‫ زينب‬waxaa dhaqay Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬iyo Ummu Al Mu'miniina Sawdah bintu
Zamcah\‫ أم المؤمنين زينب بنت زمعة‬iyo Ummu Al Mu'miniina Ummu Salamah ‫أم المؤمنين أم‬
\‫سلمة‬.
Zaynab\‫ زينب‬waxaa ku tukaday aabeheed Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
isagaana qabrigeeda galay, isagoo uu la socdo ninkay u dhaxday Abuu Al Caasii \‫أبو العاصي‬.
Laga bilaabo guriga ilaa qubuuraha Al Baqiic\‫ البقيع‬wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Zaynab\‫ زينب‬ku qaaday nacash loo sameeyey. Waxaana la yiri ayadaa ugu horreysey
qof nacash lagu qaado.
59
Shan. R u q a y y a h\‫رقية‬, Saallaa Allahu Calayhaa Wasallam
Ruqayyaah‫ رقية‬waa gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxayna
dhalatay markay saddex iyo soddoon sano kasoo wareegatay dhalashada Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam.
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬isaguna sidaas ayuu Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku wariyay. Ruqayyah‫رقية‬, waxaa soo
doonay oo la siiyay Cutbah bin Abii Lahab\‫عتبة بن أبي لهب‬, kanoo kadiibna islaamay isaga iyo
walaalkiis Mucattab\‫معتب‬.
Ruqayyah‫ رقية‬walaasheed Ummu Kulthuum\‫أم كلثوم‬, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa ayadana soo doonay oo la siiyay Cutbah walaalkiis oo magaciisu
yahay Cutaybah, ina Abuu Lahab\‫عتيبة بن أبي لهب‬.
Cutaybah\‫ عتيبة‬wuxuu ku dhintay gaalnimadiisa. Labadaas walaalaha ah oo labada gabdhood oo
Nabi Muxammad, Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo doonay oo la siiyey, intuusan
midkoodna guursan oo uusan la aqal gelin, ayaa waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, kusoo degatay Aayadda laba boqol iyo afar iyo toban ee Suuratu Al Shucaraa' ‫سورة‬
\‫الشعراء‬, oo lagu amrayo inuu cashiiradiisa u dhigo. Aayaddu waxay leedahay:
ِ
ِ
)212( ‫ين‬
َ ِ‫َوأ َْنذ ْر َعش َيررَ َك ْالَ ْق َرب‬
"Wa anthir cashiirataka al aqrabiina(214)",
oo macneheedu yahay:
"Una dig qaraabadaada kuu sii dhaw(214)."
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, cashiiradiisa isugu yeeray oo uu u digay.
Markaasuu Abuu Lahab\‫ أبولهب‬wuxuu yiri:
"‫"تبا لك سائر اليوم ألهذا جمعتنا؟‬
“Tabban laka saa’ira al yami a li haathaa jamactanaa?”
Xadiithka macnihiisu waxaa weey:
"Ma taasaad isugu kaaya soo yeertay, maalintoo idil hoog oo khasaare?"
Markaasaa waxaa soo degatay Suuradda Tabbat, oo oraneysa:
َّ َ‫َّت َي َدا أَبِي لَهَ ٍب َور‬
‫ات‬
‫صلَى َن ًا‬
ْ ‫) َما أ‬1( ‫ب‬
ْ ‫ رَب‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
َ ‫ار َذ‬
َ ‫َغ َنى َع ْنهُ َمالُهُ َو َما َك َس‬
ْ ‫) َس َي‬2( ‫ب‬
ٍ
.)7( ‫) ِفي ِج ِيد َها َحْب ٌل ِم ْن َم َسٍد‬2( ‫ام َأرَرُهُ َح َّمالَةَ اْل َحطَ ِب‬
ْ ‫) َو‬3( ‫لَهَب‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Tabbat yadaa abii Lahabin wa Tabba(l)Maa
aghnaa canhu maaluhu wa maa kasaba(2)Sayaslaa naaran thaata lahabin(3)Wa
60
imra'atuhu xammaalata al xadhabi(4)Fii jiidihaa xablun min mmasadi(5)"
Suuradda macneheedu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Waxaa khasaaray labada gacnood ee Abuu Lahab ‫أبو‬
\‫ لهب‬-ujeedaduna waa isagoo idil(l)Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday toona, oo
cathaabta Ilaahay kama ayan celin karaan(2)Wuxuuna gelayaa Naar, waa dabee, olol leh, waa
holocee(3)Haweentiisuna, midda qoryaha xambaari jirtay, oo intay qoryaha qodax leh iyo qodax
qaaddo ayay waxay dhigi jirtay dariiqa uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maro oo
gurigiisa ka baxa, si ay u cirba goyso. Ayaduna Naar ololeysa ayay geleysaa( 4 )Luqunteedana
waxaa ku xiran silsilad bir ka sameysan oo toddobaatan diraac ah oo inta afkeeda ka gasha
dabadeeda kasoo baxaysa inta kasoo hartana qoorta loogu duubayo. Masadka waxaa kaloo la
yiraahdaa liifka gedaha laga falkiyo(5)".
Markay Suuraddaas Tabbat\‫ سورة تبت‬soo degatay ayuu Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬intuu labadiisa wiil u
yeeray ayuu wuxuu ku yiri:
"Madaxaygu madixiinna waa ka xaaraan -oo macneheedu yahay ha ii soo dhowaanina, ayadoo
ay labada is jecel hal barkin wada barkadaan-, haddaydnaan labada gabdhood ee Muxammad
(Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) furin."
Markaasey amarkiisa yeeleen oo labada gabdhood fureen, ayagoo aan weli la aqal gelin.
Markaasuu Amiiru Al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan\‫ أمير المومنين عثما بن عفان‬wuxuu
Makkah\‫ مكة‬ku guursaday Ruqayyah\‫رقية‬, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam. Ruqayyah\‫ رقية‬aad ayay u qurux badnayd, oo waxay lahayd qurux indhaha qabata.
Sidoo kale, Cuthmaan bin Caffaan‫ عثما بن عفان‬aad ayuu u qurxoonaa. Ruqayyah‫ رقية‬waxay ka
mid tahay kuwa Banii Aadanka ugu qurux badan.
Intay Ruqayyah‫ رقية‬iyo Cuthmaan‫ عفان‬arliga Xabashada joogeen, ayaa waxaa Ruqayyah‫رقية‬
arkay rag amxaaro ah, markaasey intay quruxdeeda la yaabeen ayay raqsiyeen, oo ay sidaas
yeelaan markay arkaanba. Ayaduna arrinkoodaas way dhibsatay.
Ruqayyah‫ رقية‬iyo asxaabteeduna, maadaama ay arligaas qariibiin ku ahaayeen, waxba kama
ayan oran karin. Markaasey raggaasu Boqorkooda Al Najaashiyyi \‫ النجاشي‬xarbiga cadawgiisa ku
kacdoonmay u raaceen. Markaasaa raggaas dhammaantood dagaalkaas lagu wada dilay, ay
ayaduna ka raaxeysatay, Boqorkuna uu cadawgiisa kasoo adkaaday.
Al Zubayr bin Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu wariyay oo yiri inuu:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nin ayuu u diray Ruqayyah ‫ رقية‬iyo
Cuthmaan\‫عثمان‬, uuna ugu dhiibay cunno yar oo uu u hadiyeeyey. Markaasuu ninkii kasoo
raagay. Markaasuu markuu kusoo laabtay oo uu u yimid, ayuu wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
".‫"إن شئت أخبرتك ما حبسك‬
61
"In shi'ta akhbartuka maa xabasaka",
oo macneheedu yahay:
"Haddaad dooneysid waxaan kuu sheegayaa waxaad la soo daahday oo ku reebay."
Markaasuu ninku wuxuu yiri:
"Waa yahaye ii sheegay."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ تعجب من حسنهما‬،‫"وقفت تنظر إلى عثمان ورقية‬
"Waqafta tanthuru i1aa Cuthmaan wa Ruqayyah, tacjabu min xusnihimaa",
oo macneheedu yahay:
"Waxaad istaagtay adigoo fiirinaya Cuthmaan iyo Ruqayyah, lana yaaban quruxdooda."
Waxaa wariyay Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Riwaayad kalena waxay sheegtay inuu ninkaasu ahaa Usaamah wiilka Zayd bin Xaarithah ‫أسامة‬
\‫بن زيد بن حارثة‬, midkay koofaartiisu ahayd "Xibbu Xibbu Rasuuli Allaahi|‫"حب حب رسول هللا‬
oo macneheedu yahay "Midkuu jecelyahay midkuu Rasuulka Ilaahay jecelyahay" oo Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aad ayuu Zayd\‫ زيد‬u jeclaa iyo wiilkiisa ah Usaamah\‫أسامة‬.
Markaasaa waxaa la oran jiray: "Labada is qabta oo la arkay oo ugu qurxoon waa
Ruqayyah\‫ رقية‬iyo ninkeeda Cuthmaan\‫عثمان‬."
Ruqayyah‫ رقية‬iyo Cuthmaan‫ عثمان‬waxay u haajireen labada Hijraba, oo marka koowaad arliga
xabashada ayay u haajireen. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, warkooda
waayey, ilaa ay haweeney uga timaaddo, ayna u sheegaty inay soo aragtay, waxayna tiri:
"Waxaan arkay labadoodaba, ayadoo uu Cuthmaan‫ عثمان‬haweentiisa dameer ku qaaday."
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"صحبهما هللا‬
"Saxabahumaa Allaahu.",
oo macneheedu yahay:
"Allaha la jiro."
Waxaana Anas bin Maalik\‫ أنس بن مالك‬ka wariyay Yacquub bin abii Sufyaan\‫يعقوب بن أبي سفيان‬.
Riwaayad kalena waxay warisay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ إن عثمان أول من هاجر بأهله بعد لوط‬.‫"صحبهما هللا‬
"Saxabahumaa Allaahu. Inna Cuthmaana awwalu man haajara bi ahlihi bacda Luudhin",
oo macneheedu yahay:
62
"Allaha lajiro. Cuthmaan waa kan ugu horreeya oo ehelkkiisa (waa haweentiise) la haajiray
(Nabi) Luudh dabadiis".
Waxaa wariyay ibnu Al Mubarrak\‫ إبن مبارك‬iyo ghayrkiisba.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Ruqayyah\‫ رقية‬waxay Cuthmaan\‫ عثمان‬arliga Xabshada ugu dhashay Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, oo
Cuthmaan‫ عثمان‬lagu koofaari jiray, oo la oran jiray "Abuu Cabdu Allaahi\‫"أبو عبد هللا‬, oo ah
"Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬aabihiis."
Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬wuxuu wariyay inuu Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬noolaa lix sano, wuxuuna
dhintay, siduu ibnu Sacad‫ إبن سعد‬u wariyay sanadka afaraad ee Hijrada, ayadoo uu diiq dooro
gafuurkiisa isha uga muday. Markaasuu hooyadiis dabadeed dhintay."
Wuxuu yiri:
caruur aan Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬ahaynna uma ayan dhalin. Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬markuu
dhintay, Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu saaray dhabtiisa wuxuuna yiri:
".‫"إنما يرحم هللا من عباده الرحماء‬
"Innamaa yarxamu Allaahu min cibaadihi al ruxamaa'u".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu addoommadiisa uga naxariistaa kuwa ayaguna naxariista. "
Guurka Ruqayyah\‫رقية‬
Abuu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu kitaabkiisa Al Sharf‫ الشرف‬Cuthmaan\‫ عثمان‬uga wariyay inuu yiri,
waana markuu islaamay kaddib markuu warka sheegayaa: "Anigoo Kacbada deydkeeda jooga
ayaa waxaa la yiri:
"Muxammad-Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam-wuxuu Cutbah\‫ عتبة‬u guuriyey gabadhiisa
Ruqayyah\‫رقية‬. Markaasaa waxaa qalbigeyga galay xasrah\‫ حسرة‬-oo ah danqasho laga danqado
wax suuban oo ku dhaafay- inaanan isaga uga hormarin. Markaasaan gurigeyga aaday,
halkaasoo aan ka helay habaryartay Sacdaa bintu Kurayz \‫سعدى بنت كريز‬, oo ii sheegtay inuu
Ilaahay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo diray, ayna igu boorrisay inaan
raaco." Wuxuu yiri: "Waxaan lahaa majlis aan la fariisan jiray Al Siddiiqu\‫( الصديق‬waana Abuu
Bakar\‫)أبوبكر‬, kaasoo aan majliskii ka helay, isagoo keligiis ah. Markaasuu wuxuu iga wareystay
waxaan fakarayo. Markaasaan waxaan u sheegay waxaan habaryartay ka maqlay. Markaasuu
Abuu Bakarna‫ أبوبكر‬igu boorriyey inaan islaamo.".
Wuxuu yiri:
"Markaasaa isla markaasba waxaa meesha soo maray (Nabiga) Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, isagoo uu la socdo Calii\‫علي‬, oo maro u sida. Markaasuu Abuu Bakar‫ أبوبكر‬u kacay,
taasoo uu ku farxay. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam fariistay, oo intuu igu soo
jeestay wuxuu yiri:
63
".‫ فإني رسول هللا إليك وإلى جميع الخلق‬،‫"أجب هللا إلى الجنة‬
"Ajib Allaaha i1aa Jannatihi, fa innii Rasuulu Allaahi ilayka wa ilaa jamiica khalqihi."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Oggolow Jannadiisa uu Ilaahay kuugu yeerayo, oo anigu waxaan ahay Rasuulka Ilaahay oo
adiga laguu soo diray iyo khalqigiisa dhammaantoodba."
Markaasaan wa Allaahi\‫ وهللا‬is hayn waayey markaan maqlay, oo aan islaamay. Markaaseeyan
kasoo wareegan in yar mooyee, ee gabadhiisa ayaan guursaday Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam."
Geerida Ruqayyah\‫رقية‬
Ruqayyah\‫ رقية‬, inanta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la oofsaday
ayadoo uu aabeheed, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duullaanka Badar\‫ بدر‬ku maqan yahay,
ayadoo labaatan jir ah, siduu Fatxu Al Baarii\‫ فنح الباري‬u wariyay, markuu Zayd bin Xaarithah ‫زيد‬
\‫ بن حارثة‬keenay Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬bishaarada guusha Ilaahay
Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyay iyo laynta gaaladii duullaankaas u timid.
Zayd\‫ زيد‬waxaa inuu reer Al Madiinah\‫ المدينة‬bishaaradaas u geeyo usoo diray Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo dhawr maalmood kaddib imaan doona.
Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duullaankaas u kicitimay, Ruqayyah\‫رقية‬
way xanuunsaneyd, markaasuu Cuthmaan\‫ عثمان‬ku reebay si uu u xannaaneeyo. Sidaas ayuusan
Cuthmaan\‫ عثمان‬Badar uga qayb galin, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu u siiyey
ajarkiisa Badar\‫ بدر‬iyo sahmigiisaba ghaniimada, sida ragga ka qayb gal ay oo kale.
Sidoo kale wuxuu Ruqayyah\‫ رقية‬markaas ku reebay Usaamah bin Zayd\‫أسامة بن زيد‬.
Ruqayyah\‫ رقية‬waxaa ku dhacay oo lala oofsaday cudurka la yiraahdo al xasbah\‫الحصبة‬, oo aan
ku wado inay tahay jadeecada.
Zayd bin Xaarithah\‫ زيد بن حارثة‬wuxuu Al Madiinah\‫ المدينة‬soo galay isagoo uu Cuthmaan
\‫ عثمان‬qabrigeeda dul taagan yahay.
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\‫ عبد هللا إبن عباس‬ka wariyay inuu yiri:
"Markay Ruqayyah\‫ رقية‬dhimatay wuxuu (Nabigu) Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
".‫"إلحقي بسلفنا عثمان بن مظعون‬
"I1xaqii bi salafinaa Cuthmaan bin Mathcuun",
oo macneheedu yahay:
"Ka daba tag midkeenna noo hormaray oo ah Cuthmaan bin Mathcuun‫" عثمان بن مظعون‬.
Cuthmaan bin Mathcuun‫عثمان بن مظعون‬
wuxuu ahaa ninka ugu horreeya ee
64
Muhaajiriinta\‫ المهاجرين‬Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬uga dhinta, iyo kan ugu
horreeyey oo qubuuraha Al Baqiic\‫ البقيع‬lagu duugo.
Markay Ruqayyah\‫ رقية‬dhimatay ayay haweenkii booyeen. Markaasaa waxaa u yimid Cuthmaan
\‫ عثمان‬oo garaacay.
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ ومهما يكن من اليد واللسان فمن الشيطان‬،‫ فمن هللا والرحمة‬،‫"مهما يكن من العين والقلب‬
"Mahmaa yakun mina al cayni wa al qalbi, fa mina Allaahi wa al raxmah. Wa mahmaa
yakun mina al yadi wa al lisaani fa mina al sh-shaydhaani."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxa ka sugnaada isha -oo ah oohinta- iyo qalbiga-oo ah tiiraanyada- waxay ka yimaadeen
Ilaahay iyo naxariista. Wixiise ka ahaada gacanta -sida wajiga oo la iska xagto, ama dharka oo
la iska dillaciyo- iyo carrabka -oo ah wax aan habbooneyn oo laga yiraahdo waxay ka
yimaadeen shaydhaanka".
Markaas ayay Faadhimah\‫ فاطمة‬qabriga qarkiisa fariisatay, ayadoo booyeysa. Markaasuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu darafta maradiisa ka mariyay labadeeda
indhood, isagoo illinta ka tiraya.
Al Waaqidii\‫ الواقدي‬wuxuu yiri:
"Waxay tani ixtimaaleysaa inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam tegey qabrigeeda kaddib
markuu Badar\‫ بدر‬kasoo laabtay."
Lix. U m m u K u l t h u u m\‫أم كلثوم‬, Sallaa Allaahu Calayhaa Wasaallam
Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬waa gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Ummuu Kulthuum‫ أم كلثوم‬magaceeda lama yaqaanno, waxaase loo yaqaannaa koofaarteeda oo
ah Ummu Kulthuum‫أم كلثوم‬, sida muuqatana magac kaleba looma bixin, oo koofaarteeda ayaa
magaceedana ah. Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬waxay u doonnayd Cutaybah ibnu Abii Lahab ‫عتيبة‬
\‫إبن أبي لهب‬. Cutaybah‫ عتيبة‬wuxuu ku dhintay gaalnimadiisa.
Labadaas walaalaha ah oo labada gabdhood oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, soo doonay oo la siiyey, intuusan midkoodna guursan oo uusan la aqal gelin, ayaa
waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo degatay Aayadda laba boqol iyo afar
iyo toban ee Suuratu Al Shucaraa'\‫سورة الشعراء‬, oo lagu amrayo inuu cashiiradiisa u dhigo.
Aayaddu waxay leedahay:
"Wa anthir cashiirataka al aqrabiina(214)",
oo macneheedu yahay:
ِ
ِ
)212( ‫ين‬
َ ِ‫َوأ َْنذ ْر َعش َيررَ َك ْالَ ْق َرب‬
65
"Una dig qaraabadaada kuu sii dhaw(214)."
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, cashiiradiisa isugu yeeray oo uu u digay.
Markaasuu Abuu Lahab wuxuu yiri: "Ma taasaad isugu kaaya soo yeertay, hoog oo khasaare?"
Markaasaa waxaa soo degatay Suuradda Tabbat\‫سورت تبت‬, oo oraneysa:
)3( ‫) إِ َّن َشانَِئ َك ُه َو ْال َْبرَُر‬2( ‫ِّك َو ْان َح ْر‬
َ ‫َع‬
َ ‫ص ِّل لِ َرب‬
َ ‫ط ْي َن‬
ْ ‫ إَِّنا أ‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
َ َ‫) ف‬1( ‫اك اْل َك ْوثََر‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Tabbat yadaa abii Lahabin wa Tabba(l)Maa
aghnaa canhu maaluhu wa maa kasaba(2)Sayaslaa naaran thaata lahabin(3)Wa
imra'atuhu xammaalata al xadhabi(4)Fii jiidihaa xablun min mmasadi(5)"
Suuradda macneheedu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. iyo wuxuu Waxaa khasaaray labad gacnood ee Abuu
‫ أبو لهب‬Lahab -ujeedaduna waa isagoo idil(1 ) Waxna uma tarin maalkiisa kasbada toona, oo
cathaabta Ilaahay kama ayan celin karaan(2)Wuxuuna gelayaa Naar, waa dabee, olol leh, waa
holocee(3)Haweentiisuna, midda qoryaha xambaari jirtay, oo intay qoryaha qodax leh iyo qodax
qaaddo ayay waxay dhigi jirtay dariiqa uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maro oo
gurigiisa ka baxa, si ay u cirba goyso. Ayaduna Naar ololeysa ayay geleysaa( 4 )Luqunteedana
waxaa ku xiran silsilad bir ka sameysan oo toddobaatan diraac ah oo inta afkeeda ka gasha
dabadeeda kasoo baxaysa inta kasoo hartana qoorta loogu duubayo. Masadka waxaa kaloo la
yiraahdaa liifka gedaha laga falkiyo( 5)".
Cutaybah ina Abuu Lahab\‫ عتيبة إبن أبي لهب‬libaax ayaa cunay
Markay Suuraddaas Tabbat\‫ تبت‬soo degatay ayuu Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬intuu labadiisa wiil u
yeeray ayuu wuxuu ku yiri:
"Madaxaygu madixiinna waa ka xaaraan -oo macneheedu yahay ha ii soo dhowaanina, ayadoo
ay labada is jecel hal barkin wada barkadaan-, haddaydnaan labada gabdhood e.e Muxammad
(Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) furin."
Markaasey amarkiisa yeeleen oo labada gabdhood fureen, ayagoo aan weli la aqal gelin.
Ibnu abii Khathmah\‫ إبن أبي خيثمة‬wuxuu Qataadah\‫ قتادة‬ka wariyay inuu Cutaybah‫ عتيبة‬markuu
Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬furay uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid, oo uu ku
yiri:
"Diintaada waan ku kufriyey -oo macneheedu yahay inuu gaalnimadiisa ku taagnaanayo, isagoo
aan horeba u islaamin-, gabadhaadana waan furay. Sababtaas daraadeed ayaadana adiguna ii
jeclayn, aniguna aanan kuu jeclayn."
Hadalkiisaasna wuxuu salka ku haya oo ku dhisan yahayba gaalnimo iyo cinaad. Markuu intaas
yiri ayuu intuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhegey ayuu khamiiskiisa jeexay,
sida Qataadah\‫ قتادة‬laga wariyay.
Markuu sidaas falayo, Cutaybah‫ عتيبة‬wuxuu u socdaa Shaam\‫الشام‬, oo uu ganacsi u aadayaa.
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"أما إني أسأل هللا أن يسلط عليك كلبه‬
66
"Ammaa innii as'alu Allaahu an yusallidha calayka kalbahu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Aniguna waxaa Ilaahay ka baryayaa inuu kugu sallido -waa kugu diree- eygiisa, oo uu ku dilo."
Al Xaakimna\‫ الحاكم‬wuxuu wariyay riwaayad oraneysa inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
yiri:
".‫"أللهم سلط عليه كلبا من كالبك‬
"Allaahumma! Sallidh calayhi kalban min kilaabika",
oo macneheedu yahay:
"Ilaahayow ku sallidh, oo ha cuno, ey eeyahaaga ka mid ah."
Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬, oo markaas goob joog ahaa ayaa wuxuu markaas Cutaybah \‫ عتيبة‬ku
yiri, isagoo habaarkaas ka calool xumaaday:
".‫"ما كان أغناك عن دعوة ابن أخي‬
“Maa kaana aghnaaka can dacwata ibna akhii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Yaa kaa celinaya, Cutaybahow‫عتيبة‬, habaarka wiilka walaalkay?" isagoo ogsoon inuu Ilaahay
Tacaalaa ducada Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aqbalayo.
Markaas kaddib ayuu Cutaybah‫ عتيبة‬wuxuu rag ganacsado ah oo Quraysh\‫ قريش‬ah ula safray
xagga arliga Shaam\‫الشام‬. Markaasey waxay degeen meel Shaam\‫ الشام‬ku taalla oo la yiraahdo Al
Zarqaa'\‫الزرقاء‬, markay habeen noqotay.
Markaasaa waxaa habeennimadaas ku dul wareegtay libaax. Markaasuu Cutaybah ‫ عتيبة‬wuxuu
yiraahdaa, oo uu ku celceliyaa:
"‫ أقاتلني ابن أبي كبشة وهو بمكة وأنا بالشام!؟‬،‫ كما دعى علي محمد‬،‫ هو وهللا آكلي‬،‫"يا ويل أمي‬
“Yaa wala ummii, huwa wa Allaahi aakilii, kamaa dacaa calayya Muxammadun,
aqaatilinii ibnu abii Kabshah wa huwa bi Makkah wa anaa bi Al Shaami?!”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Hooyaday way hoogtay -oo macneheedu yahay: waan ka dhimanayaa, ayaadana ii sababtay
inaan falo waxaan falay, oo markaan amarkeeda yeelayna, oo ahaa inaan gabadha furo, waxaa u
sugnaatay inaan halligmo, oo ay sidaas igu waydo-. Wa Allaahi libaaxaani aniguu i cunayaa,
siduu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iigu habaaray. Ma wuxuu ibnu Abi
Kabshah -oo uu ka wado Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay
gaalada qaarkood sidaas ugu yeeri jireen- i dilayaa isagoo Makkah\‫ مكة‬jooga, aniguna aan Shaam
\‫ الشام‬ku suganahay!"
67
Markaasuu libaaxu inta dadka kale soo dhaafay ayuu isaga weeraray, oo markuu u yimid uu
madaxiisa afka gashaday oo uu burburiyay.
Riwaayad kalena waxay warisay sidatan:
"Markaasuu libaaxu yimid, oo uu wajiyada ragga urursaday. Markaasuu intuu saynta laabtay oo
uu isku guda celiyay uu Cutaybah‫ عتيبة‬kusoo booday oo uu markaas mar keli ah ku dhuftay oo
uu googooyey. Markaasuu Cutaybah‫ عتيبة‬wuxuu yiri:
".‫"قتلني‬
“Qatalanii.”
Oo macnihiisu yahay:
"Wuu i dilay". Kaddibna wuu dhintay."
Riwaayad kalena waxay warisay inuu libaaxu ragga kale kasoo kor tillaabsaday, oo markuu
Cutaybah‫ عتيبة‬u yimid, uu madaxa ka qabtay oo uu burburiyay. Waxaana riwaayaddaan wariyay
Al Duulaabii\‫الدوالبي‬, ahna al xaafith Abuu Bishr\‫الحافظ أبو بشر‬.
Libaaxa waxaa ey loo yiri inuu sida eyga oo kale markuu kaadshayo uu lugta kor u qaado, siduu
Al Dimyarii\‫ الدميري‬u yiri.
Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬wuxuu wariyay riwaayad kale, uuna ka wariyay Al Asada bin Habaar ‫األسد‬
\‫بن هبار‬, oo yiri:
"Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬iyo wiilkiisa Cutaybah‫ عتيبة‬ayaa waxay isku diyaariyeen Safar ganacsi ee
Shaam\‫الشام‬. Markaasaan aniguna raacay. Kaddib waxaan ku degannay meel u dhow guri uu
deggan yahay nin raahib\‫ راهب‬ah, waa wadaad krishtaan ahe. Markaasuu raahibku wuxuu yiri:
"Maxaa meeshaan idin dejiyay? Meeshaan waxay leedahay dugaag wax cuna".
Markaasaa Abuu Lahab\‫ أبو لهب‬wuxuu yiri:
".‫"أنتم عرفتم سني وحقي‬
“Antuma caraftum sinnii wa xaqqii.”
Oo macnihiisu yahay:
"Adinku waxaad ogsoontihiin da'deyda iyo xaqqaygaba!"
Waxaan niri: "Haa".
Wuxuu yiri:
".‫ ثم افرشوا عليها وناموا حوله‬،‫ فاجمعوا متاعكم على هذه الصومعة‬،‫"إن محمدا دعا على ابني‬
“Inna Muxammadan dacaa calaa ibnii, fa ajmacuu mataacakum calaa haathihi al
sawmacati, thumma afrishuu calayhaa wa naamuu xawlahu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Muxammad\‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wiilkeyga ayuu habaaray. Marka,
alaabtiinna waxaad wada keentaan guriga wadaadkaan dhexdiisa. Markaas alaabta korkeeda u
68
gogla, kaddibna hareerihiisa seexda."
Sidaas ayaanna yeelnay.
Cutaybahna\‫ عتيبة‬wuxuu seexday alaabta korkeeda. Markaasaa waxaa yimid libaaxa, oo
markaas wajiyadeenna urursaday, kaddibna wuxuu ku booday alaabteenna korkeeda, oo uu
markaas (Cutaybah‫ )عتيبة‬madaxa ka gooyey, uuna isla saacaddaasba meeshaas ku dhintay.
Markaasaan daba galnay libaaxa waana waynay."
Guurka Ummu Kulthuum\‫أم كلثوم‬
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar ibnu Al Khadh-dhaab ‫أمير‬
\‫المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdo isagana wax raalli geliyay siiyee, ka
wariyay inuu yiri:
"Waxaan usoo jeediyey Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬inuu Xafsah\‫ حفصة‬guursado. Markaasuu iga
aamusay.
Markaasaan waxaan la kulmay Cuthmaan\‫ عثمان‬-waana kaddib markay Ruqayyah\‫رقية‬, gabadha
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka dhimatay-markaasaan usoo jeediyay
inuu Xafsah‫ حفصة‬guursado -oo ah gabadha uu Cumar‫ عمر‬dhalay, oo uu ninkeedii ka dhintay-.
Markaasuu wuxuu yiri: "Waa ka fiirsanayaa."
Markaasuu dhawr habeen joogay, kaddibna uu yiri: "Waxay iila muuqatay inaanan maantadaan
guursan."
Markaasuu Cumar‫ عمر‬wuxuu Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬iyo Cuthmaan\‫ عثمان‬kala kulmay u sheegay
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Cumar‫ عمر‬ku yiri:
".‫ ويتزوج عثمان من هي خير من حفصة‬،‫"يتزوج حفصة من هو خير من عثمان‬
"Yatazawwaju Xafsah man huwa khayrun min Cuthmaana, wa yatazawwaju Cuthmaanu
man hiya khayrun min Xafsah."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa Xafsah‫ حفصة‬guursanaya mid isagu ka khayr badan Cuthmaan‫عثمان‬. Cuthmaanna
‫ عثمان‬wuxuu guursanayaa mid ayadu Xafsah‫ حفصة‬ka khayr badan."
Markaasu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Xafsah guursaday,oo ay sidaas
Ummu Al Mu'miniina\‫ أم المؤمنين‬hooyadeen ku noqotay. Cuthmaanna‫ عثمان‬wuxuu guursaday
gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ummu Kulthuum\‫أم كلثوم‬.
Xadiithkaan ayay culummadu u daliilsadaan inay gabdhihiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ka fadli badan yihiin haweenkiisa.
Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬waxay Amiiru Al Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan "Thuu Al
Nuurayni"\"‫ أمير المؤمنين عثمان بن عفان "ذا النورين‬guursatay bisha Rabiicu Al Awwal\‫ربيع األول‬
69
ee sanadka saddexaad ee Hijrada, caruurna uma ayan dhalin.
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
Cuthmaan\‫ عثمان‬ku yiri markay Ruqayyah\‫ رقية‬ka dhimatay:
".‫ زوجتك أخرى‬،‫ لو أن عندي مأة بنت يمتن واحدة بعد واحدة‬،‫"والذي نفسي بيده‬
"Wa Allathii nafsii bi Yadihi, law anna cindii mi'atu bintin yamutna waaxidatan bacda
waaxidatin, zawwajtuka ukhraa".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan ku dhaartay Midkay nafteydu Gacantiisa ku jirto, haddaan lahaan lahaa boqol
gabdhood oo ay middoodba tan kale dabadeeda dhimato, hadba mid kale ayaan kuu guurin
lahaa."
Taasoo ammaan wayn iyo faan Cuthmaan‫ عثمان‬u ah, kana mid ah manaaqibtiisa. Wuxuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hadalkiisaas ku xoojiyay isagoo yiri:
".‫ أخبرني أن هللا يأمرني أن أزوجك‬،‫"هذا جبريل‬
"Haathaa Jibriilu, akhbaranii anna Allaaha ya'murunii an uzawwijakahaa",
oo macneheedu yahay:
"Kani waa Jibriil oo ii sheegay inuu Ilaahay igu amrayo inaan -Ummu Kulthuum- kuu guuriyo."
Waxaa Xadiithkaan wariyay Al Fadaa'ilii\‫الفضائلي‬.
Ibnu Mundah\‫ إبن منده‬wuxuu Ummu Cayaash\‫ أم عياش‬ka wariyay, oo ahayd mawlada Ruqayyah
\‫ رقية‬gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, inay tiri:
"Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo leh:
".‫"ما زوجت عثمان أم كلثوم إال بالوحي من السماء‬
"Maa zawwajtu Cuthmaana Ummu Kulthuuma illaa bi waxyin mina Al Ssamaa'i."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Uguma aanan guurin Cuthmaan Ummu Kulthuum waxaan ahayn waxyi Samada ka yimid."
Abuu Hurayrah\‫ أبو هريرة‬wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
‫ وعلى مثل‬،‫ "إن هللا يأمرك أن تزوج عثمان أم كلثوم على مثل صداق رقية‬:‫ فقال‬،‫"أتاني جبريل‬
".‫صحبتها‬
"Ataanii Jibriilu, fa qaala: "Inna Allaaha ya'muruka an tuzawwija Cuthmaana Ummu
Kulthuuma calaa mithli sadaaqi Ruqayyah, wa calaa mithli suxbatihaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
70
"Waxaa ii yimid Jibriil\‫ جبريل‬oo yiri: "Ilaahay wuxuu ku amrayaa inaad Cuthmaan‫ عثمان‬ugu
guurisid Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬meher la mid ah meherkii Ruqayyah‫ رقية‬iyo suxbo la mid ah
suxbadeeda."
Labadaanba waxaa wariyay ibnu Mundah\‫إبن منده‬.
Dhimashada Ummu Kulthuum‫أم كلثوم‬
Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay
dhimatay bisha Shacbaan\‫ شعبان‬ee sanadka todoobaad ee Hijrada, ayadoo u dhaxda Amiiru Al
Mu'miniina Cuthmaan bin Caffaan "Thuu Al Nurayni" ‫أمير المؤمنين عثمان بن عفان "ذو‬
\"‫النورين‬, Allaha raalli ka wada noqdee.
Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬waxaa dhaqay Asmaa' bintu Cumays\‫أسماء بنت عميس‬, Allaha raalli ka
noqdee, ahaydna haweenta Jacfar bin Abii Dhaalib\‫ جقفر بن أبي طالب‬oo isagoo qaba la dilay.
Dabadiisna waxaa guursaday Abuu Bakar Al Siddiiq\‫أبوبكر الصديق‬, oo ay u dhashay wiilkiisa
Muxammad ibnu Abuu Bakar Al Siddiiq\‫محمد بن أبي بكر الصديق‬.
Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬waxaa la oofsaday ayadoo u dhaxda.
Markaasaa waxaa guursaday Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, waxayna u dhashay laba
wiil oo la kala yiraahdo Yaxyaa bin Calii\‫ يحيى بن علي‬iyo Cawn bin Calii\‫عون بن علي‬.
Asmaa'‫ أسماء‬aabeheed waxaa la yiraahdaa Cawf bin Zuhayr bin Al Xaarith\‫عوف بن زهير بن الحارث‬
oo qabiilka Kinaanah\‫ كنانة‬u dhashay.
Asmaa'‫ أسماء‬waa walaasha la dhalatay Ummu Al Mu'miniina Maymuunah binti Al Xaarith Al
Hilaaliyyah\‫أم المؤمنين ميمونة بنت الحارث الهاللية‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, oo ay isku hooyo yihiin.
Waxay kaloo ay walaalo yihiin, oo ay wada dhasheen Lubaabah Ummu Al Fadl \‫لبابة أم الفصل‬,
haweenta Al Cabbaas\‫العباس‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis, waxayna
ahaayeen sagaal gabdhood oo wada dhashay, isku wada hooyana ah, uuna Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri:
".‫"األخوات مؤمنات‬
"Al akhwaatu mu'minaatun",
oo macneheedu yahay:
"Gabdhaha walaalaha ahi waa mu'minaat."
Xadiithkana waxaa wariyay Al Xaakim\‫ الحاكم‬iyo Al Dhabarii\‫ الطبري‬iyo ibnu Sacad\‫إبن سعد‬.
Waxaa kaloo Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬wax ka dhaqday Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib
\‫صفية بنت عبد المطلب‬, siduu ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬u wariyay.
Waxaa ayaduna go ob joog ahayd Ummu Cadhiyyah\‫أم عطية‬, oo ahayd haweenta maydka
71
haweenka dhaqi jirtay, siduu ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬u wariyay.
Ummu Cadhiyyah‫ أم عطية‬waxay tiri, ayadoo ay Xadiithkaan wariyeen Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo
Muslim\‫ مسلم‬iyo Maalik\‫مالك‬:
"Waxaa noo soo galay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka gabadhiisa la
oofsaday, wuxuuna yiri:
‫ واجعلن في اآلخرة‬،‫ بماء وسدر‬،‫ أو أكثر من ذلك إن رايتن ذلك‬،‫ أو سبعا‬،‫ أو خمسا‬،‫"أغسلناها ثالثا‬
".‫ فإذا فرغتن فاذناني‬.‫كافورا‬
"Aghsilnahaa thalaathan, aw khamsan, aw sabcan, aw akthara min thaalika in ra'aytinna
thaalika, bi maa'in wa sidrin, wa ajcalni fii al aakhirati kaafuuran. Fa ithaa faraghtunna fa
athinnanii."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaad dhaqdaan saddex goor, ama shan, ama toddoba, ama intaas ka badan hadday idinla
noqoto in loo baahan yahay, kuna dhaqa biyo iyo sidr -oo ah dhir hilibka jirka isku qabata-.
Marka u dambeysana waxaad biyahaad ku dhaqaysaan ku dartaan dhirta kaafuurka \‫ كافور‬-oo ah
dhir carfoon, oo jirka carfineysa, jirkana qaboojineysa, siineysana xoog, iskuna hayneysa,
xasharaadkana ka eryeysa-. Markaad kasoo jeesataanna isoo ogeysiiya."
Markaasaan markaan kasoo jeesannay, ayaan ogeysiinnay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu wuxuu noo soo tuuray go'iisa wuxuuna yiri:
".‫"أشعرنها إياه‬
"Ashcarnahaa iyyaahu",
oo macneheedu yahay:
"Jirkeeda ku duuba oo kafanta ka xijiya", oo kafanta go'a korkiisa ku duuba."
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu yiri:
"Waxaa la yiri xikmada ku jirta inuu bixinta go'a dib ugu dhigay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ilaa ay dhaqiddeeda kasoo jeestaan waxaa weeye, oo uusan marka horeba ugu dhiibin,
inuu go'u ahaado mid markaasba isaga jirkiisa kariimka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
kasoo wareegay, oo markuu jirkiisa kasoo wareegayo uuna keeda usoo wareegayo uusan waqti
kala gooya u dhexeyn. Arrinkaan ayaana ah asliga uu ku fadhiyo in ragga saalixiinta ah woxooda
laga barakeysto."
Waa intaas warka Ibnu Xajar Al Casqalaani\‫ إبن حجر العسقالني‬.
Ummu Cadhiyyah\‫ أم عطية‬waxay tiri, siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬Xafsah\‫ حفصة‬uga wariyay:
"Markaasaan u shanleynnay, una yeelnau saddex tidcood oo waaweyn, ahna galaamidda timaha,
aan xagga dambe ee madaxeeda ku dhejinnay", ayagoo oofinaya amarkiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, oo ku yiri:
".‫"واجعلن لها ثالثة قرون‬
72
"Wa ajcalna lahaa thalaathata quruunin",
oo macneheedu yahay:
"Waxaadna u yeeshaan saddex tidic oo waaweyn."
Ummu Kulthuum\‫أم كلثوم‬, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam, waxaa
lagu duugay xabaalaha Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ee la yiraahdo Al Baqiic
\‫البقيع‬, godkeedana waxaa galay Calii bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬iyo Al Fadlu bin Al
Cabbaas\‫ الفضل بن العباس‬iyo Usaamah bin Zayd\‫أسامة بن زيد‬, Allaha dhamaantood raalli ka
noqdee.
Waxaa sidaas wariyay Al Waaqidii\‫الواقدي‬.
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu Anas bin Maalik\‫ أنس بن مالك‬ka wariyay inuu yiri:
"Waxaan goob joog ka ahayn duugidda gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, RasuuIka Ilaahayna, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu fariistay
qabriga dushiisa, ayadoo ay labadiisa indhood ilmo ka hooreyso, wuxuuna yiri:
"‫"هل فيكم من أحد لم يفارق الليلة؟‬
"Hal fiikum min axadin lam yufaariq allaylata?"
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma idinku jiraa mid aan xalay gogol gelin?
Markaasuu Abuu Dhalxah\‫ أبو طلحة‬yiri:
"Aniga".
Markaasu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
".‫"أنزل قبرها‬
"Anzil qabrahaa",
oo macneheedu yahay:
"Qabrigeeda hoos ugu dego."
Markaasuu ku degay.
Taasi waxay ishaaro u tahay inay habboon tahay inuu maydka qabriga geliyo qof macaansiga
muddo moog, haba ahaado nin ay haweentiisu dhimataye, ayadoo uu Cuthmaan \‫ عثمان‬markaas
goobjoog yahay. Cuthmaan\‫ عثمان‬habeenkaas wuxuu la gogol galay, siduu u wariyay ibnu
Xabiib\‫إبن حبيب‬, gabar addoon ah oo uu leeyahay.
Sidaas ayaa Ummu Kulthuum\‫أم كلثوم‬, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, loo duugay.
73
Toddoba. Faadhimah\‫فاطمة‬, Sallaa Allaahu Calayhaa Wasallam
Faadhimah‫ فاطمة‬waa gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Manaaqibta
iyo tilmaamaha ay leedahay oo sarreynta makaankeeda tilmaamaya, mudanna in lagu ammaano,
lama tirin karo, oo halkaan laguma soo koobi karo, oo kitaab dhan ama kutubbo badan ayay u
baahan yihiin. Aniguna isku dayi mayo inaan halkaan intooda badanba ku sheego ee wax yar
ayaan kasoo qaadaneynnaa.
Waxaaba Faadhimah‫ فاطمة‬ammaan ugu filan inay tahay haweeneyda ummaddaan ugu khayr
badan, iyo inay Caa'ishah\‫ عائشة‬tiri:
".‫"ما رأيت أحدا قط أفضل من فاطمة غير أبيها‬
“Maa ra’aytu axadan qadh-dh afdala min Faadhimah ghayra abiihaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma aanan arag waligay qof Faadhimah ka fadli badan, oo ka sarreeya, oo aan aabeheed ahayn,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam."
Al Dhabraanii\‫ الطبر اني‬iyo ghayrkiiisba waxay wariyeen inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Faadhimah‫ فاطمة‬ku yiri:
".‫ ويرضا لرضاك‬،‫"إن هللا يغضب لغضبك‬
"Innaa Allaaha yaghdibu li ghadabika, wa yardaa li ridaaka."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay waxaad u carooto Isaguna wuu u caroodaa, waxaad raalli ka noqotana raalli ayuu ka
noqdaa."
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Al Isaabah\‫ اإلصابة‬ku wariyay inay Faadhimah‫ فاطمة‬koofaarteedu
ahayd "Ummu abiihaa\‫ "أم أبيها‬oo macneheedu yahay: "Hooyada aabeheed".
Faadhimah‫ فاطمة‬waxay dhalatay sanadka kow iyo afartanaad ee dhalashada Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo wareegatay, waana Nabinnimada kaddib, siduu u wariyay
Abuu Cumar ibnu Cabdu Al Barr\‫أبو عمر إبن عبد البر‬, oo ka wariyay Cubaydu Allaaahi bin
Muxammad bin Sulaymaan bin Jacfar Al Haashimii ‫عبيد هللا بن محمد بن سليمان بن جعفر‬
\‫الهاشمي‬.
Faadhimaha‫ فاطمة‬waxay Caa'isha\‫ عائشة‬ka da' wayntahay qiyaas shan sano.
Waxaa Cabdu Allaahi ibnu Mascuud\‫ عبد هللا بن مسعود‬laga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
74
".‫"إنما سميت فاطمة ألن هللا فطمها وذريتها عن النار يوم القيامة‬
"Innamaa summiyat Faadhimah li anna Allaaha fadhamahaa wa thurriyatahaa cani Al
Nnnaari Yawma Al Qiyaamati."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa Faadhimah‫ فاطمة‬loogu bixiyey maxaa yeelay Ilaahay wuxuu ka reebay ayada iyo
dhasheedaba Naarta Maalinta Qiyaame", oo erayga al fadhmu\‫ الفطم‬waxaa la yiraahdaa al mancu
‫ المنع‬oo ah ka reebidda.
Sidaas ayaa marka ilmaha naaska laga gooyo waxaa la yiraahdaa fudhima\‫فطم‬, oo ah naaska ayaa
laga gooyey.
Arrinkaan waxaa Faadhimah‫ فاطمة‬iyo intay dhashayba oo ayada ku abtirsata ugu sugan bishaaro
wayn iyo inay islaannimo ku dhimanayaan, Naarna ayan geleyn, muslinkoo idil Allaha ka
fogeeyee.
Waxaa kaloo wariyay Xadiithkaan ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬iyo ghayrkiisba.
Al Ghassaanii‫ الغساني‬iyo al Khadhiib\‫ الخطيب‬waxay wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"سميت فاطمة ألن هللا فطمها ومحبيها عن النار‬
"Summiyat Faadhimah li anna Allaaha fadhamahaa wa muxibbiihaa cani Al Nnnaari."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa Faadhimah loogu bixiyay ayadoo uu Ilaahay ayada iyo inta jecelba Naarta ka
mamanuucay, oo ayan geleyn weeye." Allow naga mid dhig kuwa ayada iyo dhasheedaba jecel."
Xadiithkaanna waxaa bishaaro ugu jirtaa qof kasta oo muslin aah oo Faadhimah‫ فاطمة‬, gabadha
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecel.
Faadhimah‫ فاطمة‬waxaa kaloo lagu koofaaraa Al Batuul\‫البتول‬, looguna bixiyey ayadoo ka sare
martay oo ka go'day haweenka zamankeeda, xagga fadliga iyo sarreynta iyo diinta iyo
gobannimada iyo laan dheeraantaba, ayadoo kaddib marka walaaleheed la oofsaday, ayan
adduunka jirin haweeney fadligaas la wadaagta.
Waxaa kaloo la yiri waxaa Al Batuul\‫ البتول‬loogu bixiyay, siduu ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬u yiri,
go'iddeeda ay Ilaahay Tacaalaa u go'day, ayadoo adduunkaan ka go'day, oo al tabattul waa
go'idda, sidayba non sheegtay Aayadda sideedaad ee Suuratu Al Muzammil\‫سورة المزمل‬, oo uu
Ilaahay Tacaalaa ku yiri:
)8( ‫يًل‬
ً ِ‫ِّك َورََبرَّ ْل إِلَ ْي ِه رَْبر‬
َ ‫اس َم َرب‬
ْ ‫َوا ْذ ُك ِر‬
"Wa athkur Isma Rabbika wa tabattal I1ayHi tabtiilan(8)",
oo macnheedu yahay:
"Xusna magaca Rabbigaa, cibaadadiisana u go'(8)."
75
Faadhimah waxaa kaloo la yiraahdaa Al Zahraa'a\‫الزهراء‬, looguna bixiyey midabkeeda oo
ahaa caddaan nuuraya.
Guurka Faadhimah\‫فاطمة‬
Faadhimah\‫ فاطمة‬, gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay
guursatay Amiiru Al Mu'miniina Al Imaamu Calii bin Abii Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalib
bin Haashim Al Haashimii\‫أمير المؤمنين علي بن أبي طالب بم عبد المطلب بن هاشم الهاشمي‬, Sallaa
Allaahu Calayhim Wasallam, bisha Muxarram\‫ محرم‬ee sanadka saddexaad ee Hijrada. Taariikho
kalena waa la sheegay, aanse ka fogeyn middaan. Waxaa kaloo la yiri waxay guursatay afar
bilood iyo nus kaddib markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Caa'ishah \‫ عائشة‬la
aqal galay, tanoo ahayd bisha Shawwaal\‫ شوال‬ee sanadka labaad ee Hijrada, oo markaas ku
beegan nuska bisha Safar\‫صفر‬, ama toddoba bilood Hijrada dabadeed.
Calii‫ علي‬wuxuu Faadhimah‫ فاطمة‬la aqal galay toddoba bilood iyo nus nikaaxa dabadiis, taasoo
ku beegan bisha Shawwaal\‫ شوال‬ee sanadka saddexaad ee Hijrada.
Waxaa kaloo la yiri: bal wuxuu guursaday bisha Safar\‫ صفر‬ee sanadka labaad, wuxuuna la aqal
galay bisha Thuu Al Xijjah\‫ ذوالحجة‬ee ay labo iyo labaatan bilood kasoo wareegteen Hijrada.
Ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬wuxuu wariyay inuu Calii‫ علي‬guursaday bisha Rajab\‫ رجب‬ee sanadkay Al
Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬yimaadeen, wuxuuna la aqal galay markay duullaanka
Badar\‫ غزوة بدر‬kasoo laabteen.
Faadhimah‫ فاطمة‬waxay Calii‫ علي‬ku guursatay amarka Ilaahay, oo wuxuu Al Dhabraanii
\‫ الطبراني‬wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallallaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"إن هللا أمرني أن أزوج فاطمة من علي‬
"Innaa Allaaha amaranii an uzawwija Faadhimah min Calii."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay wuxuu i amray inaan Faadhimah‫ فاطمة‬u guuriyo Calii‫ علي‬."
Markaas ay guursaneyso, waxay Faadhimah‫ فاطمة‬jirtaa shan iyo toban sano iyo shan bilood iyo
nus, siduu ibnu Cabdu Al Barr\‫ إبن عبد البر‬u wariyay.
Calina‫ علي‬wuxuu markaas jiraa afar iyo labaatan sano iyo bil iyo nus. Intaasoo taariikhood
midday ahaydna Ilaahayga aan waxba ka qarsooneyn ayaa og.
Siduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Faadhimah‫ فاطمة‬u jeclaa
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, caruurtiisa oo idil wuu jeclaa, wuxuuna Al
Tarmathii\‫ الترمذي‬iyo al Xaakim\‫ الحاكم‬ay Usaamah\‫ أسامة‬ka wariyeen inuu Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
76
".‫"أحب أهلي إلي فاطمة‬
"Axabba ahlii ilayya Faadhimah‫" فاطمة‬,
oo macneheedu yahay:
"Ehelkeyga waxaan ugu jeclahay Faadhimah."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxa ugu xoog badan oo taas loo daliilsan karo ay tahay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"إنها سيدة نساء العالمين إال مريم‬
"Innahaa sayyidatu nisaa'i al caalamiina illaa Maryama."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Aayadu – Faadhimah‫ فاطمة‬- waa Sayyidda, waana hoggaamiyasada madaxda u ah haweenka
caalamiinta, intaan Maryama\‫ مريم‬ahayn"
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, saddexdiisa gabdhood oo kale, waxaa la oofsaday oo
ay dhinteen ka hor intuusan isagu adduunkaan ka tegin, oo sidaas ayay ayagu isaga saxiifadiisa
ugu jiraan oo musiibadaaas iyo dhibaatada ku timid dhimashada ubadkiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo sabarka uu u sabray ajar looga siinayaa.
Nabiguse, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu adduunkaan ka tegey ayadoo ay Faadhimah
‫ فاطمة‬nooshahay, oo sidaas ayuu isagu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayada saxiifadeeda
ugu jiraa, oo musibadaas ku timid oo ah waayidda aabeheedii Nabiga iyo RasuuIka Ilaahay ahaa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo sabridda ay musiibadaas u sabartay, ayaa looga ajar
siinayaa. Qiimaha waynta aabahaasna, oo ah Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Ilaahay Tacaalaa keli ah ayaa qadarkeeda og.
Abuu Jacfar Al Dhabarii\‫ أبو جعفر الطبراني‬wuxuu tafsiirkiisa ku wariyay inay Faadhimah‫ فاطمة‬tiri:
‫ "أأخبرك بسر رسول‬:‫ ثم ناجاني فضحكت فسألتني عائشة فقلت‬،‫ فبكيت‬،‫"أنه صلى هللا عليه وسلم ناجاني‬
‫ وأنه لم ترزأ‬،‫ "احسب أني ميت في عامي هذا‬:‫ قال‬:‫ فقالت‬،‫ فلما توفى سألتني‬،"‫هللا صلى هللا عليه وسلم؟‬
‫ "أنت سيدة نساء أهل‬:‫ فقال‬،‫" فبكيت‬.‫ فال تكوني مثل امرأة منهن صبرا‬،‫امرأة من المسلمين مثل ما رزئت‬
".‫ فضحكت‬،"‫الجنة إال مريم‬
“Ananahu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam naajaanii, fa bakaytu, thumma naajaanii fa
daxiktu, fa sa’alatnii Caa’ishah fa qultu: “a’ukhbiriki bi sirri Rasuuli Allaahi Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Sallam?” Falammaa tuwafaa sa’alatnii”. Fa qaalat: “qaala: “axsabu
annii mayyitun fii caamii haathaa, wa annahu lam tazra’ imra’atun mina al muslimiina
mithla maa ruz’iti, falaa takuunii mithla imra’atin mihunna sabran.” Fa bakaytu. Fa
qaala: “Anti Sayyidatu nisaa’i ahli al jannati illaa Maryama.” Fa daxiktu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wuu ila faqay (waana aabeheed, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu hayey xanuunbka
loo oofsan doono), markaasaan ooyay. Markaasuu hadana ila faqay, markaasaan qoslay.
77
Markaasey Caa'ishah\‫ عائشة‬i waydiisey, waxaanna ku iri: "Miyaan sirta Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu CaIayhi Wasallam, kuu sheegaa?" Markaasey markii la oofsaday, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, hadana i weydiisay". Markaasey waxay tiri: wuxuu yiri: "Waxaan u
maleynayaa inaan sanadkaan dhimanayo, ayanna jirin haweeney ka mid ah haweenka
muslimiinta oo ay haleeleyso dhibaatada adigu ku haleeleysa mid la mid ah. Marka sabarkaagu
yuusan la mid ahaanin ayaga sabarkooda -oo haweenka kale aabohood oo Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ah kama uusan bixin."
Ibnu Cabdu Al Barr\‫ إبن عبد البر‬wuxuu yiri:
"Faadhimah‫ فاطمة‬waxay ahayd midduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gabdhihiisa
ugu jecel yahay (siduu Nabiga laftiisuba, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yiriba:
".‫"أحب أهلي إلي فاطمة‬
"Axabba ahlii ilayya Faadhimah"
oo ah macneheedu yahay:
"Ehelkeyga waxaan ugu jeclahay Faadhimah", wuxuuna ka dhunkan jiray afka , wuxuuna nuujin
jiray carrabkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, si ay calyadiisu calyadeeda ugu qasanto oo
ay sidaas uurkeeda ku gasho. Hadduu socdaal u ambabaxayana, qofka ugu dambeeya oo uu
sagootiyo oo ehelkiisa ka mid ahna waxay ahayd Faadhimah‫ فاطمة‬. Markuu safarka kasoo
noqdana, markuu laba rakco masjidka ku tukado, gurigeeda ayuu ugu hor geli jiray (Siduu
Axmadna|‫ أحمد‬Thawbaan\‫ ثوبان‬uga wariyay)".
Arooska Faadhimah‫فاطمة‬
Sanadka labaad ee Hijrada ayay Faadhimah‫ فاطمة‬waxay guursatay Calii bin Abii Dhaalib ‫علي‬
\‫بن أبي طالب‬, Ilaahay wajigiisa ha karaameeyee.
Al Dhabarii\‫ الطبري‬wuxuu sheegay inay guursatay bisha Safar\‫صفر‬, waxayna la aqal gashay bisha
Thuu Al Xijjah\‫ ذوالحجة‬ee isla sanadkaas, markay labo iyo labaatan bilood kasoo wareegeen
Hijrada.
Markaas ay guursaneyso Faadhimah‫ فاطمة‬waxay jirtaa shan iyo toban sano iyo shan bilood ama
lix bilood iyo nus. Caliina\‫ علي‬wuxuu markaas jiraa kow iyo labaatan sano iyo shan bilood. Calii
\‫ علي‬Faadhimah\‫ فاطمة‬haween kale lama uusan guursan, mana uusan guursan ilaa ay
Faadhimah\‫ فاطمة‬ka dhimato.
Furashada Makkah\‫ مكة‬kaddib ayuu Calii\‫ علي‬doonay Juwayriyyah\‫جويرية‬, gabadha uu dhalay
Abuu Jahahl‫أبوجهل‬, uuna doonay inuu Faadhimah‫ فاطمة‬la guursado.
Markaasey Faadhimah‫ فاطمة‬waxay aabeheed ku tiri:
".‫ وهذا علي ناكح بنت أبي جهل‬،‫ التغضب لبناتك‬،‫"زعم قومك أنك‬
78
“Zacama qawmuka annaka laa taghdibu li banaatika, wa haathaa Caliyyun naakixun
binta Abii Jahl.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Dadku waxay leeyihiin in gabdhahaaga marka lagu xadgudbo aadan ka caroon. Midkaanna waa
Calii\‫ علي‬oo guursanaya gabadha Abuu Jahal."
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu istaagay masjidka dhexdiisa, oo uu
asha-haatay ayuu wuxuu yiri:
‫ فمن أغضبها‬.‫ وإن فاطمة بضعة مني‬.‫ ووعدني فوفى لي‬.‫ فحدثني فصدقني‬،‫"إني أنكحت أبا العاصي‬
".‫ وهللا ال تجتمع بنت رسول هللا وبنت عدو هللا عند رجل واحد‬.‫ وإني أكره أن يسوءها‬.‫أغضبني‬
"Innii ankaxtu Abaa Al Caasii, faxadathanii fa sadaqanii. Wa wacadanii fa wafaa lii. Wa
inna Faadhimah badcatun minnii. Fa man aghdabahaa aghdabanii. Wa innii akrahu an
yusuu'ahaa. Wa Allaahi laa tajtamicu bintu Rasuuli Allaahi wa bintu caduwwa Allaahi
cinda rajulin waaxidin."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan gabadheyda (waa Zaynab\‫ )زينب‬u guuriyey Abaa Al Caasii\‫أبا العاصي‬.
Abuu Al Caasii‫ أبا العاصي‬wuu ii warramay, runta ayuuna ii sheegay. Ballan ayuu iga qaaday,
wuuna ii oofiyay. Faadumana‫ فاطمة‬waa cad aniga hilibkeyga ka mid ah, qofka ka careysiiyana
aniguu iga careysiiyay, aniguna waa necbahay inuu dhibaateeyo, oo wa Allaahi \‫ وهللا‬inayan
gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo gabadha cadawga Ilaahay nin
uusan wada qabi karin, oo ayan agtiisa ku kulmeyn."
Waxaa sidaas u wariyay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫مسلم‬. Intaas kaddib wuxuu Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Faadhimah‫ فاطمة‬ku yiri:
".‫"أوما ترضين أن تكوني سيدة نساء المؤمنين‬
"Awa maa tardiina an takuunii sayyidata nisaa'a al mu'miniina?"
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Miyaadan raalli ku ahayn inaad ahaato sayyidda hoggaamisa haweenka mu'miniinta?"
Waxaa wariyay Muslim\‫مسلم‬.
Axmad\‫ أحمد‬wuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"أفضل نساء أهل الجنة‬
"Afdala nisaa'a ahli al Jannati",
oo macneheedu yahay:
"Midda ugu sarreysa haweenka Jannada."
Gabadhaas uu Abuu Jahal\‫ أبو جهل‬dhalay, dhacdadaas kaddib waxaa guursaday saxaabiga la
79
yiraahdo Cattaab bin Asiid bin Abii Al Ciisii bin Umayyah bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf
bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah Al Qurayshiyyi Al Amawii ‫عتاب بن أسيد بن أبي العاصي بن أمية بن‬
\‫عبد شمس بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن مرة القرشي األموي‬, oo isagoo kow iyo labaatan jir ah uu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\‫ مكة‬markuu furtay uu guddoomiye uga
dhigay.
Cattaab\‫ عتاب‬markay qisadaas dhacday ayuu wuxuu yiri: "Anigaa dhibkeeda -waana
Juwayriyyah\‫جويرية‬, gabadha Abuu Jahal\‫أبو جهل‬-idinka qaadaya", oo uu markaas guursaday.
Cattaab\‫ عتاب‬waa ninkuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu xilkaas
guddoomiyennimada Makkah\‫ مكة‬u dhiibay, uu ku yiri, siduu Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬u wariyay:
‫ ولو أعلم لهم خيرا منك استعملته‬.‫ تدري على من استعملتك؟ استعملتك على أهل هللا عز وجل‬،‫"يا عتاب‬
".‫عليهم‬
"Yaa Cattaab, tadrii calaa man istacmaltuka? Istacmaltuka calaa ahli Allaahi
Cazza wa Jalla. Wa law aclamu lahum khayran minka istacmaltuhu calayhim."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Cataabow\‫يا عتاب‬, ma ogsoon tahay dadka aan taladooda kuu dhiibay oo aan guddoomiye kaaga
dhigay? Waxaan kuu dhiibay xilka ehelka Ilaahay\‫ هللا‬Cazza\‫ عز‬wa‫ و‬Jalla\‫جل‬. Haddaan ogaan
lahaa qof adiga kaa khayr badan oo an xilkooda u dhiibo, isagaan xilkooda u dhiibi lahaa."
Taas waxay Cattaab\‫ عتاب‬u tahay bishaaro iyo faan manaaqibtiisa ka mid ah.
Anas\‫ أنس‬waxaa laga wariyay inuu yiri:
"Waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid Abuu Bakar\‫أبوبكر‬, kaddibna
Cumar\‫عمر‬, ayagoo doonaya Faadhimah‫ فاطمة‬. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka aamusay labadoodaba, uusan hadalna u celin, oo uusan u jawaabin. Markaasey
labadooduba Calii\‫ علي‬u tageen, ayna ku amreen inuu isagu Faadhimah‫ فاطمة‬doono. Calii\‫علي‬
wuxuu yiri:
"Waxay igu baraarujiyeen arrin aan moogganaa. Markaasaan anigoo farax daraadiis go'ayga la
jiidaya kacay oo aan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u imid, waxaanna ku iri:
"Faadhimah ma ii guurineysaa?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"‫"عندك شيئ؟‬
"Cindaka shay'un?" oo ah
"Waxad meher ahaan u siisid ma haysataa?"
Waxaan iri:
"Faraskeyga iyo diraceyga, oo ah gaashaanka."
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ وأما بدنك فبعها‬،‫"أما فرسك فالبد لك منها‬
"Ammaa farasuka fa laa budda laka minhaa, wa ammaa badanaka fa bichaa."
80
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Faraskaaga waa lagama maarmaan inaad leedahay, oo jihaadaka ayaad ugu baahan tahay,
gaashaankase gad."
Markaasuu Calii\‫ علي‬diracaas wuxuu ka gaday Cuthmaan bin Caffaan\‫عثمان بن عفان‬, kana
siiyey afar boqol iyo sideetan dirham. Kaddibna Cuthmaan‫ عثمان‬gaashaankaas wuu usoo
celiyay.
Markaasuu Calii‫ علي‬wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula yimid lacagtii iyo
gaashaankiiba. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cuthmaan u duceeyey.
Markaasaan dhabtiisa -waa lacagtiiye- Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam saaray. Markaasuu
lacagta qaarkeed gacantiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku qabtay, wuxuuna yiri:
".‫ إبتع بها لنا طيبا‬،‫"أي بالل‬
"Ay Bilaal, ibtac bihaa lanaa dhiiban".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Bilaalow, cadar noogu soo gad."
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu amray in Faadhimah\‫ فاطمة‬la diyaariyo,
oo loo aqal dhiso, wuxuuna u sameeyey sariir ka sameysan qoryo xargo la isku xirxiray, iyo
barkin harag ka samaysan oo liif laga buuxiyay."
Jaabir\‫ جابر‬wuxuu isaguna wariyay inay Faadhimah‫ فاطمة‬gogosheedu habeenka la aqal geeyey ay
ahayd wan haraggiisa, siduu ibnu Faaris\‫ إبن فارس‬u wariyay.
Riwaayadda ibnu Isxaaqna\‫ إبن إسحاق‬wuxuu Calii\‫ علي‬ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
"‫"هل عندك شيئ؟‬
"Hal cindaka shay'un?"
oo ah
"Waxad meher ahaan u siisid ma haysataa?"
Waxaan iri:
"Faraskeyga iyo diraceyga, oo ah gaashaanka."
Waxaan iri: "Maya".
Markaasuu wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"‫"فما فعل الدرع الذي صلحتكها؟‬
"Fa maa facala al dircu allathii sallaxtukahaa?"
Xadiithka macnihiisu waxa weeye:
"Maxaa ku dhacay gaashaankaan hub ahaan kuu siiyey?"
Gaashaankaasu wuxuu ka mid ahaa maalkii Badar\‫ بدر‬laga ghaniimaystay gaalada.
81
Axmad\‫ أحمد‬wuxuu isaguna Calii\‫ علي‬ka wariyay inuu yiri: "Waxaan u kacay inaan Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka doono gabadhiisa. Markaasaan waxaan is iri: "Wa
Allaahi iaanan maal lahayn."
Kaddibna waxaan xusuustay siduu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam riximka u xiriiriyo, uguna
noqnoqdo. Markaasaan ka doonay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"‫"هل عندك شيئ؟‬
"Hal cindaka shay'un?"
oo ah
"Waxad meher ahaan u siisid ma haysataa?"
Waxaan iri: "Maya".
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"‫"فأين درعك الحطيمة اللتي أعطيتك يوم كذا وكذا؟‬
"Fa ayna dircuka Al Xadhiimah allatii acdhaytuka yawma kithaa wa kithaa?"
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"oo mee gaashaankaaga magaciisu yahay Al Xadhiimu\‫ الحطيمة‬oo aan ku siiyey maalin hebla iyo
hebla?"
Waxaan iri:
"Waan haystaa."
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"فاعطيها إياها‬
"Fa acdhiihaa iyyaahaa"
oo macneheedu yahay:
"Hadaba isagaas ayada meher u sii."
Markii Faadhimah‫ فاطمة‬la aqal geynayey, ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
wuxuu Calii\‫ علي‬ku yiri:
".‫"إذا اتتك فال تحدثي شيئ حتى آتيك‬
"ithaa atatka fa laa taxdith shay'an xattaa aatiika."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markay kuu timaaddo waxba ha samayn, jeer aan kaaga imaado."
Aqalkana waxaa diyaarisey saxaabiyadda Asmaa' bintu Cumays \‫أسماء بنت عميس‬, haweenta Jacfar
bin Abii Dhaalib\‫جعفر با أبي طالب‬, Allaha dhamaantood raalli ka noqdee.
Markaasey Faadhimah‫ فاطمة‬aqalka timid ayadoo ay la socoto Ummu Ayman\‫أم أيمن‬, oo ay
qolka dhinac kale ka fariisatay.
82
Markaasaa waxaa yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kaddib markuu
Salaadda cishaha soo tukaday, wuxuuna yiri:
"‫"أههنا أخي؟‬
"Ahaahunaa akhii?"
oo macneheedu yahay:
"Ma joogaa walaalkey?"
Markaasey Ummu Ayman\‫ أم أيمن‬waxay tiri:
"Waxaad leedahay walaalkeeyow, adigoona gabadhaada u guurisay."
Wuxuu , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"نعم‬
"Nacam" oo ah "Haa".
Markaasuu intuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qolka galay, ayuu wuxuu Faadhimah ‫فاطمة‬
ku yiri:
".‫"أأتني بماء‬
"A'atinii bi maa'in", oo ah: "Biyo ii keen."
Markaasey istaagtay, ayadoo xishood daraadiis maradeedaku turunturrootay, oo ay markaas
kalax qori ka samaysan oo guriga dhex yiillay biyo kusoo shubtay, oo ay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u keentay.
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kalaxaas biyo ka cantuugay, uuna biyahaas
afkiisa ku jira kalaxa dib ugu celiyay. Markaasuu wuxuu Faadhimah ku yiri:
".‫"تقدمي‬
"Taqaddamii", oo macneheedu yahay: "Hore usoo tillaabso oo ii soo dhowow".
Markaasey soo hor istaagtay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, biyahaas labadeeda
naas dhexdooda uga rusheeyey iyo madexeedaba, wuxuuna yiri:
".‫"أللهم إني أعيذها بك وذريتها من الشيطان الرجيم‬
"Allaahumma innii uciithuhaa bika wa thurriyatahaa mina al shaydhaani al rrajiimi."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahayow, Adiga ayaan ayada iyo ubadkeedaba shaydhaanka la rajmo oo la dhagaxyeeyo kaa
magan geliyay."
Intaas kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam hadana Faadhimah ku yiri:
83
".‫"أدبري‬
"Adbirii", oo macneheedu yahay: "Sii jeeso."
Markaasay sii jeesatay, oo ay aabeheed, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhabarkeeda xijisay.
Markaasuu wuxuuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam biyaha ku shubay labadeeda garab
dhexdooda.
Intaas kaddib ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Calii\‫ علي‬ku yiri:
".‫"أأتني بماء‬
"A'atinii bi maa'in", oo macnihiisu yahay: "Biyo ii keen."
Calii\‫ علي‬wuxuu yiri:
"Markaasaan waxaan gartay wuxuu doonayo. Markaasaan kacay oo aan kalaxa biyo kasoo
buuxiyay oo aan u keenay. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam kalaxa biyo ka
cantuugay oo uu afka ka buuxsaday, kaddibna uu biyahaas ku shubay madaxayga korkiisa iyo
labadayda naas dhexdooda. Intaas kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam igu yiri:
".‫"أدبر‬
"Adbir", o macnihiisu yahay: "Sii jeeso."
Markaasuu biyaha labada garab dhexdooda iiga shubay, kaddibna uu yiri:
".‫"أللهم إني أعيذه بك وذريته من الشيطان الرجيم‬
"Allaahumma innii uciithuhu bika wa thurriyatahu mina al shaydhaani al rrajiimi"
oo macnihiisu yahay:
"Ilaahayow, Adiga ayaan isaga iyo ubadkiisaba shaydaanka la rajmo oo la dhagaxyeeyo kaa
magan gelinayaa."
Intaas kaddib ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Calii\‫ علي‬ku yiri:
".‫"ادخل باهلك بسم هللا والبركة‬
"Udkhul bi ahlika bi Ismi Allaahi wa al barakah".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ugu gal ehelkaaga magaca Ilaahay iyo barakadiisa", siday Asmaa' binti Cumays \‫أسماء بنت عميس‬
uga wariyeen Axmad\‫ أحمد‬iyo ibnu abii Xaatim\‫ إبن أبي حاتم‬iyo ghayrkoodba.
84
Ibnu Casaakir\‫ إبن عساكر‬iyo ghayrkiisba, sida abuu Al Khayr Al Qazwiinii\‫ أبو الخير القزويني‬waxay
Anas\‫ أنس‬ka wariyeen inuu Calii\‫ علي‬Faadhimah\‫ فاطمة‬doonay, kaddib markay Abuu
Bakar‫ أبوبكر‬iyo Cumar\‫ عمر‬dooneen, oo uu markaas Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ku yiri:
".‫"قد أمرني ربي بذلك‬
"Qad amaranii Rabbii bi thaalika",
oo macneheedu yahay:
"Rabbigay ayaa i amray inaan kuu guuriyo."
Waliimada arooska Faadhimaha‫فاطمة‬
Al Xaafith abuu Bishr Muxammad bin Axmad Al Raazii Al Duulaabii ‫الحافظ أبوبشر محمد بن أحمد‬
‫ الرازي الدوالبي‬wuxuu Asmaa' binti Cumays\‫ أسماء بمن عميس‬ka wariyay inay tiri:
"Calii\‫ علي‬wuxuu arooska Faadhimah‫ فاطمة‬u walimeeyey waliimo aan mid tiisa ka fiican
waagaas la arag. Gaashaankiisa ayuu nin yuhuudi ah u rahmay, uuna kasoo qaatay hal wasaq oo
shaciir ah nuskiis iyo timir iyo subag la isku daray, iyo al aqdhi‫األقط‬, iyo wan Sacad‫ سعد‬bixiyey
iyo dhawr aasac oo haruur ah oo ay koox ansaarta ahi bixisay."
Hal wasaq nuskiis, siduu ugu xisaabay Dr. Yuusuf Al Qardaawii\‫ د\يوسف القرضاوي‬kitaabkiisa
axkaamta Zakada\‫أحكام الزكات‬, wuxuu la mid yahay saddex iyo toban kiilo iyo lix boqol oo graam.
Al Aqdhi‫ األقط‬waxaa la yiraahdaa jubnada fadhida oo adag, oo laga sameeyo caanaha hore loo
subag bixiyay, afka ingiriiskana lagu yiraahdo cheese. Saac waa beeg, halkii saacna wuxuu u
dhigmaa labo kiilo iyo boqol iyo lix iyo toddobaatan graamo.
Aqaldhiska Faadhimah‫فاطمة‬
Axmad\‫ أحمد‬wuxuu Manaaqibta Calii\‫ مناقب علي‬ku wariyay inuu aqal dhiska Faadhimah‫فاطمة‬
ahaa "kadiifad dhogor khafiif ah leh, iyo sibraar biyaha lagu shubto, iyo barkin harag ka
samaysan liifna laga buuxiyay."
Waxaa intaas dheer sariir ka sameysan qoryo xargo la iskula xiray (oo la mid ah sariirtay
soomaalidu tahay "sariir caddiir ah") iyo joodari wan haraggiisa ka samaysan.
85
Caruurta Faadhimah‫فاطمة‬
Faadhimah waxay Calii u dhashay shan cunug oo kala ah:
Kow. Al Xasanu, wiilka Faadhimah\‫الحسن إبن فاطمة‬
Faadhimah‫فاطمة‬, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay ku
curatay oo ay Calii\‫ علي‬u dhashay Amiiru Al Mu'miniina‫ أمير المؤمنين‬Al Xasanu\‫الحسن‬, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ahna sibdhiga\‫ السبط‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna
isaga iyo walaalkiis Al Xusaynu\‫ الحسين‬madaxda shabaabta Jannada.
Warbixinta Al Xasan\‫ الحسن‬iyo Al Xusayn\‫ الحسين‬kutubbo dhan ayay u baahantahay, oo
halkaan uga warbixin maynno. Wuxuu ahaa ninka ugu horreeeya oo Carbeed oo magacaas loo
bixiyo, ayadoo uu Ilaahay magacaas, isaga iyo walaalkiisba, u qariyay.
Al Imaamu Al Xasanu\‫ اإلمام الحسن‬wuxuu dhashay nuska Ramadaan\‫ رمضان‬ee sanadka
saddexaad ee Hijrada, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ugu walqalay wan,
timaha ayuuna ka xiiray, isaga iyo walaalkiisa Al Xusaynba \‫ الحسين‬oo uu culeyskooda oo qalin
ah masaakiinta ku sadaqaystay.
Jibriil\‫ جبريل‬ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Jannada uga keenay go' xariirta
Jannada ah oo uu magaca Al Xasanu\‫ الحسن‬ku dhigan yahay.
Al Xasanu\‫ الحسن‬ayaa dadka ugu ekaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
madaxiisa ilaa laabtiisa. Al Xasanu\‫ الحسن‬wuxuu Amiiru Al Mu'miniina\‫ أمير المؤمنين‬ahaa, waa
boqorka dawladda islaamkee, lix bilood iyo labaatan maalmood, kaddibna wuxuu xukunka ku
wareejiyay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan\‫معاوية بن أبي سفيان‬.
Kaddibna Al Xasan\‫ الحسن‬waa la sumeeyey, oo uu Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬
ayuu ku dhintay, kaddib markuu afartan maalmood xanuunsanaa, sanadka sagaal iyo afartanaad
ee Hijrada. Al Xasan\‫ الحسن‬waxaa hooyadiis Faadhimah\‫ فاطمة‬lagula duugay Al Baqiic\‫البقيع‬.
Labo. Al Xusaynu, wiilka Faadhimah\‫الحسين إبن فاطمة‬
Faadhimah\‫فاطمة‬, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay kaloo
Calii\‫ علي‬u dhashay Al Imaamu Al Xusaynu\‫اإلمام الحسين‬, sibdhiga\‫ السبط‬Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Al Xusaynu‫ الحسين‬wuxuu calool galay konton habeen dhalashada Al Xasan\‫ الحسن‬kaddib.
Al Xasan‫ الحسين‬iyo Al Xusayn\‫ الحسين‬iyo Muxassin\‫ محسن‬waxaa saddexdoodaba magacda u
bixiyay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markuu dhashay wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu walqalay wan. Al
Xusayn‫ الحسين‬ayaa dadka ugu ekaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, min
laabtiisa ilaa lugihiisa.
86
Al Xusaynu‫ الحسين‬waxaa lagu dilay meesha la yiraahdo Karbalaa'\‫ كربالء‬ee ku taalla dalka
Ciraaq\‫ عراق‬sanadka kow iyo lixdanaad ee Hijrada.
Qabriga Al Xusaynu‫ الحسين‬meeshuu ku yaallo Ilaahay Tacaalaa keli ah ayaa og. Waxaase loo
badiyaa inuu isaguna Al Baqiic\‫ البقيع‬ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ku duugan
yahay hooyadiis iyo walaalkiis agtooda.
Saddex. Muxassin, wiilka Faadhimah\‫محسن إبن فاطمة‬
Faadhimah\‫فاطمة‬, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay kaloo
Calii\‫ علي‬u dhashay wiil la yiraahdo Muxassin‫محسن‬, oo isagoo yar dhintay. Dhicis ayuu ahaana
waa la wariyay, siduu u wariyay Kitaabu Al Shajarati Al Nabawiyyah\‫كتاب الشجرة النبوية‬.
Afar. Ummu Kulthuum, gabadha Faadhimah\‫أم كلثوم بنت فاطمة‬
Faadhimah\‫ فاطمة‬waxay kaloo Calii\‫ علي‬u dhashay gabar la yiraahdo Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬.
Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬waxaa Calii‫ علي‬kasoo doonay oo ay guursatay Abuu Xafs, Amiiru Al
Mu'miniina Cumar ibnu Al Khadh-dhaab\‫أبو حفص أمير المؤمنين عمر بن الخطاب‬, oo ay u
dhashay wiil Zayd\‫ زيد‬la yiraahdo iyo gabar Ruqayyah \‫ رقية‬magaceedu yahay, oo uusan
midkoodna ciribi ka harin.
Markuu Calii‫ علي‬gabadha siiyey, ayuu Cumar‫ عمر‬wuxuu tegey majliska Muhaajiriinta\‫المهاجرين‬
oo uu ku yiri:
"i aqal geeya."
Markaasey waxay yiraahdeen:
"Yaan kuu aqal geynnaa?"
Wuxuu yiri:
"Waxaan guursaday Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬, gabadha Calii‫علي‬. Waxaan maqlay Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo leh:
".‫"كل سبب ونسب وصهر ينقطع يو القيامة إال نسبي وسببي وصهري‬
"Kullu sababin wa nasabin wa sihrin yanqadhicu Yawma Al Qiyaamati illaa nasabii wa
sababii wa sihrii",
oo macneheedu yahay:
"Xarig kasta iyo nasab kasta iyo xididnimo kasta way go' ayaan Maalinta Qiyaame intaan ka
ahayn aniga nasabkeyga iyo xariggeyga iyo xididnimadeyda."
Oo maalintaas waxba la iskuma aha, intaan ahayn xarigga iyo nasabka iyo xididnimada Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Marka Cumar\‫ عمر‬la dilay ayadoo u dhaxdana waxay Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬guursatay Cawn
bin Jacfar bin Abii Dhaalib\‫عون بن جعفر بن أبي طالب‬, oo ka dhintay.
Markaasaa waxay guursatay walaalkiis Muxammad bin Jacfar bin Abii Dhaalib ‫محمد بن جعفر بن‬
\‫أبي طالب‬, oo isaguna ka dhintay.
87
Markaasey waxay guursatay walaalkooda saddexaad Cabdu Allaahi bin Jacfar bin Abuu Dhaalib
\‫عبد هللا بن جعفر بن أبي طالب‬, oo ay ayadoo u dhaxda dhimatay.
Markay saddexdaan walaalaha ah kooda u dambeeyey ay guursatay, oo ah Cabdu Allaahi bin
Jacfar bin Abii Dhaalib‫ عبد هللا بن جعفر بن أبي طالب‬, waxay Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬tiri, siduu
ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬u wariyay:
".‫ فتخوف على الثالث‬،‫ مات ولداها عندي‬،‫"إني ألستحي من أسماء بنت عميس‬
"Waxaan ka xishoonayaa Asmaa' bintu Cumays, oo labadeeda wiil ayaa agteyda ku dhinteen,
waxaanna u baqanayaa kooda saddexaad."
Asmaa' bintu Cumays\‫ أسماء بنت عميس‬waxay ahayd hooyada saddexdaas wiil Jacfar bin Abii
Dhaalib‫ جعفر بن أبي طالب‬u dhashay.
Al Nasaa'ii\‫ النسائي‬wuxuu Cabdu Allaahi bin Jacfar‫ عبد هللا بن جعفر بن أبي طالب‬ka wariyay inuu
yiri:
"Markii Jacfar la dilay ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"أدع إلي بني أخي‬
"Udcuu ilayya banii akhii" oo ah:
"iigu yeera wiilasha walaalkey".
Markaasaa naloo keenay, annagoo aad caruurta digaagga na moodid. Markaasuu midka timaha
xiira amray oo timaha madaxa nalaga wada xiiray, kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
".‫ وأما عبد هللا فيشبه خلقي وخلقي وأما عون فيشبه خلقي وخلقي‬.‫"أما محمد فيشبه عمنا أبا طالب‬
"Ammaa Muxammad fa yashbahu cammanaa Abaa Dhaalib. Wa ammaa Cabdu Allaahi fa
yashbahu khalqii wa khuluqii wa ammaa Cawn fa yashbahu khalqii wa khuluqii"
oo macneheedu yahay:
"Muxammadna\‫ محمد‬wuxuu u egyahay adeerkeen Abuu Dhaalib\‫أبوطالب‬, Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬
se aniguu ii egyahay xagga abuuritaanka iyo dabeecadaba. Cawnsee\‫ عون‬aniguu ii egyahay
xagga abuuritaanka iyo dabeecadaba."
Kaddib intuu gacanta iga qabtay oo uu leexiyay, kaddibna uu yiri:
".‫"أللهم أخلف في جعفر في أهله وبارك لعبد هللا في سفقة يمينه‬
"Allaahumma akhluf fii Jacfaran fii ahlihi waa baarik li Cabdu Allaahi fii safqati
yamiinihi",
oo macneheedu yahay:
88
"Ilaahayow Jacfar‫ جعفر‬ehelkiisa u tarmi, Cabdu Allaahina‫ عبد هللا‬ganacsigiisa yu barakee."
Saddexdaas walaalaha ah waxay caruur uga dhashay midka labaad oo ah Muxammad\‫محمد‬,
waxayna u dhashay gabar ayadoo yar dhimatay. Sidaas ayeeyan Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬ciribi
uga harin, ayaa la yiri, siduu Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬u wariyay.
Shan. Zayanab, gabarta Faadhimah\‫زينب بنت فاطمة‬
Faadhimah\‫فاطمة‬, gabadha Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay kaloo
Calii\‫ علي‬u dhashay gabar la yiraahdo Zaynab\‫زينب‬, oo guursatay Cabdu Allaahi bin Jacfar bin
Abuu Dhaalib‫ عبد هللا بن جعفر بن أبي طالب‬, markay walaasheed ka dhimatay, waxayna u dhashay
caruur ay ka mid yihiin Calii‫ علي‬iyo Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬.
Ummu Kulthuum-taan‫ أم كلثوم‬waxay guursatay ina adeerkeed Al Qaasim bin Muxammad bin
Jacfar bin Abii Dhaalib\‫القاسم بن محمد بن جعفر بن أبي طالب‬, ayna caruur u dhashay ay ka mid
yihiin Faadhimah‫ فاطمة‬oo guursatay Xamzah bin Cabdu Allaahi bin Al Zubayr bin Al
Cawwaam\‫حمزة بن عبد هللا بن الزبير بن العوام‬, oo ay ciribi uga hartay.
Sidaas ayuu ubadka Cabdu Allaahi bin Jacfar\‫ عبد هللا بن جعفر‬wuxuu ka tarmay oo ka faafay
wiilkiisaan Calii\‫ علي‬iyo walaashiis Ummu Kulthuum\‫أم كلثوم‬, oo labadooduba sidaas ku yihiin
caruurta Zaynab Al Zahraa'\‫زينب الزهراء‬.
Qof kasta oo ayaga ku abtirsadana waxaa la yiraahdaa Jacfarii \‫جعفري‬, oo awoowohood loogu
magac daray, waana ashraaf‫شراف‬, oo dhasha Jacfar‫ جعفر‬waxay ka mid yihiin Aalu Al Bayti
\‫أهل البيت‬, zakaduna waa ka xaaraan, waxayna wax ku leeyihiin sahamka Thuu Al Qurbaa ‫ذو‬
\‫القربى‬, oo qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Alaahu Calayhi Wasallam, ayay ka mid yihiin.
Dhasha kale oo ku abtirsata Jacfar bin Abii Dhaalib‫ جعفر بن أبي طالب‬, ayanse Zaynab‫ زينب‬,
gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhalin, ayaguna waa
Ashraaf‫أشراف‬, oo dhasha Jacfar‫ جعفر‬waxay ka mid yihiin Aalu Al Bayti‫ أهل البيت‬, oo waa reer
Banii Haashim\‫ بني هاشم‬iyo dhasha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis,
zakaduna waa ka xaaraan, waxayna wax ku leeyihiin sahamka Thuu Al Qurbaa \‫ ذو القربى‬, oo
qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Alaahu Calayhi Wasallam, ayay ka mid yihiin, waxaase ka
sharafbadan kuwa Zaynab‫ زينب‬, gabadha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku
abtirsada.
Waxaase dhammaantood ugu sharafbadan dhasha ku abtirsata Al Xasan\‫ الحسن‬iyo Xusayn
\‫الحسين‬.
Wuxuu Al Xaakim\‫ الحاكم‬Jaabir\‫ جابر‬ka wariyay, Abuu Yaclaa\‫ أبويعلى‬uu isaguna
Faadhimah\‫ فاطمة‬ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
89
".‫ أنا وليهما وعصبتهما‬:‫"لكل بني أم عصابة إال إبني فاطمة‬
"Li kulli bunayya Ummu Casabah illaa ibnay Faadhimah: anaa waliyuhumaa wa
casabathumaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Caruurteyda kulligood waxay leeyihiin Ummu casabah, intaan ahayn labada wiil oo Faadhimah
‫فاطمة‬: labadooda anigaa waligooda iyo casabadoodaba ah."
Casabah\‫ عصبة‬waxaa la yiraahdaa qaraabada iyo tolka ninka aabihiis ku abtirsado. Sidaas ayuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu abtirsiga Al Xasanu‫ الحسن‬iyo Al Xusaynu
‫ الحسين‬geliyay oo uu u nisbeeyey isaga laftiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Walaashood
ay wada dhasheenna kuma uusan darin, maxaa yeelay caruurta ay dhalaan waxaa loogu
abtirinayaa aabayaalkooda dhalay, oo sidaas ayuusan cunug kasta oo ay shariifadi dhashay
shariif ku ahayn oo nasabka aabaha dhalay ayuu qaadanayaa, siduu ku qoray Al
Sayuudhii\‫ السيوطي‬kitaabkiisa Al Sulaalatu Al Zaynabiyyah\‫الساللة الزينبية‬. Wiilkase ama cunug
kasta oo uu nin shariif ah dhalo, waa shariif, oo zakadu uma bannaana.
Sahriif\‫الشريف‬
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
Sharaf\‫ شرف‬waxaa la yiraahdaa, siduu Al Raazii\‫ الرازي‬Mukhtaaru Al Sixaax\‫ مختار الصحاح‬ugu
yiri, Sarreynta iyo makaanka sarreeya, oo jabalun mushrifun\‫ جبل شريف‬waa buur korreysa. Marka
shariif\‫ شريف‬waa qof sarreeya, oo makaan sare adduunkaan dadka dhexdiisa ku leh.
Sarreyntaasna waxaa lagu helaa oo keli ah ayuu Lisaanu Al Carabi\‫ لسان العرب‬yiri aabayaalka
gobta ah oo kariimiinta ah.
Khalqigana waxaa ugu sarreeya oo ugu khayr badan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo Ehelu Baytkiisa\‫أهل البيت‬.
Sida dhasha Al Xasanu‫ الحسن‬iyo Xusaynu‫ الحسين‬ashraaf\‫ أشراف‬loo yiraahdo ayaa ubadka Al
Cabbaas\‫العباس‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis, iyo dhasha Caqiil bin Abii
Dhaalib\‫عقيل بن أبي طالب‬, iyo Al Calawiyyuuna\‫ العلويون‬oo ah dhashay Muxammad "Al
Xanafiyyah" bin Al Calii bin Abii Dhaalib\‫ محمد الحنفية بن علي بن أبي طالب‬oo hooyadiisna la
yiraahdo Khawlah bintu Iyaas bin Jacfar Al Xanafiyyah\‫خولة بنت إياس بن جعفر الحنفية‬, iyo
dhasha ay Calii bin Abii Dhaalib‫ علي بن أبي طالب‬u dhaleen haween kaleba, ayna ashraaf ku
noqdeen sharafta reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬ay leeyihiin.
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
"Arrinka bilowgiisa waxaa Shariif\‫ شريف‬la oran jiray qofkasta oo Aalu Al Bayti‫ أهل البيت‬ka mid
ah, ha ahaado "Xasanii\‫ "حسني‬oo Al Xasan\‫ الحسن‬ku abtirsada, ama "Xusaynii\‫ "حسيني‬oo Al
Xusayn\‫ الحسين‬ku abtirsada, ama "Calawii\‫ "علوي‬oo Calii\‫ علي‬ku abtirsada, ama
"Cabbaasii\‫ "عباسي‬oo Al Cabbaas\‫ العباس‬ku abtirsada, ama "Jacfarii\‫ "جعفري‬oo Jacfar bin
Abii Dhaalib\‫ جعفر بن أبي طالب‬ku abtirsada, ama "Caqiilii\‫ "عقيلي‬oo Caqiil bin Abii
Dhaalib\‫ عقيل بن أبي طالب‬ku abtirsada.
90
Sidaas ayayna ugu magacaaban yihiin Kitaabka Taariikhda ee Al Thahabii\‫تاريخ الذهبي‬, isagoo
oranaya Al Shariifu Al Cabbaasii\‫الشريف العباسي‬, Al Shariifu Al Caqiilii\‫الشريف العقيلي‬, Al
Shariifu Al Jacfarii\‫الشريف الجعفري‬, Al Shariifu Al Zaynabii\‫الشريف الزينبي‬.
Markaasey markay Faadhimiyiintu\‫( الفاطميون‬waxayna ahaayeen shiico) la wareegeen xukunka
arliga Masar\‫مصر‬, ayay waxay magacaas kusoo koobeen oo ay Shariif\‫ شريف‬yiraahdeen dhasha
Al Xasanu‫ الحسن‬iyo Al Xusaynu‫ الحسين‬oo keli ah. Sidaas ayuuna ku socday Masar\‫ مصر‬ilaa
hadda." Waa intaas warka Al Zarqaanii\‫الزرقاني‬.
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu kitaabkiisa Nuzhatu Al Albaabi fii Macrifati Al Alqaabi ‫نزهت األلباب في‬
\‫ معرفة األلقاب‬ku yiri:
"Nin kastoo u dhashay reer Banii Al Cabbaas\‫ بني العباس‬oo Baghdaad\‫ بغداد‬joogay, waxaa la
oran jiray Shariif\‫شريف‬. Sidoo kale nin kasta oo Calawii\‫ علوي‬ah (oo Calii\‫ علي‬ku abtirsada) oo
Masra\‫ مصر‬joogana waxaa la oran jiray Shariif\‫شريف‬."
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu yiri:
"Wuxuu Al Cajaajata‫ العجاجة‬ku yiri:
"Shaki kuma jiro in sida hore loo oran jiray ay mudnaanta koowaad leedahay, ahna in
shariif\‫ شريف‬la yiraahdo kulli mid kasta oo Calawii\‫ علوي‬ah iyo Jacfarii\‫ جعفري‬iyo
Caqiilii\‫ عقيلي‬iyo Cabbaasii\‫العباسي‬, siduu Al Thahabii\‫ الذهبي‬yeelay oo kale, iyo siduu u
ishaaray Al Maawardii\‫ الماوردي‬oo Shaaficiyada ka mid ah iyo Al Qaadii Abuu Yaclaa ‫القاضي أبو‬
\‫ يعلى‬oo Xanaabisha ka mid ah, iyo siduu isaguna Maalik\‫ مالك‬u yiri, ayadoo uu Aalkiisu|‫أله‬,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay sharfatu kaamil u noqotay."
Waa intaas warka uu Al Zarqaani\‫ الزرقاني‬wariyay.
Baghdaad\‫بغداد‬
Magaalada Baghdaad‫ بغداد‬la yiraahdo ee arliga Ciraaq\‫ عراق‬caasimadda u ah waxaa aasaasay oo
dhagexeeda dhigay, oo intuu injineerrada adduunka ugu fiican isugu yeeray dhisay, kaddibna
magaalo madaxda Dawladda Islaamka ka dhigay midka labaad ee Khulafada
Cabbaasiyiinta\‫ الخلفاء العباسيين‬oo magaciisu ahaa Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Calii bin
Cabdu Allaahi bin Cabbaas\‫عبد هللا بن محمد بن علي بن عبد هللا بن عباس‬, koofaartiisuna tahay
Abuu Jacfar AI Mansuur\‫أبو جعفر المنصور‬, oo uu sidaas Cabdu Allaahi bin Cabbaas ‫عبد هللا بن‬
‫ عباس‬ku yahay awoowihiisa labaad, dhammaantood Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna degay
isagoo jayshkiisa wata markay boqol iyo shan iyo afartanka sano iyo afar bilood iyo si deed
maalmood kasoo wareegteen Hijrada, wuxuuna u bixiyey Daaru Al Ssalaami\Madiinatu Al
Ssalaamu‫مدينة السالة\دار السالم‬, ayadoo u dhow wabiga Dajlah\‫ دجلة‬oo ay Carabtu u tiqiinnay
Qasru Al Ssalaamu\‫قصر السالم‬.
Carabtu way kahan jirtay inay yiraahdaan Baghdaad\‫بغداد‬, ayadoo bartaasi suuq ahaan jirtay uu
oolli jiray sanam ay iiraaniyiintu caabudi jireen oo magaciisu ahaa Bagh\‫بغ‬.
Marka Baghdaad\‫ بغداد‬macneheedu waxaa weeye Bagh\‫ بغ‬oo sanamka magaciisa ah iyo daad\‫داد‬
oo macneheedu yahay siinta ama hadiyada, oo afka iiraaniyiinta waxaa weeye siinta ama
hadiyada uu bixiyay sanamkaas Bagh\‫ بغ‬la yiraahdo.
Waxaa sidaas wariyay Al Imaam al xaafith Abii Bakr Axmad bin Calii "AI Khadhiibu Al
91
Baghdaadii\‫"األمام الحافظ أبي بكر أحمد بن علي الخطيب البغدادي‬, kuna wariyay kitaabkiisa qiimaha badan
ee Taariikhu Baghdaad Aw Madiinatu Al Ssalaamu\‫تاريخ بغداد أو مدينة السالم‬. Imaamkaanu wuxuu
dhintay sanadka afar boqol iyo saddex iyo lixdan Hijriga, Allaha u naxariistee.
Al Mansuur\‫ المنصور‬wuxuu caasimadda kasoo raray magaalada magaceedu ahaa Al
Haashimiyyah\‫الهاشمية‬, oo ayaduna isla Ciraaq\‫ عراق‬ku tiillay, uuna dhisay walaalkiisa
khaliifnimada ugu horreyey, ahaan kan ugu horreeyey Khulafada Cabbaasiyiinta, lana oran jiray
Al Saffaax\‫السفاح‬.
Al Mansuur\‫ المنصور‬wuxuu xukunka qabtay sanadka boqol iyo lix iyo soddon, siduu
Ziriklii\‫ الزركلي‬u wariyey.
Dhimashada Faadhimah\‫فاطمة‬
Faadhimah\‫ فاطمة‬,gabadha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa la
oofsaday lix bilood Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis, markay
saddex habeen ka gudbeen bisha Ramadaan\‫ رمضان‬ee sanadka kow iyo tobnaad ee Hijrada,
ayadoo sagaal iyo labaatan sano jirta.
Ibnu Cabdu Al Barr\‫ إبن عبد البر‬wuxuu wariyay inay Faadhimah\‫ فاطمة‬ku tiri Asmaa' bintu
Cumays\‫أسماء بنت عميس‬:
‫ "يا بنت رسول هللا‬:‫" فقالت أسماء‬.‫"إني قد استقبحت ما يصنع بالنساء يطرح علي المرأة الثوب فيصفها‬
‫ "ما‬:‫ فقالت فاطمة‬،‫ فحنتها ثم طرحت عليها ثوبا‬،‫ فدعت بجرائد رطبة‬،‫أال أريك شيئا رأيته بأرض الحبشة‬
".‫ وال يدخلن علي أحد‬،‫ فإذا أنا مت فاغسلني أنت وعلي‬،‫ تعرف به المرأة من الرجل‬،‫أحسن هذا‬
“Inni qad istaqbaxtu maa yusnacu bi al nisaa’i yudhraxu calaa al mar’ati al thawbu fa
yasifuhaa.” Fa qaalat Asmaa’u: “Yaa binta Rasuuli Allaahi alaa uriika shay’an ra’aytuhu
bi ardi al xabashah, fa dacat bi jaraa’idi rudhbatin fa xanat-haa thumma dharaxat
calayhaa thawban, fa qaalat Faadhimatu: “Maa axsana haathaa, tucrafu bihi al mar’atu
mina al rajuli, fa ithaa anaa mit-tu fa aghsilnii anta wa Caliyyun, wa laa yadkhulanna
calayya axadun.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaan u arkay inay aad u xuntahay waxaa haweenkas lagu falo (markay dhintaan oo
maydkooda qubuuraha loo qaadayo): waxaa la dul saaraa maro markaas jirkeeda tilmaameysa oo
sifeyneysa!” Markaasay Asmaa’u\‫ أسماء‬waxay tiri: “Inanta Rasuulka Ilaahayow, ma ku tusaa
waxaan kusoo arkay arliga al xabashah! Markaasay waxay tiri in loo keeno laamo geed
(timireed) oo qoyan, markaasay laabtay oo ay dhigo oo kale ka dhigtay, oo ay markaas maro ku
dabooshay oo ay sariirta ku dul dhistay. Markaasay Faadhimah‫ فاطمة‬waxay tiri: “maxaa sidaan
ka fiican! (oo laamahaas la goday oo marada la dul saaray ayaa sariirta maydka haweenka lagu
qaadayo la dul saarayaa: waana waxaan maanta nacashka niraahdno oo rag iyo dumarba lagu
qaado) oo sidaasaa haweenka looga aqoonaya raga. Marka markaan anigu dhinto adiga iyo
Calii‫ علي‬i dhaqa, axad kalena yuusan ii soo gelin.”
Sidaas ayaana la yeelay. Faadhimah\‫ فاطمة‬waxaa ku tukaday, siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬u
wariyay, Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Allaha raalli ka wada noqdee.
92
Faadhimah\‫فاطمة‬
waxaa qabrigeeda galay, siduu ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬u wariyay Al
Cabbaas\‫العباس‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, adeerkiis iyo wiilkiisa Al
Fadlu bin Al Cabbaas\‫ الفضل بن العباس‬iyo Calii bin Abii Dhaalib‫علي بن أبي طالب‬.
Faadhimah‫ فاطمة‬waxay ahayd qofka ugu horreeya oo nacash maro lagu deday lagu qaado.
Naqshad guriga Ummu Al Mu’miniina Khadiija‫ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬aanna kasoo
qaadannay kitaabka‫ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد سيدة في قالب المصطفى‬uuna dhigay ‫الدكاور محمد‬
‫ عبد يماني‬oo sucuudi ah oo nool (www.dryamani.com):
93
Naqshadda siduu ahaa guriga Ummu Al Mu’miniina Khadiija\‫ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬.
Gurigu wuxuu u qaybsanaa:
Kow. Qolka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ahna qolka midig,
dhererkiisuna lix mitir yahay, ballaciisuna afar mitir.
Laba. Qolkuu ku tukan jiray Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam “Al
Musallaa\‫ ”المصلى‬oo qolka jiifka ku dheggan oo bidix ka qabanaya, cabbirkiisuna yahay saddex
mitir oo dherer ah iyo saddex mitir oo ballac ah.
94
Saddex. Qolkay Faadhimah\‫ فاطمة‬ku dhalatay, Sallaa Allaahu Calayhaa Wa Sallamoo qolka
jiifka dhinaca hoose ee masawirkaan ku yaalla, cabbirkiisuna yahay toddoba mitir iyo nus oo
dherer ah iyo afar mitir oo ballac ah .
Afar. Qolkuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wufuudda ku qaabili
jiray oo dhererkiisu toban mitir yahay..
Shan. Meeshay tiillay badeecada ganacsi ee Khadiijah‫ خديجة‬, oo bakhaar wayn ah, masawirkana
ugu korreeya.
95
Guriga Hooyo Khadiijah\‫ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬markii dhowaan dhulka laga qoday, siduu
ahaa. Masawirka korena waa siday ahayd Makkah\‫ مكة‬waagaas oo ay u yarayd.
Mixraabka ku yiillay qolka wufuudda lagu qaabili jiray, Nabiguna Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Sallam ku tukan jiray oo ku yiillay guriga Khadiijah‫ خديجة‬.
96
Albaabka qolka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, qolkuna wuxuu ka
mid ah meeluhu ku cibaadeysan jiray Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
97
Qolka iyo bartay ku dhalatay al Sayyidah Faadhimah Al Zahraa’u\‫السيدة فاطمة الزهراء‬
98
Khariidhadaan waxaad ka arkaysaa guryaha ku wareegsan Al Masjidu Al Xaraami \‫المسجد الحرام‬
oo ah inta dhexe oo midabka cagaaran ku tilmaaman, gacankiisa dheerna waa Al Mascaa \‫المسعى‬
meesha la isaga socdo Al Saffaa\‫الصفا‬-oo midgta xigta- wa Al Marwata\‫ – المروة‬oo bidixda kaa
qabanaysa masawirkaan una eg ul dheer:
waxaa halkaas ku yaalla albaabka masjidka kasoo baxa oo saaxada usoo baxa halkaas ayuu ku
yiillay guriga Hooyo Khadiijah\‫ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬. Al Xaarithi\‫ الحارثي‬wuxuu yiri:
"Daartaasu meeshay ku tiillayna markay masjidka la waasiciyay waa saaxada qorrax kasoo bax
ka xigta Al Mascaa una jirta sideed iyo toban mitir darbigeeda waqooyi xigtana albaabka qorrax
99
kasoo bax oo ku geynaya saaxada u dhexeysa Maktabatu Makkah Al Mukarramah‫مكتبة مكة المكرمة‬
iyo inta ka hartay (suuqa) Al Qashaashiyah‫”القشاشية‬. Suuqaas wali maanta qayb ayaa ka hartay,
waana balanbalada ganacsatadu wax ku gataan oo musqulaha korkooda ah.
Waxaad kaloo masawirkaan uga jeeddaa guriga Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬, guriguu ku dhashay
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo maanta ah Maktabatu Makkah Al
Mukarramah\‫مكتبة مكة المكرمة‬. Shicbu Banii Haashim\‫شعب بني هاشم‬, ahna bartay saddexda sano ku
takoornaayeen Banii Haashim\‫ بني هاشم بن عبد مناف‬iyo Banii Al Mudh-dhalib bin Cabdu
Manaaf\‫بني المطلب بن عبد مناف‬
100
Masawir kale oo ku tusaya sida Xaramka hareerihiisa loo kala degganaa, waxaana Kacbada
loogu kala dhowaa sida loo kala sharaf badan yahay oo loo kala madaxnimo badan yahay.
Sanadka lix iyo labaatanaad
Markay dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lix iyo labaatan sane
kasoo wareegteen waxaa dhashay Dhalxah bin Cubaydu Allaahi \‫طلحة بن عبيد هللا‬. Dhalxah‫طلحة‬
wuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeyey, iyo lixduu Cumar\‫عمر‬
Shuurada\‫ أصحاب الشورى الستة‬u magacaabay , kaddib markii toorreyda lala dhacay iyo intuusan
dhiman horteed, inay iska dhex doortaan Amiiru Al Mu'miniinka isaga ka dambeynaya.
Dhalxah‫ طلحة‬wuxuu kaloo ka mid yahay sideedda nin oo Islaamidda ugu horreeysey, ahna kuwa
uu Quraanku ku magaacabay "Al Ssaabiquuna\‫"السابقون‬, oo ah kuwa hormaray. Dhalxah‫طلحة‬
waa Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬ina adeerkiis, wuxuuna ka mid yahay shanta nin oo
gacantiisa ku islaamtay, isaga iyo Cuthmaan bin Caffaan\‫ عثمان بن عفان‬iyo Cabdu Al
Rraxmaanu bin Cawf\‫ عبد الرحمن بن عوف‬iyo Al Zubayru bin Al Cawwaamu\‫الزبير بن العموام‬
iyo Sacad bin Abii Waqqaas\‫سعد بن أبي وقاص‬.
Sanadka toddoba iyo labaatanaad
Markay toddoba iyo labaatan sane kasoo wareegteen dhalasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Saciid bin Zayd Al Cadawii\‫ سعيد بن زيد العدوي‬.
Saciid‫ سعيد‬wuxuu guursaday ina adeertiis Faadhimah binti Al Khadh-dhaab\‫فاطمة بنت الخطاب‬,
Amiiru Al Mu'miniina Cumar\‫ أمير المومنين عمر‬walaashiis. Saciid‫ سعيد‬wuxuu ka mid yahay
tobanka Jannada loogu bishaareeyey.
Sanadka sagaal iyo labaatanaaad
Markay sagaal iyo labaatan sane kasoo wareegeen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allahu
Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Kacb bin Cujrah\‫كعب بن عرجة‬, siday u warisay Siirada
Mughlaadhaay\‫مغالطاي‬.
Sanadka soddonaad
Markay soddon sane kasoo wareegeen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waxaa dhashay Amiiru Al Mu'miniina Al Imaamu Calii bin Abii Dhaalib ‫أمير المؤمنين‬
\‫علي بن أبي طالب‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna ku dhashay Kacbada dhexdeeda.
Waxaa kaloo isaguna sanadkaan dhashay qaalliga wayn oo magaciisu yahay Qaalli
Shurayx\‫القاضي شريح‬.
Sanadka kow iyo soddonaad
Markay kow iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalshada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa dhashay saxaabiga wayn ee Abuu Hurayrah \‫أبو هريرة‬, Allaha raalli ka
noqdee.
101
Sanadka laba iyo soddonaad
Markay labo iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Bilaal bin Al Xaarith Al Muzanii\‫بالل بن الحارث المزني‬.
Sanadka saddex iyo soddonaad
Markay saddex iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Saciid bin Caamir bin Al XithiimAl Qurashiyyi Al Jumaxii
\‫سعيد بن عامر القرشي الجمحي‬.
Sanadka afar iyo soddonaad
Markay afar iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa dhashay labada saxaabi oo wayn Mucaawiyah bin Abii Sufyaan Al
Qurashii Al Amawii\‫ معاوية بن أبي سفيان القرشي األموي‬iyo Mucaath bin Jabal Al Ansaarii ‫معاذ بن جبل‬
\‫األنصاري‬, siduu Mughlaadhaay\‫ مغالطاي‬Siradiisa ugu wariyay.
Sanadka shan iyo soddonaad
Markay shan iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Waxay Quraysh\‫ قريش‬dumisay, kaddibna ay dib u dhistay Kacbada Wayn ee
Sharafta leh.
Sanadka lix iyo soddonaad
Markay lix iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, waxaa dhashay Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caasii\‫عبد هللا بن عمرو العاصي‬.
Waxaa kaloo sanadkaan dhashay Jaabir bin Cabdu Allaahi Al Ansaarii \‫جابر بن عبد هللا األنصاري‬, iyo
Abuu Qataadah Al Ansaarii\‫أبو قتادة األنصاري‬, iyo Abuu Usayd Al Saacidii Al Ansaarii ‫أبو أسيد‬
\‫الساعدي األنصاري‬.
Sanadka sideed iyo soddonaad
Markay sideed iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashadiisa, wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, wuxuu arkay nuur, wuxuuna maqli jiray codad uusan ogayn waxay yihiin.
Sanadka sagaal iyo soddonaad
Markay sagaal iyo soddon sano kasoo wareegteen dhalashada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waxaa dhashay Waathilah bin Al Asqac\‫واثلة بن األصقع‬, siduu Mughlaadhaay\‫ مغالطاي‬u
wanyay.
102
Dib u dhisidda Kacbada
Yacquub bin Sufyaan\‫ يعقوب بن سفيان‬wuxuu wariyay, siduu uga soo guuriyay Al
Zarqaanii\‫الزرقاني‬, inuu Al Zuhriyyu\‫ الزهري‬yiri:
"Haweeney ayaa waxay Kacbada dhexdeeda ku shidatay foox iyo bakhuur. Markaasey intay
dhimbil dab ihi ka duushay dabqaadkeeda ayay waxay qabsatay marada Kacbada oo ay gubtay."
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu isaguna Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬uga wariyay
Muusaa bin Cuqbah\‫ موسى بن عقبة‬inuu yiri:
"Waxa Quraysh\‫ قريش‬ku xambaaray dib u dhisidda Kacbada waxay ahayd ayadoo barta la
yiraahdo Al Radmu\‫الردم‬, oo Makkah\‫ مكة‬dusheeda buuraha ah ku taalla uu daad kasoo
rogmaday, oo uu Makkah\‫ مكة‬dhibaato u geystay.
Markaasey waxay Qurayshi\‫ قريش‬ka baqday inay biyuhu Kacbada galaan, oo ay sidaas ku
dumiyaan, ayadoo uu hore dabku wiiqiyay isagoo gubay dhoobadii dhagaxdeeda isku haysay."
Markaas ayuu Cumar\‫ عمر‬wuxuu Al Radmu\‫ الردم‬ka dhisay darbi biyo xireen ah, markaasaa
waxaa loo bixiyay Radmu Cumar\‫ردم عمر‬.
Kilaafadii Amiirul Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أمير المؤمنين أبو حفص‬
\‫عمر بن الخطاب‬, sanadka toddoba iyo tobnaad ee Hijrada, una dhigantah sanadka lix boqol iyo
sideed iyo soddonka miilaadiga ayaa daadad xoog leh waxay kasoo rogmadeen buurta la
yiraahdo Jabalu Laclac\‫جبل لعلع‬, ahna buurta ay dhinaceeda ku taallo buurta Al Marwah\‫ المروة‬oo
ayada iyo Al Saffaa\‫ الصفا‬dhexdooda loo kala socdo, Biyuhu waxay kasoo rogmadeen barta
hadda loo yaqaanno, ayuu Cabdu Al Fataax Xusayn Raawah Al Makkii\‫عبد الفتاح حسين راوه المكي‬
ku yiri kitaabkiisa uu ku sharxayo Kitaabka Imaam Al Nawawii \‫ النووي‬ee Al iidaaxu fii
Manaasiki Al Xajji\‫اإليضاح في مناسك الحج‬, laguna daabacay Daaru Al Bashaa'iri Al Islaamiyyah
sanadka kun iyo afar boqol iyo sideed iyo tobanka Hijrada ee Makkah ku taalla , bogga boqol iyo
sagaal iyo sagaashan "Maqra'atu Al Faatixah\‫"مقرأة الفاتحة‬.
Daadkaas waxaa loo yaqaannaa Saylu Ummu Nahshal bintu Cubaydah bin Al Caas bin
Umayyah bin Cabdu Shams\‫سيل أم نهشل بن العاص بن أمية بن عبد شمس‬, looguna bixiyay inay
biyahaasi soo qaadeen oo ay dhanka hoose ee Makkah\‫ مكة‬keeneen ayna ku dhimatay.
Markaasuu Cumar\‫ عمر‬inta Madiina\‫ المدينة‬ka yimid oo uu Makkah\‫ مكة‬yimid bartaas ay biyuhu
kasoo rogmadeen biyo xireen dhagax ah uga dhisay. Biyahaasi waxay kaloo qaadeen Maqaamu
Ibraahiim\‫ مقام إبراهيم‬oo la tageen oo xagga hoose ee Makkah\‫ مكة‬geeyeen. Markaasuu Cumar
‫ عمر‬soo celiyay, oo uu meeshuu hadda yaallo dhigay. Waagaas Kacbadu waxay in yar ka
dheereyd nin taaggiisa, saqafna ma lahayn oo kor way ka furnayd. Markaasaa inta darbigeeda
laga soo booday ayaa kanzigii dhexdeeda ugu kaydsanaa la xaday.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, shan iyo soddon jirsaday, ayay
Qurayshi\‫ قريش‬waxay goosatay inay Kacbada dib u dhisto, ayagoo arrinkaas aad u daneynayey,
doonayeyna inay saqaf u yeelaan. Waxayse ka cabsadeen duminteeda.
Kacbadu markaas waxay ahayd mid dhagaxda darbigeedu ay is dul saaran yihiin oo keli ah,
103
ayadoo ay dhoobadii isku haysay ay gubatay. Dhererkeeda ay kor u taagan tahayna wuxuu ahaa
mid ka korreysa qof jooggiisa. Markaasey waxay doonayeen inay taaggeedana kor u qaadaan,
saqafna ay u yeelaan. Sababtu waxay ahayd inay ragi kanzigii Kacbada xadeen, kanzigaasoo ku
jiray ceel gaaban ama god Kacbada dhexdeeda ku yiillay."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Kanzigii Kacbada laga xaday waxaa laga helay guriga ninka la yiraahdo Duwayk \‫دويك‬, oo
mawle u ahaa reer Banii Mulayx bin Camr\‫بني مليح بن عمرو‬, oo qabiilka Khuzaacah\‫ خزاعة‬ka
tirsan."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬gacanta ka goysay. Qurayshna\‫ قريش‬waxay leedahay inay kuwa
xaday kanziga ay ku kaydsadeen Duwayk\‫ دويك‬gurigiisa, ee uusan isagu xadin.
Markaasaa markab ka yimid Rooma oo u socday arliga amxaarada, sidayna qalabka kaniisad
lagu dhisi lahaa, uuna la socdo farsamoyaqaankii dhisi lahaa magaciisuna yahay Yaaquum\‫ياقوم‬,
ahna isla magaca najjaarka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhisay
minbarkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Masjidka Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
‫المنورة‬.
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Al Isaabah\‫ اإلصابة‬uga wariyay Ibnu Cuyaynah\‫ إبن عيينة‬oo Jaamiciisa
Camr bin Diinaar\‫ عمرو بن دينار‬ka wariyay, inuu Cubaydah bin Cumayr\‫ عبيدة بن عمير‬yiri:
"Magaca ninka Kacbada Quraysh\‫ قريش‬u dhisay waxaa weeye Baaquum\‫باقوم‬, wuxuuna ahaa
roomaan, wuxuuna la socday markab ay dabayshu xeebta kusoo tuurtay.
Markaasey Quraysh‫ قريش‬u tagtay, oo ay alwaaxda saarnaa soo qaadatay, isagan ay yiraahdeen:
"U dhis sida kaniisadaha loo dhiso."
Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬wuxuu kitaabkiisa Muxammadun
Rasuulu Allaahi\‫محمد رسول هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna kan musalsalka
televisionka laga sameeyey, ku yiri:
"Markabkaas waxaa soo diray Boqorka Rooma, soona saaray qalabkii kaniisad lagu dhisi lahaa
arliga amxaarada, iyo ninkii dhisi lahaaba, kaddib markay boqortooyada iiraan oo dabka caabudi
jiray ay amxaarada Yaman\‫ يمن‬kasoo kiciyeen, kaddibna ay arliga amxaarada kusoo duuleen, ay
jebiyeen oo ka adkaadeen, kaniisadohoodana ay dab qabadsiiyeen oo burburiyeen. Wuxuu kaloo
boqorka Rooma doonayey inay amxaarada mar kale Yaman\‫ يمن‬ku duusho, si ay halkaas
iiraaniyiinta uga saaraan, oo ay boqortooyadaas wayn oo Rooma la tartameysey ay jabhad kale
xagga koofur uga furaan. Ilaahayna wuxuu xukumay in qalabkaas Kacbada lagu dhiso."
W aa intaas warka al Saxxaar‫ السحار‬.
Markabkaasi markuu marayo meesha la yiraahdo Al Shucaybah\‫الشعيبة‬, oo ahayd dekadda
Makkah\‫ مكة‬ee Badda Cas Jiddah\‫ جدة‬horteed, ayuu kharaabay, kaddib markay dabeylo heleen,
badduna kusoo tuurtay xeebta dekeddaas.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasuu markabku halkaas ku burburay. Markuu Quraysh\‫ قريش‬warkaasi soo gaaray, waxay
104
u direen rag uu madax u yahay Al Waliid bin Al Mughiirah‫الوليد بن المغيرة‬, markaasey kasoo
gateen qoriguu siday iyo injineerkuu sidayba oo Baaquum\‫ باقوم‬ahaa iyo najjaariinta iyo
tumaallada la socday, oo ay markaas Makkah\‫ مكة‬wada keeneen.
Waxay halkaas kasoo gateen alwaaxda ay Kacbada saqaf uga dhigi lahaayeen.
Kacbada dhexdeeda waxaa ku yiillay ceel gaaban oo ay Ibraahiim iyo Ismaaciil
Calayhimussalaamu qodeen mafaciisuna ahaa Al Akhsaf\‫ األخسف‬oo lagu kaydin jiray maalka loo
hadiyeeyo maalin walba.
Waxaa ceelkaas maalin walba kasoo bixi jirtay abeeso, markaasey darbiga Kacbada dhiniciisa
isku qorraxeyn jirtay, dadkuna aad ayuu uga biqi jiray, sababtuna ay tahay in hadduu qof usoo
dhowaado intay dabadeeda kor u qaaddo ayay intay afkeeda furto ayay ku dhawaaqi jirtay.
Sidaas ayay uga baqi jireen.
Markaasaa ayadoo maalin maalmahaas ka mid ah siday caado u ahayd isku qorraxeyneysa
dhinaca jidaarka Kacbada, ayuu Ilaahay wuxuu usoo diray haad duulaya, oo intuu dafay la tegey.
Markaasey Quraysh\‫ قريش‬waxay tiri:
"Waxaan hadda rajeyneynaa inuu Ilaahay raalli ka yahay waxaan dooneynno inaan falno, oo ah
Kacbada duminteeda iyo dib u dhisiddeedaba. Waxaan leenahay farsamoyaqaan dhismaha ku
xeel dheer, qorigiina waan haysannaa, abeesadiina Ilaahay ayaa nooga filnaaday."
Waxaa la yiri inuu haadku abeesadaas ku tuuray barta la yiraahdo Al Xajuun\‫الحجون‬, oo ay ku
yaallaan xabaalaha Makkah\‫مكة‬, oo dhowr boqol oo mitir Kacbada u jirta. Markay dhulka kusoo
dhacdayna, dhulka ayaa leqay.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu wariyay inuu Muxammad bin Al Xasan Al Muqrii\‫محمد بن الحسن المقري‬,
uu intaas kaddib yiri:
"Waana isla daabadda la hadleysa Yawmu Al Qiyaamah\‫ يوم القيامة‬horteed."
Markay Qurayshi\‫ قريش‬goosatay duminta iyo dib u dhisidda Kacbada, ayaa waxaa istaagay ninka
la yiraahdo Abuu Wahb bin Camr bin Caa'ith bin Cimraan bin Makhzuum ‫أبو وهب بن عمرو بن عائذ‬
\‫بن عمران بن مخزوم‬, oo uu Kacbada dhagax kasoo qaaday. Markaasuu dhaguxu intuu gacantiisa ka
booday uu meeshuu kasoo qaaday ku noqday.
Markaasuu Abuu Wahb‫ أبو وهب‬wuxuu yiri:
"Ragga Qurayshow\‫ !قريش‬Dhismeheeda ha gelinina waxaan ahayn maalkiinna aad si xalaal ah ku
kasabteen. Yaan la gelin lacagta la siiyo haweenka zinaysta, iyo maal laga kasbay ganacsi ay
ribo ku jirto, iyo maal si dulmi ku jiro qof kale looga qaatay."
Dad kalena waxay yiraahdeen inuu hadalkaas yiri Al Waliid bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi
bin Cumar bin Makhzuum\‫الوليد بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬. Waxaase yiri hadalka Abuu
Wahb‫ أبو وهب‬."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa la iiga wariyay Cabdu Allaahi bin Umayyah bin Khalaf\‫ عبد هللا بن أأمية بن خلف‬inuu arkay
wiil uu dhalay Jacdah bin Hubayrah bin Abuu Wahb bin Camr\‫ جعدة بن هبيرة بن أبو وهب بن عمرو‬oo
Kacbada ku dhawaafaya. Markaasuu dadka wareystay midkuu yahay, waxaana lagu yiri:
"Waxaa dhalay Jacdah bin Hubayrah ‫" جعدة بن هبيرة‬.
Markaasuu Cabdu Allaahi bin Safwaan\‫ عبد هللا بن صفوان‬wuxuu yiri:
105
"Midkaan awoowihiis waa Abuu Wahb‫ أبو وهب‬, waana midka Kacbada dhagaxa ka qaatay
markay Qurayshi\‫ قريش‬goosatay inay dumiso. Markaasuu gacantiisa ka booday oo uu meeshuu
kasoo qaaday dib ugu noqday. Markuu taas arkay ayuu wuxuu yiri:
"Ragga Qurayshow‫ !قريش‬Dhismeheeda ha gelinina waxaan ahayn maalkiinna aad si xalaal ah ku
kasabteen. Yaan la gelin lacagta la siiyo haweenka zinaysta, iyo maal laga kasbay ganacsi ay
ribo ku jirto, iyo maal si dulmi ku jiro qof kale looga qaatay."
Ibnu Isxaaq‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Abuu Wahb‫ أبو وهب‬waa aabaha Rasuulka Ilaahay, SallaaAllaahu Calayhi Wasallam, abtigiis,
wuxuuna ahaa nin sharaf badan oo madax ah."
Duminta Kacbada
Markaas kaddib ayay qabiillada Qurayshi\‫ قريش‬ka koobantahay ay Kacbada qaybsadeen,
meeshuu qabiil walba ka hawl geli lahaa.
Dhinaca Kacbada ee albaabku ku yaallo waxaa yeeshay reer Banuu Cabdi Manaaf \‫بنو عبد مناف‬,
oo ay reer Banuu Haashim\‫ بنو هاشم‬ka tirsan yihiin, iyo Banuu Zuhrah\‫بنوزهرة‬, oo ay Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis ka dhalatay.
Dhinaca Kacbada ee u dhexeeya Rukniga uu Dhagaxa Madow ku jiro iyo rukniga kaas la siman
ee Al Ruknu Al Yamaanii\‫ الركن اليماني‬la yiraahdo, looguna bixiyay ayadoo ay labadooduba
dhanka arliga Yaman\‫ يمن‬xigaan, waxaa yeeshay reer Banuu Makhzuum‫بنو مخزوم‬, oo uu Sayfu
Allaahi Khaalid bin Al Waliid\‫ سيف هللا خالد بن الوليد‬ka dhashay, iyo qabiil Quraysheed\‫ قريش‬oo
ayaga ku biiray.
Dhanka Kacbada dhabarkeeda ah oo ku beegan dhankuu albaabku ku yaallo waxaa yeeshay reer
Banuu Jumax\‫بنوجمح‬, oo uu ka dhashay Cuthmaan bin Mathcuun\‫عثمان بن مظعون‬, iyo reer Banuu
Sahm\‫ بنوسهم‬oo uu ka dhashay Camr bin Al Caasii Al Sahmiyyi\‫عمروبن العاصي السهمي‬.
Dhanka Kacbada ee ku beegan Xijrigana\‫ الحجر‬waxaa yeeshay reer Banuu Cabdu Al Ddaar bin
Qusayy\‫بنو عبد الدار بن قصي‬, oo uu ka dhashay ninkuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
siiyay isaga iyo ubadkiisa furaha Kacbada ilaa maanta, ahna Cuthmaan bin Dhalxah\‫عثمان بن طلحة‬
oo ilaa maanta uu gacantooda ku jiro, iyo reer Banuu Asad bin Cabdu Al Cuzzaa ‫بنوأسد بن عبد‬
‫العزى‬, oo ay ka dhalatay Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu
Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab Al Qurashiyyah, Al Asadiyyah ‫أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن‬
\‫أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب القرشية األسدية‬, iyo reer Banuu Cadiyyi bin Kacb ‫بنوعدي بن‬
‫كعب‬, oo uu ka dhashay Amiiru Al Mu'miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫أمير‬
\‫المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
Markaasuu dadku duminta Kacbada ka baqday, ayna ka fogaadeen. Markaasuu Al Waliidu bin
Al Mughiirah\‫ الوليد بن المغيرة‬wuxuu yiri:
"Anigaa duminteeda idiin bilaabaya."
Markaasuu faas qaatay, uuna intuu Kacbada dusheeda fuulay oo uu ku istaagay ayuu wuxuu yiri:
"Ilaahayow, samaan iyo wanaag doon ayaan nahay."
106
Markaasuu wuxuu dumiyay qayb labada Rukni oo Yamaaniga\‫ الركنين اليمانيان‬ah u dhexeysa.
Markaasuu dadku habeenkaas sugay, waxayna yiraahdeen:
"Waan fiirineynnaa, oo hadday Al Waliidu\‫ الوليد‬dhibaato caawa gaarto, dumin maynno, siday
ahayd ayaanna kusoo celineynnaa. Haddayanse waxba ku dhicin, Ilaahay raalli ayuu ka yahay
waxaan falaynno, markaasaan wada dumineynnaa."
Markaasu Al Waliidu‫ الوليد‬waabariistay, oo uu hawshuu hayey u jarmaaday, oo uu Kacbada sii
dumiyay. Markaasey dadkuna la dumiyeen. Markaasey markay wada dumiyeen, ayay waxay
gaareen aasaaskeeda, oo ah aasaaskii Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhi Al Ssaalaamu, u dhisay,
waxayna arkeen inuu ka kooban yahay dhagax cagaaran oo kuruska geela la mid ah, oo is dhex
galay."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسجاق‬wuxuu yiri:
"nin Xadiithka wariyay ayaa wuxuu ii sheegay in nin Quraysh \‫ قريش‬ahi, oo ka mid ahaa kuwa
duminayey, uu sabrad, oo ah birta wax lagu fujiyo, afka Carabigana lagu yiraahdo catalah\‫عتلة‬
ama catalatan, oo dhuuban laba dhagax kala dhex geliyay, si uu midkood usoo fujiyo. Markaasuu
markuu dhagaxu dhaqaaqay ayay Makkah\‫ مكة‬oo idili gilgilatay oo gariirtay. Markaasey
aasaaskaas faraha ka qaadeen, oo ay sidiisa u daayeen."
Ilaa maantadaan la joogo aasaaska Kacbadu waa kii uu Ibraahiim ‫ إبراهيم‬dhigay, in ka badan shan
kun oo sano horteed, taasoo mucjizo wayn ah.
Warqadda Rukniga laga belay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Qurayshi\‫ قريش‬waxay Rukniga uu Xajaru Al Aswadku ku jiro ka heleen warqad lagu dhigay
afka saryaaniga. Markaasey aqoon waayeen waxa ku dhigan. Markaasaa waxaa u akhriyey nin
yuhuudi ah, waxa ku dhignaana waxay ahaayeen sidatan:
‫ وحففتها بسبعة‬،‫ وصورت الشمس والقمر‬،‫ خلقتها يوم خلقت السماوات واألرض‬،‫"أنا هللا ذو بكة‬
".‫ مبارك ألهلها في الماء واللبن‬،‫ ال تزول حتى يزول أخشباها‬،‫أمالك حنفاء‬
“Anaa Allaahu Thuu Bakkata, khalaqtuhaa yawma khalaqtu al Ssamaata wa al arda, wa
sawwartu al shamsa wa al qamara, wa xafaftuhaa bi sabcati amlaakin xunafaa’a, laa
tazuulu xattaa yazuula akh-shabaahaa, mubaarakun li ahlihaa fii al maa’i wa al labani.”
Qoraalka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigu waxaan ahay Allaahu\‫أهلل‬, Anigaana Bakkah\‫ بكة‬iska leh, waxaanna abuuray maalintaan
Samaawaatka iyo arliga abuuray, aanna sawiray qorraxda iyo dayaxa. Waxaanna ku hareereeyey
toddoba (saf oo) Malaa'ig suuban ah. Makkahna\‫ مكة‬zuuli mayso oo way jireysaa inta
buureheedu jiraan. Waxaa ehelkeeda degganna loo barakeeyey biyaha iyo caanaha."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri: "Waxaa la ii wariyay inay Maqaaanka\‫ المقام‬ka heleen warqad
ay ku dhiganatahay:
107
".‫"مكة بيت هللا الحرام يأتيها رزقها من ثالثة سبل ال يحلها أول من أهلها‬
"Makkah\‫ مكة‬waa Guriga Ilaahay oo Xurmada leh, rizqigeeduna wuxuu uga yimaadaa saddex
dariiq, xalaalna uma aha xalaaleysashadeeda -siday Quraysh\‫ قريش‬waa dambe dhexdeeda ugu
dagaashay, siduu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬u fasiray."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Layth bin Abii Sulaym‫ ليث بن أبي سليم‬wuxuu sheegay inay afar sano ka hor soo diridda Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay ka heleen Kacbada dhexdeeda -hadday waxa
la sheegay run yihiin- dhagax ayna ku dhigan tahay:
،‫ وتجزون الحسنات! أجل‬،‫ تعملون السيئات‬.‫ يحصد ندامة‬،‫ ومن يزرع شرا‬،‫ يحصد غبطة‬،‫"من يزرع خيرا‬
".‫كما ال يجتنى من الشوك العنب‬
Qoraalka macnihiisu waxaa weeye:
"Qofka khayr abuura wuxuu goostaa ghibdhah -oo af soomaali ku ah wax fiican oo qof la siiyey,
iyo inuu dadku jecleysto in ayagana waxaas fiican oo wayn oo uu goostay oo kale helo ayagana
la siiyo, ayadoo uu qofka haystana uusan waxaas waayin, oo ma aha xaasidnimo. Qofka shar
abuurana shallayto ayuu goostaa. Wax xun ayaad suubisaan, wax fiican ayaana la idiinku abaal
gudaa! Haa. Sidaan canabka qodax la' aan loo soo guri karin oo kale."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu Macmar bin Rashiid\‫ معمر بن راشد‬ka wariyay inuu Al Zuhriyyu \‫الزهري‬
yiri:
"Waxaa isoo gaartay inay Qurayshi\‫قريش‬, markay Kacbada dhisayeen, ay heleen dhagax saddex
dhinac leh. Dhinaca koowaad waxaa ku dhigan:
‫ ال تزول حتى يزول‬،‫ وحففتها بسبعة أمالك حنفاء‬،‫"أنا هللا ذو بكة صغتها يوم صغت الشمس والقمر‬
".‫ مبارك ألهلها في الماء واللبن‬،‫أخشباها‬
Qoraalka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigu waxaan ahay Allaahu‫ هللا‬, Anigaana Bakkah‫ بكة‬iska leh, waxaanna abuuray maalintaan
Samaawaatka iyo arliga abuuray, aanna sawiray qorraxda iyo dayaxa. Waxaanna ku hareereeyey
toddoba (saf oo) Malaa'ig suuban ah. Makkahna zuuli mayso oo way jireysaa inta buureheedu
jiraan. Waxaa ehelkeeda degganna loo barakeeyey biyaha iyo caanaha."
Dhinaca labaad ee dhagaxana waxaa ku dhigan:
‫ ومن قطعها‬،‫ فمن وصلها وصلته‬،‫ واشتققت لها اسما من اسمي‬،‫ خلقت الرحم‬،‫"أنا هللا ذو بكة‬
".‫بتته‬
Qoraalka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigu waxaan ahay Allaahu. Waxaan abuuray Raximka, waxaanna siiyay magac aan
108
Magaceyga kasoo gooyey. Marka, qotka xiriiriya Aniguna waan xiriirinaya. Qofka gooyana
Aniguna waan goynayaa."
Dhinaca saddexaadna waxaa ku dhigan:
‫ وويل لمن كان الشر على‬،‫ فطوبى لمن كان الخير على يديه‬،‫ خلقت الخير والشر‬،‫"أنا هللا ذو بكة‬
".‫يديه‬
Qoraalka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigu waxaan ahay Allaahu‫ هللا‬, Kan Bakkah‫ بكة‬iska leh. Waxaan abuuray khayrka iyo
sharkaba. Waxaa liibaanay kan gacnihiisa khayrku yahay, waxaana hoogay kan gacnihiisa shar
ku kasbaday."
Dhigidda Dhagaxa Madow‫الحجر األسود‬
Haashim\‫ هاشم‬iyo Xilfiga Al Mudhayyabiina\‫" حلف المطيبين‬kuwa udgoon"
Haashim‫ هاشم‬awoowihiis Qusayy bin Kilaab\‫ قصي بن كالب‬wuxuu dhalay afar nin oo kala ah
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬iyo Cabda Al Ddaari\‫ عبد الدار‬iyo Cabdul Cuzzaa\‫ عبد العزى‬iyo Cabdi.
Qusayy\‫عبد قصي‬
Qusayy‫ قصي‬intuu noolaa ayuu wiilkiisa Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬wuxuu hantay sharaf iyo
madaxtinnimo oo idil.
Sidoo kale waxaa sharaf iyo magac ayaguna helay Cabdul Cuzzaa‫ عبد العزى‬iyo Cabdi‫عبد قصي‬.
Sharaftaas iyo magacaas iyo madaxtinnimadaas oo wuu seegay oo wax kama uusan helin wiilkii
curadkiisa ahaa oo Cabda Al Ddaari\‫ عبد الدار‬ahaa.
Markaasuu Qusayy‫ قصي‬intuusan dhiman wuxuu Cabda Al Ddaari‫ عبد الدار‬ku yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬wiilkaygow, ragga waan kaa daba geynayaa in kastoo ay kaa sharaf iyo
madaxtinnimo bateen, oo nin ayaga ka mid ihi Kacbada geli mayo jeer aad adigu u furtid,
Qurayshna\‫ قريش‬calan dagaal gunti ma doonto inuu adiga gacantaada ku jiro mooyee, qofna
Makkah\‫ مكة‬biyo ka waraabi mayo meel aan Siqaayadaada\‫ السقاية‬ahayn. Muusinka Xajkana,
axadna cunno cuni mayo aan cunnadaada ahayn. Qurayshna‫ قريش‬talo ku goyn mayso
umuurteeda ka mid ah meel aan Daartaada ahayn."
Markaasuu wuxuu siiyay daartiisii ahayd Daaru Al Nadwah\‫دار الندوة‬, oo xarunta iyo saldhigga
Dawladda Quraysh‫ قريش‬ahayd, halkaasoo ay umuurteeda oo idil ku goosan jirtay, wuxuuna
siiyay Al Xijaabata\‫( الحجابة‬oo ah adeegga Kacbada iyo Fureheeda), Al Lliwaa'a\‫( اللواء‬oo ah
calanka ay Qurasyhi‫ قريش‬hoostiisa isugu timaaddo markay dagaal geleyso), Al Ssiqaayata\‫السقاية‬
(oo ah waraabinta Xujeyda) iyo Al Rrifaadata\‫( الرفادة‬oo ah cunno siinta Xujeyda).
109
Kaddibna Qusayy‫ قصي‬wuu dhintay, dabadiisana waxaa talada Quraysh \‫ قريش‬iyo dadka kaleba
oo Makkah\‫ مكة‬degah gacanta ku dhigay wiilashiisa, kuwaasoo dhulka Makkah\‫ مكة‬goobogoobo
u qaybiyay, kaddib markuu Qusayy‫ قصي‬hore gacantiisa qawmkiisa ugu qaybiyay, una cabbiray
oo ayaguna u gooyey qawmkooda iyo ghayrkoodba kuwa xulafadooda ah oo axdiga la leh, oo ay
markaas dhulkaas ay googooyeen gadeen.
Arrinkaas ay ku keceenna Qurayshi\‫ قريش‬way ku waafaqday, ayadoo uusan wax khilaaf ah iyo
wax wax kala jiidasha ah ayan imaan.
Intaas kaddib ayay wiilashii Cabdi Manaaf bin Qusayy‫ عبد مناف بن قصي‬uu dhalay oo ahaa
Haashim\‫ هاشم‬iyo Cabdu Shams\‫ عبد شمس‬iyo Al Mudh-dhalib\‫ المطلب‬iyo Nawfal\‫ نوفل‬waxay
goosteen oo ay ku heshiiyeen inay ilmo Cabda Al Ddaari\‫( عبد الدار‬oo ah ilmo adeerradood laxmi
ah) ka qaataan oo ay gacantooda kala baxaan wuxuu hore Qusayy‫ قصي‬i siiyay Cabda Al Ddaari
‫عبد الدار‬, oo ahaa Al Xijaabatu‫ الحجابة‬iyo Al Liwaa'u‫ اللواء‬iyo Al Siqaayatu\‫السقاية‬
iyo Al
Rifaadatu\‫ الرفادة‬, ayagoo u arkay inay uga xaq leeyihiin, marka sharaftooda iyo
madaxtinnimadooda iyo deeqda ay dadkooda ku leeyihiin la tix geliyo.
Markaasey Qurayshi kala qaybsantay, oo ay kooxi ilmo Cabdi Manaaf \‫ عبد مناف‬ku raacday
aragtidooda ahayd inay ayagu xilkaas ilmo Cabda Al Ddaari‫ عبد الدار‬uga xaq leeyihhin, marka la
tixgeliyo makaanka ay qawmkooda dhexdiisa ku leeyihiin.
Koox kalena waxay la safatay reer Cabda Al Ddaari‫عبد الدار‬, taasoo u aragtay inaan laga qaadan
oo aan gacantooda laga bixin wixii uu Qusayy‫ قصي‬siiyay. Reer
Cabdi Manaaf\‫ عبد مناف‬waxaa taladooda hayey Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf ‫عبد شمس بن عبد‬
\‫مناف‬, oo ilmo Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬ugu da' waynaa. Talada ilmo Cabda Al Ddaari-na‫عبد الدار‬
waxaa hayey Caamir bin Haashim bin Cabdi Manaaf bin Cabda Al Ddaari ‫عامر بن هاشم بن عبد مناف‬
\‫بن عبد الدار‬.
Qabaa'ilkii kale ee Quraysh\‫ قريش‬waxaa reer Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬la dhan noqday Banuu
Asad bin Cabdul Cuzzaa bin Qusayy\‫ بنو أسد بن عبد العزى بن قصي‬iyo Banuu Zuhrata bin Kilaabi ‫بنو‬
\‫ زهرة بن كالب‬iyo Banuu Taym bin Murrata bin Kacb\‫ بنو تيم بن مرة بن كعب‬iyo Banuu Al Xaarith
bin Fihr bin Maalik bin Al Nadr\‫( بنو الحارث بن فهر بن مالك بن النضر‬waa daad dhibic kor ku leh oo
saadka ku xiga).
Reer Banii Cabda Al Ddaari-na‫ عبد الدار‬waxaa la saf noqday Banuu Makhzuum bin Yaqthata
(waa tha dhibic kor ku leh oo dha ku xigta) bin Murrata iyo Banuu Sahm bin Camr bin Husaysi
(oo labaduba waa saadka shiinka ku xigah) bin Kacb ‫ بنو مخزوم بن يقظة بن مرة‬iyo Banuu Jumax bin
Camr bin husaysi bin Kacbi\‫ بنو جمح بن عمرو بن هصيص بن كعب‬iyo Banuu Cadiyyi bin Kacbi ‫بنو عدي‬
\‫بن كعب‬.
Labada Qabiil ee kala ah Banuu Caamir bin Lu'ayy\‫ بنو عامر بن مؤي‬iyo Muxaarib bin Fihri ‫محارب‬
\‫ بن فهر‬labada qolo midna lama ayan safan oo way ka dhex bexeen.
110
Markaasey qabaa'ilka koox walba ku jirtay ay axdi adag dhigteen inayan is dhiibin, oo uusan
qabiilna midka kale garabkiisa ka bixin intay baddu xeebteeda qoyso (waa intay noolyihiin ayay
ka wadaan).
Markaasey reer Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬waxay keeneen xeero uu cadar ka buuxo, ayna keentay
Ummu Xakiim Al Baydaa' bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫أم حكيم البيضاء بنت عبد المطلب‬,
mataanta Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis, waxayna
xeeradaas ama baaquligaas cadarku ka buuxo kuway axdiga lahaayeen u dhigeen Masjidka
dhexdiisa iyo Kacbada agteeda.
Markaasey raggu gacnohooda xeeradaas dhex geliyeen, oo ay markaas ilmo Cabdi Manaaf ‫عبد‬
‫ مناف‬axdi la dhigteen xulufadooda iyo cahdi. Kaddibna gacnohooday Kacbada mariyeen, adkayn
ay heshiiskaan adkeynayaan.
Markaasaa waxaa loo bixiyay, waa ilmo Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬iyo xulufadoodiiye, Al
Mudhayyabiina\‫المطيبين‬, oo ah kuwa udgoon. Waxaa kaloo la oran jiray Al Daafata\‫الدفت‬.
Sidaas ayaa xilfigaas loogu bixiyay "Kuwa udgoon".
Reer Banii Cabda Al Ddaari‫ عبد الدار‬iyo xulafadooduna waxay axdi iyo ballan adag ku kala
dhigteen Kacbada agteeda, kuna ay heshiiyeen inayan is dhiibin, uusan qabiilna midka kale
garabkiisa ka bixin. Markaasaa waxaa loo bixiyay kooxdaan "Al Axlaafu\‫"األحالف‬, oo ah
"Gaashaanbuurta".
Markaasey kuwaani waxay keeneen xeero dhiig ka buuxo oo ay gacnohooda wada geliyeen,
kaddibna ay Kacbada gacnohooda mariyeen. Markaasaa waxaa loo bixiyay, oo kale, "Laciqatu
Al ddami\‫"لعقة الدم‬, oo ah "Kuwa dhiigga leefay".
Markaasaa qabaa'ilka ay labada kooxood ka koobnaayeen la isku beegay, oo qabiil kasta oo xilfi
ka tirsan mid xilfiga kale ka tirsan inuu ke beegmo oo uu celiyo oo uu la dagaallamo lagu
aadiyay, dagaalna la isu diyaariyay.
Qabaa'ilka sida la isugu beegayna waxay ahayd sidatan:
Banuu Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬waxaa lagu beegay Banuu Sahm\‫بنو سهم‬, Banuu Asad‫بنو أسد‬
waxaa lagu beegay Banuu Cabda Al Ddaari\‫بنو عبد الدار‬, Banuu Zuhrata\‫ بنو زهرة‬waxaa lagu
beegay Banuu Jumax\‫بنو جمح‬, Banuu Taym\‫ بنو تيم‬waxaa lagu beegay Banuu Makhzuum ‫بنو‬
\‫مخزوم‬, Banuu Al Xaarith bin Fihr\‫ بنو الحارث بن فهر‬waxaa lagu beegay Banuu Cadiyyi bin Kacbi
\‫بنو عدي بن كعب‬.
Markaasey waxay yiraahdeen: qabiil walba qabiilka la aadiyay ha celiyo. Markay xaaladdu
sidaas tahay, oo xarbi la goostay oo la isku diyaariyay, ayaa waxaa lagu dhawaaqay sulxi iyo
heshiis, laguna heshiiyay in reer Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬la siiyo Al Siqaayata\‫ السقاية‬iyo Al
Rifaadata\‫الرفادة‬, reer Cabda Al Ddaarna\‫ عبد الدار‬la siiyo Al Xijaabatu\‫الحجابة‬, Al Liwaa'u\‫ اللواء‬iyo
Daaru Al Nadwati\‫دار الندوة‬, siday hore ugu lahaayeen.
Sidaas ayay labada kooxoodba oggolaadeen, raallina ku noqdeen, xarbigiina looga noqday oo
nabad la helay. Labadaas xilfi sidaas ayay u jireen ilaa uu Ilaahay Tacaalaa Islaamka ka keeno,
markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
111
".‫"ما كان من حلف في الجاهلية فان األسالم لم يزده إال شدة‬
"Maa kaana min xilfin fii al jaahiliyyati fa inna Al Islaama lam yazidhu illaa shiddatan."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wixii xilfi jaahiliyada jiray islaamku waxaan xoojin ahayn uma uusan kordhin."
Markaasey, sida la yiri, wiilashii Cabdi Manaaf‫ عبد مناف‬qaybtey heshiiskaas ku heleen u qori
tuurteen, waxaana helay Haashim bin Cabdi Manaaf\‫هاشم بن عبد مناف‬, oo yeeshay Al Siqaayata
\‫ السقاية‬iyo Al Rifaadata\‫الرفادة‬.
Isaga dabadiisna waxaa xilalkaas qabtay walaalkiis Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf ‫المطلب بن‬
\‫عبد مناف‬.
Markuu Al Mudh-dhalib‫ المطلب‬dhintayna waxay xilalkaasi u wareegeen wiilkuu awoowaha u
yahay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa aabihiis Cabdu
Allaahi\‫ عبد هللا‬dhalay, Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫عبد المطلب بن هاشم‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasey qabaa'ilka Quraysh\‫ قريش‬dhagaxday Kacbada ku dhisi lahaayeen soo aruuriyeen,
ayadoo uu qabiil walba meel u gooni ah dhgaxdiisa isugu keenay. Kaddibna way dhiseen.
Markuu dhsimuhu barta Dhagaxa Madow la dhigi lahaa gaaray, ayay ku doodeen, ayadoo uu
qabiil walba doonayo inuu keligiis dhagaxa kor u qaado, uuna meeshiisa dhigo, ayadoo uusan
qabiil kale la wadaagin. Khilaafkoodu wuxuu gaaray ilaa heer uu qabaa'ilka wadahadallo
dhexmaraan, ayna qaarkood qaarka kale isu gaashaanbuursadaan, dagaalna isu diyaariyeen.
Markaasey reer Banuu Cabdu Al Ddaar\‫ بنو عبد الدار‬waxay keeneen xeero uu dhiig ka buuxo, oo
ay markaas ayaga iyo reer Banuu Cadiyyi bin Kacb bin Lu' ayy\‫ بنو عدي بن كعب بن لؤي‬cahdi ku
kala qaateen inay dagaallamaan ilaa dhimasho. Dhiiggaas ayay intay gacnohooda geliyeen ayay
is dhaarsadeen. Markaasaa waxaa loo bixiyey "lacaqatu al ddami\‫"لعقة الدم‬, oo macneheedu
yahay kuwa dhiigga leefay.
Waxaana kasoo horjeeda reer Cabdu Manaaf iyo gaashaanbuurtooda, oo sidaan kor ugu soo
aragnay, la oran jiray “Kuwa udgoon\‫”ألمطيبين‬
Sidaas ayay xaaladda Qurayshi\‫ قريش‬ahayd afar habeen ama shan. Intaas kaddib waxay ku
kulmeen Masjidka, ayna tashadeen oo shawreen, ayna garsoorteen. Mid ka mid kuwaa
Axaadithta wariyay ayaa wuxuu yiri:
"Markaasuu aabaha dhalay Umayyah bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin
Makhzuum\‫أمية بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬, oo sanadkaas ah kan Quraysh\‫ قريش‬kulligeed
ugu da'waynaa, ayaa wuxuu yiri:
"Ragga Qurayshow! Waxa aad isku khilaafsantihiin ha idiinku kala gar sooro ninka ugu horreeya
oo albaabka Masjidkaan kasoo gala, hana idin kala xukumo."
Markaasey oggolaadeen.
Markaasuu ninka ugu horreeya oo usoo gala wuxuu noqday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
112
Calayhi Wasallam.
Markaasey markay arkeen waxay yiraahdeen: "Kani waa Al Amiinu \‫"األمين‬, oo ah "Midka la
aamino, oo lagu kalsoon yahay. Raalli ayaan ku nahay. Waana Muxammad."
Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, u yimid ayay
khabarkooda u sheegeen. Markaasuu Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri:
".‫"هلم إلي ثوبا‬
"Halumma ilayya thawban",
oo macneheedu yahay:
"Maro ii keena."
Markaasaa maro loo keenay, maradana waxaa lahaa Al Waliidu bin Mughiirah \‫الوليد بن المغيرة‬,
waxayna ahaydna maro cad oo arliga Shaam\‫ الشام‬laga keenay, siduu Cabdu Al Xamiid Jawdah
Al Saxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬u wariyay.
Markaasuu, Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam, intuu Dhagaxa Madow qaaday ayuu marada
dhexdeeda gacantiisa shariifka ah ku dhigay, kaddibna uu yiri:
".‫ ثم ارفعوا جميعا‬،‫"ليأخذ كل قبيلة بناحية من الثوب‬
"Li ya'khuth kullu qabiilatin bi naaxiyatin mina al th-thawbi, thumma irfacuuhu
jamiican",
oo macneheedu yahay:
"Qabiil walba dhinac ha ka qaaddo marada, nmarkaas kaddibna wadajirkiinna marada kor u
qaada."
Markaasey sidaas yeeleen.
Markaasey markay marada gaarsiiyeen meesha Dhagaxa Madow la dhigi lahaa, ayuu intuu isaga
laftiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Dhagaxa marada gacantiisa shariifka ah uga kor
qaaday, ayuu gacantiisa meeshuu Kacbada ku lahaa dhigay."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu wariyay inuu Quraysh\‫ قريش‬la joogay Ibliis\‫إبليس‬, Allaha lacnadee,
isagoo leh suuradda oday reer Najdi\‫ نجد‬ah, oo uu markaas codkiisa ugu dheer la qayliyay oo uu
yiri:
"Ragga Qurayshow! Ma waxaad raalli ku noqoteen inuu Rukniga (oo ah magac kale ee Xajaru
Aswadka) dhigo, Ruknigoo sharaftiinna ah, wiil agoon ah, da'diinana aan gaarin?"
Markaasuu dhexdooda sidaas shar uga huriyey. Kaddibna way xasileen.
Al Xajaru Al Aswadu/Dhagaxa Madow\‫الحجر األسود‬
Dhagaxa Madow waa dhagaxa ku dhex jira Rukniga ama tiirka Kacbada ee koofureed. Bartuu
Kacbada uga jiro waxay dhulka ka korreysaa hal mitir iyo toban sentiimitir. Dhagaxa Madow
dhererkiisu waa shan iyo labaatan sentiimitir, ballaciisuna waa qiyaas toddoba iyo toban
113
sentiimitir. Dhaguxu wuxuu ku dhex jiraa oo uu ku dhegganyahay darbiga Kacbada. Markii hore
Dhagaxu wuxuu ahaa hal dhagax, laakiinse dhacdooyinka uu soo maray zamankii shiicada Al
Qaraamidah\‫ القرامطة‬iyo ghhayrkoodba ayaa madixiisa muuqda oo dadka soo xigah kala jebiyay.
Taas ayaana u sabab ah inuu annaga noogu muuqdo, markaan Kacbada dibaddeeda ka fiirinno,
sideed cad ama go' ama dhagax oo yaryar, oo jirmigoodu kala duwan yahay, kooda ugu weynna
uu xabbad timir ah le'egyahay.
Sideedaas go' waxay ku tallaalan yihiin dhagax kale oo weyn, kaasoo ay dugaagad ballaarani oo
qalin ah ku wareegsantahay. Sideedaas dhagax weeye kuwa loo qasdayo in la dhunkado, ee ma
aha dhagaxa weyn oo ayaga ku wareegsan, oo qalinku kusii kor wareegsan yahay. Dhagaxaas
wayn iyo dugaagadda qalinka ahba waxaa la dayactiray bisha Rabiicu Al A wwal \‫ ربيع األول‬ee
sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo labo iyo labaatan.
Al Qaraamidhah‫ القرامطة‬waxay ahaayeen koox shiico ah oo shiicada ismaaciiliyada baadhiniyada
ah ka tirsan, ahna kuwa raacsan Abuu Dhaahir Al Qarmadhii\‫أبو طاهر القرمطي‬, oo Dhagaxa
Madow Kacbada kala baxay, una qaatay oo lategey degmada la yiraahdo Al Axsaa'‫األحساء‬.
Warkaan iyo midka ku xigaba oo Dhagaxa Madowe ku saabsan waxaan kasoo qaadannay
Taarikhu Makkah Al Mukarra,mah Qadiiman wa Xadiithan\‫ تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا‬ee uu
dhigay Dr. Muxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii‫د\محمد إلياس عبد الغني‬.
Midabka Dhagaxa Madow
Al Tarmathii\‫ الترمذي‬wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu CaLayhi Wasallam,
yiri:
".‫ فسودته خطايا بني آدم‬.‫"نزل الحجر األسود من الجنة وهو أشد بياضا من اللبن‬
"Nazala Al Xajaru Al Aswadu mina Al Jannati wa huwa ashaddu bayaadan mina al
llabani. Fa sawwadathu khadhaayaa banii Aadama."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wuxuu kasoo degay Dhagaxa Madoobi Jannada isagoo caanaha aad uga caddaan badan.
Markaasaa waxaa madoobeeyey dambiyada ubadka Aadan (waana markay dhunkadaan, ama
taabtaan, oo halkaas dambigooda lagu dhaafo)".
Waa Xadiithka sideed boqol iyo toddoba iyo toddobaatan ee Al Tarmathii‫الترمذي‬, waana Xadiith
\‫ صحيح‬saxiix ah.
Waxaana jira riwaayado warinaya inay qaybta Dhagaxa Madow oo darbiga gudihiisa ku jirta ay
caddahay. Riwaayadahaas waxaa ka mid ah midda laga wariyay Mujaahid \‫مجاهد‬, oo yiri:
"Waxaan arkay Dhagaxa markuu ibnu Al Zubayr \‫( إبن الزبير‬waana Cabdu Alllaahi bin Al
Zubayru bin Al Cawwaamu\‫عبد هللا بن الزبير بن العوام‬, Allaha labadoodaba raalli ka noqdee) uu
Baytka dumiyey (si uu dib ugu dhiso). Markaasaan waxaan arkay in inta Dhgaxa ka midka ah ee
Guriga gudihiisa ku jirta oo dhan ay caddaan tahay."
Waxaa Xadiithka wariyay Akhbaaru Makkah ee Al Faakihii\‫أخبار مكة للفاكهي‬. Waxaa sidaas lagu
ogaaday in qaybta Dhagaxa ee ay dambiyadu madoobeeyeen ay tahay inta ka muuqata oo keli
ah. Waxaana dhici karta in taas daraadeedba Dhagaxa Madow loogu magacaabay.
114
Al Qaraamidhah\‫ القرامطة‬waxay ahaayeen koox shiico ah oo degi jirtay gobolka la oran jiray Al
Axsaa'\‫األحساء‬, gobolkaasoo koobi jiray Baxrayn\‫بحرين‬, Imaaraatka Midoobey ee Abuu
Thabi\‫اإلمارات العربية المتحدة‬, Qadhar\‫ قطر‬iyo Kuwayt\‫كويت‬, siduu u sheegay kitaabka Adhlas al
taariikh Al Carabii Al Islaamii\‫أطلس التاريخ العربي األسالمي‬, uuna dhigay Dr. Shawqii Abuu Khaliil
\‫د\شوقي أبو خليل‬. Shiicadaas waxaa aasaasay ninka ay ku abtirsadaan oo la yiraahdo
Xamdaan\‫ حمدان‬ama Al Faraj bin Cuthmaan\‫ الفرج بن عثمان‬, ama Al Faraj bin Yaxyaa\‫الفرج بن يحيى‬,
siduu Al Ziriklii\‫ الزركلي‬kitaabkiisa Al Ac1aamu‫ األعالم‬ugu sheegay, waxaana lagu koofaari jiray
Al Qirmidhii‫القرمطي‬, oo loo nisbeeyey magaalo la oran jiray Qirmidh \‫ قرمط‬oo iiraan\‫ إيران‬ku
tiillay. Shiicadaas ayaa Dhagaxa Madow Kcbada kala baxday sanadka Hijriga ah ee saddex
boqol iyo sagaal iyo toban, ayay waxay la aadeen Al Axsaa'\‫األحساء‬. Waxaa Dhagaxa Al Axsaa'
\‫األحساء‬. laga soo celiyay sanadka Hijriga ah ee saddex boqol iyo sagaal iyo soddon.
Fadliga Dhagaxa Madow
Dhagaxa Madow wuxuu Jannada kasoo degay isagoo ah xabbad yaaquut ah, oo yaaquutka
Jannada ka mid ah, waxaana loo keenay Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, si uu u dhigo, oo uu u geliyo Rukniga Kacbada.
Kaddibna waxaa gacantiisa Shariitka ah ku qaaday oo meeshiisa dhigay Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, markay Qurayshi\‫ قريش‬Kacbada dib u dhiseysey. Waxaana Dhagaxa
Madow sharaf u kordhiyay iyo fadli inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
dhunkaday, iyo Anbiyadii ka horreyseyba.
Dhagaxa Madow ayaa dhawaafka Kacbada lagu dhawaafayo laga bilaabaa, isagaana lagu
dhammeeyaa, isaga ayna ku kulmeen bashimaha Anbiyada Saalixiinta ah, xujeyda iyo kuwa soo
cumreystaba taariikhda banii Aadanka oo idil. Dhagaxa Madow agtiisa ducada waa lagu aqbalaa,
marag ayuuna Maalinta Qiyaame u noqdaa qofka run ahaan u taabta, siduu Al Tarmathii \‫الترمذي‬
uga wariyay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo yiri:
".‫ ولسان ينطق به يشهد على من استلمه بحق‬،‫ له عينان يبصر بهما‬،‫"وهللا ليبعثنه هللا يوم القيامة‬
"Wa Allaahi la yabcathannahu Allaahu Yawma Al Qiyaamati, lahu caynaani yubsiru
bihimaa, wa lisaanun yandhiqu bihi yash-hadu calaa man istalamahu bi xaqqin."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬Ilaahay wuxuu soo saarayaa Maalinta Qiyaame isagoo leh laba indhood oo uu
wax ku arko iyo carrab uu ku hadlo, uuna u markhaati kacayaa kan si xaq ah u taabtay." Waana
Xadiithka sagaal boqol iyo kow iyo lixdan ee Al Tarmathii\‫الترمذي‬.
Waqtigii Jaahiliyada waxaa kaloo Buurta Kacbada agteeda ah, oo uu hadda guriga boqorka
Sucuudigu ku kor yaallo la oran jiray Al Amiinu\‫األمين‬, oo macneheedu yahay midka aaminka ah,
maxaa yeelay waxaa la dhigay oo lagu amaaneystay Xajarul Aswadka, siday uu Al Bukhaarii
\‫( البخاري‬xadiithka saddex kun iyo labo boqol iyo kow iyo soddon) Cabdu Allaahi bin Camr ‫عبد‬
\‫هللا بن عمرو‬, Allaha raalli ka wada noqdee, ka wariyay inuu yiri:
"Dhagaxa Madow wuxuu kasoo degay Samada, markaasaa la dul dhigay (buurta) Abuu Qubays
\‫ أبو قبيس‬isagoo ah qaaruurad kristall ah oo cad, halkaasoo uu afartan sano ku sugnaa, markaas
115
kaddib markuu lbraahiim\‫ إبراهيم‬Rukniga dhisay ayaa halkaas la dhigay."
Jabalu Abuu Qubays\‫ جبل أبو قبيس‬waa mid ka mid ah labada buurood ee Makkah\‫ مكة‬ee la
yiraahdo Al Akh-shabaani\‫ األخشبان‬oo macneheedu yahay buurta wayn, midka kalena waa buurta
la yiraahdo Jabalu Qaciiqaan\‫ جبل قعيقان‬oo Masjidka xagga Waqooyi iyo Waqooyi Galbed ka
xigtah, waana labad buurood oo uu Malagga Buuruhu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku yiri:
"Muxamadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, haddaad rabtid inaan ku awdo (Makkah \‫مكة‬
iyo dadka deggan) labada Akh-shab, waan yeelayaa", uuna Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku yiri:
".‫"بل أرجو أن يخرج هللا عز وجل من أصالبهم من يعبد هللا عز وجل وحده‬
"Bal arjuu an yukhrija Allaahu Cazza wa Jalla min aslaabihim man yacbudu Allaaha
Cazza wa Jalla Waxdahu."
Xadiithkaan macnihiisu waxaa weeye:
"(Maya buuraha ha isugu dhufan oo yeeyan sidaas reer Makkah\‫ مكة‬ku halaagmine) Bal waxaan
rajo ka qabaa inuu Ilaahay, Cazza wa Jalla, dhabarradooda kasoo saaro kuwo Ilaahay Cazza wa
Jalla Keligiis caabuda."
Waana xadiithka saddexkun iyo labo boqol iyo kow iyo soddon ee Bukhaarii\‫البخاري‬.
Dhismaha Quraysh\‫قريش‬
Markaasey lacagtii xalaasha ahayd oo ay iska soo aruuriyeen ku filaan weydey inay u goyso
qalabkii dhismaha ee Kacbada oo idil siduu lbraahiim\‫ إبراهيم‬u dhisay dib loogu dhisi lahaa.
Markaasey waxay dhankeeda Xijru lsmaaciil xigah ka gooyeen oo ay ka tageen qiyaas saddex
mitir, oo ayan dhisin.
Sidaas ayay saddexdaas mitir oo xagga Xijiru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬xigtah qofka ku tukada uu
run ahaantii Kacbada dhexdeeda ugu tukaday. Arrinkaasi yuusan ku seegin.
Al Tarmithii\‫ الترمذي‬wuxuu Xadiithkiisa sideed boqol iyo lix iyo toddobaatan ku wariyay inay
Ummul Mu'miniin Caa'ishah\‫أم المؤمنين عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, tiri:
:‫ فأخذ رسول هللا صلى هللا عليه وسلم بيدي فأدخلني الحجر فقال‬،‫"كنت أحب أن أدخل البيت فأصلي فيه‬
".‫ فإنما هو قطعة من البيت‬،‫"صلي فيه إن أردت دخول البيت‬
“Kuntu uxibbu an adkhula Al Bayta fa usalli fiihi, fa akhatha Rasuulu Allaahi Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Sallam bi yadii fa qaala: “sallii fiihi in aradti dukhuula Al Bayti, fa
innamaa huwa qidh-catun mina Al Bayti.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan jeclaa inaan Baytka galo oo aan dhexdiisa ku tukado. Markaasuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacanta i qabtay oo uu Al Xijru\‫ الحجر‬i geliyey, wuxuuna yiri:
116
“(Xijru Ismaaciil\‫حجر إسماعيل‬, waana saddexda mitir oo xagga Kacbada xigta) dhexdiisa ku tuko
haddaad dooneysid inaad Baytka gashid, oo isagu waa go' ka mid ah Baytka."
Xadiith kale oo uu Al Haythamii\‫ الهيثمي‬Majmacu Al Zawaa'idi‫ مجمع الزوائد‬mujalladka saddexaad
boggiisa laba boqol iyo toddoba iyo afartan ku wariyayna waxay Caa'ishah‫ أم المؤمنين عائشة‬ku
tiri:
".‫"ما أبالي صليت في الحجر أو في البيت‬
“Maa ubaalii sallaytu fii Al Xijri aw fii Al Bayti.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Dan kama lihi oo waa isugu key mid inaan Al Xijru ku tukado ama Baytka dhexdiisa."
Qurayshi waxay kaloo Kacbada ka beddeshay, markay dib u dhiseysey, inay albaabka dhulka kor
uga qaadeen, oo hadana wuxuu ka sarreeyaa laba mitir iyo shan iyo labaatan sentiimitir, waxayna
sidaas u yeeleen inuu Kacbada galo qof ay ayagu u oggolaadeen oo keli ah, waxayna awdeen
irriddii galbeedaad, oo middaan hadda jirta kasoo horjeeday.
Waxay kaloo Kacbada u yeeleen saqaf, ayadoo ay tuugo intay darbigeeda taftay oo ka boodday
maalkii Kacbada oo dhexdeeda ku jiray xadday.
Darbigu wuxuu markaas ahaa afar mitir iyo labo iyo soddon sentiimitir. Markaasey Quraysh
darbiga dheereysey, waxayna ka dhigtay si deed mitir iyo afar iyo lixdan sentiimitir.
Waxay kaloo Kacbada u yeeleen dhuun dhalada Kacbada kasoo qaada biyaha roobka ama biyaha
lagu dhaqo. Dhuuntaasna, oo la yiraahdo Al Miizaabu\‫الميزاب‬, waxay biyahaas kusoo shubtaa
Xijru Ismaaciil\‫حجر إسماعيل‬. Dhuuntaas hoosteedana ducada waa lagu aqbalaa.
Wuxuu dhismaha Qurayshi intii dhismo oo kale uga khayr badan yahay, oo uga sharaf badan
yahay, isagoo uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacnihiisa sharafta leh
wax uga dhisay, isagoo dhagaxda wax kasoo daldalay, Xajarul Aswadkana gacantiisa sharafta
leh ku geliyay Rukniga, siduu Al Bukhaarina\‫ البخاري‬ugu wariyay Xadiithkiisa kun iyo shan
boqol iyo labo iyo sideetan.
Cabbirrada Kacbada
Maantadaaan aan joogno, siduu u sheegay Dr. Maxammad Ilyaas Cabdu Al Ghanii ‫د\محمد إلياس‬
‫عبد الغني‬, dhigayna kitaabkiisa Taariikhu Makkah Al Mukarramah Qadiiman wa Xadiithan ‫تاريخ‬
\‫مكة المكرمة قديما وحديثا‬, Kacbada taaggeeda ay xagga Samada u taagantahay waa afar iyo toban
mitir.
Wajigeeda albaabku ku yaallo dhererkiisu waa laba iyo toban mitir iyo afar iyo sideetan
sentiimitir.
Dhererka wajigeeda Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬xiga waa kow iyo toban mitir iyo sideed iyo
labaatan sentiimitir.
Dhererka dhabarkeeda oo ah dhinaca albaabka ku beegan oo ka soo horjeeda, una dhexeeya
Xijru Ismaaciil\‫ حجر إسماعيل‬iyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu \‫ الركن اليماني‬waa laba iyo toban mitir
117
iyo kow iyo toban sentiimitir.
Dhererka wajigeeda laba Rukni, oo kala ah Al Ruknu Al Aswadu\‫ الركن األسود‬oo uu Xajarul
Aswadku\‫ الحجر األسود‬ku jiri iyo Al Ruknu Al Yamaaniyyu ‫ الركن اليماني‬waa kow iyo toban mitir
iyo labo iyo konton sentiimitir. Inta kaloo war ah oo Kacbada ku saabsan ayadoo tifaftiran
waxaan uga soo warrannay kitabkeenna Qusayy\‫قصي‬, oo ah kan afaraad ee Taxanahaan Siirada
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee halkaas ha laga doonto.
Al Amiinu\‫األمين‬
Quraysh\‫ قريش‬waxay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yeeri jirtay, inta
ka horreysey markuu Waxyigu dushiisa kusoo degey, Al Amiinu\‫ األمين‬, oo macneheedu yahay
"Kan la aamino, oo lagu kalsoon yahay, raallina lagu yahay."
Markaasey markay Quraysh‫ قريش‬dhismaha Kacbada dhammeysey oo ay kasoo jeesatay, ayna u
dhiseen siday doonayeen inay u dhisaan, ayu Al Zubayru bin Cabdu Al Mudh-dhalib ‫الزبير بن‬
‫عبد المطلب‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeerkiis aabihiis la dhashay
wuxuu tiriyey gabay uu ku sheegayo abeesaday Qurayshi \‫ قريش‬uga baqaysey dhisidda Kacbada
iyo siduu haadku ula tegey, iyo siday u dhiseen.
Kacbadu waxay waqtiga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahayd sideed iyo
toban diraac ama dhudhun, waxaana la huwin jiray oo loo xiri jiray dharaka la yiraahdo Al
Buruudu‫البرود‬.
Midka ugu horreeyey oo Kacbada Kiswah\‫ كسوة‬xariir ah ugu arratirana wuxuu ahaa Al Xajjaaj
bin Yuusuf Al Thaqafii\‫الحجاج بن يوسف الثقفي‬.
Sidaas ayay Quraysh\‫ قريش‬dhismaha Kacbada ku dhammeystirtay, cabbirradeeduna waa sidaan
kor ugu soo aragnay, ayagoo markay nafaqada lagu dhisi lahaa iyo qalabka dhismuhu ka go'een,
ka yareeyey aasaaskii Ibraahiim\‫إبراهيم‬, oo saddex mitir oo xagga Xijriga xigta ka tegey, oo
dhismo ahaan way ka yartahay dhismihii Ibraahiim\‫ إبراهيم‬, Calayhissalaamu.
Xadiithka Al Xumsa\‫حديث الحمس‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Quraysh\‫ قريش‬waxay hindistay oo ay bilowday, mana ogi inay ahayd sanadka maroodiga ka
hor ama kaddib, arrinka al xumsa‫ الحمس‬, ahaydna talo ay is tuseen, ayna goosteen oo ay ku
dhaqmeen, ahaydna inay yiraahdeen:
"Annagu waxaan nahay dhasha Ibraahiim‫ إبراهيم‬iyo ehelka Xaramka oo la xurmeeyey, iyo
kuwa Kacbada maamula oo u adeega, iyo kuwa Makkah\‫ مكة‬ay waddankooda tahay oo deggan.
Sidaas daraadeed ayayan axad Carabta ka mid ah u ahaanin wax xaqqeenna la mid ah iyo wax
makaankeenna u dhigma, Carabtuna ay u aqoonsantahay. Sidaas daraadeed, shayna ha u
weyneynina ee arliga xalaasha ah (waana inta Makkah\‫ مكة‬ka baxsan iyo xuduudda Xaramka)
sidaad u weyneysaan Xaramka. Maxaa yeelay haddaad sidaas yeeshaan Carabi waxay
yareysaneysaa xurmadiinna."
Waxayna yiraahdeen: "Waxay arliga xalaasha ah u weyneeyeen siday Xaramka u weyneeyeen oo
118
kale." Markaasey waxay ka tageen istaagidda Carafo\‫ عرفات‬maalinta Xajka, iyo kasoo
gaddoonkeedaba xagga Al Muzdalifah\‫ المزدلفة‬loo soo gaddoomayo habeenkaas ay Ciidda
Carrafo soo geleyso, ayagoo isla markaasna qiraya inay istaagidda iyo kasoo gaddoonka Carafo
mashaacirta Xajka ka mid yihiin iyo Diinta Ibraahiim‫ إبراهيم‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Isla markaasna waxay yiraahdeen inay tahay inay Carabta inteeda kale ee soo xajjida ay Carafo
\‫ عرفات‬istaagaan, kana soo gaddoomaan, waxayna yiraahdeen:
"Annagu waxaan nahay ehelka Xaramka, marka nooma bannaana in xurmada Xaramka dibadda
aan uga baxno, mana u weyneyneynno arliga intiisa kale sidaan Xaramka u weneyneynno, sidaan
annagu Xaramka u weyneynno haddaan Al Xumsa‫ إبراهيم‬nahay. Al Xumsana waa‫إبراهيم‬
ehelka Xaramka."
Banka Carafaat\‫ عرفات‬waa ka baxsan yahay Xaramka Makkah\‫حرم مكة‬. Markaasey waxay isku si
ula dhaqmeen Crabta ku dhalata Xaramka dhedxdiisa iyo kuwa ku dhasha dibaddiisaba.
Qabaa'ilka Kinaanah\‫ كنانة‬iyo Khuzaacah\‫ خزاعة‬ayaa ayaguna taladaan la galay.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxay sidaas ku hindiseen oo ay bilaabeen arrimo ayan ahayn inay yeelaan, ilaa ay gaareen
heer ay ka yiraahdaan: "Uma bannaana Al Xumsa\‫ الحمس‬inay jubniga cunaan, subagana ay
shiilaan ayagoo ixraaman, iyo inay galaan aqal dhogor (waa reeryee) laga sameeye, iyo inay
harsadaan markay qorraxda ka harsadaan waxaan ahayn aqal harag iyo saan laga sameeyey
mooyee markay ixraaman yihiin."
Markaasey kasii badiyeen, oo ay yiraahdeen:
"Uma ay bannaana dadka Xaramka dibaddiisa ka yimid inay cunaan cunnada ay la yimaadeen oo
ay arliga xalaasha ah kala yimaadeen, markay yimaadaan ayagoo soo xajjiyay ama soo
cumraystay. Umana bannaana, markay Makkah\‫ مكة‬soo galaan, inay dhawaafka ugu horreeya ku
dhawaafaan waxaan ahayn dharka Al Xumsa\‫الحمس‬.
Hadday dharka Al Xumsa‫ الحمس‬heli waayaan, waxay Kacbada ku dhawaafayaan ayagoo
qaawan."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu intaas ku daray inay haweenkooduna timaha iyo dhogorta xoolaha
midna ayan falkin karin, waa Al Xumsee‫الحمس‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Hadduu nin ayaga ka mid ihi, ama haweeney, ay heli waayaan dharka Al Xumsa‫الحمس‬, oo ay
markaas ku dhawaafaan dharkooda ay xilliga Xaramka dibaddiisa ah kala yimaadeen, markuu
dhawaafka dhammeysto dharkaas wuu tuurayaa, mar dambena ebedkiis ku intifaaci mayo, isaga
iyo ghayrkiisba dharkaas. Dharkaas sidaas loo tuuray Carabtu waxay oran jiliay Al Laqaa \‫اللقا‬.
Sidaas ayay Carabta ku khasbeen inay yeelaan, Carabtuna intay oggolaatay ay ka diin yeelatay.
Carabta, oo aan Al Xumsa‫ الحمس‬ahayn, way istaagi jirtay Carafo\‫ عرفات‬maalinta Xajka, ayadeyna
kasoo gaddoomi jireen. Kacbadana waxay ku dhawaafi jireen ayagoo qaawan. Haweenkuse
dharkoo idil ayay iska furi jireen, intaan cambuurka ahayn oo ka furan dhanka hore ama xagga
dambe. Markaasey cambuurkaas ku dhawaafi jirtey. Markaasey haweeney Carabta ka mid ah, oo
119
sidaas ku dhawaafeysa ayaa gabayday, waxayna tiri:
‫وما بدا منه فال أحله‬
‫اليوم يبدو بعضه أو كله‬
Al Yawma yabduu bacduhu aw kulluhu Wa maa badaa minhu fa laa uxilluhu.
Tixdaas macneheedu waxaa weeye:
Maanta waxaa muuqanaya qaarkiis ama kulligiis\ Inta ka muuqatana xalaaleyn mayo.
Qisada haweentaan waxaa kaloo wariayay, iyo Aayadda kusoo degatayba Muslim\‫مسلم‬, waana
Xadiithkiisa saddex kun iyo si deed iyo labaatan.
Al Suhaylii‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Haweenta sidaas tiri waa Dubaacah bintu Caamir bin Sacsacah\‫ضباعة بنت عامر بن ضعضعة‬, kana sii
ah Banuu Salamah bin Qushayr\‫بنو سلمة بن قشير‬.
Muxammad bin Xabiib\‫ محمد بن حبيب‬wuxuu xusay inuu RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, doonay, oo markaas kibir loogu sheegay. Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iska daayey. Markaasaa waxaa la yiri:
"Waxay u dhimatay calool xumo iyo tiiraanyo inuusan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, guursan."
Marka ayuu Al Suhaylii‫ السهيلي‬yiri: "Hadduu warkaasu run yahay, kama uusan reebin
haweentaas inay noqoto Ummu Al Mu'miniina\‫ أم المؤمنين‬iyo haweenta Rasuulka Raabiga
Caalamiinta, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan ahayn oraahdeedaas ay tiri Maanta
waxaa muuqanaya qaarkiis ama kulligiis/inta ka muuqatana xalaaleyn mayo, taasoo ah
karaameyn uu Ilaahay Nabigiisa ku karaameeyey, Isagoo xog ogaal u ah masayrkiisa, isagana
Ilaahay ayaa ka masayr badan." Waa intaas warka Al Suhaylii‫السهيلي‬.
Quraanka Al Xumsa\‫ الحمس‬kusoo degay
Sidaas ayay Al Xunmsaa\‫ الحمس‬ahaayeen oo ay u dhaqmayeen ilaa uu Ilaahay Tacaalaa Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo diray, uuna axkaamta Diintiisa kusoo
dejiyay, uuna sharciyeeyey axkaamta Xajkiisa, wuxuuna Aayadda boqol iyo sagaal iyo
sagaashan ee Suuratu Al Baqarah\‫ سورة البقرة‬ku yiri:
ِ
ِ ‫الناس و‬
ِ
َّ
َّ
)111( ‫يم‬
ُ ‫يضوا ِم ْن َح ْي‬
َ َ‫ث أَف‬
ُ ‫ثَُّم أَف‬
ْ َ ُ َّ ‫اض‬
ٌ ُ‫اسرَ ْغف ُروا اللهَ إِ َّن اللهَ َغف‬
ٌ ‫ور َرح‬
"Thumma afiiduu min xaythu afaada al nnaasu wa istaghfiruu Allaaha inna Allaaha
Ghafuurun Raxiimun(199)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Markaas ka gaddooma meeshuu dadku ka gaddoomayo, dhambi dhaafna waydiista, Ilaahay waa
Dambidhaafe Naxariistee(199)."
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuu la hadlayaa, oo uu sidaas amrayaa Quraysh\‫قريش‬.
Erayga ah Al Nnaasu\‫ الناس‬oo Aayadda ku jirana waa Carabta inteeda kale. Ilaahay Tacaalaa
wuxuu Quraysh\‫ قريش‬farayaa inay Carafo\‫ عرفات‬istaagaan, kana soo gaddoomaan.
120
Al Xumsa\‫ الحمس‬siday dadka uga xaaraantimeeyeen cunnadooda ay sitaan iyo dharkooda ay
xiran yihiin markay Kacbada yimaadaanna, ayna ku khasbeen inay ayagoo qaawan dhawaafaan,
ayagoo ka xaaraantimeeyey dharkay kala yimaaddeen Xaramka dibaddiisana, wuxuu Ilaahay
Tacaalaa kasoo dejiyay Aayadaha kow iyo soddon iyo labo iyo soddon iyo saddex iyo soddon ee
Suuratu Al Acraafi\‫سورة األعراف‬, uuna ku yiri:
ُّ ‫َد َم ُخ ُذوا ِز َينرَ ُك ْم ِع ْن َد ُك ِّل َم ْس ِجٍد َو ُكلُوا َوا ْش َرُبوا َوََل رُ ْس ِرفُوا إَِّنهُ ََل ُي ِح‬
َ‫) ُق ْل َم ْن َح َّرَم ِز َينة‬31( ‫ين‬
َ ‫َيا َبنِي آ‬
َ ‫ب اْل ُم ْس ِرِف‬
ِ
ِ
َِِّ ِ
ِ ‫َخرج لِ ِعب ِاد ِه والطَّيِّب‬
ِ َّ ِ َّ
ُّ ‫َمُنوا ِفي اْل َح َي ِاة‬
ِ ‫الرْز‬
‫ام ِة َك َذلِ َك‬
ِّ ‫ات ِم َن‬
َ َ َ َ َ ْ ‫الله الري أ‬
َ ‫ق ُق ْل ه َي للذ‬
َ ‫الد ْن َيا َخال‬
َ ‫صةً َي ْوَم اْلق َي‬
َ ‫ين آ‬
ِ ‫) ُق ْل إَِّنما ح َّرم ربِّي اْلفَو‬32( ‫ات لِقَوٍم يعلَمون‬
ِ ‫ص ُل ْاْلَي‬
ِْ ‫ظهر ِم ْنها وما َبطَ َن و‬
ِّ ‫اْلثْ َم َواْل َب ْغي بِ َغ ْي ِر اْل َح‬
‫ق‬
ِّ َ‫ُنف‬
َ ‫اح‬
َ
َ ُ َْ ْ
َ َ َ َ َ َ ‫ش َما‬
َ
َ َ َ َ َ َ
َ
ِ َّ
)33( ‫ون‬
َ ‫َن رُ ْش ِرُكوا بِاللَّ ِه َما لَ ْم ُي َنِّز ْل بِ ِه ُسْل‬
ْ ‫ط ًانا َوأ‬
ْ ‫َوأ‬
َ ‫َن رَقُولُوا َعلَى الله َما ََل رَ ْعلَ ُم‬
"Yaa banii Aadama khuthuu ziinatakum cinda kuIli masjidin wa kuluu wa ishrabuu wa
laa tusrifuu Innahu laa yuxibbu al musrifiina(31)Qul man xarrama ziinata Allaahi allatii
akhraja li cibaadihi wa al dhayyibaati mina al rrizqi qul hiya lillathiina aamanuu fii al
xayaati al ddunyaa khaalisatan Yawma Al Qiyaamati kathaalika nufassilu al Aayaati li
qawmin yaclamuuna(32)Qul innamaa xarrama Rabbi al fawaaxisha maa thahara minhaa
wa maa badhana wa al ithma wa al baghya bighayri al xaqqi wa an tushrikuu bi Allaahi
maa lam yunazzil bihi suldhaanan wa an taquuluu calaa Alalaahi ma laa taclamuuna(33)."
Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:
"Banii Aadamow, qaata quruxdiinna, oo dharkiinna xirta oo cawradiinna qariya, masjid kasta
agtiisa -waa mar kastoo aad ama dhawaafeysaan ama aad tukaneysaanaba-, cunnadana cuna, oo
hilibka iyo subagga iyo waxaad doontaanba cuna oo cabba, hana xad gudbina adingoo
xaaraantimeynaya cunnaduu Ilaahay xalaaleeyey, Ilaahayna kuwa xadgugba ma jecla, oo sidaas
fala(31)Waxaadna tiraahdaa: yaa xaaraantimeeyey quruxdii, waa dharkiiye, uu Ilaahay usoo
saaray addoommadiisa, oo ah in markay dhawaafayaan ay labbiskooda xirtaan, iyo rizqiga
wanaagsan, oo ah hilbaha iyo subagga oo la cuno xilliga Xajka? Waxaad tiraahdaa: waxaa iska
leh kuwa rumeeyey (iyo gaaladaba) adduunkaan dhexdiisa, waxayna khaalis u yihiin
mu'miniinta, oo uusan gaal sad ku lahayn Maalinta Qiyaame. Sidaas ayaan ugu caddaynnay
Aayaadka qawm wax og(32)Waxaad tiraahdaa: Wuxuu uun xaaraantimeeyey Rabbigay waxa
xun kooda muuqda, oo ah inay ragguu maalinti ayagoo qaawan ay dhawaafaan iyo kan
qarsoonba, oo ah inay haweenku habeenka ayagoo qaawan Kacbada ku dhawaafaan, iyo
dambiga, iyo dulmiga iyo kibirka iyo inaad la wadaajisaan Ilaahay wuxuusan Xujjo usoo dejin,
iyo inaad ku sheegtaan Ilaahay waxaydnaan ogayn, oo ah in wax la xaaraantimeeyo diinta ku
saabsan, ayadoo aan yaqiin la haysan)33(".
Sidaas ayuu Ilaahay Tacaalaa wuxuu ku buriyay waxay Qurayshi\‫ قريش‬hindistay oo ay bilowday,
wuxuuna ugu beddelay Islaamka, markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
usoo diray. Waxaa kaloo kusoo degatay Aayadda shan iyo soddonaad ee Suuratu Al Anfaal ‫سورة‬
\‫األنفال‬, oo uu Ilaahay Tacaalaa ku yiri:
ِ َ‫) وما َكان ص ًَلرُهم ِع ْن َد اْلب ْي ِت ِإ ََّل م َكاء ور‬32(
)37( ‫ون‬
َ ‫صد َيةً فَ ُذوقُوا اْل َع َذ‬
َ
َ ‫اب بِ َما ُك ْنرُ ْم رَ ْكفُُر‬
ْ ًَ ُ
ُْ َ َ َ َ
121
"Wa maa kaana salaatuhum cinda Al Bayti illaa mukaa'an wa tasdiyatan fa thuuquu al
cathaaba bimaa kuntum takfuruuna(35)."
Aayadda macneheedu waxaa weey: "Salaadooda Kacbada agteeda ahna, ma aha waxaan ahayn
foori iyo scab tumid, ayadoo ay markay dhawaafayaan foorin jireen saccabbadana isgu tumi
jireen, ee dhedhemiya cathaabta, gaalnimadiinna daraadeed(35)."
Waxaa kaloo kusoo degatay Aayadda boqol iyo sagaal iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah
\‫سورة البقرة‬, oo uu Ilaahay Tacaalaa ku yiri:
ِ ‫ون َك ع ِن ْال‬
ِ ‫يت ِل َّلن‬
ِ ُ‫وت ِم ْن ظُه‬
‫ورَها َولَ ِك َّن اْل ِب َّر َم ِن ارَّ َقى‬
َ ‫َن رَأْرُوا اْلبُُي‬
ُ ‫َهلَّ ِة ُق ْل ِه َي َم َو ِاق‬
ْ ‫اس َواْل َح ِّج َولَ ْي َس اْلبُِّر بِأ‬
َ َ ُ‫َي ْسأَل‬
ِ
َّ َّ
ِ َ ‫وأْرُوا اْلبي‬
)181( ‫ون‬
ُُ
َ ‫وت م ْن أ َْب َوابِهَا َوارَّقُوا الل َه لَ َعل ُك ْم رُْفل ُح‬
َ
"Wa laysa al birru an ta'tuu al buyuuta min thuhuuribaa wa laakinna al birra mani
ittaqaa wa atuu al buyuuta min abwaabihaa wa ittaquu Allaaha lacallakum
tuflixuuna(189)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Baarrinnimada iyo samafalku ma ah inaad guryaha ugaga timaaddaan oo aad ka gashaan
dhabarkooda, ayagoo Al Xumsa\‫ الحمسى‬markay u ixraaman yihiin Xaj ama Cumro ay
guryohooda xagga dambe kasoo geli jireen ama ay darbiga kasoo boodi jireen, oo ayan albaabka
hore kasoo geli jirin, baarrinnimaduse waa qofka Ilaahay ka dhawrsada, guryahana uga yimaada
oo ka gala albaabyadooda, markaad ixraamantihin. Ilaahayna ka baqa, markaasaad waxaad
mudan tihii inaad liibaan taane(189)."
Istaagidda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Carafo Bicthada horteed
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inuu Jubayr bin Mudhcim\‫ جبير بن مطعم‬yiri:
"Waxaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka Waxyiga lagu soo
dejiyey horteed, isagoo hal saaran oo Carfo\‫ عرفات‬taagan, dadka qawmkiisa sokadooda, lana soo
gaddoomaya, ayadoo uu Ilaahay waafajiyay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam tasliiman
kathiiran."
Ilaahay ayaa waafajiyay waxaa weeye, ayuu Al Suhaylii \‫ السهيلي‬yiri:
"si ayan u seegin ajarka xajku."
Jubayr bin Mudhcim‫ جبير بن مطعم‬markuu arkay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo
Carfo\‫ عرفات‬taagan wuxuu yiri:
"Kani waa nin axmas\‫ حمسى‬ah, marka muxuu u dan leeyahay oo uu Al Xumsa\‫ الحمسى‬ula istaagi
waayey meeshay taagan yihiin?"
Sidaas ayuu Kitaabkii Haashim\‫أبو القاسم‬ku dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina
wa Sallaa Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi
Wasaallam tasliiman kathiiran.
122
Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
(kow iyo Toban)
Al Bicthah
‫البعثة‬
Soo diridda Nabi Muxammad Rasuulka Ilaahay
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Waxaa dhigay
Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Waxaa daabacday
Daaru Al Seerah
P.O. Box 200984 - Boston, MA 02120 - U.S.A.
123
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
Bogga
1.Tusmada Kitaabka
2.Araarta dhigaha kitaabka
3.Odorisidda kuhaanta Carabta
4. Siday Carabtu xiddigaha la ganayo u haysatay
5.Ganidda shayaadhiinta
6.Jinniga Quraanka dhegeystay
7.Go'idda kuhaanada
8. Kaahinadda Al Ghaydhalatu
9. Khadhar: kaahinka Lihib n
10. Kaahinka Qabiilka Janb
11. Cumar iyo Sawaad bin Qaarib al Dawsiyyi
12. Riwaayada Al Suhaylii ee Cumar iyo Sawaad
13. Sawaad iyo qabiilkiisa Daws
14. Sawdaa'a bintu Zuhrah: kaahinadda Quraysh
15. Arrinka jinniga Nasiibiin
16. Jinniga Quraanka dhegeystay oo islaamay
17. Digidda yuhuudda ee soo diridda Nabiga, \‫صلى هللا عليه وسلم‬
18.Yuhuudiga dariska reer Banuu Cabdu Al Ash-hal
19.Bishaaraynta ibnu Al Hayyabaanu
20.Zayd bin Sucnatu
21.Islaamidda Salmaan Al Faarisii
22.Asalka sadaqada iyo hadiyada Salmaan
23. Janaazada maalintaas
24.Geedaha timirta la tallaalay
25.Ciise ina Maryama iyo Salmaan
26.Xusidda Waraqah, ina Jaxsh, ina Al Xuwayrith iyo Zayd
27.Waraqah bin Nawfal
28. Cubaydu Allaahu bin Jaxsh
29.Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asad
30. Zayd bin Camr bin Nufayl Al Cadawii
31.Goobidda Zayd ee Diinta Al Xanafiyyah
32. Riwaayada Al Suhaylii ee Zayd
33. Sifada RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, ee Injiilka
34. Sifooyinka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, ee Axbaarta
35. Ekaanshihiisa, \‫صلى هللا عليه وسلم‬, ee InjiiIka ku dhignayd
36. Al Bictha: soo diridda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
37.Taariikhda Bicthada
38.Cumrigiisa Sallaa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Maalinta Bicthada
39. Soo degidda Quraanka
40. Macnaha soo degidda Quraanka
41. Bilaabashada Waxyiga
42.Joogsiga Waxyiga
43. Isku duubidda iyo camajuujinta
44. Salaamidda iyo Cawthibilleysiga
39. Ku noqosho Xadiithka Waxyiga
40. Khadiijah iyo Caddaas
41. Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam iyo Waraqah bin Nawfal
42.Siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wadankiisa u jeclaa
123
125
127
130
132
134
136
137
138
141
141
142
145
146
147
150
150
151
152
153
155
164
164
165
165
168
168
169
170
172
175
177
179
180
181
183
184
184
185
186
187
188
190
191
191
193
194
195
124
43. Dhanbalidda laabtiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
44.Marka Saddexaad ee dhanbalidda Laabtiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
45. Joogsiga Waxyiga
46. Salaamidda dhagaxda iyo geedaha
47. Ictlkaafkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ee Xiraa'a
48. Kasoo degidda buurta
49.Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam iyo Waraqah bin Nawfal
50. Khadiijah iyo Jibriil
51. Martabooyinka Waxyiga
52. Inta goor oo Jibriil Nabiga,\‫ صلى هللا عليه وسلم‬, kusoo degay
195
196
197
198
199
200
202
203
205
213
125
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
‫الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما‬
‫ أما بعد‬،‫ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
Kitaabkaan Al Bicthah\‫ البعثة‬, kana laba iyo konton qaybood, waa kii kow iyo tobanaad ee
Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka
Al Baghawii\‫البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫األلوسي‬, Dhaahir Caashuur\‫ طاهر عاشوس‬iyo
kuwa kaleba, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu kalsoon yahay sida Al Bukhaarii \‫البخاري‬, Muslim
\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka; Kutubbada Siirada sida Ibnu Hishaam\‫( سيرة إبن هشام‬oo
dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka Hijriga), kitaabka Sharxu al callaamah Al Zarqaanii
(oo dhintay sanadka kun iyo boqol iyo labo iyo labaatan Hijraga) Calaa Al Mawaahibu Al
Laduniyyah bi Al Minaxi Al Muxammadiyyah\‫شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية بمنح المحمدية‬
uuna dhigay al callaamah Al Qasdhalaanii\‫( العالمة القسطالني‬oo dhintay sanadka sagaal boqol iyo
saddex iyo labaatan Hijrada). Al Rawdu Al Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay
shan boqol kow iyo sideetan ee sanadka Hijriga), Al Dhabarii \‫( الطبري‬oo dhintay saddex boqol
iyo toban sanadka Hijriga), Ibnu Kathiir\‫( إبن كثير‬oo dhintay toddoba boqol afar iyo toddobaatn
sanadka Hijriga), Al Bayhaqii\‫( البيهقي‬oo dhintay afar boqol iyo sideed iyo konton Hijriga), Al
Thahabii\‫( الذهبي‬oo dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan Hijriga), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo
dhintay saddex boqol lix iyo afartan ee sanadka Hijriga), Al Qaadii Al Imaam Xusayn bin
Muxammad, bin Al Xasan Al Diyaarbakrii\‫( القاضي اإلمام حسين بن الحسن الدياربكري‬oo dhintay sagaal
boqol lix iyo lixdan sanadka Hiiriga), Al Imaam Calii bin Burhaanuddiin Al Xalabii ‫اإلمام علي‬
\‫( برهان الدين الحلبي‬oo dhintay kun afar iyo afartan ee sanadka Hiiriga), Al Qadii Ciyaad ‫القاضي‬
\‫( عياض‬oo dhintay shan boqol afar iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al
Saxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬, oo waa dhow dhintay, iyo Muxammad Ridaa\‫ محمد رضا‬iyo Kitaabu
Al Shajarti Al Nabawiyyati fii nasabi khayri al bariyyati \‫ كتاب الشجرة النبوين في نسب خير البرية‬Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, uuna hubiyay Al Imaamu Jamaaluddiini Yuusuf bin Xasan bin
Cabdil Haadii Al Maqdisiyyi\‫اإلمام جمال الدين يوسف بن خسن بن عبد الهادي المقدسي‬, oo faraca Amiirul
Mu'miniin Cumar\‫ أمير المؤمنين عمر‬ah, dintayna (sagaal boqol iyo sagaal Hijriga) iyo Daliilo Al
Xaaji Al Musawwar\‫ دليل الحاج المصور‬uuna dhigay Saalix Muxammad Jamaal\‫صالح محمد جمال‬
intuusan dhiman ka horna ahaa Madaxa Mudhawwafiinta Dawladaha Carabta ee Makkah Al
Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, iyo Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫ دالئل النبوة‬ee Al Xaafith Abii Nucaym Al
Asbahaanii\‫ الخافظ أبو نعيم اإلسبهاني‬oo dhintay (afar boqol soddon Hijriga), Lisaanu Al Carabi ‫لسان‬
\‫ العرب‬ee Al Imaamu Al Manthuur\‫( اإلمام المنظور‬noolaana inta u dhexaysa lix boqol soddon iyo
toddoba boqol kow iyo toban Hijriga), Mukhtaaru Al Sixaaxi\‫ مختار الصحاح‬ee Al Raazii\‫الرازي‬, iyo
Taariikhu Makkata Al Mukarramati Qadiiman wa Xadiithan\‫ تاريخ مكة المكرمة قديما وحديثا‬ee Dr.
Muxammad Ilyaas Cabdul Ghanii\‫ د\محمد إلياس عبد الغني‬iyo kuwo kaleba.
Tafsiirka af Soomaaligana waxaan in badan ka qaatay Kitaabka uu tarjumay Sheekh Maxmuud
Maxame Cabdi Allaha, dambigiisa dhaafee. Waxa suuban oo ku dhigan kitaabkaanna waa nicmo
Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالي‬uu igu galladaystay, wixii qalad ahna
waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu
Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla ‫هللا‬
126
\‫عزوجل‬, ku xamdinayaa siduu iigu sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo,
qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba
iyo inta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna
kaydiyo maalin ayayan maal iyo wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada
mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan,
Woonsocket, Rhode Island, USA
Jimce, toddoba iyo labaatanka Bisha Rabiicu Al Awwal\‫ ربيع األول‬kun afar boqol lix iyo labaatan
Hijriga, una dhiganta1ixda Maajo laba kun iyo shan.
127
Kuhaanta Carabta oo odorostay soo diridda Nabiga Salla Allaah u Calayhi Wasalalam
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Culummada yuhuudda iyo ruhbaanta krishtaanka iyo kuhaanta Carabtu waxay ka warrameen
soo diridda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Bicthada\‫ البعثة‬horteed iyo
intaan la soo dirin ka hor, waqtigiisuna uu soo dhowaaday.
Culummada yuhuudda iyo kuwa krishtaanku waxay warkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ka heleen kutubbadooda, oo tilmaamay isaga sifooyinkiisa iyo sifooyinka zamankiisa iyo siday
Anbiyadoodu cahdi iyo ballan uga qaadeen in marka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, la soo diro ay rumeeyaan oo ay raacaan, ayna u gargaaraan.
Kuhaanta Carabtuse waxay ka ogaadeen shayaadhiinta ay xiriirka la lahaayeen. Shayaadhiintaasi
waxay kuhaanta u keeni jireen waxay kasoo maqlaan Samada, ayagoo aan waagaas Samada
looga reebin xiddigo ololaya oo lagu soo gano. Sidaas ayay kuhaanta ragga ah iyo kuhaanta
haweenka ahba waxay ka maqli jireen waxa socda.
Warkaas Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku saabsan oo ay shayaadhiinta ka
maqlaanna, Carabtu dan kama yeelan jirin, ilaa uu Ilaahay kasoo diray, oo ay markaas dhaageen
waxay u sheegi jireen. Markaasey aqoonsadeen."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Waxaa akhbaarta lagu wariyay inuu Ibliis\‫ إبليس‬Ciise\‫ عيسى‬hortiis Samaawaadka dhex gooshi
jiray. Markaasaa marka Ciise‫ عيسى‬lasoo diray, ama markuu dhashay saddex Samo laga xijaabay
oo laga reebay. Markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhashayna
Samaawaadka oo idil ayaa laga xijaabay oo laga reebay, shayaadhiintuna markay u dhowaadaan
xiddigo ololaya ayaa lagu soo ganaa.
Markaasaa markay bateen xiddigaha lagu ganayo ayay Qurayshi\‫ قريش‬waxay tiri:
"Saacaddi ayaa kacday."
Markaasuu Cutbah bin Rabiicah\‫ عتبة بن ربيعة‬wuxuu yiri:
"Waxaad fiirisaan xiddigga la yiraahdo Al Cayuuqu\‫ العيوق‬-oo ah xiddig wayn oo guduudan- oo
haddii xiddiggaas la ganay, markaas kicidda Saacadda ayaa soo dhowaatay. Haddaan isaga la
ganinna sooma ayaan dhowaan."
Kuwa khabarkaan xusayna waxaa ka mid ah Al Zubayr bin Abii Bakr\‫الزبير بن أبي بكر‬."
Waa intaas warka Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasaa, markuu amarka Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, soo
dhowaaday, soo diriddiisana la gaaray, ayaa shayaadhiinta dhegeysiga laga reebay oo laga
xijaabay, lana kala dhex galay ayaga iyo barahay Samada ka fariisan jireen si ay waxay
Malaa'igtu ku wada hadleyso maqalka wax uga soo dafaan. Markaasaa waxaa lagu rajmiyay oo
lagu ganay xiddigo. Markaasey jinniyadu waxay ogaadeen inay taasi sidaas ku ahaatay arrin uu
Ilaahay addoommadiisa la doonayo daraadeed. Ilaahay T abaaraka wa Tacaalaa wuxuu Nabigiisa
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegayaa markuu soo diray, Isagoo uga
128
warramaya marka jinniga laga xijaabay inay wax dhegeystaan, ayna ogaadeen waxay ogaadeen,
ayanna waxaas oo idil midna ka inkirin oo diidin markay arkeen waxay arkeen:
ِ
‫) َي ْهِدي إِلَى‬1( ‫اسرَ َم َع َنفٌَر ِم َن اْل ِج ِّن فَقَالُوا إَِّنا َس ِم ْع َنا قُ ْآرًَنا َع َجًبا‬
ْ ُ‫ ُق ْل أُوح َي إِلَ َّي أََّنه‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ِ
ِ
ِ ُّ
‫ان َيقُو ُل‬
َ ‫َمَّنا بِه َولَ ْن ُن ْش ِر َك بَِرب َِّنا أ‬
َ ‫) َوأَنَّهُ َك‬3( ‫صاح َبةً َوََل َولَ ًدا‬
َ ‫) َوأََّنهُ رَ َعالَى َج ُّد َرب َِّنا َما ارَّ َخ َذ‬2( ‫َح ًدا‬
َ ‫الر ْشد فَآ‬
ِ ِ َّ
ِ
ِ
ِْ ‫َن لَ ْن رَقُو َل‬
‫ان ِر َجا ٌل ِم َن‬
ْ ‫) َوأَنَّا ظََنَّنا أ‬2( ‫َسفيهَُنا َعلَى اللَّه َشطَطًا‬
َ ‫) َوأََّنهُ َك‬7( ‫اْل ْن ُس َواْل ِج ُّن َعلَى الله َكذًبا‬
ِ ِ
ِ
ِ ٍ ‫س يعوُذون بِ ِرج‬
ِْ
‫َّم ِع فَ َم ْن َي ْسرَ ِم ِع ْاْلَ َن َي ِج ْد‬
ُ ‫ال م َن اْل ِج ِّن فَ َز ُاد‬
َ َ ُ َ ِ ‫اْل ْن‬
ْ ‫ َوأََّنا ُكَّنا َن ْق ُع ُد م ْنهَا َمقَاع َد للس‬....)6( ‫وه ْم َرَهقًا‬
ِ
ِ ‫يد بِ َم ْن ِفي ْال َْر‬
)11( ‫ض أ َْم أ ََر َاد بِ ِه ْم َربُّهُ ْم َر َش ًدا‬
َ ‫) َوأََّنا ََل َن ْد ِري أَ َشٌّر أ ُِر‬1( ‫ص ًدا‬
َ ‫لَهُ شهَ ًابا َر‬
"Qul uuxiya ilayya annahu istamaca nafarun mina at jinni faqaaluu innaa samicnaa
Qur'aanan cajaban(l)Yahdii ilaa al rrushdi fa aamannaa bihi wa lan nushrika biRabbinaa
axadan(2)Wa Annahu Tacaalaa Jaddu Rabbinaa maa ittakhatha saaxibatan wa laa
waladan(3)Wa annahu kaana yaquulu safiihunaa calaa Allaahi shadhadhan(4)Wa annaa
thanannaa an llan taquula al insu wa al jinnu calaa Allaahi kathiban(5)Wa annahu kaana
rijaalun mina al insi yacuuthuuna bi rijaalin mina al jinni fazaaduuhum rahaqan(6) ... Wa
annaa kunnaa naqcudu minhaa maqaacida lilssamci faman yastamic al aana yajid lahu
shihaaban rrasadan(9)Wa annaa laa nadrii asharrun uriida biman fii al ardi am araada
bihim Rabbuhum rashadana(10)."
Aayadaha, oo ah Aayadaha kow ila lix iyo sagaal iyo toban ee Suuratu Al Jinni\‫سورة الجن‬
macnohoodu waxaa weeye:
"Waxaad tiraahdaa, Nabiyow: "waxaa la ii waxyooday inay koox jinni ah dhegeysteen Quraanka,
oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, akhrinayo. Markaasey markay arligooda ku
laabteen, waxay dadkooda ku yiraahdeen: "waxaan maqalnay Quraan balaaghadiisa iyo
aftahannimadiisa lala yaabo, oo cajiib ah(1 )Quraankaasoo dadka ugu yeeraya sawaabta oo ah
tawxiidka iyo midaynta Ilaahay iyo iimaanka, markaasaan rumaynnay, cibaadadana Rabbigeen
axadna la wadaajin mayno(2)Rabbigeenna Wayn oo Cathiimka ahna ma yeelan oo waa ka
weynyahay inuu yeesho haweeney iyo ilmo midna(3 )Keennii xumaana, oo ah ibliis, wuxuu ahaa
kan Ilaahay been ka sheega, isagoo ku tilmaamay inuu shariik iyo ilmo leeyahay( 4)Annaguna
waxaan u maleyneynay inuusan insiga iyo jinniguba ayan Ilaahay been ka sheegayn, oo waxay
noo sheegeen oo aan malayneyney waxay ahayd inuu Ilaahay haweeney iyo ilmo leeyahay ilaa
aan Quraanka ka maqalno(7)Waxayna ahaayeen, islaamka hortiis rag Carab ahi markuu safar ku
hjiro oo uu waadi ku hoydo, wuxuu sharta waadigaas ka magan geli jiray jinniga meeshaas
deggan, ilaa uu ka waabariisto, taasoo jinniga kibir iyo xadgudub iyo dambi u siyaadisay, oo
rahaqan waa dambiga iyo xadgudubka(6) ... Waxaanna ahayn kuwa Samada ka fariistah
fariisimo si aan wax uga dhegeysanno. Haddase kii wax dhegeysta waxaa haleelaya danabyo
lagu soo ganayo(9)Annaguna ma ogsoonin in shar lala doonayo kuwa arliga ku nool ama uu
Rabbigood hanuun la doonayo(10)."
Markaasey jinnigu markay Qur' aanka maqleen waxay ogaadeen in dhegeysiga looga reebay si
aan Waxyiga shayna ugu qasmin, Waxyigoo ah khabarka Samada ka yimaada, oo uu markaas
dadka arliga deggan uu isaga qasmo waxa Ilaahay xaggiisa uga yimid, si ay xujjadu ugu
caddaato, wax isku qasanna meesha laga waayo, oo uu amarku u caddaado.
129
Markaasey aamineen oo ay rumeeyeen, kaddibna ay ku yiraahdeen tolkood, siday noo warisay
Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Axqaaf\‫سورة األحقاف‬:
ِ
ِ
ِ
ِ ِ
ِ ِ ِ
ٍ ‫ق لوِالَى طَ ِري‬
‫ق ُم ْسرَِق ٍيم‬
َ ‫وسى ُم‬
َ ‫قَالُوا َيا قَ ْو َم َنا إَِّنا َسم ْع َنا كرَ ًابا أ ُْن ِز َل م ْن َب ْعد ُم‬
َ ِّ ‫ص ِّدقًا ل َما َب ْي َن َي َد ْيه َي ْهدي إلَى اْل َح‬
)31(
"Qaaluu yaa qawmanaa innaa samicnaa Kitaaban unzila min bacdi Muusaa
musaddiqan limaa bayna yadayhi yahdii ilaa al Xaqqi wa ilaa dhariiqin
Mustaqiimin(30)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Jinnigii Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Quraanka ka maqlayna markay tolkooda oo
degmada Nasiibiin ee waqooyiga dalka Ciraq ku taalla dib ugu laabteen waxay ku yiraahdeen:
"Tolkeenow! Waxaan maqalnay Kitaab, waa Quraankee, la soo dejiyay Muuse\‫ موسى‬dabadiis,
oo waxay ku taagnaayeen diinta yuhuudda, oo rumaynaya kutubbadii ka horreeyey, dadkana ku
hanuuninaya Xaqqa iyo wadada toosan(30)."
ٍ ‫ون بِ ِر َج‬
ِْ ‫ان ِر َجا ٌل ِم َن‬
ِ ‫اْل ْن‬
Oraahda jinniga oo ah )6( ‫وه ْم َرَه ًقا‬
ُ ‫ال ِم َن اْل ِج ِّن َف َز‬
ُ ‫اد‬
َ ‫س َي ُعوُذ‬
َ ‫َوأََّنهُ َك‬
"Wa annahu kaana rijaalun mina al insi yacuuthuuna bi rijaalin mina al jinni
fazaaduuhum rahaqan(6)" waxaa weeye inay rag Carab ihi Quraysh\‫ قريش‬iyo ghayrkoodba
markuu socdaal ku jiroo uu waadi ama dooxo dhexdeeda oo arliga ka mid ah ku dego si uu ugu
hoydo waadina waa dooxada ama banka intuu doono ha le'ekaadee buuro dhexdooda ku yaalla,
oo ay buurahaasi biyaha roobka kusoo rogaanayuu wuxuu yiraahdaa:
"Anigu waxaan caziizka -waa lagama adkaadehee- waadigaan ee jinniga ka mid ah ka magan
galay caawa waxa shar ah ee dhexdiisa ku jira."
Al Baghawii\‫ البغوي‬wuxuu tafsiirkiisa Aayadda lixaad ee Suuratu Al jinni\‫ سورة الجن‬uga wariyay
Kardamu bin Abii Al Saa'ib Al Ansaarii\‫ كردم بن أبي السائب األنصاري‬inuu yiri:
"waxaan u raacay aabahay Al Madiinah\‫ المدينة‬oo uu xaajo ka lahaa, markaasoo ahayd marka ugu
horreysey oo Rasuulka Ilaahay, Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkah\‫ مكة‬lagu xusay.
Markaasaan waxaan la hoyanney nin ari raacanaya. Markaasey markuu habeenku kala barmay,
ayaa waxaa yimid dhurwaa, markaasu wuxuu qaatay oo uu la tegey wan ariga ka mid ah.
Markaasuu ninkii ariga la joogay booday, uuna yiri:
"Kan waadiga degganow, magan gelyadaadaan ku jiraa!".
Markaasaa waxaa dhawaaqay mid dhawaaqa oo aanan annagu u jeedin oo yiri:
"Sarxaanow\‫سرحان‬, sii daa."
Markaasaa waxaa yimid wankii oo ordaya, oo ariga dhex galay ayadoo ayan xagtini gaarin."
Markaasuu Ilaahay, Cazza wa Jalla, Rasuulkiisa, Saallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo Makkah
ٍ ‫ون بِ ِر َج‬
ِْ ‫ان ِر َجا ٌل ِم َن‬
ِ ‫اْل ْن‬
\‫ مكة‬jooga Aayaddaan )6( ‫وه ْم َرَه ًقا‬
ُ ‫ال ِم َن اْل ِج ِّن َف َز‬
ُ ‫اد‬
َ ‫س َي ُعوُذ‬
َ ‫َوأََّنهُ َك‬
"Wa annahu kaana rijaalun mina al insi yacuuthuuna bi rijaalin mina al jinni
fazaaduuhum rahaqan(6)" kusoo dejiyay."
Waa intaas tafsiirka Al Baghawii\‫ البغوي‬markaan.
130
Siday Carabtu u haysatay xiddigaha la ganayo jaahiliyada
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسجاق‬wuxuu yiri:
"Carabta waxaa ugu horreeyey cid xiddigaha la ganayo ka naxda qolo ka mid ah qabiilka
Thaqiif\‫ثقيف‬, oo Al Dhaa'if\‫ الطائف‬degta.
Markaasey waxay u yimaadeen nin ayaga u dhashay, lana yiraahdo Camr bin Umayyah ‫عمرو بن‬
\‫أمية‬, kana sii ah reer Banii Cilaaj‫عجالج‬. Wuxuu yiri: wuxuuna ahaa ninka Carab ugu daahiyasan,
waa caqli badnidee, uguna talo fiican. Markaasey waxay ku yiraahdeen:
"Camrow, soo ma aadana arag waxa Samada dhexdeeda ka dhacay oo ah xiddigaha la ganayo?"
Wuxuu yiri:
"Haa, waan arkay ee marka adinkuna u fiirsada oo u kuur gala: hadday yihiin waxa la ganayo
xiddigaha waaweyn oo lagu hanuuno marka barriga iyo badahaba la marayo, laguna kala
yaqaanno xilliyada jiilaalka iyo gu' ga, ahna xiddigaha nolosha dadka u danta ah, hadday
kuwaasi yihiin kuwa la ganayo, hadaba Wa Allaahi \‫ وهللا‬waa duubidda adduunka iyo
dhammaadkiisa iyo halaagga khalqiga dhexdiisa ku suganba. Haddayse xiddigaha la ganayo
xiddigo kale yihiin, ayaguna ay xaaladdooda lagu yaqaanno ku sugan yihiin, marka kaasi waa
amar uu Ilaahay la doonay khalqigaan. Amarkaas-se muxuu yahay?"
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسجاق‬wuxuu wariyay inay rag Ansaar ah sheegeen inuu Rasuulka Ilaahay, Saalla
Allaahu Calayhi Wasallam, ayaga ku yiri:
"‫"ما كنتم تقولون في هذا النجم الذي يرمى به؟‬
"Maathaa kuntum taquuluuna fii haathaa al najmi allathii yurmaa bihi?"
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Maxaad ka oran jirteen xiddigahaan la ganayo?"
Waxay yiraahdeen:
"Nabiga Ilaahayow! Waxaan oran jimay markaan aragno ayadoo la ganayo: "waxaa dhintay
boqor!", "Boqor ayaa la caleemo saaray", "wiil ayaa dhashay", "wiil ayaa dhintay".
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Saalla Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ فسبح‬.‫ فسبحوا‬،‫ ولكن هللا تبارك وتعالى كان إذا قضى في خلقه أمرا سمعه حملة العرش‬،‫"ليس ذلك كذلك‬
.‫ فيسبحوا‬،‫ فال يزال التسبيح يهبط حتى ينتهي إلى السماء الدنيا‬.‫ فسبح لتسبيحهم من تحت ذلك‬.‫من تح تهم‬
‫ "أال‬:‫" فيقولون‬.‫ فسبحنا لتسبيحهم‬،‫ "سبح من فوقنا‬:‫ "مما سبحتم؟" فيقولون‬:‫ثو يقول بعضهم لبعض‬
‫ "مما‬:‫ فيقال لهم‬.‫ حتى ينتهوا إلى حملة العرش‬،‫تسألون من فوقكم مما سبحوا؟" فيقولون مثل ذلك‬
،‫ فيهبط به الخبر من سماء إلى سماء‬.‫ "قضى هللا في خلقه كذا وكذا" ألمر الذي كان‬:‫سبحتم؟" فيقولون‬
‫ ثم يأتوا به‬.‫ فتسترقه الشياطين بالسمع على توهم واختالف‬.‫ فيتحدث به‬.‫حتى ينتهي إلى السماء الدنيا‬
‫ فيصيبون بعضا‬.‫ فيتحدث به الكهان‬.‫ فيخطؤون ويصيبون‬.‫ فيحدثونهم به‬.‫الكهان من إهل األرض‬
.‫ فأنقطعت الكهانة اليوم‬.‫ ثم إن هللا عز وجل حجب الشياطين بهذه النجوم اللتي يقذفون بها‬.‫ويخطؤون بعضا‬
".‫فال كهانة‬
"Laysa thaalika kathaalika, wa laakinna Allaaha Tabaaraka wa Tacaalaa kaana ithaa
qadaa fii khalqihi amran samicahu Xamalatu Al Carshi, fa sabbaxuu. Fa sabbaxa man
131
taxtahum. Fa sabbaxa li tasbiixihim man taxta thaalika. Falaa yazaalu al tasbiixu
yahbidhu xattaa yantahii ilaa Al Ssamaa'a al ddunyaa, fa yusabbixuu. Thumma yaquulu
bacduhum li bacdin: "Mimmaa sabbaxtum?" Fa yaquuluuna: "Sabbaxa man fawqanaa, fa
sabbaxnaa li tasbiixihim." Fa yaquuluuna: "Alaa tas'aluuna man fawqakum mimma
sabbaxuu?" Fa yaquuluuna mithla thaalika, xattaa yantahuu ilaa Xamalati Al
Carshi. Fa yuqaalu lahum: "Mimma sabbaxtum?" Fa yaquuluuna: "Qadaa
Allaahu fii khalqihi kathaa wa kathaa" li amri allathii kaana. Fa yahbidhu bihi al
khabaru min Samaa'in ilaa Samaa'in, xattaa yantahii ilaa al Ssamaa'i al ddunyaa.
Fa yataxaddathuu bihi. Fa tastariquhu al shayaadhiinu bi al ssamci calaa
tawahhumin wa ikhtilaafin. Thumma ya'tuu bihi al kuhaana min ahli al ardi. Fa
yuxaddithuuhum bihi. Fa yakhdha'uuna wa yusiibuuna. Fa yataxaddathu bihi al
kuhaanu. Fa yusiibuuna bacdan wa yakhdha'uuna bacdan. Thumma inna Allaaha
Cazza wa Jalla xajaba al sh-shayaadhiina bi haathihi al nujuumi allatii
yuqthafuuna bihaa. Fa inqadhacat al kuhaanatu al yawma. Falaa kuhaanata."
Waxaa isaguna Xadiithka wariyay Muslim\‫مسلم‬, kuna wariyey Kitaabu Al Ssalaamu\‫كتاب السالم‬,
tirada boqol iyo afar iyo labaatan, waxaana laga wariyay ibnu Cabbaas \‫إبن عباس‬, Ilaahay isaga
iyo aabihiisba raalli ha noqdee.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Arrinku sidaas aad u sheegteen ma aha, ee laakiin waa sidatan: Markuu Ilaahay Cazza wa Jalla
\‫ هللا عز وجل‬khalqigiisa amar xukunkiisa ah ku rido, waxaa maqasha Malaa'igta Carshiga
Xambaarsan, oo la yiraahdo Xamalatu Al Carshi\‫حملة العرش‬. Markaas ay maqlaan ayay
tasbiixsadaan (oo waxay yiraahdaan Subxaana Allaahi). Markaasey malaa'igta hoostooda ahi
ayaguna tasbiixsadaan. Markaasey markay malaa'igta ka hooseysa tasbiixdaas maqlaan ayay
ayaguna la tasbiixsadaan.
Sidaas ayay tasbiixsashadu hoos ugu soo degataa ilaa ay ka timaaddo Samada dhow ee adduunka
soo xigta. Markaasey malaa'igta ayada ku sugani tasbiixsadaan, oo markaasey waxay qaarkood
qaarka kale ku leeyihiin:
"Maxaad ka tasbiixsateen?"
Markaasey waxay leeyihiin:
"Waxaa tasbiixsaday kuwa naga korreeya, markaasaan annaguna tasbiixdooda la tasbiixsannay".
Markaasey waxay leeyihiin:
"Maad kuwa idinka korreeya weydiisaan: "Maxaad ka tasbixsateen?"
Markaasey sidaas oo kale leeyihiin. Markaasey qolaba kuwa ka korreeya sidaas oo kale u
weydiinayaan ilaa ay gaaraan Xamalatu Al Carshiga‫حملة العرش‬.
Markaasaa waxaa ayagana lagu leeyahay:
"Maxaad ka tasbiixsateen?"
Markaasey waxay leeyihiin:
"Ilaahay ayaa khalqigiisa sidaas iyo sidaas ku xukumay" ayagoo amarkii ahaa sheegaya.
Markaasuu khabarku soo deganayaa oo uu Samaba Samada ka hooseysa uga soo deganayaa ilaa
uu ka yimaado Samada dhow oo adduunka soo xigta. Markaasey malaa'igtu amarkaas isaga ah
ku sheekeysanayaan.
132
Markaasey shayaadhiintu maqalkooda kusoo xadayaan oo ku dafayaan, si malo ku dhisan iyo
ikhtilaafba.
Markaasey waxay u imaanayan kuhaanta, waa faaliyayaashee, arliga jooga, markaasey uga
warramayaan. Markaasey gafayaan, ayna haleelayaan (waxay malaa'igtu ku sheekeysanayeen).
Markaasey faaliyayaalku ayaguna ka warramayaan oo ay dadka u sheegayaan. Markaasey
qaarkiis haleelayaan, qaarkiisna ay gafayaan. Markaasuu Ilaahay Cazza wa Jalla\‫هللا عز وجل‬
shayaadhiinta ku xijaabay oo uu ku reebay xiddigahaan lagu ganayo (oo markay Samada u
dhowaadaanba si ay malaa'igta warkooda wax uga soo maqlaan, ayaa xiddig ololaya lagu ganaa
oo lagu eryaa. Dabkaasi markuu shaydhaanku ku dhaco wuu gubayaa dilise mayo, siduu Al
Suhaylii\‫ السهيلي‬u wariyay inuu ibnu Al Salaamu\‫ إبن السالم‬tafsiirkiisa ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬uga
wariyay). Sidaas ayay kuhaanadu, waa faalintee, ku go'day maanta, oo kuhaanana ma jirto."
Ganidda Shayaadhiinta
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسجاق‬wuxuu baabkaan ku xusay sida shayaadhiinta xiddigo loogu ganay, si
uusan Waxyiga wax ugu darsamin oo uusan ugu qaldamin, uuna sidaas ku ahaado xujjo cad iyo
goynta shakigaba, waxa uu yirina waa run.
Laakiin shayaadhiinta oo xiddigaha lagu gano markaas ka horna way jirtay, oo hore ayaa loogu
gani jiray, sida ay ugu sugantahay gabayada gabayaalkii hore ee jaahiliyada, ayna ka mid yihiin
Cawf bin Ajrac\‫ عوف بن أجرع‬iyo Aws bin Xajar\‫ أوس بن حجر‬iyo Bishr bin abii Khaazin‫بشر بن خازن‬,
oo dhammaantood zamanka jaahiliyada noolaa, waxayna wada sifeeyeen oo ay gabayadooda ku
tilmaameen ganidda xiddigaha.
Tixaha ay arrinkaas ka yiraahdeenna waxay ku xusan yihiin kitaabka Mushkili\‫ مشكل‬ee ibnu
Qutaybah\‫ إبن قتيبة‬marka la fasirayo Suuratu Al Jinni\‫سورة الجن‬.
Cabdu Al Razaaqna\‫ عبد الرزاق‬wuxuu Tafsiirkiisa uga wariyay Macmar\‫ معمر‬in ibnu Shihaab ‫إبن‬
\‫ شهاب‬la weydiiyey ganiddaan xiddigaha oo la yiri:
"Jaahiliyadana ma jiray?"
Wuxuu yiri:
"Haa, laakiin markuu islaamku yimid waa lasii adkeeyey, waana la xoojiyay."
Hadalka Ilaahay ee ku xusan Aayadda sideedaad ee Suuratu Al Jinni\‫ سورة الجن‬oo ah:
)8( ‫يدا َو ُشهًُبا‬
ً ‫ت َح َر ًسا َشِد‬
ْ ‫اها ُملِ َئ‬
َ ‫اء فَ َو َج ْد َن‬
َ ‫َّم‬
َ ‫َوأََّنا لَ َم ْس َنا الس‬
"Wa annaa lamasnaa Al Ssamaa'a fawajadnaahaa muli'at xarasan shadiidan wa
shuhuban(8)",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan doonnay Samada, waxaanna helnay ayadoo ay ka buuxdo ilaalin daran iyo
danabyo(8)." Oo inuusan oran waxaa loo ratibay ilaalo waxay daliil u tahay inay hore wax uga
jireen. Markaasaa marka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray, Samada laga
buuxiyay ilaalo xoog badan iyo dab ololaya, si amarka shaydhaanka loo gooyo iyo wax ku
133
darkooda, oo Aayadduna ahaato mid cad, xujjaduna mid goysa oo af leh. Hadday ayaamahaan
faaliyayaal ama kuhaani jirto, taasi reebi meyso khabarkuu Ilaahay noo sheegay, oo ah eryidda
shayaadhiinta inay maqalkooda iyo dhegohooda wax kusoo xadaan, maxaa yeelay xoojinta iyo
adkeynta Samada waxay ahayd zamanka Nabinnimada. Sidaas ayay dhegeysigaas wax yar uga
hareen, ayna u daliil tahay inay kaahinnada zamannada qaarkood iyo dalalka qaarkood wax ka
jiraan, naadirba ha ahaadaane.
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa waxaa wax laga wareystay kuhaanta,
markaasuu wuxuu yiri:
".‫"ليسوا بشيئ‬
"Laysuu bi sha'in",
oo macneheedu yahay:
"Waxba ma ayan aha."
Markaasaa waxaa la yiri:
"Ayagu waxbay sheegaan, markaasey siday u yiraahdeen u noqotaa."
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ فيخلط فيها أكثر من مأة كذبة‬،‫ فيقرها في أذن وليه قر الزجاجة‬،‫"تلك كلمة من الجن يحفظها الجني‬
"Tilka al kalimatu mina al jinni yaxfathuhaa al jinniyyu, fa yuqirruhaa fii uthuni waliyyihi
qarra al zzujaajati, fa yakhludhu fiihaa akthara min mi'ati kathibatin."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Taasi waa eray jinniga ka timid oo uu jinnigu soo xafithay, oo uu markaas ku shubayaa oo uu
ku foorarinayaa dhegta waligiisa, oo ah faaliyaha isaga raacsan oo uu saaxiibka la yahay, sida
quraaradda wax laga shubayoo oo kale (loo foorariyo).
Markaasuu wuxuu ku darayaa oo uu kalimaddaas ku qasayaa in ka badan boqol beenood."
Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬mujalladka sideedaad, bogga sideed iyo
konton, iyo Muslim\‫ مسلم‬Xadiithka boqol iyo saddex iyo labaatan ee kitaabu Al Ssalaam ‫كتاب‬
\‫السالم‬.
Ibnu Salaam\‫ إبن سالم‬wuxuu tafsiirkiisa ibnu Cabbaas\‫ إين عباس‬uga wariyay inuu yiri:
".‫ ويحرق ما أصاب وال يقتله‬،‫"إذا رمى الشهاب الجني لم يخطئه‬
"Marka dabka ololaya jinniga lagu soo gano, ma seegayo, wuxuuna ka gubayaa intuu ka
haleelay, mase dilayo."
Al Xasan-na\‫ الحسن‬waxaa laga wariyay inuu yiri:
"Wuxuu haleelayaa si ilbiriqsi ka dhakhsiiyo badan."
Ibnu Salaam\‫ إبن سالم‬wuxuu kaloo tafsiirkiisa uga wariyay Qataadah\‫ قتادة‬in isagoo rag kale la
134
jooga xiddig la ganay, oo uu markaas yiri:
"Araggiinna ha raacinnina".
Wuxuu kaloo tafsiirkiisaas uga wariyay Xafs\‫ حفص‬inuu Al Xasan\‫ الحسن‬weydiiyey:
"Xiddigaha aragga ma raacinnaa, waana intuu jinniga kusii socdo?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"Subxaanahu wuxuu yiri:
ِ ‫لشي‬
ِ ‫وجعْل َناها رج‬
ِ ‫اط‬
‫ين‬
َ َّ ‫وما ل‬
ً ُُ َ َََ
"Wa jacalnaahaa rujuuman lilsh-shayaadhiini(5)", waana Aayadda shanaad ee Suuratu Al
Mulki\‫ سورة الملك‬oo macneheedu uu yahay:
"Wuxuuna ka dhigay xiddigahaas kuwa lagu gano shayaadhiinta(5)."
Wuxuu kaloo Cazza wa Jalla yiri:
ِ ‫وت الس‬
ِ ‫أَولَم ي ْنظُروا ِفي ملَ ُك‬
ِ ‫ات و ْال َْر‬
‫ض‬
ُ َ َْ
َ
َ
َ ‫َّم َاو‬
"Awalam yanthuruu fii malakuuti al Ssamaawaati wa al ardi(185)",
oo ah Aayadda boqol iyo shan iyo sideetan ee Suuratu Al Acraafi\‫ سورة األعراف‬oo macneheedu
yahay:
"Miyeeyan fiirin xukunka Samooyinka iyo dhulka?(185)".
Al Xasan‫ الحسن‬wuxuu yiri, kaddib markuu labadaas Aayadood akhriyay:
"Sidee baan ku ogaaneynaa hadaanan dhugan? Sidaas ayaan araggeyga u raacinayaa!"
Waxaa wariyay Tafaasiirta Al Dhabarii\‫الطبري‬, Ibnu Kathiir\‫ إبن كثير‬iyo Al Qurdhubii\‫القرطبي‬.
Jinniga Quraanka dhegeystay
Waxaa xuduudka Xaramka Makkah\‫ مكة‬ka baxsan waadiga la yiraahdo Nakhlata\‫ نخلة اليمانية‬oo
Kacbada ilaa laba iyo lixdan kiiloomitir u jirta, una dhexeysa Makkah\‫ مكة‬iyo Al Dhaa'if\‫الطائف‬,
ahna barta uu degay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Dhaa'if‫الطائف‬
kasoo noqday sanadka tobanaad ee Nabinnimada, oo isagoo halkaas ku tukanaya ay maqleen
koox Jinni ah isagoo Quraan akhrinaya, ayna kusoo degtay Suuradda Qul Uuxiya \‫ قل آوحي‬ama
Suuratu Al Jinni\‫سورة الجن‬, siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬u wariyay (fiiri Fatxu Al Baarii\‫فتح الباري‬
mujalladka sideedaad bogga lix boqol iyo afar iyo toddobaatan) iyo Xadiithka afar kun iyo
sagaal boqol iyo kow iyo labaatanba.
Jinnigaas Nakhlah Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yimid waxay ahaayeen jiiniga
Nasiibiin\‫( نصيبين‬waa saad). Nasiibiin\‫ نصيبين‬waa magaalo ilaa maantadaan Waqooyiga dalka
Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla, galbeedna ka xigta magaalada Niinawaa\‫ نينوى‬oo ah magaalada Nabi
Yuunus\‫ يونس‬loo diray, iyo magaalada Al Muusal\‫ الموصل‬oo labadooduba ay saaran yihiin
wabiga Dijlah\‫دجلة‬.
Nasiibiin\‫ نصيبين‬waxay saaran tahay wabiga la yiraahdo Al Khaabuur\‫ الخابور‬oo ah laan ka mid
ah wabiga Furaat\‫الفرات‬, siduu ugu masawiray Dr. Shawqii abuu Khaliil\‫ د\شوقي أبو خليل‬kitaabkiisa
135
Adhlasu Al Siirati Al Nabawiyyati\‫اطلس السيرة النبوية‬.
Jinnigaasu waxay u socdeen Yaman\‫يمن‬, markaasey ayagoo safarkoodaas ku jirah waxay soo
mareen barta la yiraahdo Nakhlah\‫نخلة‬, waxayna ahaayeen toddoba nin, oo yuhuud ahaa, ayagoo
ku taagan shareecadii Muuse\‫موسى‬, magacdooduna waxay ahaayeen (1) Shaasir\‫( شاسر‬waa saad),
iyo (2) Maasir‫( ماصر‬waa saad), iyo (3) Manshaa\‫منشى‬, iyo (4) Laashaa\‫الشا‬, iyo (5) Al
Axqaab\‫األحقاب‬, iyo (6) Surraq\‫سراق‬, iyo (7) Camr bin Jaabir\‫عمر بن جابر‬.
Cumar bin Cabdul Caziiz\‫عمر بن عبد العزيز‬, Allaha raalli ka noqdee, ayaa la wariyay in isagoo
meel lama degaan ah maraya uu arkay abeeso mayd ah.
Markaasuu go'iisa qaar ka gooyey oo uu intuu ku kafnay duugay. Markaasuu wuxuu maqlay mid
oranaya:
"Surraqow marag ka ahow! Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo kugu leh:
".‫ ويدفنك رجل صالح‬،‫"ستموت بأرض فالت‬
"Sa tamuutu bi ardi falaatin, wa yadfinuka rajalun saalixun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaad ku dhimanaysaa arli lama degaan ah, waxaana ku duugaya nin suuban."
Markaasuu Cumar bin Cabdul Caziiz‫ عمر بن عبد العزيز‬wuxuu yiri:
"Kumaad adigu tahay, Allaha kuu naxariistee?"
Markaasuu kii wuxuu yiri:
"Waxaan ahay nin ka mid ah Jinnigii Quraanka ka maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kuwaasoo uusan ka harin cid aan aniga ahayn iyo Surraq\‫سراق‬. Surraqna‫سراق‬
waa kan oo dhintay."
Cabdullaahi bin Mascuud\‫عبد هللا بن مسعود‬, Allaha raalli ka noqdee, oo la socda rag asxaabta
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah ayaa dabayli ku kacday,
kaddibna dabayl tii hore ka xoog badan oo ka wayn.
Kaddibna dabayshii way ka qaaday. Markaasey waxay arkeen abeeso mayd ah. Ibnu Mascuud ‫إبن‬
‫ مسعود‬wuxuu yiri:
"Markaasuu nin naga mid ihi xaggeeda aaday oo uu intuu go'iisa dillaaciyay uu qaar abeesada
kafan uga dhigay, uuna duugay. Markuu habeenkii dumay, oo ay gudcur noqotay, mase waa laba
haween ah oo weydiinaya:
"Kiinneebaa Camr bin Jaabir\‫ عمرو بن جابر‬duugay?"
Markaasaan waxaan niri:
"Ma naqaanno Camr bin Jaabir‫ عمرو بن جابر‬qofkuu yahay."
Markaasey waxay yiraahdeen:
"Haddaad ajar ku dooneyseen, waad hesheen, waxaana dhacday inay kuwa faasiqiinta ah ee
jinnigu la dagaallameen mu'miniintooda, markaasaa Camr‫ عمرو‬la dilay, waana abeesada aad
aragteen, wuxuuna ka mid yahay kuwa Quraanka ka maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kaddibna qawmkooda u digay."
Barta uu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Nakhlah\‫ نخلة اليمانية‬uga tukanayay oo jiniiga
136
ku dhegeystay waa buur dusheed oo ku taalla tuulada la yiraahdo Cishr \‫عشر‬, waxaana ku yaalla
dhawr guri oo dhagax ah oo ay deggan yihiin hal reer oo u dhashay qabiilka uu Cabdu Allaahi
bin Macuud\‫ عبد هللا بن مسعود الهذلي‬ka dhashay ee Banii Sacd\‫ بني سعد‬oo Huthayl\‫ هذيل‬ka mid ah
halkaasna ari ku dhaqda. Anigu waan dul istaagay, bartaas kuna tukaday wa al xamdu li Allaahi.
Waadigaan waxaa la yiraahdaa Waadii Nakhlah Al Yamaaniyah, oo waxay ku taallaa
Nakhlata waa meesha lagu dilay gaalka ugu horreeyey Islaamka, magaciisuna ahaa Camr Al
Xadramii, laguna qafaalay labadaii nin oo ugu horreysey oo Islaamka lagu qafaalo, kalana ahaa
Cuthmaan bin Cabdullaahi iyo Al Xakamu bin Kaysaan, laguna ghaniimeystay ghaniimada
islaamka ugu horreysey. Asxaabta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo duullaankaas
ku jirayna waxay ahaayeen sideed nin oo Muhaajiriin ah uuna amiir u yahay Cabdullaahi bin
Jaxsh, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee. Nakhlah waxaa kaloo ku yiillay sanamka wayn
oo ay caabudi jireen oo magaciisu ahaa Al Cuzzaa, oo uu Ilaahay, Cazza wa Jalla, Ayadda
sagaal iyo tobnaad ee Suuratu Al Najmi noogu sheegay, uuna furashada Makkah kaddib Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u diray Khaalid bin Al Waliid, Allaha raalli ka noqdee, inuu
dumiyo, uuna dumiyay.
Waxaa ayaduna jirta Nakhlah Al Shaamiyah\‫ نخلة الشامية‬oo middaan aan soo sheegnay xaqqa
waqooyiga ka xigta. Nakhlah Al Sh-shaamiyah\‫ نخلة الشامنة‬iyo Nakhlah Al Yamaaniyah ‫نخلة‬
\‫ اليمانية‬waxaa u dhexeeya oo kala qaybiya buur dheer oo la yiraahdo Daa’ah. Nakhlah Al Shshaamiyah waa midduu yiillay sanamka Quraanka ku xusan oo la oran jiray “Al Cuzzaa \‫”العزى‬
uuna dumiyay Rasuulka Ilaahy Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam markuu
Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬furtay, qisadeeduna hoos ayaan ku arki doonnaa inshaa’
Allaahu\‫إن شاء هللا‬, markaan warinaynno socdaalkuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Al
Dhaa’if\‫ الطائف‬ku tegey sanadka Tiraanyada‫عام الحزن‬.
Go'idda kuhaanada
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu xusay Xadiithka ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, ayna ka mid tahay
"waxaan oran jiranay markaan aragno "waxaa dhintay qof wayn" ama "waxaa dhashay qof
wayn". Taasna waxaa ku sugan daliil in waxaan hore usoo sheegnay oo ah inay ganidda
xiddiguhu wax fac wayn oo horreeyey uu yahay, markiise Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu
Calayhi Wasallam, lasoo diray -siduu Al Zuhriyyu\‫ الزهري‬u yiri- Samada ilaalinteeda lagu
kordhiyay oo la adkeeyey, xiddigaha la gano.
Hadalkiisana, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ku sugan Xadiithka dhammaadkiisa oo
macnihiisu yahay "maantana kuhaanadii way go'day, kuhaannimana ma jirto" wuxuu
tilmaamayaa inay go'iddaas buuxda ay zamankaas ku gooni ahayd.
Waxase maantadaas go'ay, go'naanayana ilaa maalinta qiyaame, waa inay shayaadhiintu gaarto
waxay gaari jirtay zamanka jaahiliyada ee islaamka hortiis ahayd, oo ay awoodi jirtay inay warka
Samada maqlaan.
Warka maalmahaan la maqlo, oo hadalka jinniga ka mid ah, lagana maqlo carrabka dadka
waalan, waa war wuxuu jinnigu ku arko arliga dhexdiisa oo aanan annagu u jeedin, sida tuug
137
wax xaday, ama waxaas u xuday uu meel qarsoon ku qarsado, iyo wax la mid ah. Haddayse
sheegaan wax mustaqbalka ahaan doona, waa malo ay iska maleynayaan oo ay markaasna in yar
haleelayaan, in badanna gafayaan. Waxaas yar oo ay haleelayaan waa waxay ku wada hadlayaan
malaa'igta ku jira daruuraha roobka sida, siday ugu sugnaatay Xadiithka Al Bukhaarii\‫ البخاري‬.
Markaasaa xiddigo lagu ganaa oo lagu eryaa. Markaasey eraygay malaa'igta ka maqleen waxay
ku darayaan in ka badan boqol beenood, siduu ugu yiri, Salla Allaahu Calayhi Wasallam,
Xadiithka nasoo maray."
Kaahinadda Al Ghaydhalatu\‫الغيطلة‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"haweeney (Qurayshta\‫ )قريش‬reer banii Sahm\‫ بني سهم‬u dhalatay, lana yiraahdo Al Ghaydhalatu
\‫الغيطلة‬, ayaa waaga jaahiliyada faaliso ahaan jirtay. Markaasuu habeen habeennada ka mid ah
markuu u yimid shaydhaanka saaxiibkeed ahaa, ayuu hoosteeda kusoo degay, kaddibna wuxuu
yiri:
"adri maa adri\‫"أدر ما إدر‬, oo macneheedu yahay:
"maalin cirbogoyn iyo gawricid."
Markuu warkaasu Quraysh\‫ قريش‬gaaray waxay yiraahdeen:
"muxuu leeyahay?"
Markaasuu hadana habeen kale u yimid oo hoosteeda kusoo degay, kaddibna uu yiri:
"shucuubun maa shucuubu‫ ?شعوب ما شعوب‬Waxaa lagu dilayaa Kacb\‫ كعب‬oo dhinaca loo ridiyaa."
Markuu warkaasuu Quraysh\‫ قريش‬gaaray, waxay yiraahdeen:
"muxuu u dan leeyahay? Amarkaanu wuu ahaanayaaye, ee bal fiiriya wuxuu yahay."
Amarkaasu wuxuu yahay ma ayan ogaan jeer ay dhacdada, waa duullaankee, Badar \‫غزوة بدر‬
ahaatay iyo midka dooxada Uxud\‫ غزوة أحد‬.Markaasay waxay ogaadeen wuxuu shaydaankaasi
saaxiibbaddiis u keenay."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬iyo Al Suhaylii\‫ السهيلي‬waxay yiraahdeen:
"Al Ghaydhalatu\‫ الغيطلة‬waxay u dhalatay reer Banii Murrah bin Cabdu Manaat bin Kinaanah ‫بني‬
‫ مرة بن عبد مناة بن كنانة‬ee qabiilka Mudlij\‫مدلج‬, waana Ummu Al Ghaydhalatu\‫أم الغيطلة‬, midduu
Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬gabayadiisa ku xusay."
Al Suhaylii‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"shucuubun wa maa shucuubu‫ شعوب ما شعوب‬waxaa lagu dilayaa Kacb\‫ كعب‬oo dhinaca loo ridayaa
waxaa weeye Kacb bin Lu'ayy\‫كعب بن مؤي‬, kuwa la dilay oo dhinacyadooda loo daadiyayna
Maalinta Badar\‫ بدر‬iyo Uxud\‫ أحد‬waxay ahaayeen madaxda Quraysh\‫ قريش‬oo badankoodu yihiin
dhashay Kacb bin Lu'ayy‫كعب بن مؤي‬. Shucuub-na\‫ شعوب‬waa jamaca shicb\‫شعب‬, oo ah dooxo
buuro dhinocooda ah, oo lama garan waxay tiri ilaa looga dilo kuwa lagu dilay Badar \‫ بدر‬iyo
Uxud\‫ أحد‬dooxooyinkooda."
Wuxuu kaloo xusay hadal shaydhaanka raacsan oo yiri:
"adri maa adri\‫"أدر ما أدر‬, waxaana Abii Calii\‫ أبي علي‬laga wariyay riwaayad kale oo uu
138
shaydaanku ku yiri: "wa maa Badr\‫ "?وما بدر‬oo ah: "Badarna maxay tahay?", tanoo ka cad
riwaayadda hore.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu kaloo ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ka wariyay inuu yiri:
"Faadhimah bintu Al Nnucmaanu Al Nnajaariyyah\‫ فاطمة بنت النعمان النجارية‬waxay lahayd
shaydaan raacsan, o jinniga ka mid ah, caadadiisuna waxahy ahayd inuu markuu u yimaado uu
gurigeeda xoog kusoo galo.
Markaasay markay ahayd Bicthada\‫ البعثة‬bilowgeeda ayuu u yimid. Markaasuu wuxuu fariistay
darbiga daarta korkiisa, umana uusan soo gelin. Markaasay waxay tiri:
"maxaad usoo geli weyday?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"waxaa lasoo diray Nabi oo xaaraantimaynta zinada lala soo diray."
Taasay ahayd marka ugu horreysey oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah
‫ المدينة‬lagu xuso."
Khadhar\‫ خطر‬, kaahinka Banuu Lihib\‫بنو لهب‬
Al Suhaylii‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"waxa ay fashay Thaqiif\‫ ثقيف‬wax la mid ahna waxaa ayaguna faleen Banuu Lihib \‫بنو لهب‬,
markay ka naxeen xiddigaha la ganayo. Markaasay waxay isugu yimaadeen faaliye ayaga ka
dhashay oo la yiraahdo Khadhar\‫ خطر‬agtiisa. Markaasuu arrinka u caddeeyey iyo waxa ka
ahaaday amarka Nabinnimada.
Abuu Jacfar Al Caqiilii\‫ أبو جعفر العقيلي‬wuxuu Kitaabka Saxaabada\‫ كتاب الصحابة‬ku wariyay nin u
dhashay reer Banii Lihb\‫بني لهب‬, oo la yirahdo Lihbun\‫ لهب‬ama Luhaybun\‫لهيب‬, oo yiri:
"waxaan la joogay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaasaan waxaan
xusay kuhaanada ama faalinta, waxaanna iri:
"aabahay iyo hooyaday ayaan kugu furanayaaye, annagaa ugu horreyney kuwa aqoonsada
ilaalinta Samada iyo eryidda shayaadiinta iyo ka reebiddooda inay maqalka wax kusoo xadaan
marka xiddigaha lagu ganay. Taasina waxay ku ahaatay inaan isugu nimid kaahin aan lahayn oo
la yiraahdo Khadhar bin Maalik\‫ خطر بن مالك‬agtiisa, ahaana oday da' wayn, jirsadayna laba boqol
iyo sideetan sano, isagaana kuhaanteenna ugu cilmi badnaa. Markaasaan waxaan niri:
"Khadharow‫ !خطر‬Cilmi ma u leedahay xiddigahaan la ganayo, taasoo annaguna aan ka baqnay,
aanna ka baqannay cirib xumideeda?"
Markaasuu wuxuu gabay ku yiri:
1. Berrito waqtiga suxuurta ii kaalaya.
2. Markaasaan warka idiin sheegayaa.
3. Inuu khayr yahay ama dhibaato.
4. Uuna yahay amni ama khatar.
Wuxuu yiri:
"markaasaan ka gaddoonnay maalinteennaas. Markay maalinta taas ku xigtay ahayd , aroortii
waqtiga suxuurta ayaan u nimid. Mase waaba isagoo soo jeeda oo labadiisa cagood ku taagan,
Samadana kor u fiirinaya. Markaasaan u yeernay oo niri:
"arrinku ma khatarbaa Khadharow\‫"?خطر‬
Markaasuu madaxa noogu tilmaamay:
139
"aamusa."
Markaasaa waxaa kasoo hoobtay xiddig weyn Samada, oo uu markaas kaahinku qayliyay, oo uu
tiriyay gabay uu ku sheegayo inuu xiddiggu shaydaanka ku dhacay oo uu haleelay, wuxuuna yiri:
‫أخبركم بالحق والبيان‬
‫والبلد المؤتمن السدان‬
‫بثاقب بكف ذي سلطان‬
‫يبعث بالتنزيل والقرآن‬
‫تبطل به عبادة األوثان‬
‫ يا معشر بني قحطان‬.1
‫ أقسمت بالكعبة واألركان‬.2
‫ لقد منع السمع عتات الجان‬.3
‫ من أجل مبعوث عظيم الشأن‬.4
‫ وبالهدى وفاصل القرآن‬.5
1. Yaa macshara Banii Qaxdhaani
ukhbirukum bi al xaqqi wa al bayaani.
2. Aqsamtu bin Al Kacbati wa Al Arkaani
wa Al Baladi Al Mu'tamini Al Ssuldaani.
3. Laqad munica al ssamca cutaatu al jaani
bi thiqaabin bin kaffi Thii Suldhaani.
4. Min ajli Mabcuuthin Cathiimi Al Shaani
yubcathu bin Al Tanziili wa Al Quraani.
5. Wa bi al hudaa waa faasili Al Quraani
tabdhulu bihi cubaadatu al awthaani.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
1. Ragga ah dhasha Qaxdhaanow
waxaan idiin sheegayaa runta oo cad.
2. Waxaan ku dhaartay Kacbada iyo Arkaanteedee
iyo Beledka Aaaminka ah oo loo adeego.
3. Waxaa dhegeysiga laga reebay jinniga kuwiisa xad gudbay
laguna reebay dab ololaya oo Mid suldaan ah Gacantiisa ku jira.
4. Waxaana loo reebay sababta mid lala soo diri doono arrin wayn
lalana soo dirayo mid lasoo dejiyay iyo Quraanka.
5. Iyo hanuun iyo Quraanka kala saariddiisa
waxaa ku buraya caabudidda asnaamta.
Wuxuu yiri: "markaasaan waxaan iri:
"War is ilaali, oo maxaad leedahay! Khadharow\‫خطر‬, waxaad sheegeysaa amar wayn. Marka,
maxaad kula talineysaa tolkaa?"
Markaasuu wuxuu yiri:
‫أن يتبعوا خير نبي اإلنس‬
‫يبعث في مكة دار الحمس‬
1. Araa li qawmii maa araa li nafsii
an yatbacuu khayra Nabiyyi al insi.
2. Burhaanuhu mithlu shucaaci al shamsi
‫ أرى لقومي ما أرى لنفسي‬.1
‫ برهانه مثل شعاع الشمس‬.2
.‫ بمحكم التنزيل غير اللبس‬.3
140
yubcathu fii Makkata daari al Xumsi.
3. Bi muxkami Al Tanziili ghayra allabsi.
Tixaha macnohoosu waxaa weey:
1. Waxaan tolkey u arkaa waxaan nafteyda u arko
oo ah inay raacaan midka ugu khayr badan Nabiyada insiga.
2. Burhaantiisu waxay la mid tahay kaaha shucaaca qorraxda oo kale
waxaana laga soo dirayaa Makkah\‫مكة‬, dalka Xumusta\‫الحمس‬.
3. Lalana soo dirayaa Quraanka oo aan shaki iyo isku qasid lahayn.
Markaasaan waxaan ku niri:
"Yuuna isagu u dhashay?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"Waxaan ku dhaartay nolosha iyo cayshka, wuxuu u dhashay Quraysh \‫قريش‬, isagana turiddiisa
iyo dulqaadkiisa kuma jirto leexasho, abuuristiisana kuma jirto wax xun, wuxuuna
hoggaaminayaa ciidan, waana ciidan wayn, kana kooban ubadka Qaxdhaan\‫( قحطان‬oo ah
Ansaarta\‫ األنصار‬Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬oo Qaxdhaan\‫ قحطان‬ku abtirsada iyo
Muhaajiriinta\‫ المهاجرين‬oo ayaguna Carab ah) iyo ubadka Aysh\‫( أيش‬oo ah qabiil jinniga
mu'miniinta ah ka mid ah, oo ku abtirsada midka la yiraahdo Aysh\‫) أيش‬."
Markaasaan waxaan ku iri:
"Noo sii caddee, oo Qurayshteebuu\‫ قريش‬ka dhashay?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"Waxaan ku dhaartay Baytka Arkaanta\‫( البت ذي األركان‬tiiirarka) leh iyo Xajaru Aswadka ‫الحجر‬
‫ األسود‬iyo biyaha Zamzam\‫ زمزم‬ee wuxuu ka mid yahay wiilasha Haashim\‫هاشم‬, kuwaasoo tol
kariimiin ah, waxaana lala soo dirayaa dagaallo waaweyn iyo dilidda mid kastoo daallin ah."
Kaddibna wuxuu yiri:
"Taas weeye caddeyntu, waxaana ii sheegay madaxweynaha jinniga."
Kaddibna wuxuu yiri:
"Allaahu Akbaru\‫هللا أكبر‬, Xaqqa ayaa yimid (waa runtee) oo soo bannaan baxay, jinnigana
waxaa ka go'ay warkii."
Kaddibna wuu aamusay, wuuna gam'ay sida isagoo suuxay oo kale. Soomana uusan kicin
saddex habeen kaddib mooyee, markaasuu wuxuu yiri: "Laa ilaaha illaa Allaahu\‫الإله إال هللا‬."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ وإنه ليبعث يو القيامة أمة وحده‬،‫"لقد نطق عن مثل نبوة‬
"La qad nadhaqa can mithli Nubuwwatin, wa innahu la yubcathu yawma al qiyaamati
ummatun waxdahu",
oo Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"wuxuu ku hadlay warka Nabinnimada oo kale, waxaana lasoo saarayaa maalinta qiyaame
isagoo ummad ah keligiis."
Waxaa wariyay ibnu Xajar\‫إبن حجر‬, kuna wariyay Al Isaabah\‫اإلصابة‬, mujalladka saddexaad bogga
saddex boqol kow iyo toddobaatan.
141
Kaahinka qabiilka Janb\‫جنب‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Qabiilka la yiraahdo Janb\‫ جنب‬oo reer Yaman\‫ يمن‬ah ayaa zamanka jaahiliyada waxay
lahaayeen kaahin. Markaasaa marka la sheegay warka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo uu warkiisu Carabta dhexddeeda ku faafay, ayay Janb waxay kaahinkooda ku tiri:
"Nooga faalli arrinka ninkaan", waxayna isugu yimaadeen salka buurta uu dusheeda degganaa.
Markaasuu wuxuu usoo degay markay qorraxdu soo baxday. Markaasuu la istaagay isagoo
qaansadiisa ku tiirsan, oo uu madaxiisa Samada kor ugu qaaday oo uu in dheer kor u fiirinayey.
Markaasuu booday, kaddibna uu yiri:
"Dadow, Ilaahay Muxammad\‫ محمد‬wuu karaameeyey, wuuna doortay, wuuna daahiriyay
qalbigiisa iyo uurkutaashiisaba. Intuu dhexdiinna joogana, dadow, way yartahay."
Markaasuu buurtiisa xoog dib ugu cararay, kuna noqday meeshuu ka yimid."
Cumar\‫ عمر‬iyo Sawaad bin Qaarib Al Dawsiyyi\‫سواد بن قارب الدوسي‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ عمر بن الخطاب‬ayaa isagoo Masjidka Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, dhex fadhiya, ayaa waxaa masjidka soo galay nin Carab ah oo
Cumar bin Al Khadh-dhaab‫ عمر بن الخطاب‬doonaya.
Markaasuu Cumar\‫عمر‬, Allaha raalli ka noqdee, markuu ninkaas arkay, ayu wuxuu yiri:
"Ninkaanu wuxuu ku taagan yahay gaalnimadiisii, oo weli kama uusan tegin, ama zamanka
jaahiliyada wuxuu ahaan jiray kaahin."
Markaasuu ninku Cumar‫ عمر‬salaamay, kaddibna uu fariistay. Markaasuu Cumar‫عمر‬, Allaha
raalli ka noqdee, wuxuu ninka ku yiri:
"Ma islaantay?"
Markaasuu ninku wuxuu yiri:
"Subxaana Allaahi\‫ سبحان هللا‬Mu'miniinta Amiirkoodow\‫ !أمير المؤمنين‬Xumaan ayaad igu
tuhuntay, waxaadna iagala hortimid arrin aanan arag inaad axad raaciyadaada ka mid ah aadan
ku oran tan iyo inta lagu saaray xilkaad qaadday."
Markaasuu Cumar‫ عمر‬wuxuu yiri:
"Allaahumma ghafran\‫( أللهم غفرا‬oo ah Ilaahayow ii dambi dhaaf)! Zamanka jaahiliyada
waxaan ku taagnayn wax middaan ka shar badan, oo asnaamtaan caabudi jirnay, asnaamta
ayaanna luqunta luqunta u gelin jimay, ilaa uu Ilaahay nagu karaameeyey Rasuulkiisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Islaamka."
Wuxuu yiri:
"Haa, oo Wa Allaaahi\‫وأهلل‬, mu'miniinta Amiirkoodow, waxaa hubaal ah inaan kaahin faaliya
ahaan jiray zamanka jaahiliyada."
142
Markaasu Cumar‫ عمر‬wuxuu ku yiri:
"iiga warran hadaba, wuxuu saaxiibkaagu (jinniga ah) kuu keenay."
Ninku wuxuu yiri:
"wuxuu ii yimid islaamka hortiis bil ama in bil wax yar ka yar, wuxuuna yiri:
"so ma aadan arag jinniga iyo siday u wareersan yihiin, iyo siday diintooduna ay tahay quusasho
iyo khayr laga samro, ayna ku dheggan yihiin reeryada awrtooda saaran?"
Markaasuu Cumar bin Al Khadh-dhaab‫ عمر بن الخطاب‬wuxuu yiri, isagoo dadka u warramaya:
"WaAllaahi‫وأهلل‬, anigoo ag jooga sanam asnaamtii jaahiliyada ka mid ah, ayna ila joogaan rag
Quraysh\‫ قريش‬ah, uuna nin Carab ahi sanamkaas dibi u gawracay, annaguna aan dhawraynno
inuu hilbihiisa uu annagana qayb naga siiyo, ayaan uurka dibiga waxaan ka maqlay cod aanan
hore u maqal cod ka dheer oo dhegaha ka geli og. Taasina waxay ahayd bil ama in bil xoogaa ka
yar islaamka hortiis. Codkaasuna wuxuu leeyahay:
"Thariixow, waa amar lagu libaano oo ahaaday, ahna nin la qaylinaya oo leh "laa ilaaha illaa
Allaahu\‫"الإله إال أهلل‬, siduu isaguna u wariyay Al Bukhaarii\‫البخاري‬, Kitaabka Manaaqibta
Ansaarta\‫كتاب مناقب األنصار‬, Xadiithka saddex kun iyo sideed boqol iyo lix iyo lixdan.
Ibnu Hishaamna\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"waxaa la yiraahdaa inuu codkaasi lahaa "nin ku qaylinaya carrab iyo hadal faseex ah oo cad,
lehna: "Laa ilaaha illaa Allaahu‫الإله إال أهلل‬."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"codka uu Cumar\‫ عمر‬dibiga ka maqlay oo ah "Yaa Jaliix\‫"يا جليح‬, waxaan maqlay mid
shuyuukhdeenna ka mid ah oo leh: "waa magaca shaydhaan".
Siirada wuxuu ku yiri: "Yaariix‫"ياريح‬, waxaadna mooddaa in loo dhawaaqayo dibiga la
gawracay, ayadoo la yiraahdo axmarun thariixun\‫أحمر ذريح‬, oo macneheedu yahay guduud badan,
oo dhiigga la guduutay. Kan "Yaa Jaliixu‫ "يا جليح‬wariyayna wuxuu ula dan leeyahay isla dibiga
la gawracay, ayadoo dibiga la gawracay, oo julixa macneheedu waxaa weeye "haragga ayaa laga
siibay". Wa Allaahu aclamu."
Ninkaan kaahinka ahaan jirayna magaciisu waa Sawaad bin Qaarib Al Dawsiyyi ‫سواد بن قارب‬
\‫الدوسي‬, siduu ibnu Al Kalbii\‫ إبن الكلبي‬u yiri. Ghayrkiisna waxay yiraahdeen wuxuu u dhashay
qabiilka Saduus\‫سدوس‬."
Riwaayada Al Suhaylii\‫ السهيلي‬ee Xadiithka Cumar\‫ عمر‬iyo Sawaad\‫سواد‬
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Xadiithkaan Cumar‫ عمر‬waxaa kaloo wariyay ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ghayrkiis, una wariy si
sidaan ka duwan, oo ah inuu Cumar‫ عمر‬ninka la kaftamay, uuna ku yiri:
"Sawaadow\‫يا سواد‬, maxay ku dambeysey kaahinnimadaadii?"
Markaasuu Sawaad‫ سواد‬carooday, wuxuuna yiri:
"aniga iyo adigu waxaan ku sugnaan jirnay mid taas ka shar badan, oo ah caabudidda asnaamta
iyo cunidda bakhtiqa xoolaha dhintay. Marka, ma waxaad igu ceebeyneysaa arrin aan ka tawbad
keenay?"
Markaasuu Cumar‫ عمر‬wuxuu yiri:
143
"Allaahumma ghafran\‫"!أللهم غفرا‬, oo ah "Ilaahayow dambigayga dhaaf".
Ibnu Isxaaq‫ إبن إسحاق‬ghayrkiisna wuxuu Xadiithkaan u wariyay si qurxoon iyo ziyaado waxtar
leh, wuxuuna xusay inuu Sawaad\‫ سواد‬uu Cumar‫ عمر‬u sheegay inuu jinniga raacsani uu saddex
habeen oo isku xigta u yimid, isagoo saddexdoodaba ku sugan xaalad uu u dhexeeyo mid hurda
iyo mid soo jeeda, uuna ku yiri:
"Sawaadow\‫ يا سواد‬kac oo istaag, hadalkaygana dhegeyso, garana haddaad caqli leedahay.
Waxaa lasoo diray Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, una dhashay Lu'ayy bin
Ghaalib\‫( لؤي بن غالب‬oo ah awoowaha sideedaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam), dadkuuna ugu yeerayaa Ilaahay iyo inay Keligiis caabudaan."
Markaasuu habeen walba oo saddexdaas habeen ka mid ah ku luqeeyey oo uu ku heesay tixo
isku macne ah, qaafiyadeeduse ay is khilaafsan yihiin, ahna:
‫وشدها العيس بأقتابها‬
‫ما صادق الجن ككذابها‬
‫ليس قدامها كأذنابها‬
‫عجبت للجن وتطالبها‬.1
‫ تهوي إلى مكة تبغي الهدى‬.2
‫فارحل إلى الصفوة من هاشم‬.3
1. Cajibtu lil jinni wa tadhlaabihaa
Wa shaddihaa al ciisa bi aqtaabihaa.
2. Tahwii ilaa Makkah tabghii al hudaa
maa saadiqu al jinna ka kath-thaabihaa.
3. Fa arxal ilaa al safwata min Haashimi
laysa quddaamahaa ka adbaarihaa.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
1. Waxaan u yaabay jinniga iyo waxay dooneyso
Siday awrta ugu adkehynayaan kooraha.
2. Ayna Makkah ugu soo aroorayaan ayagoo hanuun doon ah
jinniga kiisa runlowga ahi la mid ma aha beenlowgooda.
3. Marka awr usoo fuul midka ilmo Haashim laga doortay
horteeduna la mid ma aha saynteeda.
Habeenka labaadna wuxuu ku yiri:
‫وشدها بأحالسها‬
‫ما طاهر الجن كأنجاسها‬
‫ليس ذنابي الطير من رأسها‬
1. Cajibtu liljinni wa iblaasihaa
wa shaddihaa al ciisa bi axlaasihaa.
2. Tahwii ilaa Makkah tabghii al hudaa
maa dhaahiru al jinni ka anjaasihaa.
3. Fa arxal ilaa Al Safwati min Haashimi
laysa thunaabaa al dhayri min ra'sihaa.
‫عجبت للجن وإبالسها‬.1
‫ تهوي إلى مكة تبغي الهدى‬.2
‫ فارحل إلى الصفوة من هاشم‬.3
144
Tixaha macnohoosu waxaa weeye:
1. Waxaan u yaabay jinniga iyo quusashadiisa
iyo inay awrta xoog ugu soo fuulaan koorohooda.
2. Ayna Makkah kusoo degato ayagoo hanuun doon ah
jinnigana kiisa daahirka ahi la mid ma aha kiisa najaasada ah.
3. Awr usoo fuul marka kan la doortay oo ina Haashim ah
shimbiraha dabadoodu madaxooda ka mid ma aha.
Habeenka saddexaadna wuxuu ku yiri:
‫وشدها العيس بأكوارها‬
‫ما مؤمن الجن ككفارها‬
‫ليس قدامها كأدبارها‬
‫ عجبت للجن وتنفارها‬.1
‫ تهوي إلى مكة تبغي الهدى‬.2
‫ فارحل إلى األتقين من هاشم‬.3
1. Cajibtu lil jinni wa tanfaarihaa
wa shaddihaa al ciisa bi akwaarihaa.
2. Tahwii ilaa Makkata tabghii al hudaa
maa mu'minu al jinni ka kuffaarihaa.
3. Fa arxal ilaa Al Atqiina min Haashimi
laysa qudaamuhaa ka adbaarihaa.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
1. Waxaan u yaabay jinniga iyo gaddoonkiisa
iyo siday awrta xoog ugu soo fuulayaan iyo kooreheeda.
2. Kuna soo degeysa Makkah ayagoo hanuun doon ah
jinniga mu'minka ahna la mid ma aha kaafirkooda.
3. Awr usoo fuul ee u tag midka amarka sugay oo ina Haashim ah
horteedu la mid ma aha dabadeeda.
Intaas kaddib wuxuu wariyay inuu Sawaad‫ سواد‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u yimid, oo uu u tiriyey gabayguu jinniga saddexda habeen oo isku xigah u tiriyey.
Sidaas ayayna tilmaameysaa gabayga uu ku leeyahay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, hortiisa, oo ah:
‫ولم يك فيما قد بلوت بكاذب‬
‫أتاك نبي من لؤي بن غالب‬
‫بي العرمس الوجنا هجول السباسب‬
‫وأنك مأمون على كل غائب‬
‫إلى هللا يا بن األكرمين األطايب‬
‫وإن كان فيما جئت شيب الذوائب‬
.‫بمغن فتيال عن سواد بن قارب‬
1. Ataanii naajiyyii bacda had'in wa raqdatin
wa lam yaku fiimaa qad balawtu bi kaathibii.
2. Thalaatha liyaalin qawluhu kullu laylatin
ataaka Nabiyyun min Lu'ayyi bin Ghaalibi.
3. Fa rafactu athyaala al izaari wa shammarat
‫ أتاني نجي بعد هدء ورقدة‬.1
‫ ثالث ليال قوله كل ليلة‬.2
‫ فرفعت أذيال اإلزار وشمرت‬.3
‫ فأشهد أن هللا ال شيء غيره‬.4
‫ وأنك أدنى المرسلين وسيلة‬.5
‫ فمرنا بما يأتيك من وحي ربنا‬.6
‫ وكن لي شفيعا يوم الذو شفاعة‬.7
145
biyaal cirmisu al wajnaa hujuula al sabaasibi.
4. Fa ash-hadu anna Allaaha laa shay'a ghayruhu
wa annaka ma'muunun calaa kulli ghaa'ibi.
5. Wa annaka adnaa al Murasaliina wasiilatan
ilaa Allaahi yaa bini al karaamiina al adhaayibi.
6. Fa murnaa bimaa ya'tiika min Waxyi Rabbinaa
wa in kaana fiimaa ji'ta shaybu al thawaa'ibi.
7. Wa kun lii shafiican yawma laa thuu shafaacatin
bi mughnin fatiilan can Sawaadi bin Qaaribi.
Tixahaas macnohoodu waxaa weeye:
1. Waxaa ii yimid kan ila faqa xasilid iyo hurdo kaddib
mana uusan ahayn sidaan u tajaabiyay beenlow.
2. Saddex habeen hadalkiisu habeen kasta wuxuu ahaa:
waxaa kuu yimid Nabi ka dhashay reer Lu' ayy bin Ghaalib.
3. Markaasaan darafta hoose ee hoosguntiga kor usoo qaaday oo guntiga adkeeyey
ayna hasha xoogga badani igula socotay dhul lama degaan ah.
4. Waxaanna marag ka ahay inuusan shay kale (ilaah) jirin oo aan Ilaahay ahayn
iyo in adigana laguu aaminay inta ghayb ah(maqan) oo idil.
5. Iyo inaad adigu tahay kan Mursaliinta wasiilo ahaan ugu dhow
Ilaahay, midkaaga ah dhasha kuwa kariimiinta suuban ahow.
6. Na amar marka waxa kaaga imaanaya Waxyiga Rabbigeen
haba ka mid ahaado waxaad la timid wax cirroolaha waajib ku ah (maladayda).
7. Anigana shafiic ii ahow maalin uusan midaan shafeeco lahayni
uusan liifad wax le'eg u tari karin Sawaad bin Qaarib.
Sawaad\‫ سواد‬iyo qabiilkiisa Daws\‫دوس‬
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Sawaad bin Qaarib-kaan‫ سواد بن قارب‬wuxuu ku leeyahay qabiilkiisa Daws\‫ دوس‬dhexdiisa
makaan la mahdiyo, markuu gaaray (oo ayagu waxay degaan Yaman \‫)يمن‬, oofsashada Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (markaasoo ay qabaa'il Carbeedna ay Diinta Islaamka
ka noqdeen, ama bixinta zakada maalkooda diideen,
Sawaadna‫ سواد‬uu tolkiis ku waaninayo inay Diintooda Islaamka ku dhegganaadaan oo ay ku
sugnaadaan).
Markaasuu Sawaad‫ سواد‬inta istaagay wuxuu yiri:
"Ragga Azdow‫( !أزد‬oo Azd‫ أزد‬waa magaca qabiilka wayn oo ay Daws\‫ دوس‬laan ka mid ah tahay)
liibaanka qawm waxaa ka mid ah inay ghayrkood ku waana qaataan (oo ay waxa ku dhacay oo
kale iska ilaaliyaan inayan ayaga ku dhicin), khasaaradooduna waa inayan ku waantoobin
waxaan naftooda ahayn (oo ay khasaaro iyo dhibaato ku dhacaan, oo ay sidaas oo keli ah ku
baraarugaan, oo ay wax ku gartaan).
Ciddayan tajribadu (waayo aragnimadu) anficinna, taasi dhibaatey u geysataa. Cidduusan xaqqu
deeqinna, xumaantu ma deeqdo. Maantana waxaad isku dhiibeysaan oo aad u islaameysaan
sidaad iyo waxaad shalay isku dhiibteen oo aad u islaanteen. Adinkuna waxaad ogaateen inuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabtay qawm adinka (degmo ahaan) idinka fog, uuna
146
ka adkaaday, iyo inuu guulguulay qawm adinka idinka badan, uuna cabsiiyey, adinkana
idinkama ayan celin xoog cududeed iyo tiro rageed midna. Balo kasta oo soo martana raadkeedu
dadkuu ku haraa. Umana habboona dadka la ibtileeyey inay ahaadaan kuwa ugu xusuus badan
kuwa caafiyada qaba mooyee waxay fiyoobidu iyo caafiyadu tahay.
Nabiga Ilaahayse, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu isaga kiin daayey siduu isaga kiin
daayey, oo sidaasaad waxaad uga sugnaateen dibadda waxay kuwa la ibtileeyey ku sugnaayeen,
aadna ku dhex jirteen waxay ku sugan yihiin kuwa caafiyada iyo fiyoobida qaba, ilaa uu
khadhiibkiinna (waa afhayeenka qabiilka u hadla) iyo naqiibkiinna (oo ah wakiilka qabiilka oo
idil) ay u yimaadeen Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu afhayeenkiinnu inta goobjoogta ah taladooda jeediyey, wakiilkuna uu inta goobtaas
ka maqan wakiil uga ahaa. Mana aanan ogsooni, oo waxaa dhici karta inay dadka wareegto (ama
meerto) ku timaaddo. Haddayna ku timaaddo badbaado waxay ku jirtaa sabirka iyo dul qaadka,
taasoo uu Ilaahay jecelyahay. Marka adinkuna jeclaada."
Markaasuu tolkiisu dhegeysteen oo ay hadalkiisa yeeleen.
Sawdaa'a bintu Zuhrah‫سوداء بنت زهرة‬: kaahinadda Quraysh
Haweeneyda la yiraahdo Sawdaa'a bintu Zuhrah bin Kilaab\‫ سوداء بنت زهرة بن كالب‬waxay ahayd
kaahinadda Quraysh\‫قريش‬.
Sawdaa' a‫ سوداء‬markay dhalatay oo uu aabeheed arkay inay indheheedu midabka bulugga ah
yihiin, wajigana ay ku leedahay shaamah, oo ah meel yar oo dhabanka gudahiisa hoos ugu
riixan, wajigana qurxisa, ayuu wuxuu amray in ayadoo nool la duugo, ayagoo gabdhaha
tilmaamahaas leh nolol duugi jiray. Markaasuu wuxuu u diray qubuuraha Al Xujuun \‫الحجون‬, si
halkaas loogu duugo.
Markaasuu ninkii godka qodayey markuu qabriga u qoday, uuna damcay inuu ku rido oo uu ku
duugo, ayuu haatif maqlay oranaya:
"gabadha nolol ha ku duugin, arligana u daa".
Haatif waa wax warkiisa la maqlo, muuqaalkiisase aan loo jeedin, oo sidaasey Carabtu
telefoonka haatif u tiraahdaa, adigoo qofka hadalkiisana maqlaya, muuqaalkiisase aan u jeedin.
Markaasuu ninku dhanka warku uga yimid u jeestay, waxna wuu arki waayey. Markaasuu dib
ugu laabtay inuu gabadha duugo. Markaasuu haatifkii hadana maqlay oo erayo kale ku hadlaya,
isla macnahaas-se ah inuusan gabadha duugin.
Markaasuu aabeheed usoo celiyey, uuna wuxuu maqlay u sheegay. Markaasuu aabeheed wuxuu
yiri:
"arrin iyo mustaqbal ayey leedahay", uuna nolosha u daayey, uusanna duugin.
Markaasey gabadhaasi markay weynaatay kaahinadda Quraysh\‫ قريش‬noqotay.
Sawdaa'a‫ سوداء‬waxay maalin maalamaha ka mid ah qabiilka Quraysheed\‫ قريش‬ee reer Banuu
Zuhrah\‫ بني زهرة‬ku tiri:
"waxaa idinku jirta haweeney nathiirad\‫ نذيرة‬ah (digaysa) ama mid nathiir\‫ نذير‬ah dhaleysa.
Marka gabdhihiinna ii soo bandhiga oo ii keena."
Markaasaa gabdhaha reer Banuu Zuhra\‫ بنو وهرة‬loo keenay, oo loo soo bandhigay. Marekaasey
147
gabar walba oo gabdhahaas ka mid ah wax ku tiri, waxaasoo muddo gaaban kaddib la arkay oo
soo ifbaxay. Markaasaa waxaa loo keenay, oo loo soo bandhigay Aaminah bintu Wahab ‫آمنة بنت‬
\‫وهب‬. Markaasey waxay tiri:
"middaan weeye nathiiraddu\‫النذيرة‬, ama nin nathiir\‫ نذير‬ah ayay dhaleysaa.", waana war dheer oo
uu Al Zubayru\‫ الزبير‬wax yar ka wariyay, dhammaantiisana uu wariyay Abuu Bakar Al
Naqqaashu\‫أبو بكر النقاش‬. Warkaasna waxaa ku jira xusidda Jahannama\‫ جهنم‬-Allaha Sarreeya ha
naga magan geliyee- ayadoo uusan magaca Jahannama‫ جهنم‬agtooda laga aqoon (waagaas).
Markaasey waxay ku yiraahdeen:
"Jahannama‫ جهنم‬maxay tahay?"
Markaasey waxay tiri:
"waxaa warkeeda idiin sheegaya nathiirkeeda\‫( النذير‬midka ka digaya)."
Arrinka jinniga Nasiibiin\‫نصيبين‬
Markay Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid\‫ أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬haweenta
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo adeerkiis Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬
dhinteen, ayna oofsashadooda saddex maalmood u dhexeysay, ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu aaday magaalada Al Dh-dhaa'if\‫الطايف‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaas kaddib ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Dhaa'if \‫الطائف‬
kasoo dhaqaaqay isagoo xagga Makkah\‫ مكة‬usoo gaddoomay, kaddib markuu qabiilka
Thaqiif\‫ ثقيف‬ka quustay.
Markaasuu Markuu marayo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam waadiga/deegaanka (halkaasoo uu
tuulooyin fara badan ku yaalliin) la yiraahdo Nakhah\‫ نخلة‬ayuu habeen barkii hurdada kasoo
kacay oo uu salaad tukaday.
Markaasaa waxaa soo maray kooxda jinniga ah oo ah kuwuu Ilaahay Tabaaraka wa Tacaalaa ‫هللا‬
\‫ تبارك وتقالى‬xusay, sida la ii wariyay, waxayna ahaayeen toddoba nin oo ka mid ah jinniga
Nasiibiin\‫نصيبين‬. Markaasey Quraankuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam akhrinayo
dhegeysteen. Markaasuu markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam salaaddiisa kasoo
jeestay ayay ayaguna xagga tolkooda u gaddoomeen ayagoo u digaya, rumaynayana waxay
maqleen oo islaamay.
Markaasuu Ilaahay warkooda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay, wuxuuna
Cazza wa Jalla\‫ عز وجل‬ku yiri Suuratu Al Axqaafi\‫سورة األحقاف‬:
ِ
ِ
ِ
ِ
ِ
َّ
‫ين‬
َ ‫َن َفلَ َّما َح‬
َ ‫ض ُروهُ قَالُوا أ َْنصرُوا َفلَ َّما قُض َي َول ْوا إِلَى قَ ْو ِم ِه ْم ُم ْنذ ِر‬
َ ‫ون اْلقُ ْآر‬
َ ‫ص َرْف َنا إِلَ ْي َك َنفًَار م َن اْل ِج ِّن َي ْسرَم ُع‬
َ ‫َ لوِا ْذ‬
ِ
ِ
ِ
ِ ِ
ِ ِ ِ
ٍ ‫ق لوِالَى طَ ِري‬
‫ق‬
َ ‫وسى ُم‬
َ ‫) قَالُوا َيا قَ ْو َم َنا إَِّنا َسم ْع َنا كرَ ًابا أ ُْن ِز َل م ْن َب ْعد ُم‬21(
َ ِّ ‫ص ِّدقًا ل َما َب ْي َن َي َد ْيه َي ْهدي إلَى اْل َح‬
ِ ‫اعي اللَّ ِه وآ‬
ِ
ٍِ
ٍ ‫َمُنوا بِ ِه َي ْغ ِفر لَ ُكم ِم ْن ُذُنوبِ ُكم وُي ِجرُكم ِم ْن َع َذ‬
ِ
)31( ‫اب أَلِ ٍيم‬
ْ ْ َ ْ
ْ ْ
َ
َ ‫) َيا قَ ْو َم َنا أَج ُيبوا َد‬31( ‫ُم ْسرَقيم‬
148
"Wa ith sarafnaa ilayka nafaran mina al jinni yastamicuuna Al Qur'aana falammaa
xadaruuhu
qaaluu
ansituu
falammaa
qudiya
wallaw
ilaa
qawmihim
mmunthiriina(29)Qaaluu yaa qawmanaa innaa samicnaa Kitaaban unzila min bacdi
Muusaa musaddiqan limaa bayna yadayhi yahdii ilaa al xaqqi wa ilaa dhariiqin
mmustaqiimin(30)Yaa qawmanaa ajiibuu daaciya Allaahi wa aaminuu bihi yaghfir lakum
mmin thunuubikum wa yujirkum mmin cathaabin aliimin(31)."
Aayadaha oo ah kuwa sagaal iyo labaatanaad iyo sodoon iyo kow iyo soddon ee Suuratu Al
Axqaafi macnohoodu waxaa weeye:
"Bal xusuuso markaan xaggaaga usoo duwnay koox jinni ah oo ay Quraanka dhegeysteen.
Markaasey markay yimaadeen meesha lagu akhrinayey waxay isku yiraahdeen: "Aamusa oo
dhegeysta". Markii akhrinta Quraanka la dhammeeyeyna waxay u gaddoomeen xagga tolkooda
ayagoo u digaya(29)Waxayna yiraahdeen markay tolkood u tageen: "Tolkeenow annagu waxaan
maqalnay Kitaab lasoo dejiyay Muuse dabadiis, rumaynayana kutubbadii isaga ka horreeyey,
runtana u hanuuninaya qofka rumeeya oo raaca iyo dariiqa toosan(30)Waxayna yiraahdeen
markay u tageen: "Tolkeenow yeela wuxuu idiinku yeerayo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, wuxuu idiinku yeerayana rumeeya. Markaasuu Ilaahay dambiyadiinna
dhaafayaa, wuxuuna idinka korinayaa cathaab xanuun badan(30)."
Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaa Suuratu Al Jinni\‫ سورة الجن‬ku yiri:
ِ
‫) َي ْهِدي إِلَى‬1( ‫اسرَ َم َع َنفٌَر ِم َن اْل ِج ِّن فَقَالُوا إَِّنا َس ِم ْع َنا قُ ْآرًَنا َع َجًبا‬
ْ ُ‫ ُق ْل أُوح َي إِلَ َّي أََّنه‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ِ
ِ
ِ ُّ
‫ان َيقُو ُل‬
َ ‫َمَّنا بِه َولَ ْن ُن ْش ِر َك بَِرب َِّنا أ‬
َ ‫) َوأَنَّهُ َك‬3( ‫صاح َبةً َوََل َولَ ًدا‬
َ ‫) َوأََّنهُ رَ َعالَى َج ُّد َرب َِّنا َما ارَّ َخ َذ‬2( ‫َح ًدا‬
َ ‫الر ْشد فَآ‬
ِ ِ َّ
ِ
ِ
ِْ ‫َن لَ ْن رَقُو َل‬
‫ان ِر َجا ٌل ِم َن‬
ْ ‫) َوأَنَّا ظََنَّنا أ‬2( ‫َسفيهَُنا َعلَى اللَّه َشطَطًا‬
َ ‫) َوأََّنهُ َك‬7( ‫اْل ْن ُس َواْل ِج ُّن َعلَى الله َكذًبا‬
ِ ٍ ‫س يعوُذون بِ ِرج‬
َّ َ ‫َن لَ ْن ي ْبع‬
ِْ
‫) َوأََّنا لَ َم ْس َنا‬7( ‫َح ًدا‬
َ ‫) َوأََّنهُ ْم‬6( ‫وه ْم َرَهقًا‬
ْ ‫ظُّنوا َك َما ظََن ْنرُ ْم أ‬
ُ ‫ال م َن اْل ِج ِّن فَ َز ُاد‬
َ ‫ث اللهُ أ‬
َ َ ُ َ ِ ‫اْل ْن‬
َ َ
ِ
ِ ِ
ِ
ً ‫ت َح َر ًسا َشِد‬
ْ ‫اها ُملَِئ‬
َ ‫اء فَ َو َج ْد َن‬
ُ‫َّم ِع فَ َم ْن َي ْسرَم ِع ْاْلَ َن َي ِج ْد لَه‬
َ ‫َّم‬
ْ ‫) َوأَنَّا ُكَّنا َن ْق ُع ُد م ْنهَا َمقَاع َد للس‬8( ‫يدا َو ُشهًُبا‬
َ ‫الس‬
ِ
ِ
ِ
ِ ‫يد بِ َم ْن ِفي ْال َْر‬
‫ون َو ِمَّنا‬
َ ‫) َوأََّنا ََل َن ْد ِري أَ َشٌّر أ ُِر‬1( ‫ص ًدا‬
َ ‫) َوأََّنا مَّنا الصَّال ُح‬11( ‫ض أ َْم أ ََر َاد بِ ِه ْم َربُّهُ ْم َر َش ًدا‬
َ ‫شهَ ًابا َر‬
ِ َ ِ‫ُدون َذلِ َك ُكَّنا طَرائ‬
ِ ‫َن لَ ْن ُن‬
ِ ‫عج َز اللَّهَ ِفي ْال َْر‬
‫) َوأََّنا لَ َّما َس ِم ْع َنا‬12( ‫ض َولَ ْن ُن ْع ِج َزهُ َه َرًبا‬
ْ ‫) َوأََّنا ظََننَّا أ‬11( ‫ق ق َد ًدا‬
َ
َ
ِ
ِ
ِ
ِ ‫اْله َدى آَمَّنا بِ ِه فَمن يؤ ِمن بِرب‬
‫َسلَ َم‬
ُ ‫ِّه فَ ًَل َي َخ‬
َ ُ‫ون َو ِمَّنا اْلقَاسط‬
َ ‫) َوأََّنا مَّنا اْل ُم ْسل ُم‬13( ‫اف َب ْخ ًسا َوََل َرَهقًا‬
ْ ‫ون فَ َم ْن أ‬
َ ْ ُْ ْ َ
ُ
َ
ِ
)17( ‫طًبا‬
َّ ‫) َوأ‬12( ‫فَأُولَئِ َك رَ َح َّرْوا َر َش ًدا‬
َ ‫ون فَ َك ُانوا ِل َجهََّن َم َح‬
َ ُ‫َما اْلقَاسط‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Qul uuxiya ilayya annahu istamaca nafarun
mina al jinni fa qaaluu innaa samicnaa Qur'aanan cajaban(1)Yahdii ilaa al rrushdi fa
aamannaa bihi wa lan nushrika bi Rabbinaa axadan(2)Wa annahu Tacaalaa Jadduu
Rabbinaa maa ittakhatha saaxibatan wa laa waladan(3)Wa annahu kaana yaquulu
safiihunaa calaa Allaahi shadhadhan(4)Wa annaa thanannaa an llan taquula al insu wa al
jinnu calaa Allaahi kathiban(5)Wa annahu kaana rijaalun mina al insi yacuuthuuna bi
rijaalin mina al jinni fazaaduuhum rahaqan(6)Wa annahum thannuu kama thanantum an
llan yabcatha Allaahu axadan(7)Wa annaa lamasnaa Al Ssamaa'a fawajadnaahaa muli'at
xarasan shadiidan wa shuhuban(8)Wa annaa kunna naqcudu minhaa maqaacida lilssamci
149
faman yastamic al aana yajid lahu shihaaban rrasadan(9)Wa annaa laa nadrii asharrun
uriida biman fii al ardi am araada bihim Rabbuhum rashadan(10)Wa annaa minnaa al
ssalixuuna wa minnaa duuna thaalika kunnaa dharaa'iqa qidadan(11)Wa annaa
thanannaa an llan nucjiza Allaaha fii al ardi wa lan nnucjizahu haraban(12)Wa annaa
lammaa samicnaa al hudaa aamannaa bihi faman yu'min biRabbihi falaa yakhaafu
bakhsan walaa rahaqan(13)Wa annaa minnaa al muslimuuna wa minnaa al qaasidhuuna
faman aslama fa ulaa'ika taxarraw rashadan(14)Wa ammaa al qaashidhuuna fakaanuu
lijahannama xadhaban(15)."
Aayadahaas oo ah kow ilaa shan iyo toban ee Suuratu Al Jinni\‫ سورة الجن‬macnohoodu waxaa
weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Waxaad tiraahdaa Nabiyow: "Waxaa la ii waxyooday
inay koox jinni ah dhegeysteen Quraanka, oo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
akhrinayo. Markaasey markay arligooda ku laabteen waxay dadkooda ku yiraahdeen: "Waxaan
maqalnay Quraan balaaghadiisa iyo aftahannimadiisa lala yaabo oo cajiib ah(1)Quraankaasoo
dadka ugu yeeraya sawaabta oo ah tawxiidka iyo Midnimada Ilaahay iyo iimaanka. Markaasaan
rumaynnay, cibaadadana Rabbigeen axadna la wadaajin maynno(2)Rabbigeenna Wayn oo
Cathiimka ahna ma yeelan oo waa ka wayn yahay inuu yeesho haweeney iyo ilmo
midna(3)Keennii xumaana, oo ah Ibliis, wuxuu ahaa kan Ilaahay been ka sheega, isagoo ku
tilmaamay inuu shariik iyo ilmo leeyahay(4)Annaguna waxaan u malayneynnay inuusan insiga
iyo jinniguba Ilaahay been ka sheegayn, oo waxay noo sheegeen oo aan malaynennay waxay
ahayd inuu Ilaahay haweeney iyo ilmo leeyahay, ilaa aan Quraanka ka maqalno(5)Waxayna
ahaayeen, islaamka hortiis, rag Carab ahi markuu safar ku jiro oo uu waadi ku hoydo wuxuu
sharta waadigas ka magan geli jiray jinniga meeshaas deggan ilaa uu ka waabariisto, taasoo
jinniga kibir iyo xadgudub iyo dambi u siyaadisay, o rahaqan waa dambiga iyo
xadgudubka(6)Waxayna jinnigu u maleeyeen, sidaad u malaysen oo kale oo ah inuusa Ilaahay
geeri kadib axadna soo nooleyneyn oo uusan bacthi jirin(7)Annaguna waxaan aadnaa xagga
Samada adduunkaan waxaanna aragnay inay ka buuxdo ilaalo xoog leh, oo ay malaa'ig
ilaalineyso, ayna leedahay danabyo ololaya oo lagu ganayo keenna u dhowaada(8)Waxaanna
ahayn kuwo Samada ka fariista fariisimo si aan wax uga dhegeysanno. Haddase kii wax
dhegeysta waxaa haleelaya danabyo lagu soo ganayo(9)Annagu mana ogin inay danabyadaan la
ganayo tahay shar lala doonayo dadka dhulka ku nool ama inuu Rabbigood hanuun la doonayo
kay tahay(10)Annagana waxaa naga mid ah kuwo suuban oo muslimiin ah iyo kuwo aan
suubanaynba oo gaalo ah, waxaanna nahay kooxo kala duwan, waana si dadkoo
kale(11)Waxaanna hubsannay inaanan Ilaahay ka fakan karin arliga dhexdiisa hadduu wax nala
doono, oradna ugama baxsan karno hadduu na doonayo(12)Markaan maqalnay Hanuunka, oo ah
Quraanka iyo waxa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la siiyey waan
rumaynay. Qofka Rabbigiis rumeeyana ka biqi mayo in camalkiisa iyo ajarkiisaba laga
naaqusiyo, kana biqi mayo dulmi midna(13)Annagana waxaa naga mid ah qaar muslimiin ah ,
ahna kuwa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeyey iyo kuwo xad gudbay
oo Ilaahay shariik u yeelay. Ruuxiise islaama waa kuwa ku dadaala raadinta dariiqa xaqqa ah iyo
hanuunka(14)Kuwase xadgudbay waxay ahaanayaan qoryaha jahannama lagu shido(15)."
150
Jinniga Quraanka dhegeystay oo islaamay
Isagoo Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam bartaas ku tukanaya ayaa waxaa maqlay koox jinni ah
isagoo Qur'aan akhrinaya, siday noo warisay Suuradda Qul Uuxiya\‫ سورة قل أوحي‬ama Suuratu Al
Jinni‫سورة الجن‬.
Waxaana Xadiithka dhacdadaas noo wariyay Al Bukhaarii\‫البخالري‬, sida ugu xusan Fatxu Al
Baarii\‫فتح الباري‬, mujalladka sideedaad bogga lix boqol iyo afar iyo toddobaatan iyo Xadiithka
afar kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo labaatanaadba.
Jinnigaas Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yimid Nakhlah \‫ نخلة‬waxay
ahaayeen Jinniga degmada Nasiibiin\‫( نصيبين‬waana saad), oo ah, siduu Al Baghawii\‫البغوي‬
tafsiirka Aayadda sagaal iyo labaatanaad ee Suuratu Al Axqaafi\‫ سورة األخقاف‬ku yiri, ashraafta iyo
madaxda iyo laan dheerta jinnigoo idil oo yiri:
"Marka Samada xiddigo dab ah iyo danabyo looga soo celiyay ayuu Ibliis\‫ إبليس‬wuxuu kala diray
cidammadiisa si ay warka arrinkaas kusoo helaan. Ergada ugu horreysey oo uu dirayna waxay ka
koobnayd kuwa Nasiibiin\‫ نصيبين‬dega, kuwaasoo ah madaxda jinniga iyo hoggaamiyaashoodaba.
Wuxuuna u diray gobolka Tihaamah\‫تهامة‬, oo ay Makah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al
Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ku yaalliin, Yamanna\‫ يمن‬ay ka mid tahay."
Nakhlah kor ayaan kitaabkaan uga soo hadalnay.
Digidda yuhuudda ee soo diriddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Caasim bin Cumar bin Qataadah\‫ عاصم بن عمر بن قتادة‬oo rag tolkiis ah ka
wariyey oo yiri:
"sababtaan Diinta Islaamka u galnay, ka sokow Raxmada Ilaahay Tacaalaa iyo hanuunkiisee,
waxay ahayd waxaan ka maqli jirnay rag yuhuud ah. Annaguna waxaan ahayn mushrikiin gaalo
ah oo asnaamta caabuda, ayaguna waxay ahaayeen ehelu kitaab, oo waxay lahaayeen cilmi
aanan annagu lahayn.
Annaga iyo ayaguna dagaallo ayaa na dhex mari jiray, oo markaan u geysanno dhibaato iyo
waxay kahdaan, waxay nagu yiraahdaan:
"waxaa soo dhowaaday zamanka Nabi, oo hadda lasoo diri doono. Markaasaan intaan isaga la
safanno oo aan raacno ayaan idinla dagaallamaynnaa, oo aan idiin laynaynaa sida reer Caad \‫عاد‬
loo laayey oo kale."
Wax badan ayaanna warkaas ayaga ka maqli jimay. Markaasaa markii Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray ayaan rumaynnay markuu Ilaahay Tacaallaa noogu
yeeray, waxaanna aqoonnay waxay noogu gooddin jireen oo nagu guulguuli jireen. Markaasaan
ugaba hormamay, oo aan rumaynnay, ay ayaguna ku kufriyeen oo ku gaaloobeen. Marka annaga
iyo ayaga ayay nagu soo degeen Aayadaha Al Baqarah‫ سورة البقرة‬ka mid ah:
َِّ
ِ
ِ
ِ ٌ ‫اب ِمن ِع ْنِد اللَّ ِه مص ِّد‬
ِ
‫اء ُه ْم َما‬
ْ ٌ َ‫اء ُه ْم كر‬
َ ‫ون َعلَى الذ‬
َ ‫ق ل َما َم َعهُ ْم َو َك ُانوا م ْن قَْب ُل َي ْسرَ ْفر ُح‬
َ ‫ين َكفَُروا َفلَ َّما َج‬
َ ُ
َ ‫َولَ َّما َج‬
ِ
ِ َّ
ِ
)81( ‫ين‬
َ ‫َع َرفُوا َكفَُروا بِه َفلَ ْع َنةُ الله َعلَى اْل َكاف ِر‬
"Wa lammaa jaa'ahum kitaabun min cindi Allaahi musaddiqan limaa macahum wa
151
kaanuu min qablu yastaftixuuna calaa allathiina kafaruu falammaa jaa'ahum mmaa
carafuu kafaruu bihi falacnatu Allaahi calaa al kaafiriina(89)",
oo ah Aayadda sagaal iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah‫ سورة البقرة‬, macneheeduna uu
yahay:
"Markuu uga yimid (waa yuhuuddee) kitaab xagga Ilaahay, oo ah Quraanka, oo rumeynaya oo
waafaqsan kitaabka ayaga agtooda ah, oo ah Tawraadda horayna ay u ahaayeen kuwa ku gargaar
waydiista Nabigaas si ay gaalada Carabta libta uga helaan, markuu yimid waxay garanayeen, oo
ah Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, way ku gaaloobeen, lacnad korkooda ha
ahaato gaaladee(89)." Imaam Al Baghawii wuxuu tafsiirkiisa kuwa wariyay oo kale inay oran
jireen: "Ilaahayow, libta nooga sii korkooda Nabiga aakhiru zamanka lasoo dirayo oo sifadiisa
aan Tawraadda ka helnay."
Yuhuudiga dariska Banuu Cabdu Al Ash-hal ahaa\‫بنو عبد األشهل‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu Salamah bin Salaamah bin Waqsh\‫سلمة بن سلمة بن وقش‬, oo ah ragga
Badr\‫ بدر‬ka mid ahaa, ka wariyay inuu yiri:
"waxaan lahayn daris yuhuudi ah ee degganaa xaafadda Banii Cabdu Al Ash-hal\‫بني عبد األشهل‬.
Markaasuu maalin gurigiisa inta kasoo baxay noo yimid oo uu reer Banii Cabdu Al Ashhal ‫بني‬
\‫عبد األشهل‬. soo dul istaagay. Markaasna anigaa inta goobjoogga ah ugu da' yar, anigoo markaas
go' huwan, oo daydka ehelkayga jiifa.
Markaasuu wuxuu ka hadlay Maalinta Qiyaame, iyo isi soo saaridda qubuuraha la iska soo
saarayo iyo Xisaabta iyo Miizaanka iyo Jannada iyo Naarta. Wuxuuna warkaas u sheegayaa dad
gaalo ah oo asnaam caabuda, aanna rumaysayn in dhimasho bacdigeed laisi soo nooleynayo.
Markaasey waxay ku yiraahdeen:
"hebelow, maxaad leedahay, oo is ilaali! Oo ma waxaad rumaysantahay inay taasi ahaaneyso, oo
dadka dhimashadooda kaddib lasoo nooleynayo, lana geynayo daar ama arli ay Janno iyo Naar
ku yaalliin, oo acmaashoodii ay faleen looga abaal marinayo?"
Wuxuu yiri:
"Haa! Waxaan ku dhaartay Midka lagu dhaarto ee sidaas ayay ahaaneysaa! Markaasuu wuxuu
ninku jedaanayaa inuu nasiibkiisa iyo sadkiisaa dabkaasi uu noqdo tannaarka ugu wayn oo
daarta (adduunkaan) yaalla, oo inta la shiday kaddibna isaga la geliyo oo markaas korkiisa lagu
aaburo, hadduu berri kasoo bixi karo, oo uu sidaas Naarta uga badbaado."
Markaasey waxay yiraahdeen:
"War hebelow, maxaad leedahay! Taasi inay sidaas ahaaneyso maxaa u calaamad iyo daliil ah?"
Wuxuu yiri:
"Nabi beledkaan laga soo diri doono", wuxuuna gacantiisa ku fiiqay xagga Makkah\‫ مكة‬iyo
Yaman\‫يمن‬.
Waxay yiraahdeen:
"goormaad ku waddaa in lasoo diri doono?"
Markaasu aniga isoo dhugtay, anigaana dhammaantood ugu da' yar, wuxuuna yiri:
"wiilkaanu hadduu cumrigiisa wada noolaado, wuu gaarayaa".
152
Salamah\‫ سلمة‬wuxuu yiri: "wa Allaahi\‫ وهللا‬inayan maalinta iyo habeenku tegin markuu Ilaahay
Muxammad‫محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu Rasuulkiisa ahaan usoo diray, isagoo uu
yuhuudigii uu noolyahay, oo uu dhexdeenna ku sugan yahay.
Markaasaan annagu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumaynnay, isaguna uu ku
gaaloobay, xadgudub iyo xaasidnimo daraadeed. Markaasaan waxaan ku niri:
"war maxaad leedahay hebelow, oo is jir! So isla kii maad ihid waxaad Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, nooga sheegtay waxaad tiri?"
Wuxuu yiri:
"Haa, laakiin isagii ma aha."
Xadiithka waxaa kaloo wariyay Imaam Axmad‫ اإلمام أحمد‬mujalladka saddexaad bogga afar boqol
iyo toddoba iyo lixdan, waana Xadiith suuban oo Xasan\‫ حسن‬ah.
Bishaareynta ibnu Al Hayyabaanu\‫إبن الهيبان‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Caasim bin Cumar bin Qataadah\‫عاصم بن عمر بن قتادة‬, oo yiri:
"sheekh reer Banii Quraythah\‫( قريظة‬qabiilka yuhuudda ah) ayaa wuxuu igu yiri:
"Ma ogtahay siday u islaameen Thaclabah bin Sacyah \‫ ثعلبة بن سعية‬iyo Asiid bin Sacyah ‫أسيد بن‬
‫سعية‬iyo Asad bin Sacyah bin Cubayd\‫أسد بن سعية بن عبيد‬, ragga u dhashay reer Banii Hadal‫ بني هدل‬,
walaalaha reer Banii Quraythah\‫قريظة‬, oo jaahiliyada islaamka hortiisna ayaga ka mid ahaa,
kaddib islaamka dhexdiisana ahaa madaxdooda iyo hoggaamiyayaalkooda?"
Wuxuu yiri:
"Waxaan iri maya".
Wuxuu yiri:
"Nin ka mid ah yuhuuda arliga Shaam\‫ الشام‬degtah, lana yiraahdo ibnu Al Hayyabaanu‫إبن الهيبان‬
ayaa noo yimid sanooyin islaamka hortiis. Markaasu dhexdeenna degay. Wa Aallaahi \‫وهللا‬
inaanan weli arag nin aan muslin ahayn oo isaga ka fadli badan. Markaasuu dhexdeenna degay.
Markaasaan marka roob la waayo, oo la abaarsado, ayaan waxaan ku niraahnaa:
"ina Al Hayyabaanow‫ !إبن الهيبان‬Soo bax oo noo roob doon".
Markaasuu wuxuu yiraahdaa:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan yeeleyn jeer aad bixitaankiinna horteed aad sadaqo la baxdaan."
Markaasaan waxaan niraahnaa:
"Meeqaan sadaqo ahaan u bixinnaa?"
Markaasuu wuxuu yiraahdaa:
"Hal saac oo timir ah ama shaciir ah."
Halkii saacna maanta waa laba kiilograam iyo boqol iyo lix iyo toddobaatan graam.
Wuxuu yiri:
"Markaasaan bixinnaa."
Markaas kaddib ayuu dooxadeenna noola baxaa, oo uu halkaas Ilaahay nooga roob doonaa, oo
wa Allaahi\‫ وهللا‬inuusan meeshuu fadhiyo weli ka kicin ee waxaa soo marta daruur oo na
waraabisa. Sidaas ayuuna yeelay in aan mar ahayn, aan labana ahayn, aan saddexna ahayn, ee ka
badan."
153
Wuxuu yiri:
"Markaasaa isagoo nala deggan ayay geeridu u timid. Markaasuu markuu ogaaday inuu mayd
yahay ayuu wuxuu yiri:
"Ragga yuhuudow! Maxaad u maleyneysaan inay iga soo saareen, oo aan uga imid arliga leh
khamrada khamiirka (muufada ama cunnada), ina keenay oo aan usoo degay arliga abaarta iyo
gaajada?"
Wuxuu yiri: "Waxaan niri:
"Adigaa taas nooga xoog ogaalsan".
Wuxuu yiri:
"Waxaa beledkaan i keenay anigoo doonayey inaan ku sugo soo bixidda Nabi zamankiisu soo
galay, beledkaanna waa meeshuu usoo haajirayo. Markaasaan waxaan rajeynayaa in la soo saaro
oo aan raaco. Zamankiisuna waa idin soo hoosaasiyay, ee ragga yuhuudow, yaan la idiinka hor
marin, isagoo lala soo dirayo daadinta dhiigga (waana jihaadka uu gaalada la geli doono Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) iyo qafaalidda iyo addoonsiga ubadka iyo haweenka
(gaalada). Taasina yeeyan idinka hor istaagin raaciddiisa."
Kaddibna ibnu Al Hayyabaanu‫ إبن الهيبان‬wuu dhintay.
Markaasaa markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray uu uu
(yuhuudda) reer Banii Quraythah\‫ بني قريظة‬hareereeyey, ayay raggaas ayaga ahi waxay
yiraahdeen, waxayna ahaayeen dhallinyaro da' yar:
"Reer Banii Quraythow‫ !بني قريظة‬Wa Allaahi‫وهللا‬
isagu waa Nabigii uu ibnu Al
Hayyabaanu\‫ الهيبان‬idinku ballamiyay oo uu idinkala dardaarmay."
Waxay yiraahdeen: "isagii ma aha."
Dhallinyaradii waxay yiraahdeen:
"Bal wa Allaahi‫ وهللا‬waa isagii, sifadiisii ayuuna leeyahay."
Markaasey dhallinyaradaasu qalcadday saarnaayeen kasoo degeen oo inta Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadeen ay islaameen. Sidaas ayay waxay ku nabad
gashadeen dhiggooda iyo maalkooda iyo haweenkooda iyo ubadkooda iyo ehelkoodaba."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri: "Intaas weeye inta yuhuudda naga soo gaartay."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri: "Wiilashaas aabohoodna waxaa la yiraahdaa ibnu Al Cariid ‫إبن‬
\‫العريض‬."
Zayd bin Sucnatu\‫زيد بن سنعة‬
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Zayd bin Suncatu\‫ زيد بن سنعة‬wuxuu ahaa wadaad axbaarata yuhuudda ka mid ah. Markaasuu
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wax daymiyey. Markaasuu deyntiisii soo doontay
intuusan soo gel in waqtigay ahayd in loo gudo. Markaasuu wuxuu yiri:
"Muxammadow (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) daynteydii ii gud, oo adinku reer Banii
Cabdu Al Mudhalib\‫ بني عبد المطلب‬waa raajisaan, mana dooneysid waxaan ahayn inaan
cilmigaaga ogaado."
Markaasuu Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ عمر بن الخطاب‬carooday, oo uu isku dul wareegsaday,
sida isagoo xiddig ah oo kale, isagoo midig iyo bidix fiirinaya, markaasuu wuxuu yiri:
"Ma sidaasaad Rasuulka Ilaahay (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) ku leedahay, cadawga
Ilaahayow?"
154
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Cumar‫ عمر‬ku yiri:
.‫ فأقض عني‬،‫ قم‬.‫ وتأمره بحسن التبعة‬،‫ أن تأمرني بحسن األداء‬:‫"إني إلى غير هذا منك أحوج يا عمر‬
".‫ وزد عشرين صاعا بما روعته‬،‫فوهللا ما حل األجل‬
"innii i1aa ghayra haathaa minka axwaju yaa Cumar: an ta'muranii hi xusni al
adaa'i, wa ta'murahu bi xusni al tabicati. Qum, fa aqdihi cannii.Fa wa Allaahi maa
xalla al ajalu, wa zid cishriina saacan bimaa rawwactahu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"waxaan taas ahayn ayaan kaaga baahanahay Cumarow‫عمر‬, oo ah inaad anigana i amartid inaan
si fiican waxa la igu leeyahay u gudo, isagana aad amartid inuu wixiisa si fiican u raadsado. Kac
oo iga gud, oo wa Allaahi‫ وهللا‬waqtigii la gudi lahaa weli sooma gelin, waxaadna ugu kordhisaa
labaatan saac oo cabsiintaad cabsiisay cawil celin u ah."
Halka saac intuu yahayna waxaa kusoo sheegnay qisada kore ee ibnu Al Hayyabaanu \‫الهيبان‬.
Xadiith kalena wuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فإن لصاحب الحق مقاال‬،‫"دعه‬
"Dachu, fa inna li saaxibi al xaqqi maqaalan",
oo macneheedu yahay:
"iska daa, oo qofka xaqqa leh hadal ayaa u furane."
Waxaa la wariyay inuu ninkaas yuhuudiga ahi islaamay, siduu Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬ugu wariyay
Dalaa'ilu Al Nubuwwah\‫دالئل النبوة‬, wuxuuna islaamay markuu arkay siday sifada Nabigu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, u waafaqday sifooyinkuu Tawraadda u haysto ku arkay, kitaabkaaso
ku tilmaamay inuu dulqaad iyo turid badan yahay.
Markaasuu markuu dulqaadkiisa ka arkay wuxuu ka arkay, ayuu islaamay. Ninkaasu wuxuu
dhintay isagoo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jihaad kula jira oo la socda dullaanka
Tabuuk\‫غزوة تبوك‬. Magaciisa waxaa kaloo lagu sheegay inuu yahay Sacyah \‫ سعية‬oo ya' lagu
dhigay meeshay nuun ka ahayd.
Al Daarqudhniyyu-se\‫ الدارقطنية‬waxaan nuun ahayn kuma uusan xusin."
Waa intaas warka Al Suhaylii\‫السهيلي‬, Allaha raalli kanoqdee.
155
Xadiithka islaamidda Salmaan Al Faarisii \‫سلمان الفارسي‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay siduu u islaamay saxaabiga wayn ee ah Salmaan Al
Faarisii\‫سلمان الفارسي‬, Allaha raalli ka noqdee, wuxuuna ka wariyay Cabdi Allaahi ibnu
Cabbaas\‫عبد هللا إبن عباس‬, oo yiri:
"Waxaa ii warramay Salmaan Al Faarisii‫سلمان الفارسي‬, oo afkiisa iiga sheegay oo yiri:
"Waxaan ahaa nin reer Faaris\‫ فارس‬ah (oo ah dalka iiraan\‫ )إيران‬ee dadka degah Isbahaan‫إسبهان‬,
kana degah tuulo la yiraahdo Jayy\‫جي‬, aabahayna wuxuu ahaa Dihqaanka\‫ الدهقان‬tuulada,
aniguuna khalqiga Ilaahay iigu jeclaa.
Jacaylkuu ii qabo wuxuu garay heer uu gurigiisa igu xabbisay, sida gabdhaha loo xabbiso oo
kale.
Waxaan aad ugu dadaalay diinta majuusiyada\‫( المجوسية‬ahna diinta dadka dabka caabuda, oo
ayagu dabkay caabudi jireen) ilaa aan ka noqdo ilaaliyaha midka shida, aan oggolaanaynna
inuu dabku saacadna uu holiciisu gaabto."
Wuxuu yiri:
"Aabahay wuxuu lahaa beer aad u wayn."
Wuxuu yiri:
"Markaasuu maalin maalmaha ka mid ah wuxuu ku mashquulay dhismo uu gacanta ku
hayey. Markaasuu wuxuu i yiri:
"Maandhow, maanta waxaan beerteyda uga mashquulay dhismahaygaan, marka adigu beerta
aad oo baro xaalkeeda", wuxuuna ii sheegay waxyaalo uu doonayo in la sameeyo.
Kaddibna wuxuu igu yiri:
"Dhakhsana soo noqo, oo ha iga raagin, oo haddaan ku arki waayo waxaad igala
weynaaneysaa beerteyda, umuurteydo idilna waad iga mashquulineysaa."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan soo baxay anigoo u socda beertuu ii diray. Markaasaan waxaan ag maray
kaniisad kaniisadaha krishtaanka ka mid ah. Markaasaan waxaan maqlay codadkooda
ayagoo dhexdeeda ku jira oo tukanaya. Waxay yihiinna warba uma hayo, ayadoo uu
aabahay gurigiisa igu xabbisay.
Markaasaan markaan codadkooda maqlay, ayaan u galay, si aan u arko waxay sameynayaan.
Markaasaan markaan arkay ayaan salaadooda u bogay, arrinkoodana aanba jeclaaday, aanna
is iri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬middaan ayaa ka khayr badan diintaan annagu ku taagannahay."
Wa Allaahi‫ وهللا‬inaanan ka tegin jeer ay qorraxdu dhacday, aanna iskaba daayey beerta
aabahay, oo maba aanan tegin. Markaasaan dadkii krishtaanka ahaa oo kaniisadda
dhexdeeda ku jiray waxaan ku iri:
"Asalka diintaanu waa halkee?"
Waxay yiraahdeen:
"Waa Shaam\‫"الشام‬.
Markaasaan aabahay u noqday, isagoo baadigoob iga soo daba diray, aanna hawshiisiiba ka
156
mashquuliyay. Markaasuu markaan u imid wuxuu yiri:
"Wiilkeygow, xaggeebaad jirtay? Soo kuguma ballamin waxaan kugu ballamiyay?"
Wuxuu yiri: "Waxaan ku iri:
"Aabow, waxaan maray dad ku tukanaya kaniisad ay leeyihiin. Markaasaan u bogay waxaan
diintooda ka arkay, oo wa Allaahi‫ وهللا‬agtoodaan joogay ilaa ay qorraxdu ka dhacdo."
Wuxuu yiri:
"Wiilkeygow, diintaas wax khayr ah ma laha. Diintaada iyo diinta aabayaalkaa ayaa ayada
ka khayr badan."
Wuxuu yiri: "Waxaan ku iri:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬maya, diintooda ayaa diinteenna ka khayr badan."
Wuxuu yiri:
"Markaasuu ii baqay, oo uu markaas lugta bir iiga xiray, oo uu gurigiisa igu xabbisay."
Wuxuu yiri:
"Waxaan farriin u dirsaday krishtaankii, aan ku leeyahay:
"Hadduu socdaal Shaam\‫ الشام‬idiinka yimaado, ii soo sheegay".
Wuxuu yiri:
"Markaasaa waxaa u yimid safar ganacsi oo Shaam\‫ الشام‬ka yimid, oo ganacsato krishtaan
ah ah. Markaasey isoo wargeliyeen.
Markaasaan waxaan ku iri:
"Markay xaajadooda ay u yimaadeen dhammaystaan oo ay doonayaan inay dalkooda dib
ugu laabtaan isoo ogaysiiya."
Markaasay isoo wargeliyeen.
Markaasaan lugtayda birta k afuray, oo aan raacay ilaa aan Shaam\‫ الشام‬ka imaado. Markaan
Shaam\‫ الشام‬imid ayaan waxaan weydiiyay:
"yaa dadka diintaan ugu cilmi badan?"
Waxay yiraahdeen:
"wadaadka kaniisadda deggan."
Wuxuu yiri:
"markaasaan u imid, waxaanna ku iri: "waxaan jeclaaday diintaan, waxaanna jecleystay
inaan adiga kula joogo, kaniisaddaadana aan kaaga adeego, cilmigana aan kaa barto, aanna
kula tukado."
Wuxuu yiri:
"soo gal."
Markaasaan la galay."
Wuxuu yiri: "wuxuuna ahaa nin xun, oo dadkuu wuxuu amri jiray inay sadaqo la baxaan,
wuuna ku boorrin jiray. Markaasuu markay wax usoo uruuriyaan sadaqadaas ka mid ah,
ayuu maalkaas naftiisa meel u dhigtaa oo uu kaydsadaa, masaakiintana uusan wax ka siin.
Sidaasuu wuxuu ku uruursaday toddoba haamood oo dahab iyo qalin ah."
Wuxuu yiri:
"markaasaan waxaan u qaaday nacayb xoog leh markaan arkay wuxuu falayo. Kaddibna
wuu dhintay. Markaasay krishtaankii isugu yimaadeen si ay u duugaan. Markaasaan waxaan
ku iri:
"ninkaanu wuxuu ahaa nin xun, oo wuxuu idin fari jiray inaad sadaqo la baxdaan, wuuna
157
idinku boorrin jiray. Markaad u keentaanna naftiisuu u kaydin jiray, masaakiintana waxba
kama uusan siin jirin."
Wuxuu yiri: "markaasay waxay yiraahdeen:
"maxaa arrinkaas ku ogaysiiyay?"
Wuxuu yiri: "waxaan ku iri:
"anigaa kanzigiisa idin tusaya."
Markaasay waxay yiraahdeen:
"hadaba na tus."
Wuxuu yiri:
"markaasaan meeshuu kanzigu yiillay tusay. Markaasay waxay la soo bexeen toddobada
haamood oo ay ka buuxaan dahab iyo qalin."
Wuxuu yiri:
"markaasay markay arkeen waxay yiraahdeen: "wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan maydkiisa
weligeeba duugayn."
Wuxuu yiri:
"markaasay maydkiisa wareen, ayna rajmiyeen oo ay dhagax la dheceen, ayna nin kale
keeneen oo ay xilkiisii u dhiibeen."
Wuxuu yiri: "Salmaan wuxuu yiri:
"ma aanan arag nin shanta salaadood tukada oo aan ku wado inuu isaga ka fadli badan
yahay, ama ka zuhdi‫ زهد‬badan yahay (zuhdiguna waa ka kaaftoomida adduunkaan iyo
macmacaankiisaba), aakhirana ka jecel, kana cibaadaysi iyo ka camal badan habeen iyo
maalinba."
Wuxuu yiri:
"markaasaan waxaan u jeclaaday si aanan isaga hortiis qof kale jacayl la mid ah u
jeclaanin."
Wuxuu yiri:
"markaasaan zaman la joogay, kaddibna waxaa u timid geerida. Markaasaan waxaan ku iri:
"hebelow, anigu waan kula joogay waxaanna kuu jeclaaday si aanan adiga hortaa jeceyl la
mid ah cid kale u jeclaan, waxaanna kuu yimid amarka Ilaahay Tacaalaa, sidaad u jeedid.
Yaad hadaba igula dardaarmeysaa? Maxaadna i fareysaa?"
Wuxuu yiri:
"Wiilkeygow, wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan maanta xogogaal u ahayn axadna ku taagan waxaan anigu
ku taagnaa, oo dadkii wuu le' day, diintiina way beddeleen, intaan ka ahayn nin ku nool Al
Mawsil\‫( الموصل‬oo ah magaalo ku taalla waqooyiga dalka Ciraaq \‫)عراق‬, waana hebel. Isagaasaa
ku taagan waxaan anigu ku taagnaa, ee gaar oo u tag."
Markaasaan markuu dhintay oo la duugay waxaan u tegey ninkii Al Mawsil‫ الموصل‬degganaa,
waxaanna ku iri:
"hebel ayaa igala kaa soo dardaarmay markuu dhimanayey inaan kuu imaado, wuxuuna ii
sheegay inaad amarkiisa oo kale ku taagan tahay (aad isku diin tihiin weeye)."
Wuxuu yiri: "Markaasuu wuxuu igu yiri:
"Aniga ila joog."
Markaasaan la degay. Markaasaan waxaan arkay inuu yahay ninka ugu fiican oo amarka
saaxiibkiisa ku taagan. Mase uusan raagine, bal wuu dhintay. Markaasaan markay geeridu u
158
timid ayaan waxaan ku iri:
"hebelow, hebel ayaa adiga igala kaa soo dardaarmay, iguna amray inaan kuu imaado. Waxaana
kaaga yimid amarka Ilaahay waxaad ujeeddo, marka yaad igala dardaarmeysaa? Maxaadse i
amreysaa?"
Wuxuu yiri:
"Wiilkeygow, wa Allaahi inaanan ogayn nin ku taagan waxaan annagu ku taagnayn, intaan ka
ahayn nin deggan Nisiibiin\‫) نصيبين‬ahna magaalo ku taalla waqooyiga Ciraaq\‫ عراق‬oo aan Al
Muusil\‫ الموصل‬ka fogayn) hebel, ee isaga u tag."
Markaasaan markuu dhintay oo la aasay, waxaan u tegey ninkii Nisiibiin\‫ نصيبين‬degganaa, oo
aan warkeyga uga warramay iyo waxay labadeydii saaxiib i amreen.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Aniga ila joog."
Markaasaan la degay, waxaanna arkay inuu amarka labadiisa saaxiib uu isaguna ku taagan
yahay. Markaasaan waxaan la degganaa nin ragga ugu fiican. Hase ahaatee, wa Allaahi \‫وهللا‬
inuusan raagin, ee waxaa kusoo degatay geerida. Markay geeridu kusoo degatay ayaan waxaan
ku iri:
"hebelow, hebel wuxuu igula soo dardaarmay hebel inaan u tago, kaddibna hebel wuxuu igula
dardaarmay inaan adiga kuu imaado. Adiguna, marka, yaad igula dardaarmeysaa? Maxaadna i
amreysaa?"
Wuxuu yiri:
"Wiilkeygow, wa Allaahi‫ وهللا‬inaanan ogayn inuu axadna ku haray amarkeenna. Waxaan ku
amrayaa inaad u tagtid nin deggan Camuuriyyah\‫( عمورية‬oo ahaan jirtay magaalada labaad ee
arliga turkiga oo hadda burburtay, kana tirasanyd boqortooyada roomaanka) ee arliga
roomaanka, oo ninkaasu wuxuu ku taagan yahay wax la mid ah waxaan annagu ku taagannahay.
Marka had dad jecleysato u tag, oo isagu amarkeenna (diinteenna) ayuu korkeeda yahaye."
Markaasaan markuu dhintay oo la duugay waxaan u tegey ninkii Camuuriyyah‫ عمورية‬degganaa,
oo markaan u imid aan warkeyga u sheegay. Markaasu wuxuu yiri:
"Ila joog."
Markaasaan waxaan la degay ninka ragga ugu khayr badan, kuna sugan hanuunka iyo arrinka
saaxiibbadiis."
Wuxuu yiri:
"Waanna shaqaystay ilaa aan ka yeesho lo' iyo ari yar."
Wuxuu yiri:
"Kaddibna waxaa kusoo degay amarka Ilaahay. Markaasaan intay geeridu haysay waxaan ku iri:
"Hebelow, anigu hebel ayaan la joogay, markaasuu hebel igula dardaarmay, hebelna kaddib
hebel ayuu igula dardaarmay, kaddibna hebel ayaa adiga igula dardaarmay, adiguna yaad igula
dardaarmeysaa? Maxaadse i fareysaa?"
Wuxuu yiri:
"Wiilkeygow, wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan ogayn inuu maanta waagu u baryey qof dadka ka mid ah
oo ku taagan wax la mid ah waxaan annagu ku taagneyn oo aan ku amro inaad u tagtid. Laakiin
waxaa nasoo hoosaasiyey zamanka Nabi lala soo diri do oo Diinta Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Calayhi Al
Ssalaamu, kana soo baxaya arliga Carabta, una soo haajiraya arli laba xarro dhexdooda ku yaalla,
dhexdeedana geed timireed ku yaallo, lehna calaamado aan qarsoomayn, hadiyadana cuna,
sadaqadana aan cunin, labadiisa garab dhexdoodana uu uga yaallo Khaatimu Al Nubuwwah ‫خاتم‬
159
\‫النبوة‬. Marka, haddaad kartid inaad beledkaas tagtid sidaas yeel."
Kaddibna wuu dhintay, waana la duugay. Kaddibna waxaan Camuuriyyah‫ عمورية‬joogay intuu
Ilaahay doonay inaan joogo"
Nasiibiin\‫ نصيبين‬waa magaalo ilaa maantadaan Waqooyiga dalka Ciraaq ku taalla, galbeedna ka
xigta magaalada Niinawaa\‫ نينوى‬oo ah magaalada Nabi Yuunus\‫ نبي هللا يونس عليه السالم‬loo
diray, iyo magaalada Al Mawsil\‫ الموصل‬oo labadooduba ay saaran yihiin wabiga Dijlah\‫دجلة‬.
Nasiibiin\‫ نصيبين‬waxay saaran tahay wabiga la yiraahdo Al Khaabuur\‫ الخابور‬oo ah laan ka mid
ah wabiga Furaat\‫فرات‬. Camuuriyyah\‫ عمورية‬waxay ahayd magaalo ku taalla dalka Turkiga, una
dhow caasimaddooda Ankaara\‫أنقارة‬, kana xigta koofur/galbeed. Camuuriyyah‫ عمورية‬waxay ka
mid ahaan jirtay magaalooyinka waaweyn ee roomaanka waxayna gacanta Muslimiinta soo
gashay markuu qabtay Khaliifada Al Muctasim\‫ المعتصم باهلل‬sanadka laba boqol iyo saddex iyo
labaatan Hijrada, kaasoo sidoo kale Ankaara\‫ أنقارة‬u furtay.
Sababta uu Khaliifada u furtayna waxay ahayd, siduu ugu wariyay Caatiq Ghayth Al Balaadiyyu
\‫ عاتق بن غيث البالدي‬kitaabkiisa Mucjamyu al Macaalimi Al Jughraafiyyah fii Al Siirah Al
Nabawiyyah\‫ معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبوية‬ayna daabacday Daaru Makkah kun iyo afar boqol
iyo labo Hijriga, sidatan:
"Furashadeedu waxay ka mid ahayd furashada ugu waaweyn ee Islaamka, sababteeduna waxay
ahayd inay roomaanku qafaasheen haweeney Calawiyyah \‫ علوية‬ah (oo ah dhasha Calii bin Abii
Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬Allaha raalli ka noqdee) oo ay dulleeyeen, markaasey waxay la
qaylisay oo ay tiri: "Waa Muctasimaah\‫ "وامعتصماه‬, (oo ah magaca Khaliifada Madaxweynaha
u ah Dawladda Islaamka, oo ay ka gargaar dalbayso ).
Markaasaa Al Muctasim‫ المعتصم‬waxaa u yimid qof warkeedaas u keenay. Markaasuu Al
Muctasim wuxuu qofkaas ku yiri:
"‫"أنت سمعتها؟‬
"Adigu ma maqashay ayadoo sidaas leh?"
Wuxuu yiri:
"Haa".
Markaasuu ciidan diyaariyay ku duulay, roomaankana ka adkaaday. Maantana Camuuriyyah
\‫ عمورية‬kama uusan harin waxaan ahayn kharaabkeeda iyo raadkeeda."
Shaam waxaa la isku oran jiray dalalka hadda la kala yiraahdo Siiriya \‫ سورية‬iyo Lubnaan\‫لبنان‬
iyo Falasdhiin\‫ فلسطين‬iyo Urdun\‫أردن‬, oo hal Dawlad isku ahaan jiray, caasimaddooduna ay tahay
Dimishiq\‫دمشق‬, ay Falasdhiin‫ فلسطين‬iyo Urdun‫ أردن‬iyo Lubnaan‫ لبنان‬yihiin gobollo ayada ka
tirsan.
Salmaan\‫ سلمان‬oo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri:
"Kaddibna waxaa isoo maray rag ganacsato ah ee reer Banuu Kalb \‫ بنو كلب‬u dhashay, waxaanna
ku iri:
"Aan idin raaco, oo i geeya arliga Carabta, aniguna waxaan idin siinayaa lo'deydaan iyo
160
arigeygaan .. "
Waxay yiraahdeen:
"Waa yahay."
Markaasey i wadeen oo aan raacay ilaa aan ka gaamo dooxada Waadi Al Quraa\‫وادي القرى‬.
(oo maanta la yiraahdo Waadii Al Culaa\‫وادي العال‬, waana magaalo camiran oo Al Madiinah
\‫ المدينة‬waqooyiga ka xigta, una jirta saddex boqol iyo toddobaatan kiiloomitir, waana biyo iyo
beero badan tahay, siduu Al Balaadii\‫ البال\ي‬u yiri).
Markaasey i dulmiyeen, oo ay nin yuhuudi ah addoon ahaan iiga gateen, kaasoo aan agtiisa
joogay. Waxaanna arkay geedaha timirta. Markaasaan waxaan rajeystay inuu midkaani yahay
beledkuu saaxiibkey ii sifeeyey, maxaa yeelay ma aanan hubin. Anigoo ninkaas la jooga ayaa
waxaa u yimid nin kale oo ina adeerkiis ah oo reer Banuu Quraythah\‫ قريظة‬ah oo Al Madiinah
‫ المدينة‬ka yimid.
Markaasuu ina adeerkiis iga gatay, oo uu Al Madiinah‫ المدينة‬ii watay. Wa Allaahi\‫ وهللا‬markaan
arkay ayaan waxaan aqoonsaday sifooyinkii saaxiibkey. Markaasaan halkaas degay.
Markaasaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray, uuna Makkah \‫مكة‬
ku sugnaaday intuu ku sugnaday, warkiisana aanan maqal, anigoo shaqada addoonnimada ku
mashquulay. Kaddibna wuxuu usoo haajiray Al Madiinah\‫المدينة‬.
Markaasaan wa Allaahi‫ وهللا‬anigoo madaxa geed timireed uu sayyidkey leeyahay saaran, oo
halkaas hawl ka haya, sayyidkeyguna uu hoosteyda fadhiyo, ayaa waxaa yimid nin ina adeerkiis
ah oo soo dul istaagay, yirina: "
Hebelow, Allaha laayo dhasha Qaylah\‫( بنو قيلة‬oo Qaylah‫ قيلة‬waa hooyada dhashay labada nin oo
la kala yiraahdo Aws\‫ أوس‬iyo Khazraj\‫ خزرج‬oo ay laba qabiil ee Ansaartu ka farcameen), oo wa
Allaahi‫ وهللا‬waxay ayagu haddeer Qubaa'\‫ قباء‬kula kulan sanyihiin nin maanta Makkah\‫ مكة‬uga
yimid, ayna ku andacoonayaan inuu Nabi yahay."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Qaylah‫ قيلة‬waa ina Kaahil bin Cuthrah bin Sacd bin Zayd bin Layth bin Sawd bin Aslamu bin
Al Xaafi bin Qudaacah\‫بنت كاهل بن عذرة بن سعد بن زيد بن ليث بن أسلم بن الحافي بن قضاعة‬, waana
hooyada Aws\‫ أوس‬iyo Khazraj‫ خزرج‬dhashay."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Cabdu Allaahi bin Cabbaas\‫ عبد هللا بن عباس‬wuxuu yiri:
"Salmaan\‫ سلمان‬wuxuu yiri:
"Markaasaan markaan maqlay ayaan gariiray oo aan qaboobay, ilaa heer aan u maleeyey inaan
sayyidkeyga kusoo dul dhici doono. Markaasaan geedka timirta kasoo degay, oo aan ina
adeerkiisaas ku iri:
"Maxaad leedahay? Maxaad tiri?"
Markaasuu sayyidkeygu carooday, oo uu si xoog leh feer iigu dhuftay, kaddibna uu yiri:
"Maxaa waxaan adiga kaaga jira? Hawshaada u jeeso."
Wuxuu yiri: "Waxaan iri:
"Waxba. Waxaan un rabay inaan ka hubsado wuxuu sheegay."
Wuxuu yiri:
161
"Waxaan haystay xoogaa aan aruursaday. Markaasaan markay galabtii tahay soo qaatay oo aan
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula tegey, isagoo Qubaa'a \‫ قباء‬ku sugan.
Markaasaan usoo galay, oo aan ku iri:
"Waxaa isoo gaartay inaad adigu tahay nin suuban, ayna kula socdaan asxaab ghariib ah oo wax
u baahan, kanna waa shay aan inaan sadqaysto u haystay, waxaanna arkay inaad adinku
ghayrkiin uga xaq leedihiin."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan agtiisa dhigay, oo aan u dhoweeyey.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu asxaabtiisa ku yiri:
".‫"كلوا‬
"Kuluu", oo ah "cuna", isaguna gacantiisa uma uusan fidin, oo wax kama uusan cunin.
Wuxuu yiri:
"Markaasaan waxaan nafteyda dhexdeeda isku iri: "Tani waa mid."
Wuxuu yiri:
"Kaddibna waan ka gaddoonmay. Markaasaan xoogaa kale uruuriyay, ayadoo uu isla
waqtigaasna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah usoo guuray.
Markaasaan u imid anigoo sida intaan aruuriyay, waxaanna ku iri:
"Anigu waxaan arkay inaadan adigu sadqada cunin, marka middaani waa hadiyad aan kugu
karaameynayo."
Wuxuu yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wax ka cunay, asxaabtiisana
uu amray oo ay la cuneen."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan nafteyda dhexdeeda isku iri:
"Kuwaasi waa labo".
Wuxuu yiri:
"Kaddibna waxaan u imid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo jooga
Baqiicu Al Gharqadi\‫( بقيع الغرقد‬oo ah xabaalaha Al Madiinah\‫ المدينة‬oo Masjidka ku dheggan, oo
ay hadda in ka badan toban kun oo qoyska Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
iyo asxaabtiisu ku duugan yihiin), isagoo soo raacay janaazada nin asxaabtiisa ka mid ah, anigoo
xiran laba go' oo aan leeyahay, isaguna uu saaxiibbadiis la fadhiyo.
Markaasaan salaamay, kaddibna aan la wareegtay, anigoo dhabarkiisa fiirinaya, oo raadinaya
khaatimkuu saaxiibkey ii sifeeyey. Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, arkay inaan gadaal kala wareegtay, ayuu wuxuu gartay inaan doonayo inaan hubsado
wax la ii sifeeyey. Markaasu go' garbaha u saaran ka riday. Markaasaan khaatimka arkay, oo aan
aqooday.
Markaasaan ku foorarsaday oo aan dhundhunkaday, anigoo booyaya. Markaasuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu igu yiri:
".‫"تحول‬
162
"Taxawwal", oo ah "soo wareego".
Markaasaan soo wareegtay oo aan hortiisa fariistay, oo aan warkeyga uga warramay, sidaan
adiga kuugu warramay ibnu Cabbaasow\‫إبن عباس‬.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi wa AalihiWasallam, wuxuu u bogay inay
asxaabtiisu warkaas maqlaan."
Kaddib Salmaan\‫ سلمان‬waxaa mashquuliyay addoonnimada ilaa ay seegaan inuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kala qayb galo Badar\‫ بدر‬iyo Uxud\‫أحد‬.
Salmaan‫ سلمان‬wuxuu yiri:
"Kaddib, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu i yiri:
".‫"كاتب يا سلمان‬
"Kaatib yaa Salmaanu",
oo macneheedu yahay:
"Salmaanow‫سلمان‬, ninkaad addoonka u tahay u sheeg inaad dooneysid inaad naftaada ka
gadatid, oo weydii intuu madax furashadaada ku doonayo."
Markaasuu saaxiibkey (waana yuhuudiga uu addoonka u ahaa) wuxuu weydiistay oo uu ii
sheegay inuu i xoreynayo haddaan u tallaalo saddex boqol oo geed timireed ah, oo aan godadka
lagu ridayana u qodo, iyo afartan wiqiyadood oo dahab ah.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu asxaabtiisa ku yiri:
".‫"أعينوا أخاكم‬
"Aciinuu akhaakum",
oo macnheedu yahay:
"caawina walaalkiin".
Markaasey waxay iga caawineen geed timireed: mid keena soddon geed, iyo mid keena labaatan
iyo mid keena shan iyo toban iyo nin keena toban, isagoo nin walba iga caawinay hadba intuu
laftiisu lahaa. Sidaas ayaa waxaa la iigu uruuriyay saddex boqol oo geed timireed la beerayo.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu igu yiri:
".‫ أكن أنا أضعها بيدي‬،‫ فإذا فرغت فأتني‬.‫"إذهب يا سلمان ففقر لها‬
"lthhab yaa Salmaanu fa faqqir lahaa. Fa ithaa faraghta fa'tinii, akun anaa adacuhaa bi
yadii."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Salmaanow‫ سلمان‬soco oo godadka u qod, markaad qodana ii imow, anigaa gacanteyda godka
ku dhigayee."
163
Markaasaan godadka u qoday, waxaana i caawinay asxaabteyda. Markaasaan markaan kasoo
jeestay ayaan u imid, oo aan u sheegay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, usoo baxay, aniguna aan la socdo.
Markaasaan annaguna geedka la tallaalayo usoo dhoweynnaa, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, uu gacantiisa godka ku dhex dhigaa. Sidaas ayaan ku wadnay ilaa
aan kasoo jeesannay.
Waxaan ku dhaartay Midkay Salmaan‫ سلمان‬naftiisu gacantaiisa ku jirto, inayan midna geedaha
la beeray ka dhiman."
Wuxuu yiri:
"Sidaas ayaan geedaha timirta ku bixiyey, waxaana sidaas igu haray maalkii. Markaasaa
Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa loo keenay wax ukunta digaagga
le'eg oo dahab ah, loogana keenay mid ka mid ah meelaha dahabka laga qodo.
Markaasuu wuxuu yiri:
"‫"ما فعل الفارسي المكاتب؟‬
"Maa facala Al Faarisiyyu al mukaatabu?",
oo macneheedu yahay:
"Meeyey ninkii faarisiga ahaa oo madixiisa furanayey?"
Wuxuu yiri:
"Markaasaa la iigu yeeray, oo uu igu yiri:
".‫ فأدها مما عليك يا سلمان‬،‫"خذ هذه‬
"Khuth haathihi, fa addihaa mimmaa calayka yaa Salmaanu",
oo macneheedu yahay:
"Middaan qaado oo ku bixi waxa lagugu leeyahay Salmaanow".
Wuxuu yiri: "Waxaan iri:
"Tani maxay ka tahay waxa la igu leeyahay Rasuulka Ilaahayow?"
Markaasuu wuxuu yiri:
".‫"خذها فإن هللا سيؤدي بها عنك‬
"Khuth-haa fa inna Allaaha sayu'addii bihaa canka",
oo macneheedu yahay:
"Qaado, oo Ilaahay ayaduu kaaga gudayaaye."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan qaatay oo aan u miisaamay: waxaan ku dhaartay Midkay nafta Salmaanu ‫سلمان‬
gacantiisa ku jirto, waxayna nloqotay afartan wiqiyadood oo gaw ah. Markaasaan ayadaas
xaqqoodii ugu guday, Salmaanna‫ سلمان‬waa xoroobay.
164
Markaasaan waxaan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kala qayb galay
duullaanka Al Khandaq\‫ الخندق‬anigoo xor ah, kaddib duullaan uu ku jiro ima seegin."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa Salmaan‫ سلمان‬la iiga wariyay inuu yiri:
"Markaan iri: "Tani maxay ka tahay waxa la igu leeyahay Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam?" ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qaaday oo uu
carrabkiisa saaray oo uu ku rogay, kaddibna wuxuu yiri:
".‫"خذها فأوفهم منها‬
"Khuth-haa fa awfihim minhaa",
oo macneheedu yahay:
"qaado oo ayada waxay kugu leeyihiin uga gud."
Markaasaan qaatay, oo aan xaqqooda kulligiis ayada uga guday, oo ah afartan wiqiyadood."
Sadaqada iyo hadiyada Salmaan‫سلمان‬
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ghayrkiis ayaa wuxuu ku wariyay Xadiithka Salmaan‫ سلمان‬siduu
Salmaan ‫ سلمان‬ku aruuriyay wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u hadiyeeyey,
wuxuuna yiri:
"Waxaan addoon u ahaa haweeney, markaasaan sayyiddeydaas waxaan weydiistay inay maalin ii
hibeyso. Markaasaan maalintaas shaqeeyey, kuna shaqeeyey mushaar ah hal saac \‫ صاع‬ama laba
saac\‫ صاع‬oo timir ah. Markaasaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keenay.
Markaasaan markaan arkay inuusan sadaqada cunin, ayaan waxaan sayyiddeyda weydiistay inay
maalin kale ii hibeyso. Markaasaan maalintaas shaqeeyey. Markaasaan waxaan shaqaystay
hadiyad ahaan ugu keenay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu iga aqbalay,
waxna ka cunay."
Janaazada Maalintaas
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Salmaan‫ سلمان‬wuxuu yiri: Kaddibna waxaan u imid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, isagoo jooga Baqiicu Al Gharqadi‫( بقيع الغرقد‬oo ah xabaalaha Al Madiinah\‫ المدينة‬oo
Masjidka ku dheggan, oo ay hadda in ka badan toban kun oo qoyska Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, iyo asxaabtiisu ku duugan yihiin), isagoo soo raacay janaazada nin
asxaabtiisa ka mid ah, anigoo xiran laba go' oo aan leeyahay, isaguna uu saaxiibbadiis la
fadhiyo." Saaxiibkiisa maalintaas dhintay waa Kulthuum bin Al Hidm\‫كلثوم بن الهدم‬, ahna ninkuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gurigiisa kusoo degay (waana markuu Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam Qubaa'\‫ قباء‬yimid maalintuu Hijrada Al Madiinah\‫ المدينة‬soo galay) siduu Al
Dhabarii\‫ الطبري‬u yiri:
"Kan ugu horreeyey oo asxaabta Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhinta, maalmo yar
kaddib markuu Al Madiinah\‫ المدينة‬yimid, waa Kulthuum bin Al Hidm\‫كلثوم بن الهدم‬. Isaga
165
dabadiisna waxaa dhintay Ascad bin Zuraarah\‫أسعد بن زرارة‬."
Geedaha timirta la tallaalay
Al Suhaylii wuxuu yiri: "Al Bukhaarii wuxuu xusay Xadiithka Salmaan siduu ibnu Isxaaq u
xusay oo kale, wuxuuse wariyay inuu Salmaan hal geed uu gacantiisa ku beeray, Rasuulka
Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu intooda kale beeray. Markaasey geedaha
kulligood noolaadeen, intaan ka ahayn geedkuu Salmaan gacantiisa ku beeray. Kaas weeye
macnaha Xadiithka Al Bukhaarii." Waana intaas warka Al Suhaylii. Anigaan ina Sheekh Xuseen
ah oo kitaabkaan dhigaya, mar aan soo Xajiyay sanadka kun iyo afar boqol iyo afar iyo
labaatanka Hijriga, una dhigantah laba kun iyo afar Miilaadiga, ayaan waxaan ku hormaray
ziyaarada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan Masjidkiisa afartan salaadood oo
fardi ah oo isku xigta imaamka gadaashiisa jamaaco ku tukaday, oo aan imaamku markuu
takbiiratu al ixraami salaadda ku xirtay aan aniguna safka ku jiray oo aan ka daba xirtay. Rag
soomaali ah oo jaamacadda Al Madiinah Al Munawwarah darajada Majisteer ka barta ayaa
waxay ii sheegeen in macallin ka mid ah macallimiinta jaamacaddaas uu u sheegay in geedkii
timireed oo ugu dambeeyey kuwuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa
sharafta leh ku beeray, ay Dawladda Sucuudigu goysay markuu sanadku ahaa kun iyo sagaal
boqol iyo afar iyo sideetanka, ama meelahaas, kaddib markay in lagu fitnoobo ka yaabtay.
Marka, geedkaasu wuxuu jiray kun iyo afar boqol iyo kow sano, ama meelahaas. Waana shan iyo
labaatan sano mar hadda lagajoogo. Runtana Ilaahay ayaa u cilmi leh.
Al Waaqidii/‫ الوفدي‬wuxuu kitaabkiisa Al Maghaazii/‫ المغازي‬mujalladka saddexaad bogga kun iyo
sagaal iyo sideetan iyo inta ka dambaysa ku yiri, isagoo ka hadlaya Xajjatu Al Wadaaci ‫حجة‬
‫الوداع‬:
“Waxaa ii warramay Abii Sabrah/‫أبي صبرة‬, kana wariyay Saciid bin Muxammad bin Jubayr bin
Mudhcim/‫ سعيد بن محمد بن جبير بن مطعم‬inuu aabihiis yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu Al Madiinah\‫ المدينة‬ka baxay maalin
sabti ah oo ay laba habeen ka hareen bisha Thuu Al Qacdah/‫ذو القعدة‬.”
Bogga kun iyo lix iyo sagaashan wuxuu ku yiri:
“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu ku degay Al Ssuqyaa/‫السقيا‬
maalinta arbacada ah (maalinta shanaad markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Al Madiinah
\‫ المدينة‬kasoo baxay).
Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku waabariistay Al
Abwaa’u/‫األبواء‬, markaasuu Al Ssacbu bin Jath-thaamah/‫ الصعب بن جذامة‬u hadiyeeyey qaarka
dambe ee dameer oo dhiiggu ka da’ayo. Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Sallam u celiyay wuxuuna yiri:
".‫"إنا محرمون‬
“innaa xurumun” oo macneheedu yahay: “annagu xajj ayaan u ixraamannahay”.
Mucaawiyah\‫ معاوية‬wuxuu oran jiray: "
waxaan arkay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo Al Abwaa’u/‫ األبواء‬ku
cunaya “liyaa-an muqshiyyan/‫ ”لياء مقشيا‬oo ah xubuub sida xumska oo kale ah oo diirkooda wata
166
oo aan la tumin oo Waddaan/‫ ودان‬looga hadiyeeyey, kaddibna uu istaagay salaadna tukaday
mana uusan wayseysan.
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu ku tukaday masjidka ku jeeda Waadiga Al
Abwaa’u/‫ وادي األبواء‬oo bidixda kaa qabanaya markaad Makkah\‫ مكة‬u socotid.”
Markaasuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ka ambabaxay Al Abwaa’u/‫األبواء‬
wuxuuna kaddib ku tukaday meel taagag (ama buuro yar yar leh) leh oo la yiraahdo Talacaati Al
Yaman/‫( تلعات اليمن‬ama wax la mid ah oo talacaat waa jamaca talcah waana dhulka taagga ah iyo
daadeggeedaba: Al Qaamuusu Al Muxiidhu/‫)القاموس المحيط‬.
Halkaas waxaa ku oolli jiray geed noociisu yahay Samurah/‫سمرة‬.
Ibnu Cumar/‫ إبن عمر‬wuxuu oran jiray inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam geedkaas
hoostiisa fariistay.
Ibnu Cumar/‫ إبن عمر‬markuu geedkaas soo maro biyaha ubada ugu jira ayuu salkiisa ku shubi jiray
oo uu sidaas ku waraabin jiray.”
Al Waaqidii/‫ الواقدي‬wuxuu kaloo yiri: “waxaa ii warramay Aflax bin Xumayd/‫ أفلح بن حميد‬oo ka
wariyay aabihiis oo yiri: “ibnu Cumar/‫ إبن عمر‬wuxuu ku warrami jiray inuu Nabigu Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uu geedkaas hoostiisa fariistay, iyo inuu ibnu
Cumar/‫ إبن عمر‬biyaha ubada ugu jira jirridda geedkaas Samurada/‫ سمرة‬ah ku shubi jiray isagoo sii
jiriddiisa doonaya iyi inuusan dhiman.”
Intaasuu ke egyahay warka Al Waaqidii\‫الواقدي‬, Allaha dambigiisa dhaafee.
Sidaasay asxaabta iyo culummada ka dambaysaba u ilaalin jireen dhaxalka iyo wax kastoo la
xiriira Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam si ay muslimiinta ka
dambaysa ayaguna u arkaan ugana faaiidaystaan.
Anigaan ina Sheekh Xuseen Cismaan ah oo kitaabkaan dhigaya, mar aan soo Xajiyay sanadka
kun iyo afar boqol iyo afar iyo labaatanka Hijriga, una dhigantah laba kun iyo afar Miilaadiga,
ayaan waxaan ku hormaray ziyaarada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo aan
Masjidkiisa afartan salaadood oo fardi ah oo isku xigta imaamka gadaashiisa jamaaco ku
tukaday, oo aan imaamku markuu takbiiratu al ixraami salaadda ku xirtay aan aniguna safka ku
jiray oo aan ka daba xirtay.
Rag soomaali ah oo jaamacadda Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬darajada Majisteer
ka barta ayaa waxay ii sheegeen in macallin ka mid ah macallimiinta jaamacaddaas Al Madiinah
\‫ المدينة‬ku taalla uu u sheegay in geed timireedka ugu dambeeyey kuwuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, gacantiisa sharafta leh ku beeray, ay Dawladda Sucuudigu goysay markuu
sanadku ahaa kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetanka, ama meelahaas, kaddib markay in
lagu fitnoobo ka yaabtay. Marka, geedkaasu wuxuu jiray kun iyo afar boqol iyo kow sano, ama
meelahaas. Runtana Ilaahay ayaa u cilmi leh.
Marka is barbar dhig siduu ibnu Cumar/‫ إبن عمر‬waysadiisa ugu waraabin jiray geedkuu Nabi
Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hoostiisa fariistay si uu u haro
oo u waaro, iyo siday rag kale maanta u goynayaan geedkuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa
167
Calaa Aalihi Wa Sallam gacantiisa sharafta leh ugu beeray, sii uu u dhinto oo uusan raad uga
harin.
Waa laba zaman oo kala khayr badan iyo rag kala khayr badan.
Ciise ina Maryama \‫ عيسى أبن مريم‬iyo Salmaan\‫سلمان‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inuu Salmaan Al Faarisii\‫ سلمان الفارسي‬yiri inuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri, markuu amarkiisa uga warramay inuu
saaxiibkiisii Camuuriyyah\‫ عمورية‬degganaa uu ku yiri:
"Waxaad tagtaa meel hebla iyo hebla ee arliga Shaam \‫الشام‬, waxaana halkaas deggan nin ku nool
laba kaymood dhexdooda. Markaasuu sanadkiiba kayn kasoo baxaa oo uu kaynta kale galaa.
Markaasaa waxaa u yimaada dadka buka. Markaasuu midkoodaba uu Alle baryo waa illaa kan
bogsooda. Markaas ninkaas ka wareyso diintaan aad dooneysid, isagaa warkeeda ku siinayee."
Salmaan‫ سلمان‬wuxuu yiri:
"Markaasaan soo baxay oo aan imid bartuu ii tilmaamay, waxaanna arkay inay dadku halkaas
isugu keeneen bukaankooda. Markaasuu habeenkaas usoo baxay, isagoo kayn kasoo baxay oo tii
kale gelaya. Markaasey dadku ayagoo bukaankooda wada soo dul dhoobteen, bukaankuu u
duceeyana uu raysanayo. Markaasey iga xigsadeen, oo aan isagii gaari waayey, sidaas ayayna
ahayd ilaa uu ka galo kayntii uu doonayey inuu galo, ilaa garbihiisa."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan ku dhegay. Markaasuu wuxuu yiri:
"Waa kuma?" oo uu xaggeyga usoo jeestay.
Markaasaan waxaan iri: "Allaha kuu naxariisto! Waxaad ii sheegtaa waxay tahay Al Xanafiyyah,
Diinta Ibraahiim\‫"?الحنفية دين إبراهيم‬
Wuxuu yiri: "Adigu waxaad i weydiisay arrin uusan dadku waayahaan weydiin. Waxaa kusoo
hoosaasiyey zamanka Nabi Diintaan lala soo dirayo, oo dadka Xaramka degah ka mid ah. Marka
isaga u tag, isagaa Diintaas korkeeda ku dul dhigayee."
Wuxuu yiri:
"Kaddibna kaynta ayuu galay."
Wuxuu yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Salmaan ku yiri:
".‫ على نبينا وعليه السالم‬,‫ لقد لقيت عيسى إبن مريم‬،‫"إلن كنت صدقتني يا سلمان‬
"La in kunta sadaqtanii yaa Salmaanu, la qad laqiita Ciisaa ibna Maryama, calaa
Nabiyyinaa wa Calayhi al Salaamu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Haddaad runta ii sheegtay Salmaanow, waxaad la kulantay Ciise ina Maryama ‫ عيسى إبن مريم‬,
Nabigeenna iyo isaga korkiisaba Nabadgelyo iyo Salaami ha ahaatee."
Waa Xadiith saxiix ah. Xadiithkaan waxaa kaloo wariyay Axmad\‫( أحمد‬mujalladka shanaad
bogga afar boqol kow iyo afartan ilaa afar iyo afartan) iyo ibnu Sacad \‫ إبن سعد‬oo Al Dhabaqaatu
‫ الطبقات‬ku wariyay (mujalladka afaraad/kow/saddex iyo konton) iyo ibnu Al Juzarii\‫ إبن الجزري‬oo
168
Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬ku wariyay (mujalladka labaad bogga afar boqol ytoddoba iyo
toban), iyo Al Dhabraanii\‫( الطبراني‬Xadiithka lix kun shan iyo lixdan), Al Khadhiibu\‫الخطيب‬
wuxuu ku wariyay Taariikhu Baghdaad\‫( تاريح بغداد‬mujalladka kowaad bogga boqol afar iyo
sagaashan) iyo Abuu Nucaym\‫ أبو نعيم‬oo Al Siyari\‫ السير‬ku wariyay (mujalladka koowaad bogga
shan boqol iyo shan).
Xusidda Waraqah\‫ورقة‬, Cubaydu Allaahi bin Jaxsh\‫عبيد هللا بن جحش‬, Cuthmaan bin Al
Xuwayrith\‫ عثمان بن الحويرث‬iyo Zayd bin Camr\‫زيد بن عمرو‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسجاق‬wuxuu yiri:
"Maalin ayay Quraysh\‫ قريش‬waxau isugu yimaadeen maalin ciid u ahayd sanam asnaamtooda ka
mid ah oo ay wayneyn jireen, xoolana u gawrici jireen, ayna agtiisa ku nagaadi jireen, ayna ku
kor dhawaafi jireen, taasoo ciid ay leeyihiin a‫ة‬hayd oo sanadkiiba maalin ah.
Markaasey afar nin oo ka mid ihi gooni isula baxeen oo ay faqeen, ayna isku yiraahdeen:
"Runta isku sheega, arrinkaanna ha la qariyo oo yaan la sheegin".
Sidaas inay ahato ayayna ku heshiiyeen. Raggaasi waxay ahaayeen Waraqah bin Nawfal bin
Asad\‫ ورقة بن نوفل بن أسد‬iyo Cubaydu Allaahi bin Jaxsh bin Ri'aab\‫عبيد هللا بن جحش بن رئاب‬
hooyadiisa dhashayna ay ahayd Umaymah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫أميمة بنت عبد المطلب‬,
iyo Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asad\‫ عثمان بن الحويرث بن أسد‬iyo Zayd bin Camr bin
Nufayl\‫زيد بن عمرو بن نوفل‬.
Markaasey raggaasi waxay qaarkood qaarka kale ku yiraahdeen, oo ay isku yiraahdeen:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬waad ogsoontihiin inuusan tolkiin wax diin ah ku taagnayn, ayna ka leexdeen
Diinta aabohood Ibraahiim\‫إبراهيم‬.
Maxaan ugu dhawaafeynnaa dhagax aan wax maqlayn, waxna arkayn, aan dhib geysan karin,
waxna tari karin? Ragow, naftiinna diin u raadsada, maxaa yeelay wa Allaahi \‫ وهللا‬inaydnaan
wax diin ku taagneyne."
Markaasey arliga ku kala faafeen, ayagoo raadinaya Al xanafiyyah \‫الحنفية‬, Diinta
Ibraahiim\‫إبراهيم‬." Qisooyinka raggaas ayaan in yar midba goonidiisa uga warbixinaynaa.
Waraqah bin Nawfal Asad‫ورقة بن نوفل‬
Waraqah bin Nawfal bin Asada bin Cabdu Al Cuzzaa\‫ ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى‬, waa
Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa ‫أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد بن‬
\‫ عبد العزى‬ina adeerkeed. Hooyadiisna waxaa la yiraahdaa Hindu bintu Abii Kabiir bin Cabdi bin
Qusayy\‫هند بنت أبي كبير بن عبد بن قصي‬.
Waraqah‫ ورقة‬ciribi kama ayan harin, wuxuuna ka mid yahay ragga aaminay Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, bicthada horteedba.
Al Tarmathii\‫ الترمذي‬wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
yiri:
".‫ ولو كان من أهل النار لم يكن عليه ثياب بيض‬،‫ وعليه ثياب بيض‬،‫"رأيته في المنام‬
169
"Ra'aytuhu fii al manaami, wa calayhi thiyaabun biidun, wa law kaana min ahli al Nnaari
lam takun calayhi thiyaabun biidun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan arkay (Waraqah‫ ) ورقة‬anigoo hurda, oo waa riyo (riyada Anbiyaduna waa run), isagoo
labbisan dhar cadcad. Hadduu ehelu Naarta ka mid ahaan lahaana dhar cadcad ma uusan
ximaadeen. "
Cubaydu Allaahi bin Jaxsh\‫عبيد هللا بن جحش‬
Cubaydu Allaahi bin Jaxsh‫ عبيد هللا بن جحش‬wuxuu ku sugnaa wareerkaas ilaa uu ka islaamo.
Kaddib wuxuu la haajiray muslimiinta u qaxday arliga xabashada, aydoo ay la socoto
haweentiisa Ummu Xabiibah Ramlah bintu abii Sufyaan\‫أم حبيبة رملة بنت إبي سفيان‬, oo ayaduna
muslimad ah.
Markaasey markay arliga xabashada tageen ayuu isagu krishtaan noqday, Diinta Islaamkana ka
baxay, uuna arligaas ku dhintay isagoo krishtaan ah.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Cubaydu Allaahi bin Jaxsh‫ عبيد هللا بن جحش‬markuu krishtaanka noqday markuu asxaabta
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam oo ay arliga xabashada wada joogaan soo ag
maro ayagoo arligaas xabashada ku wada sugan, wuxuu ku yiraahdaa:
"Faqqaxnaa wa sa'sa'tum\‫ "فقحنا وصاصاتم‬oo macneheedu yahay:
"Annaga indhuhu way noo furmeen oo waxbaan aragnaa, adinkuse haddaad arag doon tihiin,
walina wax maydnaan arag."
Sababtuu labadaas eray u isticmaalay waxaa weeye in cunugga eygu dhalo markuu doono inuu
labadiisa indhood furo si uu wax u arko waxaa afka Carabiga lagu yiraahdaa sa'sa'a\‫صأصأ‬.
Markuu labadiisa indhood furana waxaa la yiraahdaa faqqaxa\‫فقح‬.
Kaddib markuu Cubaydu Allaahi bin Jaxsh‫ عبيد هللا بن جحش‬arliga xabashada ku dhintay isagoo
krishtaan ah, waxaa haweentiisa guursaday Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
waxayna noqotay Ummu Al Mu'miniina\‫أم المؤمنين‬, hooyadeen.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Muxammad bin Calii bin Xusayn\‫ محمد بن علي بن حسين‬oo yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu boqorka xabashada Al Najaashiyyi
\‫ النجاشي‬u diray ninka la yiraahdo Camr bin Umayyah Al Damriyyi \‫ عمرو بن أمية الضمري‬inuu
Ummu Xabiibah\‫ أم حبيبة‬u doono.
Markaasuu Al Najaashiyyu‫ النجاشي‬u doonay, una guuriyey, wuxuuna siiyey meher ahaan oo uu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka bixiyey afar boqol oo Diinaar.
Markaasuu Muxammad bin Calii\‫ محمد بن علي‬wuxuu yiri:
"Waxaan u aragnay inuu Cabdu Al Malik bin Marwaan\‫( عبد الملك بن مروان‬oo ahaa boqorka
dawladda islaamka ee Khilaafada Amawiyyiinta\‫ )خلالفة األمويين‬meherka haweenka ku ekeeyey
afar boqol oo diinaar sababtaas daraadeed.
Ninka Ummu Xabiiba\‫ أم حبيبة‬bixiyey oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyeyna
wuxuu ahaa Khaalid bin Saciid bin Al Caas\‫خالد بن سعيد بن العاص‬."
170
Qisada Ummu Al Mu'miniina Ummu Xabiibah\‫ أم حبيبة‬, Allaha raalli ka noqdee, waxaan si
fidsan uga warrami doonnaa, inshaa' a Allaahu, markeeda meesheeda gaarno.
Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asad‫عثمان بن الحويرث بن أسد‬
Cuthmaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬wuxuu u dhashay Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Asad
‫بني أسد‬, wuxuuna galay diinta krishtaanka.
Cuthmaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬zamankiisa waxay Yaman\‫ يمن‬ahayd mustacmarad
ay amxaaradu gumeysato, ayna gumeysaneyse labo iyo toddobaatan sano.
Markaasuu ninka Yaman\‫ يمن‬u dhashay oo magaciisu yahay Sayf bin Thii Yazin\‫سيف بن ذي يزن‬
wuxuu u tegey Kisraa Anuu Shirwaan\‫كسرى أنوشروان‬, boqorka Furus\‫ فرس‬ee dalka Iiraan\‫ إيران‬,
wuxuuna ka codsaday inuu siiyo ciidan uu amxaarada arligiisa uga xoreeyo, kaddibna ay
Yamani\‫ يمن‬Furus\‫ فرس‬Dawlada kusii biirtay noqoneyso oo u hoggaansan.
Markuu Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬amxaarada arligiisa ka xoreeyey, ayuu boqorka iiraan
‫ إييران‬wuxuu u magacaabay boqorka Yaman\‫ يمن‬oo isaga u hoggaansan.
Sayf bin Thii Yazin\‫ سيف بن ذي يزن‬wuxuu ku jiray diinta majuuska oo dabka caabuda, siduu
Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaar\‫ عبد الحميد جودة السحار‬kitaabkiisa Muxamrnadun Rasuulu
Allaahi\‫محمد رسول هللا‬, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ugu wariyay.
Sidoo kalena boqorka iiraan\‫ إيران‬waxay diintiisu ahayd majuuska dabka caabuda.
Markuu arrinkaas arkay ayuu Cuthmaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬oo krishtaan ahaa
ayuu wuxuu is tusay inuu isaguna u tago boqorka Rooma, oo caasimadiisu ahayd Istanbuul, oo
isaguna krishtaan ahaa, uuna weydiisto inuu isaga u magacaabo boqorka Makkah Al
Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, uuna sidaas dadka Makkah‫ مكة‬intuu canshuur jizyo ah ka qaado uu
sanadkiiba mar boqorka Rooma u geeyo.
Sidaas ayuu Cuthmaan‫ عثمان‬wuxuu u tegey Istanbuul, uuna la kulmay boqorka Roomaanka oo
magaciisu yahay Justiiniyaanus kan labaad. Markuu u galay ayuu dhulka sujuud ula dhacay.
Markuu boqorku u oggolaaday inuu sujuudda kasoo kaco oo uu fariistana, wuxuu boqorka iyo
boqoradda uga warramay makaanka ay Makkah\‫ مكة‬ku leedahay Carab dhexdeeda, iyo inuu
Guriga, waa Kacbadee, ku yaalla uu yahay Qiblada Carabta oo idil, ha degganaadaan
Xijaaz\‫الحجاز‬, Al Xiirah\‫ الحيرة‬oo Ciraaq\‫ عراق‬gobol ka mid ah ah, Shaam\‫ الِشام‬iyo Yaman\‫ يمن‬iyo
inta kaleba, iyo sida ninka Makkah\‫ مكة‬boqor ka noqda ay Carabta inteeda kale u
hoggaansamayaan.
Boqorku intaasoo idil wuu ogsoonaa, wuxuuna weli la yaabanaa sida Abraha canjeex \‫أبرهة األشرم‬,
boqorkii maroodiga watay oo u kacay inuu Kacbada dumiyo loo jebiyay oo uusan gaarin wuxuu
doonayey. Sidoo kale wuxuu boqorku xusuusnaa sida loo halaagay ciidankuu Qaysar\‫قيسر‬
Boqorka Roma u dirtay inuu Xijaaz\‫ الحجاز‬usoo qabato, kunuuzteedana uu gacanta ku dhigo,
uuna hoggaaminayey jananka la oran jiray Julius Gallus, oo dhammaan lama degaarnka Jaziirada
Carabta ku halaagmay, oo noqday wax kulaylka qorraxda iyo harraad u dhinta iyo wax luma oo
sidaas ku dhinta.
171
Roomaanka krishtaanka ahi iyo culummadooduba waxay ku dadaali jireen inuu arliga u
dhexeeya boqortooyada Roomaanka oo krishtaanka ah iyo boqortooyada amxaarada oo
krishtaanaka ah, waana Jaziirada Carabtee, kusoo biiro dhankooda oo uu ayaga u
hoggaansanaado, ayna halkaas calankooda gorgorka leh iyo krishtadooda ku suraan. Sidaas ayuu
boqorku wuxuu rumaysan waayey in arligay dagaal ku heli waayeen uu Cuthmaan \‫ عثمان‬si nabad
ah iyo xarbi la' uu ku siinayo, oo uu weliba jizyana ugu darayo!
Sidaas ayuu boqorku talada Cuthmaan‫ عثمان‬usoo dhoweeyey, isagoo aan farixiisa muujin,
wuxuuna Cuthmaan‫ عثمان‬u dhigay warqad uu ugu magacaabayo Boqorka Xijaaz\‫الحجاز‬, wuxuuna
saaray shabbad dahab ah.
Boqorku wuxuu Cuthmaan‫ عثمان‬siiyay hadiyooyin qaali, oo ay ka mid yihiin sarj\‫ سرج‬oo ah
kooraha baqashiisa oo dahab lagu dheehay, iyo jookha ay boqorradu labbistaan.
Boqorraddaasna magaceedu wuxuu ahaa Safiyyah\‫صفية‬, waana ayada dhistay kaniisadda weyn
oo Istanbuul ku tiillay oo la oranjiray Aaya Safiyyah, kaddibna Masjid loo rogay. Sidaas ayuu
Cuthmaan‫ عثمان‬Makkah\‫ مكة‬ugu soo noqday.
Markuu Makkah\‫ مكة‬yimid Xaramku ayuu tegey oo uu ku dhawaafay, kaddibna wuxuu istaagay
Maqaamka\‫ مقام إبراهيم‬agtiisa oo uu yiri:
"Tolkeeyow! Tolkeeyow!"
Markaasey raggu agtiisa isugu yimaadeen si ay uga dhegeystaan wuxuu doonayo inuu u sheego.
Markaasuu wuxuu yiri:
"Tolkeeyow! Waad ogsoontihiin Qaysar\‫قيصر‬, boqorka roomaanka, maalkiinuna wuxuu yaalla
dalkiisa, waadna kasoo ganacsataan, isagaana aniga boqor idiinka kay dhigay. Anigu waxaan
ahay ina adeerkiin iyo nin adinka idinka mid ah, idinkamana qaadayo waxaan ahayn jaraab \‫جراب‬
qarath\‫ قرظ‬ah, iyo dhiil subag ah iyo hargo iyo saamo. Markaasaan u aruurinayaa, kaddibna aan u
dirayaa. Haddaad diidaanna waxaan ka baqayaa inuu Shaam \‫ الشام‬idinka reebo oo uu
ganacsigeeda idiin diido oo aad sidaas waxaad ka heli jirteen aad weydaan."
Al Qarath\‫ القرظ‬waa geed aad weyn oo dhudhun aad a u wayn leh oo adag sida geedka jawzka oo
kale, oo waraaqo yaryar iyo miro leh, asalkiisuna uu Yaman \‫ يمن‬ka baxo. Mirihiisa iyo
caleemihiisa waa waxa ugu fiican oo hargaha lagu magdo. Sidaasna waxaa u fasiray Maxmuud
Muxammad Shaakir\‫محمود محمد شاكر‬, oo kitaabkaas Jamharatu Nasabu Qurayshin wa akhbaarihaa
\‫ جمهرة نسب قريش وأخبارها‬hubiyay oo sharxay.
Markaasuu raggu murugooday oo ay shimbir fuushay, inay Qaysar\‫ قيصر‬jizyo siiyaan.
Markaasey madaxda Quareysheed\‫ قريش‬Daaru Al Nadwah\‫ دار الندوة‬ku shireen, madaxdooduna ay
Kacbada agteeda iyo guryohoodaba ku shireen, kuna doodeen wuxuu Cuthmaan bin Al
Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬u keenay.
Markaasey reer Makkah, ayagoo u daneynaya ganacsigooda waxay goosteen inay Cuthmaan
‫ عثمان‬boqor ahaan u caleemo saaraan.
Ayagoo sidaas isku diyaarinaya ayaa waxaa Masjidka soo gal ay ninka la yiraahdo Abuu Zamcah
Al Aswad ibnu Al Mudhalib bin Asad\‫أبو زمعة األسود إبن المطلب بن أسد‬, oo ah ina adeerka laxmiga
ah ee Cuthmaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬.
Markaasuu Kacbada ag istaagay oo uu la dhawaaqay:
"Tolkeeyow! Tolkeeyow!"
172
Markay dadku xaggisa usoo wada degdegeen oo ay isugu yimaadeen. Markaasey waxay ka
arkeen wajigiisa caro indhihiisa isu soo dhoweeyey, xoog iyo go'aanna siiyay. Markaasuu wuxuu
yiri:
"Addoommada Ilaahayow! Ma tihaamah\‫ تهامة‬ayaa Boqor xukumayaa?"
Tihaamah\‫ تهامة‬, siduu u sheegay Taqwiimu Al Buldaani\‫تقويم البلدان‬, waa qaybta koofureed ee
Xijaaz\‫الحجاز‬, ayna ku yaalliin Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo Al Madiinah Al
Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
Markaasey raggu hadalkiisaas dhaageen oo ay fahmeen wuxuu ka wado, oo ah inuusan
taariikhda oo idil ayan Tihaamah‫ تهامة‬boqor yeelan oo u dulloobin, wuxuu Cuthmaan‫ عثمان‬ula
yimidna ay tahay wuxuu isagu hindisay oo bidca ah, uuna ku doonayo inuu ayaga boqor u
noqdo. Markaasey dadku is dhex yaaceen oo ay kacdoomeen, ayna u caroodeen karaamadooda
iyo xornimadooda. Markaasey ayagoo wada careysan waxay yiraahdeen:
"Waxaan ku dhaarannay Allaata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫ العزى‬run ayaad sheegtay, oo Tihaamah‫تهامة‬
weligeed boqor ma ayan yeelan."
Markaasu Abuu Zamcah‫ أبو زمعة‬qayliyey, qaylo Makkah\‫ مكة‬laga wada maqlay oo uu yiri:
"Inna Qurayshan laqaaxun laa tumlak\‫"إن قريشا لقاح ال تملك‬, oo macneheedu yahay: "Quraysh waa
laan dheer xor ah oo aan weligood boqorna xukumin oo u dulloobin, waqtiga jaahiliga ahna aan
wax laga qafaalan."
Sidaas ayay yididiilada Cuthmaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬oo ahayd inuu Makkah\‫مكة‬
boqor u noqday u noqotay waxaan waxba ka jirin iyo dhalanteed.
Cuthmaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬, ayuu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬yiri:
"waxaa la oranjiray "Al Badhriiqu\‫ "البطريق‬oo macneheedu yahay "wadaadka krishtaanka ah",
ciribi kama ayan harin, wuxuuna ku dhintay Shaam\‫ الشام‬isagoo la sumeeyey, waxaan sumeeyey
boqorka Shaam\‫ الشام‬Camr bin Jafnah Al Ghassaanii\‫عمرو بن جفنة الغساني‬."
Cuthymaan bin Al Xuwayrith‫ عثمان بن الحويرث‬, wuxuu Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬ku wariyay
kitaabkiisa Rafcu Sha'ni Al Xabashah\‫رفع شأن الحبشان‬, bogga saddex boqol iyo saddex iyo
sideetan, wuxuu ka mid ahaa ragga Quraysheed\‫ قريش‬oo ay dhaleen hooyooyin madow ee
xabasha ah, hooyadiisna waxaa la oran jiray Tadaamur (waa daadka saadka ku xigah) bintu
Cumayr\‫ تضامر بنت عمير‬.
Waxaa kaloo sidaas kuu wariyay kitaabkiisa Nasabu Quraysh \‫ نسب قريش‬ku wariyay Al Zubayru
bin Al Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬, bogga afar boqol iyo toddoba iyo labaatan, ee mujalladka
koowaad.
Zayd bin Camr bin Nufayl Al Cadawii \‫زيد بن عمرو بن نوفل العدوي‬
Zayd bin Camr‫ زيد بن عمرو‬, hooyadiisna ay tahay Al Xaydaa'a bintu Khaalid Al Fahmiyyah \‫الحيداء بنت خالد الفهمية‬,
waa aabaha dhalay Saciid bin Za\yd‫سعيد بن زيد‬, oo ka mid ah tobanka jannada loogu bishaareeyey. Saciid ‫سعيد‬
hooyadiisna waa Faadhimah bintu Nacjah bin Khalaf Al Khuzaacii \‫فاطمة بنت نعجة بن خلفةالخزاعي‬. Abtirsi kalena waa
lagu sheegay.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Zayd bin Camr bin Nufayl\‫ زيد بن عمرو بن نوفل العدوي‬diinna ma uusan gelin, oo tan yuhuudana ma uusan gelin,
173
tan krishtaankana ma uusan gelin, diinta tolkiisna waa ka tegay.
Markaasuu wuxuu ka fogaaday oo uu ka reebtoomay caabididda asnaamta iyo cunidda hilbaha xoolaha dhintay iyo
dhiigga iyo xoolaha asnaamta loo gawracay. Wuxuu kaloo Zayd ‫ زيد‬dadka ka reebay inay ka haraan gabdhaha
dhashay oo ayagoo nool la duugayo.
Zayd‫ زيد‬wuxuu yiri:
"waxaan caabudaa Rabbiga Ibraahiim \‫"!إبراهيم‬
Tolkiisana wuxuu ku ceebeeyey oo uu daboolka uga qaaday ceebta waxay ka diin yeesheen oo ay dushooda ku
taagan yihiin.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu Asmaa'u bintu Abii Bakar Al Siddiiqu \‫أسماء بنت أبي بكر الصديق‬, Allaha raalli ka noqdee,
ka wariyay inay tri:
"waxaan arkay Zayd bin Camr bin Nufayl‫ زيد بن عمرو بن نوفل‬oo oday da' wayn ah, isagoo dhabarkiisa Kacbada ku
tiiriyay oranayana:
"ragga Qurayshow\‫ !قريش‬Waxaan ku dhaartay Midkkay Zayd ‫ زيد‬naftiisu Gacantiisa ku jirto, inuusan axadkiinna
waabariisan isagoo ku taagan diinta Ibraahiim‫ إبراهيم‬oo aan aniga ahayn!"
Kaddibna wuxuu yiri:
"Ilaahayow! Haddaan u cilmi lahaan lahaa sidaad ugu jeceshahay in laguu caabudo sidaas ayaan kuu caabudi lahaa,
laakiin cilmi uma lihi oo ma ogi."
Kaddibna wuxuu ku kor sujuudaa labadiisa calaacalood ama sacab."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"waxaa la iiga warramay inay wiilkiisa Saciid bin Zayd bin Nufayl \‫ سعيد بن زيد بن عمرو بن نوفل‬iyo Cumar bin Al
Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬, oo ina aderkiis ah, ay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku
yiraahdeen: "dambi dhaafid ma u weydiin karnaa Zayd bin Camr ‫"? زيد بن عمرو‬
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فإنه يبعث أمة وحده‬،‫"نعم‬
"Nacam, fa innahu yubcathu ummatan waxdahu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"haa, oo isaga waxaa maalinta qiyaame lasoo saarayaa isagoo keligiis ummad ah."
Zayd\‫ زيد‬wuxuu ka mid ahaa ragga ka haray caabudidda asnaamta, Tawxiidkana ku dadaalay, gaalnimadana ka
fogaaday, wuxuuna dhintay Bicthada \‫ البعثة‬Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, horteed.
Ibnu Sacd\‫ إبن سعد‬iyo Al Faakihii‫ الفاكهي‬waxay Caamir bin Rabiicah\‫عامر بن ربيعة‬, oo axdi la lahaa reer Banii Cadiyyi
bin Kacb\‫ بني عدي بن كعب‬oo ah qabiilka Quraysheed\‫ قريش‬ee Cumar bin Al Khadh-dhaab‫عمر بن الخطاب‬, Allaha
raalli ka noqdee, ka wariyeen inuu yiri:
"Zayd bin Camr‫ زيد بن عمر‬wuxuu igu yiri:
"tolkay waan khilaafay oo waxaan raacay Diinta Ibraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Ismaaciil\‫ إسماعيل‬iyo waxay
caabudi jireen, waxayna labadoodaasi usoo tukan jireen Qibladaan, aniguna waxaan sugayaa
Nabi dhasha Ismaaciil‫ إسماعيل‬ah oo la soo diri doono, umana jeedo inaan gaari doono, waanna
aaminay Nabigaas, waana rumaynayaa, waxaanna marag ka ahay inuu Nabi yahay. Marka,
174
hadday noloshaadu dheeraato Nabigaas salaan iga gaarsii."
Caamir\‫ عامر‬wuxuu yiri:
"Markaan warkiisa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ogeysiiyay, isaguna,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu salaamay isagoo salaantuu usoo diray uga jawaabaya,
Ilaahayna wuxuu uga baryay inuu u naxariisto, kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
".‫"رأيته في الجنة يسحب ذيوال‬
"Ra'aytuhu fii Al Jannati yasxabu thuyuulan",
oo ah
"Waxaan ku arkay Jannada dhexdeeda isagoo dharka dheer oo uu labbisnanyahay dhulka ku
jiidaya".
Al Zubayr bin Bakkaar\‫ الزبير إبن البجار‬wuxuu Curwah\‫ عروة‬ka wariyay inuu yiri:
"Waxaa na soo gaartay inuu Zayd\‫ زيد‬Shaam\‫ الشام‬ku sugnaa, oo ay markaas gaartay soo bixinta
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu soo gaddoomay oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo aaday. Isagoo
dariiqa kusoo jira ayaa waxaa lagu dilay arliga Al Balqaa'\‫( البلقاء‬Al Balqaa'\‫ البلقاء‬waa gobol
Shaam\‫ الشام‬ka mid ah, waana gobolka ay ku taallo caasimadda Boqortooyada Haashimiga ee
Urdun\‫ المملكة الهاشمية األردنية‬ee Cammaan\‫عمان‬, siduu u wariyay kitaabka Mucjamu Al Macaalimi
Al Jughraafiyyah fii Al Siirati Al Nabawiyyah\‫معجم المعالم الجغرافية في السيرة النبوية‬, uuna dhigay
Caatiq bin Ghayth Al Balaadiyyu \‫عاتق بن غيث البالدي‬, wuxuuna gobolkaas u tegey isagoo uu
halkaas ku noolaa, siday leeyihiin, caalin kulmiyay cilmiga nasaarada zamankiisa).
Ibnu Isaxaaqna\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markuu marayo bartamaha beledka qabiila Carbeed ee Lakhm\‫( لخم‬oo ayaguna Shaam\‫الشام‬
degah), ayay dileen".
Waxaa kaloo la yiri: wuxuu dhintay shan sano ka hor intaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, lasoo dirin.
Al Bazaar\‫ البزار‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬waxay Saciid bin Zayd\‫سعيد بن زيد‬, oo ah wiilka
Zayd\‫زيد‬, ka wariyeen inuu yiri:
"Aniga iyo Cumar\‫( عمر‬bin Al Khadh-dhaab\‫ بن الخطاب‬Allaha Raalli ka noqdee) ayaa
weydiinnay RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri:
".‫"غفر هللا له ورحمه فإنه مات على دين إبراهيم‬
"Ghafara Allaahu lahu wa raximahu fa innahu maata calaa Diini Ibraahiima",
oo ah
:
"Allaha dambigiisa dhaafo, una naxariisto, oo isagu wuxuu ku taagnaa kuna dhintay Diinta
Ibraahiim".
Sidaas ayuuna Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii \‫ فتح الباري بشرح صحيح البخاري‬ayadoo
175
kooban uu u wariyay.
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ka yiri:
".‫"أنه يبعث أمة وحده‬
"Annahu yubcathu Ummatan waxdahu",
oo macneheedu yahay:
"Isaga waxaa la soo saari doonaa Maalinta Qiyaame isagoo keligiis ummaad ah", oo ah ayadoo
ay ummad walba Nabigii loo diray ay daba socoto, midkaani Nabina ma daba socdo oo lama
xiriiro, isaagana keligiis ummadd ah, oo fagaaraha imaanaya, siday u imaan doonaan Nabiyo
keligood socda oo ayan cidina rumayn.
Al Bazaar\‫ البزار‬wuxuu Jaabir\‫ جابر‬ka wariyay inuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaan waxaan ka waraysannay Zayd bin
Camr bin Nawfal\‫زيد بن عمرو بن نوفل‬, waxaanna niri:
"Rasuulka Ilaahayow! Isagu Qibladuu u jeesan jiray, wuxuuna oran jiray:
"Diintaydu waa Diinta Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Ilaahayna waa Ilaaha Ibraahiim\‫" إبراهيم‬.
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri:
".‫ يحشر بين يدي وبين عيسى إبن مريم‬،‫"ذاك أمة وحده‬
"Thaaka ummatun waxdahu, yuxsharo baynii wa bayna yadayya Ciisaa Ibnu Maryama",
oo macneheedu yahay:
"Kaasi keligiis ayaa ummad ah, waxaana la soo saarayaa aniga iyo Ciise ina Maryama
dhexdeenna. "
Goobidda Zayd\‫ زيد‬ee Diinta AI Xanafiyyah\‫الحنفية‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Zayd bin Camr\‫ زيد بن عمرو‬wuxuu go'aansaday inuu Makkah\‫ مكة‬ka baxo oo uu arliga ku safro,
uuna raadiyo Al Xanafiyyah\‫الحنفية‬, Diinta Ibraahiim\‫إبراهيم‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasey haweeneyda la yiraahdo Safiyyah bintu Al Xadramiyyi \‫صفية بنت الحضرمي‬, mar kastoo
ay aragto isagoo bixidda isku diyaariyay, ama uu dono inuu baxaba, ayay waxay u sheegtaa Al
Khadh-dhaab bin Nufayl\‫الخطاب بن نوفل‬.
Al Khadh-dhaab bin Nufayl\‫ الخطاب بن نوفل‬wuxuu ahaa Zayd\‫ زيد‬adeerkiis iyo walaalkiis ay isku
hooyo yihiin, wuxuuna Zayd\‫ زيد‬ku eedeyn jiray oo uu kula dagaallami jiray inuu diinta tolkiis
ka tegey.
Markaasuu wuxuu u wakiishay Safiyyah‫ صفية‬inay xaaladdiisa la socoto, wuxuuna ku yiri:
"Haddaad aragto inuu doonayo inuu Makkah\‫ مكة‬ka baxo ii soo sheeg."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxay culummada qaarkood iiga sheegeen Zayd bin Camr bin Nufayl\‫ زيد بن عمرو بن نوفل‬inuu
markuu Kacbada xaggeeda u jeesto, isagoo Masjidka ku dhex jira, uu yiraahdo:
"Labbayka xaqqan xaqqan, tacabbudan wa riqqan\‫ تعبدا ورقا‬،‫"لبيك حقا حقا‬, oo macneheedu yahay:
"Ilaahayow waa i kanaa oo yeeriddaada ayaan si dhab ah oo run ah u maqlay oo u yeelay ee i
176
amar, ayadoo ah cibaadeysi iyo addoonnimo aan aqoonsanahay."
Al Khadh-dhaab‫ الخطاب‬dhib ayuu u geystay Zayd‫ زيد‬ilaa uuba Makkah\‫ مكة‬xaggeeda sare uga
saaray, uuna degay buurta Xiraa'\‫ حراء‬ee Makkah\‫ مكة‬ku beegan.
Al Khadh-dhaab‫ الخطاب‬wuxuu dhallinyaro Quraysh\‫ قريش‬ah iyo qaar kuwooda maangaabta ka
mid ahba u xilsaaray Zayd\‫زيد‬, oo uu ku yiri:
"Ha u oggolaanina inuu Makkah\‫ مكة‬soo galo."
Markaasuusan Zayd\‫ زيد‬Makkah\‫ مكة‬soo geli jirin si sir ah mooyee, oo kuwaas ka dahsoon.
Haddayse soo geliddiisa Makkah\‫ مكة‬ka war helaan waxay u sheegi jireen Al Khadhdhaab
\‫الخطاب‬. Markaasey Makkah\‫ مكة‬ka saari jireen, wayna dhibi jireen, sidaasna ay u yeelayaan
kahasho ay kahanayaan inuu diintooda ka fasaadiyo, uuna axad ayaga ka mid ahi uu ka
tegiddiisaas diintooda ku raaco.
Markaasaa waxaa Zayd\‫ زيد‬la waynaatay siday tolkiis xurmadiisa u xalaalaysteen, wuxuuna ka
yiri:
‫وإن بيتي أوسط المحلة‬
‫الهم إني محرم ال حله‬
‫عنج الصفا ليس بذي ميلة‬
1. Ilaahayow, waan degganahay Xaramka oo xilliga ma deggani
Gurigeyguna wuxuu ku yaallaa bartamaha beesha
2. Buurta Al Saffaa agteeda, mana aha meel laga lumo.
Kaddibna Zayd\‫ زيد‬Makkah\‫ مكة‬ayuu ka baxay, isagoo raadinaya Diinta Ibraahiim\‫إبراهيم‬,
Calayhi Al Ssalaamu, wareysanayana wadaadada krsihtaanka iyo yuhuudda, ilaa uu ka tegey Al
Mawsil\‫الموصل‬, oo ah magaalo waqooyiga Ciraaq\‫ عراق‬ku taalla iyo Jaziiradda\‫ الجزيرة‬oo idil (Al
Jaziirah\‫ الجزيرة‬waxaa la yiraahdaa arliga u dhexeeya labada wabi ee Furaat\‫ فرات‬iyo Dijlah‫ دجللة‬,
waxaana la yiraahdaa "Al Jaziirah AI Furaatiyyah\‫"الجزيرة الفراتية‬, siduu u wariyay Caatiq
Ghayth Al Balaadii‫عاتق بن غيث البالدي‬, kuna daray inay tahay meesha ugu barwaaqo badan arliga
Carabta oo idil).
Kaddibna wuxuu yimid Shaam\‫ الشام‬oo uu dhammaanteed maray ilaa uu uga tegey wadaad
krishtaan ah oo deggan beel dhul sarreeya ku taalla (al mafacata\‫ )المفاعة‬ee ka tirsan gobolka Al
Balqaa'a\‫( البلقاء‬oo ah gobol ka tirsan maanta Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun ‫المملكة األردنية‬
\‫الهاشمية‬, ahna gobolka ay ku taallo Cammaan\‫عمان‬, magaalo madaxda dalkaasi), oo koobay uu
isagana isugu yimid cilmiga krishtaanka, siday yiraahdeen.
Markaasuu wuxuu wadaadkaas ka wareystay Al Xanafiyyah\‫الحنفية‬, Diinta Ibraahiim\‫إبراهيم‬.
Markaasuu wadaadku wuxuu Zayd‫ زيد‬ku yiri:
"Adigu waxaad raadineysaa diin aadan heleyn maanta axad ku bara oo ku taagan. Waxaase
nasoo hoosaasiyay zamanka Nabi beledkaaga aad ka timid kasoo baxaya, oo lala soo dirayo
Diinta Ibraahiim‫ إبراهيم‬Al Xanafiyyah‫الحنفية‬.
Marka, Diintaas gal oo ku biir. Nabigaasna hadda ayaa lasoo dirayaa, oo kani waa zamankiisa."
Zayd\‫ زيد‬wuxuu u fiirsaday diimaha krishtaanka iyo yuhuudaba, midkoodna kama uusan helin
177
wax raalli geliya.
Markaasuu si degdeg ah usoo baxay, kaddib markuu wadaadku warkaas uu ku yiri ku yiri, isagoo
xagga Makkah\‫ مكة‬soo aaday. Markaasuu markuu maryo bartamaha arliga Lakhm \‫( لخم‬oo Shaam
\‫ الشام‬degah) ayay weerareen oo ay dileen.
Markaasuu Waraqah bin Nawfal\‫ ورقة بن نوفل‬gabay uu dhimashadiisa ugu barooranayo tiriyey,
iyo siduu Zayd\‫ زيد‬Tawxiidka\‫ التوحيد‬u haleelay, Naartana uga fogaaday."
Intaasuu ku eg yahay Xadiithka ibnu Isxaaq\‫إبن إسحاق‬.
Riwaayada Al Suhaylii\‫ السهيلي‬ee Zayd\‫زيد‬
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxu xusay siduu Zayd\‫ زيد‬uga fogaaday caabudidda asnaamta iyo ka
hariddiisa inuu cuno hilbaha asnaamta loo gawracay.
Al Bukhaariina\‫ البخاري‬wuxuu Cabdu Allaahi ibnu Cumar\‫ عبد هللا إبن عمر‬ka wariyay inuu Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmay Zayd bin Cumar bin Nufayl \‫زيد بن عمرو بن نوفل‬
dhanka hoose ee waadiga Baldax\‫( بلدح‬oo ah waadiga labaad ee Makkah\‫مكة‬, oo intiisa kore oo
Xiraa'u\‫ حيراء‬agteeda ahna la yiraahdo Waadii Al Cushar\‫وادي العشر‬, intiisa Makkah\‫ مكة‬iyo Al
Tanciimu\‫ التنعيم‬u dhexeysana Al Zaahiru\‫ الزاهر‬la yiraahdo. Waadigaasna waxaa maanta la
ytiraahdaa Waadii Al Juud\‫واد الجود‬, intuu Al Xudaybiyyah\‫ الحديبية‬maro ayuu wuxuu ku biyo
shubaa Marra Al Th-thahraani\‫مر الظهران‬, xagga waqooyiga Al Xudaybiyyah\‫الحديبية‬. Waxaana
sidaas yiri Caatiq Ghayth Al Balaadii\‫)عاتق بن غيث البالدي‬, ka hor intaan Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Waxyiga lagu soo dejin.
Markaasaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa lo keenay cunno, ama Nabigaa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Zayd\‫ زيد‬cunno siiyay. Markaasuu Zayd\‫ زيد‬diiday inuu
cunnadaas ka cuno, wuxuuna yiri:
"anigu ma cuno waxaad asnaamtiinna ku gawracdaan, mana cuno waxaan Magaca Ilaahay loo
qaban marka la gawracayo."
Xadiithkuna ma warinayo inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laftiisu
cunnadaas ka cunay, ee wuxuu wariyay oo kali ah inuusan Zayd\‫ زيد‬ka cunin iyo warkuu yiri.
Zayd bin Camr bin Nufayl‫ زيد بن عمرو بن نوفل‬wuxuu ku ceebeyn jiray Quraysh\‫ قريش‬xoolaha ay
gawracaan, wuxuuna oran jiray:
"rida Ilaahay ayaa abuuray, Samaduuna biyo uga soo dejiyay, dhulkana baad ayuu uga soo
saaray, markaasaad waxaad ku gawracaysaan miyaa magacaan Kan Ilaahay ahayn?" isagoo taas
diidan oo waxaas ay falayaan wax wayn ka dhigay! (waa Xadiithka saddex kun sideed boqol lix
iyo labaatan ee Al Bukhaarii\‫)البخاري‬.
Ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬wuxuu yiri:
"Zayd bin Camr bin Nufayl‫ زيد بن عمرو بن نوفل‬wuxuu u safray oo uu tegey S\haam‫ الشام‬isago
goobaya diinta, oo meeshii loogu sheego ka raadinaya. Markaasuu wuxuu la kulmay caalin
yuhuudi ah. Markaasuu diintooda ka waraystay, wuxuuna u sheegay:
"inay dhici karto inuu diintooda galo, oo uu ka diin yeesho, ee ii sheega."
Markaasuu caalinku wuxuu ku yiri:
"diinteenna haddaad soo gashid waxaad qaadanaysaa sadkaaga iyo nasiibkaaga ee carada
178
Ilaahay!"
Markaasuu Zayd\‫ زيد‬wuxuu yiri:
"kamaba aan cararayo waxaan ahayn carada Ilaahay. Shayna ka qaadan mayo carada Ilaaahay,
mana karo, ee marka diin kale ma ii tilmaami kartaa?"
Wuxuu yiri:
"Diintaasi (aad raadineyso) ma aha waxaan ahayn Al Xanafiyyah \‫الحنفية‬, sidaan u ogsoonahay."
Zayd\‫ زيد‬wuxuu yiri:
"Al Xanafiyyah-na\‫ الحنفية‬waa maxay?"
Wuxuu yiri:
"Waa Diinta Ibraahiim\‫إبراهيم‬, kaasoo aan yuhuudi iyo krishtaan midna ahayn, aanna caabudi
jirin waxaan Ilaahay ahayn."
Markaasuu Zayd\‫ زيد‬wadaadkaas ka tegey. Kaddibna wuxuu la kulmay caalin krishtaan ah,
markaasuu sidii oo kale isagana ku yiri. Markaasuu caalinka krishtaanku wuxuu Zayd ku yiri:
"Diinteenna ma geli kartid jeer aad sadkaaga iyo nasiibkaaga aad lacnadda Ilaahay ka qaadatid."
Zayd\‫ زيد‬wuxuu yiri: "
Kamaba aanan cararayo waxaan ahayn lacnadda Ilaahay, waxna ka qaadi mayo lacnadda Ilaahay
iyo caradiisaba ebedkey, taasna maba aanan karo. Ma ii tilmaami kartaa diin kale?"
Markaasuu wuxuu yiri: "Ma aqaanno inay Xaniif\‫ حنيف‬tahay mooyee."
Wuxuu Zayd\‫ زيد‬yiri:
"Al Xaniifna\‫ الحنفية‬waa maxay?"
Wuxuu yiri:
"Waa Diinta Ibraahiim\‫إبراهيم‬, kaasoo aan yuhuudi iyo krishtaan midna ahayn, Ilaahay
sokadiisana aan wax kale caabudin."
Markaasuu Zayd\‫ زيد‬markuu arkay waxay labadaas wadaad Ibraahiim‫ إبراهيم‬ka yiraahdeen, ayuu
tegey.
Markuu meel bannaan tegey ayuu labadiisa jeeni Samada kor ugu qaaday, uuna yiri:
"Ilaahayow! Waxaan kuu marag gashanayaa inaan anigu Diinta Ibraahiim‫ إبراهيم‬ku taaganahay."
(Xadiithkaan Al Bukhaarii\‫ البخاري‬waa kiisa saddex kun iyo si deed boqol iyo toddoba iyo
labaatan)
Al Layth\‫ الليث‬wuxuu yiri:
"Hishaam bin Curwah\‫ هشام بن عروة‬ayaa ii soo dhigay inay aabihiis Asmaa' bintu Abii Bakar Al
Siddiiqu\‫أسماء بنت أبي بكر الصديق‬, Allaaha raalli ka noqdee, tiri:
"Waxaan arkay Zayd bin Camr bin Nufayl oo taagan oo dhabarkiisu ku tiirsan yahay Kacbada
oo leh:
"Ragga Qurayshow! Wa Allaahi inuusan idinku jirin nin ku taagan Diinta Ibraahiim oo aan
aniga ahayn|‫"يا معشر قريش! وهللا ما منكم على دين إبراهيم غيري‬, wuxuuna ahaa kan gabdhaha la
doonayo in nolosha lagu duugo ka badbaadiya, wuxuuna ninka doonaya inuu gabadhiisa aaso oo
dilo ku yiraahdaa: "Ha dilin, anigaa masruufkeeda iyo culsayskeeda kaaga filane"
179
(Xadiithkaan Al Bukhaarii\‫ البخاري‬waa kiisa saddex kun iyo sideed boqol iyo sideed iyo
labaatan).
Sifada Rasuulka I1aahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Injiilka\‫األنجيل‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxay ahayd, sida isoo gaartay, inay ka mid ahayd wuxuu Ciise ina Maryama \‫عيسى إبن مريم‬
ku caddeeyey Injiilka, oo xagga Ilaahay uga yimid, uuna u dhigay dadka Injiilka loo soo dejiyay,
oo sifada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah, waxa uu dhigay
Yuhaxannaas Al Xawaariyyi \‫يحنى الحواري‬, markuu Injiilka\‫ اإلنجيل‬u dhigay, inuu Ciise\‫ عيسى‬yiri:
"Qofka aniga i necbaada Rabbi ayuu necbaaday. Haddayan ahaan lahayn inaan hortooda ku
sameeyey waxyaalo uusan axadna aniga hortay samayn (siday maydka oo uu soo nooleeyo,
ithanka Ilaahay, indha li'ida iyo juudaanka oo uu bogsiiyo iyo mucjizooyinka kale oo uu Ilaahay
siiyey), ma ayan dambaabeen. Laakiin markaan hadda ah laga bilaabo way kibreen oo ay abaal
dhaceen, waxayna u maleeyeen inay iga kor marayaan oo ay iga xoog badnaanayaan iyo
Rabbiba. Laakiin shareecada kitaabka ku taalla waa in la meel mariyaa. Sabab la' aan ayay igu
naceen iyo xaq darro. Markuuse yimaado Al Munxamannaa\‫( المنحمنى‬oo macneheedu yahay
midka dadka xanuunku hayo, gaar ahaan xanuunka qalbiga, sida gaalnimada, shallaytida,
tiiraanyada, oo faraxu ka maqan yahay taakuleeya, oo farxadda usoo celiya, isagoo wixii
xanuunka keenay meeshaba ka qaada. Magacuna macnihiisu waa Muxammad\‫محمد‬, magaca
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), uuna Ilaahay idiin soo diro, xagga
Rabbina laga soo diray. Isagaa markaas ii marag kacaya iyo adinkaba, adinkoo aad adinku tan
iyo bilawga arrinkaan ila joogteen. Waxaanna arrinkaan idiinku sheegay si uusan shaki idiinka
gelin."
Al Munxamannaa‫ المنحمنى‬afka saryaaniga, oo ahaa afka uu ku hadlo Nabi Ciise\‫عيسى‬, Calayhi
Al Ssalaamu, ahna lahjad afka Carabiga ka baxday, macnihiisu waa Muxammad‫محمد‬.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Sifooyinkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Injiilka\‫ اإلنجيل‬ku dhignaa waxaa ka mid ah
inuu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\‫هللا سبحانه وتعالى‬, yiri:
‫ وال يدفع‬،‫ وال سخاب في األسواق‬،‫ ليس بفظ وال غليظ‬،‫"أنت عبدي ورسولي سميتك المتوكل‬
‫ فيفتح به عيونا‬،‫ ولن يقبضه هللا حتى يقيم به الملة العوجاء‬،‫ ولكن يعفو ويصفح‬، ‫السيئة بالسيئة‬
".‫ ال إله إال هللا‬:‫ وقلوبا غلفا؛ بأن يقول‬،‫عميا وآذانا صما‬
“Anta cabdii wa Rasuulii sammaytuka Al Mutawakkalu, laysa bi fath-thin wa laa
ghaliithin, wa laa sakh-khaabin fii al aswaaqi, wa laa yadfacu al ssayyi’ata bi al sayyi’ati,
wa laakin yacfuu wa yasfaxu, wa lan yaqbadahu Allaahu xattaa yuqiima al millata al
cawjaa’a, fa yaftaxu bihi cuyuunan cumyan wa aathaanan summan, wa quluuban ghulfan;
bi an yaquula: Laa ilaaha illaa Allaahu.”
Hadaalkaas Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عز وجل‬macnihiisu waxaa weeye:
"Adigu waxaad tahay addoonkayga iyo Rasuulkeyga, waxaanna kuu bixiyey Al Mutawakkalu
180
‫المتوكل‬, ma aha "Fath-than‫( "فظ‬oo macneheedu yahay mid yaabis oo qallalan oo akhlaaq xun),
iyo mid Ghaliith،‫ غليظ‬ah (macneheeduna yahay mid qalbi adag), iyo mid sakh-khaabun fii al
aswaaqi‫( وال سخاب في األسواق‬oo macneheedu yahay midka suuqyada dhexdooda akhlaaq
xumo daraadeed dadka ku qayliya) ah toona, ama mid xumaanta lagu falo xumaan uga jawaaba,
laakiin wuu cafiyaa oo uu saamaxaa. Ilaahayna oofsan uu mayo ilaa uu isaga diinta qalloocan ku
toosiyo.
Markaasuu wuxuu furayaa indho cammoole ah oo aan waxba arkayn, iyo dhego aan wax
maqlayn iyo quluub daboolan, wuxuuna intaasba ku furayaa inay yiraahdaan Laa iIaaha illaa
Allaahu\‫ال إله إال هللا‬." Waa intaas warka Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Sifooyinka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee axbaarta
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Waxyaalaha axbaarta\‫( األحبار‬culummada yuhuudda) laga helay oo sifooyinkiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ka mid ah, waxaa ka mid ah kuwuu Al Waaqidii\‫ الواقدي‬ku xusay Xadiithka
Al Nucmaanu Al Taymii\‫النعمان التيمي‬. Wuxuu yiri:
"Wuxuuna ka mid ahaa culummada yuhuudda ee Yaman\‫يمن‬. Markaasuu markuu maqlay warka
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu u yimid, uuna waxyaalo weydiiyey, kaddibna
wuxuu yiri:
"Aabahay wuxuu khatimay (xiray isagoo khaatim ku dhejiyay: waa ebyay) oo uu quful saaray
kitaab, wuxuuna yiri:
"Yuhuud ha u akhrin jeer aad maqashid Nabi kasoo baxay Yathrib\‫( يثرب‬Al Madiinah Al
Munawwarah\‫)المدينة المنورة‬. Markaad maqashid kitaabkaan fur."
Al Nucmaanu‫ النعمان‬wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
"Markaan ku maqlay ayaan kitaabka furay, mase waxaaba ku yaalla sifooyinkaaga aan kaaga
jeedo saacaddaan. Waxaa kaloo ku yaalla waxaad xalaaleyneyso iyo waxaad xaaraantimeyneyso.
Waxaa kaloo ku yaalla inaad adigu kan Anbiyada ugu khayr badan tahay, ummaddaaduna tan
ummadaha ugu khayr badan, magacaaguna uu yahay Axmad\‫أحمد‬, ummaddaaduna ay tahay Al
Xaamiduuna\‫( الحامدون‬oo macneheedu yahay kuwa xamdiga iyo mahdinta badan, oo Al Xamdu li
Allaahi\‫ الحمد هلل‬yiraahda), qurbaankooduna uu ayaga dhiiggooda yahay oo macneheedu yahay
jihaadka oo dhiiggodu ku daato, kutubbadoodana ay laabohooda ku sitaan (oo ah Quraanka oo
ay xafithaan oo ay quluubtooda laabaha ku jirta ku sitaan). Ayagu ma yimaadaan goob dagaal ee
waa illaa kan uu Jibriil\‫ جبريل‬goob joog yahay oo uu ayaga la jiro.
Ilaahay wuxuu u jecelyahay (ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) oo
uu ugu beer jilicsan yahay si la mid ah siduu gorgorku caruurtiisa u jecel yahay oo uu ugu beer
jilicsan yahay. Intaas kaddibna wuxuu aabahay igu yiri:
"Haddaad soo bixidda Nabigaas maqashid aad oo u tag, aaminna oo rumee."
Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jeclaa inay asxaabtiisu warkiisa
maqlaan. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri:
".‫"يا نعمان حدثنا‬
"Yaa Nucmaanu xaddithnaa",
oo macneheedu yahay:
181
"Nucmaanow noo warran".
Markaasuu Al Nucmaanu‫ النعمان‬Xadiithka awwalkiisa kasoo bilaabay. Markaasaa waxaa la arkay
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo maalintaas ilka caddaynaya, kaddibna
uu yiri:
".‫"أشهد أني رسول هللا‬
"Ashhadu annii Rasuulu Allaahi",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan marag ka ahay inaan anigu Rasuulka Ilaahay ahay."
Al Nucmaanu‫ النعمان‬waa isla midka uu dilay Al Aswadu Al Cansiyyu \‫األسود العنسي‬, uuna xubin
xubin u googooyey, isagoo leh:
"Muxammad waa Rasuulka Ilaahay, adiguna waxaad tahay beenlow Ilaahay ku been abuurtay".
Markuu sidaas u dilay ayuu kaddibna dab ku shiday oo uu gubay.
Al Aswadu Al Cansiyyu‫ األسود العنسي‬wuxuu sheegtay Nabinnimo iyo inuu yahay Rasuul Ilaahay
soo diray.
Sifayntiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam eek u dhignayd Tawradda
iyo Injiilka
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu Dalaa'ilu Al Nubuwwah\‫دالئل النبوة‬, mujalladka koowaad bogga saddex
boqol iyo sideed iyo toddobaatan Muqaatil bin Xayyaan\‫ مقاتل بن حيان‬uga wariyay inuu yiri:
"Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عز وجل‬, wuxuu u waxyooday Ciise ina Maryama\‫عيسى إبن مريم‬:
‫ فجعلتك آية‬،‫ إني خلقتك من غير فحل‬.‫ يا إبن الطاهر البكر البتول‬،‫ وأسمع وأطع‬،‫ وال تهزل‬،‫"جد في أمري‬
‫ أني أنا هللا الحي‬:‫ بلغ من بين يديك‬،‫ فسر ألهل سرانة بالسريانية‬.‫ وعلي فتوكل‬،‫ فإياي فاعبد‬.‫للعالمين‬
،‫ والهراوة‬،‫ والنعلين‬،‫ والعمامة‬،‫ صدقوا النبي األمي العربي صاحب الجمل والمدرعة‬.‫القيوم الذي الأزول‬
‫ األقنى‬،‫ األدعج العينين‬،‫ األهدب األشفار‬،‫ األنجل العينين‬،‫ المفروق الحاجبين‬،‫ الصلت الجبين‬،‫الجعد الرأس‬
‫ كأن عنقه إبريق‬،‫ ريحه المسك ينفح منه‬،‫ عرقه في وجهه كأنه اللؤلؤ‬،‫ الكث اللحية‬،‫ الواضح الجبين‬،‫األنف‬
‫ ليس على صدره‬،‫ له شعرات من لبته إلى سرته تجري كالقضيب‬،‫ وكأن الذهب يجري في تراقيه‬،‫فضة‬
،‫ وإذا مشى كأنما يتقلع من الصخر‬،‫ إذا جاء مع الناس غمرهم‬،‫ شظن الكف والقدم‬،‫وعلى بطنه شعر غيره‬
".‫ ذو النسل القليل‬.‫وينحدر في صبب‬
"‫ "جد في أمري‬Jidda fii amrii (Amarkeyga ku dadaal), ‫ وال تهزل‬Wa laa tahzal (hana
fududeysan), ‫ وأسمع وأطع‬Wa asmac wa adhic (oo intaad maqashid hoggaansan), ‫يا إبن الطاهر‬
‫ البكر البتول‬Yaa ibna al dhaahir al bikr al batuul (midkay dhashay midda daahiradda, bikrada
ah oo cibaadeysiga Ilaaheed u go' day, waana Maryama, Ciise hooyadiis). ‫إني خلقتك من غير فحل‬
lnni khalaqtuka min ghayri faxlin (Anigu waxaan ku abuuray aabe la'aan), ‫فجعلتك آية للعالمين‬
fa jacaltuka Aayatan lilcaalamiina (oo sidaasaan waxaan caalamiinta kaaga dhigay Aayad).
‫ فإياي فاعبد‬Fa Iyyaaya fa acbud (Marka, Aniga i caabud), wa calayya fa tawakkal (Anigana i
182
talo saaro).‫ فسر ألهل سرانة بالسريانية‬Fassir li ahli Suuraana bi al Saryaaniyyati (Dadka reer
Suuraan waxaad ugu fasirtaa afka saryaaniga. (Al Saryaaniyyiin \‫السريانيين‬, wuxuu kitaabkiisa
Muruuju Al Thahabi\‫ مروج الذهب‬Al Mascuudi\‫ المسعودي‬ku yiri: "Dadka qaarkiis waxay u arkeen
inay yihiin Al Nnabdhu\‫النيط‬, qaar kalena inay yihiin walaalaha Luudumaash bin Nabiidh. Qaar
kalena si taas ka duwan ayay u arkeen." Nabdhiyyiintu\‫ األنباط‬waxay degi jireen dalka maanta
Urdun\‫ أردن‬la yiraahdo iyo Suuriya\‫ سورية‬iyo waqooyiga jaziiradda Carabta, waxaana magaalo
madax u ahayd Al Batraa'a\‫ البتراء‬oo aarliga Urdun\‫ أردن‬ku taalla, ahna magaalo idil uu buuro
laga qoday oo ku dhex jirta. Nabdhiyyiintu\‫ األنباط‬waa awoowayaalka Quraysh\‫قريش‬, waxayna
ku abtirsadaan Naabit ina Nabi Ismaaciil\‫ إسماعيل‬Calayhimussalaamu. Awoowaha labaatanaad
ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waa Cadnaan \‫عدنان‬, oo Nabdhiyyiinta
\‫ األنباط‬Al Batraa'a\‫ البتراء‬madax iyo hoggaamiye u ahaa. Al Batraa'a\‫ البتراء‬waxay Al Quddus\‫القدس‬
u jirtaa qiyaas boqol iyo konton kiiloomitir, kana xigtaa xagga Koofur/Bari), ‫بلغ من بين يديك‬
balligh man bayna yadayka (waxaadna gaarsiisaa inta hortaada ah): ‫أني أنا هللا الحي القيوم‬Annii
Anaa Allaahu Al Xayyu Al Qayyuumu (Inaan Anigu ahay Allaahu, Midka nool, oo weligiis
noolaa, weligiisna noolaan doona oo aan weligiis dhimanayn, oo umuuraha addoommadiisa iyo
khalqigiisa u taagan oo u quma) ‫ الذي الأزول‬Allathii laa azuulu (Midka aan ebedkiis zuulayn oo
aan tegeyn oo aan dhimanayn). ‫ صدقوا النبي األمي العربي‬Saddiquu Al Nabiyya Al Ummiyya Al
Carabiyya (Waxaad rumaysaan Nabiga Ummiga ah (aan waxna dhigi aqoon, waxna akhrin
aqoon) oo Carabka ab, ‫ صاحب الجمل‬saaxiba al jamali (ratigana u saaxiibka ah (oo daabad ahaan
u fuula) ‫ والمدرعة‬wa al midracati (iyo gaashaanka), ‫ والعمامة‬wa al camaamati (cimaamadana
duuban), waana taajkee, ‫ والنعلين‬wa al naclayni (labbisanna labada naclayni :waa laba kabood
oo ah kuwa hadda sandalo la yiraahdo oo aan cagta daboolin),‫ والهراوة‬wa Al hiraawati (wa
hiya al qadiibu) (oo ah usha), ‫ الجعد الرأس‬al jacdu al ra'si (timaha madaxiisuna ayan yaleex iyo
jareer midna ahayn oo xabbad waynta ah), ‫ الصلت الجبين‬al saltu al jabiini (oo wajigiisu
waasaca yahay), ‫ المفروق الحاجبين‬al mafruuqu al xaajibayni (oo ay labadiisa xaajib (oo ah
sunnooyinka, wa timahee, labadiisa indhood korkooda ku yaalla) ayan isku dhegganeyn oo ayan
isku imaaneyn, balse ay kala go'an yihiin), ‫ األنجل العينين‬al anjalu al caynayni (oo ay jeexa
labadiisa inbdhoodna ay ballaaran yihiin oo ay weyn yihiin), ‫ األهدب األشفار‬، Al ahdabu al
ashfaari (oo ay baalashada labadiisa indhood timo badan yihiin ayna dheerdheeryihiin), ،
‫ األدعج العينين‬al adcaju al caynayni (oo labadiisa indhoodna intooda madow aad u madow
yihiin), ‫ األقنى األنف‬al aqnaa al anfi (oo sanqaroor leh), ‫ الواضح الجبين‬al waadixu al jabiini (oo
uu wajigiisu waadix muuqda yahay), ‫ الكث اللحية‬al kath-thu al llixyati (oo ay timaha garkiisu
badan yihiin), ‫ عرقه في وجهه كأنه اللؤلؤ‬caraquhu fii wajhihi ka annahu al lu'lu'u (oo uu
dhididkiisu wajigiisa ku yahay sida xabbadu luul ah oo kale), ‫ ريحه المسك ينفح منه‬riixu al miski
yanfaxu minhu (waxaana kasoo carfaya oo kasoo kaahaya carafta miskiga), ‫كأن عنقه إبريق فضة‬
ka anna cunuqahu ibriiqu fiddatin (luquntiisa waxaad moodda ibriiq qalin ka sameysan oo kale),
‫ وكأن الذهب يجري في تراقيه‬wa ka' anna al th-thahaba yajrii fii taraaqiihi (waana sida isagoo uu
dahab kalxamihiisa ku dureerayo oo kale), ‫ له شعرات من لبته إلى سرته تجري كالقضيب‬lahu
shacaraatun min labbatihi ilaa surratihi tajrii ka al qadiibi (Wuxuuna xoogaa timo ah oo yar ku
leeyahay inta u dhexeysa galowga -oo ah barta godan oo ay dhuuntu hoos ugu dhammaato oo
la iska dilo- ilaa xuddunta, timahaasoo sida ul u taxan), ‫ليس على صدره وعلى بطنه شعر غيره‬
laysa calaa sadrihi wa laa calaa badhnihi shacrun ghayruhu (Laabtiisa iyo calooshiisa midna timo
183
kale kuma yaalliin oo aan kuwaas ahayn), ‫ شظن الكف والقدم‬shathnu al kaffi wa al qadami
(gacantiisa iyo cagtiisuba waxay u janjeeraan xagga weynida, wayna xoog badan yihiin). ‫إذا جاء‬
‫ مع الناس غمرهم‬lthaa jaa'a maca al naasi ghamarahum (hadduu dad la socdo oo uu la yimaado
waa ka wada dheer yahay oo uu wada daboolaa), ‫ وإذا مشى كأنما يتقلع من الصخر‬wa ithaa mashaa
ka annamaa yataqallacu mina al sakhri (markuu socdana waxaad moodda inuu cagihiisa dhgax
kasoo fujinayo), ‫ وينحدر في صبب‬wa yanxadiru fii sababin (oo uu buur kasoo daadegayo). ‫ذو‬
‫ النسل القليل‬Thuu al nasli al qaliili (waxaana ka haraya ubad yar-, oo waxaad mooddaa inuu ula
dan leeyahay wiilashiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu laftiisu dhalay, oo
dhammaantood yaraanta xagga Ilaahood ugu noqday). Waxaa kaloo wariyay ibnu Casaakir ‫إبن‬
\‫عساكر‬.oo ku wariyay kitaabkiisa taariikhda Al mukhtasar\‫المختصر‬, mujalladka koowaad bogga
saddex boqol iyo afar iyo afartan.
Al Bicthah\‫البعثة‬: soo diridda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam
Al Bicthah‫ البعثة‬macneheedu waxaa weeye "soo diridda", waana soo diridda Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, insiga iyo jinniga Nabinnimo iyo Rasuulnimo loogu soo diray.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, afartan sano gaaray, ayuu Ilaahay
Tacaalaa wuxuu u soo diray isagoo raxmad caalamiinta u ah iyo dhammaan dadkoo idil, si uu
ugu bishaareeyo.
Wuxuu Ilaahay Tacaalaa hore ballan uga qaaday Nabi walba oo uu hortiis soo diray inuu
rumeeyo oo uu wuxuu la yimidna rumeeyo, uuna uga hiilliyo cidda khilaafta, wuxuuna ka
qaaday ballanka ah inay ballankaasna u gudbiyaan inta ayaga rumeysa oo raacda.
Anbiyada dhammaantoodna cahdigaas way oofiyeen, oo xaqqaas lagu leeyahay way gudbiyeen.
Wuxuuna Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri
Aayadda kow iyo sideetanaad ee Suuratu Aali Cimraana‫سورة آل عمران‬:
ٍ ِ ٍ َ‫النبِيِّين لَما آَرَْيرُ ُكم ِمن ِكر‬
‫ق ِل َما َم َع ُك ْم لَرُ ْؤ ِمُن َّن بِ ِه‬
ٌ ‫ص ِّد‬
ْ ْ
َ ‫اء ُك ْم َر ُسو ٌل ُم‬
َ ‫اب َوح ْك َمة ثَُّم َج‬
َ َ َّ
ِ ِ َّ ‫ال فَا ْشه ُدوا وأ ََنا مع ُكم ِمن‬
ِ
)81( ‫ين‬
َ َ‫ص ِري قَالُوا أَ ْق َرْرَنا ق‬
َ ‫َوأ‬
َ ‫الشاهد‬
َ ْ ََ َ َ
ْ ِ‫َخ ْذرُ ْم َعلَى َذل ُك ْم إ‬
‫اق‬
َ َ‫َخ َذ اللَّهُ ِميث‬
َ ‫َ لوِا ْذ أ‬
‫ال أَأَ ْق َرْررُ ْم‬
َ َ‫ص ُرَّنهُ ق‬
ُ ‫َولَرَْن‬
"Wa ith akhatha Allaahu miithaaqa Al Nabiyyiina: lamaa aataytukum mmin Kitaabin wa
Xikmatin thumma jaa'akum Rasuulun musaddiqun limaa macakum la tu'minanna bihi wa
la tansurannahu. Qaala: "A'aqrartum wa akhathtum calaa thaalikum isrii?" Qaaluu:
"Aqrarnaa!" Qaala: "Fa ash-haduu wa Anaa macakum mina al shaahidiina(81)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Xusuuso markuu ka qaaday Ilaahay ballan adag Anbiyada, oo ah:
"Waxaan idin siiyo oo Kitaab iyo Xikmad ah, oo uu markaas kaddib idiin yimaado Rasuul
rumaynaya waxaad haysataan, oo ah kutubbadooda, waa inaad (Rasuulkaas) rumaysaan, una
gargaartaan".
Wuxuu Ilaahay yiri:
184
"Ma qirteen oo ma ku qaadeen arrinkaas Ballankeyga?" oo ay ayaguna yiraahdeen:
"Waan qimay (oggolaannay) ballankaas."
Markaasuu ku yiri:
"Maraga ka noqda, oo Aniguna la jirkiinna ayaan ka mid noqonayaa kuwa ka marag kaca(81)."
Sidaas ayuu Ilaahay wuxuu dhammaan Anbiyada ka qaaday ballanka ah inay aaminaan, ayna
cidda khilaafta uga hiilliyaan, waxayna ballankaas u gudbiyeen oo kale inta ayaga laftooda
rumaysay oo aamintay oo ka mid ah kuwa labada Kitaab la siiyey (oo ah krishtaanka iyo
yuhuudda)".
Taariikhda Bicthada\‫تاريخ البعثة‬
Al Imaamu ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ األمام إبن حجر العسقالني‬iyo Imaam ibnu Kathiir\‫األمام إبن كثير‬,
siday uga wariyeen Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬iyo Al Azraqii\‫األزرقي‬, waxay yiraahdeen inay soo
diriddu ahayd maalin isniin ah oo ay bisha Ramadaan\‫ رمضان‬afar iyo labaatan habeen ka
gudbeen.
Cumrigiisa marka Waxyigu kusoo degay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬ku yiri:
"Waxa saxiix ah oo mash- huurka shaacsan oo la wada qabo ah inay dhalashadiisu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallarn, ahayd bisha Rabiicu Al Awwal\‫ربيع األول‬, oo sidaasey marka
Waxyiga lago soo dejiyay uu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallarn, afartan sano iyo lix bilood jir
yahay." Waa intaas warka ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬ee Al Fatxu\‫الفتح‬.
Inta qabta inay Bicthadu\‫ البعثة‬bisha Ramadaan\‫ رمضان‬dhexdeeda ahayd waxay xujjo ka
dhiganayaan Aayadda boqol iyo shan iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah \‫سورة البقرة‬, oo
oraneysa:
ِِ
َِّ ‫َشهر رمض‬
‫َن‬
ُ ‫ان الذي أ ُْن ِز َل فيه اْلقُ ْآر‬
َ َ َ َ ُْ
"Shahru Ramadaana allathii unzila fiihi Al Qur'aanu(185)",
oo macneheedu yahay:
" bisha Ramadaan\‫ رمضان‬ee lasoo dejiyay dhexdeeda Quraanka."
Culummada sidaas qabtana waxay yiraahdeen:
"Waxa ugu horreeya oo uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ku karaameeyey Nabinnimadiisa waa soo
dejinta Quraankuu kusoo dejiyay."
Taasi waxaa weeye inay soo degidda Quraanku bisha Ramadaan\‫ رمضان‬bilaabatay.
Axrnad\‫ أحمد‬iyo ibnu Jariir\‫ إبن جرير‬Al Dhabarii\‫ الطبري‬iyo Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬iyo Al Bayhaqii
\‫ البيهقي‬waxay ‫ واثلة‬Waathilah ka wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
185
‫قال اإلمام أحمد حدثنا أبو سعيد مولى بني هاشم حدثنا عمران أبو العوام عن قتادة عن أبي المليح عن واثلة بن األسقع أن‬
‫رسول هللا صلى هللا عليه وسلم قال أنزلت صحف إبراهيم في أول ليلة من رمضان وأنزلت التوراة لست مضين‬
‫من رمضان واإلنجيل لثالث عشرة ليلة خلت من رمضان وأنزل القرآن ألربع وعشرين خلت من رمضان‬
"Unzilat Suxufu Ibraahiima fii awwali laylatin min Ramadaana, wa unzilat Al Ttawraatu
li sitti maadiina min Ramadaana, wa unzilati Al Injiilu li thalaatha cashrah khalat min
Ramadaana, wa unzila Al Zzabuuro li thamaani cashrah khalat min Ramadaana, wa
anzala Allaahu Al Qur'aana li arbaca wa cishriina khalat min Ramadaana."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Suxufta lbraahiim\‫ صحف إبراهيم‬waxaa lasoo dejiyay habeenka ugu horreeya ee Ramadaan
\‫رمضان‬, Tawraaddana\‫ التورات‬waxaa lasoo dejiyay markay lix ka gudubtay Ramadaan \‫ رمضان‬,
Injiilkana\‫ األنجيل‬waxaa lasoo dejiyay markay saddex iyo toban ka gudubtay Ramadaan \‫ رمضان‬,
Zabuurna\‫ الزبور‬waxaa lasoo dejiyay markay sideed iyo toban ka gudubtay Ramadaan \‫ رمضان‬,
Ilaahyna wuxuu Qur' aanka\‫ القرآن‬soo dejiyay markay afar iyo labaatan ka gudbeen Ramadaan
\‫رمضان‬."
Al Xaafith ibnu Xajar\‫ الحافظ إبن حجر‬wuxuu Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii ‫فتح‬
\‫ الباري بشرح صجيج البخاري‬ku yiri:
"Xadiithkaani wuxuu ku dhabbaqan yahay Hadalka Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬ee ah
ِِ
َِّ ‫َشهر رمض‬
‫َن‬
ُ ‫ان الذي أ ُْن ِز َل فيه اْلقُ ْآر‬
َ َ َ َ ُْ
"Shahru Ramadaana allathii unzila fiihi Al Qur'aanu",
oo macneheedu yahay: "bisha Ramadaan\‫ رمضان‬ee lasoo dejiyay dhexdeeda Quraanka", iyo
‫أنا أنزلناه في ليلة القدر‬
"Innaa anzalnaahu fii laylati Al Qadri(1)"
oo macnheedu yahay:
"Annagaa soo dejinnay Quraanka habeenka Laylatu Al Qadarka‫( ليلة القدر‬1)." Waana Aayadda
koowaad ee Suuratu Al Qadri\‫سورة القدر‬. Intaasuu ku egyahay warka ibnu Xajar\‫إبن حجر‬.
Soo degidda Quraanka
Markaas kaddib Quraanku wuxuu usoo degay Aayado kala gogo' an: ama shan Aayadood ama
toban ama ka badan ama ka yar, hadba siday dhacdooyinku yihiin. Waxaa saxiix ah inay tobanka
Aayadood ee qisada ifkiga\‫ قصة األفك‬ee Suuratu Al Nuur\‫ سورة النور‬mar soo wada degeen, siday
saxiix u tahay inay tobanka Aayadood ee ugu horreeya Suuratu Al Mu'minuun \‫ سورة المؤمنون‬mar
soo wada degeen.
Waxaa ayaduna saxiix ah inay
186
ِ
‫َّرِر‬
َ ‫َغ ْي ُر أُولي الض‬
"Ghayru uulii al ddarari"
oo macneheedu yahay
"oo aan kuwa dhibban ahayn"
ay keligeed soo degatay, waana qayb ka mid ah Aayadda shan iyo sagaashanaad ee Suuratu Al
Nisaa'i\‫سورة النساء‬.
Sidaasoo kale waxaa keligeed soo degatay
ً‫َ لوِا ْن ِخ ْفرُ ْم َعْيلَة‬
"Wa in khiftum caylatan"
oo macneheedu yahay:
"Haddad ka cabsataanna saboolnimo", ahna qayb ka mid ah Aayadda sideed iyo labaatanaad ee
Suuratu Tawbah\‫سورة التوبة‬, ilaa dhammaadka Aayadda, waxay soo degatay mar ka dambeysey
Aayadda inteeda hore usoo degatay.
Ibnu Abii Shaybah\‫ إبن أبي شيبة‬wuxuu wariyay inuu Cikrimah\‫ عكرمة‬yir:
"Ilaahay wuxuu Quraanka usoo dejiyay qayb qayb ka kooban saddex Aayadood ama afar
Aayadood ama shan Aayadood."
Al Bayhaqiina\‫ البيهقي‬wuxuu wariyay inuu Cumar\‫ عمر‬yiri:
"Quraanka u barta shan shan Aayadood, maxaa yeelay Jibriil wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kusoo dejinjiray shan shan."
Quraanku wuxuu soo degayey, isagoo qaybo qaybahaas ah muddo ku siman saddex iyo labaatan
sano, ayadoo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray isagoo afartan jir ah,
cimrigiisa adduunkaanna uu saddex iyo lixdan sano ahaa.
Culummo kalena waxay tiri in Quraanka isagoo idil habeenkay ahayd Laylatul Qadarka \‫ليلة القدر‬
laga soo dejiyey ‫اللوح المحفوظ‬Lawxul Maxfuuthka lana keenay ‫ بيت العزة‬Baytu Al Cizzaati
(Guriga Cizzada) ee ku yaalla Samadaan Adduunka ee dhow.
Macnaha soo dejinta Quraanka
Al Casqalaanii\‫ العسقالني‬wuxuu yiri: "Al Asfahaanii\‫ اإلسفهاني‬wuxuu yiri:
"Waxay Ehelu Al Sunnah wa Al Jamaacah\‫ أهل السنة والجماعة‬isku waafaqeen in Hadalka Ilaahay
lasoo dejiyay, waxayse isku khilaafeen soo dejinta macneheeda. Waxaana la yiri: waa muujinta
akhrintiisa. Waxaa kaloo la yiri: Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬wuxuu Hadalkiisa ilhaamiyey Jibriil
\‫ جبريل‬isagoo Samada kore ku sugan. Markaasuu baray sida loo akhriyo. Markaas kaddib ayuu
Jibriil\‫ جبريل‬arliga ula soo degay oo uu sidaas Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu
gudbiyey.
‫‪187‬‬
‫‪ wuxuu yiri:‬القطب الرازي\‪Al Qudhbu Al Raazii‬‬
‫‪"Macnaha soo dejinta Kutubbada Rususha lagu soo dejiyo waxaa weeye inuu marka hore‬‬
‫‪Malaggu intuu u fahmo si dhakhso leh, oo uu Ilaahay uga barto si ruuxaani ah, ama uu kasoo‬‬
‫"‪, uu markaas intuu lasoo dego uu ayaga u gudbiyo.‬اللوح المحفوظ\‪xifthiyo Lawxul Maxfuuthka‬‬
‫‪ wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo‬جبريل\‪Quraanka ka sokow, Jibriil‬‬
‫‪ ah oo idil, sidayba noogu caddeeyeen Aayadaha‬السنة الشريفة\‪dejiyay Sunnada Shariifka‬‬
‫‪:‬سورة النجم\ ‪sadex iyo afar iyo shan ee Suuratu Al Najmi‬‬
‫َّ‬
‫يد اْلقُ َوى (‪)7‬‬
‫وحى (‪َ )2‬علَّ َمهُ َشِد ُ‬
‫َو َما َي ْن ِط ُ‬
‫ق َع ِن اْلهَ َوى (‪ )3‬إِ ْن ُه َو إَِل َو ْح ٌي ُي َ‬
‫‪"Wa maa yandhiqu cani al hawaa(3)In huwa illaa Waxyun yuuxaa(4)Callamahu‬‬
‫")‪shadiidu al quwaa(5‬‬
‫‪Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:‬‬
‫‪"Kamana hadlo hawadiisa(3 )Mana uusan aha waxaan ahayn Waxyi loo waxyooday(waana‬‬
‫‪wuxuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku hadlo, oo ah‬‬
‫‪Sunnadiisa)(4)Waxaana wax baray (oo xagga Ilaahay kasoo gaarsiiyey) ku xoog wayn (oo‬‬
‫"‪ah Malag Jibriil)(5).‬‬
‫بدء الوحي\‪Bilaabashada Waxyiga‬‬
‫‪" ee saxiixiisa uga wariyay‬كتاب التعبير\‪ wuxuu kitaabka "Al Tacbiiri‬البخاري\‪Al Bukhaarii‬‬
‫‪ Xadiithkaan:‬عائشة\‪Caa'ishah‬‬
‫أول ما بدء به رسول هللا صلى هللا عليه وسلم من الوحي الرؤيا الصادقة في المنام‪ .‬فكان ال يرى رؤيا‬
‫إال جائته مثل فلق الصبح‪ .‬فكان يأتي حراء فيتحنف به وهو التعبد الليالي ذوات العدد ويتزود لذالك‪.‬‬
‫ثم يرجع إلى خديجة فتزوده لمثلها‪ ،‬حتى فجأه الحق وهو في غار حيراء‪ .‬فجاءه الملك فيه فقال‪:‬‬
‫"اقرأ" فقال‪" :‬ما أنا بقارئ"‪ ،‬قال‪" :‬فأخذني فغطني حتى بلغ مني الجهد ثم أرسلني فقال‪" :‬اقرأ"‪ ،‬فقلت‬
‫"ما أنا بقارئ"‪ ،‬فأخذني فغطني الثانية حتى بلغ مني الجهد ثم أرسلني فقال‪" :‬اقرأ"‪ ،‬فقلت‪" :‬ما أنا‬
‫بقارئ"‪ ،‬فأخذني فغطني الثالثة حتى بلغ مني الجهد ثم أرسلني فقال‪" :‬اقرأ باسم ربك الذي خلق خلق‬
‫االنسان من علق اقرأ وربك األكرم الذي علم بالقلم علم االنسان ما لم يعلم"‬
‫فرجع بها رسول هللا صلى هللا عليه وسلم يرجف فقال‪ ":‬زملوني زملون"‪ .‬فزملوه حتى ذهب عنه الروع‪.‬‬
‫فقال‪" :‬يا خديجة! ما لي؟" وأخبرها الخبر فقال‪" :‬قد خشيت على نفسي‪".‬‬
‫فقالت له‪" :‬كال وهللا ال يخزيك هللا أبدا إنك لتصل الرحم‪ ،‬وتحمل الكل وتكسب المعدوم وتقري الضيف‬
‫وتعين على نوائب الحق‪ ".‬ثم أنطلقت به خديجة حتى أتت به ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى بن‬
‫قصي وهو إبن عم خديجة أخو أبيها‪ ،‬وكان امرأ تنصر في الجاهلية وكان يكتب الكتاب العربي فيكتب‬
‫بالعربية من اإلنجيل ما شاء هللا أن يكتب‪ ،‬وكان شيخا كبيرا قد عمي‪ ،‬فقالت له خديجة‪" :‬أي إبن عم!‬
‫أسمع من إبن أخيك!" فقال ورقة‪" :‬إبن أخي ما ترى؟" فأخبره النبي صلى هللا عليه وسلم ما رأى‪.‬‬
‫فقال ورقة‪" :‬هذا الناموس الذي أنزل على موسى! يا ليتني فيها جذعا أكون حيا حين يخرجك‬
‫قومك‪ ".‬فقال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‪ " :‬أو مخرجي هم؟"قال ورقة‪" :‬نعم‪ ،‬لم يأت رجل قط بما‬
‫جئت به إال عودي‪ ،‬وإن يدركني يومك أنصرتك نصرا مؤزرا‪".‬‬
188
"Awwalu maa budi'a bihi Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mina
Al Waxyi al rru'yaa al saadiqatu fii al nnawmi. Fa kaana la yaraa ru'yaa illaa
jaa'athu mithla falaqi al ssubxi. Fa kaana ya'tii Xiraa'an fa yataxannathu fiihi wahwa
al ttacabbudu al llayaaliya thawaati al cadadi wa yatazaawwadu li thaalika. Thumma
yarjicu ilaa Khadiijata fa tuzawwiduhu li mithlihaa, xattaa faji'ahu Al Xaqqu wa
huwa fii ghaari Xiraa'in. Fa jaa'ahu Al Maliku fiihi fa qaala:
"Iqra'''. Fa qaala lahu Al Nabiyyu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam: "Maa anaa bi
qaari'in". Fa akhathanii fa ghadh-dhanii xattaa balagha minnii al jahda. Thumma
arsalanii fa qaala: "Iqra'" Fa qultu: ""Maa anaa bi qaari'in". Fa akhathankii fa
ghadh-dhanii al thaaniyata xatta balagha minnii al jahda. Thumma arsalanii fa qaala:
"Iqra'''. " Fa qultu: ""Maa anaa bi qaari'in". Fa akhathanii fa ghadh-dhanii al ththaalithata xatta balagha minnii al jahda. Thumma arsalanii fa qaala: "Iqra' bi Ismi
Rabbika Allathii khalaqa xatta balagha maa lam yaclam." Fa rajaca bihaa tarjufu
bawwaadiruhu xatta dakhala calaa Khadiijata fa qaala: "Zammiluunii
Zammiluunii." Fa zammaluuhu xatta thahaba canhu al rrawcu. Fa qaala: "Yaa
Khadiijatu Maa lii?" Wa akhbarahaa al khabara wa qaala: "Qad khashaytu calaa
nafsii." Fa qaalat lahu:
"Kallaa. Fa wa Allaahi laa yukhziika Allaahu abadan! lnnaka la tasilu al rraxima wa
tasduqu al xadiitha wa taxmilu al kalla wa taqrii al ddayfa, wa tuciinu calaa
nawaa'ibi al xaqqi."
Thumma indhalaqat bihi Khadiijatu xattaa atat bihi Waraqata bina Nawfali bini
Asadi bini Cabdi Al Cuzzaa bini Qusayyin wahwa ibnu cammi Khadiijata akhuu
abiihaa, wa kaana imra'an tanassara fii al jaahiliyyati wa kaana yaktubu al kitaaba
Al Carabiyya fa yaktubu bi Al Carabiyyati mina Al Injiili maa shaa'a Allaahu an
yaktuba, wa kaana shaykhan kabiiran qad camiya, fa qaalat lahu Khadiijatu: "Ay ibna
cammi! Asmac min ibni akhiika." Fa qaala Waraqatu: "Ibna akhii maa thaa taraa?" Fa
akhbarahu Al Nabiyyu, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam, maa ra'aa. Fa qaala Waraqatu:
"Haathaa Al Naamuusu allathii unzila calaa Muusaa! Yaa laytanii fiihaa jathacan akuunu
xayyan xiina yukhrijuka qawmaka." Fa qaala Rasuulu Allaahi, Sallaa Allaau Calayhi
Wasallam:
"Awa mukhrijiyya hum?"
Fa qaala Waraqatu "Nacam, lam ya'ti rajulun qadh-dhu bimaa ji'ta bihi illaa cuudiya, wa
in yudriknii yawmuka ansurka nasran mu'azzaran." Thumma lam yanshab Waraqatu an
tuwuffiya.
Joogsiga Waxyiga
‫وفتر الوحي حتى حزن النبي صلى هللا عليه وسلم فيما بلغني حزنا غاط منه مرارا كي يتردد من رؤوس‬
‫ "يا محمد! إنك رسول هللا‬:‫ فكلما أوفا بذروة جبل لكي يلقي منه نفسه تبدى له جبريل فقال‬.‫شواهق الجبال‬
‫ فإذا أوفا بذروة‬.‫ فيرجع فإذا طالت عليه فترة الوحي غدا لمثل ذلك‬.‫حقا!" فيسكن لذلك جأشه وتقر نفسه‬
".‫ "فالق اإلصباح ضوء الشمس بالنهار وضوء القمر بالليل‬:‫" قال إبن عباس‬.‫جبل تبدى له مثل ذلك‬
Wa fatara Al Waxyu fatratan xattaa xazina Al Nabiyyu, Sallaa Allaau Calayhi Wasallam,
fiimaa balaghanaa xuznan ghadaa minhu miraaran kay yataraddaa min ru'uusi
shawaahiqi al jibaali. Fa kullamaa awfaa bi thirwati jabalin likay yulqiya minhu nafsahu
tabaddaa lahu Jibriilu fa qaala: "Yaa Muxammadu! Innaka Rasuulu Allaahi xaqqan!" Fa
189
yaskunu li thaalika ja'shuhu wa taqirru nafsuhu. Fa yarjicu fa ithaa dhaalat calayhi
fatratu Al Waxyi ghadaa li mithli thaalika. Fa ithaa awfaa bi thirwati jabalin tabaddaa
lahu mithla thaalika." Qaala ibnu Cabbaasin: "Faaliqu al isbaaxi daw'u al shamsi bi al
nnahaari wa daw'u al qamari bi alllayli."
Waana Xadiithka tirsigiisu yahay lix kun iyo sagaal boqol iyo labo iyo sideetan ee saxiixu Al
Bukhaarii\‫البخاري‬.
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxa ugu horreeyey oo uu Waxyiga kusoo dega Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku bilowday waxay ahayd riyo run ah oo uu arko isagoo hurda.
Markaasuu markuu riyo arko waxay riyadu u caddayd sida subuxu ama waabarigu u cad yahay
oo uu u iftiimayooo kale (oo waxay ahayd riyo aan beeni ku jirin iyo shaki, in la fasirana aan u
baahnayn ayadooba iska caddayd).
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu tegi jiray (godka magaciisu yahay
Ghaaru Xiraa'a\‫ غار حراء‬ee ku yaalla buurta ku taalla Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ee la
yiraahdo Jabalu Al Nuuri\‫جبل النور‬, halkaasoo uu ku cibaadeysan jiray, kuna jiri jiray habeenno
(iyo maalmohooda) badan. (cibaadeysigiisuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa
mid fikriga ah, siduu jamhuurku u yiri, isagoo ku taagan Al Xanafiyyah\‫الحنفية‬, oo ah Diinta
Ibraahiim\‫)إبراهيم‬. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoggaas markuu aadayana saad
ayuu qaadan jiray (saadkiisa ama cunnadooduna waxay ahayd hilib iyo caano, kuwaasoo aan
wax badan raagayn ee fasaadaya, isaguna uu godkaas bil ku ictikaafi jiray iyo inuu u qumo
xaajooyinka qoyskiisaba).
Kaddibna wuxuu usoo laaban jiray Khadiijah\‫خديجة‬, taasoo hadana siin jirtay saad kii la mid ah
(intuu ictikaafka ku jiro). Sidaas isagoo ku sugan ayaa waxaa kadiyay Xaqqa \‫( الحق‬Xaqqa
macnihiisu waxaa weeye arrinka xaqqa ah oo ah Waxyiga oo Xaq loogu magacaabay isagoo ka
yimid xagga Ilaahay. Ama waa Rasuulka Xaqqa, oo markaas Xaqqu waa Jibriil\‫ )جبريل‬isagoo
hogga Xiraa'a\‫ حراء‬ku jira.
Markaasaa waxaa u yimid Malagga (Jibriil\‫)جبريل‬. Markaasuu wuxuu yiri:
"Akhri."
Markaasaan waxaan iri:
"Anigu ma aqaanno sida wax loo akhriyo".
Markaasuu i qabtay oo intuu si xoog leh isku kay duubay i camajuujiyay ilaa heer aan ka
mashaqqooday oo aan dhibtooday. Kaddibna wuu i sii daayey. Markaasuu hadana wuxuu yiri:
"Akhri."
Markaasaan waxaan iri:
"Anigu ma aqaanno sida wax loo akhriyo".
Markaasuu markii labaad i qabtay oo intuu si xoog leh isku kay duubay i camajuujiyay ilaa heer
aan ka mashaqqooday oo aan dhibtooday. Kaddibna wuu i sii daayey. Markaasuu hadana wuxuu
yiri:
""Akhri."
190
Markaasaan waxaan iri:
"Anigu ma aqaanno sida wax loo akhriyo".
Markaasuu markii saddexaad i qabtay oo intuu si xoog leh isku kay duubay i camajuujiyay ilaa
heer aan ka mashaqqooday oo aan dhibtooday. Kaddibna wuu isii daayey. Markaasuu hadana
wuxuu yiri:
‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ِْ ‫ق‬
ٍ َ‫ان ِم ْن َعل‬
‫) َعلَّ َم‬2( ‫) الَِّذي َعلَّ َم بِاْل َقلَِم‬3( ‫ُّك ْالَ ْك َرُم‬
َ ‫) ا ْق َْأر َوَرب‬2( ‫ق‬
َ ‫اسِم َرب‬
َ َ‫) َخل‬1( ‫ق‬
َ َ‫ِّك الَِّذي َخل‬
َ ‫اْل ْن َس‬
ْ ِ‫ا ْق َْأر ب‬
ِْ
)7( ‫ان َما لَ ْم َي ْعلَ ْم‬
َ ‫اْل ْن َس‬
"Iqra' bi Ismi Rahbika Allathii khalaqa(1)Khalaqa al insaana min calaqin(2)Iqra' wa
Rabbuka Al Akramu(3)Allathii callama bi al qalami(4)Callama al insaana maa lam
yaclam(5)"
Aayadaha, oo ah Aayadaha koowaad ilaa shanaad ee Suuratu Al Calaqi \‫ سورة العلق‬macnohoodu
waxaa weeye:
"Wax ku akhri (nabiyow) Magaca Rabbigaa‫ك‬
َ ِّ‫اسِم َرب‬
ْ ِ‫ ب‬ee khalqiga abuuray(1 )Dadkana ka
abuurau xinjir(2)Akhri Rabbigaana waa Kan sharafta leh(3)Midka dadka baray sida qalinka wax
loogu dhigo(4)Dadkana baray waxayan aqoonin(5)".
Al Xaafith ibnu Xajar\‫ الحافظ إبن حجر‬wuxuu yiri:
"Waxaa dhici karta inay xikmada ku jirta in iqra' lagu celceliyay ay tahay inuu iimaanka
Waxyiga sababtiisa ka dhalanaya uu koobayo saddex kala ah:
(Kow) Hadalka,
(Labo) Camalka iyo
(Saddex) Niyada, ayadoo uu Waxyiguna (waana Quraankee) saddex ka kooban yahay:
(Kow) Tawxiidka midnimada Ilaahay,
(Labo) Axkaamta iyo
(Saddex) Qisaska.
Qaalli Shurayx‫ القاضي شريح‬wuxuu saddexdaas goor oo uu Jibriil\‫ جبريل‬Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, isku duubay oo uu camajuujiyay ilaa heer uu ka dhibtoodo kala soo dhex
baxay inaan ardayga Quraanka la barayo lagu dilin saddex goor mooyee, siduu Jibriil \‫جبريل‬
isugu duubay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sadeexdaas goor.
Isku duubidda iyo camajuujinta
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Xikmada ku jirta inuu Jibriil\‫ جبريل‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isku duubay oo
uu camajuujiyay waa saddex:
(Kow) inuusan, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, arrin kale u jeesan oo uusan waxa loo
sheegayo ka mashquulin,
(Labo) Muujin waynaanta iyo xoogga arrinkaan iyo
(Saddex) Ku baraarujin culayska hadalka lagu tuuryo."
191
Salaamid iyo cawthibillaysi
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
”ibnu Jariir Al Dhabarii\‫ إبن جرير الطبري‬wuxuu wariyay inuu Jibriil\‫ جبريل‬marka ugu horreysa oo
uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Quraan kusoo dejiyay uu ku amray inuu
cawthibilleysto, siduu uga wariyay ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, oo yiri:
‫ "استعيذ بالسميع العليم‬:‫ قال‬،"‫ "يا محمد استعذ‬:‫"أول ما نزل جبريل على محمد صلى هللا عليه وسلم قال‬
".‫ "إقرأ بسم ربك الذي خلق‬:‫" ثم قال‬."‫ "قل "بسم هللا الرحمن الرحيم‬:‫" قال‬.‫من الشيطان الرجيم‬
Awwala maa nazala Jibriilu calaa Muxammadin Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam qaala:
”yaa Muxammad istacith!” Qaala: ” "Acuuthu bi Al Ssamiici Al Caliimi mina al shshaydhaani al rrajiimi". Qaala: ”qul: ”Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi”.”
Thumma qaala: ”Iqra’ Bimi Rabbika Allathii khalaqa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Marka ugu horreysa oo uu Jibriil\‫ جبريل‬kusoo degay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu yiri: "Muxammadow, cawthibilleyso! Markaasuu wuxuu yiri:
‫أعوذ بالسميع العليم من الشيطان الرجيم‬
"Acuuthu bi Al Ssamiici Al Caliimi mina al sh-shaydhaani al rrajiimi",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan magan galay Midka wax walba maqla, wax walbana u cilmi leh, kana magan galay
shaydhaanka la rajmiyo oo la fogeeyey."
Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu yiri:
"Waxaad tiraahdaa ‫ بسم هللا الرحمن الرحيم‬Bi Ismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi".
Markaas kaddib ayuu wuxuu yiri:
"‫ق‬
َ ‫اسِم َرب‬
َ َ‫ِّك الَِّذي َخل‬
ْ ِ‫ا ْق َْأر ب‬
Iqra' bi Ismi Rabbika Allathii khalaqa".
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu yiri:
"Waana Suuradda ugu horreysey oo uu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa
kusoo dejiyay."
1bnu Kathiirna\‫ إبن كثير‬wuxuu yiri: "kani waa Xadiith ghariib\‫ غريب‬ah
Ku noqosho Xadiithka Waxyiga
Caa'isha\‫ عائشة‬waxay tiri:
"Markaasuu la soo noqday (waana Quraanka lagu soo dejiyay iyo wixii dhacayba), ayadoo uu
daqayga labadiisa garab u dhexeeya dubaaxinayo (ujeedadeeduna ay tahay isagoo, Sallaa
192
Allaahu Calayhi Wasallam, wada jaraynaya oo gariiraya), oo uu Khadiijah\‫( خديجة‬guriga) usoo
galay, uuna uga warramay wixii dhacay, kaddibna wuxuu yiri:
".‫" زملوني زملون‬
“Zammiluunii, zammiluunii.”
Oo macneheedu yahay:
”i duuduuba (oo maro ama buste igu duuduuba)".
Markaasaa la duuduubay ilaa ay cabsidu ka tagtay. Markaasuu wuxuu yiri:
"‫"يا خديجة! ما لي؟‬
"Yaa Khadiijatu Maa lii?"
oo macneheedu yahay:
"Khadiijoy‫ يا خديجة‬, waa maxay waxa ii sugnaaday, si ay iigu sugnaato waxa ii sugnaaday?"
Markaasuu khabarka wixii dhacay u sheegay. Kaddibna wuxuu yiri:
".‫"قد خشيت على نفسي‬
"Qad khashaytu calaa nafsii",
oo macneheedu yahay:
"Nafteydaan u baqay."
Khadiijah‫ خديجة‬waxay tiri:
،‫ وتقري الضيف‬، ‫وتحمل الكل‬،‫ وتصدق الحديث‬،‫ فوهللا إنك لتصل الرحم‬،‫ فوهللا اليخزيك هللا أبدا‬،‫"كال أبشر‬
".‫وتعين على نوائب الحق‬
“Kallaa abshir, fa wa Allaahi laa yukhziika Allaahu Abadan, fa wa Allaahi innaka la tasilu
al raxima, wa tusaddiqu al xadiitha, wataxmilu al kalla, wa taksibu al macnduuma, wa
taqrii al dayfa, wa taciinu calaa nawaa’ibi al xaqii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Sidaas ha oran, ama ha cabsan ee abshir oo bishaareyso, oo wa Allaahi‫ وهللا‬inuusan Ilaahay
ebedkiis ku fadeexeeyneyn, maxaa yeelay:
(Kow) adigu riximka, oo ah qaraabada, ayaad xiriirisaa (xagga maalka, xagga u qumidda u
adeeggooda, booqashadooda, salaamiddooda, iwm.),
(Laba) runtaadna ku hadashaa (oo weligiis been ma sheegin, lagumana tuhmin Nabinnimada
horteed, siduu Abuu Sufyaan\‫أبو سفيان‬, oo markaas gaal cadawgiisa ah uu Boqorka Roomaanka
Hirqal\‫ هرقل‬hortiis ugu qiray. Runlownimaduna waa sifooyinka ugu sharaf badan oo uu qofku
yeesho),
(Saddex) waxaadna culayska ka qaaddaa oo aad ka xambaartaa kuwa taagta daran (sida ciyaalka
193
agoonta ah iyo kuwa sidoodaba u taagta daran. Muslim\‫ مسلم‬wuxuu ku daray inay tiri: ‫"وتكسب‬
‫"المعدوم‬oo macneheedu yahay: "waxaad dadkana siisaa waxayan ghayrkaa ka heleyn”),
(Afar) martidana cuntadaad inta samaysid siisaa iyo meeluu ku hoydaba,
(Shan) dadkana waxaad ka taakulaysaa dhacdooyinka ku yimaada."
Khadiija‫ خديجة‬hadalkeedaasu wuxuu caddeynayaa ballaarnaanta caqligeeda iyo fiqigeeda,
ayadoo koobtay dhammaan anwaacda makaarimta akhlaaqda, ayadoo uu biyo shubadka
hadalkeedu yahay: haddaad intaasoo wanaaga leedahay, waxaad kahato kugu dhici mayaan,
taasoo daliil u ah inay wanaagga akhlaaqdu celiso waxa la kahdo, ayna sabab u tahay
nabadgelidda.
Khadiijah‫ خديجة‬iyo Caddaas‫عداس‬
Markaasey Khadiijah‫ خديجة‬, siduu Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬uga soo guuriyay Sulaymaan Al
Taymiyyi\‫ سليمان التيمي‬iyo Muusaa bin Cuqbah\‫موسى بن عقبة‬, soo baxday oo ay u timid nin
addoon ah oo uu lahaa Cutbah bin Rabiicah\‫عتبة بن ربيعة‬. Addoonkaasu wuxuu ahaa krishtaan,
wuxuuna ka mid ahaa dadka degah degmada Niinawaa\‫( نينوى‬waana magaalada Nabi
Yuunus\‫ يونس‬Calayhissalaamu ee ku taalla waqooyiga Ciraaq\‫)عراق‬, magaciisuna ahaa
Caddaas\‫عداس‬.
Markaasey waxay ku tiri:
"‫"أذكرك هللا! إال ما أخبرتني هل عندكم علم من جبريل؟‬
“Uthakkiruka Allaaha! Illaa maa akhbartanii hal cindakum cilmun lk Jibriil?”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay ayaan ku xusuusinayaaye ee waa illaa inaad ii sheegtid inaad u cilmi leedihiin Jibriil
\‫جبريل‬." Markaasuu Caddaas wuxuu yiri: "Qudduusun, Qudduusun،‫ قدوس‬،‫ !قدوس‬Sayyidda
haweenka Qurayshey\‫ !سيدة نساء قريش‬Muxuu yahay arrinka lagu xusayo arligaan uu dadkeedu
yahay dad asnaamta caabuda?"
Markaasey waxay tiri:
".‫"أخبرني بعلمك فيه‬
“Akhbirnii bi cilmika fiihi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"ii sheeg waxaad ka ogtahay."
Wuxuu yiri:
"Jibriil\‫ جبريل‬waa Amiinka\‫ أمين هللا‬dhex socda Ilaahay iyo Anbiyada, waana saaxiibka u imaan
jiray Muuse\‫ موسى‬iyo Ciise\‫عيسى‬."
Markaasey Caddaas\‫ عداس‬kasoo gaddoontay oo ay gurigeeda kusoo laabatay. Markaasey
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la baxday oo ay ula tagtay Waraqah bin Nawfal ‫ورقة‬
\‫بن نوفل‬.
194
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iyo Waraqah bin Nawfal\‫ ورقة بن نوفل‬.
Waraqah bin Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy ‫ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى بن‬
\‫قصي‬, sidaan usoo aragnay wuxuu ahaa ina adeerka laxmiga ah ee Khadiijah bintu Khuwaylid bin
Asad bin Cabdu Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy\‫خديجة بنت خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي‬,
wuxuuna ahaa nin caabudidda snaamta ka tegey oo krishtaan noqday Islaamka hortiis.
Wuxuuna ahaa nin dhigidda farta Carabiga yaqaanna. Markaasuu wuxuu farta Carabiga ku dhigi
jiray Kitaabka Injiilka, ugana dhigi jiray intuu Ilaahay doono inuu dhigo. Injiilku wuxuu ku
dhignaa afka Saryaaniga\‫السريانية‬, Tawraaduna afka Cibriga\‫العبرية‬.
Marka Waraqah‫ ورقة‬, siduu Al Nawawii\‫ النووي‬u yiri iyo ibnu Xajarba\‫ إبن حجر‬wuxuu
kutubbadaas ku dhigi jiray afafka Carabiga\‫ العربية‬iyo Cibrigaba‫العبرية‬.
Al Xaafith ibnu Xajar\‫ الحافظ إبن حجر‬wuxuu yiri: "
Waxaan (Waraqah‫ ) ورقة‬ugu sifeeyey inuu Injiilka\‫ اإلنجيل‬dhigi jiray, oo aan u oran waayey wuu
xifthin jiray, ayadoo xifthinta Tawraadda\‫ التورات‬iyo Injiilkuba\‫ اإلنجيل‬ayan ahayn kuwo la sahlay,
sida loo sahlay xifthinta Quraanka\‫القرآن‬, oo ummaddaan lagu gooni yeelay, taasoo u sabab ah
in sifadeeda (waa ummaddaane) ay ka mid tahay: ‫ أناجيلهم في صدورهم‬Anaajiluhaa fii suduurihaa
(oo ah kutubbadooda laabohooda ayay ku sitaan, oo waa Quraanka ayay qalbigooda ku sitaan
ayagoo korka ka haya oo xifthiyay)." Waa intaas warka ibnu Xajar‫إبن حجر‬
.
Waraqah‫ ورقة‬wuxuu ahaa oday da'yn oo indho beelay. Markaasey Khadiijah\‫ خديجة‬waxay ku
tiri:
"Ina adeerow, bal dhegeyso wiilka walaalkaa dhalay" (oo aabaha saddexaad ee Waraqah waa
Cabdu Al Cuzzaa\‫عبد العزى‬, waana walaalka la dhashay aabaha afaraad ee Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Cabdu Manaaf bin Qusayy\‫)عبد مناف بن قصي‬.
Markaasuu Waraqah‫ ورقة‬wuxuu yiri:
"Wiilka walaalkeeyow, maxaad aragtay?"
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga warramay wuxuu arkay oo uu la
kulmay. Markaasuu Waraqah‫ ورقة‬wuxuu yiri:
"Midkaani (waana Malag Jibriil\‫ )جبريل‬waa Al Naamuusu\‫( الناموس‬oo macneheedu yahay: Midka
u saaxiibka ah sirta oo ah Waxyiga\‫)الوحي‬, waana midka Muuse\‫ موسى‬kusso degay (wuxuuna
Ciise\‫ عيسى‬u oran waayey isagoo krishtaan ahaa rumayn uu Risaalada Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasalalam, rumaynayo, ayadoo kusoo degidda Jibriil\‫ جبريل‬ee Muuse\‫ موسى‬ay
krishtaanka iyo yuhuuduba isku waafaqsan yihiin, yuhuudda intooda badanse ay Nabinnimada
Ciise\‫ عيسى‬inkirayaan, ama sida kaloo la yiriba inuu Ciise‫ عيسى‬ku taagnaa shareecada Muuse
‫ موسى‬ee Tawraadda\‫التورات‬, oo kitaabkiisa Injiilku\‫ األنجيل‬wuxuu ahaa kitaab waano iyo in yar oo
axkaamta Muuse‫ موسى‬laga beddelay). Maxaan u ahaan waayey nin dhallinyaro ah mudada
Nabinnimada (waana Nabinnimada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam).
Maxaan u noolaan waayey markay dadkaagu dalkaagu wadankaaga (Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫ )المكرمة‬ka saarayaan."
195
Siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waddankiisa u jeclaa iyo
dhibaatada qaxootinnimada
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"‫" أو مخرجي هم؟‬
"Awa mukhrijiyya hum?",
oo macneheedu yahay:
"oo miyay waddanka iga saarayaan?" (oo waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la
waynaatay inay dadkiisu wadankiisa, oo ah Xaramka Ilaahay\‫ حرم هللا‬ee Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬iyo beledka aabihiis Ismaaciil\‫ إسماعيل‬ka saarayaan sabab la'aan.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Ka tegidda waddanka nafta way ku adagtahay, taasoo ku muuqaneysa naxdinta iyo cabsida taas
laga cabsado, oo kama uusan nixin, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Waraqah \‫ ورقة‬u
sheegay inay dhibi doonaoo, ayna beenin doonaan, sida Xadiithka mursalka ah ee Cubayd bin
Cumayraan\‫ عبيد بن عميران‬wariyay inuu Waraqah\‫ ورقة‬ku yid: "Waa lagu beeninayaa, waana lagu
dhibaateynayaa, waana lagula dagaallamayaa").
Markaasuu Waraqah\‫ ورقة‬wuxuu ku yiri:
"Haa, oo waa lagu saarayaa. Horena ninna lama uusan imaan waxaad la timid oo kale ee waa
illaa midka la colaadiyey. Haddaan gaarana maalintay Diintaadu faafeyso waxaan kuu hiillinayaa
oo kuugu gargaarayaa hiillo iyo gargaar wayn oo xoog leh."
Waraqah\‫ ورقة‬kulankaas kaddib wax badanba ma noolayn ee wuu dhintay.
Dhanbalidda laabtiisa shariifka ah, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa laabtiisa la dillaaciyey oo lasii
daahiriyay afar jeer, oo kala ah:
(Kow) intuu caruurta ahaa oo uu ku sugnaa aqalka Xaliima Al Sacdiyah\‫حليمة السعدية‬.
(Labo) Markuu toban jirsaday, ama meelahaas.
(Saddex) Markuu afartan jirsaday oo Waxyiga loo keenayey.
(Afar) Habeenka la dheelmiyay.
Marka saddexaad ee laabtiisa shariifka ah la dillaaciyay, qalbigiisana, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, lasoo bixiyay, waa markuu afartan jirasaday, oo uu Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, ugu
yimid Ghaaru Xiraa'\‫غار حراء‬, uuna Waxyiga u keenay. Jibriil\‫ جبريل‬iyo Mikaa'iil\‫ ميكائيل‬ayaa
laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhanbalay, kaddibna uu Jibriil\‫ جبريل‬ku yiri: "Iqra''',
ilaa shanta Aayadood oo ugu horreeya Suuratu Al Calaq\‫سورة العلق‬.
196
Marka saddexaad ee dhanbalidda laabtiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam
Marka saddexaad ee laabtiisa shariifka ah la dillaaciyay, qalbigiisana, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, lasoo bixiyay, waa markuu afartan jirsaday, oo uu Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, ugu
yimid Ghaaru Xiraa'\‫غار حراء‬, uuna Waxyiga u keenay.
Jibriil\‫ جبريل‬iyo Miikaa'iil\‫ ميكائيل‬ayaa laabtiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,, dhanbalay,
kaddibna uu Jibriil\‫ جبريل‬ku yiri: "iqra\‫ '"'إقرأ‬ilaa shanta Aayadood oo ugu horreeya Suuratu Al
Calaq\‫سورة العلق‬.
Xadiithkaan waxaa wariyay Abuu Nucaym\‫أبونعيم‬, iyo Axmad bin Cabdu Allaahi Al Asbahaanii
\‫أحمد بن عبدهللا األسبهاني‬, kuna wariyay kitaabkiisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati \‫دالئل النبوة‬. Waxaa kaloo
wariyay Al Bayhaqii\‫البيهقي‬, oo, isaguna kitaabkfisa Dalaa'ilu Al Nubuwwati\‫ دالئل النبوة‬ku
wariyay, oo labadooda kitaab waa isku. magac, laakiin midka Abuu Nucaym \‫ أبونعيم‬waa hal
mujallad, kan Al Bayhaqiina\‫ البيهقي‬waa toddoba Mujallad. Labadooduba waxay Xadiithka ka
wariyeen Ummu Al Mu'miniin Caa'ishah\‫أم المؤمنين عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, oo tiri:
"Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu nathray inuu bil ictikaafo, isaga iyo
khadiijah\‫خديجة‬, waxayna ku ictikaafeen hogga Ghaaru Xiraa'\‫غار حراء‬. Markaasey bishaasu
waxay waafaqday bisha Ramadaan\‫رمضان‬. Markaasuu habeen habeennada ka mid ah baxay.
Markaasuu (Jibriil\‫ )جبريل‬wuxuu yiri:
"‫ "ما شأنك؟‬:‫ فقالت‬،‫ فجئت مسرعا حتى دخلت على خديجة‬.‫ "فظننت أنه فجأة الجن‬:‫"السالم عليك!" قال‬
‫ جناح في‬،‫ فإذا أنا بجبريل على الشمس‬.‫" ثم خرجت مرة أخرى‬.‫ فإن السالم خير‬،‫ "أبشر‬:‫ فقالت‬.‫فأخبرتها‬
.‫ فكلمني حتى أنست منه‬.‫ فإذا هو بيني وبين الباب‬.‫ فجئت مسرعا‬،‫ فهلت منه‬.‫ وجناح له بالمغرب‬،‫المشرق‬
‫ فهبط جبريل‬.‫ فإذا أنا به وبميكائيل قد سد األفق‬،‫ فأردت أن أرجع‬.‫ فأبطأ علي‬،‫ فجئت له‬.‫ثم وعدني مواعدا‬
‫ ثم شق عن قلبي فاستخرجه ثم‬.‫ فألقاني لحالوة القفا‬،‫ فأخذني جبريل‬.‫وبقي ميكائيل بين السماء واألرض‬
‫ ثم كفأني‬.‫ ثم ألمه‬.‫ ثم أعاده مكانه‬.‫ ثم غسله في طست من ماء زمزم‬.‫استخرج منه ما شاء هللا أن يستخرج‬
".‫ ثم ختم في ظهري حتى وجدت مس الخاتم في قلبي‬.‫كما يكفأ اإلناء‬
"Al Ssalaamu Calayka". Qaala: "Fa thanantu annahaa faj'atu al jinni. Fa j'itu musrican
xattaa dakhaltu calaa Khadiijah, fa qaalat: "Maa sha’nuka?" Fa akhbartuhaa. Fa qaalat:
"Abshir, fa inna Al Ssalaamu khayrun". Thumma kharajtu marratan ukhraa. Fa ithaa
anaa bi Jibriila calaa al shamsi, janaaxun fii al mashriqi, wa janaaxun lahu bi al maghribi.
Fa haltu minhu, fa j'itu musrican. Fa ithaa huwa baynii wa bayna al baabi. Fa kallamanii
xattaa anastu minhu. Thumma wacadanii muwaacidan. Fa j'itu lahu, fa abdha'a calayya.
Fa aradtu an arjica, fa ithaa anaa bihi wa bi Miikaa'iila qad sadda al ufuqa. Fa habadha
Jibriilu wa baqiya Miikaa'iilu bayna Al Ssamaa'i wa al ardi. Fa akhathanii Jibriilu, fa
alqaanii li xalaawati al qafaa. Thumma shaqqa can qalbii fa astakhrajahu thumma
istakhraja minhu maa shaa'a Allaahu an yastakhrija. Thumma ghasalahu fii dhistin min
maa'i zamzam. Thumma acaadahu makaanahu. Thumma la'amahu. Thumma kafa'anii
kama yukfa'u al inaa'u. Thumma khatama fii thahrii xattaa wajadtu massa al khaatima fii
qalbii. "
Xadiithka, oo ay wariyeen Abuu Nucaym\‫ إبو نعيم‬iyo Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬iyo Al
Dhayaalisi\‫ الطيالسي‬iyo Al Xaarithu bin Muxamad al Tamiimii\‫الحارث بن محمد التميمي‬, al
Baghdaadii, macnihiisu waxaa weeye:
197
" Jibriil wuxuu yiri: "Al Ssalaamu Calayka\‫"السالم عليك‬.
Wuxuu yiri:
"Waxaanna u maleeyey inay tahay kadinta jinniga. Markaasaan soo gaddoomay si dhakhso leh,
oo aan Khadiijah\‫ خديجة‬usoo galay. Markaasay waxay tiri:
"Maxaa kugu dhacay?"
Markaasaan u warramay.
Markaasay waxay tiri:
"Bishaareyso, oo Al Salaamu\‫ السالم‬waa khayr e".
Markaasaan mar kale baxay, mase waa Jibriil\‫ جبريل‬oo qorraxda korkeeda ah, baalkiisuna uu
qorrax kasoo bax jiro, baal kaloo uu leeyahayna uu qorrax u dhac yaallo (oo Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu
leeyahay lix boqol oo baal, sida Axaadithka saxiixa ah kusoo aroortay).
Markaasaan baqay oo aan ka gaddoomay, oo aan anigoo degdegaya imid, markaasuu aniga iyo
albaabka na kala dhex galay.
Markaasuu ila hadlay, oo uu ila hadlayey ilaa aan (intay qaladu iga tagtay) aan weheshaday.
Kaddib ballan ayuu ii dhigay. Markaasaan ballanka ku imid, uu isaguna iga soo daahay.
Markaasaan damcay inaan iska noqdo, mase waaba isagoo ila jooga, isaga iyo iyo Miikaa'iil
\‫ميكائيل‬, uuna ufuqa\‫( األفق‬waana intay ishu gaarto, waana barta aad markaad fiirada fogeyso aad
moodid inay cirka iyo dhulku isku dheggan yihiin: taas ayaa ufuq \‫ أفق‬la yiraahdaa) daboolay.
Markaasuu Jibriil‫ جبريل‬soo degay, Miikaa'iilna‫ ميكائيل‬uu Samada iyo dhulka dhexdooda ku haray.
Markaasuu Jibriil‫ جبريل‬i qabtay oo uu xagga jeegada ii jiifiyey.
Kaddibna wuxuu dhanbalay qalbigayga, uuna lasoo baxay, kaddibna uu dhexdiisa kasoo bixiyay
wuxuu Ilaahay doono inuu kasoo bixiyo. Kaddibna wuxuu ku dhaqay baaquli biyaha zamzam ah.
Kaddibna meeshiisa ayuu dib ugu celiyay. Kaddibna wuu xiray, oo uu laabteyda isku soo
celiyay. Markaasuu i rogay oo uu i dhambacaadiyay (oo caloosha dhulka ugu seexiyay,
dhabarkana kor soo xiiiyay), sida weelasha loo rogo oo kale. Markaasuu khaatimka \‫الخاتم‬
dhabarkeyga. dhexdiisa yeelay, oo aan dareenka khaatimka aan qalbigayga ka dareemayaa."
Xikmada dhanbalidda markaan iyo soo bixinta qalbigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku
jirtana waa sidatan: siduu Al Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaanii \‫ الحافظ إبن حجر العسقالني‬Fatxu Al
Baarii\‫ فتح الباري‬ugu yiri:
"Waa kordhin karaamada loo kordhiyay, si uu Waxyiga\‫ الوحي‬u qaato qalbi xoog leh, oo
xaaladda ugu kaamilsan ee daahirnimada ku sugan."
Joogsiga Waxyiga
Caa'ishah\‫ عائشة‬waxay tiri:
"Markaasuu Waxyigu ka joogsaday Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo uusan Jibriil
‫جبريل‬, kaddib markuu Nabinnimada xagga Ilaahay uga keenay, uusan dib ugu soo noqon in
muddo ah.
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aad uga tiiraanyooday imaansho la'aanta
Jibriil‫جبريل‬, sida nasoo gaartay, ilaa heer u damcay inuu inta tafo buuraha ugu dheer fiiddooda
iska soo tuuro oo uu kasoo dhaco (markaas ma uusan j irin sharci xagga Ilaahay ka yimid oo taas
diidaya).
198
Markaasuu mar kasta oo uu fiidda buur istaago si uu isaga soo tuuro, isagoo ka baqaya inuu
Waxyigu uga joogsaday sabab isaga ka timid, oo ka baqay inay joogsigaasi markaas ciqaab
xagga Rabbigiis uga timid tahay, ayuu Jibriil hortiisa isku muujiyaa oo uu Nabiguna, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, arkaa. Markaasuu wuxuu ku yiraahdaa:
"Muxammadow, run ahaan adigu waxaad tahay Rasuulka Ilaahay."
Markaasuu taas qalbigiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku xasilaa, oo garaaciddii badnayd
ka degaa, ay naftiisuna degtaa, oo uu markaas gurigiisa dib ugu laabtaa.
Hadday mudada Waxyigu ka maqan yahay dheeraato, sidaas oo kale ayuu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, buuraha u aadaa. Markaasuu markuu buurta fiiddeeda istaago ayuu Jibriil is
tusaa, oo uu sidii oo kale ku yiraahdaa."
(Al Bukhaarii\‫ )البخاري‬Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu yiri:
"Falaqu al subxi\‫ فلق الصبح‬waa iftiinka qorraxda maalinta dhexdeeda ah iyo iftiinka dayaxa ee
habeenka dhexdiisa ah."
Salaamidda dhagaxda iyo geedaha
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Ilaahay doonay inuu
karaameweyo, Nabinnimadana uu u bilaabo, waxay ahayd in markuu xaajadiisa u baxo (oo uu
musqul aadayo) wuu fogaan jiray, ilaa uu guryaha (Makkah \‫ )مكة‬ka libro, uuna buuraha Makkah
‫ مكة‬dhexdooda galo, iyo uurka dooxooyinkeeda.
Markaasuusan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mari jirin dhagax ama geed
ee waa kan illaa ku yiraahda ‫" السالم عليك يا رسول هللا‬Al Ssalaamu calayka yaa Rasuula Allaahi!"
Wuxuu yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hareerihiisa fiiriyaa iyo
midigtiisa iyo bidixdiisa iyo gadaashiisa. Markaasuusan arag waxaan geed iyo dhagax ahayn.
Xaaladdaas ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ku sugnaa, isagoo arkaya
oo maqlaya intuu Ilaahay doono inuu sidaas ahaado.
Kaddibna waxaa u yimid Jibriil\‫جبريل‬, una keenay wuxuu uga keenay Karaamada Ilaahay, isagoo
Xiraa'a\‫ حراء‬ku jira bisha Ramadaan dhexdeeda."
Waxaa kaloo Xadiithka wariyay Al Dhabarii\‫ الطبري‬oo ku wariyay kitaabkiisa taariikhda,
mujalladka koowaad bogga shan boqol iyo sagaal iyo labaatan, kana wariyay Barrah bintu abii
Najraal\‫برة بنت إبي نجرال‬.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu xusay in waxay Nabinnimadu ku bilaabatay ay ka mid ahayd
inuusan mari jirin dhagax iyo geed toona ee waa kan illaa yiraahda "Al Ssalaamu calayka yaa
Rasuula Allaahi‫ "! السالم عليك يا رسول هللا‬Kutubbada Al Tarmathii\‫ الترمذي‬iyo Muslim-ba\‫مسلم‬
waxaa ku xusan inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
199
".‫"إني ألعرف حجرا بمكة كان يسلم علي قبل أن ينزل علي‬
"innii la acrifu xajaran bi Makkata kaana yusallimu calayya qabla an yunazzila
calayya".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigu waxaan aqaannaa dhagax Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda ah oo i salaami jiray ka hor intaan
(Waxyiga\‫ )الوحي‬la igu soo dejin."
Waxaa wariyay Saxiix Muslim\‫صحيح مسلم‬, waana Xadiithka laba kun iyo labo boqol iyo toddoba
iyo toddobaatan ee ah Xadiithka labaad ee Kitaabu Al Fadaa'ili \‫كتاب الفضائل‬, iyo Axmad\‫ أحمد‬:
mujalladka shanaad, bogga sagaal iyo sideetanaad, iyo Al Dhabraanii\‫الطبراني‬: mujalladka
koowaad, bogga laba iyo tobnaad.
Kutubbada qaarkoodna waxaa intaas ku ziyaado ah inuu dhagaxaas salaami jiray, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, uu yahay Al Xajaru Al Aswadu‫الحجر األسود‬, Dhagaxa Madow ee Kacbada ku
jira."
Intaasuu ku egyahay warka Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Saalim Muxammad Jamaal\‫سالم محمد جمال‬, oo ahaan jiray Madaxa mudhawwafiinta Dawladaha
Carabta ee Makkah\‫ مكة‬wuxuu kitaabkiisa Daliilu Al Xaajji wa Al Cumrati \‫دالئل الحج والعمرة‬
boggiisa boqol iyo saddex iyo tobnaad ku xusay inay daarta Ummu Al Mu'miniina Khadiijah ‫أم‬
‫ المؤمنين خديجة‬, ayna caruurtay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhashay ay
dhexdiisa ku dhasheen, hadana inta la dumiyey dhulkiisu uu Masjidu Al Xaraamu ka mid yahay,
la oran jiray dariiqy uu ku oolli jiray ‫ زقاق الحجر‬Ziqaaqu Al Xajari, ahan wadada dhagaxa,
looguna bixiyey inuu halkaas oolli jiray dhagax ka mid ahaa dhagaxda Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, salaami jirtay.
Ictikaafkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Xiraa'a \‫حراء‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Wahb bin Kaysaan\‫وهب بن كيسان‬, mawlaha qoyska Al Zubayr\‫مولى آل الزبير‬,
wuxuuna yiri:
"Waxaan maqlay Cabdu Allaahi ibnu Al Zubayr\‫ عبد هللا إبن الزبير‬oo u warramaya Cubayd bin
Cumayr bin Qataadah Al Laythii‫ عبيد بن عمير بن قتادة الليثي‬oo leh:
"Cubaydow‫ عبيد‬noo warran. Sideebey ahayd waxay ku bilaabatay Nabinnimada Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu u yimid Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu?"
Wuxuu yiri:
"Markaasuu Cubayd‫ عبيد‬wuxuu yiri, aniguna aan goob joog ahay, isaguna uu Cabdu Allaahi bin
Al Zubayr‫ عبد هللا إبن الزبير‬u warramayo iyo dadka la jooga:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa kan sanad walba bil ku
ictikaafi jiray oo ku nagaadi jiray Xiraa' a\‫حراء‬, taasoo ka mid ahayd ‫ التحتث‬Al Taxannuth-ka
Quraysh\‫( قريش‬oo ah ka fogaanshaha dambiga)".
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Carabtu waxay tiraahdaa Al Taxannuthu\‫ التحنث‬iyo Al Taxannufu\‫التحنف‬, ujeedadooduna waxaa
200
weeye Al Xaniifiyyah\‫الحنفية‬, markaasey tha'da‫( ث‬saddexda dhibcood kor ku leh) fa'‫( ف‬dhibic kor
ku leh) ku beddelaan".
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Abuu Cubaydah\‫ أبو عبيدة‬oo ii sheegay inay Carabtu tiraahdo fumma\‫فم‬
meeshey ka oran lahayd thumma\‫ثم‬, ayagoo tha'da\‫ ث‬fa\‫ ف‬ku beddela".
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Al Taxannuthu\‫ التحنث‬wuxuu ka yimid ‫ الحنث‬al xinthu oo ah waxa la qaado oo culus. Marka al
taxannuthu waa ‫ التبرر‬al tabarruru, macneheeduna uu yahay ka bixidda iyo iska rididda dambiga."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Hadalkiisa ah (waana hadalka Cubayd\‫ عبيد‬ee Xadiithka ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ee kore) ‫يجاور في‬
‫ حراء‬yujaawiru fii Xiraa'a ... al jiwaaru\‫ الجوار‬waxay la macne tahay al mujaawaratu\‫المجاورة‬,
waana ictikaafka\‫( اإلعتكاف‬oo ah ku nagaadidda), oo farqi uma dhexeeyo al jawaari\‫ الجوار‬iyo al
ictikaafu‫ اإلعتكاف‬hal waji oo keli ah mooyee, ahna inuusan ictikaafku ku ahaaneyn masjid
gudihiisa mooyee, jawaarkuna uu masjidka dibaddiisa ku ahaanayo.
Sidaas waxaa yiri ibnu Cabdu Al Barru\‫إبن عبد البر‬, oo taas daraadeed ayuusan jiwaarkiisa, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ee Xiraa'\‫ حراء‬ictikaaf ugu magacaabin, ayadoo uusan Xiraa'\‫حراء‬
masjid ahayn, uuse buuraha Xaramka ka mid yahay." Waa intaas warka Al Suhaylii‫ السهيلي‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Wahb bin Kaysaan\‫ وهب بن كيسان‬ayaa ii warramay, wuxuuna yiri: "Cubayd\‫( عبيد‬bin Cumayr ‫بن‬
\‫ )عمير‬wuxuu yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa midka bil sanad
walba (Ghaaru Xiraa'\‫ )غار حراء‬ku ictikaafa.
Markaasuu inta masaakiinta uga timaadda cunno siiyaa. Markaasuu markuu ictikaafka bishaas
dhammaysto, soo gaddoomaa. Markuu ictikaafkaas kasoo gaddoomo, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waxa ugu horeeya oo uu ka bilaabi jiray waxay ahayd inuu tegi jiray Kacbada, ka hor
intuusan gurigiisa gelin. Markaasuu toddoba goor ku dhawaafi jiray, ama intuu Ilaahay ka doono
inuu ku dhawaafo. Markaas kaddib ayuu , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam , gurigiisa u laabtaa.
Markaasey markay ahayd bishuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬doonay inuu dhexdeeda ku
karaameeyo, oo ka mid ahayd sanadkuu Ilaahay Tacaalaa soo diray dhexdeeda, bishaasna waxay
ahayd bisha Ramadaan\‫رمضان‬, ayuu Xiraa'\‫ حراء‬aaday oo uu ku ictikaafay.
Kasoo degidda buurta
Markuu Jibriil\‫ جبريل‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo hogga Xiraa'\‫ غار حراء‬ee
Jabalu Al Nuur\‫ جبل النور‬ku jira Quraanka iyo Nabinnimada iyo Rasuulnimada u keenay,
kulankaas kaddib, Nabigu, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, wuu kasoo baxay godkaas,
wuxuuna kasoo degay buurta. Intuu buurta kasoo deganayey, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ayuu Jibriil mar kale arkay.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ "يا محمد أنت رسول هللا وأنا‬:‫قال فخرجت حتى اذا كنت في وسط من الجبل سمعت صوتا من السماء يقول‬
201
‫ "فرفعت رأسي إلى السماء فأنظر فاذا جبريل في صورة رجل صاف قدميه في أفق السماء‬:‫ قال‬،"‫جبريل‬
‫ فوقفت أنظر إليه فما أتقدم وما أتأخر وجعلت أصرف وجهي‬."‫ "يا محمد أنت رسول هللا وأنا جبريل‬:‫يقول‬
‫عنه في آفاق السماء فما أنظر في ناحية منها إال رأيته كذلك فما زلت واقفا ما أتقدم وما أرجع ورائي حتى‬
‫بعثت خديجة رسلها في طلبي فبلغوا مكة ورجعوا إليها وأنا واقف في مكاني ذلك ثم انصرف عني‬
‫ "يا أبا القاسم أين كنت‬:‫وانصرفت راجعا إلى أهلي حتى أتيت خديجة فجلست إلى فخذها مضيفا اليها فقالت‬
‫ ثم حدثتها بالذي رأيت فقالت أبشر يا ابن‬،"‫فوهللا لقد بعثت رسلي في طلبك حتى بلغوا مكة ورجعوا إلي‬
.‫العم واثبت فوالذي نفس خديجة بيده إني ألرجو أن تكون نبي هذه األمة‬
،‫ وكان ورقة قد تنصر‬،‫ وهو إبن عمها‬،‫ ثم إنطلقت إلى ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى‬، ‫ثم قامت فجمعت عليها ثيابها‬
".‫ وسمع من أهل التورات واإلنجيل‬،‫وقرأ الكتب‬
"Fa kharajtu xattaa ithaa kuntu fii wasdhin mina al jabali samictu sawtan mina al
Ssamaa'i yaquulu: "Yaa Muxammadu! Anta Rasuulu Allaahi, wa anaa Jibriilu". Qaala:
"Fa rafactu ra'sii ilaa Al Ssamaa'i anthuru. Fa ithaa Jibriilu fii suurati rajulin saaffin
qadamayhi fii ufuqi Al Ssamaa'i yaquulu: "Yaa Muxammadu! Anta Rasuulu Allaahi, wa
anaa Jibriilu". Qaala: "Fa waqaftu anthuru ilayhi, famaa ataqaddamu wa maa ata'akhkharu, wa jacaltu asrifu wajhii canhu fii aafaaqi Al Ssamaa'i. Falaa anthuru fii naaxiyatin
minhaa illaa ra'aytuhu kathaalika. Fa ziltu waaqifan maa ataqaddamu amaamii wamaa
arjicu waraa'ii, xattaa bacathat Khadiijatu rusulahaa fii dhalabii. Fa balaghuu aclaa
Makkah, wa rajacuu ilayhaa, wa anaa waaqifun fii makaanii thaalika. Thumma insarafa
cannii, wa insaraftu raajican ilaa ahlii, xattaa ataytu Khadiijata. Fa jalastu ilaa fakhthihaa
mudiifan ilayhaa. Fa qaalat: "Yaa abaa Al Qaasim! Ayna kunta? Fa waAllaahi laqad
bacathtu rusulii fii dhalabika, xattaa balaghuu Makkah wa rajacuu lii". Thumma
xaddathtuhaa billathii ra'aytu. Fa qaalat: "Abshir yaa ibna cammi wa athbut! Fa wa
Allathii nafsu Khadiijata bi yadihi, innii la arjuu an takuuna Nabiyya haathihi al ummati".
Thumma qaamat fa jamacat calayhaa thiyaabahaa, thumma indhalaqat ilaa Warqah bin Nawfal
bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy, wa huwa ibnu cammihaa, wa kaana Waraqah qad
tanassara, wa qara'a Al Kutuba, wa samica min ahli Al Tawraati wa Al Injiili."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markaasaan soo baxay oo aan hoos usoo daadegey. Markaan marayo buurta bartameheeda,
ayaan cod Samada ka yeeraya maqlay, oo leh: "Muxammadow‫ ! يا محمد‬Adigu waxaad tahay
Rasuulka Ilaahay, aniguna waxaan ahay Jibriil\‫جبريل‬."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan madaxeyga Samada kor ugu qaaday anigoo dhuganaya, mase waaba Jibriil \‫ جبريل‬oo
suuradda nin leh, oo ay labadiisa cagood ku safan yihiin Samada dhexdeeda oo leh:
"Muxammadow‫ ! يا محمد‬Adigu waxaad tahay Rasuulka Ilaahay, aniguna waxaan ahay
Jibriil\‫جبريل‬."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan istaagay, anigoo fiirinaya, anigoo aan horayna u soconayn, dibna u dhaqaaqayn.
Markaasaanan dhinacna u jeesan oo aafaaqda ka mid ah ee waa illaa anigoo arka isagoo sidaas
ah. Markaasaan sidaydaas u taagnaa, anigoo aan xagga hortaydana u soconayn, xagga
gadaashaydana u noqonayn. Sidaas ayaan ahaa, ilaa ay Khadiijah\‫ خديجة‬rususheeda (oo ah dad
isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam raadinaya) usoo dirto baadi goobkayga. Markaasey
Makkah\‫ مكة‬dusheeda gaareen, kaddibna (markay soo waayeen Sallaa Allaahu Calayhi
202
Wasallam) ayada dib ugu laabteen. Intaasoo idilna anigu meesheydii ayada ahayd ayaan
taaganahay.
Kaddib (Jibriil\‫ )جبريل‬wuu iga gaddoomay. Markaasaan aniguna soo gaddoomay, anigoo
ehelkeyga (xaaskeyga) usoo laabtay. Markaasaan Khadiijah‫ خديجة‬u imid, oo aan bawdadeeda
agteeda fariistay kuna dhowaaday. Markaasey waxay tiri:
"Al Qaasimu aabihiisow\‫ !يا أبا القاسم‬Xaggee baad jirtay? Oo wa Allaahi\‫ وهللا‬rususheyda aan
raadintaada u diray, oo Makkah\‫ مكة‬ayay kaa raadiyeen, kaddibna ay ii soo noqdeen ayagoo
kusoo waayey!"
Kaddib waxaan uga warramay waxaan arkay."
Markaasey waxay tiri:
"Bishaaro ina adeerkeeyow! Oo sugnow! waxaan ku dhaartay Midkay Khadiijah‫ خديجة‬nafteedu
ay Gacantiisa ku jirto, waxaan anigu rajeynayaa inaad adigu Nabiga ummaddaan tahay."
Markaasey intay istaagtay oo ay dharkeeda si adag u xiratay, ayay waxay aaday Waraqah bin
Nawfal bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa‫ ورقة بن نوفل بن أسد بن عبد العزى‬, oo ina adeerkeed ah.
Waraqah‫ ورقة‬wuxuu hore u galay diinta krishtaanka, kutubbadana wuu akhristay, wuxuuna
cilmiga ka qaatay ehelu Tawraadda\‫ التورات‬iyo ehelu Injiilka\‫اإلنجيل‬.
Markaasey u sheegtay wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, ayada u
sheegay inuu arkay oo uu maqlay.
Markaasuu Waraqah bin Nawfal‫ ورقة بن نوفل‬wuxuu yiri:
"Qudduusun\‫قدوس‬, Qudduusun\‫قدوس‬, waxaan ku dhaartay Midkay Waraqah‫ ورقة‬naftiisu
Gacantiisa ku jirto, ee haddaay Khadiijey‫ خديجة‬waxaad ii sheegtay ay run yihiin, waxaa u yimid
Al Naamuusu Al Akbaru\‫الناموس األكبر‬, midka u imaan jiray Muuse\‫موسى‬, isaguna waa Nabiga
ummaddaan. Marka, waxaad ku tiraahdaa: "Sugnow".
Markaasey Khadiijah‫ خديجة‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, usoo noqotay,
una sheegtay warkuu Waraqah bin Nawfal‫ ورقة بن نوفل‬yiri. (Kaddib RasuuIka Ilaahay, Sallaa
Allaahu CaIayhi Wasallam, wuxuu ku noqday hogga Xiraa'\‫حراء‬, si uu usoo kaamisho bishuu
halkaas ku ictikaafi jiray).
Markaasuu markuu RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ictikafkiisii (bisha ku
sinnaa) dhammaystay, uuna soo gaddoomay, ayuu wuxuu yeelay siduu yeeli jiray oo kale, oo uu
Kacbada ka bilaabay, oo uu ku dhawaafay.
Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam iyo Waraqah bin Nawfal ‫ورقة بن‬
‫نوفل‬
Markaasuu isagoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhawaafaya ayuu wuxuu la kulmay
Waraqah bin Nawfal\‫ورقة بن نوفل‬, oo isaguna Kacbada ku dhawaafaya. Markaasuu Waraqah ‫ورقة‬
wuxuu ku yiri:
"Wiilka walaalkeeyow, ii sheeg waxaad aragtay iyo waxaad maqashay."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sheegay.
Markaasuu Waraqah‫ ورقة‬wuxuu ku yiri:
203
"Waxaan ku dhaartay Midkay Waraqah‫ ورقة‬naftiisu Gacantiisa ku jirto, adigu waxaad tahay
Nabiga ummaddaan, waxaana kuu yimid Al Naamuuso Al Akbaru\‫الناموس األكبر‬, isla kii Muuse
\‫ موسى‬u yimid. Waana lagu beenin doonaa, waana lagu dhibaateyn doonaa, dalkaagana
(Makkah\‫ )مكة‬waa lagaa saari doonaa, waana lagula dagaallami doonaa.
Haddaan aniguna maalintaas gaarana, waxaan Ilaahay u gargaarayaa gargaar uu ogyahay."
Intaas kaddibna intuu madaxiisa u dhoweeyey ayuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka dhunkaday wajiga. Kaddib Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
gurigiisa ayuu u gaddoomay."
Waxaa kaloo Xadiithka wariyey Al Bukhaarii\‫البخاري‬, waana midka lixkun sagaal boqol labo iyo
sideetan, iyo Muslim\‫ مسلم‬oo ah midka laba boqol labo konton ee Kitaabka iimaanka\‫كتاب اإليمان‬.
Khaddijah\‫ خديجة‬iyo Jibriil\‫جبريل‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa la ii wariyay inay Khadiijah\‫ خديجة‬, Allaha raalli ka noqdee, Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku tiri:
‫ "إي ابن عم أتستطيع أن تخبرني بصاحبك هذا الذي‬:‫عن خديجة أنها قالت لرسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬
،‫" فجاءه جبريل عليه السالم كما كان يصنع‬.‫ "إذا جاءك فاخبرني به‬:‫ "نعم"؛ فقالت‬:‫يأتيك إذا جاءك؟" فقال‬
‫ "قم يا بن عم فاجلس‬:‫"قالت‬.‫ "يا خديجة هذا جبريل قد جاءني‬:‫فقال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم لخديجة‬
‫ "نعم"؛‬:‫ "هل تراه؟" قال‬:‫ قالت‬،‫ فقام رسول هللا صلى هللا عليه وسلم فجلس عليها‬:‫" قال‬.‫على فخذي اليسرى‬
‫ "فتحول فاجلس في‬:‫" قالت‬.‫ "نعم‬:‫ "هل تراه"? قال‬:‫ "فتحول فاجلس على فخذي اليمنى"؛ فقالت‬:‫قالت‬
".‫ "نعم‬:‫ "هل تراه"? قال‬:‫ فتحول رسول هللا صلى هللا عليه وسلم فجلس في حجرها فقالت‬:‫"قالت‬.‫حجري‬
:‫ "هل تراه؟" قال‬:‫فتحسرت رأسها وألقت خمارها ورسول هللا صلى هللا عليه وسلم جالس في حجرها فقالت‬
".‫ فوهللا إنه لملك وما هذا بشيطان‬،‫ " يا ابن عم اثبت وأبشر‬.‫" قالت‬.‫"ال‬
”Can Khadiijah annahaa qaalat li Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam: ”Ay
ibnu camm, a tastadhiicu an tukhbiranii bi saaxibika haathaa allathii ya’tiika ithaa
jaa’aka?” Fa qaala: ”nacam.” Fa qaalat: ”ithaa jaa’aka fa akhbirnii bihi.” Fa jaa’ahu
Jibnriilu calayhissalaamu kamaa kaana yasnacu fa qaala Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Sallam: ”yaa Khadiijah haathaa Jibriilu qad jaa’anii.” Qaalat: ”qum yaa bin
camm, fa ajlis calaa fakh-thii al yusraa.” Qaala: fa qaama Rasuulu Allaahu Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Sallam fa jalasa calayhaa. Qaalat: ”hal taraahu?” Qaala: ”nacam.” Qaalat:
”fa taxawwal fa ajlis calaa fakh-thii al yumnaa.” Fa qaalat: ”hal taraahu?” Qaala:
”nacam”. Qaalat: ”Fa taxawwal fa ajlis calaa xijrii.” Qaalat: ”Fa taxawwala Rasuulu
Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fa jalasa calaa xijrihaa, fa qaalat: ”hal
taraahu?” Qaala: ”nacam.” Fa taxassarat ra’sahaa wa alqat khimaarahaa wa Rasuulu
Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam fii xijrihaa, fa qaalat: ”hal taraahu?” qaala:
”laa.” Qaalat: ”yaa ibna camm athbut wa abshir, fa wa Allaahi innahu la malakun wa maa
haathaa bi shaydhaanin.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
204
Waxaa Khadiijah ‫خديجة‬laga wariyay inay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
ku tiri:
"Ina adeerow, ma kartaa inaad ii sheegtid saaxiibkaagaan kuu yimaada markuu kuu yimaado?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Nacam‫" نعم‬, oo "haa" ah.
Waxay tiri: "Marka, goortuu kuu yimaado ii sheeg."
Markaasuu Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, u yimid, siduu yeeli jiray si la mid ah. Markaasuu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Khadiijah‫ خديجة‬ku yiri:
‫يا خديجة هذا جبريل قد جاءني‬
"Khadiijoy, Jibriil waa kanaa oo ii yimid."
Waxay tiri:
"Ina adeerow istaag oo bawdadeyda bidix ku kor fariiso."
Wuxuu yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, istaagay oo uu bawdadeeda
bidix ku kor fariistay.
Waxay tiri:
"Ma aragtaa (waa Jibriile‫"?)جبريل‬
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"‫" نعم‬Nacam", oo "Haa" ah.
Waxay tiri:
"Soo wareeg oo bawdadeyda midig ku kor fariiso."
Waxay tiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo wareegay oo uu
bawdadeeda midig ku kor fariistay. Markaasey waxay tiri:
"Ma aragtaa?”
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Nacam‫" نعم‬, oo "Haa" ah.
Waxay tiri:
"Kasoo wareego oo dhabtayda kusoo fariiso."
Waxay tiri:
"Markasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo wareegay oo uu
dhabteeda soo dhex fariistay. Markaasey waxay tiri:
"Ma aragtaa?" Wuxuu yiri: "Nacam‫" نعم‬, oo "Haa" ah.
Markaasey iska fayday oo ay iska dhigtay khimaarkeeda, oo ah hagoogta madaxa iyo qaarka
sare u saarneyd, ayadoo uu Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhabteeda
dhex fadhiyo, kaddibna waxay tiri: "Ma aragtaa (waa Jibriile\‫"?)جبريل‬
Wuxuuy, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Laa‫" ال‬, oo "Maya" ah.
Waxay tiri: "Ina adeerkeeyow, sugnow, bishaareysana, oo wa Allaahi\‫ وهللا‬isagu waa Malag, oo
kani shaydhaan ma uusan aha."
‫قال ابن اسحاق فحدثت عبد هللا بن حسن هذا الحديث فقال قد سمعت أمي فاطمة بنت الحسين تحدث بهذا الحديث‬
205
‫عن خديجة إال أني سمعتها تقول أدخلت رسول هللا صلى هللا عليه وسلم بينها وبين درعها فذهب عند ذلك‬
‫جبريل عليه السالم‬
“Ad-khalat Rasuula Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam baynahaa wa bayna
dircihaa fa thahaba cinda thaalika Jibriilu calayhissalaamu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
Ibnu Isxaaq‫ ابن اسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaan u sheegay Xadiithkaan Cabdu Allaahi bin Xasan\‫عبد هللا بن الحسن‬, markaasuu wuxuu
yiri:
"Waxaan maqlay hooyaday Faadhimah bintu Xusayn\‫ فاطمة بنت الحسين‬oo Xadiithkaan
Khadiijah\‫ خديجة‬ka warineysa, waxaanse maqlay ayadoo leh:
"Waxay Rasuulka Ilaahy, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gelisay ayada lafteeda iyo
cambuurkeeda dhexdooda. Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬markaas ka tegey. Markaasey waxay
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tiri:
"Kani waa Malag, mana uusan aha shaydhaan."
Martabooyinka Waxyiga\‫مراتب الوحي‬
Waxyi macnihiisu waxaa weeye ogeysiin ama wax u sheegid si sir ah ama ogaysiin dhakhso
badan, oo khabarka Samada korkeeda ka yimaada ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, isla markiiba u imaan jiray.
Xagga shareecadana, wuxuu Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬yiri inuu Waxyigu yahay:
"Waa ku wargelinta shareecada", wuxuuna sidaas ka wariyey Al Shaamii\‫الشامي‬.
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Ibnu Al Qayyim\‫ إبن القيم‬iyo ghayrkiisba waxay yiraahdeen inuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siiyey martabooyin tiro leh ee Waxyiga, ayna ka
mid yihiin:
(Kow). ‫\ الرؤيا الصالحة‬Al Ru'yaa Al Saalixah, oo ah riyada runta ah, oo siday Caa'ishah\‫عائشة‬,
Allaha raalli ka noqdee, u warisay, ma uusan arki jirin riyo ee waa illaa tan u cad sida dharaarta
marka qorraxda iftiinkeedu buuxsamo.
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬iyo ghayrkiisba waxay u daliilsadeen inay riyada Anbiyadu Waxyi tahay.
Aayadda boqol iyo labaad ee Suuradda Al Saaffaat\‫سورة الصافاة‬, uuna Nabi Ibraahiim\‫إبراهيم‬
wiilkiisa Ismaaciil\‫ إسماعيل‬ku leeyahay:
‫ال َيا أ ََب ِت ا ْف َع ْل َما رُ ْؤ َم ُر‬
َ َ‫ال َيا ُب َن َّي إِِّني أ ََرى ِفي اْل َم َن ِام أَِّني أَ ْذ َب ُح َك فَ ْانظُ ْر َما َذا رََرى ق‬
َ َ‫َّع َي ق‬
ْ ‫َفلَ َّما َبلَ َغ َم َعهُ الس‬
ِ َّ ‫سرَ ِج ُدنِي إِن َش‬
)112( ‫ين‬
َ ‫اء اللهُ م َن الصَّابِ ِر‬
َ ْ
َ
"Qaala yaa bunayya innii araa fii al manaami anni athbaxuka(102)".
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Wiilkeygow, waxaan ku arkay hurdada anigoo ku gawracaya(102)."
206
Aayaddanina waxay daliil u tahay inuu Waxyigu Anbiyada ugu imaan jiray ayagoo hurda si la
mid ah siduu ugu imaan jiray ayagoo soo jeeda.
Al Bukhaariina\‫ البخاري‬wuxuu Cubayd bin Cumayrin\‫ عبيد بن عمير‬ka wariyay inuu yiri:
"Riyada Anbiyadu waa Waxyi, kaddibna wuxuu akhriyay ‫ك‬
َ ‫" إِِّني أ ََرى ِفي اْل َم َن ِام أَِّني أَ ْذ َب ُح‬innii
araa fii al manaami anni athbaxuka", ahna "waxaan ku arkay hurdada anigoo ku gawracaya",
oo ah Aayadda Al Saaffaat\‫ الصافاة‬oo mar dhow nasoo martay.
Al Baghawii\‫ البغوي‬wuxuu tafsiirkiisa uga wariyay Cabdu Al Raxmaan bin Caa'ish al Xadramii
\‫ عبد الرحمن بن عائشة الخضرمي‬inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ "فيم يختصم المأل األعلى يا‬: ‫ فقال‬، ‫ "رأيت ربي عز وجل في أحسن صورة‬: ‫قال النبي صلى هللا عليه وسلم‬
، ‫ "فوضع كفه بين كتفي فوجدت بردها بين ثديي‬: ‫ قال‬، ‫ مرتين‬، "‫ "أنت أعلم أي رب‬: ‫محمد ؟" قلت‬
‫ "وكذلك نري إبراهيم ملكوت السموات واألرض‬:‫ ثم تال هذه اآلية‬: ‫فعلمت ما في السماء واألرض" قال‬
، ‫ "في الكفارات‬: ‫ "فيم يختصم المأل األعلى يا محمد ؟" قلت‬: ‫ ) ثم قال‬75: ‫وليكون من الموقنين"( األنعام‬
‫ وإبالغ‬، ‫ والجلوس في المساجد خلف الصلوات‬، ‫ المشي على األقدام إلى الجماعات‬: ‫ وما هن ؟ قلت‬: ‫قال‬
‫ ويكن من خطيئته كيوم‬، ‫ "ومن يفعل ذلك يعش بخير ويمت بخير‬: ‫ قال‬، "‫الوضوء أماكنه في المكاره‬
‫ "قل اللهم‬: ‫ قال‬، "‫ وأن يقوم بالليل والناس نيام‬، ‫وبذل السالم‬، ‫ ومن الدرجات إطعام الطعام‬، ‫ولدته أمه‬
‫ وإذا‬، ‫ وتتوب عل ّي‬، ‫ وترحمني‬، ‫ وأن تغفر لي‬، ‫ وحب المساكين‬، ‫ وترك المنكرات‬، ‫إني أسألك الطيبات‬
‫ فوالذي نفس‬، ‫ "تعلموهن‬: ‫ فقال رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬، "‫أردت فتنة في قوم فتوفني غير مفتون‬
"‫محمد بيده إنهن لحق‬
.
"Ra'aytu Rabbii fii axsani suuratin, fa qaala: "Fiima yakhtasimu al mala'u al aclaa yaa
Muxammadu?" Qultu: "Anta aclamu ay Rabbi" marratayni." Qaala: Fa wadaca kaffahu
bayna katafayya, fa wajadtu bardahaa bayna thadyayya, fa calimtu maa fii Al Ssamaa'i wa
al arda." Qaala: thumma talaa haathihi al Aayah: "Wa kathaalika nuriya Ibraahiima
malakuuta al Ssamaawaati wa al ardi wa li yakuuna mina al muuqiniina." "Thumma
qaala: "Fiima yakhtasimu al mala'u al aclaa yaa Muxammad?" Qultu: "Fii al
kaffaaraati". Qaala: "Wa maa hunna?" Qultu: "Al Mashyuu calaa al aqdaami ilaa al
jamaacaati, wa al juluusu fii al masaajidi khalfa al ssalaawaati, wa iblaaghu al wuduu'i
amaakinahu fii al makaarihi." Qaala: "Wa man yafcal thaalika yacish bi khayrin wa
yamut bi khayrin wa yakun min khadhii'atihi ka yawmi waladathu ummuhu. Wa mina al
ddarajaati idhcaamu al dh-dhacaami wa bathlu al ssalaami wa an yaquuma bi al layli wa
al nnaasu niyaamu." Qaala: "Quli Allaahumma inni as'aluka al dhayyibaati wa tarka al
munkaraati wa xubba al masaakiina, wa an taghfira lii wa tarxamnii wa tatuuba calayya.
Wa ithaa aradta fitnatan fii qawmin fa tawaffanii ghayra maftuunin". Fa qaala Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam: "Tacallamuuhunna fa wa Allathii nafsii bi yadihi innahunna
laxaquun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan arkay anigoo hurda Rabbigay oo leh suuradda ugu qurxoon, markaasuu wuxuu yiri:
"Ma ogtahay waxay ku doodayaan Malaa'igta Samada kore, Muxammadow?"
Waxaan iri:
"Adiga u cilmi leh Rabbiyow".
207
Sidaas ayaan laba goor iri. Markaasuu gacantiisa iga saaray labada garab dhexdooda, oo aan
markaas qabawgeeda ka dareemay labadeyda naas dhexdooda. Markaasaan waxaan cilmigeeda
yeeshay waxa ku sugan Samaawaadka dhexdooda iyo arliga dhexdiisaba."
Al Xadramii\‫ الحضرمي‬wuxuu yiri: "Kaddibna wuxuu akhriyay Aayaddaan (oo ah Aayadda shan
iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Ancaam‫)سورة األنعام‬:
ِ
ِ ‫ض ولِي ُك‬
ِ ‫وت الس‬
ِ ِ
ِ
)77( ‫ين‬
َ ‫يم َملَ ُك‬
َ ‫ون م َن اْل ُموِقن‬
َ َ َ ِ ‫َّم َاوات َو ْال َْر‬
َ
َ ‫َو َك َذل َك ُن ِري إ ْب َراه‬
"Wa kathaalika nuriya Ibraahiima malakuuta Al Samaawaati wa al ardi wa liyakuuna
mina al muuqiniina(75)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Saasaan u tusinnay Ibraahiim\‫ إبراهيم‬xukunka Samooyinka iyo dhulka inuu ka mid noqdo kuwa
yaqiiniya (xaqqa)(75)."
Markaas kaddib ayuu wuxuu Rabbi yiri:
"Ma ogtahay waxay ku doodayaan Malaa'igta Samada kore, Muxammadow?"
Waxaan iri:
"Kafaaragudka dambiyada tirtira."
Wuxuu Rabii yiri:
"Waana kuwee kuwaasi?"
Waxaan iri:
"Waa ayadoo loo lugeeyo si jamaacaadka looga qayb galo, iyo ku nagaadidda masjidyada
dhexdooda kaddib marka salaadaha la tukado, iyo waysada oo la gaarsiiyo meeleheeda mararka
la kahanayo."
Wuxuu yiri:
"Qofka sidaas falana wuxuu ku noolaadaa khayr, wuxuuna ku dhintaa khayr, dambiyadiisana
wuxuu' uga baxaa oo uu ka ahaadaa si la mid ah maalintay hooyadiis dhashay oo kale.
Darajooyinkana waxaa ka mid ah (oo lagu helaa oo kor loogu kacaa) cunnada la bixiyo oo la
quudiyo dadka, iyo salaanta oo la fidiyo, oo dadka la salaamo oo Al Ssalaamu Calaykum ‫السالم‬
\‫ عليكم‬la yiraahdo in badan iyo dad badan, iyo inuu habeenka dhexdiisa hurdada ka kaco oo uu
salaad tukado ayadoo uu dadku hurdo."
Wuxuu Rabbi yiri:
"Waxaad tiraahdaa (waana, siday riwaayado kale oo isla Xadiithkaani noo caddeeyeen ciribta
Salaad walba oo la tukado):
"Ilaahayow! Waxaan ku weydiisanayaa khayraadka samayntooda (inaad i waafajisid, iina
sahashid) iyo inaan ka tago oo aan ka haro samaynta waxa xun oo la inkiro, iyo jeclaanta
masaakiinta, iyo inaad ii dambi dhaaftid, iina naxariisatid, tawbadeydana aad aqbashid iyo inaad
haddaad qawm inaad fitnayso oo aad tijaabisid dooneysid aad aniga idishid oo aad nafta iga
qabatid anigoo aan la i fitnayn."
Markaasuu wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
"Barta, oo waxaan ku dhaartay Midkay nafteydu Gacantiisa ku jirto intaasu waa xaq run ah."
Isla Xadiithkaan waxay Cabdu Al Razzaaq\‫عبد الرزاق‬, Axmad\‫أحمد‬, Al Tarmathii\‫الترمذي‬, Al
208
Dhabraanii\‫ الطبراني‬ka wariyeen ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬.
Waxay ibnu Maajah\‫ إبن ماجة‬iyo Al Tarmathii\‫ الترمذي‬iyo Al Xaakim\‫ الحاكم‬ayna saxiix ka
dhigeen, ay Cumar\‫ عمر‬ka wariyeen inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
yiri:
"!‫ تغدوا خماسا وتروح بطانا‬:‫"لو توكلتم على هللا حق توكله لرزقكم كما يرزق الطير‬
"Law tawakkaltum calaa Allaahi xaqqa tawakkulihi la razaqakum kamaa yarzuqu al dhdhayra: taghduu khimaasan wa taruuxu bidhaanan".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Haddaad Ilaahay talo saaran lahaydeen siday xaq u tahay in loo talo saarto, wuxuu idiin rizqiyi
lahaa si la mid ah siduu shimbiraha u rizqiyo: waxay aroortii gurigeeda ka baxdaa ayadoo
gaajoon, waxayna usoo noqotaa galabtii ayadoo dheregsan."
Imaam Axmad\‫ اإلمام أحمد‬wuxuu Xadiithkaan ka yiri inay tahay in rizqiga la raadsado, siday
shimbiruhuba u raadsadaan, isla markaasna Ilaahay la talo saarto.
(Labo). Martabada labaad ee Waxyigu waa ayadoo uu Malaggu Nabiga naftiisa iyo Qalbigiisa
ku rido, isagoo uusan Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Malagga arkayn, uuse codkiisa
maqlayo. Afka Carabigana waa: ‫ يلقي الملك في روعه وقلبه‬yulqii al Malaku fii ruucihi wa qablbihi.
Martabadaan Waxyiga waa midduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri oo kale:
‫ فاتقوا هللا وأجملوا في‬،‫"إن الروح القدس نفث في روعي أن النفس ال تموت حتى تستكمل أجلها ورزقها‬
‫ فإن هللا تعالى ال ينال ما عنده إال‬،‫ وال يحملن أحدكم إستبطاء الرزق أن يطلبها بمعصية هللا‬،‫الطلب‬
".‫بطاعته‬
"Inna Ruuxa Al Qudusi nafatha fii ruucii anna nafsan lan tamuuta xattaa tastakmila
ajalahaa wa rizqahaa, fa ittaquu Allaaha wa ajmiluu fii al dh-dhalabi, wa laa yaxmilanna
axadukum istibdhaa'a al rizqi an yadhlubahu bi macsiyati Allaahi, fa inna Allaaha
Tacaalaa la yunaalu maa cindahu illaa bi dhaacatihi."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ruuxu Al Qudusi\‫روح القدس‬, oo ah Malaku Jibriil\‫ملك جبريل‬, wuxuu nafteyda dhexdeeda iyo
qalbigayga ku riday inayan nafna dhimanayn jeer ay cimrigeeda u qornaa dhammaystirato iyo
rizqigeedaba. Marka, Ilaahay ka dhawrsada oo si xalaal ah rizqiga ku raadsada, oo si qurxoon oo
uu Ilaahay raalli ka yahay ku doonta, oo xaraanta ka fogaada. Soo gaabinta uu rizqigu idinka soo
gaabiyana yeeyan midkiinna ku xambaarin inuu ku raadiyo si caasinta Ilaahay ku dheehan tahay,
maxaa yeelay waxa Ilaahay agtiisa ah laguma helo waxaan adeeciddiisa ahayn."
Xadiithka waxaa kaloo wariyay ibnu abii Al Dunyaa\‫إبن أبي الدنيا‬, Al Xaakimna\‫ الحاكم‬saxiix ayuu
ka dhigay. Waxaa kaloo wariyay Al Bayhaqii \‫ البيهقي‬oo ku wariyay kitaabkiisa Sharxu Al
Sunnah\‫شرح السنة‬.
(Saddex). Nooca saddexaad ee Waxyigu wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu
209
imaan jiray isagoo uu Jibriil\‫ جبريل‬nin isku soo ekeysiiyey. Markaasuu si toos ah oo fool ka fool
ula hadli jiray, uu isaguna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam waxaas uu u waxyooday weeleyn
jiray. Jibriil‫ جبريل‬wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu imaan jiray isagoo leh
ekaanshaha ‫ دحية بن خليفة الكلبي‬Dixyah bin Khaliifah Al Kalbiyyi.
Dixyah‫ دحية‬, oo ah ninkuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, laba goor laba warqadood
ugu kala dhiibay boqorka Rooma, wuxuu ahaa nin qurux badan, oo uu Al Suhaylii \‫ السهيلي‬yiri:
"Waxaa la wariyay in markuu Dixyah‫ دحية‬Al Madiinah Al Munawwarah‫ المدينة المنورة‬soo galo,
waana isagoo safar ganacsi ka yimid, ay haweenka dhallinyarada ahi ay dhammaantood
guryohooda kasoo bixi jireen si ay u arkaan qurux badnidiisa daraadeed."
Waxaa Xadiithkaan wariyay Al Nasaa'ii\‫النسائي‬, kana wariyay ibnu Cumar\‫إبن عمر‬.
(Afar). Nooca afraad ee Waxyigu wuxuu ahaa sidatan: wuxuu Waxyigu Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, ugu imaan jiray sida ‫" سلسلة الجرس‬Salsalati Al jarasi", oo ah "sida dhawaaqa
jaraska oo ah koorta birta ah oo kale".
Jaras\‫ جرس‬waxaa la yiraahdaa koorta xoolaha luqunta loogu xiro oo bir ka samaysan ama
macdan kaleba, oo marka la dhaqdhaqaajiyo birto dhexda ku jirta ay midda ku daboolan ku
garaaceyso oo ay sidaas dhawaaq isku xigxiga oo taxan sameyneyso.
Dawaaqaasna ah "al salsalatu" waxaa weeye, ayaa la yiri, ayuuna al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬yiri
"Waa codka Malagga oo Waxyiga sida. Waxaa kaloo lagu sheegay inuu yahay sharqanta
baalasha Malagga. Ujeedada iyo xikmada codkaasna waxaa weeye inuu maqalkiisu, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Waxyiga u firaaqoobo, oo uusan wax kale u jeesan."
Waxyiga noocaan ah ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu adkaa, ilaa heer uu
wajigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhidid ka dureero ayadoo ay maalin qabaw badan
tahay, iyo ilaa heer ay daabadda uu saaran yahay ay dhulka fariisato, siduu Al Bayhaqii \‫البيهقي‬
Caa'ishah\‫ عائشة‬uga wariyay inay tiri:
".‫"وإن كان ليوحي إليه وهو على ناقته فتضرب جرانها من ثقل ما يوحى إليه‬
“Wa in kaana la yuxaa ilayhi wa huwa calaa naaqatihi fa tadribu jiraanahaa min thaqli
maa yuuxaa ilayhi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
Waxaa loo waxyoon jiray isagoo hashiisa saaran markaasey dhuunteeda dhulka ku dhufataa, waa
kaddib markay culayska Waxyiga daradiis la fariisato."
Mar ayuu Waxyigu sidaas oo kale ugu yimid, ayadoo ay bawdadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, saarantahay bawdada Zayd bin Thaabit Al Ansaarii Al Najjaarii ‫زيد بن ثابت األنصاري‬
\‫النجاري‬, oo ka mid ahaa ragga Waxyiga u dhigi jiray. Markaasey ku culusaatay ilaa heer ay ka
jebin gaartayba.
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬wuxuu Zayd\‫ زيد‬ka wariyay inuu yiri:
"Ilaahay ayaa Rasuulkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam (Waxyi) kusoo dejiyay, ayadoo ay
bawdadiisu bawdadeyda kor saaran tahay. Markaasey culusaatay (waana bawdada Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam) ilaa heer aan ka baqay inay bawdadeyda jebiso."
210
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬iyo Maalik\‫ مالك‬waxay Caa'ishah\‫ عائشة‬ka wariyeen inay
tiri:
‫ "كيف يأتيك الوحي؟" فقال رسول هللا صلى‬:‫"أن الحارث بن هشام سأل رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬
،‫ وقد وعيت عنه ما قال‬،‫ فيفصم عني‬،‫ "أحيانا يأتيني مثل صلصلة الجرس وهو أشد علي‬: ‫هللا عليه وسلم‬
‫ "ولقد رأيته ينزل عليه الوحي في‬:‫" قالت عائشة‬.‫وأحيانا يتمثل لي الملك رجال فيكلمني فأعي ما يقول‬
".‫اليوم الشديد البرد فيفصم عنه وإن جبينه ليتفصد عرقا‬
“Anna Al Xaarith bin Hishaam sa’ala Rasuula Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam:
“kayfa ya’tiika Al Waxyu?” Fa qaala Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam:
“axyaanan ya’tiinii mith-la salsalati al jarasi wa huwa ashaddu calayya, fa yafsimu cannii
wa qad wacaytu canhu maa qaala, wa axyaanan yatamath-thalu lii al malaku rajulan fa
yukallimunii fa acyi maa yaquulu.” Qaalat Caa’ishah: “wa la qad ra’aytuhu yanzilu
calayhi Al Waxyu fii al yawmi al shadiidi al bardi fa yafsimu canhu wa inna jabiinahu la
yatafasadu caraqan.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Al Xaarithu bin Hishaam\‫ الحارث بن هشام‬ayaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu weydiiyey:
"Sideebuu Waxyigu kuugu yimaadaa?"
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri:
‫ وأحيانا يتمثل لي‬.‫ فيفصم عني وقد وعيت عنه ما قال‬.‫"أحيانا يأتيني مثل سلسلة الجرس وهو أشد علي‬
".‫الملك رجال فيكلمني فأعي ما يقول‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Mararka qaarkood wuxuu iigu yimaadaa si la mid ah codka jaraska, kaasaana iigu adayg badan.
Markaasuu iga go'aa, anigoo weeleeyey wuxuu yiri. Marar kalena Malaguu wuxuu isaga soo kay
dhigaa nin, markaasuu ila hadlaa. Markaasaan wuxuu yiraahdo weeleeyaa."
Caa'ishah\‫ عائشة‬waxay tiri:
"Waxaan arkay isagoo uu Waxyigu kusoo degayo maalin qabaw badan, markaasuu ka go'aa
ayadoo uu wajigiisa dhidid ka dureerayo."
Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬wuxuu Zayd bin Thaabit\‫ زيد بن ثابت‬ka wariyay inuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaan waxyiga u dhigi jiray, Waxyiguna
wuxuu ku qaban jiray xanuun la mid ah kan qandhada oo kale oo adag, wuxuuna dhidi jiray
dhidid badan oo ay xabbadihiisu la mid yihiin xabbado luul ah oo yaryar. Kaddibna Waxyigaa
ka go'a oo ka faydma. Aniguna waxaan dhigi jiray (Waxyiga, oo ah Quraanka) isagoo ii
yeerinaya, kamana uusan jeesan (yeerinta) jeer ay lugteydu ku sigatay inay la jabto culayska
Waxyiga, ilaa aan ka iraahdo: "Waligay dambe lugteydaan ku socon mayo ebedkey. Markay
kusoo degatay Suuratu Al Maa'idah\‫ سورة المائدة‬cududda hashiisu waxay ku sigatay inay jabto,
culayska Suuradda daraadeed."
Waxaa kaloo wariyay Axmad\‫ أحمد‬iyo Al Bayhaqii\‫البيهقي‬.
211
(Shan). Nooca shanaad ee Waxyigu waxaa weeye ayadoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, u arko Malagga suuradda uu Ilaahay u abuuray, waana Malag Jibriil\‫ملك جبريل‬, isagoo
leh lix boqol oo baal, oo baal walba uu Samada oo idil qarinayo ilaa Samadaba la arki waayo, lix
boqol oo baal oo luul iyo yaaquut ka samaysan.
Markaasuu Malaggu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u waxyoodaa wuxuu Ilaahay
doonay inuu u waxyoodo. Sifadaanna wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Jibriil
‫ جبريل‬ku arkay laba goor, sida ku sugnaatay Aayadaha sadex iyo toban iyo afar iyo toban ee
Suuartu Al Nnajmi\‫سورة النجم‬:
)12( ‫) ِع ْن َد ِس ْد َرِة اْل ُم ْنرَهَى‬13( ‫ُخ َرى‬
ْ ‫َولَقَ ْد َآرَهُ َن ْزلَةً أ‬
"Wa la qad ra'aahu nazlatan ukhraa(13)Cinda sidrati Al Muntahaa(l4)".
Labada Aayadood macnohoodu waxaa weeye:
"Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibriil mar kale(13)Sidratu Al Muntahaa agteeda(l4)."
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu Caa'ishah\‫ عائشة‬ka wariyey inay tiri:
".‫"لم يره – يعني جبريل – على صورته التي خلق عليها إال مرتين‬
“lam yarah – yacnii Jibriil – calaa suuratihi allatii khuliqa calayhaa illaa marratayni.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma uusan arag (waa Jibriile) suuradduu Ilaahay ku abuuray intaan laba goor ahayn."
Axmad\‫ أحمد‬iyo ibnu abii Xaatim\‫ إبن أبي حاتم‬iyo Abuu Al Shaykh\‫ أبو الشيخ‬waxay ibnu Mascuud
‫ إبن مسعود‬ka wariyeen inuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ma uusan arag Jibriil\‫ جبريل‬oo leh
suuradduu Ilaahay ku abuuray oo asalka u ahayd intaan ahayn laba goor. Labadaas goor
middood Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa Jibriil\‫ جبريل‬waydiistay inuu is tusiyo,
markaasuu is tusiyay oo uu ufuqa\‫( األفق‬oo ah intay ishu qabato ilaa meesha aad mooddo inay
cirka iyo dhulku iska gelayaan) buuxiyay. Marka labaadna waxay ahayd habeenka Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam la dheelmiyay, wuxuna ku arkay Sidratu Al Muntahaa\‫سدرة المنتهى‬
agteeda."
Al Xaafith ibnu Xajar\‫ الحافز إبن حجر‬wuxuu Fatxu Al Baarii\‫ فنح الباري‬ku yiri:
"Xadiithkaan wuxuu caddeynayaa Xadiithka Muslim\‫ مسلم‬ee Caa'ishah\‫ عائشة‬ay warisay, oo
sheegtay inuusan Nabigu, Sallaa , Allaahu Calayhi Wasallam, Jibriil\‫ جبريل‬suuraddiisa asliga ah
uusan ku arag laba goor mooyee."
(Lix). Martabada lixaad ee Waxyigu waxaa weeye wuxuu Ilaahay u waxyooday isagoo uu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku sugan yahay Samaawaadka ka kor, sida shanta
Salaadood oo waajibka ah, iyo jihaadka\‫الجهاد‬, iyo Hijrada\‫ الهجرة‬iyo Zakada\‫ الزكاة‬iyo soomidda
Ramadaan\‫ صيام رمضان‬iyo waxa san oo la is faro, xumaantana la iska reebo, sida uu u caddeeyey
Xadiithka dheer ee Abuu Saciid Al Khudriyyi \‫ إبو سعيد الخدري‬ee habeenka Nabiga, Sallaa Allaahu
212
Calayhi Wasaallam, la dheelmiyey oo uu Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wariyay.
Xadiithkaas waxaa ka mid ah inuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Nabigiisa Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
‫ اإلسالم والهجرة والجهاد والصالة والصدقة وصوم رمضان واألمر بألمعروف‬:‫"وأعطيتك ثمانية أسهم‬
".‫والنهي عن المنكر‬
"Wa acdhaytuka thamaaniyata ashumin: Al Islaama wa al Hijrata wa al Jihaada wa al
Ssalaata wa al Sadaqata wa sauma Ramadaana wa al amra bi al macruufi wa al nnahya
cani al munkari."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaanna ku siiyey sideed sahmi, waa sade, oo kala ah
(Kow) Islaamka, iyo
(Labo) Hijrada iyo
(Saddex) Jihaadka iyo
(Afar) Saladadda iyo
(Shan) Zakada iyo
(Lix) Soomidda Ramadaan iyo
(Toddoba) Waxa suuban oo la is faro suubintooda iyo
(Sideed) Waxa xun oo la iska reebo sameyntooda."
(Toddoba). Nooca toddobaad ee Waxyigu waa ayadoo uu Ilaahay Tacaalaa uu si toos ah
Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula hadlay, dhexdhexaadinta Malag
la'aanteed, siduu Muuse\‫ موسى‬ula hadlay si la mid ah, oo uu markaas xijaab gadaashiis kala
hadlay.
(Sideed). Martabada sideedaad ee Waxyigu, ee ay ku kordhiyeen culummada qaarkood waa inuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ilaahay Tacaalaa fool ka fool ula hadlay, ayadoo
uusan xijaab ka xigin, siduu ibnu Al Qayyim\‫ إبن القيم‬u yiri.
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Waxaad mooddaa muu ibnu Al Qayyim‫ إبن القيم‬taas ka qaatay Al Suhaylii\‫السهيلي‬."
Martabadaan sideedaadna waxaa qaba culummada rumaysan inuu Nabi Muxammad, SalIaa
Allaahu Calayhi Wasallam, habeenka la dheelmiyey uu Rabbigiis Tacaalaa indhihiisa ku arkay,
taasoo ay culummadu isku khilaafasan yihiin.
(Sagaal). Martabada sagaalaad ee Waxyigu waa cilmiga uu Ilaahay Tacaalaa ku riday qalbigiisa
iyo carrabkiisa, markuu axkaamta ku ijtihaadayo, isagoo markuu ijtihaadoo kasta xaqqa
haleelaya oo inuu gafo macsuum ka ah oo ka dhawrsan.
Martabadaani waxay al nafthu fii al ruuci\‫النفث في الروع‬, oo ah martabada labaad ee nasoo martay,
uga duwan tahay isagoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaan ijtihaadayo,
marka horena qalbigiisa xaqqa lagu ridayo ijtihaad la' aan.
(Toban). Martabadaan Waxyigu waa ayadoo uu Jibriil\‫ جبريل‬ugu imaan jiray suuradda nin aan
Dixyah\‫ دحية‬ahayn, ayadoo ay asxaabtu Dixyah\‫ دحية‬yiqiinneen.
213
(Kow iyo toban). Al Xaliimii\‫الحليمي‬, oo loo nisbeeyey awoowaha aabihiis, isaguna uu yahay al
callaamah oo culuumta Xadiithka kusoo if baxay oo ku xeel dheer, qaalliga ah Abuu Cabu
Allaahi Al Xusayn bin Al Xasan bin Muxammad bin Xaliim al Shaafici ‫العالمة المحدث القاضي أبو عبد‬
\‫هللا الحسين بن الحسن بن محمد بن حليم الشافعي‬, faqiiha cilmiga ku gacan dheeraaday iyo kutubbada uu
sannifayba ee faa'iidada badan, dhintayna bisha Rabiicu Al Awwal\‫ ربيع األول‬ee sandka afar boqol
iyo saddex wuxuu xusay inuu Waxyigu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu imaan
jiray lix iyo afartan nooc, intooda badanna, siduu Al Xaafith ibnu Xajar \‫ الحافظ إبن حجر‬Fatxu Al
Baari\‫ فتح الباري‬ugu sheegay, ay ku saabsan yihiin sifooyinka Malagga Waxyiga sida,
dhammaantoodna ay soo hoos gelayaan inta hore oo aan hadda soo sheegnay.
Inta goor oo uu Jibriil\‫ جبريل‬kusoo degay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Wuxuu ibnu Caadil\‫ إبن العادل‬ku xusay tafsiirkiisa inuu Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo degay afar iyo labaatan kun oo jeer.
Aadanna\‫ آدم‬wuxuu kusoo degay laba iyo toban goor, Idriisna\‫ إدريس‬afar goor, Nuuxna\‫نوح‬
konton goor, Ibraahiimna\‫ إبراهيم‬laba iyo afartan goor, Muusana\‫ موسى‬afar boqol oo goor,
Ciisana\‫ عيسى‬toban goor. Sidaas ayuu yiri Allaha u naxariistee!"
Al Zarqaanii\‫ الزرقاني‬wuxuu intaas ku daray oo uu yiri:
"Al Xaafith Al Daymii\‫ الحافظ الديمي‬wuxuu ku kordhiyey, siduu uga soo guuriyey ardaygiisa Al
Shamsu Al Tataa'ii fii Sharxi Al Risaalah\‫الشمس التتائي في شرح الرسالة‬:
"Yacquubna\‫ يعقوب‬afar goor, Ayyuubna\‫ أيوب‬saddex goor."
Waxaana halkaas ka cad inayan tiro kale soo gaarin oo Anbiyada kale ku saabsan."
Sidaas ayuu Kitaabkii noogu dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa
Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi Wasaallam
tasliiman kathiiran.
214
Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
(laba iyo Toban)
Nabi Muxammad
Rasuulka Ilaahay
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Nuurka Islaamk a
‫نور اإلسالم‬
Waxaa dhigay
Dro Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Waxaa daabacday
Daaru Al Seerah
P.O. Box 200984 - Boston, MA 02120 - U.S.A.
215
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
bogga
1. Tusmada Kitaabka
217
2. Araarta dhigaha kitaabka
217
3. Ghaaru Xiraa'
211
4. Sababtuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam hoggaan u doortay
219
5. Cabdu Al Mudh-dhalib ayaa ugu horreyey qof Xiraa’ ku cibaadaysta
220
6. Tafidda Jabalu Al Nnuur
221
7. Buburka buurta Saynaa’
222
8. Buurta Cayr
223
9. Buurta Wariqaan
223
10. Buuraha Uxud, Radwaa, , Thawr, Thabiir iyo Xaraa’u
223
11. Bilaabashada soo degidda Waxyiga
228
12. Islaamidda Khadiijah bintu Khuwaylid
230
13. Khadiijah gurigeeda luulka ah ee Jannada
230
14. Salaanta Ilaahay ee Khadiijah
231
15. Fardi ka yeelidda tukashada Salaadda
232
10.Waysada
233
11.Tukashada Khadiijah
233
12.Waqtiyada Salaadda
234
13. Joogsiga Waxyiga
235
14. Haweenta ugu horreysa oo Ilaahay iyo Rasuulkisa,\‫ صلى هللا عليه وسلم‬, rumeysay 236
15. Abuu Bakr Al Siddiiq waa ninka ugu horreeyey oo rumeeyey
238
16. Abuu Bakr waa aabahay
242
17.Aniga abtirsigayga
244
18.Sarraynta Abuu Bakr
244
19. Jacaylka Nabiga,\‫ صلى هللا عليه وسلم‬, ee Abuu Bakr Al Siddiiq
249
20. Madaxtinnimada Abuu Bakr Al Siddiiq islaamka holiiis
249
21. Caruurta Abuu Bakr Al Siddiiq
251
22. Cabdu Allaahi bin Abii Bakr Ai Siddiiq
251
23. Asmaa'u bintu Abii Al Siddiiq
251
24. Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq
252
25. Ummu Al Mu'miniina hooyadeen Caa'isha bintu Abii Bakr Al Siddiq
252
26. Muxammad bin Abii Bakr Al Siddiiq
252
27. Ummu Kulthuum bintu Abii Bakr Al Siddiiq
253
28. Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Alk Siddiiq
254
29. Dhimashada Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiq
259
30.Caruurta Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiq
273
31. Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq
273
30. Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr
274
31. Dasha Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin
277
32. Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad
278
33. Riyadeyda Abuu Bakr Al Siddiiq
279
34. Riyada Koowaad: Abuu Bakr, Khaliifka Rasuulka, Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam
279
35. Riyada Labaad: Imaamnimada Abuu Bakr Al Siddiiq
280
216
36. Dambaabiddeyda
37. Riyada Saddexaad: Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam, A.Bakr, Cumar iyo Calii
38. Tawbad keenkayga
39. Riyada Aafaraad: Aqbalidda tawbaddayda
40. Ragga u yeeridda Abuu Bakr Al Siddiiq ku islaamay
41. Cuthmaan bin Caffaan Al Qurayshiyyi Al Amawii
42. Al Zubayru ibnu Al Cawwaam Al Qurayshiyyi Al Asadii
43. Cabdu Al Raxmaan bin Cawf Al Qurayshiyyi Al Zuhriyyi
44. Sacd bin Abii Waqqaas Al Qurayshiyyi Al Zuhriyyi
45. Dhalxah bin Cubaydu Allaahi Al Qurayshiyyi Al Taymiyyi
46. Islaamidda Calii bin Abii Dhaalib
47. Siduu Calii qoyska Nabiga, , Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam, uga mid noqday
48. Abuu Dhaalib oo islaamidda Calii ogaanaya
49. Calii waan ku riyooday
50. Xog ogaalnimada dadka dhintay
51. Qisada Shariifka iyo aabahay Qaalli Sheekh Xuseen Cismaan
52. Islaamidda Zayd bin Xaarithah
53. Al Saabiquuna
54. Kuwaa kaddib islaamay
55. Abuu Cubaydah Caamir Cabdu Allaahi bin Al Jarraax
56. Asmaa'u bintu Abii Bakr Al Siddiiq
57. Caa'ishah bintu Abii Bakr Al Siddiiq
59. Khabbaab bin Al Arat
60. Cabdu Allaahi bin Mascuud Al Huthalii
61. Jacfar bin Abii Dhaalib
62. Asmaa'u bintu Cumays
63. Caamir bin Fuhayrah
64. Cammaar bin Yaasir
65. Suhayb bin Sinaan Al Ruumii
66. Muujinta IsIaamka ee RasuuIka Ilaahay, , Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam
67. Tukashada salaadda ee buuraha dhexdooda
68. Colaadinta gaalada ee Rasuulka Ilaahay, , Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam
69. Kulanka koowaad ee Abuu Dhaalib iyo Quraysh
70. Kulanka labaad ee Abuu Dhaalib iyo Quraysh
71. Kulanka saddexaad ee Abuu Dhaalib iyo Quraysh
72. Kulanka afaraadaad ee Abuu Dhaalib iyo Quraysh
73. Ku ololaynta muslimiinta
74. Mawqifka Al Waliidu bin Al Mughiirah ee Quraanka
75. Quraanka kasoo degay Al Waliidu bin Al Mughiirah
76.Warka Nabiga, , Sallaa Allaahu Calyhi Wa Sallam oo dalalka Carabta ku faafay
281
281
282
282
283
284
284
286
287
288
289
292
294
296
297
298
299
301
302
302
303
305
305
308
312
315
317
319
321
323
324
324
325
326
327
328
329
330
331
333
217
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
‫الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما‬
‫ أما بعد‬،‫ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
Kitaabkaan Nuurka Islaamka, kana kooban lix iyo toddobaatan qaybood, waa kii laba iyo
tobanaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka
Al Baghawii\‫البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫األلوسي‬, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu
kalsoon yahay sida Al Bukhaarii\‫البخاري‬, Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka; Kutubbada
Siirada sida Ibnu Hishaam\‫( سيرة إبن هشام‬oo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka
Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay shan boqol kow iyo
sideetan ee sanadka Hijriga), Sharxu Al Callaamah Al Zarqaanii (dhintayna kun iyo boqol iyo
labo iyo labaatan Hijriga) calaa Al Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al
Muxammadiyyah\‫ شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية بالمنح المحمدية‬ee Al Qasdhalaanii\‫القسطالني‬
(oo la oofsaday sanadka sagaal boqol iyo saddex iyo labaatanka Hijriga), Al Thahabii \‫( الذهبي‬oo
dhintay toddoba boqol sideed iyo afartan), Al Mascuudii\‫( المسعودي‬oo dhintay saddex boqol lix
iyo afartan ee sanadka Hijriga), iyo Al Shaykhaanii Abuu Bakr Al Siddiiqu wa Cumar bin Al
Khadh-dhaab wa Waladihimaa\‫الشيخان أبوبكر الصديق وعمر بن الخطاب وولدهما‬, ahna qayb ka mid ah
kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬uuna dhigay Al Balaatharii\‫ البالذري‬oo dhintay
sanadka laba boqol iyo sagaal iyo toddobaatanka Hijriga, laguna daabacay Daaru Al Mu'tamin ‫دار‬
\‫ المؤتمن‬ee dalka Sucuudiga, iyo Al Riyaadu Al Nadirah\‫ الرياض النضرة‬uuna dhigay Al Muxibbu Al
Dhabarii\‫ المحب الطبري‬laguna daabacay Daaru Al Manaari\‫دار المنار‬, iyo Abuu Bakr Al
Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬uuna dhigay Calii Al Dhandhaawii\‫ علي الطنطاوي‬laguna daabacay Daaru Al
Manaarah\‫ دار المنار‬ee Jeddah\‫جدة‬, iyo Jamharatu Nasabu Qurayshin wa Akhbaarihaa ‫جمهرة نسب‬
\‫قريش وأخبارها‬, uuna dhigay Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬, oo dhintay sanadka laba
boqol iyo lix iyo konton Hijriga, laguna daabacay Daaru Al Yamaamah Lil Baxthi wa Al
Tarjamah wa Al Nashr\‫ دار اليمامة للبحث والترجمة والنشر‬ee ku taalla Riyaad\‫ رياض‬arliga Sucuudiga,
iyo Al Dhabaqaatu Al Kubraa\‫ الطبقات الكبرى‬uuna allifay Muxammad bin Sacd‫ محمد بن سعد‬oo
dhintay sanadka laba boqol iyo soddon ee Hijrada, iyo Siyaru Aclaami Al Nuhalaa'i ‫سير أعالم‬
\‫ النبالء‬ay xaashiyadiisana uu ku daabacan yahay kitaabka kale ee la yiraahdo Ixkaamu Al Rijaali
min Miizaani Al Ictidaali Fii Naqdi Al Rijaali\‫ إحكام الرجال من ميزان اإلعتدال في نقد الرجال‬oo
labadoodaba uu allifay Al Imaamu Al Thahabii\‫اإلمام الذهبي‬, oo la oofsaday sanadka toddoba
boqol iyo sideed iyo afartan Hijriga ayna daabacday Daaru Al Fikri\‫ دار الفكر‬ee Bayruut \‫بيروت‬
arliga Lubnaan\‫لبنان‬, iyo Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬uuna allifay lbnu Al Athiir\‫إبن األثير‬, oo la
oofsaday sanadka lix boqol iyo soddon ee Hijrada, iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar ‫عبد‬
\‫الحميد جودة السحار‬, iyo Daliilo Al Xaajji Al Musawwar\‫ دليل الحج المصور‬uuna dhigay Saalix
Muxammad Jamaal\‫صالح محمد جمال‬. Adhlasu Al Siirati Al Nabawiyyati\‫ أطلس السيرة النبوية‬ee Dr.
Shawqii abuu Khaliil\‫د\شوقي أبوخليل‬, ayna daabacday Daaru Al Fikri\‫ دار الفكر‬ee Dimishq\‫ دمشق‬iyo
Bayruut\‫ بيروت‬sanadka kun iyo affar boqol iyo saddex iyo labaatan Hijriga, una dhigantah laba
kun iyo labo miilaadiga ah.
Tafsiirka af Soomaaligana waxaan in badan ka qaatay Kitaabka uu tarjumay Sheekh Maxmuud
218
Maxamed Cabdi Allaha dambigiisa dhaafee. Maraajicda kale oo aanan halkaan ku xusinna
meesheeda ayaan ku sheegayaa iyo maraajicda ay culummada kutubbadaan allifay sheegeen inay
kasoo qaateenba. Waxa suuban oo ku dhigan kitaabkaanna waa nicmo Ilaahay, Subxaanahu wa
Tacaalaa\‫ هللا سبحانه وتعالى‬uu igu galladaystay, wixii qalad ahna waxay ka yimaadeen aniga iyo
shaydhaan, Ilaahay iyo Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, waxay ka yihiin
barii iyo eed laawayaal. Waxaan Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عز وجل‬, ku xamdinayaa siduu iigu
sahlay dhigiddiisa, waxaanna ka baryayaa inuu iga aqbalo, qofka akhristana uu ku anfaco,
ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay iyo intaan jecelnahayba iyo inta Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jecelba uu na siiyo nooguna kaydiyo maalin ayayan maal iyo
wiil toona wax tarayn, qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee.
Waxaa dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka Ilaahiis faqirka u ah ,
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
Woonsocket, Rhode Island, USA.
Maalin Talaado ah, afar iyo tobanka Bisha Jamaadu Al Awwal\‫ جماد األول‬ee sanadka kun iyo afar
boqol iyo lix iyo labaatanka Hijriga, una dhigantah sideed iyo labaatanka Juunyo laba kun iyo
shan
219
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
‫الحمد هلل رب العالمين وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره‬
‫الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
‫ غار حراء‬Ghaaru Xiraa'
Hoggaas, Ghaaru Xiraa'‫غار حراء‬, wuxuu ku yaallaa buurta la yiraahdo ‫ جبل النور‬Jabalu Al Nuur,
oo macneheedu yahay Buurta Nuurka, ayadoo uu Waxyigu kusoo degey Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo godkaas ku jira, uuna ugu yimid Malaku Jibriil ‫ملك‬
\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, uuna u keenay Quraankii ugu horreeyey oo lagu soo dejiyo, ahaana
shanta Aayadood oo ugu horreeysa Suuratu Iqra'\‫سورة إقرأ‬, iyo Nabinnimada iyo
Rasuulnimadaba.
Buurtaas waxaa kaloo la yiraahdaa. ‫ جبل حراء‬Jabalu Xiraa'.
Buurtaasu waxay badda ka korreysaa lix boqol iyo kow iyo labaatan mitir, fiideeduna waxay
salkeeda ka korreysaa laba boqol iyo kow iyo sideetan mitir waana buur tafiddeedu ay aad u
adagtahay, qofka xoog lehna wuxuu ku tafayaa qiyaas hal saac. Godkaas afkiisu wuxuu u jeedaa
xaqqa Waqooyi, marka la gelayana waxaa la dhexmaraa labo dhagax oo afkiisa saaran, afka
ballaarkiisuna uu yahay lixdan sentiimitir. Godka dhererkiisu waa qiyaas saddex mitir,
ballaciisuna meeshuu ugu fog yahayna waa hal mitir iyo soddon sentiimitir. Godka taaggiisa
korena waa laba mitir. Godku wuxuu ku filan yahay laba qof oo wada tukanaysa, oo midkood uu
midka kale daba taaganyahay. Dhanka midigta ahna waxaa ku taalla intuu qof fadhiya ku tukado.
Jabalu Al Nuur‫ جبل النور‬iyo Ghaaru Xiraa’‫ غار حراء‬waxay ku yaallaan xaafadda Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ee la yiraahdo Xayyu Al Nnuuri ‫ حي النور‬oo macneheedu yahay
Degmada Nuurka.
Sababtuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hoggaan u doortay
Al Imaamu ibnu abii Jamrah\‫ األمام إبن أبي جمرة‬wuxuu keenay su'aasha ah:
"Muxuu Nabigu. Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ghaaru Xiraa'‫ غار حراء‬inta kale uga doortay
inuu ku cibaadeysto, uuna ku kaliyeysto?"
Imaamku wuxuu uga jawaabay sidatan:
"Wuxuu Al Musdhafaa\‫ المصطفى‬ugu gooni yeelay oo uu ku doortay inuu Ghaaru Xiraa' ‫غار حراء‬
leyahay saddex. waxyaalood oo aan lala wadaagin daraadood, oo kala ah:
(Kow) Wuxuu ka gudban yahay cagta dadka, oo markuu godkaas galo, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, dadka is dhex geli mayaan oo cibaadeysigiisa ayuu u keli noqonayaa.
(Labo) Qofka godkaas gala, oo ku keliyeysta, dareenkiisa oo idil ayaa kulmay, oo si taam ah
ayuu u cibaadeysan karaa, oo wax ka jeedinayaa ma jiraan.
(Saddex) Markuu godkaas galo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu si toos ah ugu jeedaa
Guriga Rabbigiis (Kacbada), ayadoo uu wajiga albaabka kasoo horjeeda oo ku bewegan oo
hoggu uu leeyahay jeex dheer oo ku beegan Kacbada (fiiri masawirkeyga anigoo hogga ku dhex
jira: waxaa dhabarkayga ah oo kuu muuqda jeexa Kacbada looga jeedo).
Fiirinta Kacbaduna waa cibaadeysi, sida uga sugnaatay Xadiithka ah:
220
".‫"أن هللا ينزل عليه عشرين رحمة‬
" Inna Allaaha yanzilu calayhi cishriina raxmatan",
oo macnihiisu yahay:
"Qofka Kacbada dhugta Ilaahay wuxuu kusoo dejiyaa korkiisa labaatan raxmo."
Sidaas ayay Ghaaru Xiraa'‫ غار حراء‬saddex cibaadeysi ugu kulmeen:
(Kow) ‫ الخلوة‬Al Khalwatu, oo ah u firaaqoobid Rabbigiis iyo dadka laftiisa oo laga firaaqoobo.
(Labo) ‫ التحنث‬Al Taxannuthu, oo ah ka fogaanshaha dambiga, oo al xinthu waa dambiga,.
Marka waa al tacabbudu, ayadoo uu cibaadeysigu dambiga suuliyo oo uu raadtiro.
(Saddex) ‫ النظر الى البيت‬Al nathru ilaa Al Bayti, oo ah fiirinta Kacbada. God kale oo ay
saddexdaas ku kulmeenna ma jiro.
Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim\‫ عبد المطلب بن هاشم‬ayaa ugu horreeyey qof Xiraa’u
‫ غار حراء‬ku cibaadaysta
Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim‫عبد المطلب بن هاشم‬, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, awoowihiis, ayaa ahaa kan ugu horreeya oo Xiraa'‫ حراء‬ku cibadeysta.
Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu godkaas geli jiray Nabinnimada ka hor iyo
kaddibba, intay ahayd zamanka fatrada Waxyiga, oo ahayd qiyaas saddex sano ama meelahaas,
kana bilaabata billbashada Waxyiga iyo markuu Jibriil\‫جبريل‬, Sallaa Allaahu Calayhim
Wasallam, Nabinnimada iyo Rasuulnimada godkaas ugu keenay, shanta Aayadood ee Suuratu Al
Calaqna\‫ سورة العلق‬u keenay.
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Xiraa'‫ حراء‬geli jiray bisha Ramadaan\‫رمضان‬,
oo ay Quraysh\‫ قريش‬Islaamka hortiis waynayn jirtay. Quraysh\‫ قريش‬Caashuuraa'-na\‫ عاشوراء‬way
soomi jirtay. Wa li Allaahi darru al imaamu, al qudwatu, al waacith, al mufassir, al faqiih,
suufiga ah Cabdu Allaahi bin Muxarnmad Al Qurayshiyyi Al Murjaanii ،‫ القدوة‬،‫وهلل الدر اإلمام‬
\‫ عبد هللا بن محمد القرشي المرجاني‬،‫ الصوفي‬،‫ الفقيه‬،‫الواعظو المفسر‬, laguna dilay Tuunis\‫ تونس‬sanadka lix
boqol iyo sagaal, markuu fadaa'isha Xiraa'\‫ حراء‬ka warramay, gabayna uu ka tiriyay, uuna yiri:
.‫فكم من أناس من حال حسنه تاهوا‬/‫ تأمل حراء في جمال محياه‬.1
.‫يفرج عنه الهم في حال مرقاه‬/‫ فمما حوى من جاء لعلياه زائرا‬.2
.‫وفيه له غار له كان يرقاه‬/‫ به خلوة الهادي الشفيع محمد‬.3
.‫وفيه أتاه الوحي في حال صبراه‬/‫ وقبلته للقدس كانت بغاره‬.4
‫ باهلل في وقت البداية سواه‬/‫ وفيه تجلى الروح بالموقت الذي‬.5
.‫ومن بعد هذا إهتز بالسفل أعاله‬/‫ وتحت تخوم األرض في السبع أصله‬.6
.‫للطور تشظظ فهو إحدى شظاياه‬/‫ ولما تجلى هللا قدس ذكره‬.7
.‫كذا قد أتى في نقل تاريخ مبداه‬/ ‫ ومنها ثبير ثم ثور بمكة‬.8
.‫فعيرا وورقان وأحدا رويناه‬/‫ وفي طيبة أيضا ثالث فعدها‬.9
".‫ "من دعانا أجبناه‬:‫به وينادى‬/‫ ويقبل في ساعة الظهر من دعا‬.11
.‫أتى ثم قابيل لهابيل غشاه‬/‫ وفي أحد األقوال في عقبة حراء‬.11
‫من التبر إكسيرا يقوم سمعناه‬/‫ ومما حوى سرا حوته سخوره‬.12
.‫وأسمعته جمعا فقالوا سمعناه‬/‫ سمعت به تسبيحها غير مرة‬.13
221
/‫ به مركز موضع النور الذي مثبتا‬.‫ فلله ما أحلى مقاما بأعاله‬.14
1. Ta'ammal Xiraa'a fii jamaali maxyaahu
Fa kam min unaasin min xulaa xusnihi taahuu.
2. Fa mimmaa xawaa man jaa'a li culyaahu zaa'iran
Yufraju canhu al hammu fii xaali marqaahu.
3. Bihi khulwatu al Haadii Al Shafiici Muxammadu
Wa fiihi lahu ghaarun lahu kaana yarqaahu.
4. Wa qiblatuhu lil Qudusi kaanat bi ghaarihi
Wa fiihi ataahu Al Waxyu fii xaali sabraahu.
5. Wa fiihi tajallaa Al Ruuxu bi al mawqiti allathii Bi Allaahu fii waqti al bidaayati sawaahu.
6. Wa taxta tukhuumi al ardi fii al sabci asluhu
Wa min bacdi haathaa ihtazza bi Al sufli aclaahu.
7. Wa lammaa tajallaa Allaahu Qaddasa Thikruhu
Li Dhuuri tashath-thaa fa huwa ixdaa shathaayaahu.
8. Wa minhaa Thabiiru Thumma Thawru bi Makkata Kathaa qad ataa fii naqli taariikha
mabdaahu.
9. Wa fii Dhiibata aydan thalaatha fa cud-haa:
Fa Ciiran wa Waraqaanan wa Uxudan rawaynaahu.
10. Wa yuqbalu fii saacati al thuhri man dacaa
Bihi wa yunaadaa: "Man dacaanaa ajabnaahu" .
I1.Wa fii axadi al aqwaali fii caqabati Xiraa'
Ataa thumma Qaabiilu li Haabiila ghashaahu.
12. Wa mimmaa xawaa sirran xawat-hu sukhuuruhu Mina al tabri iksiiran yaqaamu samicnaahu.
13. Samictu bihi tasbiixahaa ghayra marratin
Wa asmactuhu jamcan fa qaaluu samicnaahu.
14. Bihi markazu mawdicu Al Nuuri Al Ilaahii muthbitan
Fa li Allaahi ma axlaa maqaaman bi aclaahu.
Gabayga macnihiisu waxaa weeye:
Tafidda Jabalu Al Nnuur\‫جبل النور‬/jabalu Xiraa’\‫جبل حراء‬u hammiga iyo kurbadaa ayaa
faraj looga furaa
Kow. Dhaag Xiraa'‫ حراء‬quruxda wajigiisa/intee dad ayaa aragtida iyo ku macaansiga aragsamida
quruxdiisa ku wareeray.
Laba. Waxa gudihiisa ku sugnaadayna waxaa ka mid ah qof meeshaas korreysa ugu yimid
isagoo soo booqday, isagoo doonaya inuu ka barakaysto, ayadoo uu halkaas ku sugnaaday Al
Musdhafaa\‫المصطفى‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Illaahay wuxuu faraj uga furayaa kulli
hammigiisa iyo kurbada haysa qofka tafaya buurtas.
Saddex. Hoggaas, oo ku yaalla fiidda Buurta Xiraa'‫ حراء‬, fadligiisu yahay inuu ku keli ahaansan
jiray -waa khalwah- Al Haadii\‫الهادي‬, oo ah kan wax hanuuniya, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Al Shafiicu Muxammadun\‫الشفيع محمد‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna ku
khalwoon jiray Nabinnimada horteed iyo dabadeedba, qiyaas saddexdii sano oo uu Waxyigu ka
go'ay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lana yiraahdo waqtiga fatrada, oo fatara waxaa weeye
waa go'ay/Kaasoo, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, buurtaas ku leh hog, uuna tafi jiray
222
buurtaas.
Afar. Qibladiisuna waxay ahayd Qudus\‫ القدس‬intuu Ghaarkiisa\‫ الغار‬-hoggiisa- ku jiray (taasoo in
fiiro loogu laabto u baahan, ayadoo uu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Qudus\‫ القدس‬ay Qiblo
u noqotay habeenka la dheelmiyay oo Salaadda lagu fardi yeelay, markaas ka horna ay
Qibladiisu , Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kacbada ahayd)/Isaga dhexdiisuuna Jibriil\‫جبريل‬
Waxyiga ugu keenay, isagoo ku sugan xaaladda uu naftiisa keli ahaanshaha iyo cibaadeysiga ku
xabbisay, oo uu ku sabray.
Shan. Dhexdiisuuna Jibriil‫ جبريل‬iskugu muujiyay, mawqifka uu/Ilaahay bilawga u suubiyay.
Lix. Asalka Xiraa'na‫ حراء‬wuxuu ku sugan yahay arliga toddobaad oo toddobada arli ugu
hooseeya/Markaasuu kaddib kuwa fiiddiisa saaran la gariiray, kaddib markuu asalkiisa hooseeya
gariiray. Tixduna waxay waafaqsantahay Xadiithka Muslim\‫ مسلم‬ka wariyay Abuu Hurayrah ‫أبو‬
\‫ هريرة‬inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, buurta Xiraa' saarnaa, isaga iyo
Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬iyo Cumar\‫ عمر‬iyo Cuthmaan\‫ عثمان‬iyo Calii\‫ علي‬iyo Dhalxah\‫ طلحة‬iyo Al
Zubayr\‫ الزبير‬. Markaasey buurtu gariirtay. Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu buurta ku yiri:
".‫ أو صديق أو شهيد‬،‫ فما عليك إال نبي‬،‫"أسكن حراء‬
"Askun Xiraa'a, fa maa calayka illaa Nabiyyun, aw Siddiiqun aw Shahiidun."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Xasil Xiraa'ow\‫حراء‬, oo korkaaga ma aha waxaan ahayn Nabi iyo runlow\‫( \صديق‬waana Abuu
Bakar Al Siddiiq\‫أبوبكر الصديق‬, Allaha raalli ka noqdee) iyo Shahiid\‫( شهيد‬oo intooda kalena
waxaa lagu dilay shahiidnimo)."
Qisadaas mid la mid ahna waxay ka dhacday ayaduna buurta Uxud\‫ أحد‬dusheeda iyo buurta
Thabiir\‫ جبل ثبير‬dusheeda. Waxayna ka mid yihiin muxjizooyinka Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam. Waana Xadiithka lix kun laba boqol sideed iyo afartan ee Al
Bukhaarii\‫البخاري‬.
Burburka buurta Synaa’\‫ سيناء‬iyo gaballadayda duulay buuraha ka dhashay
Toddoba. Markuu Ilaahay, Qaddasa Thikruhu\‫ قدس ذكره‬-xusidda Magaciisu Daahir ha ahaateein la mid ah nuska foodda far yarada (waa wax u dhigmee), siduu u xusay Xadiithka uu Al
Xaakimu\‫ الحاكم‬saxiixa ka dhigay, uu buurta Siinay‫ سيناء‬ee dalka Masar\‫ مصر‬ku taalla u
muujiyay, buurtu way burburtay.
Jajabkeeda qaar ka mid ahna way kala duuleen, oo ay gaballadaas duulay buuro kale noqdeen.
Marka buurta Jabalu Xiraa'\‫ جبل حراء‬waa gabal ka mid ah gaballadiisa.
Gaballada buurtaas burburtay ka kala duulay waxaa ka mid ah buurta ‫ جبل ثبير‬jabalu Thabiir, oo
kasoo horjeeda Xiraa'\‫حراء‬, waxaana labadooda u dhexeeya waadi, labadooduna waxay isku
dhinac uga yaallaan, waana dhinaca bidixeed, dariiqa qofka inta Kacbada ka baxa Mina \‫ منى‬u
socda.
Waxaa kaloo gaballadaas kasoo duulay buurta Dhuur\‫ جبل الطور‬ka askuntay buurta ‫ جبل ثور‬Jabalu
223
Thawr, oo isaguna buuraha Makkah\‫ مكة‬ka mid ah, kuna yaalla xaafadda hadda la yiraahdo ‫حي‬
‫ الهجرة‬Xayuu Al Hijrah, oo ah xaafadda Hijrada. Buurtaan dusheeda waxaa ku yaalla hog la
yiraahdo ‫ غار ثور‬Ghaaru Thawr, waana godka uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, markuu Makkah\‫ مكة‬ka haajiray, isagoo uu wehliyo saaxiibkiis Abuu Bakr Al
Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, uu galay, ayna afkiisa caaradu guri ka dhisatay, qoollayduna ay afkiisa
ukun dhigatay, oo markay sidaas arkeen ay gaaladii raadkooda ku jiray isaga noqdeen. Qofka
buurtaan dusheeda saaran, buurta Xiraa'\‫ حراء‬way u muuqataa, iyo caksigaba.
Sideed. Waxaana gaballada soo duulay ka mid ah buurta ‫ جبل ثبير‬Jabalu Thabiir, oo aan kasoo
warrannay, kaddibna Thawr\‫ثور‬, oo aan soo aragnay, oo Makkah\‫ مكة‬ku yaalla/Sidaas ayaa lagu
soo wariyay inuu Xiraa'\‫ حراء‬bilowgiisu ahaa.
Buurta Cayr\‫ جبل عير‬ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ku taalla
Sagaal. Dhiibana ‫طيبة‬, oo ah Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬, waxaa ku yaalla
saddex buurood, oo ayaguna gaballadaas soo duulay ka mid ah, ee tiri: /buurta ‫ جبل عير‬Jabalu
Cayr, ahna buruta uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri, siday Al
Bazzaar\‫ البزار‬iyo ghayrkiisba u wariyeen:
".‫ وإنه على باب من أبواب النار‬،‫"وعير يبغضنا ونبغضه‬
"Wa Cayru yabghadunaa wa nabghaduhu, wa innahu calaa baabin min abwaabi Al
Nnaari".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Cayr-na waa na neceb yahay, annaguna isaga waan necebnahay, isaguna wuxuu ku yaallaa
albaab ka mid ah albaabada Naarta."
Riwaayadu kale waxay ku sheegeen buur kale, sida ‫ جبل رضوى‬Jabalu Radwaa, oo ah buur Al
Madiinah‫ المدينة‬ku taalla, siduu Al Baghawii\‫ البغوي‬u wariyay iyo Al Qudus\‫القدس‬, oo uusan
buurtaas aan necebnahay ahayn.
Buurta Wariqaan\‫ جبل ورقان‬ee Al Madiinah Al Munwaaraah‫ المدينة المنورة‬agteeda ku taalla
Iyo buurta ‫ جبل ورقان‬Jabalu Wariqaan, oo ah buur madow oo ku taalla meel u dhexeysa ‫العرج‬
Al Caraj iyo ‫ الرويثة‬Al Ruwaythata, midigtana ka qabaneysa qofka Al Madiinah\‫ المدينة‬ka
yimid oo Makkah\‫ مكة‬u socda, Allaha Wayni labadoodaba cadawga ha ka ilaaliyee.
Buuraha Jabalu Uxud\‫جبل أحد‬, Radwaa ‫ جبل رضوى‬, Thawr\‫ثور‬, Thabiir\‫ ثبير‬iyo Xaraa’u\‫حراء‬
Waxaa kaloo burburkaas soo faniinay ka mid ah buurta ‫ جبل أحد‬Jabalu Uxud, waana buurta
caanka ah oo Al Madiinah Al Munawwarah‫ المدينة المنورة‬ku taalla, uuna Al Musdhafaa\‫المصطفى‬,
Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, ka yiri:
".‫"أحد جبل يحبنا ونحبه‬
"Uxud jabalun yuxibbunaa wa nuxibbuhu",
oo macneheedu yahay:
224
"Uxud waa buur annaga na jecel, annaguna aan ayada jecel nahay."
Sidaas ayaanna u warinnay: Al Waaxidii\‫ الواحدي‬wuxuu Anas\‫ أنس‬ka wariyay inuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
.‫ ورضوى‬،‫ وورقان‬،‫ أحد‬:‫ فوقعت ثالثة بالمدينة‬.‫ طار لعظمته ستة أجبل‬.‫"لما تجلى ربه للجبل جعله دكا‬
.
".‫ وحراء‬،‫ وثبير‬،‫ووقع بمكة ثور‬
"Lammaa tajallaa Rabbuhu lil jabali jacalahu dakan. Dhaara li cathamatihi sittatu
ajbulin. Fa waqacat thalaathatun bi Al Madiinati: Uxudun, wa Wariqaanu, wa
Radwaa. Wa waqaca bi Makkata Thawrun, wa Thabiirun, wa Xaraa'u."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Markuu Rabbigiis isku muujiyay buurta, wuxuu ka yeelay burbur, oo ay Cathiimnimadiisa
daraadeed ay lix buurood u duuleen. Markaasey saddex waxay ku dheceen Al Madiinah\‫المدينة‬,
oo kala ah Uxud\‫ أحد‬iyo Wariqaan\‫ ورقان‬iyo Radwaa\‫رضوى‬. Makkana\‫ مكة‬waxaa ku dhacay
saddex, oo kala ah Thawr\‫ ثور‬iyo Thabiir\‫ ثبير‬iyo Xiraa\‫"حراء‬.
Al \‫ البغوي‬markuu wariyay Xadiithkaan wuxuu ka yiri:
"Tafaasiirta qaarkoodna waxay wariyeen: markaasuu Xadiithkaan xusay."
Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬Xadiithkaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kor uguma
uusan qaadin. Waxaana Xadiithka wariyay ibnu abii Xaatim\‫إبن أبي حاتم‬, oo ka wariyay abii
Maalik\‫أبي مالك‬, oo kor Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu qaaday, waana wax lala
yaabo, isagoo uu Xadiithku Mursal\‫ مرسل‬yahay.
Burburidda buurtaas waxay ku xusantahay Aayadda boqol iyo saddex iyo afartan ee Suuratu Al
Acraaf\‫سورة األعراف‬, oo uu Ilaahay Tacaalaa ku yiri:
ِ
ِ
ِّ ‫ال َر‬
‫اسرَقََّر‬
َ َ‫ب أ َِرنِي أ َْنظُ ْر إِلَ ْي َك ق‬
َ َ‫َو َكلَّ َمهُ َربُّهُ ق‬
ْ ‫ال لَ ْن رََراني َولَك ِن ْانظُ ْر إِلَى اْل َجَب ِل فَِ ِن‬
َّ
ًّ
ِ ِ
‫ت إِلَْي َك َوأ ََنا‬
َ َ‫اق ق‬
َ َ‫ص ِعقًا َفلَ َّما أَف‬
ُ ‫ال ُس ْب َح َان َك رُْب‬
َ ‫وسى‬
َ ‫رَ َجلى َربُّهُ لْل َجَبل َج َعلَهُ َدكا َو َخ َّر ُم‬
‫وسى لِ ِميقَارَِنا‬
َ ‫اء ُم‬
َ ‫َولَ َّما َج‬
‫ف رََرانِي َفلَ َّما‬
َ ‫َم َك َانهُ فَ َس ْو‬
ِ
‫ين‬
َ ‫أ ََّو ُل اْل ُم ْؤ ِمن‬
"Fa lammaa tajallaa Rabbuhu Illjabali jacalahu dakkan(143)",
oo macneheedu yahay:
"Markuu Rabbigiis (waana Nabi Muuse\‫ )موسى‬isu Muujiyay buurtii, wuxuu ka yeelay
burbur(143)."
Al Baghawii\‫ البغوي‬wuxuu tafsiirkiisa ku yiri, mana aha Xadiith fiyow:
‫ ووقعت‬، ‫ أحد وورقان ورضوي‬: ‫ صار لعظمته ستة أجبل وقعت ثالثة بالمدينة‬: ‫"ووقع في بعض الرفاسير‬
".‫ثالثة بمكة ثور وثبير وحراء‬
Toban. Waana la aqbalaa ducada qofka ku ducaysta saacadda duhurka dhexdiisa/Waxaana loogu
225
dhawaaqaa oo lagu yiraahdaa: "Qofka na baryay waan ka aqbalnay baryadiisa, wuxuu rabayna
waan siinnay".
Salka Buurta Xiraa’u\‫ حراء‬ayuu Qaabiil\‫ قابيل‬walaalkiis Haabiil\‫ هابيل‬ku dilay
Kow iyo toban. Warinna waxay sheegtay inuu ‫ قابيل‬Qaabiil ina Aadan\‫ آدم‬meesha Ghaaru Xiraa'
\‫ غار حراء‬laga tafo uu walaalkiis ‫ هابيل‬Haabiil ugu yimid, oo uu halkaas ku dilay.
Al Thaclabii\‫ الثعلبي‬wuxuu yiri:
"Haabiil‫ هابيل‬maalinta la dilay wuxuu ahaa labaatan jir".
Waana la isku khilaafay sida iyo meesha Haabiil‫ هابيل‬lagu dilay. Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas ‫عبد‬
\‫ هللا إبن عباس‬wuxuu yiri:
".‫"على جبل ثور‬
“Calaa jabali Thawr.”
Oo macnihiisu yahay:
"Waxaa lagu dilay dusha jabalu Thawr\‫"جبل ثور‬.
Qaar kalena waxay yiraahdeen: caqabada -waana meesha jiirta ah oo laga koro- Xiraa'\‫ حراء‬ayaa
lagu dilay.
Jacfar Al Saadiq\‫ جعفر الصادق‬wuxuu yiri:
".‫"بالبصرة في المسجد األعظم‬
“Bi Al Basrah fii al masjidi al actham.”
Oo macnihiisu yahay:
"Waxaa lagu dilay Basrah ee arliga Ciraaq-, Masjidka wayn dhexdiisa -waa barta ku beegane,
ayadoo uusan waagaas masjidkaasi jirin."
Intaasuu warka Al Thaclabii\‫ الثعلبي‬ku egyahay.
Sababtuu Qaabiil\‫ قابيل‬Walaalkiis Haabiil\‫ هابيل‬u dilay
Al Saddiyyu\‫ السدي‬wuxuu isnaad uu isagu leeyahay ku xusay inay sababtuu Qaabiil\‫قابيل‬
walaalkiis Haabiil‫ هابيل‬u dilay ay ahayd inuu Aadan\‫ آدم‬wiil kasta oo uu dhalay u guurin jiray
gabar ayan isku calool ahayn, calool kalese ka dhalatay -ayadoo ay Xaawo\‫ حواء‬mar walba wiil
iyo gabar mataano ah dhali jirtay-. Mataanta Qaabiil‫ قابيل‬ayaa waxay ka quruxsamayd mataanta
Haabiil‫ هابيل‬oo magaceedu ahaa ‫ لبودى‬Laboodaa.
Markaasuu Qaabiil‫ قابيل‬wuxuu damcay inuu walaashiisa ay isku caloosha yihiin oo quruxsamayd
magaceeduna ahaa ‫ ألقيما‬Alqeemaa isagu guursado. Markaasuu Aadan\‫ آدم‬u diiday. Markuu
Qaabiil‫ قابيل‬arrinkaas ku adkaystay, wuxuu Aadan\‫ آدم‬labadiisa wiil amray inay qurbaan Ilaahay
u bandhigaan, oo kii qurbaankiisa Ilaahay uu aqbalo uu gabadhaas guursanayo.
Markaasuu Qaabiil‫ قابيل‬wuxuu qurbaan ahaan usoo bandhigay xirmo zarac\badar ah oo xun, waa
226
haruuree, oo uu beertiisa kasoo gooyey, isagoo beeraaley ahaa.
Haabiilna‫ هابيل‬wuxuu qurbaan ahaan usoo bandhigay wan buuran, isagoo xoolaaley ahaa.
Markaasaa waxaa cirka kasoo degay dab loo jeedo, oo qurbaanka Haabiil‫ هابيل‬cunay, kii
Qaabiilna‫ قابيل‬ka tegey, taasoo ah inuu Ilaahay qurbaanka Haabiil‫ هابيل‬aqbalay, kan Qaabiilna
‫ قابيل‬uusan aqbalin. Taas ayay ahayd sababta labadooda dhex martay.
Ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬wuxuu Fatxu Al Baarii\‫ فتح الباري‬ku yiri:
"Taas weeye midda canka ah".Qaabiil‫ قابيل‬wuxuu Haabiil‫ هابيل‬ka weynaa laba sano.
Laba iyo toban. Waxa gudihiisa -waa Ghaaru Xiraa'\‫غار حراء‬- ku jira waa sirta dhagaxdiisa ku
jirto/Oo ah dahab iyo qalin iyo macaadin la dhalaalinayo, si kiimikada waafaqsan. Sidaas ayaan
maqalnay, oo aan ghayrkeen kasoo guurinnay, waxaana taas runnimadeeda rumaynaya:
Saddex iyo toban. Inaan anigu godka Xiraa'‫ حراء‬ka maqlay tasbiixda dhagaxdiisa -oo leh
Subxaana Allaahi\‫ سبحان هللا‬- in mar ka badan/Waxaanna tasbiixdaas maqashiiyey koox rag ah,
oo markaasey waxay yiraahdeen: "Annaguna dhegeheenna ayaan tasbiixdiisa ku maqalnay".
Afar iyo toban. Xiraa'‫ حراء‬waxaa ku sugan bartuu Nuurka Ilaahay ku sugnaaday/Marka Ilaahay
ayaa iska leh barta macaaneeyey joogiddeeda oo fiideeda ah -waa Xiraa'e‫ حراء حراء‬.
Oo buurtana waxaa la yiraahdaa Jabalu Xiraa'\‫جبل حراء‬, fiideedana waxaa ku yaalla hog la
yiraahdo Ghaaru Xiraa'‫ غار حراء‬. Godka laftiisana waxaa la yiraahdaa, haddii la doono, Jabalu
227
Anigoo Hogga Ghaaru Xiraa’\‫غار حراء‬ku dhex jira, kaddib markaan
laba rakco ku tukaday. Jeexa dhabarkayga ka muuqda waxaa
laga arkaa Kacbada oo uu ku beegan yahay. Xasanwali
xajka 1425H/2003M
228
Bilaabashada soo degidda Quraanka
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Kusoo degidda Quraanka ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxay
bilaabatay bisha Ramadaan\‫رمضان‬, siduu Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عز وجل‬ugu yiri Aayadda
boqol iyo shan iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬:
ِِ
َِّ ‫َشهر رمض‬
‫َن‬
ُ ‫ان الذي أ ُْن ِز َل فيه اْلقُ ْآر‬
َ َ َ َ ُْ
“Shahru Ramadaana allatbii unzila fiihi Al Qur'aanu(185)”,
oo macneheedu yahay:
"Bisha Ramadaan‫ رمضان‬ee lasoo dejiyay dhexdiisa Quraanka(185)."
Wuxuu kaloo Ilaahay Cazza wa Jalla‫وجل‬
\‫ القدر‬ku yiri:
‫ هللا عز‬Aayadda koowaad ee Suuratu Al Qadri
‫سورة‬
)1( ‫إَِّنا أ َْن َزْل َناهُ ِفي لَْيلَ ِة اْلقَ ْد ِر‬
“Innaa anzalnaahu fii laylati Al Qadri(1)”, oo macneheedu yahay: "Annagaa soo dejinuay
(Quraanka) habbenka Laylatu Al Qadarka ah (ee bisha Ramadaan dhexdeeda ku jirta)(1)".
Wuxuu kaloo Cazza wa Jalla‫وجل‬
ku yiri:
‫ هللا عز‬Aayadaha labo ilaa shan ee Suuratu Al Dukhaan\‫الدخان‬
ِ
ٍ
ٍ
ِ
ِ َ‫واْل ِكر‬
ِ ِ‫اب اْل ُمب‬
‫) أ َْم ًار ِم ْن ِع ْنِد َنا‬2( ‫ق ُك ُّل أ َْم ٍر َح ِك ٍيم‬
ُ ‫) ِفيهَا ُي ْف َر‬3( ‫ين‬
َ ‫) إَِّنا أ َْن َزْل َناهُ في لَْيلَة ُم َب َارَكة إَِّنا ُكنَّا ُم ْنذ ِر‬2( ‫ين‬
َ
ِِ
)7( ‫ين‬
َ ‫إَِّنا ُكَّنا ُم ْرسل‬
"Wa Al Kitaabi Al Mubiini(2)Innaa anzalnaahu fii laylatin mubaarakatin Innaa kunnaa
munthiriina(3)Fiihaa yufraqu kullu amrin xakiimin(4)Amran min cindinaa Innaa kunnaa
Mursiliina(5)"
Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:
"Waxaan ku dhaartay Kitaabka wax caddeeya (oo xalaasha iyo xaaraanta kala
caddeeya)(2)Annagaa soo dejinnay habeen barakaysan, Annagaana ah kuwa
digaya(3)Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kasta oo xikmad miiran ah(4)Waana amar
agteenna ka ahaaday, Annagaanna soo dirnay (Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
iyo Rususha ka horteyseyba)(5)".
Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaa\‫تعالى‬
\‫ سورة األنفال‬ku yiri:
‫هللا‬
Aayadda kow iyo afartanaad ee Suuratu Al Anfaali
229
ِ
ِ ‫ان َي ْوَم اْلرَقَى اْل َج ْم َع‬
ِ َ‫َم ْنرُ ْم بِاللَّ ِه َو َما أ َْن َزْل َنا َعلَى َع ْبِد َنا َي ْوَم اْلفُ ْرق‬
‫ان‬
َ ‫إ ْن ُك ْنرُ ْم آ‬
"In kuntum aamantum bi Allaahi wa maa anzalnaa calaa Cabdinaa yawma al
furqaani, yawma iltaqaa al jamcaani(41)."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Haddaad tihiin kuwa rumeeyey Ilaahay iyo waxaan kusoo dejinnay Addoonkeenna (waana Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) maalinta kala saaridda (waana Maalintuu Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, duullaanka Badar\‫ بدر‬gaalada kula kulmay, uuna
Ilaahay kala saaray xaqqa iyo baadhilka, runta iyo xumaanta beenta ah ee gaalnimada),
maalintay kulmeen labada ciidan: ciidanka iyo xizbiga Ilaahay iyo ciidanka iyo xizbiga
shaydhaan(41).”
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
“Wuxuu ii wariyay Abuu Jacfar Muxammad bin Caliyyi bin Xusayn ‫أبو جعفر محمد بن علي بن‬
\‫ حسين‬inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ay ku kulmeen isaga iyo
gaaladu Badar\‫ بدر‬maalin jimce ah, subaxa ay bisha Ramadaan\‫ رمضان‬toddoba iyo toban ahayd.”
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
“Aayadda boqol iyo shan iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah\‫سورة البقرة‬, oo leh:
ِِ
َِّ ‫َشهر رمض‬
‫َن‬
ُ ‫ان الذي أ ُْن ِز َل فيه اْلقُ ْآر‬
َ َ َ َ ُْ
"Shahru Ramadaana allathii unzila fiihi Al Qur'aanu",
oo macneheedu yahay:
"Bisha Ramadaan\‫ رمضان‬ee lasoo dejiyay dhexdiisa Quraanka" ayuu ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu
daliil uga dhigtay in Quraanka lasoo dejiyay bisha Ramadaan \‫ رمضان‬iyo Laylu Al Qadri\‫ليلة القدر‬
oo bisha Ramadaan‫ رمضان‬ka mid ah.
Taasi waxay ixtimaaleysaa labo tafsiir:
(Kow) inuu ka wado inuu Quraanka soo degiddiisu iyo inta ugu horteysaba ay ahayd bisha
Ramadaan‫ رمضان‬dhexdeeda, iyo
(Labo) siduu u yiri ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬in:
‫ المرفوعة‬،‫ فجعل في بيت العزة مكنونا في الصحف المكرمة‬،‫"أنه نزل جملة واحدة إلى السماء الدنيا‬
‫ والنوازل الحادثة إلى أن‬،‫ والسورة بعد السورة في أجوبة السائلين‬،‫ ثم نزلت منه اآلية بعد اآلية‬،‫المطهرة‬
".‫توفي صلى هللا عليه وسلم‬
“Annahu unzila ilaa Al Ssamaa’i Al Dunyaa, fa jucila fii Bayti Al Cizzati maknuunan fii al
suxufi al mukarramati, al marfuucati al mudhahharati, thumma nazalat mihu Al Aayatu
bacada Al Aayati, wa Al Ssuiratu bacda Al Ssuurati fii ajwibati al ssaa’iliina, wa al
nawaazili al xaadithati ilaa an tuwaffiya Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
230
"Quraanka jumlo ahaan iyo wadartiisaba isla mar loo soo dejiyay Samada Adduunka\‫السماء الدنيا‬
oo la dhigay Bahytu Al Cizzati\‫ بيت العزة‬isagoo ku sugan Al Suxufo Al Mukarramah\‫صحفا مكرمة‬,
Al Marfuucati Al Mudhahharah\‫المرفوعة المطهرة‬, kaddibna Aayadba Aayad kale dabadeed iyo
Suuradba Suurad kale dabadeed lasoo dejiyay aydoo kuwa wax weydiiya (Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam) looga jawaabayo, iyo dhacdooyinkaba, ilaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, laga oofsaday.”
Tafsiirkaan ayaana u eg siday runtu ahayd oo ay wax u dheceen, uguna saxsan inta la wariyay”
. Waa intaas warkaa Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Intaas kaddib si buuxda ayuu Waxyigu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaallu Calayhi Wasallam ugu
soo degay, isagoo aaminsan Ilaahay oo rumaysan waxa xaggiisa uga yimid, isagoo si buuxda u
oggolaaday, xambaarayna oo u dul qaatay waxa lagu xambaaray ee raallinnimada iyo carada
addoommada Ilaahay, ayadoo ay Nabinnimadu tahay culaysyo wayn oo uusan qaadi karin ragga
xoogga badan oo go'aanka leh ee Rususha ka mid ah rnooyee, ayadoo uu Ilaahay taageerayo iyo
tawfiiqdiisa ayna u sabab yihiin waxay kala kulmayaan dadka iyo siday ugu diidayaan waxay
ugala yimaadeen xagga Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ku dhaqaaqay amarka Ilaahay, uusanna u aabo yeelin wuxuu
dadkiisa kala kulmay oo khilaafid iyo diididba ah."
Islaamidda Khadiijah bintu Khuwaylid\‫خديجة بنت خويلد‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
Waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, aamintay Khadiijah bintu Khuwaylid ‫خديجة‬
‫بنت خويلد‬, rumaysana wuxuu xagga Ilaahay ka keenay, amarkiisana ku taageertay oo ay culayska
ka qaadday. Khadiijah waxay ahayd qofka ugu horreeya oo aaminta Ilaahay iyo Rasuulkiisa,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumaysana wuxuu xaggiisa ka keenay. Rumayntiisaas
Khadiijah ayuu Ilaahay Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga khafiifiyay (dhibka iyo
culayska), oo markuu dadka ka maqlo wuxuu kahdo oo diidmo ah iyo beenin wuu ka calool
xumaadaa oo ka tiiraanyoodaa. Markaasuu markuu Khadiijah‫ خديجة‬usoo laabto ayuu Ilaahay
faraj u furaa, ayadoo amarkiisa ku sugta, kana khafiifisa oo rumaysa, dadku waxay ku faleenna
uga dhigta waxaan qiimo lahayn oo yar. Allaha u naxariisto oo raalli ka noqdo Mu'miniinta
hooyadood Khadiijah bintu Khuwaytlid\‫ خديجة بنت خويلد‬.
Khadiijah‫ خديجة‬gurigeeda luulka ah ee Jannada
Ibnu lsxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Haashim bin Curwah\‫ هشام بن عروة‬oo ka wariyay aabihiis Curwah bin Al
Zubayr\‫ عروة بن الزبير‬oo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Jacfar\‫عبد هللا بن جعفر‬, Ilaahay
dhammaantood raalli ha ka noqdee, oo yiri:
“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri:
".‫ ال سخب فيه و ال نصب‬،‫"أمرت أن أبشر خديجة ببيت من قصب‬
"Umirtu an ubash-shira Khadiijah bibaytin min qasabin, laa sakhaba fiihi wa laa
231
nasab".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaa la i amray inaan Khadiijah‫ خديجة‬ugu bishaareeyo guri xabbad luul ah oo dhexda ka
daloosha ka sameysan oo aan dhexdiisa cod kor loo qaaday laga maqlayn, waa qaylee, ayanna
kasbiddiisa ku daalin," “ayadoo markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam islaamka ugu yeeray si
sahlan ay markiiba u yeeshay, ayadoo aan u baahin inuu codkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, kor u qaado, uuna ku daalo, siday raggu u daalaan markay haweenkoodu ku
adkaadaan".
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬ayaa sidaas u fasiray. Ayadoo aan kasbidda gurigaas ku daalinna macneheedu
waxaa weeye inuu Ilaahay gurigaas siiyay ayadoo aan camal adduun oo ay ku daashay ku
kasbanin, xag Allese laga siiyey oo intay camal ku kasbatay oo ay ku daashay loogu daray.
Markuu Jibriil\‫ جبريل‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u imaanayo oo uu bishaaradaas u
keenayo, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku jiraa Ghaaru Xiraa' ‫غار‬
\‫ حراء‬, siduu Al Dhabraanii\‫ الطبراني‬u wariyay.
Salaanta Ilaahay ee Khadiijah\‫خديجة‬
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, ayaa u yimid Rasuulka IIaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuuna yiri:
“Khadiijah‫ خديجة‬waxaad u gudbisaa salaan uu Rabbigeed usoo diray."
Markaasuu Rasuulka IIaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"يا خديجة! هذا جبريل يقرأك السالم من ربك‬
"Yaa Khadiijah! Haathaa Jibriilu yuqri'uka Al Ssalaama min Rabbika",
oo macneheedu yahay:
"Khadiijey‫ !خديجة‬Kani waa Jibriil\‫ جبريل‬oo Salaan kaaga wada xagga Rabbigaa".
Markaasey Khadiijah waxay tiri:
".‫ وعلى جبريل السالم‬،‫ ومنه السالم‬،‫"هللا السالم‬
“Allaahu AlSsalaamu, wa minHu Al Ssalaamu, wa calaa Jibriila Al Ssalaamu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ilaahay Isagaa ah Al Ssalaamu‫( السالم‬oo waa magac Magacda Ilaahay ka mid ah), Isagayna Al
Ssalaamu‫ السالم‬ka timaadda oo laga helaa (oo ah nabadgelyo), Jibriil\‫ جبريل‬korkiisana Al
Ssalaamu‫( السالم‬nabadgelyo) ha ahaato".
232
Xadiithka waxaa kalkoo wariyay Bukhaarii\‫ البخاري‬mujalladka afaraad bogga boqol lix iyo
soddon iyo Xadiithka kow iyo sagaashanaad ee Muslim\‫ مسلم‬iyo kuwo kaleba.
Fardi ka yeelidda tukashada Salaadda
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Waxaa la wariyay inuu Jibriil\‫ جبريل‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimid isagoo
leh suuradda ugu qurxoon, lehna carafta ugu udgoon, uuna ku yiri: "Muxammadow! Ilaahay
Salaan ayuu kuu soo diray wuxuuna kugu leeyahay:
".‫ فادعوهم إلى قول الإله إال هللا‬.‫"أنت رسولي إلى الجن واإلنس‬
"Anta Rasuulii ilaa al jinni wa al insi. Fa adcuhum ilaa qawli Laa ilaaha illaa
Allaahu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Muxammadow! Adigu waxaad tahay Rasuulkeyga aan u diray jinniga iyo insigaba ee hadda
dhammaantood ugu yeer inay yiraahdaan Laa ilaaha illaa Allaahu‫ الإله إال هللا‬."
Kaddib Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa fardi looga yeelay tukashada
Salaadda.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Saalix bin Kaysaan\‫ صالح بن كيسان‬oo ka wariyay Curwah bin Al Zubayr ‫عروة‬
\‫ بن الزبير‬inay Caa'ishah\‫ علئشة‬tiri:
‫ ثم إن‬،‫ كل صالة‬،‫"افترضت الصالت على رسول هللا صلى هللا عليه وسلم أول ما افترضت ركعتين ركعتين‬
".‫ وأقرها في السفر على فرضها األول ركعتين‬،‫هللا تعالى أتمها في الحضر أربعا‬
“Iftaradati al ssalaatu calaa Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam awwala
maa ifturidat calayhi rakcatayni rakcatayni, kulla salaatin, thumma inna Allaaha Tacaalaa
atammahaa fii al xadri arbacan, wa aqarrahaa fii al safari calaa fardihaa al awwali
rakcatayni.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, marka ugu horreysey oo Salaadda korkiisa
fardi looga dhigay, waxaa fardi looga dhigay laba laba rakco ayadoo ah, oo ay salaad walba labo
rakco tahay.
Kaddibna Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬wuxuu taam yeelay (uu buuxay oo dhammaystiray)
Salaadda qofka muqiimka ah, oo gurigiisa jooga, wuxuuna u sharciyeeyey oo uu daayey
Salaadda Safarka siday markeeda horeba lagu fardi yeelay oo labo rakco ah."
Xadiithka waxaa kaloo wariyay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬mujalladka sideed bogga kow iyo Muslim
\‫ مسلم‬iyo kuwo kaleba.
233
Waysada iyo tukashada salaadda
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Marka Salaadda lagu fardi yeelay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa,
waxaa u yimid Jibriil\‫جبريل‬, isagoo ku sugan Makkah\‫ مكة‬dusheeda.
Markaasuu Jibriil‫ جبريل‬ciribtiisa dhulka dooxada dhankeeda ku dhuftay. Markaasaa waxaa
bartaas kasoo burqatay il biyo ah. Markaasuu Jibriil‫ جبريل‬biyahaas ka wayso qaatay, ayadoo uu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, fiirsanayo, si uu u tuso sida Salaadda loogu
wayso qaato. Markaas kaddib ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u
wayso qaatay siduu u arkay inuu Jibriil‫ جبريل‬u weyseystay.
Markaasuu Jibriil‫ جبريل‬istaagay oo uu tukaday. Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, uu salaadiisa ku tukaday oo uu la tukaday. Intaas kaddibna Jibriil‫ جبريل‬wuu ka
gaddoomay, oo Samaduu kor u tafay."
Tukashada Khadiijah ‫خديجة‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah ‫ خديجة‬u yimid, oo uu
horteeda ku wayso qaatay, si uu u tuso sida Salaadda loogu wayso qaato, siduu Jibriil \‫ جبريل‬u
tusay.
Markaasey waxay u wayso qaadatay siduu horteeda ugu wayso qaatay Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, si la mid ah.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tujiyay oo uu u tujiyay siduu
Jibriil\‫ جبريل‬isaga laftiisa u tujiyay oo kale. Markaasey Salaaddiisa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku xiratay oo ay la tukatay."
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Markuu Jibriil\‫ جبريل‬Samada kor u tafay, ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, soo gaddoomay, isagoo aan ag marayn dhagax iyo dhoobo midna ama geed ee waa
illaa kan salaama oo yiraahda "Al Ssalaamu Calayka yaa Rasuula Allaahi\‫"السالم عليك يا رسول هللا‬.
Markaasuu markuu Khadiijah‫ خديجة‬u yimid ayuu u sheegay warka waxa dhacay, oo uu farax
daraadiis ayada isku duubay, kaddibna uu amray oo ay waysaysatay oo uu Salaadda tujiyay
siduu Jibriil\‫ جبريل‬isaga u tujiyay."
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri: "Ayaday ahayd, waa Khadiijee‫ خديجة‬, qofka ugu horreeya
oo Salaad tukada."
234
Waqtiyada Salaadda
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬laga wariyay inuu yiri:
‫ فصلى به الظهر حين‬،‫"لما افترضت الصالة على رسول هللا صلى هللا عليه وسلم أتاه جبريل عليه السالم‬
‫ ثم صلى به‬،‫ ثم صلى به المغرب حين غابت الشمس‬،‫ ثم صلى به العصر حين كان ظله مثله‬،‫مالت الشمس‬
‫ فصلى به الظهر من غد‬،‫ ثم جاءه‬،‫ ثم صلى به الصبح حين طلع الفجر‬،‫العشاء اآلخرة حين ذهب الشفق‬
‫ ثم صلى به المغرب حين غابت الشمس لوقتها‬،‫ ثم صلى به العصر حين كان ظله مثليه‬،‫حين كان ظله مثله‬
‫ ثم‬،‫ ثم صلى به الصبح مسفرا غير مشرق‬،‫ ثم صلى به العشاء اآلخرة حين ذهب ثلث الليل األول‬،‫باألمس‬
".‫ وصالتك باألمس‬،‫ "يا محمد! الصالة فيما بين صالتك اليوم‬:‫قال‬
“Lammaa iftaradati al ssalaatu calaa Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
calayhi ataahu Jibriilu Calayhissalaamu, fa sallaa bihi al thuhra xiina maalati al shamsu,
thumma sallaa bihi al casra xiina kaana thilluhu mithluhu, thumma sallaa bihi al
maghriba xiina ghaabati al shamsu, thumma sallaa bihi al cishaa’a al aakhirataa xiina
thahaba al shafaqu, thumma sallaa bihi al subxa xiina dhalaca al fajru, thumma jaa’ahu,
fa sallaa bihi al thuhra min ghadin xiina kaana thilluhu mithluhu, thumma sallaa bihi al
casra xiina kaana thilluhu mithlayhi, thumma sallaa bihi al maghriba xiina ghaabat al
shamsu li waqtihaa bi al amsi, thumma sallaa bihi al cishaa’a al aakhirata xiina thahaba
thuluthu al layli al awwali, thumma sallaa bihi al subxa musfiran ghayra mushriqin,
thumma qaala: “Yaa Muxammad! Al Ssalaatu fiimaa bayna salaatika al yawma, wa
salaatika bi al amsi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Marka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, korkiisa Salaadda lagu fardi yeelay
waxaa u yimid Jibriil\‫جبريل‬, Calayhissalaamu, markaasuu wuxuu tujiyay Salaadda Duhur markay
qorraxdu Samada xagga galbeed uga iilatay.
Kaddibna wuxuu tujiyay Salaadda Casar markuu hooskiisu isaga, waa Nabigee Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, le'ekaaday.
Markaasuu wuxuu Salaadda Maghrib tujiyay markay qorraxdu dhacday.
Kaddibna wuxuu tujiyay Salaadda Cishe markuu cirguduudku cirka ka tegey.
Kaddib wuxuu tujiyey Salaadda Subax markuu waabarigu dillaacay.
Kaddib (waana maalinta labaad ee taas hore ku xigta) wuu u yimid, wuxuuna Duhurka tujiyay
maaalinta labaad markuu hooskiisu isaga laftiisa (waana Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam) le'egyahay.
Kaddib wuxuu tujiyay Salaadda Casar markuu hooskiisu isaga laftiisa (waana Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam) isaga laba jibaarkiisa yahay.
Kaddib wuxuu tujiyay Salaadda Maghrib markay qorraxdu dhacday, isla waqtigii shalay.
Kaddib wuxuu Salaadda Cishe tujiyey markuu daloolka koowaad ee habeenku tegey. Kaddibna
wuxuu tujiyay Salaadda Subax markuu waago caddaansho yahay ayanse qorraxdu weli soo
bixin.
Intaas kaddib ayuu wuxuu Jibriil\‫ جبريل‬yiri:
"Muxammadow\‫ !يا محمد‬Waqtiga Salaaddu waa inta u dhexeysa goortaad maanta tukatay iyo
markaad shalay tukatay."
235
Joogsiga Waxyiga
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Kaddib Waxyigu dib ayuu uga joogsaday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
o ah inuusan Jibriil\‫ جبريل‬u imaan oo uusan Waxyi u keenin, wuxuuna ka joogsaday muddo, ilaa
heer ay mashaqqo ku noqotay (waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), oo uu ka
tiiraanyooday.
Markaasaa waxaa u yimid Jibriil\‫ جبريل‬oo u keenay Suuradda Al Duxaa\‫سورة الضحى‬, oo uu
Rabbigiis ugu dhaaranayo, ahna Rabbiga ku karaameeyey wuxuu ku karaameeyey, inuusan ka
tegin, uusanna u caroon, wuxuuna Tacaalaa\‫ تعالى‬yiri:
‫) َولَ ْْلَ ِخ َرةُ َخ ْيٌر لَ َك ِم َن‬3( ‫َو َما َقلَى‬
ًّ ‫ووج َد َك ض‬
‫) َوَو َج َد َك‬7( ‫اَل فَهَ َدى‬
َ
َ ََ
.)11( ‫ث‬
ْ ‫ِّك فَ َح ِّد‬
َ ‫بِنِ ْع َم ِة َرب‬
‫ُّك‬
َ ‫) َما َوَّد َع َك َرب‬2( ‫) َواللَّْي ِل إِ َذا َس َجى‬1( ‫ُّحى‬
َ ‫ َوالض‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
ِ
ِ
)6( ‫يما فَآ ََوى‬
َ ‫ك َرب‬
َ ‫ف ُي ْع ِطي‬
َ ‫) َولَ َس ْو‬2( ‫ْالُولَى‬
َ ‫ُّك فَرَْر‬
ً ‫) أَلَ ْم َيج ْد َك َير‬7( ‫ضى‬
ِ َّ ‫) فَأ‬8( ‫َغ َنى‬
‫َما‬
َّ ‫) َوأ‬11( ‫َما السَّائِ َل فَ ًَل رَْنهَ ْر‬
َّ ‫) َوأ‬1( ‫يم فَ ًَل رَ ْقهَ ْر‬
ْ ‫َعائِ ًًل فَأ‬
َ ‫َما اْل َير‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Wa Al Dduxaa(l)Wa Al llayli ithaa
sajaa(2)Maa waddacaka Rabbuka wa maa qalaa(3)Wa lal’aakhiratu khayrun laka
mina al uulkaa(4)Wa la sawfa yucdhiika Rabbuka fa tardaa(5)Alam yajidka
yatiiman fa'aawaa(6)Wa wa jadaka daallan fa hadaa(7)Wa wajadaka caa'ilan fa
aghnaa(8)Fa ammaa al yatiima falaa taqhar(9)Wa ammaa al ssaa'ila falaa
tanhar(10)Wa ammaa bi nicmati Rabbika fa Xaddith(11).”
Aayadaha oo ah kuwa kow toban ee Suratu Al Duxaa‫ سورة الضحى‬macnohoodu waxaa weeye:
“Waxaan ku dhaarta barqada(l)Iyo habeenka markuu dumo(2)Kaama uusan tegin oo kuma
sagootin Rabbigaa, kuumana uusan caroon(3)Aakhiraana kaaga khayr badan
adduunka(4)Rabbigaana wuu ku siin doona, adiguna waxaas lagu siiyay raalli ayaad ku
noqoneysaa(5)Soo kuma uusan helin adigoo agoon ah oo uusan markaas ku dhowayn(6)Oo
miyuusan ku helin adigoo lunsan oo uusan ku hanuunin(7)Oo miyuusan ku helin adigoo sabool
ah oo uusan markaas ku hodmin(8)Marka agoonkana ha qahrin(9)Midka baryootamayana ka
canaanan(10)Nicmada Rabiigaa ku siiyayna ka warran(11)".
Wuxuu Ilaahay Tacaalaa sidaas Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u
sheegay oo uu ugu dhaartay inuusan ka tegin, uusanna nicin tan iyo goortuu jeclaaday, wuxuuna
ku yiri: (4) waxa agtayda kuu yaalla markaad ii soo noqotid: taasaana kaaga khayr badan oo
kaaga fiican karaamada aan kuu soo dedejiyay oo aan adduunkaan kugu karaameeyey oo kugu
siiyay, markaasaad waxaas aan ku siiyey fiicnaantooda aad raalli ku noqon doontaa,
adduunkaanna waxaan kugu siiyey guul iyo lib iyo gacan sarrayn, Aaakhirana ajar iyo
thawaab(5)."
Aayadaha lix ilaa sideedna wuxuu Ilaahay Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u
sheegayaa bilawga karaamentiisa adduunkaan iyo siduu ugu mannaystay karaamayntiisa markuu
agoonka ahaa iyo lunsanaantiisa iyo siduu intaasba naxariistiisa uga badbaadiyay.
236
Aayadaha sagaal ilaa toban wuxuu Nabigiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku leeyahay:
"Ha noqonin jabbaar iyo mid kibra oo isla wayn, hana ahaanin mid addoommada Ilaahay oo
taagta daran ku qalbi adag".
Aayadda kow iyo tobnaadna macneheedu waa sidatan:
"Ee sheeg oo ka warran waxa nicmo iyo karaamo iyo Nabinnimo ee Ilaahay ku siiyey: xus,
dadkana ugu yeer."
Markaasuu Rasuulka Ilaahau, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sheegi jiray nicmooyinka uu
Ilaahay korkiisa yeelay.
Nabinnimadana wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, si sir ah ugu sheegi jiray intuu isku
hallaynayo oo dadkiisa ka mid ah.
Al Bukhaariina\‫ البخاري‬wuxuu Jundub bin Sufyaan\‫ جندب بن سفيان‬ka wariyay in "Markuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Waxyigu dib uga joogsaday in muddo ah, uu
xanuunsaday, oo uusan labo ama saddex habeen soo kicin.
Markaasey haweeney waxay tiri:
"Anigu waxaan rajaynayaa inuu shaydaankaagii kaa tegey".
Markaasuu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬Suuratu Al Duxaa‫ سورة الضحى‬soo dejiyay."
Waana Xadiithka afar kun iyo sagaal boqol iyo konton ee Al Bukhaarii\‫البخاري‬.
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Mudada uu Waxyigu ka joogsaday waxay ahayd saddex sano, siday u sugeen ibnu Isxaaq ‫إبن‬
\‫ إسحاق‬iyo kitaabka taariikhda ee Al Imaamu Axmad bin Xanbal \‫اإلمام أحمد بن حنبل‬, iyo Yacquub
bin Sufyaan\‫ يعقوب بن سفيان‬oo Al Shacbiyyi\‫ الشعبي‬ka wariyay.
Sidoo kale waxaa u wariyay ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬iyo Al Bayhaqii\‫البيهقي‬."
Haweenta ugu horreysey oo Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
rumaysay
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri: "
Qofka ugu horreeyey oo aamina Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo
rumeeya waxay ahayd runlayda haweenka ee Khadiijah\‫خديجة‬.
Markaasey waxay u kacday oo ay xambaartay mashaqqooyinka ay xambaaraan kuwa
runlowyaalka ab.
Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Khadiijah ku yiri, waana markuu buurta
kasoo laabtay:
".‫"خشيت على نفسي‬
"Khashaytu calaa nafsii",
oo macneheedu yahay:
"Naftaydaan u baqay".
Markaasey waxay ku tiri:
237
،‫ وتقري الضيف‬،‫وتحمل الكل‬،‫ وتصدق الحديث‬،‫ فوهللا إنك لتصل الرحم‬،‫ فوهللا اليخزيك هللا أبدا‬،‫"كال أبشر‬
".‫وتعين على نوائب الحق‬
“Kallaa abshir, fa wa Allaahi laa yukhziika Allaahu Abadan, fa wa Allaahi innaka la tasilu
al raxima, wa tusdiqu al xadiitha, wataxmilu al kalla, wa taksibu al macnduuma, wa taqrii
al dayfa, wa taciinu calaa nawaa’ibi al xaqii.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Abshir! Bishaareyso, oo Wa Allaahi inuusan Ilaahay marna ku fadeexeyneyn ebedkaa."
Markaasey waxay hadalkeedaas u daliilsatay sifooyinka iyo akhlaaqda iyo dhaqanka ee uu
leeyahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo in qofka sifooyinkaas leh aan ebedkiis la
fadeexeyneyn ee abshir oo bishaareyso, oo wa Allaahi inuusan Ilaahay ebedkiis ku
fadeexeeyneyn, maxaa yeelay adigu riximka, oo ah qaraabada, ayaad xiriirisaa (xagga maalka,
xagga u qumidda u adeeggooda, booqashadooda, salaamiddooda, iwm.), runtaadna ku
hadashaa (oo weligiis been ma sheegin, lagumana tuhmin Nabinnimada horteed, siduu Abuu
Sufyaan\‫أبو سفيام‬, oo markaas gaal cadawgiisa ah uu Boqorka Roomaanka Hirqal\‫ هرقل‬hortiis ugu
qiray. Runlownimaduna waa sifooyinka ugu sharaf badan oo uu qofku yeesho), waxaadna
culayska ka qaaddaa oo aad ka xambaartaa kuwa taagta daran (sida ciyaalka agoonta ah
iyo kuwa sidoodaba u taagta daran. Muslim\‫ مسلم‬wuxuu ku daray inay tiri: "‫ "وتكسب المعدوم‬oo
macneheedu yahay: "waxaad dadkana siisaa waxayan ghayrkaa ka heleyn”), martidana
cuntadaad inta samaysid siisaa iyo meeluu ku hoydaba, dadkana waxaad ka taakulaysaa
dhacdooyinka ku yimaada."
Al Azraqii\‫ األزرقي‬wuxuu yiri:
"Waxaa kaloo wariyay ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬iyo Muusaa bin Cuqbah\‫ موسى بن عقبة‬iyo Al
Waaqidii\‫ الوليد‬iyo Al Umayyu\‫ األمي‬iyo ghayrkoodba."
Al Nawawii\‫ النووي‬wuxuu yiri:
"Jamaaco muxaqqaqiin ahna sidaas ayay yiraahdeen."
Sidoo kale waxaa wariyay Al Thaclabii\‫( الثعلبي‬waana imaamka iska leh kitaabka Tafsiirka
Quraanka ee ay kasoo qaateen ibnu Kathiir\‫إبن كثير‬, Al Baghawii\‫ البغوي‬iyo kuwa kaleba) iyo ibnu
Cabdu Al Barru\‫ إبن عبد البر‬iyo Al Suhaylii\‫السهيلي‬, oo dhammaantood isku wada raacay. Ibnu
Athiir-na\‫ إبن األثير‬wuxuu yiri:
"Muslimiintu waxay isku raaceen inuusan nin iyo haween toona uusan ka hormarin, waa
Khadiijee\‫”خديجة‬. Waa intaas warka Al Zarqaani\‫الزرقاني‬, markuu kitaabka Al Qasdhalaanii
\‫ القسطالني‬sharxayo.
238
Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬waa ninka ugu horreeyey oo Ilaahay iyo
Rasuulkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeya
Al Ssaxxaar wuxuu wariyay inuu Abuu Bakr Nabiga Sallaa Allaahu CalayhiWa Calaa Aalihi Wa
Sallam ku yiri:
‫"وعيشك يا رسول هللا ما سجدت لصنم قط! ذلك أني لما ناهزت الحلم أخذني أبي بيدي فانطلق إلى مخدع‬
:‫ فدنوت من الصنم و قلت له‬.‫" وخالني و ذهب‬.‫ "يا بني هذه األلهة العوالي فاسجد لها‬:‫فيه األصنام فقال‬
‫" فدنوت من الصنم و القيت الصخرة عليه‬.‫ فإن كنت إله حقا فامنع نفسك‬،‫"إني ملق هذه الصخرة عليك‬
".‫ "هو الذي ترى‬:‫ "ما هذا يا بني؟" قلت‬:‫ فأقبل أبي فقال‬.‫فخر لوجهه منكفأ على األرض‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaan ku dhaartay noloshaadee Rasuulka Ilaahayow – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam –
waligay sanam uma sujuudin. Taasna waxay ku timid in markaan qaangaaray ayuu aabahay
aabahay gacanta iga qabtay oo uu geeye qol ay asnaam ku jirtay, wuxuuna yiri:
“Maandhoow kuwaanu waa ilaahyada sarreeya, marka u sijuud.’ Markuu intaas yirina qolkuu ka
baxay uuna iga tegey.”
Markaasaan sanam usoo dhowaaday aanna ku iri:
“anigu dhagaxaan ayaan kugu soo tuurayaa, marka haddaad ilaah tahay run ah, naftaada daafac.”
Markaasaan sanamka u dhowaaday oo dhagax ku tuuray, markaasuu waji waji dhulka ugu soo
dhacay.
Markaasuu aabahay soo laabtay oo yiri:
?Tanna waa maxay wiilkaygow –waana markuu arkay sanamka oo dhulka biliqsan -?”
Waxaan iri:
“Waa sidaad ujeedid.”
Al Qasdhalaanii\‫ القسطالني‬wuxuu yiri:
"Ninka ugu horreeyey oo aaminay, runleyda ummadda kaddib, ummaddana islaamka ugu
hormaray waa Abuu Bakar\‫( أبوبكر الصديق‬Abuu Bakar‫ أبوبكر‬waa koofaar, magaciisuna waa
Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah ‫عبد‬
\‫هللا بن عثمان بن عامر بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة‬.
Muurah‫ مرة‬waa isla awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
oo nasabkiisu wuxuu kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowaha lixaad).
Markaasuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kabay oo uu ka caawinay u gargaaridda
Diinta Ilaahay.
Ibnu Cabbasna\‫ إبن عباس‬waxaa laga wariyay inuu Abuu Bakar‫ أبوبكر‬yahay kan dadka ugu hor
islaamay, wuxuuna xujjo ka dhigtay oo uu marag gashaday hadalka Xasaan bin Thaabit ‫حسان بن‬
‫( ثابت‬oo ahaa gabayaaga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo isagoo hortiisa
taagan uu yiri, Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uusan ku beenin) oo yiri:
239
‫أذكر أخاك أبا بكر بما فعال‬
‫بعد النبي وأوفاها بما حمال‬
‫وأول الناس قدما صدق الرسول‬
‫ إذا ذكرت شجوا من أخي ثقة‬.1
‫ خير البرية أتقاها وأعدلها‬.2
‫ والثاني التالي المحمود مشهده‬.3
1. Ithaa tathakkarta shajwan min akhii thiqqatin
athkur akhaaka Abaa Bakrin bimaa facalaa.
2. Khayru al bariyyah atqaahaa wa acdalahaa
bacda Al Nabiyyi wa awfaahaa bimaa xamalaa
3. Wa al thaanii al taalii al maxmuudi mash-haduhu
wa awwali al naasi qidaman saddaqa al Rusulaa.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
1. Haddaad hammi iyo calool xumo xusuusato, ahna wuxuu Abuu Bakar‫ أبوبكر‬beerka u dhigay
iyo siduu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxa loo geystay uga tiiraanyooday,
xusuuso hadaba siduu saaxiib iyo walaal lagu kalsoon yahay uu saaxiibkiis daraadiis, oo ah siduu
Abuu Bakar‫ أبوبكر‬ugu dul qaatay oo uu u xambaaray mashaqqooyin jirka ah iyo kuwa qalbiga
ahba, xusuuso waxa suuban oo uu Abuu Bakar‫ أبوبكر‬falay .
2. Waana kan ummadda ugu khayr badan, Ilaahayna ugu cabsi badan, uguna caadilsan Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis. Waana midka ugu oofin badan cahdiga, oo ugu
ilaalin badan wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Ca1ayhi Wasallam, ka xambaaray oo ah waxa san
oo la is faro, xumaantana la iska reebo iyo u qumidda xuquuqda Ilaahay, ayadoo ay aadaabtay
mudnayd loogu qumo.
3. Isaguna waa kan labaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Ghaaru Thawr\‫غار ثور‬
kula jiray, isagoo raacsan, isagoo ku bixiyay maalkiisa, kana tegey ehelkiisa iyo maalkiisa iyo
madaxtinnimadiisaba, intaasna uga tegey adeecidda Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo siduu u laaziamay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uuna
naftiisa dadka uga ilaaliyay. Waaba ayaduu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
yiri:
".‫"إن من أمن الناس علي في صحبته وماله أبوبكر‬
"Inna min amanna al nnaasa calayya fii suxbatihi wa maalihi Abuu Bakrin",
oo macneheedu yahay:
"Kan dadka iigu gallad badan xagga saaxiibtinnimadiisa iyo maalkiisaba waa Abuu Bakar
‫أبوبكر‬."
Wuxuu kaloo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ واساني بنفسه وماله‬:‫"ما أحدكم أعظم عندي يدا من أبي بكر‬
“Maa axadukum acthamu cindii yadan min Abii Bakrin: waasaanii bi nafsihi waa
maalihi",
oo macneheedu yahay:
240
"Axadkiinna kama wayna gacantuu Abuu Bakar‫ أبوبكر‬ii geystay: wuxuu igu kabay naftiisa iyo
maalkiisaba."
Waxaa Xadiithka wariyay Al Dhabraanii\‫الطبراني‬.
Wuxuu kaloo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ زوجني إبنته وواساني بنفسه‬:‫"إن أعظم الناس علينا منا أبوبكر‬
"Inna acthama al nnaasa calaynaa munnan Abuu Bakr: zawwajanii ibnatahu wa
waasaanii bi nafsihi",
Oo macnheedu yahay:
"Dadka waxaa noogu munno badan Abuu Bakar‫ أبوبكر‬: wuxuu ii guuriyey gabadhiisa, wuxuuna
igu kabay naftiisa."
Waxaa wariyay ibnu Casaakir\‫إبن عساكر‬.
Al Shacbiyyu\‫ الشعبي‬wuxuu yiri:
"Ilaahay wuu ku canaantay (oo eraygu waa cataba\‫ )عتب‬dadka arliga deggan oo idil Aayaddaan
intaan Abuu Bakar‫ أبوبكر‬ka ahayn, waana Aayadda afartanaad ee Suuratu Tawbah \‫ سورة التوبة‬."
Aayaddaasi wax ay leedahay:
ِ ‫َخرجه الَِّذين َكفَروا ثَانِي اثَْن ْي ِن إِ ْذ هما ِفي اْل َغ ِار إِ ْذ يقُو ُل لِص‬
َّ
‫احبِ ِه َل رَ ْح َزْن إِ َّن‬
َ
ُ َ َ ْ ‫ص َرهُ اللهُ إِ ْذ أ‬
َ
َ ‫ص ُروهُ فَقَ ْد َن‬
ُ ‫إَِل رَْن‬
ُ َ
َُ
َ
)21( ‫اللَّهَ َم َع َنا فَأ َْن َز َل اللَّهُ َس ِك َينرَهُ َعلَ ْي ِه‬
“Illaa tansuruuhu fa qad nasarahu Allaahu ith akhrajahu allathiina kafaruu thaaniya
ithnayni ith humaa fii al ghaari ith yaquulu lisaaxibihi: "la a taxzan innaa Allaaha
macanaa": fa anzala Allaahu sakiinatahu calayhi(40).”
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
"Haddaydnaan u gargaarin (waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxaa u gargaaray
llaahay markay (dalkiisa Makkah) ka saareen kuwii gaaloobay, isagoo labo midkood ah markay
godka ku jireen, markuu ku lahaa saaxiibkiis (Abuu Bakar\‫)أبوبكر‬:
"Ha murugoonin oo Ilaahay ayaa nala jira".
Markaasuu Ilaahay kusoo dejiyay (waa Abuu Bakar‫ )أبوبكر‬xasilloonidiisa."
Siduu ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬yirina, Abuu Bakar‫ أبوبكر‬wuxuu ahaa nin uu tolkiis oggolyahay,
uuna jecel yahay oo sahlan, wuxuuna ahaa ninka Quraysh\‫ قريش‬abtirsigeeda ugu badiya, uguna
aqoon badan wanaaggooda iyo xumaantoodaba.
Wuxuu ahaa nin taajir ah oo maal badan leh, lehna khuluq fiican, macruufkana fala. Ragga
tolkiisna way u imaan jireen ayna oggolaan jireen cilmigiisa iyo ganacsigiisaba daraadood iyo
wanaagga la fariisashadiisa, tolkiisna dhexdooda wanaag iyo is jacayl ka dhaliya. Markaasuu
ragga tolkiis ah oo uu ku kalsoon yahay diinta islaamka ugu yeeray, kana midka ahaa kuwa
majliskiisa yimaada, kuna soo noqnoqda.
241
Markaasaa u yeeridiisaas koox ayaga ka mid ihi ku islaameen, sidaan u arki doonno, inshaa'a
Allaahu.
Abuu Bakar‫ أبوبكر‬waa kan ugu horreeya oo Rususha rumeeyey, oo markuu Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeyey wuxuu rumeeyey dhammaantood. Waxaa wariyay
gabaygaan aan soo xusnay Abuu Cumar bin Cabdu Al Barr \‫ أبو عمر بن عبد البر‬iyo Al
Dhabraanii\‫ الطبراني‬oo Al Kabiiru\‫ الكبير‬ku wariyay.
Waxaa inay sidaas tahay oo uu Abuu Bakar‫ أبوبكر‬kan ugu horreeyey oo Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, rumeeyey yahay ku waafaqay isaguna ibnu Cabbaas \‫ إبن عباس‬iyo Al Xasan
\‫الحسن‬.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ ما عكم عنه حين‬:‫"ما دعوت أحدا إلى اإلسالم إال كانت عنده كبوة ونظر وتردد إال ما كان من إبي بكر‬
".‫ذكرت له‬
"Maa dacawtu axadan ilaa al islaami illaa kaanat cindahu kabwatun wa natharun
wa taraddudun illaa maa kaana min Abii Bakra: maa cakama canhu xiina thakartu
lahu."
Xadiithka macnihiisu waaa weeye:
"Axadna islaamka uguma aanan yeerin ee waa illaa kan simbiririqda, dibna u joogsada oo fiiro
ugu noqda oo hakada, intaan ka ahayn Abuu Bakar‫ أبوبكر‬kanoo aan dib uga joogsan oo aan
marna hakan ee horeba ka yeelay markaan u xusay oo aan ugu yeeray."
Abu Bakr‫ أبوبكر‬aabihiis Cuthmaan\‫ عثمان‬koofaartiisu waxay ahayd Abuu Quxaafah\‫أبو قحافة‬.
Al Qixf\‫القحف‬, siduu Al Raazii\‫ الرازي‬u yiri waxaa la yiraahdaa lafta madaxa ugu sarreysa oo
maskaxda daboosha; waxaa kaloo la yiraahda baaquli qori laga sameeyey oo namuunadda laftaas
leh, waxaana la yiraahdaa oo kale waa la tegey, waa qaday.
Cuthmaan\‫ عثمان‬wuxuu ka yimid al cathami‫العثم‬, oo ah inay laf jabto oo la kabo ayan
kabiddaasna ku sinnin, oo ayana siman.
Abuu Bakr Al Siddiiq\‫أبوبكرالصديق‬, Allaha raalli ka noqdee, wuxuu leeyahay siiro qiimo wayn
leh, oo kutubbo laga allifay, ujeedadeyduna ma aha inaan halkaan siiradiisa kusoo guurinno, ee
islaamiddiisa uun ayaan halkaan ku xuseynnaa. Siirada Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Abuu Bakr‫ أبوبكر‬waaba ku jiraa, sidaan u arki doonno, inshaa'a Allaahu ‫إن‬
\‫شاء هللا‬.
242
Abuu Bakar Al Siddiiqu‫ أبوبكرالصديق‬waa aabahay
Abuu Bakr Al Siddiiqu‫أبوبكرالصديق‬, Allaha raalli ka noqdee, waa aabaha dhalay Shiikhaal, oo
sidaasuu anigana aabahay ku yahay.
Dadka Shiikhaal la yiraahdo horena "mashaayikh‫ "مشايخ‬loo oran jiray waa afar, waxayna kala
yihiin:
(Kow) Looboge, oo magaciisuna yahay Axmad\‫أحمد‬, ayna ka farcantay Shiikhaal Looboge,
wuxuuna ku duugan yahay meel degmada Sheekh ee waqooyiga Soomaaliya ilaa dhawr
kiiloomitir u jirta, halkaasoo lagu soo siyaarto sanad walba oo loo Alle baryo, isagaana curadka
ah, iyo
(Labo) Khudhub\‫قطب‬, oo magaciisu yahay Cumar\‫عمر‬, ayna ka farcantay Shiikhaasha Khudhub,
oo Khudhub macneheedu waa Xiddig cirka ku yaalla oo aan dhaqdhaqaaqin oo lagu hanuuno
iyo hoggaamiye. Qudhub wuxuu ku duugan yahay degmada Sheekh ee Burco iyo Barbara u
dhexeysa, isaga daraadiis ayaana magacaas loogu bixiyey oo loogu magac daray, iyo
(Saddex) Calii\‫ علي‬iyo
(Afar) Cuthmaan‫عثمان‬.
Axmad\‫ أحمد‬iyo Cumar\‫ عمر‬iyo Calii‫ علي‬waxaa dhashay gabar Quraysh\‫ قريش‬ah oo reer Banii
Haashim\‫ بني هاشم‬u dhalatay ahna ubadka Al Xasan bin Faadhimah\‫الحسن بن فاطمة‬, gabadha
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam, ahna gabadha uu dhalay Yuusuf Al
Kawnayn\‫يوسف الكونين‬, lana yiraahdo oo kale Aw Barkhadle.
Gabadhaas magaceedu waa, siduu Duceeye igu yiri Faadhimah Al Sacdiyyah \‫ فاطمة السعدية‬ama
Shariifah Al Mahdiyyah\‫الشريفة المهدية‬.
Yuusuf Al Kawnayn‫ يوسف الكونين‬waa sheekha hindisay sida Quraanka Soomaalida loo baro oo
loo hingaadiyo oo ah Alif la kordhebey, alif la hoos dhebey alif laa goday.
Aw Barkhadle, sida la yiri, wuxuu ku duugan yahay barta magacaas leh oo u dhexeysa Hargeysa
iyo Barbara. Gabdhaas waxay kaloo dhashay wiil la yiraahdo Wacays, ayna ka farcameen reerka
la yiraahdo reer Wacays ee qabiilka Habar Awwal ee Isaaq ka midka ah. Sidaas ayay Shikhaal
iyo reer Wacays walaalo u yihiin ayagoo ay isku hooyo dhashay.
Inay sidaas tahayna waxaa shir noogu sheegay Maxammad Xaaji Xuseen oo loo yiqiin Sheeko
Xariir, Allaahu u naxariistee, sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo toddoba iyo toddobaatanka ama
sideed iyo toddobaatanka intuu socday dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia, dagalka
loo yiqiinna toddoba iyo toddobaatanka. Ragga goobtaas joogay waxaa ka mid ahaa Axmad Aw
Muuse oo Duceeye loo yaqaanno, iyo Yuusuf Cabdulle Faarax oo Lo'jir loo yaqaanno iyo
walaalkay Dr. Axmad Nuur Aadan Cismaan Cilmi. Meeshuna waxay ahayd Muqdisho. Raggaas
intiisa kalena waa shiikhaasha reer Aw Khudhub.
Waxaa kaloo ii sii sugay, waa walaalnimada shiikhaal iyo reer Wacays, inuu aniga lafteyda
xafiiskaan ka fariisan jiray Xarunta Muqdisho ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya
uu iigu yimid nin isugu key sheegay inuu walaalkey yahay, isla markaasna uu yahay Suldaanka
Reer Wacays ee Habar Awwal. Markaan wada hadalkeenna dhammaysannayna, Suldaankaas
xafiiska ayaan kala soo baxay waxaanna u wada nimid walaalkay Danjire Dr. Axmad Nuur
243
Aadan Ciusmaan, oo isaguna xafiis isla Wasaaraddaas ka fariisan jiray. Markaasaan waxaan
Suldaankaas ka codsaday inuu hadalkuu ii sheegay uu walaalkeen Axmadna u sheego. Sidaas
ayuuna yeelay. Kulankaasi wuxuu ka dhacay dhammaadka sanadka kun iyo sagaal boqol iyo
sagaal iyo sideetanka Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Wiilka afaraad ee Shikhaashu ka farcantayna waa Cuthmaan \‫عثمان‬, waxaana ka farcamay
Shiikhaasha Gandarshe oo Muqdisho agagaarkeeda dega iyo degmada Gandarshe iyo
koofurteedaba, hooyadiisna waxay ahayd Carabiyad reer Yaman u dhalatay.
Aabaha Shiikhaal dhalay wuxuu ahaa Amiirka Harar ama Awdal, magaciisuna waa Cumar \‫عمر‬,
soomaaliduna waxay u taqaannaa Fiqi Cumar. Harara waxaa looga yaqaanna Abaadir, ahna
wadaadka Diinta Islaamkana xoojiyey oo ay ka barakaystaan.
Abtirsiga Fiqi Cumar waxaan kasoo qaatay kitaabka uu allifay Sheekh Cabdu Allaahi bin
Mucallim Yuusuf Al Qudhbii Al Qaadirii, loona yaqaanno Sheekh Cabdu Allaahi Qudhbii.
Kitaabkiisuna wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo kala ah: (Kow) Caqiidatu ahlu al
Sunnati wa al Jamaacah\‫عقيدة أهل السنة والجماعة‬, (Labo) Siraaju al thilaami fii silsilati al saadati al
kiraami\‫سراج الظالم في سلسلة السادة الكرام‬, (Saddex) Taxthiiraatin baliighatin tusammaa bi al sikkiin
al thaabixati calaa al kilaabi al naabixati\‫( تحذيرات بليغة تسمى بالسكين الذبيحة على الكالب النابحة‬oo uu ku
gawracayo kuwa la yiraahdo wahaabiyiinta, oo uu eeyo ku magacaabay), (Afar) Nasru al
mu'miniina calaa al maradati al mulxidiina maca baqiyati axkaami al diini ‫نصر المؤمنين على المردة‬
\‫الملحدين مع بقية أحكام الدين‬, (Shan) Aniisatu al caashiqiina fii tathkirati al muxibbina ‫أنيسة العاشقين في‬
\‫تذكرة المحبين‬.
Kitaabkaas waxaa daabacay Al Shaykh Faqiih bin Shaykh Muxammad Abii Bakr Al Qaadirii
iskana lahaa maktabada Maktabatu Al Islaamiyyah, oo lahayd Sanduuqa Boostada ee boqol iyo
shan iyo sideetan ee Muqdisho, Somalia, wuxuuna ku daabacay Madbacadda Madhbacatu Al
Mash-hadu Al Husaynii ee lahayd Sanduuqa Boostada ee boqol iyo toddoba iyo soddon ee Al
Ghawriya, Al Qaahirah ee dalka Masar. Abtirsigiisaas iyo kutubbadiisaba waxa isaguna xusay
ninka qoraaga talyaaniga ah oo Dawladda gumeysiga ee talyaaniga Soomaaliya wakiil uga ahaan
jiray zamanka ay ahayd mustacmarad talyaani ee la yiraahdo Enrico Cerulli, kuna xusay
kitaabkiisa Somalia: storia della Somalia, l'islam in Somalia, il libro dei zenji, mujalladka
koowaad bogagga boqol iyo sagaal iyo sideetan iyo boqol iyo toddoba iyo sagaashan.
Sheekhu wuxuu bogga labo iyo tobnaad ee qaybta afaraad ku wariyay abtirsiga Fiqi Cumar iyo
isaga laftiisa abtirsigiisa, wuxuuna yiri:
‫الفقيه عمر بن شمس (الدين) بن فقيه بن محمد بن يونس أبن فقيه يوسف بن فقيه محمد بن فقيه أحمد بن فقيه تيم بن فقيه‬
‫إبراهيم بن فقيه إسماعيل بن فقيه عيسى بن بكر بن فقيه عمر بن يعقوب بن فقيه يحيى بن فقيه عيسى بن فقيه مرة بن فقيه‬
‫زكريا بن تيم إبن جمال الدين بن محمد بن عبدهللا (أبي عتيق) بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق بن عثمان بن‬
‫عامر بن عمرو بن كعب إبن لؤي بن غالب بن فهر بن مالك بن نضر بن كنانة بن خزيمة بن مدركة بن إلياس بن مضر بن‬
.‫نزار بن معد بن عدنان‬
"faqiih Cumar bin Shams bin faqiih bin Faqiih bin Muxammad bin Yuunus Ibnu faqiih Yuusuf bin
Faqiih Muxammad bin faqiih Axmad bin faqiih Taym bin faqiih Ibraahiim bin faqiih Ismaaciil bin
faqiih Ciisaa bin Bakr bin faqiih Cumar bin Yacquub bin faqiih Yaxyaa bin faqiih Ciisaa bin faqiih
Murrah bin faqiih Zakariyaa bin Taym ibnu Jamaalu Al Ddiin bin Muxammad bin Cabdu Allaahi
oo koofaartiisu tahay Ibnu Abii Catiiq bin Muxammad, oo koofaartisu tahay Abuu Catiiq Cabdu
244
Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu Abuu Bakar, oo Abuu Bakar waa koofaar, magaciisuna
waa Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah
bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr, oo ah ninka Quraysh la yiraahdo. Muurah waa isla
awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo nasabkiisu wuxuu
kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowaha lixaad. Fihr waa
ina Maalik bin Nadr bin Kinaanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar
bin Macadd bin Cadnaan. Waa intaas warka sheekhu.
Aniga abtirsigeyga
Aniga abtirsigeyguna waa Xasanwali ina Sheekh Xuseen ina Cuthmaan ina Cilmi ina Axmad ina
Muxammad ina Caalin ina Cabdu Al Rraxmaanu ina Muxammad ina Caagane ina Axmad
Looboge ina faqiih Cumar bin Shams bin faqiih bin Faqiih bin Muxammad bin Yuunus Ibnu faqiih
Yuusuf bin Faqiih Muxammad bin faqiih Axmad bin faqiih Taym bin faqiih Ibraahiim bin faqiih
Ismaaciil bin faqiih Ciisaa bin Bakr bin faqiih Cumar bin Yacquub bin faqiih Yaxyaa bin faqiih
Ciisaa bin faqiih Murrah bin faqiih Zakariyaa bin Taym ibnu Jamaalu Al Ddiin bin Muxammad
bin Cabdu Allaahi oo koofaartiisu tahay Ibnu Abii Catiiq bin Muxammad, oo koofaartisu tahay
Abuu Catiiq Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu Abuu Bakar, oo Abuu Bakar waa
koofaar, magaciisuna waa Cabdu Allaahi bin Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacb bin Sacd
bin Taym bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr, oo ah ninka Quraysh la yiraahdo.
Muurah waa isla awoowaha lixaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo
nasabkiisu wuxuu kula kulmaa kan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
awoowaha lixaad. Fihr waa ina Maalik bin Nadr bin Kinaanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin
Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macadd bin Cadnaan. .
‫حسن ولي بن شيخ حسين بن عثمان بن علم بن أحمد محمد بن عالم بن عبد الرحمن بن محمد بن عاغني بن أحمد بن‬
‫(لوبغي) بن الفقيه عمر بن شمس (الدين) بن فقيه بن محمد بن يونس أبن فقيه يوسف بن فقيه محمد بن فقيه أحمد بن فقيه‬
‫تيم بن فقيه إبراهيم بن فقيه إسماعيل بن فقيه عيسى بن بكر بن فقيه عمر بن يعقوب بن فقيه يحيى بن فقيه عيسى بن فقيه‬
‫م رة بن فقيه زكريا بن تيم إبن جمال الدين بن محمد بن عبدهللا (أبي عتيق) بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق بن‬
‫عثمان بن عامر بن عمرو بن كعب إبن لؤي بن غالب بن فهر بن مالك بن نضر بن كنانة بن خزيمة بن مدركة بن إلياس بن‬
.‫مضر بن نزار بن معد بن عدنان‬
Sarraynta Abuu Bakr‫أبوبكر‬
Siirada iyo sarraynta darajada Abuu Bakr‫ أبوبكر‬kutubbo ayaa laga allifay, waxayna ummadda
Nabi Muxammadi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isku waafaqday inuu yahay ninka
ummadda ugu khayr badan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dabadiis.
Banii Aadanka waxaa ugu khayr badan Anbiyada iyo Rususha, waxaana ku xigah oo ugu khayr
badan intooda kale asxaabta Anbiyada iyo Rususha, dhammaantoodna waxaa ugu khayr badan
asxaabta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Asxaabta Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa ugu khayr badan Abuu
Bakr Al Siddiiqu‫ أبوبكر الصديق‬, kanoo sidaas ku ah kan basharka ugu khayr badan Anbiyada iyo
Rususha Ilaahay Tacaalaa kaddib.
Waxaa Abuu Bakr‫ أبوبكر‬ammaan iyo faan ugu filan, isaga iyo ubadkiisaba, inuu Al Zubayru
245
ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬yiri:
"Waxaa ii warramay Yaxyaa bin Miskiin\‫ يحيى بن مسكين‬oo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Xasan
\‫ عبد هللا بن حسن‬oo ka wariyay aabihiis (oo ah Calii bin Abii Dhaalib\‫ )علي بن إبي طالب‬oo yiri:
"RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"إن أبو بكر منا أهل البيت‬
"Inamaa Abuu Bakr minnaa Ahla Al Bayti",
oo macneheedu yahay:
"Abuu Bakar‫ أبوبكر‬, waxaa sugan inuu annaga naga mid yahay oo uu Ahlu Al Bayti\‫ أهل البيت‬ka
mid yahay."
Siduu u wariyay oo kale kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬ee Al Balaatharii\‫البالذري‬
reerka Abuu Bakr‫ أبو بكر‬waxaa loogu yeeri oo loo yiqiinnay Aali Al Rrasuuli\‫آل الرسول‬,
Hadduu warkaasuu sidaas yahay, Shiikhaalna waa caruurtiisaas caruurtooda oo sidaasay ayaguna
Ahlu Al Baytka\‫ أهل البيت‬uga mid yihiin haddaan la helin nas ka saaraya, wa al xamdu li Allaahi
Rabbi al caalamiina\‫الحمد هلل رب العالمين‬.
Sidaasuu wuxuu ka mid ahaa qoyska Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Waana Xadiithkiisa kun iyo labo boqol iyo shan iyo toddobaatan. Al Zzubayru ibnu Al Bakkaar
\‫الزبير إبن البكار‬, oo ka mid ah dhasha Al Zubayru ibnu Al Cawwaami\‫الزبير بن العوام‬, Xawaariga
iyo ina eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Muxammad bin Yaxyaa\‫ محمد بن يحيى‬oo yiri: nin asxaabteenna ka mid ah
ayaa wuxuu yiri:
"Nin ayaa Calii bin Al Xusayn\‫( علي بن الحسين‬ahna Zaynu Al Caabidiina)(bin Cali bin Abii
Dhaalib\‫ )بن علي بن أبي طالب‬wuxuu ku yiri:
"Sideebuu ahaa makaanka Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬iyo Cumar‫ عمر‬ay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, agtiisa ku lahaayeen?"
Wuxuu yiri:
"Makaanka ay maanta agtiisa ku leeyihiin", oo agtiisay labadooduba ku duugan yihiin ayadoo
ayan cidna ka xigin, lana keli ah.
Al Zubayru ibnu Al Bakkaaru\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu yiri:
"Mudhraf bin Cabdu Allaahi\‫ مطرف بن عبد هللا‬ayaa wuxuu iiga wariyay Anas bin Maalik‫إنس بن مايك‬
oo yiri:
"Amiiru Al Mu'miniina Haaruun (Al Rashiid))‫ أمير المؤمنين هارون (الرشيد‬ayaa wuxuu igu yiri:
"Maalikow‫ !يا مالك‬Waxaad ii sifeysaa makaanka Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬iyo Cumar‫ عمر‬ay Nabiga
agtiisa ku lahaayeen!"
Markaasaan waxaan iri:
"Amiiru Al Mu'miniinow\‫ !يا أمير المؤمنين‬Waxay intuu noolaa ugu dhowaayeen siday maanta
labadooda qabri ay qabrigiisa ugu dhaw yihiin."
Wuxuu yiri: "Waad i bogsiisay Maalikow! Waad i bogsiisay Maalikow!".
Al Zubayru ibnu Al Bakkaaru\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Sufyaan bin Cuyaynah\‫ سفيان بن عيينة‬oo ka wariyay Hishaam bin
246
Curwah\‫ هشام بن عروة‬oo aabihiis (Curwah bin Al Zubayr bin Al Cawwaam bin Khuwaylid ‫عروة بن‬
\‫ )الزبير بن العوام بن خويلد‬ka wariyay oo yiri:
"Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬wuxuu islaamay isago afartan kun leh, kulligoodna uu jidka Ilaahay ku
nafaqeeyey."
Waana Xadiithkiisa kun iyo laba boqol lix iyo toddobaatan.
Waynaanta cilmigiisana iyo inuu isagu asxaabta augu cilmi badnaana waxaa u daliil ah inuu
Nabigu, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo nool uu isaga amray inuu dadka Salaadda
tujiyo oo uu imaam u noqdo, waana ayadoo uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"وأحقهم باإلمامة أقرأهم‬
"Wa axaquuhum bi al imaamati aqra'uhum”,
oo macneheedu yahay:
"Waxaa ugu xaq badan inuu imaam u noqdo kooda Quraanka ugu badiya."
Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Al Nasaa'ii\‫ النسائي‬ayaa ka wariyay Abuu Saciid Al Khudriyyi
\‫أبو سعيد الخدري‬.
Muslim‫ مسلم‬iyo Axmadba\‫ أحمد‬waxay Cabdu Allaahi ibnu Mascuud\‫ عبد هللا بن مسعود‬ka wariyeen
inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فإن كانوا في القراءة سواء فأعلمهم بالسنة‬،‫"يؤم القوم أقرؤهم لكتاب هللا‬
"Ya'umma al qawma aqra'uhum liKitaabi Allaahi, fa in kaanuu fii al qiraa'ati
siwaa'an fa aclamuhum bi al sunnati",
oo macneheedu yahay:
"Dadka ha tujiyo oo uu imaam u noqdo kooda Kitaabka Ilaahay ugu badiya. Hadday Quraanka
aqoontiisa ka siman yihiinna, kooda ugu badiya Sunnada."
Axaadiithta kusoo aroortay cilmi badnidiisu way badan yihiin, sida Xadiithka uu ibnu Sacad ‫إبن‬
\‫ سعد‬wariyay:
"Ibnu Cumar ayaa la waydiiyey: "Yaa fatwo bixin jiray cahdiga Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calyhi Wasallam?"
Markaasuu wuxuu yiri:
"Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬iyo Cumar\‫عمر‬, ghayrkoodna ma ogsooni."
(ibnu Sacad\‫ إبن سعد‬mujalladka labaad bogga saddex boqol afar iyo soddon iyo shan iyo soddon).
Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"Aayadda shan iyo tobanaad ee Suuratu Al Axqaafi waxay kusoo degatay Abuu Bakr Al Siddiiq
\‫أبوبكر الصديق‬
ُّ ‫أ‬
َ ‫ُمهُ ُك ْرًها َوَو‬
َ ُ‫صالُهُ ثَ ًَلث‬
ُ‫ون َش ْه ًار َحرَّى إِ َذا َبلَغَ أَ ُش َّده‬
َ ‫ض َعرْهُ ُك ْرًها َو َح ْملُهُ َوِف‬
ِ ‫َعم َل‬
َّ ‫ت َعلَ َّي َو َعلَى َوالِ َد‬
َ ‫أَ ْش ُك َر نِ ْع َمرَ َك الَّرِي أ َْن َع ْم‬
ْ ‫ي َوأ‬
َ ‫صال ًحا رَْر‬
ُ‫ضاه‬
َ َ ْ ‫َن أ‬
ِ ِ
ِْ ‫َّي َنا‬
ْ ‫َوَوص‬
ُ‫ان بِ َوال َد ْيه إِ ْح َس ًانا َح َملَرْه‬
َ ‫اْل ْن َس‬
ِ
ِ
ِّ ‫ال َر‬
‫َن‬
َ َ‫ين َس َنةً ق‬
ْ ‫ب أ َْوِزْعني أ‬
َ ‫َوَبلَ َغ أ َْرَبع‬
247
ِِ
ِ
)17( ‫ين‬
ُ ‫َصلِ ْح لِي ِفي ُذِّريَّرِي إِِّني رُْب‬
َ ‫ت إِلَ ْي َك َ لوِاِّني م َن اْل ُم ْسلم‬
ْ ‫َوأ‬
"Wa wassaynaa al insaana biwaalidayhi ixsaanan xamalathu ummuhu kurhan wa
wadacathu kurhan wa xamluhu wa fisaaluhu thalaathuuna shahran, xattaa ithaa
balagha ashuddahu wa balagha arbaciina sanatan qaala: "Rabbi awzicnii an ashkura
nicmataka allatii ancamta calayya wa calaa waalidayya wa an acmala saalixan
tardaahu, wa aslix lii fii thurriyatii, innii tubtu ilayka wa innii mina al muslimiina."
Aayadda macnuheedu waxaa weeye:
"Dadka waxaan u dardaarannay labadiisa waalid inuu u wanaag falo. Hooyadiis uurkay ku sidday
ayadoo dhibban, waxayna dhashay ayadoo dhibban. Sididda uurkiisa iyo naaska ka gurintiisu waa
soddon bilood. Markuu cunuggu tabar yeesho oo uu afartan sano gaaro ayuu wuxuu yiraahdaa
(midka fiicani): "Ilaahayow igu toosi inaan kugu mahdiyo nicmadaada aad iigu nicmeysay aniga
iyo waalidiinteyda, iguna toosi inaan camal fiican oo aad raalli ka tahay falo, iina wanaaji
faracayga, waana kuu tawbad keenaye, waxaanna ka mid ahay muslimiinta".
Al Shaykhu Ibraahiim bin Caamir bin Calii Al Cubaydii Al Maalikii ‫الشيخ إبراهيم بن عامر بن علي‬
\‫ العبيدي المالكي‬wuxuu kitaabkiisa Kitaabu Cumdatu Al Taxqiiqi fii Bashaa'iri Aali Al Siddiiqi ‫عمدة‬
\‫التحقيقة في بشارة آل الصديق‬, uuna dhigiddisa dhammeeyey maalin jimce ah ee bisha Rabiicu Al A
wwal\‫ ربيع اآلول‬sanadka kun iyo afar iyo lixdan waxaana lagu daabacay Madhbacatu Al Sayyid
Ibraahiim Al Muulixii oo lagu magacaabo Madhbacatu Jimciyyati Al Macaarif ee dalka Masar
bisha taas ku xigtay. Kitaabkaanina wa mid ka mid ah labada uu Shaykh Cabdu Allaahi Al
Qudhbii\‫ الشيخ عبد هللا قطبي‬kasoo qaatay warka Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬oo ku xusay kitaabkiisa Nasru Al
Muminiina\‫ نصر المؤمنين‬oo aan aniguna kasoo qaatay, ku xusay inay ducadaasi uu Abuu
Bakr‫ أبوبكر‬ku Alle baryay u jirto oo laga aq balay dhashiisa oo idil ilaa Yawmu Al Qiyaamah, oo
ay sidaas ku ahaanayaan dad saalixiin suusuuban ah. Allahana nooga dhigo sidaas.
Al Baghawii\‫ البغوي‬wuxuu tafsiirkiisa ku wariyay inuu Calii bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ ولزم ذلك من‬، ‫ أوصاه اهلل بهما‬، ‫ ولم يجتمع ألحد من المهاجرين أبواه غيره‬، ‫جميعا‬
‫ أسلم أبواه‬، ‫“اآلية نزلت في أبي بكر‬
ً
”. )4( ‫بعده‬
“Aayaddu waxay kasoo degatay Abuu Bakr‫ أبوبكر‬, oo labadiisa waalid, wanaa aabihiis iyo
hooyadiisa dhalay, way islaameen dhammaantood, taasoo ayan u sugnaan axad
Muhaajiriinta‫ المهاجرين‬ka mid labadooda waalid. Waxaana Abuu Bakr‫ أبوبكر‬sidaas labadooda
ugala dardaarmay dardaarmay inuu u sama falo sidaasna u duceysto Ilaahay, taasoo ay laazimeen
oo ku dul sugnaadeen dhashiisa isaga dabadiis.”
Al Baghawii\‫ البغوي‬wuxuu kaloo wariyay inuu ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬yiri:
‫شيئا من الخير‬
ً ‫ فأعتق تسعة من المؤمنين يعذبون في اهلل ولم يرد‬، ‫ "وأجابه اهلل عز وجل‬: ‫قال ابن عباس‬
‫ فلم يكن له ولد إال آمنوا‬، ‫َصلِ ْح لِي ِفي ُذِّري َِّتي } فأجابه اهلل‬
ً ‫ ودعا‬، ‫إال أعانه اهلل عليه‬
ْ ‫ { َوأ‬: ‫أيضا فقال‬
248
‫ وابنه أبو‬، ‫ فأدرك أبو قحافة النبي صلى اهلل عليه وسلم‬، ‫جميعا‬
‫ فاجتمع له إسالم أبويه وأوالده‬، ‫جميعا‬
ً
ً
، ‫بكر وابنه عبد الرحمن بن أبي بكر وابن عبد الرحمن أبو عتيق كلهم أدركوا النبي صلى اهلل عليه وسلم‬
".‫ولم يكن ذلك ألحد من الصحابة‬
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
Ilaahayna Cazza wa Jalla\‫ هللا عز وجل‬ducadiisaas waa ka aqbalay, markaasuu sagaal qof oo
mu’miniin ah oo Ilaahay daraadiis loo cathaabi jiray ayuu (inta gatay ayagoo addoommo la
leeyahay ahaa oo ay gaalo leedahay) xoreeyey. Wax kastoo khayr leh oo uu doonana inuu ku
kaco Ilaahay waa ka caawini jiray. Wuxuu kaloo ku ducaystay oo yiri: ‫َصِل ْح ِلي ِفي ُذ ِّريَّرِي‬
ْ ‫ َوأ‬oo ah
“iina wanaaji faracayga, oo ah ubadkiisa ku abtirsada ilaa maalinta qiyaame”: markaasuu Ilaahay
ka yeelay, oo caruurtiisoo idil way wada islaameen.
Markaasaa waxaa u sugnaaday islaannimada aabihiis iyo hooyadiis iyo dhammaan caruurtiisa.
Waxaa sidaas Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam soo gaaray Abuu Quxaafah \‫أبو قحافة‬, iyo
wiilkiisa Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬iyo isaga wiilkiisa Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr ‫عبد الرحمن بن أبي‬
\‫ بكر‬iyo Cabdu Al Rraxmaan\‫ عبد الرحمن‬wiilkiisa Abuu Catiiq\‫أبو عتيق‬, oo dhammaantood soo
gaaray Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, taasoo aan u ahaan axad kale oo saxaabada ka
mid ah.”
Abuu Bakr\‫ أبوبكر الصديق‬, isagoo sideed iyo toban jir ah ayuu wuxuu u raacay Nabiga, Sallaa
Allaahu Calyhi Wasallam, oo labaatan jir ah, safar ganacsi ee Shaam\‫الشام‬. Markaasuu markuu
gaaray afartan sano oo Nabigana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi laga dhigay, ayuu
rumeeyey, Ilaahayna uu baryay oo uu yiri:
"Ilaahayow igu toosi inaan kugu mahdiyo nicmadaada aad iigu nicmeysay aniga iyo
waalidiinteyda sidaad ii hanuunisay qalbigeygana aad iimaanka gelisay, iyo igu toosi inaan
camal fiican oo aad raalli ka tahay falo":
Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬wuxuu yid: "Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عز وجل‬waa ka aqbalay ducada,
oo wuxuu xoreeyey sagaal mu'miniinta ka mid ah oo Ilaahay daraadiis loo cadaabayo, mana
uusan u kicin shay khayr ku jiro ee wa illaa kan uu Ilaahay ku caawino."
Wuu sii Alle baryayoo wuxuu kaloo yiri: "Dhashaydana ii suubi": markaasuu Ilaahay ka aqbalay
oo caruurtiisa oo idil mu'miniin ayay noqdeen dhammaantood. Sidaas ayaa u wada sugnaaday
inay labadii dhashay islaameen iyo dhashiisa oo dhan. Sidaas ayuu Abuu Quxaafah‫أبو قحافة‬, ahna
Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬aabihiisa dhalay, wuxuu soo gaaray Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo wiilkiisa Abuu Bakar\‫ أبو بكر‬iyo Abuu Bakar\‫ أبو بكر‬wiilkiisa Cabdu Al
Rraxmaanu bin Abii Bakr\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬iyo Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬wiilkiisa Abuu
Catiiq\‫أبو عتيق‬, oo dhammaantood waxay soo gaareen Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
oo waxay ahaayeen saxaabiyyiin, taasoo aan axad kale u sugnaan."
Waa intaas intuu Al Baghawii\‫ البغوي‬Tafsiirkiisa ku wariyay.
Waxaana intoo kale isaguna Tafsiirkiisa ku wariyay Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬isagoo tafsiirka aan kor
kusoo sheegnay ku daray:
Al Shaykhu Ibraahiim bin Caamir bin Calii Al Cubaydii Al Maalikii ‫الشيخ إبراهيم بن عامر بن علي‬
\‫ العبيدي المالكي‬wuxuu kitaabkiisa Kitaabu Cumdatu Al Taxqiiqi fii Bashaa'iri Aali Al Siddiiqi ‫كتاب‬
\‫عمدة التحقيق في بشائر آل الصديق‬, uuna dhigiddisa dhammeeyey maalin jimce ah ee bisha Rabiicu Al
249
Awwal\‫ ربيع األول‬sanadka kun iyo afar iyo lixdan waxaana lagu daabacay Madhbacatu Al Sayyid
Ibraahiim Al Muulixii oo lagu magacaabo Madhbacatu Jimciyyati Al Macaarif ee dalka Masar
bisha taas ku xigtay. Kitaabkaanina wa mid ka mid ah labada uu Shaykh Cabdu Allaahi Al
Qudhbii\‫ الشيخ عبد هللا القطبي‬kasoo qaatay warka Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬oo ku xusay kitaabkiisa Nasru
Al Muminiina\‫ نصر المؤمنين‬oo aan aniguna kasoo qaatay, ku xusay inay ducadaasi uu Abuu Bakr
\‫ أبوبكر‬ku Alle baryay u jirto oo laga aq balay dhashiisa oo idil ilaa Yawmu Al Qiyaamah, oo
ay sidaas ku ahaanayaan dad saalixiin suusuuban ah. Allahana nooga dhigo sidaas.
Jacaylka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Abuu Bakr Al Siddiiq ‫أبو بكر‬
\‫الصديق‬
Waxay Al Muxibbu Al Dhabarii\‫ المحب الطبري‬ku wariyay Al Riyaadu Al Nadirata\‫الرياض النضرة‬
iyo Al Sayuudhii\‫ السيوطي‬iyo Al Isaabatu\‫ اإلصابة‬ku wariyay iyo ghayrkoodba ayna ka wariyeen
Camr bin Al Caasii Al Sahmiyyi\‫ عمرو بن العاصي السهمي‬ka wariyeen inuu yiri:
"Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, qofkeebaad dadka ugu jeceshahay?"
Wuxuu yiri:
".‫"عائشة‬
"Caa'ishah."
Waxaan iri:
"Waxaan ka waday ragga".
Wuxuu yiri:
"‫"أبوها‬
"Abuuhaa", oo ah aabeheed."
Madaxtinnimada Abuu Bakr‫ أبو بكر‬islaamka hortiis
IsIaamka ka hor madaxtinnimada Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, Allaha sharafteeda sii
kordhiyee qofka tagana sharfee, waxay ku jirtay gacanta toban nin oo tobanka qabiil ee ay
Qurayshta‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬ka koobantahay ka kala tirsan.
Tobankaas nin waxay kala ahaayeen:
Kow. Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ العباس بن عبد المطلب‬oo reer Banii
Haashim\‫ بني هاشم‬ah, oo aabihiis kaddib hayay xilka Al Siqaayata\‫السقاية‬, oo ah waraabinta
xujayda biyaha ceelka Zarnzam laga waraabiyo. Islaamka kaddibna isaga ayaa xilkaas hayay.
Labo. Abuu Sufyaan bin Xarb\‫أبو سفيان بن حرب‬, ee reer Banii Umayyata\‫بني أمية‬, oo hayey Al
Ciqaabu\‫العقاب‬, oo ahaa calanka Quraysh\‫قريش‬. Hadday Qurayshi\‫ قريش‬ninka hoggaaminaya
isku raaci weydo, Abuu Sufyaan‫ أبو سفيان‬ayay soo hormarin jireen oo ay madax ka dhigan
jireen.
Saddex. Al Xaarith bin Caamir\‫ الحارث بن عامر‬ee reer Banii Nawfal\‫بني نوفل‬, oo hayey Al
250
Rifaadata\‫الرفادة‬, oo ah maalka ay Quraysh\‫ قريش‬iska soo qaaraanto oo ay dadka xajka yimaada
cunno ugu samayn jireen, oo al rafdu macneheedu waa siinta iyo caawinidda. Quraysh \‫قريش‬
intay lacagtaas iska soo aruuriyaan ayay waxay ku gadi jireen geel iyo cunno iyo zabiib,
markaasey xujeyda siin jireen.
Afar. Cuthmaan bin Dhalxata\‫ عثمان بن طلحة‬ee reer Banii Cabdu Al Dddaar\‫بني عبد الدار‬, oo
hayey Al Sidaanatu\‫ السدانة‬iyo Al Xijaabatu\‫الحجابة‬.
Al Sidaanatu\‫ السدانة‬waxaa weeye u adeegidda Kacbada iyo furidda albaabkeeda iyo xiriddisa.
Sadana\‫ سدن‬macneheedu waxaa weeye "waa u adeegay" oo al saadinu \‫ السادن‬waa khaadimka ama
u adeegaha Kacbada.
Al Xijaabatu\‫ الحجابة‬waa asturidda oo ah isla hawsha al sidaanatu, oo ah u adeegidda Kacbada.
Qofka ah al saadinu\‫ السادن‬markuu hawshaas qabanayo taladiisu isaga gacantiisa ayay ku jirtaa
oo cid kale oo hawshaas ku amarta kama tala qaato, ee isagaa hawshaas u madax bannaan.
Al Xaajibu-se\‫ الحاجب‬amar ayaa qof kale ku siiyaa inuu hawshaas qabto, oo isagu taladiisa uma
madax bannaana, oo taladu qof kale ayay gacantiisa ku jirtaa.
Sidaas waxaa u fasiray Lisaanu al Carab\‫لسان العرب‬, markuu macneynayo erayga sadana. Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu xilkaasna u dhiibay isla Cuthmaan bin
Dhalxata\‫عثمان بن طلحة‬, qoyskiisaa haya ilaa maanta.
Shan. Yaziid bin Zamcata bin Al Aswadu\‫ يزيد بن زمعة بن األسود‬ee reer Banii Asad‫بني أسد‬, oo
hayey Al Mashuuratu\‫المشورة‬, oo ah inayan Qurayshi\‫ قريش‬arrinna go'aansan jirin jeer ay isaga
la tashadaan.
Marka hadday arrin usoo bandhigaan oo uu ku waafaqo, arrinkaas ayuu ku hoggaamin jiray.
Hadduuse arrinkaas diido, oo uu beddelkeeda arrin kale doorto, way ku taageeri jireen oo ay la
meel marin jireen. Yaziid‫ يزيد‬isagoo cidanka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka mid ah ayuu duullaankii Dhaa'if\‫ غزوة الطائف‬ku shahiiday.
Lix. Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫ أبو بكر الصديق‬ee reer Banii Taym, oo hayey Al Ashnaaqu
\‫األشناق‬, oo ah diyada iyo dhiigga la kala galo oo dilidda ka yar qiimayntooda. Xukunkuu Abuu
Bakar‫ أبو بكر‬rido Qurayshi\‫ قريش‬way rumayn jirtay oo ay ku raaci jirtay.
Hadduu qof kale diyo iyo dhiig Quraysheed\‫ قريش‬xukumana kama ayan yeeli jirin. Waana
Xadiithka kun iyo labo boqol iyo afar iyo sideetan ee Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬.
Toddoba. Khaalid bin Al Waliidu\‫ خالد بن الوليد‬ee reer Banii Makhzuum\‫بني مخزوم‬, oo hayey
Al Qubbatu\‫ القبة‬iyo Al Acannatu\‫األعنة‬.
Al Qubbatu\‫ القبة‬waxay ahayd khaymad ay u badan tahay in harag amaa saan ka sameysantahay
oo ay dhisi jireen markay dagaal gelayaan, dhexdeedana ay kusoo aruurin jireen waxay
ciidankooda dagaalka u socda u diyaariyeen.
Al Acinnatu-na‫ األعنة‬waa xilkiisa ahaa inuu madax ka ahaa fardaha marka xarbi lagu jiro.
Sideed. Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ عمر بن الخطاب‬ee reer Banii Cadiyyi \‫بني عدي‬, oo hayey
Al Safaaratu\‫السفارة‬.
Al Safaaratu‫ السفارة‬macneheedu waa Danjirennimo, oo wuxuu u kala socon jiray Quraysh\‫قريش‬
251
iyo qabiilka kale oo dagaal dhex maro, si dagaalka loo joojiyo.
Haddii qabiil kale Quraysh\‫ قريش‬u faanana, xilkiisa ayay ka mid ahayd inuu u jawaabo,
Qurayshna‫ قريش‬jawaabtiisa raalli ayay ka noqonjirtay.
Sagaal. Safwaan bin Umayyata\‫ صفيان بن أمية‬ee reer Banii Jumax\‫بني جمح‬, oo hayey Al
Azlaamu\‫األزالم‬, oo ah fallaaraha qoriga ah, aanse birta iyo baalka toona lahayn, oo ay ku qori
tuuran jireen.
Toban. Al Xaarithu bin Qays\‫ الحارث بن قيس‬ee reer Banii Sahm\‫بني سهم‬, oo u xilsaarnaa Al
Xukuumatu\‫الحكومة‬, hayeyna maalka ay asnaamta ay caabudi jireen loo hadiyeeyo.
Waxaan khabarka tobankaas nin oo ay Dawladda Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ka
dhisnayd kasoo guurinnay kitaabka Buluughu Al Arab fii Macrifati Axwaali Al Carab ‫بلوغ األرب‬
\‫في معرفة أحوال العرب‬, uuna dhigay Al Sayyid Muxammad Shukrii Al Aluusii ‫السيد محمد شكري‬
\‫األلوسي‬, mujalladka koowaad, bogga laba boqol iyo sagaal iyo afartan.
Caruurta Abuu Bakr Al Siddiiqu‫أبو بكر الصديق‬
Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبو بكر الصديق‬wuxuu dhalay lix cunug, saddex wiil iyo saddex gabdhood,
oo kala ah:
(Kow) Cabdu Allaahi bin Abii Bakr Al Siddiiqu \‫عبد هللا بن أبس بكر الصديق‬, oo shahiidnimu
lagu dilay duullaanka Dhaa'if\‫غزوة الطائف‬, ayadoo maalaintaas la dhaawacay, uuna mar dambe
dhintay, oofsashada Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, dabadeed. Isaguu ahaa midka
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabihiis godka ugu imaan jiray, una keeni jiray
cunnadooda iyo warka Makkah habennimada.
(Labo) Asmaa'u ibnatu Abii Bakrin Al Siddiiqu \‫أسماء بنت أبي بكر القديق‬, oo ay Cabdu
Allaahi\‫ عبد هللا‬isku hooyo yihiin, waxayna caruur u dhashay Al Zubayru ibnu Al Cawwaam ‫الزبير‬
\‫بن العوام‬:
(kow) Cabdu Allaahi\‫( عبد هللا‬oo Amiiru Al Mu'miniin\‫ أمير المؤمنين‬noqday boqorka Dawladda
Islaamka intaan Shaam\‫ الشام‬ahayn) iyo
(Laba) Al Munthar\‫ المنذر‬iyo
(Saddex) Curwah\‫( عروة‬oo caalinka iyo Muftiga Masjidka Nabiga, Salalaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ee Al Madiinah\‫ المدينة‬noqday) iyo
(Afar) Caasim\‫( عاصم‬oo ayan ciribi ka harin, noqdayna Guddoomiyaha dalka Ciraaq\‫عراق‬, oo
waagaas gabol Dawladda Islaamka ka mid ah ahaa) iyo
(Shan) Al Muhaajira\‫ المهاجر‬oo ayan isagana ciribi ka harin, iyo
(Lix) Khadiijah Al Kubraa\‫ خديجة الكبرى‬iyo
(Toddoba) Ummu Xasan\‫ أم حسن‬iyo
(Sideed) Caa'ishah‫ عائشة‬.
Asmaa'u\‫ أسماء‬koofaarteedu waa Thaata Al Nidhaaqayni \‫ذات النطاقين‬, ayadoo markuu Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabeheed ay godka ku jireen oo Hijrada ahayd uu Cabdu
Allaahi bin Abii Bakr\‫ عبد هللا بن أبي بكر‬u keenay cunnaday dariiqa saad ahaan ugu qaadan
lahaayeen oo ku jirta sufriyad.
Markaasay dhex xirkeeda, oo ah marada dhexda ugu xiran, labo u kala dillaacisay oo ay
sufriyada aaburkeeda ku xirtay. Sufriyadna waxaa la oran jiray weel harag laga sameeyey oo
252
cunnada lagu rito dhegana leh oo loogu talo galay qofka safraya, haalkaasuuna erayguba ka
yimid, oo ah safar, ama socdaal. Nidhaaqna waa marada aya haweenku dhexda ku xirtaan.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Asmaa'u\‫ أسماء‬hooyadood waxay ahayd Qaylah bintu Al Cuzzaa bin
Cabdu Ascad bin Nasr ibnu Maalik bin Xusl bin Caamir bin Lu'ayy ‫قيلة بنت عبد العزى بن عبد أسعد بن‬
\‫نصر إبن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي‬, ayadeyna kusoo degatay Aayadda. sideedaad Suuratu Al
Mumtaxinah\‫سورة الممتحنة‬.
(Saddex) Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu \‫عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬, oo
aabahay ah.
(Afar) Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah ibnatu Abii Bakr Al Siddiiqu ‫أم المؤمنين عائشة إبنة‬
\‫أبي بكر الصديق‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Caa'ishah
‫ عائشة‬iyo Cabdu Al Rraxmaan‫ عبد الرحمن‬waa isku hooyo, hooyadoodna waa Ummu Ruumaan
bintu Caamir ibnu Cuwaymir bin Cabdu Shams bin Cattaab bin Uthaynah bin Subayc bin
Duhmaan bin Al Xaarith ibnu Ghanm ibnu Maalik bin Kinaanah ‫أم رمان بنت عامر إبن عويمر بن عبد‬
\‫شمس بن عتاب بن أذينة بن سبيع بن دهمان بن الحارث إبن غنم إبن مالك بن كنانة‬.
Al Zubayr ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير أبن البكار‬wuxuu ku wariyay Xadiithkiisa kun iyo sadex boqol
iyo shan iyo toban inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فلينظر إلى أم رومان‬،‫"من أحب أن ينظر إلى إمرأة من الحور العين‬
"Man axabba an yantbura ilaa imra'atin mina Al Xuuri Al Ciini, fal yanthur ilaa
Ummi Ruumaana",
oo macneheedu yahay:
"Qofka jecel inuu arko haweeney ka mid ah Xuurul Ciinta‫ الحور العين‬ha fiiriyo Ummu Ruumaan
‫" أم رمان‬, oo ah hooyada dhashay Caa'isha bintu Abii Bakr Al Siddiiq ‫عائشة بنت أبي بكر‬
\‫الصديق‬."
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku degay qabriga Ummu Ruumaan
‫ أم رمان‬marka la duugayey.
Waa Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo afar iyo toban. Ummu Ruumaan‫ أم رمان‬magaceedu
wuxuu ahaa, siduu ibnu Xajar\‫ إبن حجر‬ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬uga wariyay Zaynab\‫زينب‬, uuna ibnu
Al Athiir\‫ إين األثير‬Jaamicu Al Usuuli\‫ جامع األصول‬ugu wariyay.
(Shan) Muxammad bin Abii Bakr Al Siddiiqu \‫محمد بن أبي بكر الصديق‬, hooyadiisna waa
Asmaa'u bintu Cumays\‫أسماء بنت عميس‬, una dhalatay qabiilka Khathcam\‫خثعم‬.
Dabadiisna waxaa guursaday Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Allaha raalli ka noqdee,
waxayna u dhashay Yaxyaa bin Calii bin Abii Dhaalib\‫يحيى بن علي بن أبي طالب‬.
Abuu Bakar\‫ أبو بكر‬hortiis waxay gabadhu u dhaxday Jacfar bin Abii Dhaalib "Al Dhayyaaru"
\"‫ جعفر با أبي طالب "الطيار‬ayna u dhashay Cabdu Allaahi bin Jacfar bin Abii Dhaalib ‫عبد هللا بن‬
\‫ جعفر بن أبي طالب‬iyo Muxammad bin Jacfar bin Abii Dhaalib\‫ محمد بن جعفر بن أبي طالب‬iyo
Cawn bin Jacfar bin Abii Dhaalib\‫عون بن جعفر بن أبي طالب‬.
253
Muxammad bin Abii Bakr\‫ محمد بن أبي بكر‬wuxuu dhashay sanadka Xajjatu Al Wadaaci\‫حجة الوداع‬,
markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ixraamtay, waxaana kafaalo qaaday
oo koriyay Calii bin Abii Dhaalib‫ علي بن أبي طالب‬oo u magacaabay, kaddib, Guddoomiyaha
dalka Masar\‫مصر‬, halkaasoo lagu dilay.
(Lix) Ummu Kulthuum bin tu Abii Bakr Al Siddiiqu \‫أم كلثوم بنت أبي بكر الصديق‬, hooyadeedna
waa Xabiibah bintu Khaarijah bin Zayd bin abii Zuhayr bin Maalik bin Imri’u Al Qays bin
Maalik bin Thaclabah bin Kacb bin Al Khazraj ‫حبيبة بنت خارجة بن زيد بن أبي زهير بن مالك بن امرأ القيس‬
\‫بن مالك بن ثعلبة بن كعب بن الخزرج‬, qabiilkaasoo loo yaqaanno Banii Al Agharri \‫بني األغر‬. Ummu
Kulthuum‫ أم كلثوم‬waxay guursatay Dhalxah bin Cubaydu Allaahi\‫طلحة بن عبيد هللا‬, waxayna u
dhashay Zakariyyaa\‫ زكريا‬iyo Caa'ishah\‫عائشة‬.
Isaga dabadiisna waxay guursatay Cabdu Al Raxmaan bin Cabdu Allaahi bin Abii Rabiicah bin
Al Mughiirah\‫عبد الرحمن بن عبد هللا بن أبي ربيعة بن المغيرة‬, waxayna u dhashay Cuthmaan\‫ عثمان‬iyo
lbraahiim\‫ إبراهيم‬iyo Muusaa\‫موسى‬.
Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬ayadoo caloosha hooyyadeed ku jirta ayaa Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬la
oofsaday. Intuusan dhiman ka hor ayuuna wuxuu Caa'ishah\‫ عائشة‬ku yiri:
"Waana labada wiil oo walaalahaaga ah iyo labada gabdhood oo walaalahaaga ah".
Caa'ishah‫ عائشة‬waxay ku tiri: "Asmaa'u\‫ أسماء‬waa tanoo waaba aqaannaaye waa tee
walaasheyda kale?"
Wuxuu yiri:
"Waa tan ku jirta caloosha ina Khaarijah\‫بنت حارجة‬, oo waxaa qalbigeyga lagu riday inay gabar
tahay."
Waxayna noqotay siduu u sheegay, waxayna dhalatay geeridsiisa kaddib. Caa'ishah ‫ عائشة‬ayaana
Ummu Kulthuum\‫ أم كلثوم‬u bixisay.
Waxaa wariyay Al Zubayr bin Bakkaar\‫الزبير إبن البكار‬, waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol
iyo kow iyo toddobaatan.
Asxaabta kuma jiro nin ay hooyadiis iyo aabihiisba islaameen oo ay saxaabiyyiin yihiin,
siduusan ugu jirin afar fac oo is dhalay oo wada saxaabi ah oo aan ahayn Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬iyo
aabihiis iyo wiilkiisa Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬iyo midkaan wiilkiisa Muxammad Abuu
Catiiq\‫محمد أبو عتيق‬.
Aabihiis iyo hooyadiisna waxay islaameen maalinta Makkah\‫ مكة‬la furtay.
Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬wuxuu ahaa kan ugy honeeyey oo Quraanka inta kasoo uruuriyay meeluhu
ku kala qornaa oo hal kitaab iyo labo garbad dhexdooda isugu keena, waana Xadiithka Al
Zubayru bin Bakkaar‫ الزبير إبن البكار‬ee kun iyo laba boqol iyo sideed iyo toddobaatan.
Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu wariyay Xadiithkaan:
"Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬, Allaha raalli ka noqdee, ayaa wuxuu doonay inuu
Ummu Kulthuum bintu Abii Bakr\‫ أم كلثوم بنت أبي بكر‬guursado, markaasuu wuxuu ka doonay
Caa'ishah\‫ عائشة‬oo ku faraxday, Ummu Kulthuum-na‫ أم كلثوم‬way kahatay.
Markaasey Caa'ishah‫ عائشة‬waxay ka xishootay Cumar‫( عمر‬oo markaasna ah Amiiru Al
Mu'miniina\‫ أمير المؤمنين‬iyo boqorka Dawladda Islaamka).
254
Markaasey Caa'ishah‫ عائشة‬waxay u ciddirtay Camr bin Al Caas\‫عمرو بن العاص‬, oo ay warka uga
warbixisay.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Anigaa keenaya xeelad arrinkaan kaaga filan."
Markaasuu Cumar‫ عمر‬u yimid oo uu ku yiri:
"Waxaa isoo gaartay inaan Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬ku hadashay, aniguna uma arko inaad
guursatid, maxaa yeelay Caa'ishah‫ عائشة‬ayaa waxay ku korisay nolol barwaaqo iyo raaxo miiran
ah. Marka haddaad ku dhaqdid sidaad adigu u nooshahay (oo adag, oo raaxo la'aan ah xagga
cunnada iyo xagga dharkaba iyo shaqada gurigaba, iwm.) iyo khuluqdaada waxaan ka baqayaa
inayan u adkaysan karin oo ayan u sabrin, oo ay taasi sabab u noqoto kala go'a adiga iyo reer
Abuu Bakr\‫أبوبكر‬.
Haddaad adiguna khuluqdeeda ku raacdid waxaad wax yeelleyneysaa diintaada."
Markaasuu Cumar‫ عمر‬wuxuu ku yiri:
"Hadal jid ah ayaad ku hadashay, ee xeeladdu (hadalkii iiga dhacay aan uga baxo) waa tee?"
Wuxuu yiri:
"Arrinkaan anigaa kaaga filnaanaya."
Cumar‫ عمر‬wuxuu yiri:
"Waa yahaye sidaas yeel".
Markaasuu Caa'aishah‫ عائشة‬u yimid oo uu u sheegay. Kaddibna wuxuu u noqday Cumar‫ عمر‬.
Markaasuu Cumar‫ عمر‬wuxuu ku yiri:
"Ilaahay ayaan kugu dhaariyaye Caa'ishah‫ عائشة‬ma la kulantay?"
Wuxuu yiri:
"Allaahumma\‫ اللهم‬haa."
Markaasaa Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬waxaa guursaday Dhalxah bin Cubaydu Allaahi ‫طلحة بن عبيد‬
\‫هللا‬, oo isagoo qaba laga dilay.
Dabadiisna waxaa guursaday Cabdu Al Raxmaan bin Cumar bin Abii Rabiicah Al Makhzuumii
\‫عبد الرحمن بن عمر بن أبي ربيعة المخزومي‬, oo ay caruur u dhashay."
Waa intaas warka Ansaabu Al Ashraafi\‫أنساب األشراف‬.
Ummu Kulthuum‫ أم كلثوم‬waa Taabiciyad\‫ تابعية‬oo Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, dabadiis ayay dhalatay.
Cabdu Al Rraxmaanu ibnu Abii Bakr Al Siddiiqu \‫عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
Ninka ay Shiikhaal ku abtirsato waa Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫عبد الرحمن بن‬
\‫أبي بكر الصديق‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
Cabdu Al Ramaan‫ عبد الرحمن‬wuxuu ahaa saxaabi, wuxuuna islaamay intuu socday heshiiska Al
Xudaybiyyah\‫الحديبية‬.
Al Zubayr ibnu Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu yiri:
'''Waxaa ii warramay lbraahiim bin Xamzah\‫ إبراهيم بن حمزة‬oo ka wariyay Sufyaan bin Cuyaynah
\‫ سفيان بن عيينة‬oo ka wariyay Caliyyin bin Zayd bin Judcaan\‫ علي بن زيد جدعان‬oo yiri:
"Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu lasoo baxay rag Quraysh\‫ قريش‬ah
255
oo ay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadeen furashada Makkah\‫ فتح مكة‬ka hor."
Wuxuu yiri:
"Waxaan u malaynayaa inuu kaloo yiri inuu Mucaawiyah \‫( معاوية‬bin Abii Sufyaan\‫بن أبي سفيان‬,
oo kaddib Amiiru Al Mu'miniina\‫ أمير المؤمنين‬noqday, Allaha raalli ka noqdee) la socday".
Sidaas ayuu kusoo haajiray, kuna islaamay, islaannimadiisu way suubanayd oo wax xumaan ah
laguma sheegin. Wuxuu ahaa nin saalix ah oo suuban oo aan weligiis been lagu jarribin.
Magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Al Cuzzaa\‫عبد العزى‬, markaasuu Rasuulka Ilaahy, Sallaa Allaahu
Calyhi Wasallam, u bixiyey Cabda Al Raxmaan\‫عبد الرحمن‬.
Waxaa kaloo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Al Kacbah\‫عبد الكعبة‬.
Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬isagaa ugu da'ynaa ubadka Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬wuxuuna ahaa geesi
nishaab badan, oo fallaartau gano aan hadafkiisa la gafi jirin Koofaartiisu waa Abaa
Muxammad\‫أبا محمد‬, waxaana la yiri oo kale Abaa Cabdu Allaahi\‫أبا عبد هللا‬.
Duullaanka Badar\‫ غزوة بدر‬wuxuu la safnaa gaalada iyo Uxudba\‫أحد‬.
Markaasuu Maalinta Badar‫ غزوة بدر‬markuu xagga muslimiinata soo aado ayuu Abuu Bakr\‫أبوبكر‬
isaga iyo hooyadiisba inay halaagmaan ugu duceeyaa, markuu ka gaddoomana wuxuu ugu
duceeyaa tawbad keenid (waxaa wariyay Calii Al Dhandhaawii\‫علي الطنطاوي‬, kana wariyay
kitaabka Al Macaarif\‫المعارف‬, kuna wariyay kitaabakiisa Abuu Bakar Al Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬,
bogga laba boqol iyo sagaal iyo konton).
Maalinta Badar\‫ يوم بدر‬ayuu safka kasoo baxay oo uu dalbay qof dhinaca muslimiinta uga soo
baxa.
Markaasaa waxaa u kacay aabihiis Abuu Bakar‫ أبوبكر‬si uu ula dagaallamo. Markaasuu wuxuu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri Abuu Bakar‫أبوبكر‬:
".‫"متعني بنفسك‬
"Matticnii bi nafsika",
oo macneheedu yahay:
"nafttada iigu raaxee, oo ha kicin".
Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬ee uu dhigay Al Balaatharii\‫البالذري‬, oo la oofsaday
sanadka laba boqol iyo sagaal iyo todedobaatanka Hijarada wuxuu wariyay in markuu aabihiis
Abuu Bakar‫ أبوبكر‬usoo baxay uu Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬yiri:
"Muxammadow! Ma aabayaalkeen ayaad noo soo direysaa?"
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka reebay. Markaasuu Abuu
Bakar‫ أبوبكر‬wuxuu wiilkiisa ku yiri :
"War hoy! Maalkii maxaad ku fashay?"
Markaasuu wuxuu ugu jawaabay:
‫وفارسا يضرب أوخام المشيب‬
Lam yabqi illaa shakatun wa yacbuubu
Wa faarisun yadribu awkhaama al mashiibi
‫لم يبق إال شكة ويعبوب‬
256
Tixda macneheedu waxaa weeye:
Kama uusan harin waxaan hub ahayn iyo faras dheereeya
iyo fardafuule odayada culus ku dila.
Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬wuxuu ganacsi ugu noqnoqon jiray arliga Suuriya\‫سورية‬,
halkaasoo u gabar guri wayn daaqaddiisa kasoo jeedda oo qurux badan uu Dimishiq\‫ دمشق‬ku
arkay.
Markaasuu jeclaaday. Markuu wareystayna waxaa loo sheegay inay tahay gabadha boqorka
Suuriya‫سورية‬, magaceeduna yahay Laylaa bintu Al Juudiyyi bin Cadiyyi bin Camr bin Abii
Camr Al Ghassaanii\‫ ليلى بنت الجودي بن عدي بن عمرو بن أبي عمرو الغساني‬oo ka mid ahaa Boqorrada
Al Ghasaasinah\‫ الغساسنة‬ee Koofurta Shaam\‫الشام‬.
Markaasuu gabadhaas gabay u tiriyey, oo wuxuu ahaa gabayaa, wuxuuna yiri:
‫وما إلبنة الجودي ليلى وماليا‬
‫تدمن بصرى أو تحل الجوابيا‬
‫إذا الناس حجوا قابال أن توافيا‬
‫تذكر ليلى والسماوة دونها‬
‫وأنى تعاطي ذكرها حارثية؟‬
‫وأنا تالقيها؟ بلى! ولعلها‬
Tathakkar Laylaa wa Al Ssamaawatu duunahaa\wa maa li ibnati Al Juudiyyi Laylaa wa maaliyaa
Wa annaa tucaadhii thikrahaa Xaarithiyyatan?\tudamminu Busraa aw taxulla Al Jawaabiyaa
Wa annaa tulaaqiihaa? Balaa! Wa lacallahaa\ithaa al nnaasu xajjuu qaabilan an tuwaafiyaa.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
Wuxuu xusuustay Laylaa, samada ayaana ayada ka dhow\xaggee isku jirnaa aniga iyo inanta Al
Juudiyyi.
Sidee bey ku heleysaa tilmaameheeda gabar u dhalatay Al Xaarith?\waxayna ku sugan tahay oo
laazimtay Busraa ama waxay deggan tahay Al Jaabiyah.
Ma suurta galbaa inaan la kulmo? Haa! Waxaana dhici karta/in markuu dadku soo xajjiyo
sanadka soo socda ay soo raacdo.
Al Zubayru ibnu Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu yiri:
"Markaasuu markuu Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫ عمر بن الخطاب‬jayshkiisa u diray Shaam\‫الشام‬
(waxaana madax u ahaa Khaalid bin Al Waliid‫ )خالد بن الوليد‬wuxuu taliyaha ciidanka ku yiri:
"Haddaad Laylaa bintu Al Juudiyyi\‫ ليلى بنت الجودي‬gacanta ku dhigtid oo dagaal lagu qabsado
waxaad siisaa Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬."
Markaasuu si dagaal ah gacanta ugu dhigay (oo ay sidaas addoon ku noqotay), markaasuu
wuxuu siiyey Cabdu Al Raxmaan bin Abuu Bakar‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬.
Markaasey cajab gelisay oo uu haweenkiisa kale kasoo dhowestay, ilaa heer ay Caa'ishah \‫عائشة‬
uga soo dacwoodeen. Markaasey ku canaanatay, isaguna wuxuu ku yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬waaba sida anigoo miciyeheeda ka cabaya oo ka nuugaya xabbada rumaanka".
Markaasaa waxaa ayada ku dhacay cudur uu afkeedu isku dhacay (intay ilkuhu ka daateen).
Markaasuu ka fogaaday oo uu jaafeeyey. Markaasey Caa'ishah‫ عائشة‬uga ashtakootay.
Markaasey waxay Caa'ishah‫ عائشة‬walaalkeed ku tiri:
"Cabdu Al Raxmaanow‫ ! عبد الرحمن‬Laylaa\‫ ليلى‬waad jeclaatay, markaasaad xadgudubtay oo aad
257
ku talaxtagtay, kaddibna waad nacday oo aad xadgudubtay kuna talaxtagtay.
Marka, waa inaad ama cadaalad u sameysid ama aad ciddeeda u dirtid oo aad u saad siisid."
Markaasuu intuu maal siiyey ciddeeda u diray."
Cabdu Allaahi Al Muscab bin Cabdu Allaahi Al Muscab Al Zubayrii ‫عبد هللا بن مصعب بن عبد هللا‬
\‫المصعب الزبيري‬, oo ah Al Zubayr bin Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬adeerkiis, wuxuu kitaabkiisa "Kitaabu
Nasabu Quraysh\‫"كتاب نسب قريش‬, boggiisa laba boqol iyo lix iyo toddobaatan ku wariyay inayan
haweentaasu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬wax caruur
ah u dhalin, wiil iyo gabar toona.
Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu ahaa, siduu ibnu Cabdu Al Barr ‫إبن‬
\‫ عبد البر‬Al Istiicaabu\‫ اإلستيعاب‬ugu wariyay, nin kaftanlow ah.
Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬waa ninka uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amray,
siduu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬u wariyay, inuu Caa'ishah\‫ عائشة‬geeyo Al Tanciimu\‫ التنعيم‬si ay
halkaas Cumro\‫ عمرة‬uga soo xirato.
Markaasuu wuxuu geeyey oo ay kasoo xiratay barta uu maanta ku yaallo masjidka wayn oo la
yiraahdo Masjidu Caa'ishah\‫مسجد عائشة‬, oo Kacbada toddoba kiiloomitir u jira.
Muslim\‫ مسلم‬wuxuu wariyay inuu Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬usoo galay walaashiis Ummu Al
Mu'miniina Caa'ishah\‫ أم المؤمنين عائشة‬maalintuu dhintay Sacad bin Abii Waqqaas ‫سعد بن أبي‬
‫وقاص‬, markaasuu weyseystay.
Markaasey waxay ku tiri:
"Waysada kaamil ka dhig oo waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi
Wasallam, oo leh:
".‫"ويل لألعقاب من النار‬
"Waylun lil'acqaabi mina al nnaari,",
oo macneheedu yahay:
"Cirbaha ka ilaaliya naarta, oo markaad weyseysaneysaan biyaha ku dhaqa".
Cabdu Al Raxmaan ibnu Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu ka qayb galay dagaallada
Ridada\‫حروب الردة‬, wuxuuna ka mid ahaa ciidanka Khaalid bin Al Waliid\‫ خالد بن الوليد‬Duullaanka
Yawmu Al Yamaamah\‫يوم اليمامة‬, wuxuuna maalintaas dilay toddoba madaxdooda ka mid ah,
wuxuuna dilay Muxakkamu Al Yamaamah ibnu Dhufayl\‫ محكم اليمامة إبن الطفيل‬oo uu fallaar ku
ganay oo ay galowga ka gashay oo dishay.
Al Zubayr\\‫ الزبير‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay adeerkey Muscab bin Cabdu Allaahi\‫ مصعب بن عبد هللا‬oo yiri:
"Muxakkamu al Yamaamah‫ محكم اليمامة‬maalinta beerta lagu dagaallamay Yawmu Al Xadiiqah
\‫ يوم الحديقة‬wuxuu istaagay meel dalool ah (oo ka dalooshay darbiga beerta ku wareegsanaa)
markaasuu daafacay, oo uu axad muslimiinta ka mid ihi mari waayey. Markaasuu Cabdu Al
Raxmaan bin Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬fallaar ku ganay oo uu dilay. Markasey muslimiintu
daloolkaas ka galeen. Wuxuu yiri:
258
wuxuuna ka mid ahaa kuwa nishaabta badan."
Waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo labo iyo labaatan.
Amiiru Al Mu'miniina Mucaawiyah bin Abii Sufyaan\‫ أمير المؤمنين معاوية بن أبي سفيان‬markay
geeridiisu soo dhowaatay ayuu wuxuu u magacaabay wiilkiisa Yaziid\‫يزيد‬, inuu isaga dabadiis
xukunka qabto, wuxuuna ku dadaalay inuu saxaabada oggolaansho uga helo oo la baayaco intuu
isaguba weli nool yahay.
Al Zubayr bin Al Bakkaar\‫ الزبير إبن بكار‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay Cabdu Allaahi bin Naafic bin Thaabit\‫ عبد هللا بن نافع بن ثابت‬wuxuuna yiri:
"Marwaan\‫مروان‬, oo markaas Guddoomiyaha Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬ah,
uuna Mucaawiyah\‫ معاوية‬u magacaabay, ayaa wuxuu fuulay Minbirka (Masjidka) markaasuu
wuxuu dadka ugu yeeray inay Yaziid\‫ يزيد‬baayacaan.
Markaasaa waxaa la hadlay Al Xusayn bin Calii\‫ الحسين بن علي‬iyo Cabdu Allaahi bin Al
Zubayr\‫عبد هللا بن الزبير‬, waxayna kula hadleen hadlan ayan meeshaani meesheeda ahayn.
Markaasuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬wuxuu ku
yiri:
"Ma hirqaliyyah\‫ هرقلية‬ayaa? Oo markuu Boqor dhinto Boqor kale ayaa beddelaya? Wa Allaahi
\‫ وهللا‬inaanan taas ebedkeen yeeleyn."
Waana Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo afar iyo labaatan. Hirqal \‫ هرقل‬wuxuu ahaa Boqorka
Rooma. Macneheedu waxaa weeye: ma boqortooyo la iska dhaxlo ayay noqotay Dawladdii
lslaamku?
Al Zubayr\‫ الزبير‬wuxuu yiri:
"Waxaa ii warramay lbraahiim bin Muxammad bin Cabdu Al Caziiz Al Zuhriyyu ‫إبراهيم بن محمد بن‬
\‫ عبد العزيز الزهري‬oo aabihiis ka wariyay oo awoowihiis ka wariyay oo yiri:
"Mucaawiyah\‫ معاوية‬wuxuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiqu ‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬
\‫ الصديق‬usoo diray boqol kun oo dirham markuu diiday baycada wiilkiisa Yaziid bin
Mucaawiyah\‫يزيد بن معاوية‬.
Markaasuu Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬lacagtiisa u celiyey uuna diiday inuu qaato, wuxuuna
yiri:
"Ma Diintaydaan duunyo dhaafsanayaa?"
Markaasuu xagga Makkah\‫ مكة‬u ambabaxay, intayan baycada Yaziid‫ يزيد‬dhammaan, oo uu
agteedaba, waa Makkah\‫مكة‬, ku dhintay."
Waa Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo shan iyo labaatan. Axaadiithtaan iyo wararkaanoo
kalena waxaa wada wariyay badanka kutubbada Siirada iyo Axaadiithta iyo taariikhdaba.
Dhimashada Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu‫عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
Al Zubayru\‫ الزبير‬wuxuu Abii Mulaykah\‫ أبي مليكة‬ka wariyay inuu Cabdu Al Raxmaan bin Abii
Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬dhintay sanadka saddex iyo kontonaad ee Hijrada isagoo ku dhaartay
inuusan qofna la hadlin. Markaasay markuu dhintay ayay Caa'ishah\‫ عائشة‬waxay tiri:
".‫"يميني يمين إبن أم رمان‬
"Yamiinii yamiinu ibnu Ummi Ruumaan",
259
oo macneheedu yahay: "Dhaarteydu waa dhaarta ina Ummu Ruumaan‫ أم رمان‬."
Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬wuxuu si kadis ah ugu dhintay, isagoo hurda, isagoo xagga
Makkah\‫ مكة‬u socda, meesha la yiraahdo Xubshiyyi \‫ الحبشي‬oo qiyaas toban mayl Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬u jirta. Markaasaa tumanka rag lagu qaaday oo inta Makkah\‫ مكة‬la
geeyey halkaas lagu duugay.
Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬wuxuu Al Xaakim\‫ الحاكم‬ka wariyay inay markay Caa'ishah\‫عائشة‬
maqashay geerida walaalkeed ay soo safartay ayadoo xaajiyad ah, oo inta qabrigiisa dul
istaagtay ku oyday, gabayna ay ka tirisay, kaddibna ay tiri:
".‫ ولو شهدتك لم أبك عليك‬،‫"أما وهللا لو حضرتك لدفنتك حيث مت‬
“Amaa wa Allaahi law xadartuka la dafantuka xaythu mitta, wa law shahidtuka lam abki
calayka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬haddaan geeridaada goob joog ahaan lahaa waxaan kugu duugi lahaa meeshaad
ku dhimatay, haddaan markaas goob joog ahaan lahaana kuuma aanan booyeen".
‫أنساب األشراف‬Ansaabu Al Ashraafi
Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi‫ أنساب األشراف‬wuxuu juzka tobnaad bogga boqol iyo laba ku yiri:
Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu ibnu abii Mulaykah\‫ أبي مليكة‬ka wariyay inuu yiri:
"Cabdu Al Raxmaan‫ عبد الرحمن‬waxaa lagu oofsaday bartuu ku degay."
Wuxuu yiri:
"Markaasaan tuamankeenna ku qaadnay lix mayl oo aan Makkah\‫ مكة‬geyney. Markaasey markay
timid Caa'ishah‫ عائشة‬waxay tiri:
"!‫"أروني قبر أخي‬
“Aruunii qabra akhii.”
Oo macnihiisu yahay:
"i tusa qabriga walaalkay".
Markaasey tuseen qabrigiisa.
Markaasey ku tukatay ayna tiri:
".‫ ولو شهدتك لم أبك عليك‬،‫"أما وهللا لو حضرتك لدفنتك حيث مت‬
“Amaa wa Allaahi law xadartuka la dafantuka xaythu mitta, wa law shahidtuka lam abki
calayka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬haddaan goob joog ahaan lahaa waxaan kugu duugi lahaa meeshaad ku
dhimatay, haddaan goob joog ahaan lahaana kuuma aanan booyeen."
260
Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu yiri:
Wuxuuna dhintay sanadka saddex iyo kontonaad, kuna dhintay Makkah\‫ مكة‬dibaddeeda (bartaasu
waxay maanta ku jirtaa bartamaha Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬waxayna Kacbada u jirtaa
sideed boqol oo mitir, sidaad masawirka hoose ee google ka arki kartid) si kadis ah.
Warimaha qaarkoodna waxay wariyeen inay Caaishah\‫ عائشة‬Xaramka soo gelisay oo halkaas
lagu duugay.
Abuu Al Yaqthaan Al Bisrii‫ أبو اليقظان البصري‬wuxuu yiri:
“Isagaa ugu horreeyey muslimiinta qof si kedis ah ku dhinta, wuxuuna ahaa gabayaa, wuxuuna
ku jihaaday Al Shaam‫ الشام‬, wuxuuna goob jog ka ahaa maalinta ratiga‫ وشهد الجمل‬isagoo Caaishah
‫ عائشة‬la socda.”
Waxaa ii warramay Hishaam bin Cammaar‫ هشام بن عمار‬oo ka wariyay Ciisaa bin Yuunus ‫عيسى بن‬
‫ يونس‬oo ka wariyay ibnu Jarayj‫ إبن جريج‬oo ka wariyay ibnu Abii Mulaykah‫ إبن أبي مليكة‬oo yiri:
“Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu ku dhintay Al Xubshiyyi‫– بحبشي‬
kanoo Makkah\‫ مكة‬u jira laba iyo toban mayl – markaasaa la qaaday oo la duugay. Markaasaa
markay Caaishah‫ عائشة‬Makkah\‫ مكة‬timid kana timid Al Madiinah\‫ المدينة‬ayay qabrigiisa timid,
waxayna tiri:
‫من الدهر حتى قيل لن يتصدعا‬/‫وكنا كندماني جذيمة حقبة‬
‫بطول اجتماع لم نبت ليلة معا‬/‫فلما تفرقنا كأني ومالكا‬
Wa kunna ka nadamaanii Jathiimatan xaqbatan\mina al dahri xattaa qiila lan yatasadacaa
Falammaa tafarraqnaa ka annii ma maalikan\bi dhuuli ijtimaacin lam nabit laylatan macan.
Laba tixood macnohoosu waxaa weeye:
Waxaan saaxiibbo isku lammaansan u ahayn sida labada saaxiib ee Jathiimah zaman\ dheer ilaa heer laga
yiraahdo waligood kala tegi mayaan.
Markaasaan markaan kala tagnay waaba anigoo ah sida Maalik\oo zaman dheer labadiisa saaxiib ku
lammaansanaa oo la joogay, sida annagoo aan habenna wada hoyan oo kale.
Hishaam Al Kalbii‫ هشام أبن الكلبي‬wuxuu yiri:
“Jathiimah waa Jathiimah Al Abrash binMaalik bin Fahm bin Ghaanim bin Daws bin Cadthaan, waana Al
Wadaax‫ وهو الوضاح‬،‫ جذيمة األبرش بن مالك بن فهم بن غانم بن دوس بن عدثان‬labadiisa saaxiibna waxay ahayeen
Maalik iyo Cuqayl labada wiil ee Faarij bin Maalik bin Kacb bin Al Qayn bin Jusu bin Shiicu Allaahi bin
Wabarah binTaghlub bin Xulwaan bin Cimraan bin Al Xaaf bin Qudaacah ‫ونديماه مالك وعقيل ابنا فارج بن مالك‬
‫ فالج بن‬:‫ وبعض النساب يقول‬،‫بن كعب بن القين بن جسر بن شيع هللا بن وبرة بن تغلب بن حلوان بن عمران بن الحاف بن قضاعة‬
.‫" انتهى‬.‫مالك‬
‫ونديماه مالك وعقيل ابنا فارج بن مالك بن كعب بن القين بن جسر بن شيع هللا بن وبرة بن تغلب بن حلوان بن عمران بن الحاف بن‬
.‫" انتهى‬.‫ فالج بن مالك‬:‫ وبعض النساب يقول‬،‫قضاعة‬
. Kuwa nasabka ku xeel dheer qaarkoodna waxay yiraahdeen: Faalij bin Maalik‫ فالج بن مالك‬.” Waa intaas
warkiisu.
Calii Al Dhandhaawii\‫ علي الطنطاوي‬wuxuu Tahthiibu Taariikhu ibnu Casaakir\‫تهذيب تاريخ إبن عساكر‬
ka wariyay oo uu yiri:
"Markaasey Caa'ishah‫ عائشة‬qabrigiis waxay ka dul dhistay teendho, oo intay qof u wakiilatay
ayay ka ambabaxday.
Markaasaa waxaa soo maray Cabdu Allaahi bin Cumar\‫عبد هللا بن عمر‬, Allaha raalli ka noqdee
261
labadoodaba. Markaasuu wuxuu yiri:
"Yaa teendhadaan loo dhisay?"
Markaasey u sheegeen. Markaasuu wuxuu yiri:
"Wiilow, ka fuji, maxaa yeelay waxaa hoosaasinaya oo qorraxda ka celinaya camalkiisa."
Waxaa kaloo la yiri wuxuu dhintay sanadka shan iyo kontonaad ama lix iyo kontonaad, waxaase
loo badan yahay saddex iyo kontonaad. Dhasha Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫عبد‬
\‫ الرحمن بن أبي بكر الصديق‬ayaa ugu badan ubadka Abuu Bakar Al Siddiiq\‫أبو بكر الصديق‬, oo tiradu
ayagay ku jirtaa, siduu Al Zubayru ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬u wariyay.
‫األزرقي‬Al Azraqii
‫ما جاء في مقرة مكة وفضائلها‬
Waxa laga wariyay qubuuraha Makkah iyo sarreynteeda
Xadiithkiisa kun sagaal iyo soddon wuxuu Abuu Al Waliid Al Azraqii\‫ أبو الوليد األزرقي‬ku yiri:
“Ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬waxaa laga wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
yiri:
".‫ مقبرة أهل مكة‬،‫"نعم المقبرة هذه‬
“Nicma al maqbaratu haathihi, maqbaratu Ahli Makkah.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waa xabaalu nicmo leh, xabaalaha Ahlu Makkah‫ أهل مكة‬, dadga reer Makkah‫ مكة‬.”
Waxaa noo warramay Abaa Al Waliid‫ أبا الوليد‬wuxuuna yiri:
“Awoowahey wuxuu yiri:
“lama yaqaanno shicib\‫ شعب‬oo bar buur dhineceeda ku taalla oo ayadoo idil Kacbada si toosa ah
oo aan leexasho ku jirin u qaabilaysa, intaan ka ahayn shicibka xabaalaha, kaasoo wajigiisa oo
dhan Kacbada ku qaabilaya si toosan.”
Abuu Al Waliid Al Azraqii‫أبو الوليد األزرقي‬, oo la oofsaday sanadka Hijriga eel aba boqol iyo
konton, ahaana taariikh yaqaanka Makkah\‫ مكة‬waxaana kitaabkiisa sharxay oo xaqiijiyay Al
Ustaath Dr. Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahi bin Dih-sh\‫األستاذ د\عبد الملك بن عبد هللا بن دهيش‬,
waxaana kitaabkaas oo la yiraahdo "‫ "أخبار مكة وما جاء فيها من اآلثار‬laga helaa ‫مكتبة األسدي في مكة‬
‫ المكرمة‬wuxuu Xadiithkiisa kun shan iyo afartan oo ku dhigan boggasideed boqol kow iyo soddon
ku yiri:
“Ibnu Jurayj\‫ إبن جريج‬wuxuu yiri: “ibnu Abii Mulaykah\‫ إبن أبي مليكة‬wuxuu yiri:
“waxaan arkay Caaishah \‫ عائشة أم المؤمنين‬oo soo ziyaaratay qabriga walaalkeed Cabdu Al
Rraxmaan bin Abii Bakr\‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬, oo ku dhintay Al Xubshiyyi\‫الحبشي‬, loomana qaadin
Makkah‫ مكة‬- oo waagaas buurtaas iyo qubuuruhuba Makkah‫ مكة‬dibaddeeday ahaayeen oo ka
baxsanaayeen, maantana dhexdeeday ku jiraan: xasanwali - , Al Xubshiyyuna waa bur ku taalla
dhanka hoose ee Makkah‫ مكة‬ooh al bariid u jirta. Xabaalahaanna wuxuu Kathiir bin Al Mudhdhalib Abii Wadaacah Al Sahmiyyi\‫ كثير بن المطلب أبي وداعة السهمي‬ka yiri:
‫ من كهول أعفة وشباب‬/ ‫كم بذاك الحجون من حي صدق‬
262
‫ سى – إلى النخل من صفي السباب‬/‫سكنوا الجزع – جزع بيت أبي مو‬
‫ما على الدهر بعدهم من عتاب‬/‫أهل دار تتابعوا للمنايا‬
‫ما لمن ذاق منية من إياب‬/‫فارقوني وقد علمت يقينا‬
Intee ku duugan Al Xujuun‫ الحجون‬oo dad fiican ahaa\oo leh odayo iyo dhallinyaraba
Waxay degeen bartaan waadiga ka leexsaan, una dhow guriga Abii Muu\saa ilaa geedaha timirta
ee Safiyyu Al Sabaab‫صفي السباب‬
Waana dad daartaan deggan oo geeridu isaga daba timid\dabadoodna aan weligood la eedeyneyn
Way uga tageen waxaanna hubaal u ogsoonahay\in qof geeri dhedhemiyay inuusan soo
noqonayn.
Abuu Al Waliid‫ أبو الوليد‬wuxuu yiri:
“Reer Makkah\‫ مكة‬wuxuu maydkooda ku duugi jireen waadiga labadiisa dhinac, dhanka midig
iyo dhanka bidixba islaamka hortiis iyo islaamka intiisa horeba, kaddibna dadku wuxuu
qubuurtooda usoo raray shicibka ku yaalla dhinac bidix sababtuna ay tahay waxay kusoo arooray
fiicnaantiisa iyo inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ka yiri:
"‫"نعم الشعب ونعم المقبرة‬
“Nicma al shicbu wa nicma al maqbaratu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waa shicib nicmo leh iyo qubuuro nicmo leh.”
Waxaana maanta ku yaalla halkaas qubuuraha reer Makkah intaan ka ahayn Reerka Aali Cabdu
Allaahi bin Khaalid bin Usayd fk Abii Al Cays bin Umayyah bin Cabdu Shams ‫آل عبد هللا بن ين خالد‬
‫بن أسيد بن أبي العيص بن أمية بن عبد شمس‬, iyo Aalu Sufyaan bin Cabdu Al Asad bin Hilaal bin Cabdu
Allaahi bin Cumar bin Makhzuum‫ وآل سفيان بن عبد األسد بن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬, kuwaasoo
maydkooda ku xabaala xabaasha ku taalla dhanka kore ee beerta Khurmaan ‫المقبرة العليا بحائط‬
.‫خرمان‬.” Waa intaas warkiisu.
‫الفاكهي‬Al Faakihii
Al Faakihii, oo ah Al Imaam Abii Cabdu Allaahi Muxammad bin Isxaaq ibni Al Cabbaas Al
Faakihii Al Makkii‫ اإلمام أبي عبد هللا محمد بن أسحاق إبن العباس الفاكهي المكي‬, oo ka mid ah culummada
qarniga saddexaad, kitaabkiisana waxaa la yiraahdaa “Akhbaaru Makkah fii Qadiimi Al Dahri
wa Xadiithihi‫” أخبار مكة في قديم الدهر وحديثه‬, waxaana hubiyay oo sharxay Dr. Cabdu Al Malik bin
Dahiish ‫ عبد الملك بن‬.‫ عبد هللا بن دهيش“ دراسة وتحقيق د‬wuxuu juzka afaraad bogga laba iyo konton ku
yri:
“2371. Waxaa noo warramay Maymuun bin Al Xakam Al Sancaanii ‫ ميمون بن الحكم الصنعاني‬oo yiri
oo ka wariyay Muxammad bin Jushcum‫ محمد بن جشعم‬oo ka wariyayibnu Jurayj‫ إبن جريج‬oo ka
wariyay ibnu Abii
Mulaykah‫ إبن أبي مليكة‬inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
".‫ فإن لكم فيهم عبرة‬،‫ وصلوا‬،‫"ائتوا موتاكم فسلموا عليهم‬
263
“I’ituu amwaatakum fa sallimuu calayhim, wa salluu, fa inna lakum fiihim cibratun.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Dadka idinka dhintay (oo qubuuraha ku jira) u taga oo salaama, una duceeya, ayagaasna waxaa
adinka idiinku sugan cibro qaadasho.”
Ibnu Abii Mulaykah‫ إبن أبي مليكة‬wuxuu yiri:
“Aniguna waxaan arkay Caa’ishah‫ عائشة‬, haweenta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam,
ayadana Allaha raalli ka noqdee, oo ku ziyaaranaysa qabriga walaalkeed Cabdu Al Rraxmaan bin
Abii Bakr‫ عبد الرحمن بن أبي بكر‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee,Al Xubshiyyu‫ بالحبشي‬agtiisa,
meel hal bariid u jirta, waxaana lagu duugay oo qabrigiisu ku yaalla Makkah ‫ مكة‬.” Waa intaas
warkiisu.
Al Faakihii‫ الفاكهي‬wuxuu mujalladka shanaad bogga lix iyo sagaashan ku yiri:
"2903. Waxaa noo warramay Muxammad bin Saalix Abuu Bakr‫ محمد بن صالح أبو بكر‬oo ka wariyay
Abuu Nucaym‫ أبو نعيم‬oo ka wariyay Cabdu Allaahi bin Camr bin Calqamah Al Kinaanii ‫عبد هللا بن‬
‫ عمرو بن علقمة الكناني‬oo ka wariyay ibnu Abii Mulaykah‫ إبن أبي مليكة‬oo yiri:
“Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr, Alaha labadoodaba raalli ka noqdee, wuxuu ku dhintay Al
Xubshiyyu agtissa, ahna buur ku taalla dhanka hoose ee Makkah ‫ مكة‬. Markaasaa waxaa timid
Caaishah‫ عائشة‬, Allaha raalli ka noqdee, markaasay waxay tiri:
".‫"دلوني على قبر أخي‬
“Dalluunii calaa qabra akhii.”
Oo macnihiisu yahay:
“Ii tilmaama oo i tusa qabriga walaalkay.”
Markaasay (Markay dul tagtay) u ducaysay, waxayna tiri:
‫من الدهر حتى قيل لن يتصدعا‬/‫وكنا كندماني جذيمة حقبة‬
‫بطول اجتماع لم نبت ليلة معا‬/‫فلما تفرقنا كأني ومالكا‬
".‫ ولو حضرتك دفنتك حيث مت‬،‫لو شهدتك ما بكيت عليك‬
Wa kunna ka nadamaanii Jathiimatan xaqbatan\mina al dahri xattaa qiila lan yatasadacaa
Falammaa tafarraqnaa ka annii ma maalikan\bi dhuuli ijtimaacin lam nabit laylatan macan.
Law shahidtuka maa bakaytu calayka, wa law xadartuka dafantuka xaythu mitta.
Labada tixood iyo hadalka ka dambeeya macnohoodu waxaa weeye:
Waxaan saaxiibbo isku lammaansan u ahayn sida labada saaxiib ee Jathiimah zaman\ dheer ilaa heer laga
yiraahdo waligood kala tegi mayaan.
Markaasaan markaan kala tagnay waaba anigoo ah sida Maalik\oo zaman dheer labadiisa saaxiib ku
lammaansanaa oo la joogay, sida annagoo aan habenna wada hoyan oo kale.
Haddaan goob jog ahaan lahaa markay dhimanaysay kuuma booyeen, haddaan goob jog ahaan lahaana
waxaan kugu duugi lahaa bartaad ku dhimatay.
264
‫العقد الثمين في تاريخ البلد األمين‬
Kitaabkaan magaciisu yahay Al Caqdu Al Thamiinu fii Taariikhi Al Baladi Amiini ‫العقد الثمين في‬
‫ تاريخ البلد األمين‬waxaa dhigay Hg Shaykh Taqiyu Al Ddiini Muxammad bin Axmad Al Xasanii Al
Faasii Al Makkii ‫( الشيخ تقي الدين محمد بن أحمد الحسني الفاسي المكي‬775-832 Hijrii), wuxuuna
mujalladka shanaad bogga saddex boqol afar iyo toddobaatan ku yiri:
“374. Waxaana u yeeray (waana Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu Allaha
labadoodaba raalli ka noqdee‫ ) عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما‬Mucaawiyah, Allaha raalli
ka noqdee, isagoo minbarka ku fadhiya, wuxuuna ugu yeeray inuu baayaco oo uu boqornimada
wiilkiisa Yaziid‫ يزيد‬oggolaado. Markaasuu si adag ula hadlay wuxuuna yiri:
"‫ كان كسرى مكانه؟ ال تفعل وهللا أبدا‬،‫"إذا مات كسرى‬
“Ithaa maata Kisraa, kaana Kisraa makaanahu? Laa nafcalu wa Allaahi Abadan.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Markuu Kisraa dhinto (Kisraa waa boqorka Iiraan) ma Kisraa kale ayaa meeshiisa gelaya oo beddelaya?
Taas wa Allaahi weligeen yeeli maynno.”
Markaasuu Mucaawiyah wuxuu u diray boqol kun oo dirham, markaasuu (Cabdu Al Rraxmaan)
intuu lacagtaas diiday oo uu dib ugu celiyay ayuu wuxuu yiri:
"‫"أبيع ديني بدنياي؟‬
“Abiicu dii nii bi dunyaaya?”
Oo macnihiisu yahay:
“Ma diintaydaan adduunyadayda dhaaffsadaa oo ku gataa?”
Markaasuu (Al Madiinah Al Munawwarah‫ المدينة المنورة‬ka) baxay oo uu Makkah‫ مكة‬aaday.
Markaasuu markuu marayo meel la yiraahdo Al Xubshiyyu ‫ الحبشي‬uu dhintay, una jirta lix mayl,
waxaana la yiri toban, waxaa kaloo la yiri laba iyo toban mayl, isagoo hurda si kadis ah.
Markaasaa tumanka rag lagu qaaday oo inta Makkah ‫مكة‬
la keenay lagu duugay.”
Oofsashadiisuna waxay ahayd sanadka saddex iyo kontonaad, siday inta badan u yiraahdeen.
Markuu khabarka geeridiisu gaartay Caaishah‫ عائشة‬Allaha raalli ka noqdee, way rati ayay kasoo
raacday Al Madiinah‫ المدينة‬ilaa ay qabriugiisa kasoo dul istaagtay, markaasay tixaan tiri:
‫من الدهر حتى قيل لن يتصدعا‬/‫وكنا كندماني جذيمة حقبة‬
‫بطول اجتماع لم نبت ليلة معا‬/‫فلما تفرقنا كأني ومالكا‬
Waxayna tiri:
".‫ ما بكيتك‬،‫ ولو حضرتك‬،‫ لدفنتك مكانك حيث مت‬،‫"أما وهللا لو حضرتك‬
Labadaan tixood iyo warkana kor ayaan kusoo fasirnay.
Waxayna xoreysay addoon ka mid addoommadiisa, ayadoo rajaynaysa inuu Ilaahay wax ku
anfaco.” Waa intaas warku.
265
Dr, Muxammad Xasan Xallaaq Abuu Muscab oo yamaniga ah ‫ حسن حالق أبو مصعب اليمني‬.‫للدكتور محمد د‬
wuxuu kitaabkiisa qaamuuska ah oo la yiraahdo Al Iidaaxaatu Al Casriyah lilmaqaayiisi wa al
makaayiili wa al awzaani wa al nuquudi al sharciyah ‫ اإليضاحات العصرية للمقاييس والمكاييل واألوزان والنقود‬:
– ‫الشرعية المعاصر – مكتبة الجيل الجديد – صنعاء‬, laguna daabacay Maktabatu Al Jiili Al Jadiid eek u taalla
Sanca arliga Yaman [email protected]
www.aljeel-aljadeed.com
Wuxuu sheegay inuu halkii bariid yahay laba iyo labaatan kiiloomitir, halkii bariidna uu ka
kooban yahay laba iyo toban mayl iyo boqo lix iyo toddobaatan mitir; halkii maylna wuxuu ka
kooban yahay kun sideed boqol sideed iyo afartan mitir ‫ إثنين وعشرين كيلمترا؛ وفي البريد إثنا عشر‬:‫البريد‬
‫ متر‬1848 :‫ مترا؛ والميل‬176‫ميال و‬
Masaafada u dhexeysa salka buurta Xubshii\‫ حبشي‬iyo daanta xigta ee qubuuraha Al Xujuun\Al
Mucallaat\‫ الحجون\المعالة‬waa qiyaas lixdan mitir oo intaasoo in yar lagu daray ilaa qabrigiisa ku
yaalla qaybta Ahlu Baytka\‫ أهل البيت‬ayaa raggu tumankooda kusoo sideen.
Masaafada u dhexeysa salka buurta Xubshii‫ حبشي‬ilaa albaabka Baabu Al Warwah\‫ باب المروة‬Al
Masjidu Al Xaraamu\‫ المسجد المرام‬waa qiyaas ilaa sideed boqol oo mitir siduu google u qiyaasay.
‫كتاب إفادت األنام بذكر أخبار البلد الحرام‬
‫تأليف العالمة المحدث عبد هللا الغازي المكي الحنفي‬
‫مع تعليقه المسمى بإتمام الكالم‬
‫ عبد الملك بن عبد هللا بن دهيش‬-‫د‬-‫ معالي أ‬:‫دراسة وتعليق‬
1196625571516 ‫مكتبة األسدي بمكة المكرمة‬
‫ ميالدي‬2119/‫ هجري‬1431 ‫الطبعة األولي‬
‫طبعة منقحة ومزيدة‬
Kitaabkaan Ifaadatu Al Anaami bi Thikri Akhbaari Al Baladi Al Xaraami ‫كتاب إفادت األنام بذكر أخبار‬
‫ البلد الحرام‬waxaa allifay Al Callaamah Al Muxaddith Cabdu Allaahi Al Ghaazii Al Makkii Al
Xanafii‫ العالمة المحدث عبد هللا الغازي المكي الحنفي‬waxaana hubiyay oo darsay oo faallo ku daray
Professor Doktoor Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahu bin Dahiish ‫ عبد الملك بن عبد هللا بن‬-‫د‬-‫معالي أ‬
‫ دهيش‬oo ah qaalliga waqtigaan hadda la joogo ah guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee
Shareecada ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬, daraasaddaas iyo faalladaas oo la yiraahdo
Itmaami Al Kalaami‫ مع تعليقه المسمى بإتمام الكالم‬lagana helo maktabada Maktabatu Al Asadii ‫مكتبة‬
‫ األسدي بمكة المكرمة‬eek u taalla Makkah Al Mukarramah‫ مكة المكرمة‬taleefan: 1116627771716
dabacadda koowaad 1430 Hijriga, una dhiganta 2009 Miilaadiga.
Hadalka labada qaws ama qaanso dhexdooda ku jirina waa hadalka faallada uu Dr. Dahiish ku
daray.
Sheekha kitaabka allifay wuxuu wuxuu juzka labaad bogga boqol kow iyo konton ku yiri:
“Fasalka toddobaad: “warka qubuuraha Makkah iyo sarreyntooda iyo qaar ka mid ah kuwa
halkaas lagu duugay iyo kuwa xabaalo aan ayada ahaun lagu duugay ‫ في ذكر مقابرة مكة‬:‫الفصل السابع‬
‫ ومن دفن بغيرها‬،‫ ”وفضلها وذكر بعض من دفن بها‬wuxuuna yiri:
266
Qabriga Asmaa’u binti Abii Bakr Al Ssiddiiq, Allaha raalli ka noqdee
‫قبر أسماء بنت أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما‬
“Waxaa ka mid ah qabriga Asmaa’u bintu Abii Bakr Al Ssiddiiqu‫ أسماء بنت أبي بكر الصديق‬Allaha
labadoodaba raalli ka noqdee (warkeeduna wuxuu ku xusan yahay Dhabaqaatu ibnu Sacad
8/182-182/8 ‫ طبقات إبن سعد‬, iyo Khulaasatu Tah-thiibi Al Kamaali bogga afar boqol iyo labaatan
421:‫وخالصة تذهيب الكمال صفحة‬, iyo Al Aclaamu 1/305-315/1 ‫ ) األعالم‬walaasha la dhalatay Caaishah
‫ عائشة‬Allaha labadoodaba raalli ka noqdee, waxayna dhimatay wiilkeeda Cabdu Allaahi ibnu Al
Zubayr‫ عبد هللا بن الزبير‬dabadiis isla bishaas uu wiilkeedu dhintay, waxaana lagu duugay Al
Mucallaat‫ بالمعالت‬. Qabrigeeduna wuxuu xagga qorrax kasoo bax uga soo horjeedaa wiilkeeda,
waxayna u dhexeeya dariiq la maro. Qabrigeeda waxaa ka kor dhisan dhismo (Al Isaabah ‫في‬
‫ اإلصابة‬wuxuu yiri: Qabri‫ قبر‬, sawaabtana waxaan ka qaadannay “Taxsiili Al Maraami‫تحصيل المرام‬
(waraqah boqol laba iyo lixdan-162 ‫) ورقة‬
Qabriga Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiq, Allaha raalli ka noqdee
‫قبر عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما‬
Waxaa kaloo ka mid ah Cabdu Al Rraxmaan bin Abi Bakr Al Ssiddiiqu Allaha labadoodaba
raalli ka noqdee‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق رضي هللا عنهما‬. Geeridiisu waxay ahayd kadis, habeenka
laba iyo tobnaad ee bisha Jumaadii Al Awwal‫ جمادي األو‬ee sanadka sideed iyo konton, isagoo
hurda hurda uu ku seexday buur Makkah‫ مكة‬dhankeeda hoose ku taalla una dhow agteeda, lana
yiri inay u jirto toban mayl Makkah‫ مكة‬. Kaddibna rag tumankooda ayaa lagu soo qaaday
waxaana lagu duugay Makkah‫ بمكة‬. Qabrigiisa waa lagu yaqaanna Al Mucallaat‫المعالة‬, wuxuuna
ku yaallaa dhanka midi gee qofka u socda qabriga Khadiijah‫ قبر خديجة رضي هللا عنها‬Allaha
raallu ka noqdee.” Waa intaas warkiisu. (qabriga waxaa ka dul dhisnaan jiray guri, waxaana la
dumiyay zamanka Al Shariif Cawn‫ الشريف عون‬ee sanadka kun saddex boqol kow iyo labaatan
Hijriga (Ghaazii‫) غازي‬
Qabriga Abuu Quxaafah, Abuu Bakr Al Ssiddiiqu aabihiis, Allaha raalli ka wada noqdee
‫قبر أبو قحافة عثمان بن عامر بن عمرو القرشي التيمي صاحب رسول هللا صلى هللا وعلى آله وسلم ووالد أبي بكر الصديق‬
‫رضي هللا عنهما‬
Waxaana ka mid ah: Cuthmaan bin Caamir bin Camr Abuu Quxaafah ‫عثمان بن عامر بن عمرو أبو‬
‫( قحافة‬Al Isaabah warbixinta 54445444 ‫ ترجمة‬-‫ ; اإلصابة‬iyo Al Aclaamu 4/207217/4 ‫ ) األعالم‬aabaha
dhalay Abuu Bakr‫ أبي بكر‬: wuxuu islaamay Maalinta Furashada‫ يوم الفتح‬, wuxuuna noolaa ilaa
khilaafada Cumar Allaha raalli ka noqdee‫ خالفة عمر رضي هللا عنه‬, waxaana lagu oofsaday Makkah
‫ بمكة‬lix bilood iyo maalmo Abuu Bakr‫ أبي بكر‬Allaha raalli ka noqdee dabadiis. Markaasuu
wuxuu dhaxal ahaan u helay sudus‫– السدس‬waana marka dhaxalka lix meelood loo qaybiyay
meel- oo uu markaas suduskaas dib ugu celiyay oo siiya caruurta Abuu Bakr Al Ssiddiiqu ‫أبي بكر‬
‫( الصديق‬warkiisuna wuxuu ku sugan yahay Xusni Al Muxaadarah‫ حسن المحاضرة‬1/91; Al Isaabah:
warbixinta 51435 ‫ ; اإلصابة (ترجمة رقم‬Al Aclaamu‫ األعالم‬1/311-312).
267
‫جبل الحبشي‬Buurta Jabalu Xubshiyyu
Sheekha kitaabka allifay wuxuu fasalka labaad ku yiri: Warbixinta qaar ka mid ah buuraha ku
yaalla Makkah midda Sharfan‫ في ذكر بعض الجبال الواقعة بمكة المشرفة‬:‫ – الفصل الثاني‬bogga afar iyo
soddon:
“Xubshii‫ حبشي‬waa buur ku taalla dhanka hoose ee Makkah‫ مكة‬, halkaas ayuuna erayga
“Axaabiishu Quraysh‫ ” أحابيش قريش‬ka yimid ayagoo Ilaahay isku dhaarsaday inay hal gacan
wada yihiin oo ay cadawgooda isugu dhan ka yihiin intuu habeen gudcirkiisu maalinta
iftiinkeeda daboolayo, maalintuna ay iftiin cad tahay, iyo intuu Xubshii‫ حبشي‬taagan yahay ""
‫ والمثبت من القاموس (صفحة‬.‫ سار‬:‫ألنهم تحالفوا باهلل أنهم ليد على غيرهم ما سجى ليل ووضح نهار وما رسا (في األصل‬
‫)) حبشي‬759,
(Al Xubshii‫ الحبشي‬waa buurta maanta la yiraahdo Jabalu Al Sulaymaaniyah‫ جبل السليمانية‬, waana
midka ku fidsan “Falaqi ibnu Al Zubayr ilaa Thaniyatu Al Madaniyiina ‫من فلق إبن الزبير إلى ثنية‬
‫ ”المدنيين‬loomana nisbeeyn nin xabashi ah ee magaca buurta lafteeda (Al Azraqii 2/285‫) األزرقي‬
maantana waxaa hoostiisa laga dalooliyay oo laga furay laba nafaq‫ – نفقان‬oo nafaq‫ نفق‬waa
dariiqa dhex mara oo wada gooya - oo isku xira Al Abdhax iyo Jarwal‫ بين األبطح وبين جرول‬.” Waa
intaas warkiisu.
Kitaabkaas waxaad ka heli kartaa bogga ama website-ka Prof.Dr. Cabdu Al Malik bin Dahiish
:‫الموقع الرسمي للشيخ عبد الملك بن دهيش‬
(www.bin-dehaish.com
Afar calamadood: calaamadda ugu korreysa: buurta Jabalu Al Sulaymaaniyah, hoosteeda: salka buurta oo
ah bartuu ku dhintay Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr\‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬, Allaha labadoodaba raalli ka
268
noqdee, hadana ay labada nafaq ku yaallaan oo laga dalooliyay. Saddex: midigtaada xabaalaha Al
Xujuun\Al Mucallaat\‫ الحجون المعالة‬oo lagu duugay. Afar: bidixdaada albaabka Baabu Al Marwah‫باب المروة‬
ee Masjidka oo Kacbada ku geynaya. Dr. Cabdu Al Rraxmaan Xasanwali Makkah Al Mukarramah ‫مكة‬
\‫ المكرمة‬1434H/2013M.
Buurta Jabalu Al Sulaymaaniyah\‫ جبل السليمانية‬iyo labada dariiq oo laga duleeliyay o hoos mara.
Midigtaada daaraha dheerdheer dhexdooda xagga buurta xigta waxaad u jeedaa darafta qubuuraha Al
Xujuun\Al Mucallaat\‫ الحجون المعالة‬. Masawirka waxaa qaaday Dr. Cabdu Al Rraxmaan Xasanwali, isagoo
ku jira dabaqa kow iyo tobnaad ee hoteelka “Funduqu Nuuru Ghazzah\‫ ”فندق نور غزة‬oo shan boqol oo
mitir u jira Xaramka, oo ku yaalla Shaaricu Ghazzah\‫ شارع غزة‬oo Xaramka kasoo baxa. Makkah Al
Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬1434H/2013M.
269
Qubuuraha Al Xujuun\Al Mucallaat\‫ الحجون المعالة‬. Qaybta kore oo darbiga gaarka ahi ku wareegsan yahay
oo albaabka iyo daaqadaha cagaaran leh waa xabaalaha Ahlu Al Bayti\‫ أهل البيت‬ee Nabi Muxammad
Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Halkaas waxaa ku duugan Al Qaasim\‫ القاسم‬iyo
walaalkiis Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬labada wiil oo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam iyo hooyadood Ummu Al Mu’miniina Khadiijah bintu Khuwaylid\‫;أم المؤمنين خديجة بنت خويلد‬
Cabdu Al Mudh-dhalib\‫ عبد المطلب‬awoowaha Nabiga iyo adeerkiis Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬iyo
awoowihiisa saddexaad Cabdu Manaaf\‫ عبد مناف‬Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo
dadka kale oo Ahlu Al Bayti\‫ أهل البيت‬ah. Halkaan waxaa kaloo ku duugan Abuu Quxaafah\‫أبوقحافة‬
aabaha dhalay Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬, caruurtiisa Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al
Ssiddiiqu\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬iyo walaashiis Asmaa’u bintu Abii Bakr Al Ssiddiiqu ‫أسماء بنت أبي‬
\"‫“ بكر الصديق "ذات النطاقين‬Thaata Al Nnidhaaqayni” Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
31
‫‪270‬‬
‫‪: waxaad u jeedda‬المدينة المنورة\‪ xabaalaha Al Madiinah Al Munawwarah‬بقيع الغرقد\‪Baqiicu Al Gharqad:‬‬
‫‪ ayna ku duugan yihiin:‬أهل البيت\‪qaybta Ahlu Al Bayti‬‬
‫بقيع الغرقد‪ :‬مقبرة أهل المدينة المنورة‪ ،‬قسم قبور بعض أهل البيت‪ ،‬منهم فاطمة الزهراء بنت رسول هللا صلى هللا‬
‫عليه وسلم‪ ،‬وإبنيها اإلمام الحسن‪ ،‬ورأس اإلمام الشهيد الحسين‪ ،‬وولد الحسين اإلمام علي زين العابدين‬
‫وإبنه أبو جعفر محمد الباقر‪ ،‬وإبن أبو جعفر‪ :‬جعفر الصادق‪ ،‬والعباس بن عبد المطلب عم رسول هللا صلى‬
‫هللا عليه وسلم‪ ،‬وعقيل بن أبي طالب شقيق علي إبني أبي طالب عم رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‪ .‬الصورة‬
‫بعدستي ‪2111/1433‬‬
271
Baqiicu Al Gharqad\‫بقيع الغرقد‬: Baqiicu Al Ummahaati: qubuuraha hooyooyinka mu’miniinta, haweenka
Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Halkaan ayay dhammaantood ku
duugan yihiin intaan ka ahayn Hooyo Khadiijah\‫ خديجة‬oo Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬ku duugan
iyo Hooyo Maymuunah bintu Al Xaarith Al Hilaaliyah\‫ ميمونة بنت الحارث الهاللية‬oo Sarif\‫ سرف‬oo
maanta la yiraahdo Al Nawaariyah\‫ النورية‬ku duugan Makkah\‫ مكة‬ka mid ah maanta, Kacbadan u jirta
labaatan kiiloomitir, marka Masjidu Caa’isha\‫ مسجد عائشة‬ee Al Tanciimu\‫ النتعيم‬la dhaafo: qabrigeedu meel
cidla ah oo dariiqa dhiniciisa bidix kaa qabanaya markaad Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬u
socotid, waxaana ku wareegasan afar darbi. Halkaas geed ku oolli jiray hoostiisa ayuu Sallaa Allaahu
Calayhi Wa Sallam ku guursaday sanadka toddobaad ee hijrada, halkaas ayayna ku dhimatay sanadka
kow iyo konton hijriga, waxaana lagu duugay bartii ku oolli jirtay khaymadda lagula aqal galay.
Qabrigeeda waxaa wax ka galay Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\‫ عبد هللا إبن عباس‬Allaha dhammaantood
raalli ka noqdee.
272
Qabriga hooyadeen Maymuunah binti Al Xaarith Al Hilaaliyah \‫ ميمونة بنت الحارث الهاللية‬.
Xasanwali 1432H/2011M.
273
Caruurta Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu
Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫ عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬wuxuu dhalay saddex
cunug oo kala ah laba wiil iyo gabar.
Wiilasho waa:
(Kow) Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي‬
\‫ بكر الصديق‬oo ay hooyadiis tahay Umaymah bintu Cadiyyi bin Qays bin Xuthaafah bin Sacd bin
Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb Al Sahmiyyi ‫أميمة بنت عدي بن قيس بن حذافة بن سعد بن سهم بن‬
\‫ هصيص بن كعب السهمي‬oo Qurayshta\‫ قريش‬reer Banii Sahm\‫ بني سهم‬u dhalatay iyo
(Labo) Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫عبد هللا بن عبد الرحمن‬
\‫ بن أبي بكر الصديق‬iyo gabar magaceedu yahay:
(Saddex) Xafsah bintu Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫حفصة بنت عبد الرحمن بن‬
\‫ أبي بكر الصديق‬oo ay isaga isku hooyo yihiin, hooyadoodna ay tahay Qariibah Al Sughraa bintu
Abii Umayyah bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum ‫قريبة الصغرى بنت أبي‬
\‫ أمية بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬oo Qurayshta\‫ قريش‬reer Banuu Makhzuum\‫ بنو مخزوم‬u
dhalatay.
Al Zubayru bin Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬wuxuu Xadiithkiisa toddoba boqol iyo toddoba iyo
sideetan ku sheegay inay jirto gabar kale oo magaceedu yahay
(Afar) Ummu Kulthuum bintu Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakar Al Siddiiq ‫أم كلثوم بنت عبد‬
\‫الرحمن بن أبي بكر الصديق‬.
Saxaabigaan wayn oo ah Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiq\‫عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
waa aabahyga aan ku abtirsado.
Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiqu ‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬
\‫الصديق‬
Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr\‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
koofaartiisu waa Abuu Catiiq\‫أبو عتيق‬.
Calii Al Dhandhaawii\‫ علي الطنطاوي‬wuxuu kitaabkiisa Abuu Bakr Al Siddiiq Al Macaarif ‫أبو بكر‬
\‫ الصديق المعارف‬ka wariyay oo yiri:
"Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
wuxuu dhalay Cabdu Allaahi bin Muxammad\‫ عبد هللا بن محمد‬wuxuuna leeyaha cirib la
yiraahdo Aala Abii Catiiq\‫أل أبي عتيق‬, oo dhasha Abuu Bakr‫ أبو بكر‬laga dhex yaqaanno.
Wuxuu magacaasi ugu baxay ayadoo ay koox wiilal ah ee dhasha Abuu Bakr‫ أبو بكر‬isku
faaneen. Markaasuu midkood wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Al Siddiiqu\‫"الصديق‬.
Mid kalena wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Midka labaad ee labo \‫(إبن ثاني اثنين‬godka ku wada jiray isaga iyo
Nabi Muxammad, Sallaa Aallaahu Calayhi Wasallam)".
Markaasuu Muxammad\‫ محمد‬wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Catiiq\‫( عتيق‬oo ah magac ka mid ah amagacda Abuu Bakr Al
Siddiiq\‫")أبو بكر الصديق‬: markaasaa isaga iyo ubadkiisaba ilaa maanta taas loo nisbeeyey."
Kitaabka Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu wariyay in Muxammad bin Cabdu Al
274
Raxmaan‫ محمد بن عبد الرحمن‬uu khamro uu cabay lagu karbaashay isaga iyo Muscab bin Cabdu Al
Raxmaan bin Cawf\‫مصعب بن عبد الرحمن بن عوف‬, waxaana karbaashay Marwaan\‫مروان‬.
Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫ محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬waa saxaabi,
aniguna isagaan ku abtirsadaa oo waa aabahay.
Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakar Al Siddiiq "ibnu
abii Catiiq"\‫محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر بن أبي بكر الصديق إبن أبي عتيق‬
Muxammad\‫ محمد‬wuxuu dhalay Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii
Bakr Al Siddiiq, koofaartiisuna ay tahay "ibnu abii Catiiq" ‫عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬
‫الصديق إبن أبي عتيق‬.
Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬wuxuu ahaa nin saalix ah oo suuban, kaftanlowna ah, siduu Al Zubayru
\‫ الزبير‬Xadiithkiisa kun iyo saddex boqol iyo saddex iyo toddobaatan ugu wariyay.
Gabaygana wuu tirin jiray.
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa wuxuu fallar ku ganay barta la nishaabo, isagoo tartan ku jira,
markaasuu wuxuu yiri:
"Waan la helay, aniguna waxaan ahay ibnu abii Catiiq‫ " إبن أبي عتيق‬uuna ka wado Abaa
Quxaafah\‫( أبو قحافة‬oo ah Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬aabiihisa dhalay oo taasi ay
koofaartiisa ahayd. Abuu Bakr laftiisa magaciisa ama koofaartiisa kalena waxay ahayd oo la oran
jiray Catiiq \‫ عتيق‬Waxaa kaloo la yiri in Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan ‫محمد بن عبد الرحمن‬
oo ah aabihiis Abuu Catiiq\‫ أبوعتيق‬lagu koofaari jiray).
Xadiithkaanna waxaa wariyay Ansaabu Al Ashraafi\‫أنساب األشراف‬, wuxuuna ku daray:
"Waxaa nishaabta ku tartamay koox wiilasha Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬ka mid ah, markaasuu midkood
wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Al Siddiq‫" الصديق‬.
Mid kalena wuxuu yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka saaxiibka godka, waa Ghaaru Thawre\‫"غار ثور‬.
Markaasuu Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr‫ محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu
yiri:
"Anigu waxaan ahay wiilka Abii Catiiq oo ah ibnu abii Catiiq\‫إبن أبي عتيق‬."
Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan‫ محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر‬wuxuu ahaa
nin naadir ah oo isago kale uusan jirin, aadna u qurux badan.
Nin reer miyi ah ayaa laazini jiray oo aan ka tegi jirin ibnu abii Catiiq‫إبن أبي عتيق‬, markaasuu mar
arki waayey in muddo ah. Markaasuu isagoo maalin albaabka daartiisa ee Al Madiinah\‫ المدينة‬hor
fadhiya ayaa waxaa soo maray ninkii oo xargo ku xiran.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"War hooge tanna waa maxay?"
Wuxuu yiri:
"Waxaan dhoobo mariyay barkaddeyda, markaasaa nin dariskeyga ahi dalooliyay, markaasaan
intaan gacanteyda kor u qaaday mar laabta uga dhuftay markaasaa ajashiisu u timid oo uu
dhintay".
Wuxuu yiri:
“Oo hoy maxaad sidaas u yeeshay?"
275
Markaasuu ninku tix gabay ah tiriyay uu ku sheegayo waxa dhacay. Markaasuu ibnu Abii Catiiq
‫ إبن أبي عتيق‬wuxuu yiri:
"Anigu Wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan ku samayn lahaa dhoobo la isku keenay, lugteydana ma uusan
ahaan lahayn waxa lugtaada ah (oo ah xarigga ku xiran)."
Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu kaloo wariyay:
"Caa'ishah ayaa waxay u ciddirtay ibnu abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayadoo waydiisanaysa inuu
tabalcaareeyo baqlad uu lahaa ayna u dooneyso inay ku qaaddo ergay ay xaajjo ay leedahay u
dirsaneyso.
Markaasuu wuxuu rasuulkay u soo dirsatay ku yiri:
"Waxaad ku tiraahdaa:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaana wali madaxdeenna ka dhiqin ceebta Yawmu Al Jamali\‫يوم الجمل‬
(Maalinta Ratiga). Marka, aragtidaada ma ka mid tahay inay noola timaaddo Yawmu Al Baghlati
\‫( يوم البغلة‬Maalinta Baqasha)?"
Wuxuu kaloo wariyay:
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa addoon u lahaa wuxuu weydiiyey muraayad uu lahaa.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Waxaan kusoo nadiifiyay oo mirirka iyo qayyiraadda uga soo bi'iyey labo dirham."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬hadday isha qorraxdu qayyirmi lahayd (waa mirir lahayd oo iftiinku ka tegi
lahaa) nadiifinteeda qayyiraadda looga tirtiri lahaa labo dirham ma gaareen."
Wuxuu kaloo wariyay:
"Caa'ishah bintu Dhalxah\‫ عائشة بنت طاحة‬waxay lahay khuluq aan fiicnayn, markaasey Cumar bin
Cubaydu Allaahi bin Macmar\‫( عمر بن عبد هللا بن معمر‬oo ninkeeda ahaa) intay u carootay gogosha
uga guurtay, oo ay qol kale oo ay lahayd intay fuushay jaranjarada lagu fuulana kor u qaadatay.
Markaasuu Cumar\‫ عمر‬wuxuu la hadlay ibnu abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬oo uu ku yiri:
"isoo oggoleysii oo ralli ha iga noqoto, adiguna waxaad leedahay toban kun oo dirham."
Markaasuu ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬intuu qolkaas hoos istaagay ayuu wuxuu ku yiri:
"ina adeerteeyey! Ninkaani wuxuu i siinaya toban kun oo dirham haddaad oggolaatid, marka
inaad oggoshahay tus, jaranjaradana soo deji, intaas kaddibna dib ugu laabo wuxuu Ilaahay
kaaga caado yeelay oo khuluq xumo ah."
Sidoo kale wuxuu wariyay:
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa wuxuu maqlay Cumar bin Abii Rabiicah‫ عمر بن أبي ربيعة‬oo ku
luqaynaya:
Keebaa iga gaarsiinaya Al Tharyaa\‫( الظريا‬haweentiisa) inay
Noloshii ciriiri igu noqotay markay iga tagtay, waa Kitaabkee?
Markaasuu wuxuu yiri:
"Anigaa ergayga ah".
Markaasuu Makkah\‫ مكة‬u ambabaxay. Waxaa kaloo la yiri Dhaa'if\‫الطائف‬. Markaasuu intuu u
tegey tixdii u tiriyey. Markaasuu intu hashiisa gadiiyay gaddoomay. Markaasaa waxaa loo soo
jeediyey inuu dego oo xoogaa joogo. Markaasuu wuxuu yiri:
"Joogiddeydu kaddib markaan xaajadayda gutay waa jaahilnimo iyo dan la'aan iyo waqti lumis".
Kaddibna wuu gaddoomay.
276
Isla Ansaabu Al Ashraafi\‫ أنساب األشراف‬wuxuu yiri:
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa wuxuu soo booqday Ummu Al Mu'miniina Caa'isha ‫أم المؤمنين‬
\‫ عائشة‬oo xanuunsan, markaasuu wuxuu yiri:
"Ummu Al Mu'miniiney\‫ يا أم المؤمنين‬sideebaad isku deyeysaa? Ilaahay furashadaada ha iga
dhigee."
Waxay tiri:
"Waan xanuunsanahay, umana jeedo inaan caawo nooli ku gaarayo."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Hadday sidaas tahay, hadaba Ilaahay furashadaada igama dhigo."
Al Zubayrna\‫ الزبير‬wuxuu wariyay:
"Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa wuxuu usoo gal ay Ummu Al Mu' miniina Caa'ishah ‫أم‬
\‫ المؤمنين عائشة‬markuu hayay xanuunka lagu oofsan doono, wuxuuna ku yiri:
"Sidee baad ku bariday hooyoy, Ilaahay furashadaada ka iga dhigee?"
Markaasey waxay ku tiri:
"Waxaan waabaristay aniguu baxaya (dhimanaya)."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Hadaba maya."
Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬wuxuu lahaa saaxiibbo ay ku kulmi jireen Masjidka RasuuIka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah\‫المدينة‬. Halkaas ayay gabayo ku
luqayn jireen.
Masjidka dhexdiisa dhinac ka mid ah ayaa waxaa maalin walba ku tukan jiray nin salaadda
dheereyn jiray oo ku dheeraan jiray.
Markaasuu markuu salaadda ka baxo oo uu salaamo naqsado ayuu wuxuu ku yiraahdaa:
"Kuwiinnaan faasiqiinta ahi, ma Masjidka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ayay dhexdiisa gabayo ku tirineysaan?"
Markaasuu ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬maalin Masjidka ka baxay, markaasey gabar addoon
ahayd waxay ku tiri:
''Nin majliskiina agtiisa ku tukada ayaa i maaga, iiguna yeera waxaan u xalaal ahayn."
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Hooy! Markuu ku maago ka jeeso, markaas hadduu guriga kuugu soo galo ii soo sheeg."
Markaasuu markuu maagay ay guriga mawleheeda soo gelisay, ay ibni abii Catiiq-na‫إبن أبي عتيق‬
u yeertay.
Intuusan waxaan in yar ahaynba guriga ku jirin ayaa waxaa yimid Ibnu Abii Catiiq ‫إبن أبي عتيق‬
iyo asxaabtiisa.
Markaasey gabadhii waxay ninka ku tiri:
"Waxaa yimid mawleheyga ee waxaad gashaa meeshaan (oo ahayd qol yar oo daah ku xiran
yahay oo dharka lagu kaydsado)" oo markuu galayna ay daaha ku xirtay.
Markaasuu Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬wuxuu yiri in cunno loo keeno. Markaasaa cunno loo
keenay oo ay isaga iyo asxaabtiisuba ka cuneen, kaddibna uu yiri:
"Gabaray! Meeshaan fur waan seexanayaaye".
Markaasey markay furtay uu ninkii ku jiray ayaga soo fiiriyey uuna yiri:
"Kuwiinnaan faasiqiinta ahi maxaad halkaan ka samayneysaan?"
Markaasuu Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬wuxuu ku yiri:
"Na astur Allaha ku asturee."
277
Markaasuu ninkii guriga ka baxay uusanna mar dambe Masjidka kusoo laaban.
Ibnu Abii Catiiq‫ إبن أبي عتيق‬ayaa baqashiisa kasoo degay markaasuu kaadiyay. Kaddib
asxaabtiisu intay xambaareen ayay baqasha hadana saareen, markaasuu wuxuu yiri:
"Waa gudateen wixii adinka korkiinna ahaa oo ahaa xambaariddeyda, waxaana haray waxa
aniga korkeyga ah, oo ah inaan korkeeda isku hayo (oo aanan kasoo dhicin)."
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu Tahthiibu Al Tahthiibi\‫ تهذيب التهذيب‬ku yiri
waxay ka mid yihiin:
"Wuxuu ka wariyay aabihiis, eedadiisa Caa'ishah\‫ عائشة‬iyo ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬iyo Caamir bin
Sacd\‫عامر بن سعد‬.
Isagana waxaa ka wariyay labadiisa wiil Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬iyo Muxammad\‫محمد‬, iyo
Khaalid bin Sacd\‫ خالد بن سعد‬iyo Camr bin Diinaar\‫ عمرو بن دينار‬iyo Muxammad bin Isxaaq ‫محمد بن‬
‫ إسحاق‬iyo Abuu Xazrah Yacquub bin Mujaahid Al Madaniyyu \‫ أبو حزرة يعقوب بن مجاهد المدني‬iyo
ghayrkoodba.
Al Cijliyyu\‫ العجلي‬wuxuu yiri:
"Waa Madaniyyun\‫ مدني‬- oo ah inuu Al Madiinah\‫ المدينة‬degganaa-, taabicii\‫ تابعي‬iyo thiqqah\‫ثقة‬,
oo ah in Xadiithku wariyo lagu kalsoon yahay."
Muscab Al Zubayrii\‫ مصعب الزبيري‬wuxuu yiri:
"Wuxuu ahaa nin saalix suuaban ah, kaftanlowna wuu ahaa."
Ibnu Xibbaan\‫ إبن حبان‬wuxuu ku daray kuwa "thiqqah\‫ "ثقة‬lagu kalsoon yahay warkooda ah."
Waa intaas warka ibnu Xajar\‫إبن حجر‬.
Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq "ibnu abii
Catiiq"‫ عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق إبن أبي عتيق‬waa Taabici\‫تابعي‬, waana aabahay
oo isagaan ku abtirsadaa. Allow raalli ka noqo.
Dhasha Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Rraxmaanu
bin Abii Bakr Al Siddiiqu "Ibnu Abii Catiiq" ‫عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق إبن‬
‫أبي عتيق‬
Wuxuu ibnu Sacd‫ إبن سعد‬kitaabkiisa Al Dhabaqaatu Al Kubraa\‫ الطبقات الكبرى‬ku waraiyay
Xadiithkaan:
"Ibnu Abii Catiiq‫ أبي عتيق‬wuxuu dhalay (Kow) Muxaammad ibnu Cabdu Allaahi ‫محمد بن عبد‬
\‫هللا‬, oo ah awoowahay oo isagaan ku abatairsadaa, (Labo) Abuu Bakr bin Cabdu Allaahi ‫أبوبكر بن‬
\‫عبد هللا‬, (Saddex) Cuthmaan bin Cabdu Allaahi\‫عثمان بن عبد هللا‬, (Afar) Cabdu Al Raxmaan bin
Cabdu Allaahi\‫عبد الرحمن بن عبد هللا‬, (Shan) Cumar bin Cabdu Allaahi\‫عمر بن عبد هللا‬, (Lix) Caatikah
bintu Cabdu Allaahi\‫عاتكة بنت عبد هللا‬, (Toddoba) Caa'ishah bintu Cabdu Allaahi\‫عائشة بنت عبد هللا‬,
(Sideed) Zaynab bintu Cabdu Allaahi\‫ زينب بنت عبد هللا‬ay hooyadoodna tahay Ummu Abiihaa bintu
Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq ‫أم أبيها بنت عبد هللا بن عبد الرحمن بن‬
\‫أبي بكر الصديق‬. (SagaaI) Caa'isha bintu Cabdu Allaahi\‫عائشة بنت عبد هللا‬, waxaana la yiri magaceedu
waa Ummu Kulthuum\‫أم كلثوم‬, hooyadeedna waa addoon u lahaa. (Toban) Aaminah bintu Cabdu
278
Allaah\‫آمنة بنت عبد هللا‬, hooyadeedna waa Ummu Isxaaq bintu Dhalxah bin Cubaydu Allaahi bin
Cuthmaan Al Taymii\‫أم إسحاق بنت طلحة بن عبيد هللا بن عثمان التيمي‬, walaasheed ay isku hooyo
yihiinna waa Faadhimah bintu Xusayn bin Calii bin Abii Dhaalib ‫فاطمة بنت حسين بن علي بن أبي‬
\‫طالب‬."
Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al
Rraxmaanu bin Abii Bakr Al Siddiiqu \‫محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬
Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii Bakr Al Siddiiq
\‫ محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق‬waa awooweheen aan ku abtirsanno, oo
waa ina Ibnu Abii Catiiq\‫إبن أبي عتيق‬.
Ibnu Xajar Al Casqalaanii\‫ إبن حجر العسقالني‬wuxuu kitaabkiisa Tahthiibu Al Tahthiibi\‫تهذيب التهذيب‬
ku yiri:
"Muxammad bin Cabdu Allaahi bin Abii Catiiq Muxammad bin Cabdu Al Raxmaan bin Abii
Bakr Al Siddiiq\‫ محمد بن عبد هللا بن محمد بن عبد الرحمن بن أبي بكر الصديق القرشي التيمي المدني‬Al
Qurashiyyu Al Taymiyyu Al Madaniyyu wuxuu Xadiithka ka wariyey aabihiis iyo Anas \‫ أنس‬iyo
Naafac Mawlaa ibnu Cumar\‫ نافع مولى إبن عمر‬iyo Abii Yuunus Mawlaa Caa'ishah ‫إبي يونس مولى‬
\‫ عائشة‬iyo Al Zuhriyyu\‫ الزهري‬iyo jamaaco kale.
Isagana waxaa ka wariyey Sulaymaan bin Bilaal\‫ سليمان بن بالل‬iyo Cabdu Al Caziiz bin Abii
Salamah Al Maajishuun\‫عبد العزيز بن أبي سلمة الماجشون‬, iyo Cabdu Al Caziiz Al Daraawardiyyu ‫عبد‬
\‫ العزيز الدارقطني‬iyo Muxammad bin Isxaaq\‫( محمد بن إسحاق‬oo Siirada dhigay), iyo Yaxyaa bin
Ayyuub Al Misriyyu\‫ يحيى بن أيوب المصري‬iyo Yaziid bin Zurayc\‫ يزيد بن زريع‬iyo Xammaad bin
Salamah\‫ حماد بن سلمة‬iyo Xaatim bin Ismaaciil\‫ حاتم بن إسماعيل‬iyo ghayrkoodba.
Ibnu Xabbaan\‫ إبن حبان‬wuxuu ku daray "Al Thiqaatu\‫ "الثقة‬kuwa Xadiithkooda lagu kalsoon
yahay.
Al Thuhayliyyu\‫ الذهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Abii Thu'ayb‫ إبن أبي ذؤيب‬iyo ibni Abii Catiiq\‫ إبن أبي عتيق‬riwaayadohoodu way isku dhow
yihiin ay Al Zuhriyyu\‫ الزهري‬ka wariyey.
Ibnu Abii Thu' aybse‫ إبن أبي ذؤيب‬waa caan, ibnu abii Catiiqse\‫ إبن أبي عتيق‬waa reer Al Madiinah
\‫ المدينة‬kamana uusan warin, intaan ka warhayo, Sulaymaan ibnu Bilaal\‫ سليمان إبن بالل‬ghayrkiis.
Waxaanna maqlay Ayyuub bin Sulaymaan\‫ أيوب بن سليمان‬oo la waydiiyey nasabkiisa markaasuu
sheegay, wuxuuna yiri:
"Ma ogi axad kale oo Al Madiinah\‫ المدينة‬uga wariyay oo aan aabahay ahayn."
Al Thuhliyyu\‫ الذهلي‬wuxuu yiri:
"Waa nin Xadiithkiisu fiican yahay uu ka wariyay Al Zuhriyyi\‫الزهري‬, warintiisuna ay badan
tahay, Xadiithkiisuna uu dhowyahay, hadduusan Sulaymaan bin Bilaal \‫ سليمان إبن بالل‬ahayn
lahaynna oo Xadiithkiisa wariyey, Xadiithkiisu wuu tegi lahaa (lumi lahaa)".
Al Bukhaarii\‫ البخاري‬ayaana wariyay Xadiithkiisa."
279
Riyadeyda Abuu Bakr Al Siddiiqu \‫أبوبكر الصديق‬
Waxaan cajalada sideed iyo tobnaad ee siiradayda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo boqol iyo sideetan cxajaladood ka kooban, ku akhriyay inaan ahay ina Abuu Bakr
Al Siddiiqu, Shiikhaalna\‫شيخال‬, oo hore loo oran jiray Mashaayiikh\‫ مشاييخ‬oo ah sheekhyo badan,
ay sidaas wada tahay. Cajaladdaas waxaan ku hadlay maalinta Mawliidka ee bisha Rabiicu Al
Awwal\‫ ربيع األول‬ay tahay laba iyo toban ee sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo labaatan,
una dhigantay lix iyo labaatanka Juunyo ee kun iyo sagaal boqol iyo sagaal iyo sagaashan
Miilaadiga ah.
Markaasaan waxaan ku riyooday Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Dhawr goor ayaan riyo ku arkay Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬, aanna la hadlay anigoo
hurda, taasoo ah deeq uu Ilaahay Tacaalaa igu galladaystay, mahad ha gaartee.
Riyada koowaad: Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫ أبوبكر الصديق‬oo Khaliifka Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, loo doortay \‫خلبفو رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬
Riyada koowaad, oo aan ku riyooday muddo gaaban kaddib cajaladdaas akhrinteeda, waxay
ahayd sidatan.
Waxaan ku dhex jiraa guri aan riyada dhexdeeda isku leeyahay, intuu iila ekaaday, waa guriga
walaalkay Cabdu Al Rrashhidu Sheekh Xuseen Cismaan\‫عبد الرشيد شيخ جسين عثمان‬, Allaha u
Gurigaas aan ku dhex jiro wuxuu ka kooban yahay laba qol oo iska soo horjeeda, saqafna
wadaaga oo uu wada daboolo, ayna u dhexeyso barsad dhinaca dambe waasac ka ah. Barsaddaan
waxaa wada fadhiya oo ka buuxa rag dhulka darmooyin ku fadhiya. Waxaa safka ugu soo
horreeya raggaas fadhiya nin caato ah oo khamiis duug ah oo midabka ukunta leh labbisan,
waana khamiiska la yiraahdo sukari\‫سكري‬, oo ay labadiisa lugood dhulka ku suran yihiin
labadiisa gacnoodna inta is dhaafiyay jilbihiisa ku haya.
Madixiisuna wuxuu kusoo fooraraa labadiisa jilbood. Waxaa la ii sheegay inuu ninkaasi Abuu
Bakr Al Siddiiq\‫ أبوبكر الصديق‬yahay.
Waxaa ayaguna jooga koox rag ah, oo dhawr nin ka kooban oo intay qol kasoo baxaan oo
raggaas fadhiya soo hormaraan hadana qolka kale gelaya. Sidaas ayayna yeeleen dhawr goor oo
intay qol kasoo baxaan ayay kan kale gaIaan, ayagoo intaas wada hadlaya oo si xoog leh u
doodaya.
Markaasey intay isoo ag istaageen ayay waxay igu yiraahdeen:
"Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬u tag, una sheeg inuu isagu madax noqonayo."
Markaasaan intaan u tegey Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬ku iri:
"Adigaa madax noqonaya."
Riyadaasi intaas ayay ahayd. Wa Al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu
Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman
kathiiran.
Intuu Aadan\‫آدم‬, dhalay saddex nin ayaa khaliifah\‫ خليفة‬lagu magacaabay, oo laba ka mid ahna
280
Ilaahay ayaa Kitaabkiisa\‫خليفة‬
dhexdiisa Aadan\‫ آدم‬khaliifah ku magacaabay, Nabi
Daauudna\‫ داود النبي‬sidoo kale khaliifah\‫ خليفة‬ku magacaabay.
Qotka saddexaadna waa Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬, oo ay asxaabta Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khaliifah‫ خليفة‬ku magacaabeen uguna yeereen, markay u
doorteen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hoggaanka ummaddiisa uga
dambeeyo.
Cumar\‫ عمر‬iyo Cuthmaan\‫ عثمان‬iyo Calii\‫ علي‬midna khaliifah‫ خليفة‬lama oran ee waxaa la oran
jiray Amiiru Al Mu'miniina‫أمير المؤمنين‬. Calii\‫ علي‬gaar ahaanna Imaam Calii\‫ اإلمام علي‬ayaa u
dheereyd.
Culummadu waxay tiraahdaa in qofka saxaabinnimada asxaabta Nabi Muxammad inkirah uusan
gaaloobeyn oo uusan Diinta uga baxayn, qofkase saxaabinnimada Abuu Bakr Al Siddiiq ‫أبوبكر‬
‫ الصديق‬diiday uu gaaloobayo oo Diinta ka baxayo isagoo inkiray oo beeniyey Aayadda
afartanaad ee Suuratu Al tawbah\‫ التوبة‬oo uu Ilaahay ku leeyahay
".‫"إذ يقول لصاحبه‬
"Ith yaquulu li Saaxibih"
oo ah:
"Markuu, waa Nabigee, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku lahaa saaxiibkiis, waa Abuu
Bakare‫" أبوبكر‬.
Riyada labaad: Imaamnimada Abuu Bakr AI Siddiiqu‫أبوبكر الصديق‬
Marka labaad waxaan ku riyooday anigoo ku dhex jira Masjidka Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, siduu ahaa markii la
dhisay: wuxuu dhererkiisu ahaa shan iyo soddon mitir, ballaciisuna soddon mitir (fiiri
Dr.M.I.Cabdu Al Ghanii\‫)د\محمد إلياس عبد الغني‬.
Dhulkiisu wuxuu ahaa ciidda madow ee magaaldaas, oo waagaas kaddifad iyo darmo midna ma
oollin. Darbiyadiisuna waxay ka dhisnaayeen libin qorraxda lagu qallajiyay oo aan dab loo
dhoweyn. Saqafkiisuna wuxuu ahaa cariish, oo waxaa saarnaa laamaha geed timireed laguna
deday reeryo biyaha roobka ka celisa.
Markaasaan waxaan arkay asxaabtii oo salaad u taagan oo tukanaya, imaamna uu u yahay Abuu
Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee.
Markaasaa waxaa qolka Caa'ishah\‫ عائشة‬kasoo baxay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo markaas inta socday Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬dhinkiciisa midig
fariistay.
Markaasuu Abuu Bakr‫ أبوبكر الصديق‬dib usoo tillabsaday, si uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Imaam u noqdo oo uu dadka u tujiyo.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gacantiisa shariifka ah ugu
tilmaamay inuu meeshiisa joogo, Abuu Bakarse‫ أبوبكر الصديق‬dib ayuu usoo joogsaday, oo
sidaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Imaam ku ahaa oo uu Abuu Bakr
281
‫ أبوبكر الصديق‬isaga ku daba tukanayey, dadkuna ay codka Abuu Bakr‫أبوبكر الصديق‬
maqlayeen oo ay isaga codkiisa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku daba tukanayeen.
Riyadaasna intaasey ahayd, dhacdadaasna waa sida saxiixa ah oo ay usoo aroortay.
Wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana
Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran.
Dambaabiddayda
Sanadka Hijriga ah ee kun iyo afar boqol iyo shan iyo labaatanka ayaan anigoo qof la hadlaya
waxaan ku hadlay war diinta ku saabsan oo aanan erayadiisa, kaddib, u bogin oo aan ka
xumaaday, aanna jeclaaday inaan warka si taas ka duwan u oran lahaa. Waxaan ka
qawmamooday hadalkaan iri, oo xanuun ayuu igu qabtay. Wuxuuna ahaa hadal aan culummada
ka wada maqlay.
Riyada saddexaad: Siday Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Abuu Bakr ‫أبوبكر‬
‫ الصديق‬iyo
Cumar iyo Calii ii kabeen
Markaasaan habeen riyooday, waxaanna ku riyooday anigoo masjid dhexdiisa fadhiya, annagoo
salaadda sugaynna, aniguna aan safka saddexaad fadhiyo.
Safka labaad oo horteyda ahna meelo badan ayaa ka bannaan. Markaasaan waxaan is iri:
"Maad safka labaad u guurtid oo buuxisid, marka salaadda la iqaamana aad kan koowaad usii
gudubtid?"
Markaasaan go'aan gaari waayey. Markaan cabbaar fadhinnay Aathaanka kaddib ayaa waxaa
naloo sheegay in la sugayo inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, yimaado oo
uu dadka tujiyo oo uu isagu Imaamka yahay.
Markaasaan waxaan goostay inaan weysadeyda soo cusbooneysiisto oo aan fadhiga ka kacay, oo
aan xagga masjidka dhankiisa dambe aaday, halkaasoo ay dhuumaha laga weyso qaato ku
yaalliin. Markaan in yar socdayba mase waa Abuu Bakr‫ أبوبكر‬iyo Cumar\‫ عمر‬iyo Calii\‫علي‬
(ama Cismaan‫ )عثمان‬oo albaabka Masjidka ag taagan, masjidkana ku dhex jira oo Nabiga,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhawraya, ayaguna sheekeysanaya.
Waxaan is weydiiyey:
"Mee Cismaan\‫"?عثمان‬
Markaan soo weyso qaatay ayaan isla meesheydii safka saddexaad ahaa kusoo noqday oo aan ku
tukaday, ayadoo ay safka labaadna meelo aniga horteydaba ah ka bannaan yihiin, qaarkiisna ay
rag buuxiyeen.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yimid oo uu Salaadda na
tujiyay. Taasna waa marka saddexaad oo aan riyo ku arkay.
Markaan subixii dambe hurdada kasoo kacay dhinacna waan ku farxay riyadeyda, ahna inaan
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, ku daba tukaday, asxaabtiisana aan arkay.
Dhinacna waan ka naxay, o ah inaanan safka koowaad ku tukan, ayadoo aan Nabiga, Sallaa
282
Allaahu Calayhi Wasallam, la iga xigin, arrinkaanoo xanuun xoog leh igu qabtay, oo aan is iri:
"Ma hadalkaan ku hadlay ayaa darajadaan Ilaahay agtiisa ku lahaa hoos u dhigay, sidaan ugu
dhowaana Nabi Muxammadna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iga fogeeyey? Oo intaan safka
koowaad ahaan lahaa ayaan waxaan noqday kan saddexaad, oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, waa la iga xigsaday?"
Aad ayaan u murugooday oo u calool xumaaday, si ka waynna waan u cabsaday, ilaa ay cabsidu
xanuun igu qabatay. Riyada habeenkaasna intaasey ahayd. wa al xamdu li Allaahi Rabbi al
caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa
Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran.
Tawbad keenkeyga
Markuu xanuunku igu batay oo aan nafteydaba u baqay, ayaan goostay inaan warkaas ka tawbad
keeno. Markaasaan saddex maalmood oo isku xigta soomay, habeenkiina tahajjud\‫ تهجد‬iyo Alle
bari u kacay, oo aan booyey, oo ay ilmadu iga dureertay, waxaan ku hadlayna aan ka
qoomamooday, aanna goostay inaanan mar dambe u laaban, Ilaahayna aan ka baryay inuu
dambigeyga dhaafo, tawbaddeydana aqbalo.
Riyada afaraad: Aqbalidda tawbadeyda
Markaasaan riyooday, saddexdaas maalmood kaddib. Waxaan ku riyooday anigoo guri jaziirad
yar oo dhir iyo cagaar miiran ah ku dul yaalla ku dhex jira habeenna ay tahay, roob xoog lehna
uu da'ayo, biyaha korkooda iyo dhexdoodana ay daruuro cad heehaabayaan, iftiinna ay tahay oo
wax loo jeedo, ayanna gudcur ahayn.
Guriga waxaa ka buuxa rag dhar cadcad labbisan oo dhulka darmooyin iyo kadiifado ku wada
fadhiya, ayanna jirin meel bannaan oo axad kale fariisto. Waxaa halkaas fadhiya Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo nuurkiisa aan indhaha lagu fiirin karin,
dhabarkiisuna uu darbiga xigo, guriguna uu wareegsan yahay sida mundulle oo kale, ayna la
fadhiyaan asxaabtiisu. Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam la hadlay Abuu Bakr
‫أبوبكر‬, oo uu si hoose wax ugu sheegay.
Markaasuu Abuu Bakr‫ أبوبكر‬inta kacay albaabka guriga ka baxay. In yar kaddib ayaan aniguna
ka daba baxay anigoo isaga raba. Markaasaan waxaa soo galay guri kii hore oo kale ah, kana dul
dhisan jasiirad tii hore oo kale ah. Intaasna roobku wuu da'ahayaa.
Meesha waxaa ka muuqda jasiirado kale, waxaanna soo xusuustay magaalada Stockholm ee
dalka Sweden oo sidaasoo kale jasiirado badan ka kooban, oo waxaaban is weydiiyey inay
meeshu Stockholm tahay. Markaan gurigii labaad soo galay, kaasoo uusan dhexdiisa axadna ku
jirin, ayaan Abuu Bakr‫ أبوبكر‬nuurkiisa indhaha siin waaye, waxaana iga xigsaday wax u eg
armaajo wayn oo qori ka sameysan.
Markaasaan jasiiraddii koowaad kusoo laabtay, oo intaan Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, u imid weydiiyey meeshuu Abuu Bakr‫ أبوبكر‬jiro, isaguna uu ii sheegay
inuusan u war hayn. Markaasaan hadana waxaan kusoo laabtay jasiiradii iyo gurigii labaad,
283
anigoo ku wada inuu Abuu Bakr‫ أبوبكر‬halkaasoo aan ku arkay uu ku sugan yahay.
Markaan gurigii galay ayaa waxaa isaguna soo galay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo caddaanka nuurkiisa aan indhaha la siin karin.
Markaasaan wax weydiiyey Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Markaasuu Abuu Bakr ‫ أبوبكر‬u
yeeray, kanna uu armaajadii iiga duwanayd iyo guriga darbigiisa dhexdooda kasoo baxay isagoo
nuurkiisa aan indhaha la siin karin.
Markaasaan wax weydiiyey Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalaam, wuxuuna iigu jawaabay
oo uu yiri hadal macnihiisu yahay:
"Taasi waxay la mid tahay adigoo safka saddexaad ku jira oo saflka koowaad lagu keenay.
Adiguna waxaad tahay kan koowaad, oo ninna kaama darajo sarreeyo, axadna aniga igama kaa
xigo."
Inay sidaas tahayn wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, iga tusay darbiga qolkaas
aan kula jiray annagoo halkaas siday xaaladdu masjidka dhexdiisa ahayd markaan safka
saddexaad fadhiyay hortayduna ay bannaanayd, mixraabkuna uu maran yahay oo uusan
imaamku weli soo gelin ku aragnay sida ayadoo filim darbiga lagu daaray oo kale oo aan
darbigaas iftiinka filimka lasoo daaray uga jeedo. Ama siduu yiri, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Darbigaas aan wax ka fiirsaneynno wuxuu dhanka bidix ka xigaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, anigana horteyduu ku beegan yahay, oo waxaan taaganahay midigta
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Abuu Bakarna‫ أبوبكر‬xagga midigteyda ayuu taagan
yahay oo isagaan bidixdiisa taaganahay.
Irriidduu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kasoo galayna waxay xigtaa xagga
dhabarkiisa.
Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qolka ayuu ka baxay, oo
nuurkiisa oo sii socda ayaan u jeeday.
Markaasaan aniguna ka daba baxay oo aan jasiiraddi koowaad ugu tegey isagoo ay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, raggii faraha badnaa ay la fadhiyaan.
Riyadaas, ahaydna marka afaraad oo aan Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬riyo ku arkay,
intaas ayay ahayd. Wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa
Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman
kathiiran.
War hooy! Qof aan dambaabini ma jiro, qofka ka tawbad keenana Ilaahay waa jecel yahay
waana ka aqbalaa, ee dambiyadiinna ka tawbad keena.
Ragga u yeeridda Abuu Bakr Al Siddiqu‫ أبوبكر الصديق‬ku islaamay
Markaasuu Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبوبكر الصديق‬rag Quraysh\‫ قريش‬ah islaamka ugu yeeray oo
ay sidaas ku islaameen.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasaa ugu yeeriddaas Abuu Bakr‫ أبوبكر‬islaamka waxaa ku islaamay, sida isoo gaartay:
284
(Kow) Cuthmaan bin Caffaan\‫عثمان بن عفان‬
Cuthmaan bin Caffaan bin Abii Al Caas bin Umayyah bin Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf bin
Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib ‫عثمان بن عفان بن أبي العاص بن‬
\‫أمية بن عبد شمس بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬."
Cuthmaan‫عثمان‬, sida Abuu Bakr‫ أبوبكر‬, wuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu
bishaareeyey\‫العشرة المبشرين بالجنة‬, iyo saabiqiinta, wuxuuna ka mid yahay ragga Baycatu Al
Ridwaan\‫بيعة الرضوان‬, Badr\‫بدر‬, Uxud\‫ أحد‬iyo Mashaahidda\‫ المشاهد‬oo idil.
Nasabkiisu wuxuu kan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmaa Cabdu
Manaaf\‫عبد مناف‬, oo ah awoowihiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, saddexaad, isagaana
tobaankasba Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, nasab ahaan uga dhow intaan Calii bin
Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬ahayn oo oo ina adeerkiis laxmi ah ah, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam.
Cuthmaan\‫ عثمان‬hooyadiis waa Arwaa ibnatu Kurayz bin Rabiicah bin Xabiib bin Cabdu Shams
bin Cabdu Manaaf\‫أروي بنت كريز بن ربيعة بن حبيب بن عبد شمس بن عبد مناف‬, oo ayaduna islaanatay.
Arwaa\‫ أروي‬hooyadeeda dhashayna waa Ummu Xakiim Al Baydaa' bintu Cabdu Al Mudhalib
bin Haashim bin Cabdu Manaaf\‫أم حكيم البيضاء بنت عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف‬, eedada
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna mataanta aabihiis Cabdu Allaahi ‫عبد‬
\‫هللا‬.
Kuniyada Cuthmaan\‫عثمان‬
waa Abaa Cabdu Allaahi\‫ أبا عبد هللا‬oo ah wiil ay u dhashay
Ruqayyah bintu Rasuuli Allaahi\‫رقية بنت رسول هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ama Abaa
Camr\‫أبا عمرو‬.
Koofaartiisuna waa Thuu Al Nuurayni\‫ذو النورين‬, midka labada nuur u saaxiibka ah, isagoo laba
gabdhood ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, guursaday, annaa la hayn nin
isaga mooyee laba gabdhood oo uu Nabi dhalay guursaday.
Cuthmaan\‫ عثمان‬waa ninka Rakcada Witirka\‫ ركعة الوتر‬Quraanka oo idil ku akhrin jiray oo ku
khatimi jiray.
Cuthmaan\‫ عثمان‬waa khaliifka saddexaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam. Wuxuu ku dhintay Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬, qabrigiisuna ku yaalla
Baqiicu Al Gharqad\‫ بقيع الغرقد‬oo la yaqaanna. Allow raalli ka noqo Cuthmaan bin Caffaan ‫عثمان‬
\‫بن عفان‬.
(Labo) Al Zubayru ibnu Al Cawwaamu\‫الزبير بن العوام‬
Al Zubayru ibnu Al Cawwaamu bin Khuwaylid bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin
Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu' ayy ‫الزبير إبن العوام بن خويلد بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن‬
\‫مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬. Al Asadii\‫ األسدي‬wuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu
bishaareeyey, iyo saabiqiinta, iyo ragga Badr\‫ بدر‬iyo Baycatu Al Ridwaan\‫ بيعة الرضوان‬iyo Uxud
\‫ إحد‬iyo mashaahidda\‫ المشاهد‬oo idil isagoo la socda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
285
WasalIam.
Al Zubayru‫ الزبير‬wuxuu nasabkiisu kula kuimaa midka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Qusayy bin Kilaab‫ قصي بن كالب‬, oo ah awoowaha afaraad ee Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam.
Ummu Al Mu'miniina Khadiijah bintu Khuwaylid bin Asad\‫أم المؤمنين خديجة بنت خويلد بن أسد‬
waa eedadiis aabihiis la dhalatay.
Al Zubayru‫ الزبير‬hooyadiisa dhashayna waa Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim
bin Cabdi Manaaf\‫صفية بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف‬, eedada Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, aabihiis Cabdu Allaahi la dhalatay. Koofaartiisuna waa Abaa Cabdu
Allaahi.
Al Zzubayru ibnu Safiyyata\‫الزبير أبن صفية‬. Al Zzubayru\‫ الزبير‬iyo Imaam Calii bin Abii Dhaalib ‫اإلمام‬
\‫ علي بن أبي طالب‬iyo Dhalxata\‫ طلحة‬iyo Sacad bin Abii Waqqaas\‫سعد بن أبي وقاص‬, dhammaantood
Allaha raalli ka noqdee, isku sanad ayay dhasheen.
Al Zubayr\‫ الزبير‬wuxuu islaamay isagoo lix iyo toban sano jirah, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, wuxuu Makkah\‫ مكة‬ku walaaleeyey isaga iyo Cabdu Allaahi bin Mascuud ‫عبد هللا بن‬
\‫مسعود‬, markuu muhaajiriinta ku walaaleeyey.
Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah Al Munawwarah ‫المدينة‬
\‫ المنورة‬yimidna, oo uu halkaas Muhaajaraiinta\‫ الماهجرين‬iyo Ansaarta\‫ األنصار‬ku walaaleeyeyna, wuxuu
walaaleeyey isaga Al Zubayr\‫ الزبير‬ah iyo Salamata bin Salaamata bin Waqshin\‫سلمة بن أبي سلمة بن وقش‬.
Al Zzubayru\‫ الزبير‬marna kama uusan harin Ghazwo\‫ غزوة‬uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, duulay, Maalinta Xunaynn\‫ حنين‬wuu sugnaaday.
Wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ وحواري الزبير‬،‫"لكل نبي حواري‬
"Li kulli Nabiyyin Xawaariyyun, wa Xawaariyya Al Zzubayru"
oo macneheedu yahay
"Nabi Walba wuxuu leeyahay Xawaarii\‫حواري‬, oo ah saaxiib u dhow oo jecel una gargaarah, aniga
xawaarigayguna\‫ حواري‬waa Al Zubayru\‫"الزبير‬.
Al Zubayr\‫ الزبير‬wuxuu ka qayb galay Badar\‫ بدر‬isagoo cimaamad hurdi ah inta duubtay, hadana
seynteeda afka ku duubtay. Markaasey Malaa'igtu Maalinta Badar\‫ بدر‬waxay soo degatay ayadoo ku
calaamadeysan sida Al Zubayr\‫ الزبير‬oo kale, oo cimaamado hurdi ah duuban.
Al Zubayr\‫ الزبير‬wuxuu ahaa nin geesi ah oo sufuufta cadawga inta weerara kala dhanbalah, oo
midnimadooda kala firdhiya.
286
Al Zubayr\‫ الزبير‬waa mid ka mid ah tobanka Jannada loogu bishaareeyey, wuxuuna goob joog ahaa
dhacdada "Al Jamal\‫"وقعة الجمل‬, halkaasoo uu saacad dagaallamay.
Markaasuu Imaam Calii\‫ اإلمام علي‬u yeeray, uuna gooni ula baxay, uuna xusuusiyay inuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, labadooda ku yiri, kaddib markuu arkay siday isku
jecelyihiin oo ay isugu xiran yihiin:
".‫"أما إنك ستقاتل عليا وأنت له ظالم‬
"Ammaa innaka sa tuqaatilu Caliyyan wa anta lahu thaalimun"
oo macneheedu yahay
"Adiguse - Al Zubayru \‫الزبير‬- waxaad la dagaallami doontaa Calii\‫علي‬, adigoo thaalim\‫ ظالم‬ku ah oo
ka gardaran."
Markaasuu Al Zubayru‫ الزبير‬soo xusuustay oo uu markaas dagaalka ka gaddoomay. Markaasaa waxaa
raad raacay nin la oran jiray Ibnu Jarmuuz bin Cabdu Allaahi\‫إبن جرموز بن عبد هللا‬.
Waxaa kaloo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Cumayr \‫عمير‬, waxaana la yiraahdaa Cumar Al Sacdii ‫عمر‬
\‫السعدي‬. Markaasuu wuxuu ku dilay meesha loo yaqaanno Waadii Al Sibaaci\‫وادي السباع‬, oo ah waadiga
dugaagga.
Ninkii Al Zubayr‫ الزبير‬dilay wuxuu soo qaatay seeftii Al Zubayr ‫الزبير‬, wuxuuna u keenay Imaam
Calii bin Abii Dhaalib\‫ اإلمام علي بن أبي طالب‬, Allaha wajigiisa karaameeyee. Marka seefta loo keenay
ayuu Calii‫ علي‬wuxuu yiri:
".‫"بشر قاتل ابن صفية بالنار‬
Oo macnihiisu yahay:
"Ninka wiilka Safiyyata\‫ صفية‬dilay naarta ugu bishaaree."
Ninkaas Al Zubayr\‫ الزبير‬dilay intuu madaxiisa soo gooyay ayuu wuxuu u keenay Calii‫ علي‬.
(Saddex) Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf \‫عبد الرحمن بن عوف‬
Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf bin Cabdu Cawf bin Cabdu bin Al Xaarith bin Zuhrah bin
Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫عبد الرحمن بن عوف بن عبد بن الحارث بن زهرة بن كالب بن مرة‬
\‫بن كعب بن لؤي‬.
Cabdu Al Raxmaan bin Cawf\‫ عبد الرحمن بن عوف‬wuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu
bishaareeyey iyo saabiqiinta\‫السابقون‬.
Zamanka jaahiliyada magaciisu wuxuu ahaa Cabdu Camr \‫عبد عمرو‬, waxaa kaloo la yiri Cabdu Al
Xaarith\‫عبد الحارث‬, waxaa kaloo la yiri Cabdu Al Kacbah\‫عبد الكعبة‬, markaasuu Nabigu, Sallaa
287
Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu Al Raxmaan\‫ عبد الرحمن‬u bixiyey.
Kuniyadiisuna waa Abaa Muxammad\‫أبا محمد‬.
Wuxuu kaloo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u bixiyey Al Saadiqu \‫الصادق‬, runlowga,
iyo Al Baarru\‫البر‬, kan baarriga ah.
Nasabkiisu wuxuu kan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmaa Kilaab bin
Murrah‫ كالب بن مرة‬, oo ah awoowaha shanaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Waxaana la yiraahdaa Al Qurashiyyi Ai Zuhriyyi \‫القرشي الزهري‬, oo sidaasuu wuxuu ku yahay
abtiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo reer Banii Zuhrah\‫ بني زهرة‬ka
dhashay.
Cabdu Al Raxmaan bin Cawf‫ عبد الرحمن بن عوف‬hooyadiisa dhashay waa Al Shifaa'u bintu
Cawfbin Cabdu Al Xaal'ith Al Zuhriyyah\‫الشفاء بنت عوف بن الحارث الزهرية‬, oo islaantay, kaddibna
haajirtay, waxayna ahayd umulisada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
hooyadiis Aaminah\‫ آمنة‬ka umulisay. Allow raalli ka noqo Cabdu Al Raxmaan bin Cawf ‫عبد‬
‫ الرحمن بن عوف‬iyo hooyadiisba.
(Afar) Sacd bin Abii Waqqaas\\‫سعد بن أبي وقاص‬
Sacd bin Abii Waqqaas‫سعد بن أبي وقاص‬, abii Waqqaas‫ أبي وقاص‬magaciisuna waa Maalik bin
Uhayb bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu' ayy ‫مالك بن أهيب بن‬
\‫عبد مناف بن زهرة بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬.
Sacd‫ سعد‬waa abtiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay ilmo adeer
laxmi ah yihiin Aaminah bintu Wahab bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab bin Kacb bin
Lu'ayy \‫ آمنة بن وهب بن عبد مناف بن زهرة بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiis.
Nasabkiisu wuxuu kula kulmaa midka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Kilaab bin
Murrah‫ كالب بن مرة‬, oo ah awoowaha shanaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Sacd‫ سعد‬iyo Cabdu Al Raxmaan bin Cawf\‫ عبد الرحمن بن عوف‬wuxuu nasabkoodu ku kulmaa
Zuhrah bin Kilaab‫ زهرة بن كالب‬.
Sacd bin Abii Waqqaas\\‫ سعد بن أبي وقاص‬, ayuu Al Daxxaak‫ الضحاك‬wariyay, ayaa wuxuu
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
"RasuuIka Ilaahayow, anigu yaan ahay?"
Markaasuu wuxuu ku yiri:
".‫ من قال غير ذلك فعليه لعنة هللا‬:‫"أنت سعد إبن مالك بن وهب بن عبد مناف بن زهرة‬
"Anta Sacd ibnu Maalik bin Wahb bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah: man qaala
ghayra thaalika fa calayhi lacnatu Allaahi",
oo macneheedu yahay:
"Adigu waxaad tahay Sacd bin Maalik bin Wahb bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah ‫سعد إبن مالك بن‬
‫وهب بن عبد مناف بن زهرة‬, qofka waxaan sidaas ahayn yiraahdana korkiisa waxaa ah lacnadda
288
Ilaahay."
Sacd‫ سعد‬hooyadiis waa Xamnah bintu Abii Sufyaan bin Umayyah bin Cabdi Shams ‫حمنة بنت أبي‬
\‫سفيان بن أمية بن عبد شمس‬, oo Abuu Sufyaan bin Xarb\‫ أبو سفيان بن حرب‬ayaa abtigiis ah. Kuniyada
Sacd‫ سعد‬waa Abaa Isxaaq\‫أبا إسحاق‬. Allow raalli ka noqo Sacd b.Abii Waqqaas ‫سعد بن أبي‬
‫وقاص‬.
(Shan) Dhalxah bin Cubaydu Allaahi\‫طلحة بن عبيد هللا‬
Dhalxah bin Cubaydu Allaahi bin Cuthmaan bin Camr bin Kacb bin Sacd bin Taym bin
Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫طلحة بن عبيد هللا بن عثمان بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة بن كعب بن لؤي‬
‫بن غالب بن فهر‬.
Dhalxah‫ طلحة‬wuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeyey iyo ragga Badr \‫ بدر‬iyo
Baycatu Al Ridwaan\‫ بيعة الرضوان‬iyo Uxud\‫ أحد‬iyo mashaahidda\‫ المشاهد‬oo idil.
Nasabkiisu wuxuu kula kulmaa nasabka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Murrah bin
Kacb‫ مرة بن كعب‬, oo ah awoowaha lixaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Dhalxah‫ طلحة‬waxaa la yiraahdaa Al Qurashiyyi Al Taymiyyi \‫القرشي التيمي‬, o nasabkiisuna
wuxuu midka Abuu Bakar\‫ أبوبكر‬kula kulmaa Kacb bin Sacd bin Taym‫ كعب بن سعد بن تيم‬.
Dhalxah‫ طلحة‬hooyadiis waa Al Sacbah bintu Cabdu Allaahi bin Cabaad bin Maalik bin Rabiicah
Al Xadramii\‫صعبة بنت عبد هللا بت عباد بن مالك بن ربيعة الحضرمي‬, walaasha la dhalatay Al Calaa'u bin
Al Xadramii\‫العالء الحضرمي‬. Kuniyadiisu waa Abaa Muxammad\‫أبا محمد‬, waxaana lagu koofaari
jiray Dhalxah Al Khayr\‫ كلحة الخير‬oo uu u bixiyey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Maalinta Uxud\‫أحد‬. Wuxuu kaloo Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u
bixiyey Dhalxah Al Fayyaad\‫طلحة الفياض‬, oo macneheedu yahay "Dhalxah kan deeqsiga ah"
uuna u bixiyey maalinta duullaanka Thuu Al Cushayrah\‫غزوة ذو العشيرة‬, iyo Dhalxah Al Jawd
‫ طاحة الجواد‬oo ah: "Dhalxah kan deeqsiga ah" uuna u bixiyey maalinta duullaanka Xunayn ‫غزوة‬
\‫حنين‬. Magac kalena Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu u bixiyey.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markay raaggaasu ugu yeeridiisa (waana Abuu Bakr Al Ssiddiiqu\‫ )أبو بكر الصديق‬islaamka
yeeleen, ayuu soo waday oo uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u keenay. Markaasey
islaameen, o ay Salaadana tukadeen.
Sida isoo gaartayna, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu oran jiray:
:‫ أال ما كان من أبي بكر بن أبي قحافة‬،‫ ونظر وتردد‬،‫"ما دعوت أحدا إلى اإلسالم إال كانت فيه عنده كبوة‬
".‫ما عكم منه حين ذكرته له وما تردد فيه‬
"Maa dacawtu axadan ilaa al islaami illaa kaanat fiihi cindahu kabwatun, wa
nathar wa taraddud, illaa maa kaana min Abii Bakrin bin Abii Quxaafah: maa
cakama canhu xiina thakkartuhu lahu wa maa taraddada fiihi."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
289
"Axadna islaamka uguma aanan yeerin ee waa illaa kan simbiririqda, dibna u joogsada oo fiiro
ugu noqda oo hakada, intaan ka ahayn Abuu Bakar ina Abii Quxaafah ‫ أبي بكر بن أبي قحافة‬:
kanoo aan dib uga joogsan oo aan marna hakan ee horeba ka yeelay markaan u xusay oo aan ugu
yeeray."
Islaamidda Calii bin Abii Dhaalib \‫إسالم علي بن أبي طالب‬
Nasabka Calii bin Abii Dhaalib‫ علي بن أبي طالب‬wuxuu kula kulmaa midka Nabi Muxammad,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد المطلب‬, oo ah awoowaha
koowaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo labadooda aabe waa walaalo isku
hooyo iyo isku aabe ah.
Sidaasaa waxaa Calii loo yiraahdaa Al Qurayshiyyi \‫ القرشي الهاشمي‬Al Haashimiyyi.
Calii‫ علي‬hooyadiisna waa Faadhimah bintu Asad bin Haashim bin Cabdi Manaaf ‫فاطمة بنت أسد‬
\‫بن هاشم بن هبد مناف‬, ayadaana ah tii ugu horreysey oo Haashimiyad\‫ هاشمية‬ah oo nin Haashimi
\‫ هاشمي‬ahna dhashay, wayna islaantay, ayna haajirtay waxayna ku dhimatay Al Madiinah Al
Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬, aaskeedana waxaa maamulay oo goob joog ka ahaa Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo khamiiskiisa intuu siibay u labbisay oo kafanta uga hoos
mariyay oo jirkeeda uusan waxba ka xigin, uuna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabrigeeda
dhex seexday, kaddibna qabrigeeda korkiisa ayuu salaadda janaazada kula dul tukaday.
Markaas kaddibna wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫ إنها كانت‬.‫ وأضجعت معها في قبرها ألخفف عنها من ضغط القبر‬،‫"ألبستها لتلبس من ثياب أهل الجنة‬
".‫أحسن الخلق صنيعا إلي بعد أبي طالب‬
"Albastuhaa litalbisa min thiyaabi ahli al jannati, wa adjactu macahaa fii qabrihaa
li ukhaffifa canhaa min daghdati al qabri. Innahaa kaanat axsana khalqi Allaahi
saniican ilayya bacda Abii Dhaalibin."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaan u labbisay si ay u labbisato dharka ehelu jannada, waxaanna ula seexday qabrigeeda si
aan culayska iyo ciriiriga qabriga uga khafiifiyo. Ayadu waxay ahayd tan khalqiga Ilaahay iigu
samafalid fiican Abii Dhaalib‫ أبي طالب‬dabadiis."
Kaddibna wuu ooyay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna yiri:
".‫ فلقد كنت خير أم‬،‫"جزاك هللا من أم خيرا‬
"Jazaaka Allaahu min ummi khayran, fa laqad kunti khayra ummin",
oo macneheedu yahay:
"Allaha kaaga abaal mariyo waxa ugu khayr badan oo hooyo lagu abaal mariyo, adiguna waxaa
hubaal ah inaad ahayd hooyada ugu khaur badan."
290
Ayadaa hooyo u ahayd oo soo korisay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu
awoowihiis dhintay oo uu adeerkiis Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬kafaalo qaaday. Waxaa
Xadiithkaanna wariyay Al Muxibbu Al Dhabarii\‫ المحب الطبري‬kuna waraiyay Al Riyaadu ‫الرياض‬
\‫النضرة‬, kitaabka uu ka qoray manaaqibta tobanka jannada loogu bishaareeyey.
Faadhimah\‫ فاطمة‬waxay kaloo Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬u dhashay Dhaalib\‫ طالب‬iyo Caqiil‫عقيل‬
oo toban sano ka yar iyo Jacfar\‫ جعفر‬oo Caqiil‫ عقيل‬labaatan sano ka yar iyo Calii\‫ علي‬oo Jacfar
\‫ جعفر‬toban sano ka yar, iyo Ummu Haani'‫ أم هانيء‬oo magaceedu yahay Faakhitah\‫ فاختة‬iyo
gabar labaad oo la yiraahdo Jumaanah\‫جمانة‬.
Nabiguna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Calii‫ علي‬u bixiyey Siddiiq\‫صديق‬, runlow
ah, iyo Abii Al Rayxaanatayni‫أبو الريحتتان‬, oo ah aabaha labada reexaan oo kala ah Al Xasan
\‫ الحسن‬iyo Xusayn\‫الحسين‬, iyo Abaa Turaab\‫أبا تراب‬.
Kuniyadiisuna waxay ahayd Abaa Al Xasan\‫أبا الحسن‬.
Calii bin Abii Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf ‫علي بن أبي‬
‫طالب بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد مناف‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ahaa wiilka
ugu horreeyey oo islaama, wuxuuna markaas yahay toban jir, wuxuuna ku noolaa guriga Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo qoyskiisuu ka mid ahaa.
Inay sidaas tahay, ayuu Al Zarqaanii\‫ الزرقناي‬yiri, waxaa u daliil ah inuu Mucaawiyah\‫ معاوية‬usoo
dhigay warqad Calii bin Abii Dhaalib‫علي بن أبي طالب‬, uuna yiri:
"Al Xasan\‫ الحسن‬aabihiisow! Anigu waxaan leeyahay fadaa’il\‫( فضائل‬oo ah deeqo aan dadka
intiisa kale dheerahay), o anigu waxaan ahay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, seedigiis, (oo walaashiis waa Ummu Al Mu'miniina Ummu Xabiibah Ramlah bintu
Abii Sufyaan bin Xarb‫ أم المؤمنين أم حبيبة رملة بنت أبي سفيان بن حرب‬haweenta Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam) iyo kaatibkiisa (oo wuxuu ahaa mid ka mid ah ragga Waxyiga
dhiga)."
Markaasuu Calii bin Abii Dhaalib‫ علي بن أبي طالب‬wuxuu yiri:
."‫"وهللا ما أكتب إليه إال شعرا‬
“Wa Allaahu maa aktubu ilayhi illaa shucran.’
Macnihiisu waxaa weeye:
"Wa Allaahi inaanan u dhigayn (jawaab ahaan) waxaan gabay ahayn, wuxuuna u dhigay oo uu
yiri:
‫وحمزة سيد الشهداء عمي‬
‫يطير مع المالئكة إبن عمي‬
‫مشوب لحمها بدمي ولحمي‬
‫محمد النبي أخي وصهري‬
‫وجعفر الذي يضحى ويمسي‬
‫وبنت محمد سكني وعرسي‬
291
‫فمن منكم له سهم كسهمي‬
‫صغيرا ما بلغت أوان حلمي‬
‫وسبطا أحمد ابناي منها‬
‫سبقتكم إلى اإلسالم طرا‬
1. Muxammadun Al Nabiyyu akhii wa sihrii
wa Xamzah Sayyidu Al Shuhadaa'i cammii.
2. Wa Jacfaru allathii yadxaa wa yamsii
yadhiiru maca Al Malaa' ikati ibnu ummii.
3. Wa bintu Muxammadin saknii wa cursii
mashuubu laxmuhaa bi damii wa laxmii.
4. Wa sibdhaa Axmadi ibnayya minhaa
fa man minkum lahu sahmun ka sahmii.
5. Sabaqtukum ilaa al islaami dhuran
saghiiran maa balaghtu awaana xulmii.
Tixahaas macnohoosu waxaa weeye:
1. Nabi Muxammad waa walaalkay iyo soddoggay
Xamzana, hoggaamiyaha shahiidiintu, waa adeerkey.
2. Jacfarka ku waabariista kuna hoyda (Jannada)
isagoo malaa'igta la duulaya waa ina hooyaday.
3. Gabadha Muxammadna waa hoygeyga iyo aroosaddeyda
hilibkeedu wuxuu ku darsamay dhiiggeyga iyo hilibkeyga.
4. Axmadna labadiisa Sibdhi waa labadeyda wiil oo ayadu ii dhashay
marka kiinneebaa leh sad la mid ah sadkayga?
5. Islaamkaan waan idiinka wada hormaray
anigoo yar oo aan wali qaan gaarin.
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬iyo ghayrkiisba waxay wariyeen Xadiithka Abii Raafic\‫ أبي رافع‬oo
macnihiisu yahay:
"Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu tukaday bilowga maalinta isniinta,
Khadiijana\‫ خديجة‬waxay tukatay dhammaadkeeda, Calina\‫ علي‬wuxuu tukaday maalinta (taas ku
xigtay oo) talaadada ah."
Waxaa kaloo wariyay Al Dhabraanii\‫الطبراني‬.
Al Xaakimna\‫ الحاكم‬wuxuu Al Mustadrak\‫ المستدرك‬ku yiri:
"Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaa Nabi laga dhigay maalin isniin ah, Calina
‫ علي‬wuxuu islaamay maalinta talaado."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Laboodka ugu horreeya oo dadka ka mid ah oo Rasuulka Ilaahay rumeeyey, lana tukaday,
rumeeyeyna wuxuu xagga Ilaahay Tacaalaa ka keenay waa Calii bin Abii Dhaalib bin Cabdu Al
Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf ‫علي بن أبي طالب بن عبد المطلب بن هاشم بن عبد‬
‫مناف‬, raallinnimada iyo nabadgelyada Ilaahay korkiisa ha ahaatee, isagoo maalintaas toban sano
jira.
Nicmooyinka uu Ilaahay Calii bin Abii Dhaalib‫ علي‬, Allaha raalli ka noqdee, ku mannaystay
292
waxaa ka mid ahaa inuu islaamka hortiisba qoyska Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ka mid ahaa, oo uu gurigiisa ku noolaa."
Siduu Calii‫ علي‬Qoyska Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
uga mid noqday
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Nicmooyinka uu Ilaahay Calii bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬ku mannaystay waxaa ka mid
ahaa iyo wuxuu Ilaahay u suubiyayba iyo wuxuu khayr la doonay, inay Quraysh \‫ قريش‬abaar xoog
leh haleeshay, Abuu Dhaalibna\‫ أبو طالب‬wuxuu lahaa caruur fara badan.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu adeerkiis Al Cabbaas
\‫العباس‬, Allaha raalli ka noqdee, oo ka mid ahaa ragga reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬ugu
hodansan, ku yiri:
‫ فانطلق بنا إليه‬.‫ وقد أصاب الناس ما ترى من هذه األزمة‬،‫ إن أخاك أبا طالب كثير العيال‬،‫"يا عباس‬
".‫ فنكلهما عنه‬،‫ وتأخذ أنت رجال‬،‫ أخذ من بنيه رجال‬:‫فلنخفف عنه من عياله‬
"Yaa Cabbaas, inna akhaaka Abaa Dhaalib kathiiru al ciyaali, wa qad asaaba al
nnaasa maa taraa min haathihi al azmati. Fa indhaliq binaa ilayhi falnukhaffif canhu
min ciyaalihi: aakhuthu min baniihi rajulan, wa ta'khuthu anta rajulan, fa
nakiluhumaa canhu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Cabbaasow‫ يا عباس‬, walaalkaa Abaa Dhaalib‫ أبا طالب‬waa ciyaal badan yahay, dadkana waxaa
haleeshay waxaan aad u jeeddo oo abaartaan ah. Marka ina keen aan u tagnee, oo aan ciyaalka ka
fududeynno: aniguna waxaan wiilashiisa ka qaadanayaa nin, adiguna nin ka qaado, oo aan sidaas
uga kafaalo qaadno, ugana filnaanno."
Markaasuu Al Cabbaas‫ العباس‬wuxuu yiri:
"Waa yahay."
Markaasey wada dhaqaaqeen oo ay Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬u wada yimaadeen, waxayna ku
yiraahdeen:
".‫"إنا نريد أن نخفف عنك من عيالك حتى ينكشف عن الناس ما هم فيه‬
“Innaa nuriidu an nukhaffifa canka min ciyaalika xattaa yankashifa cani al nnaasi maa
hum fiihi.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Annagu waxaan dooneynnaa inaan ciyaalka kaa khafiifinno ilaa goortay dadka ka faydmeyso
waxaan ay ku sugan yihiin (abaarta)."
Markaasuu wuxuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬labadooda ku yiri:
293
".‫ فاصنعا ما شئتما‬،‫"إذا تركتما لي عقيال‬
“Ithaa taraktumaa lii Caqiilan fa isnacaa maa shi’tumaa.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Haddaad Caqiil‫ عقيل‬ii dhaaftaan waxaad doontaan fala."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Waxaa la yiraahdaa inuu yiri: "Caqiil‫ عقيل‬iyo Dhaalib\‫( طالب‬haddaad ii dhaaftaan) waxaad
doontaan fala."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasaa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Calii‫علي‬
qoyskiisa ku biiriyey.
Cabbasna wuxuu qaatay Jacfar\‫ جعفر‬oo uu qoyskiisa ku biiriyey.
qaatay oo uu
Sidaas ayuu Calii‫ علي‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ula joogay ilaa uu
Tabaaraka wa Tacaalaa kasoo diray isagoo Nabi ah.
Markaasuu Calii‫ علي‬raacay, Allaha raalli ka noqdee, oo uu aaminay oo uu rumeeyey.
Jacfarna‫ جعفر‬wuxuu ka tirsanaa qoyska Cabbaas\‫ عباس‬ilaa uu ka islaamay, oo uu ka
kaaftoomay."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Calii‫ علي‬wuxuu Jacfar‫ جعفر‬ka yaraa toban sano, Jacfarna‫ جعفر‬wuxuu Caqiil‫ عقيل‬ka yaraa
toban sano, Caqiilna‫ عقيل‬wuxuu Dhaalib\‫ طالب‬ka yaraa toban sano.
Dhammaantoodna way islaameen intaan Dhaalib\‫ طالب‬ka ahayn, oo aan islaamiddiisa la ogayn.
Calii‫ علي‬hooyadiisa dhashayna waa Faadhimah bintu Asad bin Haashim ‫فاطمة بنت أسد بن‬
\‫هاشم‬, wayna islaamtay, waana mid ka mid ah Faadumooyinka\‫ الفوطم‬uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, uu Calii, Allaha raalli ka noqdee, uga yiri:
".‫"أقسموا بين الفواطم الثالث‬
"Aqsimhu bayna Al Fawaadhimi al thalaathi",
oo macneheedu yahay:
“U kala qaybi saddexda Faadumo\‫فاطمة‬."
Waxa loo qaybinayana waa dhar xariir ah".
Al Qutaybiyyu\‫ القتيبي‬wuxuu yiri:
"Waxaa weeye Faadhimah bintu Rasuuli\‫ فاطمة بنت رسول هللا‬Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo Faadhimah bintu Asad‫ فاطمة بنت أسد‬, tan saddexaadna ma aqaanno."
294
Cabdu Al Ghanii bin Saciid‫ عبد الغني بن سعيد‬wuxuu wariyay:
".‫"أقسموا بين الفواطم األربع‬
"Aqsimhu bayna Al Fawaadhimi al arbaci",
Oo macneheedu yahay:
“U kala qaybi afarta Faadumo\‫"فاطمة‬, wuxuuna ku daray labadaas Faadumo oo hore Faadhimah
bintu Xamzah‫فاطمة بنت حمزة‬, wuxuuna yiri: "Ma ogi midda afaraad."
Wuxuuna ku wariyay kitaabka Al Ghawaamidi wa Al Mubhamaati‫الغوامد والمبهمات‬.
"Waa intaas warka Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬oo islaamidda Calii\‫ علي‬ogaanaya
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Culummadu waxay wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markay
salaaddu soo gasho uu buuraha Makkah\‫ مكة‬aadi jiray, waxaana raacay Calii bin Abii Dhaalib
‫ علي بن أبي طالب‬oo aabihiis Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬ka dhuumanaya, o iska qarinaya, iyo
dhammaan adeerradiis iyo tolkiisa intooda kale oo idil.
Markaasey labadoodu halkaas ku tukadaan. Markaasey markuu habeenku soo galo dib usoo
laabtaan. Sidaas ayay ku sugnaadeen intuu Ilaahay doono inay ku sugnaadaan.
Kaddib maalin ayuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu arkay labadooda oo tukanaya. Markaasuu
wuxuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:
"‫"يا إبن أخي! ما هذا الدين الذي أراك تدين به؟‬
“Yaa ibna akhii! Maa haathaa al ddiinu allathii araaka tadiinu bihi?”
Xadiithka macnihiisu waxa weeye:
"Wiilka walaalkeeyow! Maxay tahay diintaan aan arkayo inaad ka diin yeelaneyso?"
Wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
‫" – أو كما قال – "بعثني هللا به‬.‫ ودين أبينا إبراهيم‬،‫ ودين رسله‬،‫ ودين مالئكته‬،‫"أي عم! هذا دين هللا‬
،‫ وأحق من أجابني إليه‬،‫ ودعوته إلى الهدى‬،‫ أحق من بذلت له النصيحة‬،‫ وأنت أي عم‬،‫رسوال إلى العباد‬
.‫" أو كما قال‬.‫وأعانني عليه‬
"Ay camm, haathaa Diinu Allaahi wa Diinu Malaa'ikatihi, wa Diinu Rusulihi, wa
Diinu abiinaa Ibraahiima. Bacathani Allahu bihi Rasuulan ilaa al cibaadi, wa anta,
ay camm, axaqqu man bathaltu lahu al nasiixata, wa dacawtuhu ilaa al hudaa, wa
axaqqu man ajaabanii ilayhi wa acaananii calayhi",
oo macneheedu yahay:
"Adeerkeeyow, kani waa Diinta llaahay iyo Diinta Malaa'igtiisa iyo Diinta Rusushiisa iyo Diinta
aabeheen Ibraahiim\‫إبراهيم‬. Ilaahay wuxuu Rasuul ahaan iigu soo diray addoommadiisa,
295
adiguna, adeerow, waxaad tahay midka ugu xaq badan inaan xoog geliyo u naseexeyntaada iyo
waanintaada, aanna hannunka ugu yeero, adiguna waxaad tahay kan ugu xaq badan inuu iga
yeelo, iguna caawino."
Ama siduu yiriba Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu yiri:
‫ و لكن وهللا اليخلص إليك بشيء‬،‫ و ما كانوا عليه‬،‫"إي إبن أخي! إني ال أستطيع أن أفارق دين آبائي‬
".‫تكرهه ما بقيت‬
“Ay ibna akhii! Inii laa astadhiicu an ufaariqa diina aabaa’ii, wa maa kaanuu calayhi, wa
laakin wa Allaahi laa yukhlasu ilayka bi shay’in takrahuhu maa baqaytu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye
"Wiilka walaalkeeyow, anigu ma karo inaan ka baxo oo aan ka tago diinta aabayaalkey iyo
waxay ku taagnaayeen, laakiin wa Allaahi\‫ وهللا‬inuusan kusoo gaareyn waxaad kahato intaan
noolahay."
Waxaa la wariyay inuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wiilkiisa Calii\‫ علي‬ku yiri:
"‫ ما هذا الدين الذي أنت عليه؟‬،‫"أي بني‬
“Ay bunayya maa haathaa al ddiinu allathi anta calayhi?”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Maandhow, maxay tahay Diintaan aad ku taagan tahay?"
Markaasuu wuxuu yiri:
".‫ وصليت معه هلل واتبعته‬،‫ وصدقته بما جاء به‬،‫ آمنت باهلل وبرسول هللا‬،‫"يا أبت‬
“Yaa abati, aamantu bi Allaahi wa bi Rasuuli Allaahi, wa sadaqtuhu bimaa jaa’a bihi, wa
sallaytu macahi li Allaahi wa wa ittabactuhu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Aabow, waxaan rumeeyey Ilaahay iyo Rasuulka Ilaahay (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam),
waxaanna rumeeyey wuxuu la yimid, waana la tukaday Salaadda, waana raacay."
Waxaa la yiraahdaa inuu markaas aabihiis ku yiri:
".‫"أما إنه لم يدعك إال إلى خير فالزمه‬
“Amaa innahu lam yadcuka illaa ilaa kharin fa alzamhu.’
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
296
"Waxaa hubaal ah inuusan (Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) kuugu yeerin
waxaan khayr ahayn ee laazim oo ku laammaansanow."
Calii\‫ علي‬waan ku riyooday
Sanadka kun iyo afar boqol iyo afar iyo labaatan Hijriga ayaan waxaan habeen anigoo hurda ku
riyooday sidatan. Waxaa lagu jiraa dagaal guud oo la isaga soo horjeedo muslin iyo gaalo,
aniguna waxaan ku suganahay safka ugu horreeya oo ay labada ciidan isaga soo horjeedaan,
waxaanna ku dhex jiraa teendho ama taambuug wayn oo dad badan qaadda.
Teendhooyin badan ayaana hareereheeda ah. Meeshuu waa meel buuraaley ah oo bartaas ay
teendhooyinku ku yaalliin waxaa agteeda ah dooxo buurahaas dhexdooda ah, teendhaduna
waxay u dhowdahay qarka ku foorara dooxadaas.
Marka qarkaas la taagan yahay dhinaca buurtu waa taagan yahay oo salkeedaba looma jeedo
loomana degan karo oo qofkii qarkaas ka dhaca waxaa hubaal ah inuu halaagmayo. Dooxadaas
oo wareegsan meel keli ah oo laga soo galo ma laha, oo buurahaas dhaadheer ayaa ku wareegsan.
Anigoo teendhada dhexdeeda fadhiya ayaa waxaa isoo dul istaagay Calii bin Abii Dhaalib ‫علي بن‬
\‫ أبي طالب‬iyo Faadhimah bintu Rasuuli Allaahi\‫فاطمة بنت رسول هللا‬, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo caruurtooda Al Xasan\‫الحسن‬, Al Xusayn\‫ الحسين‬iyo Zaynab\‫ زينب‬iyo Ummu
Kulthuum\‫أم كلثوم‬.
Markaasuu Calii‫ علي‬salaan gacantiisa iigu soo fidiyay. Markaasaan waxaa u arkay inayan ahayn
inaan gacanta u dhiibo oo aan salaamo aniguu fadhiya, ee ay tahay inaan u istaago. Markaasaan u
hawl galay sidaan u istaagi lahaa, anigoo marka hore jilbaha dhulka dhigay kaddibna is
uruuriyay oo istaagay.
Intaan hawshaas ku jiray, oo waqti iga qaadatay, Calii‫ علي‬wuxuu u tegey rag kale oo teendhada
dhexdeeda taagtaagaan, xigana xagga qarka buurta oo uu salaamay oo gacan qaaday. Intaanan
wali istaagin ayay Faadhimah‫فاطمة‬, Sallaa Allaahu Calayhaa Wasallam, gacanta salaan iigu soo
fidisay oo aan gacan qaaday oo aan salaamay, ay caruurteeduna mid mid gacanta ii soo fidiyeen
oo aan mid walba gacan qaaday oo aan salaamay.
Al Xasan‫ الحسن‬wuxuu ii soo taagay gacantiisa bidix, oo isagu wuu gurranaa, aniguna
midigteyda ayaan ku salaamay.
Markaan istaagay Calii‫ علي‬wuu noo soo noqday, gacantiisuuna mar kale salaan iigu soo fidiyo,
aniguna aan salaamay oo gacan qaaday una sheegay inaanan dooneyn inaan salaamo anigoo
fadhiya, ayse tahay inaan u istaago oo u sare joogsado.
Salaan kaddib wuxuu igu yiri:
"Gabar ayaan idinka soo doonnay, wayna na diidday."
Aniguna waxaan ku iri:
"Gabari idinma diido karto, annagaana la hadleynna."
In yar kaddibna waan kusoo noqday oo aan u sheegay inay gabdhu yeeshay inay ninkii doonayey
guursato."
297
Kaddib Calii‫ علي‬wuu i waday isagoo ii sheegay inuu doonayo inuu gurigiisa isoo tuso. Buurta
qarkeeda ayaa waxaa ka baxda dhuun qori sulub ah ka samaysan dhumucdeeduna qof
dhudhunkiis le'egtahay oo intay hawada marto dooxadaas hoosteeda ah dul mareysa oo ku
fidsan. Markay bartamaha dooxada tagto ayay dooxada lafteeda hoos ugu deganeysa, waxayna
geleysaa qasri keligiis halkaas ku yaalla oo darbi dheer oo weyni ku wareegsan yahay, buur
yarna ka kor dhisan, wabina ku hareereysan yahay salka buurtaas yar.
Gurigaas si kale oo in dhuuntas la raaco mooyee laguma tegi karo, oo dariiq tagaa ma jiro, in
samada kore looga yimaado mooyee. Qasrigaas, oo qalcad oo kale ah, marka korka laga arko
waxaad moodda inuu shamiinto iyo bir la shubay ka sameysan yahay, oo midabka boorka ah ee
shamiinta inuu leeyahay ayaad mooddaa, markaan dhexdiisa galayna waxaan arkay inuu ka
sameysan yahay marmar guduudan iyo wax qurux miiran ah oo sulub ah oo midabyo isku dhow
leh, oo darbiyada iyo dhulkaba sida muraayad aad nadiif u ah oo sida muraayad oo kale u
dhalaalaya. Markaan dhex galnay Calii‫ علي‬wuxuu igu yiri:
"Waa kan gurigeygu, cid aanan anigu halkaas soo marinna oo ananan anigu keeninna sooma geli
karo, si kalena laguma soo geli karo."
Riyadaasuna intaasey ku egtahay, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu
Calaa Sayyidinaa wa Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam tasliiman
kathiiran.
Xog ogaalnimada dadka dhintay
Waxaa riyadaas ka cad inay dadka dhintay, goor kasta ha dhinteene, ay ka war hayaan waxay
dadkooda ay adduunkaan uga tageen ay ku nool yihiin, sida Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, looga wariyay inuu yiri:
:‫ فإن كان خيرا استبشروا وإن كان غير ذلك قالوا‬،‫"إن أعمالكم ترد على عشيرتكم وأقربائكم من األموات‬
".‫"اللهم التمتهم حتى تهديهم لما هديتنا‬
"Inna acmaalukum tucradu calaa cashaa'irikum wa aqaaribikum mina al mawtaa,
fa in kaana khayran istabshiruu wa in kaana ghayra thaalika qaaluu: "Allaahumma
laa tamithum xattaa tahdiyahum limaa hadaytanaa,"
oo macneheedu yahay:
"Acmaashiinna waxaa loo bandhigaa oo la tusaa cashiiradiinna, oo ah tolkiin iyo qaraabadiinna
dhintay, marka hadday acmaashaasuu kuwa khayr ah yihiin way ku bishaareystaan, hadday si
kale yihiinna waxay yiraahdaan: "Ilaahayow, ha dilin jeer aad u hanuuniso waxaad annagana
nagu hanuunisay."
Xadiithkana waxaa Al Tathkirah\‫ التذكرة‬ku wariyay Al Qurdhibii\‫القرطبي‬, waxaana wariyay
Axmad\‫ أحمد‬iyo Abuu Daauud\‫أبوداود‬.
Al Qurdhubii‫ القرطبي‬wuxuu kaloo Axmad‫ أحمد‬iyo ghayrkiisba ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallarn, yiri:
‫ ويوم الجمعة على األنبياء وعلى اآلبآء واألمهات يوم‬،‫"ترد األعمال يوم اإلثنين ويوم الخميس على هللا‬
298
".‫ فاتقوا هللا عباد هللا التؤذوا موتاكم باعمالكم‬.‫ فيفرحون بحسناتهم وتزداد وجوههم بياضا وتشرق‬،‫الجمعة‬
"Tucradu al acmaalu yawma al ithnayni wa yawma al khamiisi calaa Allaahi, wa
tucradu calaa Al Anbiyaa'i wa calaa al aabaa'i wa al ummahaati yawma al
jumucati, fa yafraxuuna bi xasanaatihim wa tazdaadu wujuuhuhum bayaadan wa
tashraqu. Fa ittaquu Allaaha cibaada Allaahi la tu'thuu mawtaakum bi
acmaalikum."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "
Acmaasha waxaa loo bandhigaa maalinta isniinta ah iyo maalinta khamiista ah Ilaahay, waxaana
loo bandhigaa Anbiyada iyo aabayaalka iyo hooyooyinka maalinta jimcaha ah. Markaasey
acmaashooda suuban ku farxayaan oo ay wajiyadoodu caddaani u kordheysaa iyo dhalaal iyo
iftiin. Marka, ka dhawrsada Ilaahay, addoommada Ilaahayow, oo kuwiinna dhintay ha ku dhibina
acmaashiinna." Riyadaasi intaase ahayd, waana nicmo uu Ilaahay igu galladaystay, waxanna
leeyahay wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa Allaahu Calaa Sayyidinaa wa
Mawlaana Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi wa Sallam Tasliiman kathiiran.
Qisada Shariifka iyo aabahay Qaalli Sheekh Xuseen Cismaan Cilmi Axmad Agoon
Fasirka hadalkaas uu Calii‫ علي‬igu yiri waxaan u arkay inaad tahay qisadaan soo socota, oo aniga
aabahay iyo nin ashraaf ah dhex martay.
Intaanan anigu dhalan ka hor ayuu aabahay, Allaha u naxariistee, wuxuu qaalli ka noqday
degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Markaasaa waxaa gabar uu dhalay, oo anigana
walaashay ah, magaceeduna ahaa Faadumo Sheekh Xuseen Cismaan, Allaha u naxariistee, kasoo
doonay nin shariif ah. Markaasuu isaguna siiyey, gabadhuna ay oggolaatay inay ninkaas guursato
markuu aabeheed weydiiyay.
Markaasaa waxaa habeen madaxdii degmada iyo gobolku iyo dad badani isugu yimaadeen
nikaaxii gabadhaas shariifka loogu mehrin lahaa. Markaasaa waxaa gabadha loo diray cid
walaayada kasoo qaadda. Qofkii loo diray wuxuu kusoo laabtay gogoshii la fadhiyey wuxuuna
dadka u sheegay inay gabadhu diiday inay ninkaas guursato.
Markaasay dad badani isaga daba noqdeen, ayaduna ay diiday in shariifkaas loo guuriyo. Sidaas
ayaa habeenkaas lagu kala tegey.
Kaadib aabahay wuxuu baaray sababtay Faadhumo shariifka ku diiday, kaddib markay isaga u
sheegtay markii horeba inay guurkiisa raalli ku tahay. Wuxuu Sheekh Xuseen Cismaan ogaaday
inay haweeni gabadha shariifka ku direen, ayna ka dhaadhiciyeen inayan guursan. Markuu taas
hubsaday ayuu odagu haween inta maal siiyey wuxuu kula dardaarmay inay ka dhaadhiciyaan
Faadumo inay shariifka guursato. Sidaas ayayna noqotay.
Habeen kale ayaa hadan nikaaxa shariifka iyo Faadumo la isugu yimid, oo markaan la isu
guuriyey. Shariifku intuusan Faadumo la aqal gelin, isago guur u qalab aruursanaya oo suuqa
Gaalkacyo dhexdiisa jooga doonayana inuu sariir iyo qalab kale gato ayaa xabbad lagu dhejiyay
oo la dilay. Sidaas ayay Faadumo asay ku qaaday.
Qisadaas ayaan hore u ogaa, marka markaan subixii dambe hurdada kasoo kacay taas ayaan
299
warka Calii‫علي‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, ku fasirtay. Waxaana halkaas ka cad inay
asharaaftu run ahaantii dhasha Calii‫ علي‬yihiin.
Calii‫ علي‬iyo markay qisada aabahay iyo walaashay iyo shariifku dhacaysana waxaa u dhexeysey
qiyaas kun iyo afar boqol oo sano. Marka ha la iska ilaaliyo in qoyska Nabi Muxammad, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, waxay kahdaan loo geysto, Allaha naga ilaaliyee. Faadumo waxay
guursatay, kaddib, Xaaji Xuseen Aadan Macallin oo Looboge ah, oo ay u dhashay Shamsu Al
Diini Xaaji Xuseen Aaadan Macallin, oo aan abti u ahay, ayaduna waxay dhimatay mar hore.
Imaam Calii bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam marar kalena
waxaan ku arkay riyo anigoo hurda, wuuna ila hadlay uuna ii sheegay waxay ishaydu ku
qabawsato.. Mahaddana Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عز وجل‬ayaa iska leh.
Islaamidda Zayd bin Xaarithah\‫زيد بن حارثة‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Kaddib waxaa islaamay Zayd bin Xaarithah bin Shuraxbiil bin Kacb bin Cabdu Al Cuzzaa bin
Imri'iu Al Qays bin Al Nucmaanu bin Caamir bin Cabdu Al Wudd bin Cawf bin Kinaanah bin
‫ زيد‬Bakr bin Cawf bin Cuthrah bin Zayd Allaati bin Rufaydah bin Thawr bin Kalb bin Wabarah
‫بن حارثة بن شرحبيل بن كعب بن عبد العزى بن امرأ القيس بن النعمان بن عامر بن عبد الود بن عوف‬
. \ ‫بن كنانة بن بكر بن عوف بن عذرة بن زيد الالتي بن رفيدة بن ثور بن كلب بن وبرة‬
Waxaana dhacday inuu Xakiim bin Xizaam bin Khuwaylid‫ حكيم بن حزام بن خويلد‬uu Shaam\‫الشام‬
kasoo laabtay isagoo addoommo wata (oo uu arligaas kasoo gatay), uuna ka mid yahay Zayd bin
Xaarithah‫ زيد بن حارثة‬oo addoon ahaa.
Markaasaa waxaa Xakiim bin Xizaam bin Khuwaylid‫ حكيم بن حزام بن خويلد‬gurigiisa ugu timid
eedadiis (aabihiis la dhalatay) Khadiijah bintu Khuwaylid\‫خديجة بنت خويلد‬, ayadoo markaas
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u dhaxda.
Markaasuu wuxuu ku yiri:
"Ka dhexdooro eedey midkaad addoommadaas ka dooneysid ee qaado adigaa iska lehe."
Markaasey waxay dooratay Zayd‫ زيد‬oo ay qaadatay.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku arkay isagoo agteeda jooga,
markaasuu weydiistay inay u hibeyso, ayaduna sidaas ayay yeeshay. Markaasuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, xoreeyey oo uu kaba wiil yeeshay, taasoo ahayd ka
hor intaan loo waxyoon (oo uusan Nabi Mursal ah noqon)."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Wabarah\‫ وبرة‬waa ibnu Thaclabah bin Xulwaan bin Al Xaafi bin Qudaacah ‫إبن ثعلبة بن حلوان بن‬
\‫الحافي بن قضاعة‬.
Zayd‫ زيد‬hooyadiisna waa Sudaa bintu Thaclabah (bin Cabdu Caamir)\‫ سدا بنت ثعلبة بن عبد عامر‬una
dhalatay reer Banii Maciin\‫ بني معين‬oo ka mid ah qabiilka Dhayyi'‫( طيء‬waana qabiilka Xaatim Al
Dhaa’ii\‫ حاتم الطائي‬oo uu qabiilka reer Baraawe ee soomaalida ah ku abtirsado).
300
Zayd‫ زيد‬hooyadiis ayaa ka waday beeshey degganaayeen si ay ayada ehelkeeda, oo ah isaga reer
abtigiis, usoo booqato oo ay usoo tusto.
Ayadoo degmadaas ku sugan ayaa waxaa soo weeraray fardooley reer Banii Al Qayni bin Jisr ‫بني‬
\‫ قين بن جسر‬u dhashay, oo Zayd‫ زيد‬qafaashay.
Markaasey waxay ku gateen suuqa la yiraahdo Xubaasha\‫حباشة‬, o aswaaqda Carabta ka mid
ahaa. Markaas Zayd‫ زيد‬wuxuu jiraa sideed sano."
Waa intaas warka Al Suhaylii\‫السهيلي‬.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Zayd‫ زيد‬aabihiis Xaarithah\‫ حارثة‬si xoog leh ayuu u walwalay una calool xumaaday, wuuna
booyay markuu wiilkiisa waayey, wuxuuna yiri:
‫ فيرجى أم أتى دونه األجل‬،‫أحي‬
‫ أم غالك الجبل‬،‫أغالك بعدي السهل‬
‫فحسبي من الدنيا رجوعك لي بجل‬
‫وتعرض ذكراه إذا غربها أفل‬
‫فيا طول ما حزني عليه وما وجل‬
‫والأسأم التطواف أو تسأم اإلبل‬
‫ وإن غره األمل‬،‫فكل امرئ فان‬
‫وأوصي يزيد ثم أوصي به جبل‬
‫بكيت على زيد ولم أدر ما فعل‬
‫ وإني لسائل‬،‫فوهللا ما أدري‬
‫ويا ليت شعري هل لك الدهر أوبة‬
‫تذكرنيه الشمس عند طلوعها‬
‫وإن هبت األرواح هيجن ذكره‬
‫سأعمل نص القيس في األرض جاهدا‬
‫حياتي أو تأتي علي منيتي‬
‫سأوصي بن قيسا وعمرو كليهما‬
1. Bakaytu calaa Zaydin wa lam adri maa facal
axayyun, fa yurjaa am ataa duunahu al ajal.
2. Fa wa Allaahi maa adrii, wa inni la saa'ilun
aghaalaka bacdii al ssahlu, am ghaalaka al jabal.
3. Wa yaa layta shicrii hal laka al dahra awbatun
Fa xasbii mina al dunyaa rujuucuka lii bajal.
4. Tuthakkiruniihi al shamsu cinda dhuluucihaa
wa tacridu thikraahuu itha gharbuhaa afal.
5. Wa in habbat al arwaaxu hayyajna thikrahu
fa yaa dhuula maa xuznii calayhi wa maa wajal.
6. Sa ucmilu nassa al ciisi fii al ardi jaahidan
wa laa as'amu al tadhwaafa aw tas'amu al ibil
7. Xayaatiya aw ta'tii calayya maniyyatii
fa kullu imri'in faanin, wa in ghaarahu al amalu.
8. Sa uusii bihi Qaysan wa Camran kilayhimaa
wa uusii Yaziid thumma uusii bihi Jabala.
Tixaha macnohoodu waxaa weeye:
1. Zayd waan ku dool booyay, mana ogsooni waxa dhacay/inuu noolyahay oo araggiisa aan
rajeeyo iyo inay ajashiisu gashay oo uu dhintay.
2. Oo wa Allaahi inaanan ogsooneyn in kastoo aan wax badan ka wareystay/inuu gadaashay
isagoo mayd ah yaallo bananka ama buuraha.
3. Maan ogaado inaad waligaa soo noqon doontid/adduunkana waxaa iiga filanba inaad ii soo
noqotid.
4. Markay qorraxdu soo baxdo isagay i xusuusinaysaa/Qorraxdhacuna waxay soo celineysaa
301
xusuustiisa.
5. Markay dabaysho kacdo xusuustiisey kicineysaa/waxaa dheeraaday intaan u murugsanahay
una cabsanayo.
6. Waxaan xoog ugu fuulayaa awrta ugu fiican oo arligaan ka raadinayaa/kana daali mayo
baadigoobkiisa awrtuba ha daashee.
7. Intaan noolahay oo idil ilaa ay geeridu iiga timaaddo/ayadoo uu qof kasta dhimanayo, inkastoo
yididiiladu ragga dagto.
8. Waxaan kala dardaarmayaa Qays iyo Camr labadoodaba/Waxaanna kala dardaarmayaa Yaziid
kaddibna Jabal.
Tixda sideedaad waxaa wariyay Al Suhaylii\‫ السهيلي‬oo yiri:
"Yaziid bin Kacb (bin Sharaaxiil))‫ يزيد بن كعب (بن شرحبيل‬waa Zayd ina adeerkiis ayna isku hooyo
yihiin. Jabalna\‫ جبل‬waa Jabal bin Xaarithah\‫جبل بن حارثة‬, o ah Zayd\‫ زيد‬walaalkiis, kana
da'waynaa.
Jabalah\‫ جبلة‬ayaa la weydiiyey:
"Kiinnee weyn: ma adiga mase Zayd\‫"? زيد‬
Markaasuu yiri:
"Zayd\‫ زيد‬ayaa aniga iga wayn, aniguna hortiis ayaan dhashay", uuna ka wado isagaa iga fadli
badan oo islaamka iiga horreeyey."
AI Saabiquuna\‫السابقون‬: kuwa islaamka ku hormaray
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Sideed nini waa kuwa dadka islaamka uga hormaray, oo Salaadda tukaday, oo Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, rumeeyey wuxuu xagga Ilaahay ka keenay."
Sideedaasi waa:
(Kow) Abuu Bakr Al Siddiiqu\‫أبوبكر الصديق‬. (Labo) Cuthmaan bin Caffaan\‫عثمان بن عفان‬.
(Saddex) Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬. (Afar) Al Zzubayru ibnu Al Cawwaam ‫الزبير‬
\‫إبن العوام‬. (Shan) Sacd bin Abii Waqqaas\‫سعد بن إبي وقاص‬. (Lix) Dhalxah bin Cubaydu
Allaahi\‫طلحة بن عبيد هللا‬. (Toddoba) Cabdu Al Rraxmaanu bin Cawf\‫عبد الرحمن بن عوف‬.
(Sdeed) Zayd bin Xaarithah\‫زيد بن حارثة‬.
302
Kuwa kaddib islaamay
lbnu lsxaaq wuxuu yiri: "Kaddib waxaa islaamay:
Kow. Abuu Cubaydah Caamir bin Cabdu Allaahi Al Jarraax ‫أبو عبيدة عامر بن عبد هللا‬
‫الجراح‬
Abuu Cubaydah‫ أبو عبيدة‬, oo magaciisu yahay Caamir bin Cabdu Allaahi Al Jarraax bin Hilaal
bin Uhaybi bin Dabbah bin Al Xaarith bin Fihr ‫عامر بن عبد هللا الجراح بن هالل بن أهيب بن‬
\‫الحارث بن فهر‬.
Abuu Cubaydah‫ أبو عبيدة‬wuxuu ka mid yahay tobanka Jannada loogu bishaareeye, iyo ragga
Badr\‫بدر‬, oo maalintaas aabihiis oo gaal ah oo rag muslimiin ah dilay ayuu isaguna dilay.
Nasabkiisu wuxuu midka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmaa Fihr
bin Maalik‫فهر بن مالك‬, oo ah awoowaha tobnaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Sidaas ayaa waxaa lo yiraahdaa Al Qurashiyyi \‫ القرشي‬Al Fihriyyi\‫الفهري‬.
Hooyadiisna waxay u dhalatay reer Banii Al Xaarith bin Fihr\‫بني الحارث بن فهر‬, wayna islaantay.
Nabigaa, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, wuxuu ku magacaabay
".‫"أمين هذه األمة‬
"Amiinu haathihi Al Ummah",
oo macneheedu yahay
“Midka aaminay ee ummaddaan".
Abuu Cubaydah‫ أبو عبيدة‬wuxuu marka hore u haajiray arliga xabashada, kaddibna Al Madiinah
Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬. Wuxuu ka mid yahay ragga Baycatu Al Ridwaan\‫بيعة الرضوان‬,
Uxud\‫ أحد‬iyo mashaahidda‫ المشاهد‬oo idil iyo ragga uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ka tegey isagoo raalli ka ah.
Waxaa lagu oofsaday daacuunka Camwaas\‫ طاعون عمواس‬oo ka dhacay arliga Shaam\‫الشام‬
sanadka sideed iyo tobnaad ee Hijrada, Qabrigiisuna wuxuu ku yaalla Urdun \‫األردن‬, aniguna
waan dul istaagay, wa al xamdu li Allaahi.
(Labo) Abuu Salamah\‫أبو سلمة‬, oo magaciisu yahay Cabdu Allaahi bin Cabdu Al Asad bin Hilaal
bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫عبد هللا‬
\‫بن عبد األسد بن هالل بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي‬.
(Saddex) Al Arqamu bin Abii Al Arqam\‫األرقم بن أبي األرقم‬, oo Abii Al Arqam\‫ أبي األرقم‬magaciisu
waa Cabdu Manaaf bin Asad\‫ عبد مناف بن أسد‬- oo Asad\‫ أسد‬waxaa lagu koofaari jiray Abaa
Jundub\‫أبا جندب‬- bin Cabdu Allaahi bin Cumar bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb
303
bin Lu'ayy\‫بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي‬.
(Afar) Cuthmaan bin Mathcuun bin Xabiib bin Wahb bin Xuthayfah bin Jumax bin Camr bin
Husays bin Kacb bin Lu'ayy ‫عثمان بن مظعون بن حبيب بن وهب بن حذيفة بن جمح بن عمرو بن هصيص بن كعب‬
\‫ بن لؤي‬iyo labadiisa walaalood oo kala ah:
(Shan) Qudaamah\‫ قدامة‬iyo
(Lix) Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬ilmo Mathcuun\‫مظعون‬.
(toddoba) Cubaydah bin Xaarith bin Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab
bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫عبيدة بن الحارث بن المطلب بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن مرة‬
\‫بن كعب بن لؤي‬.
(Sideed) Saciid bin Zayd bin Camr bin Nufayl bin Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Allaahi bin
Qurdh bin Riyaaxi bin Razaax bin Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy ‫سعيد بن زيد بن عمرو بن نفيل بن‬
\‫عبد العزى بن عبد هللا بن رياح بن رزاح بن عدي بن كعب بن لؤي‬, hooyadiisna ay tahay Faadhimah
bintu Bacjah bin Khalafin Al Khuzaaciyyah\‫فاطمة بنت بعجة بن خلف الخزاعية‬, iyo haweentiisa:
(Sagaal) Faadhimah bintu Al Khadh-dhaab bin Nufayl bin Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Allaahi
bin Qurdh bin Riyaaxi bin Razaax bin Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy ‫فاطمة بنت الخطاب بن نفيل بن عبد‬
\‫العزى بن عبد هللا بن رياح بن رزاح بن عدي بن كعب بن لؤي‬, , ahna Cumar bin Al Khadh-dhaab ‫عمر بن‬
\‫ الخطاب‬walaashiisa la dhalatay.
Toban. Asmaa'u bintu Abii Bakr Al Siddiiq‫أسماء بنت أبي بكر الصديق و عائشة‬
Asmaa'u bintu Abii Bakr Al Siddiiqu\‫ أسماء بنت أبي بكر الصديق‬iyo walaasheed Caa'ishah\‫عائشة‬.
Asmaa'u ibnatu Abii Bakrin Al Siddiiqi Siddiiq‫أسماء بنت أبي بكر الصديق‬, oo ay Cabdu Allaahi bin
Abii Bakr\‫ عبد هللا بن أبي بكر‬isku hooyo yihiin, waxayna caruur u dhashay Al Zubayru ibnu Al
Cawwaam\‫الزبير بن العوام‬: Cabdu Allaahi\‫( عبد هللا‬oo Amiiru Al Mu'miniin\‫ أمير المؤمنين‬noqday
boqorka Dawladda Islaamka intaan Shaam\‫ الشام‬ahayn) iyo Al Munthar\‫ المنذر‬iyo Curwah\‫عروة‬
(oo caalinka iyo Muftiga Masjidka Nabiga, Salalaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah
\‫ المدينة‬noqday) iyo Caasim‫( عاصم‬oo ayan ciribi ka harin, noqdayna Guddoomiyaha dalka Ciraaq
\‫عراق‬, oo waagaas gabol Dawladda Islaamka ka mid ah ahaa) iyo Al Muhaajira\‫ المهاجر‬oo ayan
isagana ciribi ka harin, iyo Khadiijah Al Kubraa\‫ خديجة الكبرى‬iyo Ummu Xasan\‫ أم حسن‬iyo
Caa'ishah\‫عائشة‬.
Asmaa'u‫ أسماء‬koofaarteedu waa Thaata Al Nidhaaqayni\‫ذات النطاقين‬, ayadoo markuu Nabigu,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabeheed ay godka ku jireen oo Hijrada ahayd uu Cabdu
Allaahi bin Abii Bakr‫ عبد هللا بن أبي بكر‬u keenay cunnaday dariiqa saad ahaan ugu qaadan
lahaayeen oo ku jirta sufriyad.
Markaasey dhex xirkeeda labo u kala dillaacisay oo ay jeexna sufriyada afkeeda ku xirtay si
marka ratiga la saaro oo uu la soedo ayan cunnada ku jirta uga daadan, jeexa kalena dhexdeeda
ayay ku xiratay, oo sidaasey maradii midka ahayd labo uga dhigtay oo labo nidhaaq ku yeelatay.
Nidhaaqna\‫ نطاق‬waa marada aya haweenku dhexda ku xirtaan.
304
Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬iyo Asmaa'u‫ أسماء‬hooyadood waxay ahayd Qaylah bintu Cabdu Al Cuzzaa
bin Cabdu Ascad bin Nasr ibnu Maalik bin Xusl bin Caamir bin Lu'ayy ‫قيلة بنت عبد العزى بن عبد‬
\‫أسعد بن نصر إبن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي‬, ayadeyna kusoo degatay Aayadda sideedaad ee Suuratu
Al Mumtaxinah‫سورة الممتحنة‬. Aayaddaasi waxay leedahay:
ِ ِ
َِّ
َّ
ِّ ‫ين َل ْم ُيقَارِلُو ُك ْم ِفي‬
ِ ‫الد‬
ُّ ‫وه ْم َورُْق ِسطُوا ِإَل ْي ِه ْم ِإ َّن اللَّ َه ُي ِح‬
‫ب‬
ُ ‫َن رََب ُّر‬
ْ ‫ين َوَل ْم ُي ْخ ِر ُجو ُك ْم م ْن د َي ِارُك ْم أ‬
َ ‫ََل َي ْنهَا ُك ُم اللهُ َع ِن الذ‬
َِّ
َّ
ِ ِ
ِ ‫اهروا َعلَى ِإ ْخر‬
ِّ ‫ين قَ َارلُو ُك ْم ِفي‬
ِ ‫الد‬
‫َن‬
َ ‫َخ َر ُجو ُك ْم ِم ْن ِد َي ِارُك ْم َو‬
ْ ‫ين َوأ‬
ْ ‫اج ُك ْم أ‬
َ ‫) إَِّن َما َي ْنهَا ُك ُم اللهُ َع ِن الذ‬8( ‫ين‬
َ ‫اْل ُم ْقسط‬
َ
َُ ‫ظ‬
ِ َّ
)1( ‫ون‬
َ ِ‫رَ َولَّ ْو ُه ْم َو َم ْن َيرََولَّهُ ْم َفأُوَلئ‬
َ ‫ك ُه ُم الظال ُم‬
"Laa yanhaakumu Allaahu cani allathiina lam yuqaatiluukum fii al Ddiini wa lam
yukhrijuukum min diyaarikum an tabarruuhum wa tuqsidhuu ilayhim innaa Allaaha
yuxibbu al muqsidhiina(8)Innamaa yanhaakumu Allaahu cani allathiina qaataluukum fii
al Ddiini wa akhrajuukum mmin diyaarikum wa thaaharuu calaa ikhraajikum an
tawallawhum wa man yatawallahum fauu'iaa'ika humu al th-thaalimuuna(9)."
Labadaas Aayadood macnohoodu waxaa weeye:
"Ilaahay idinka reebi mayo kuwaan idinkula dagaallamin Diinta daraadeed inaad u sama fashaan,
una caddaalad fashaan dalalkiinnana aan idinka soo saarin, maxaa yeelay Ilaahay wuu jecel
yahay kuwaa cadaaladda fala(8)Ilaahay wuxuuse idinka reebayaa kuwa Diinta Islaamka
daraadeed idinkula dagaallamay oo dalkiinna idinka soo saaray iyo kuwa gacan ku siiyey oo ugu
gargaaray in dalkiinna la idinka soo saaro inaad gargaarayaal iyo sokeeye ka dhigataan oo aad
xiriirisaan. Kuwa kuwaas sokeeye iyo gargaarayaal ka dhigtana waa daallimiin(9)."
Aayaddaan xukunkeeda oo ah asaaska xiriirka muslimka iyo gaalada ila yawmul Qiyaamaha,
sababtay kusoo degatay waxay ahayd sidatan, siduu Al Baghawii \‫ البغوي‬tafsiirkiisa Cabdu
Allaahi bin Al Zubayr\‫ عبد هللا بن الزبير‬uga wariyay:
"Waxay kasoo degatay Asmaa'u bintu Abii Bakr\‫ أسماء بنت أبي بكر‬markay hooyadeed Qutaylah
bintu Cabdu Al Cuzzaa\‫ قيلة بنت عبد العزى‬ay Al Madiinah\‫ المدينة‬ugu timid (ayadoo Makkah\‫مكة‬
kasoo safartay inay gabadheeda aragto), uguna keentay hadiyad ahaan jubnah\‫ جبنة‬oo ah caano la
fariisiyey iyo subag iyo iqdh\‫ إقط‬oo ah caano geel oo la garooriyey.
Hoyadeedna markaas waa gaal. Markaasey Asmaa'u‫أسماء‬
waxay hooyadeed ku tiri:
"Hadiyadaada kaa aqbali mayo, gurigeygana iigu soo geli meysid jeer aan Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka ithan qaato."
Markaasey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka ithan qaadatay inay
hooyadeed hadiyadaha ka oggolaato, gurigeedana ay soo geliso. Markaasey Aayaddaani soo
degatay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Asmaa'u ‫أسماء‬
amray inay hooyadeed gurigeeda soo geliso, hadiyadeedana ay aqbasho, ayna karaameeyso, una
same fasho."
Allow raalli ka noqo Asmaa'u bintu Abii Bakr Al Siddiiq. Asmaa'u bin Abii Bakr Ai Siddiq ‫أسماء‬
‫بنت أبي بكر الصديق‬, Allaha raalli ka noqdee, waa eedadey aabahay la dhalatay, waxayna ku duugan
tahay xabaalaha Al Xujuun\Al Macallaat\‫ الحجون\المعالة‬ee Makkah Al Mukarramah\‫مكة المكرمة‬,
ayada iyo wiilkeeda Amiiru Al Mu’miniina Cabdu Allaahibin Al Zubayr ‫أمير المؤمنين عبد هللا بن‬
\‫الزبير بن العوام‬, iyo walaalkeed Cabdu Al Rraxmaan bin Abii Bakr Al Ssiddiiqu ‫عبد الرحمن بن أبي بكر‬
305
\‫ الصديق‬iyo awoowheed aabeheed dhalay Abuu Quxaafah Cuthmaan bin Caamir ‫أبو قحافة عثمان بن‬
‫عامر‬, waxayna daris la yihiin Ummu Al Mu’miniina Khadiijah bintu Khuwaylid ‫أم المؤمنين خديجة‬
\‫ بنت خويلد‬iyo labadeeda wiil Al Qaasimu\‫ القاسم‬iyo Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬labada wiil ee Nabi
Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
Kow iyo toban. Caa'ishah bintu Abii Bakr Al Siddiiqu \‫عائشة بنت أبي بكر الصديق‬
Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah bintu Abii Bakr Al Siddiiq ‫أم المرمنين عائشة بنت أبي بكر‬
\‫الصديق‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa AlIaahu Calayhi Wasallam, waxay islaanatay
ayadoo markaas gabar yar ah, siiradeedana meesheeda ayaan uga warrami doonnaa, inshaa'a
Allaahu\‫إن شاء هللا‬. Waxaa halkaan ku sheegeynnaa oo ayada faan iyo ammaan ugu filan inuu Al
Muxibbu Al Dhabarii\‫ المحب الطبري‬ku wariyay Al Riyaadu Al Nadirata\‫ الرياض النضرة‬iyo oo Al
Isaabatu\‫ اإلصابة‬ka wariyeen iyo ghayrkoodba Camr bin Al Caasii Al Sahmiyyi ‫عمرو بن العاص‬
\‫ السهمي‬inuu yiri:
"Waxaan iri: "
Rasuulka Ilaahayow, qofkeebaad dadka ugu jeceshahay?"
Wuxuu yiri:
".‫"عائشة‬
"Caa'ishah."
Ummu Al Mu'miniina Caa'ishah, Sallaa Allaahu CaIayhaa Wasallam, waa eedaday aabahay la
dhalatay.
Laba iyo labaatan. Khabbaab bin Al Arat\‫خباب بن األرت‬
Khabbaab bin Al Arat\‫ خباب بن األرت‬, oo reer Banuu Zuhrah\‫ بني زهرة‬xilfi\‫ حلف‬la lahaa.
lbnu Hishaamna\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Waa Khabaab bin Al Arat\‫ خباب بن األرت‬oo reer Banuu Tamiim\‫ بنو تميم‬u dhashay. Khuzaacah
\‫ خزاعة‬ayuu u dhashayna waa la yiri."
Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬ku yiri:
"Wuxuu ka mid yahay kuwa horreeyey oo islaamka ku hormaray, iyo kuwa Ilaahay daraadiis loo
cathaabay. Wuxuu ahaa kan lixaad oo islaamay. Mujaahid\‫ مجاهد‬wuxuu yiri:
"Kan ugu horreeyey oo islaannimadiisa soo bandgigay oo muujiyay wuxuu ahaa Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬iyo Khabbaab\‫خباب‬, iyo
Suhayb\‫ صهيب‬, iyo Bilaal\‫بالل‬, iyo Cammaar\‫عمار‬, iyo Sumayyah\‫سمية‬.
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Ilaahay ku ilaaliyey oo gaalada uga
celiyey adeerkiis Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬, Abuu Bakarna\‫ أبو بكر‬waxaa ka celiyey tolkiis, inta
kalese waxay u labbiseen cambuur bireed markaasey qorraxda ku wareen, oo ay sidaas ku
dhibtoodeen intuu Ilaahay doono kulaylka qorraxda iyo birta."
Al Shacbiyyu\‫ الشعبي‬wuxuu yiri:
"Khabbaab‫ خباب‬waa adkaystay oo gaalada ma uusan siin waxay doonayeen, oo ah inuu Diinta
306
islaamka ka baxo, markaasey intay dhagax kululeeyaan ayay hilbaha dhabarkiisa ku dhejiyaan,
oo uu uu hilibkiisu sidaas ku gaabtay kuna tegey, oo dhabarkiisu hilib ma lahayn, oo kuma uusan
harin.
Khabaab‫ خباب‬ayaa wuxuu yiri:
"Waxaan usoo ashtakoonnay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo go' uu
leeyahay barkan oo harka Kacbada jiifa. Markaasaan waxaan ku niri:
"Noo gargaar weydii (Ilaahay)"
Markaasuu soo fariistay isagoo wajigiisu guduutay, wuxuuna yiri:
‫ ما يصرفه عن‬،‫ ثم يجاء بالميشار فيجعل فوق رأسه‬،‫"قد كان من قبلكم يؤخذ الرجل فيحفر له في األرض‬
‫ وليتمن هللا هذا األمر‬.‫ ما يصرفه عن دينه‬،‫ ويمشط بامشاط الحديد ما دون لحمه من عظام وعصب‬،‫دينه‬
‫حتى يسير الراكب من صنعاء إلى حضر الموت ال يخشى إال هللا عز وجل والذئب على غنمه ولكنكم‬
".‫تعجلون‬
"Qad kaana min qablikum yu'khathu al rajulu fayuxfaru lahu fii al ardi, thumma yujaa'u
bi al miishaari fa yujcalu fawqa ra'sihi, maa yasrifuhu can diinihi, wa yumshidhu bi
amshaadhi al xadiidi maa duuna laxmihi min cithaamin wa casabin, maa yasrifuhu can
diinihi. Wa la yutimanna Allaahu haathaa al amra xattaa yasiira al rraakibu min Sancaa'a
ilaa Xadramuut laa yakhshaa illaa Allaaha Cazza wa Jalla wa al th'iba calaa ghanamihi wa
laakinnakum tacjiluunna."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaa dhacday adinka hortiin in ninka lasoo qabto oo dhulka god looga qodo, kaddibna
miishaar la keeno oo madixiisa la dul saaro, taasina ayan diintiisa ka leexinayn. Markaasaa
waxaa loogu shanleeyaa shanlo bir ah oo la geliyaa inta hilibkiisa ka sokeysa oo laf iyo xidid ah,
markaaseeyan taasi diintiisa ka leexinayn. Ilaahayna amarkaan (oo ah Diinta islaamka oo uu uu
isagu keenay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuu taam yeelayaa oo uu faafayaa oo
xidideysanayaa ilaa heer uu musaafirku isaga goosho Sancaa' iyo Xadramuut dhexdooda isagoo
aan ka baqayn axad aan Ilaahay ahayn iyo dhurwaa oo arigiisa uga baqo mooyee. Adinkuse waad
degdegeysaan."
Khabbaab‫ خباب‬wuxuu ahaa tumaal seefaha sameeya, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, meeshuu ka shaqeeyo ayuu ugu imaan jiray oo uu qalbigiisa soo jiidan jiray.
Markaasaa waxaa taas loo sheegay haweentii lahayd (ahaydna Ummu Anmaar \‫أم أنمار‬, oo gaalad
weyn ahayd hodanna ah, maalkeedana la dahgaallanka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, ku bixin jirtay, sida maalgelinta duullaanka \‫ أحد‬oo ay gaaladu Makkah\‫ مكة‬ka
duuleen. Waxayna ahayd haweeneyda Makkah\‫ مكة‬gabdhaha ku gudda).
Markaasey intay bir soo qaadato oo ay dabka geliso, ayay markay caddaato Khabbaab‫خباب‬
madaxa uga dhejin jirtay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga
ashtakooday, oo yiri:
".‫"أللهم انصر خبابا‬
"Allaahumma ansur Khabbaaban",
oo macneheedu yahay:
307
"Ilaahayow Khabbaab u hiilli oo libta sii."
Markaasaa haweentaas madaxa cudur ka galay oo ay u qaylin jirtay sida eeyaha oo kale.
Markaasaa waxaa lagu yiri, oo ay takhaatiirtu ku yiraahdeen inay daawadeedu tahay: "Is gub".
Markaasey
Khabbaab‫ خباب‬amartay oo intuu bir dabka geliyo uu markay caddaato madaxa uga dhejiyaa.
Khabbaab‫ خباب‬wuxuu ka qayb galay Badar\‫ بدر‬iyo Uxud\‫ أحد‬iyo dhammaan mashaahidda‫المشاهد‬
uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goob joogga ka ahaa.
Khabbaab‫ خباب‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa salaad tukaday oo ku dheeraaday.
Markaasey waxay yiraahdeen: "Rasuulka Ilaahayow, ma waxaad tukatay salaad aadan tukan
jirin?"
Wuxuu yiri:
‫ سألته أن‬.‫ فأعطاني اثنتين ومنعني واحدة‬،‫ إني سألت هللا عز وجل فيها ثالثا‬.‫ أنها رغبة ورهبة‬،‫"أجل‬
‫ وسألته أن اليذيق‬.‫ فاعطانيها‬،‫ وسألته أن اليسلط عليهم عدوا من غيرهم‬،‫اليهلك أمتي بسنة فاعطانيها‬
".‫بعضهم بأس بعض فمنعنيها‬
"Ajal, innahaa salaatu raghbatin wa rahbatin. Innii sa'altu Allaaha Cazza wa Jalla
fiihaa thalaathan, fa acdhaanii ithnatayni wa manacanii waaxidatan. Sa'altuhu an
laa yahlika ummattii bi sanatin fa acdhaaniihaa, wa sa'altuhu an laa yusallidha
calayhim caduwwan min ghayrihim, fa acdhaaniihaa. Wa sa'altuhu an laa yuthiiqa
bacduhum ba'sa bacdin famanacaniihaa."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Haa, waana salaad wax ku doonid iyo cabsiba. Ilaahay, Cazza wa Jalla\‫هللا عز وجل‬, waxaan
dhexdeeda ku weydiistay saddex arrimood, markaasuu labana i siiyey, midna iga reebay.
Waxaan weydiistay inuusan ummaddeyda abaar guud oo wada saameysa ku halaagin, wuuna i
siiyey oo iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan ummaaddeyda cadaw aaan ayaga ahayn
uusan ku sallidin, waana iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan qaarkood qaarka kale la
dagaallamin oo ay xarbigooda iyo xooggooda dhedhensiiyaan, waana iga reebay."
Meeshuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, salaaddaas ku tukaday waa Masjidu Al
Ijaabah\‫مسجد اإلجابة‬, oo Masjidka Nabiga ee Al Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬shan
boqol iyo saddex iyo sideetan mitir u jira.
Xadiithka oo faahfaasanna waxaa wariyay Saxiix Muslim\‫صحيح مسلم‬, waana midka labo iyo
kontonaad iyo laba kun iyo si deed boqol iyo sagaashanaad.
Khabaab‫ خباب‬wuxuu kaddib degay Al Kuufah\‫ الكوفة‬ee dalka Ciraaq\‫عراق‬, ayaduuna ku dhintay
oo lagu duugay isagoo saddex iyo todobaatan jir ah sanadka toddoba iyo soddon ee Hijrada,
waxaana ku tukaday Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
308
Da' daas ka duwan iyo sanad taas ka duwanoo kalena waa la sheegay.
(Saddex iyo toban) Cumayr bin Abii Waqqaas\‫عمير بن أبي وقاص‬, Sacd bin Abii Waqqaas ‫سعد بن‬
\‫ أبي وقاص‬walaalkiis.
Afar iyo toban. Cabdu Allaahi bin Mascuud Al Huthalii\‫عبد هللا بن مسعود الهذلي‬
Cabdu Allaahi bin Mascuud bin Al Xaarith bin Shamkh bin Makhzuum bin Saahilah bin Kaahil
bin Al Xaarith bin Tamiim bin Sacd bin Huthayl ‫عبد هللا بن مسعود بن الحارث بن شمخ بن مخزوم بن‬
\‫صاهلة بن كاهل بن الحارث بن تميم بن سعد بن هذيل‬, oo reer Banuu Zuhrah\‫ بني زهرة‬xilfi la lahaa.
Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬ku wariyay tarjamada Cabdu Allaahi
bin Mascuud‫ عبد هللا بن مسعود‬, wuxuu wariyayna waxaa ka mid ah:
"Sababta islaamiddisana waxay ahayd inuu yiri:
"Waxaan ahaa kuray dhulka xoogaa kor uga kacay waxaanna la joogay ari uu leeyahay Cuqbah
bin abii Mucaydh‫ عقبة بن أبي معيط‬oo aan raacayay. Markaasaa waxaa yimid Nabiga, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, uuna la socdo Abuu Bakr\‫أبوبكر‬, markaasuu wuxuu yiri:
"‫ هل معك من لبن؟‬،‫"يا غالم‬
"Yaa ghulaam, hal macaka min laban?"
oo macneheedu yahay:
"Wiilow, caano ma haysaa?"
Markaasaan iri:
"Haa, waase la igu aammaaneystay."
Markaasuu wuxuu yiri:
".‫"اتني بشاة لم ينزو عليها الفحل‬
"i'itinii bishaatin lam yanzu calayhaa al faxlu",
oo macnihiisu yahay:
"Waxaad ii keentaa ceesaan uusan orgi boodin, oo ugub ah weeye."
Markaasaan waxaan u keenay waxar, ama ceesaan yar.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, labadeeda addin oo dambe
labadiisa lugood dhexdooda ku qabtay, oo uu markaas naaseheeda salaaxay oo uu duceeyey ilaa
ay ka dararto.
Markaasuu Abuu Bakr\‫ أبو بكر‬wuxuu u keenay weel oo uu ku lisay, kaddibna uu Abuu Bakr ‫أبو‬
‫ بكر‬ku yiri:
".‫"اشرب‬
“Ishrab”, oo ah "cab".
309
Markaasuu Abuu Bakr‫ أبو بكر‬cabbay, dabadiisna uu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
cabbay.
Kaddibna wuxuu naasaha ku yiri:
".‫"أقلص‬
"Aqlis", oo ah: "lsku imow."
Markaasuu isku soo noqday oo siduu hore u ahaa kusoo laabtay. Markaasaan u imid oo aan ku
iri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hadalkaan wax iga bar, uuna ka wado
Quraanka Kariimka ah."
Markaasuu madaxa ii salaaxay, uuna yiri:
".‫"أنت غالم معلم‬
"Anta ghulaamun mucallimun",
oo macneheedu yahay:
"Adigu waxaad tahay wiil arday ah, durbaba wax baranaya."
Waxaan sidaas (afkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,) uga bartay toddobaatn Suuradood,
uusan qof bashar ah igu haysan."
Cabdu Allaahi bin Mascuud\‫ عبد هللا بن مسعود‬waa kan ugu horreeyey (Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, kaddib) oo Quraanka gaalada hortooda kor ugu akhriya oo maqashiiya,
wuxuuna akhriyay Suuratu Al Raxmaan\‫سورة الرحمن‬.
Markaasey garaaceen, oo si xun u dileen.
Markuu islaamay Cabdu Allaahi‫ أبو بكر‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ayaa qaatay, oo uu u adeegi jiray, wuxuuna ku yiri:
".‫"إذنك علي أن تسمع سوادي ويرفع الحجاب‬
"ithnuka calayya an tasmaca siwaadii wa yurfaca al xijaabu",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan kuu oggolaaday inaad sirtayda maqashid oo xijaabka, waa daaha qolka saarane, aad
qaado", oo marka uu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qof la faqayo, isaga waa loo
oggolaa inuu goob joog ka ahaado. Nabiguu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qolkiisa ugu soo
geli jiray, kabahana u labbisi jiray, la socon jiray, oo uu hortiisa socon jiray, oo markuu
qubaysanayo asturi jiray, markuu seexdo hurdada ka kicin jiray, saxaabaduna waxay u
yiqiinneen "Midka sirta iyo cadayga iyo kabaha saaxiibka u ah"‫"صاحب السر والمسواك والنعلين‬, oo
wuxuu hayn jiray cadayga iyo kabaha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, (markuu
Masjidka galo).
310
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬labada hijraba wuu hijrooday, oo kala ah arliga xabashada iyo Al
Madiinah\‫المدينة‬, labada qiblaba wuu u tukaday, wuxuuna goob joog ka ahaa Badr\‫ بدر‬iyo Uxud
\‫ أحد‬iyo Al Khandaq\‫ الخندق‬iyo baycatu al ridwaan\‫ بيعة الرضوان‬iyo dhammaan mashaahidda\‫المشاهد‬
uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka qayb galay, isagaana maalinta Badr
\‫ بدر‬Abuu Jahl\‫ أبوجهل‬madaxa kasoo gooyey.
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu uga marag kacay inuu ehelu jannada yahay.
Cabdu Allaahi‫ عبد هللا‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa wuxuu igu yiri:
".‫"إقرأ علي سورة النساء‬
"Iqra' calayya Suurata Al Nisaa'i”,
oo ah:
"Igu akhri Suuradda Al Nisaa'i\‫"سورة النساء‬.
Waxaan iri:
"Ma kugu akhriyaa adigoo ayadaba adiga korkaaga lagu soo dejiyay?"
Wuxuu yiri:
".‫"إني أحب أن أسمعه من غيري‬
"Innii uxibbu an asmacahu min ghayrii",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan jeclahay inaan Quraanka ghayrkay ka maqlo."
Markaasaan ku kor akhriyay ilaa aan ka gaaro
)21( ‫يدا‬
َّ ‫ف إِ َذا ِج ْئ َنا ِم ْن ُك ِّل أ‬
ً ‫ُم ٍة بِ َش ِه ٍيد َو ِج ْئ َنا بِ َك َعلَى َه ُؤََل ِء َش ِه‬
َ ‫فَ َك ْي‬
“Fa kayfa ithaa ji'naa min kulli ummatin bishahiidin wa ji'naa bika calaa
haa'ulaa'i shahiidan",
oo macneheedu yahay:
"Oo sideebay ahaan doontaa markaan ka keenno ummad kasta marag oo aan adigana kuu
keenno adigoo kuwaas marag korkooda ku ah?" Markaasey indhihiisu (Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam) ilmeeyeen."
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu ku dhintay Al Madiinah\‫المدينة‬, isagoo dhawr iyo lixdan jir ah,
waxaana ku tukaday Cuthmaan\‫عثمان‬, waxaana la duugay habeennimo, siduu uga dardaaramay
sanadka labo iyo soddon ee Hijrada, zamanka Cuthmaan\‫عثمان‬.
Cabdu Allaahi\‫ عبد هللا‬wuxuu leeyahay siiro qurxoon oo lagu daydo, waaba tuu Rasuulka Ilaahay,
311
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"وتمسكوا بعهد إبن أم عبد‬
"Wa tamassakuu bi cahdi ibnu ummi Cabdin",
oo macneheedu yahay:
"Kuna dhagganaada oo haysta wuxuu idinkula dardaarmo ibnu ummu Cabd‫ إبن أم عبد‬oo ah
koofaarta Cabdu Allaahi bin Mascuud\‫ عبد هللا بن مسعود‬Allaha raalli ka noqdee."
Wuxuu kaloo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"رضيت ألمتي ما رضي لها إبن أم عبد‬
"Radiitu li ummatii maa radiya lahaa ibnu ummi Cabdin",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan ummaddeyda raalli uga ahay (inay ahaato oo ku sugnaato) wuxuu ibnu ummi Cabdi ‫إبن‬
‫ أم عبد‬raalli uga yahay."
Cabdu Allaahi bin Mascuud waan jeclahay, Ilaahayna wuxuu iigu nicmeeyey inaan ku riyooday,
mahadi ha ka gaartee.
(Shan iyo toban) Mascuud bin Al Qaarii\‫مسعود بن القاري‬, magaciisuna yahay Mascuud bin
Rabiicah bin Camr bin Sacd bin Cabdu Al Cuzzaa bin Xamaalah bin Ghaalib bin Muxallim bin
Caa'ithah bin Subayc bin Al Huun bin Khuzaymah ‫مسعود بن ربيعة بن عمرو بن سعد بن عبد العزى بن‬
\‫ حمالة بن غالب بن محلم بن عائذة بن سبيع بن الهون بن خزيمة‬oo qabiilka Al Qaarah\‫ القارة‬ka tirsan." I
bnu Hishaam wuxuu yiri:
"Al Qaarah\‫ القارة‬waa koofaar, waxayna ahaayeen qabiil raggoodu nishaab badan yihiin."
(Lix iyo toban) Salaydhu bin Camr bin Cabdu Shams bin Cabdu Al Wuddi bin Nasr bin
‫سليط بن عمرو بن عبد شمس بن عبد الود بن‬Maalik bin Xisli bin Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr
. \‫نصر بن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي بن غالب بت فهر‬
(Toddoba iyo toban) Cayyaash bin Abii Rabiicah bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin
Cumar bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫عياش بن أبي ربيعة بن المغيرة بن‬
\‫ عبد هللا بن عمر بن مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي‬iyo haweentiisa:
(Sideed iyo toban) Asmaa'a bintu Sallaamah bin Mukharribah al Tamiimiyyah ‫أسماء بنت سالمة‬
\‫بن مخربة التميمية‬.
(Sagaal iyo toban) Khunays bin Xuthaafah bin Qays bin Cadiyyi bin Sacd bin Sahm bin Camr
bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy ‫خنيس بن حذافة بن قيس بن عدي بن سعد بن سهم بن عمرو بن هصيص بن كعب‬
\‫بن لؤي‬.
312
(Labaatan) Caamir bin Rabiicah bin Canz bin Waa'il‫ عامر بن ربيعة بن عنز بن وائل‬oo axdi la lahaa
Al Khadh-dhaab bin Nufayl bin Cabdu Al Cuzzaa\‫" الخطاب بن نفيل بن عبد العزى‬.
Ibnu Hishaam‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Canz bin Waa'il‫ عنز بن وائل‬waa walaalka Bakr bin Waa'il\‫بكر بن وايل‬, kana tirsan qabiilka
Rabiicah bin Nizaar\‫ربيعة بن نزار‬."
(Kow iyo labaatan) Cabdu Allaahi bin Jaxsh bin Ri'aab bin Yacmar bin Murrah bin Kabiir bin
Ghanm bin Duudaan bin Asad bin Khuzaymah ‫عبد هللا بن جحش بن رئاب بن يعمر بن مرة بن كبير بن غنم بن‬
\‫دودان بن أسد بن خزيمة‬, ayna dhashay Umaymah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib\‫أميمة بنت عبد المطلب‬
eedada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo la dhalatay aabihiis Cabdu
Allaahi bin Cabdu Al Mudh-dhalib\‫عبد هللا بن عبد تامطلب‬.
Cabdu Allaahi bin Jaxsh‫ عبد هللا بن جحش‬walaashiisna waa Ummu Al Mu'miniina Zaynab bintu
Jaxsh\‫أم المؤمنين زينب بنت جحش‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo walaalkiis:
(Labo iyo labaatan) Abuu Axmad bin Jaxsh\‫أبو أحمد بن جحش‬, labadooduna ay axdi la lahaayeen
reer Banuu Umayyah bin Cabdi Shams\‫بنو أمية بن عبد شمس‬.
Saddex iyo labaatan. Jacfar bin Abii Dhaalibiyo haweentiis Asmaa’u bintu
Cumays\‫جعفر بن أبي طالب‬
Jacfar bin Abii Dhaalib\‫ جعفر بن أبي طالب‬, ina adeerka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, lana yiraahdo Jacfar Al Dhayyaar\‫جعفر الطيار‬.
Jacfar‫ جعفر‬wuxuu ahaa ninka dadka ugu ekaansho badan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, xagga abuurista iyo xagga khuluqdaba.
Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Jacfar‫ جعفر‬ku yiri:
".‫ وأنت من عترتي اللتي أنا منها‬،‫"وأما أنت يا جعفر فاشبهت خلقي وخلقي‬
"Wa ammaa anta yaa jacfaru fa ashbabta khalqii wa kbuluqii, wa anta min citratii
allatii anaa minhaa",
oo macneheedu yahay:
"Adiguse, Jacfarow‫ جعفر‬waad ii egtahay xagga abuurista iyo khuluqdaba, waxaadna ka mid
tahay nasabkeyga aan anigu ka dhashay".
Jacfar‫جعفر‬, isagoo ay la socdaan asxaab kale ayaa wuxuu kasoo noqday arliga xabashada oo uu
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu yimid Khaybar\‫ خيبر‬maalintuu degmadaas
yuhuudda ka furtay.
Markaasuu intuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Jacfar ugu sare kacay, oo
uu luqunta luqunta u geliyay labada indhood dhexdooda ka dhunkaday, uuna yiri:
313
".‫ بقدوم جعفر أم بفتح خيبر‬:‫"ما أدري بأيهما أنا أشد فرحا‬
"Maa adrii bi ayyihimaa anaa ashaddu farxan, bi quduumi Jacfar am bi fatxi
Khaybar?"
oo macneheedu yahay:
"Ma ogsooni middaan labadooda ku farax badanahay: ma imaatinka Jacfar ‫ جعفر‬ama furashada
Khaybar\‫?خيبر‬."
Markaasuu farax daradiis Jacfar‫ جعفر‬raqsiyey, oo uu hore iyo dib isku ruxay, Nabigoo, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, fiirinaya, aanna diidin oo aan ka reebin: taas ayaa ah asalka xadrada
wadaadada suufiyada ah ayaa la yiri, oo ay sidaasoo kale hore iyo gadaal isugu ruxaan.
Al Nasaa'ii\‫ النسائي‬wuxuu Cabdu Allaahi bin Jacfar\‫ عبد هللا بن جعفر‬ka wariyay inuu yiri:
"Markii Jacfar‫ جعفر‬la dilay ayuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"ادعوا لي بني أخي‬
"Udcuu ilayya banii akhii,"
oo ah:
"iigu yeera wiilasha walaalkey".
Markaasaa naloo keenay, annagoo aad caruurta digaagga na moodid. Markaasuu midka timaha
xiira amray oo timaha madaxa nalaga wada xiiray, kaddibna wuxuu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, yiri:
".‫ وأما عون فيشبه خلقي وخلقي‬،‫ وأما عبد هللا فيشبه خلقي وخلقي‬،‫"أما محمد فيشبه عمنا أبا طالب‬
"Ammaa Muxammad fa yashbahu cammanaa Abaa Dbaalib. Wa ammaa Cabdu
Allaahi fa yashbahu khalqii wa khuluqii wa ammaa Cawn fa fa yashbahu khalqii wa
khuluqii"
oo macneheedu yahay:
"Muxammadna‫ محمد‬wuxuu u egyahay adeerkeen Abuu Dhaalib\‫أبو طالب‬, Cabdu Allaahi\‫عبد هللا‬
se aniguu ii egyahay xagga abuuritaanka iyo dabeecadaba. Cawnsee ‫ عون‬aniguu ii egyahay
xagga abuuritaanka iyo dabeecadaba."
Kaddib intuu gacanta iga qabtay oo uu leexiyay, kaddibna uu yiri:
".‫"أللهم أخلف في جعفر في أهله وبارك لعبد هللا في صفقة يمينه‬
"Allaahumma akhluf fii Jacfaran fii ahlihi waa baarik li Cabdu Allaabi fii safqati
yamiinihi",
oo macneheedu yahay:
"Ilaahayow Jacfar ehelkiisa u tarmi, Cabdu Allaahina‫ عبد هللا‬ganacsigiisa u barakee."
314
Wuxuu kaloo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
،‫ وجعفر‬،‫ حمزة‬:‫ وإني أعطيت أربعة عشر‬،‫ نجباء وزراء‬،‫" لم يكن قبلي نبي إال قد أعطي سبعة رفقاء‬
".‫ وعمار وبالل‬،‫ وسلمان‬،‫ وحذيفة‬،‫ والمقداد‬،‫ وعمر‬،‫ وأبوبكر‬،‫ وحسين‬،‫ وحسن‬،‫وعلي‬
"Lam yakun qablii Nabiyyun illaa qad ucdhiya sabcata rufaqaa'a, nujabaa'a
wuzaraa 'a, wa innii ucdhaytu arbacata cashra: Xamzah, wa Jacfar, wa Calii, wa
Xasan, wa Xusayn, wa Abuu Bakr, wa Cumar, wa Al Miqdaadu, wa Xuthayfah, wa
Salmaan, wa Cammaar wa Bilaal",
oo macneheedu yahay:
"Ma uusan ahaanin hortey Nabi ee waa ilaa kan la siiyey toddoba rafiiq, oo kariimiin ah oo loo
xulay, ahna wasiirradiisa culayska la qaada, anigase waxaa la i siiyey afar iyo toban oo kala ah
Xamzah‫ حمزة‬iyo Jacfar‫ جعفر‬iyo Calii‫ علي‬iyo Xasan‫ حسن‬iyo Xusayn‫ حسين‬iyo Abuu Bakr‫أبوبكر‬
iyo Cumar‫ عمر‬iyo Al Miqdaadu‫ المقداد‬iyo Xuthayfah‫ حذيفة‬iyo Salmaan‫ سلمان‬iyo Cammaar‫عمار‬
iyo Bilaal‫"بالل‬
Jacfar‫ جعفر‬waxaa shahiidnimo loogu dilay duullaanka Mu'tah\‫ مؤتة‬ee dalka Urdun\‫أردن‬,
dagaalkaasoo labada gacnoodba looga gooyey. Markaasuu Ilaahay wuxuu ugu beddelay labo
baal oo uu Malaa'igta kula duulo jannada dhexdeeda. Markii Jacfar‫ جعفر‬la dilay, ayay
haweentiisu Asmaa'a bintu Cumays\‫ أسماء بنت عميس‬tiri, waxaa guriga iigu soo galay Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, anigoo cajiinteyda cajiintay, wiilasheydana u
qubeeyey una subkay, nadiifiyayna, markaasuu wuxuu yiri:
".‫"ائتني ببني جعفر‬
"i'itinii bi banii Jacfar",
oo macneheedu yahay:
"ii keen wiilasha Jacfar".
Markaasaan u keenay. Markaasuu carafsaday labadiisa indhoodna ay ilmeeyeen. Markaasaan
waxaan iri:
"Rasuulka Ilaahayow, maxaa kaa boohinaya? Ma waxbaa kaa soo gaaray Jacfar ‫ جعفر‬iyo
asxaabtiisa?"
Wuxuu yiri:
".‫ أصيبوا هذا اليوم‬:‫"نعم‬
"Nacam, usiibuu haathaa al yawma",
oo macneheedu yahay:
"Haa, maanta ayaa la dilay."
Markaasaan qayliyay ay haweenkuna isu yimaadeen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
315
Allaahu Calayhi Wasallam, ehelkiisa u noqday, wuxuuna yiri:
".‫ فإنهم قد شغلوا‬،‫"ال تغفلوا آل جعفر‬
"Laa tughfiluu Aala Jacfar, fa innahum qad shughiluu",
oo macneheedu yahay:
"Ha moogaanina reer Jacfar (oo cunno u sameeya) maxaa yeelay waa la mashquuliyey".
Markaas la dilay wuxuu ahaa kow iyo afartan jir, tira kalena waa la sheegay.
Haweentiisa Asmaa'u bintu Cumays\‫ أسماء بنت عميس‬ayaduna way islaantay..
Afar iyo labaatan. Asmaa'u bintu Cumays‫أسماء بنت عميس‬
Asmaa'u bintu Cumays bin Al Nucmaanu bin Kacb bin Maalik bin Quxaafah ‫أسماء بنت عميس بن‬
\‫النعمان بن طعب بن مالك بن قحافة‬, una dhalatay qabiilka Khathcam\‫خثعم‬.
Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬ku yiri:
"Hooyadeedna waa Hind bintu Cawf bin Zuhayr bin Al Xaarith Al Kinaaniyyah ‫هند بنت عوف بن‬
\‫زهير بن الحارث الكنانية‬.
Asmaa'‫ أسماء‬waxay islaamtay mar hore, waxayna u haajirtay arliga xabashada ayadoo la socota
ninkeeda Jacfar bin Abii Dhaalib\‫جعفر با أبي طالب‬, halkaas ayayna waxay ugu dhashay Cabdu
Allaahi\‫ عبد هللا‬iyo Cawn\‫ عون‬iyo Muxammad\‫محمد‬.
Kaddibna waxay u haajirtay Al Madiinah\‫المدينة‬. Markaasaa marka Jacfar bin Abii Dhaalib ‫جعفر‬
‫ با أبي طالب‬laga dilay ayaa waxaa guursaday Abuu Bakr Al Siddiiq\‫أبو بكر الصديق‬, waxayna u
dhashay Muxammad bin Abii Bakr Al Siddiiq\‫محمد بن أبي بكر الصديق‬.
Markaasuu Abuu Bakr‫ أبو بكر‬ka dhintay, waxaana kaddibna guursaday Calii bin Abii
Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬oo ay u dhashay Yaxyaa\‫يحيى‬, oo aan la isku khilaafsanayn.
Asmaa'u waxay walaalo yihiin oo la dhashay Maymuunah bintu Al Xaarith ‫ميمونة بنت الحارث‬
\‫الهاللية‬, haweenta Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Ummu Al Fadl ‫أم‬
‫الفضل‬, haweenta Al Cabbaas\‫العباس‬, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
adeerkiis.
Waxayna ahaayeen toban gabdhood oo isku hooyo ah. Waxaana la yiri waxay ahaayeen sagaal
gabdhood. Walaasheed kalena, oo magaceedu yahay Sulmaa bintu Cumays \‫سلمى بنت عميس‬,
waxay u dhaxday Xamzah bin Cabdu Sal Mudhalib\‫حمزة بن عبد المطلب‬, adeerka Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Asmaa'u\‫ أسماء‬waxay ahayd haweenta dadka ugu xidid kariimsan, oo dumaashiyaalkeed waxaa
ka mid ahaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Xamzah‫ حمزة‬iyo Al
Cabbaas\‫العباس‬, Allaha dhammaantood raalli ka noqdee iyo ghayrkoodba. Waxaa la wariyay
316
inay Asmaa'u\‫ أسماء‬Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, ku tiri:
"Ilmaha Jacfar\‫ جعفر‬waa la ilaystaa dhakhseyna ishu u qabataa ee ma ka qaadaa oo daaweeyaa
(waa afa'astarqii lahum|‫( "?)أفاسترقي لهم‬waana Quraan iyo duco Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, laga bartay).
Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"نعم‬
"Nacam", oo ah "Haa".
Walaasheed afaraadna waa Lubaabah Al Sughraa\‫لبابة الصغرى‬, Al Kubraa-na\‫ الكبرى‬waa la yiri,
waana hooyada dhashay Sayfu Allaahi Al Masluul Khaalid bin Al Waliid bin Al Mughiirah bin
Cabdu Allaahi bin Cumar Al Makhzuumii ‫سيف هللا المسلول خالد بن الوليد بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر‬
\‫المخزومي‬."
Tobankaas (ama sagaalkaas) gabdhood oo wada dhashay waa kuwuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka yiri:
".‫"األخوات مؤمنات‬
“Al Akhwaatu mu'minaatun",
oo macneheedu yahay:
"Gabdhaha walaalaha ahi waa mu'minaat, rumeeyey."
Allow u naxariiso oo raalli ka noqo Asmaa'u bintu Cumays\‫ أسماء بنت عميس‬iyo walaaleheed.
(Shan iyo labaatan) Xaadhibu bin Al Xaarith bin Macmar bin Xabiib bin Wahb bin Xuthaafah
bin Jumax bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy ‫حاطب بن الحارث بن معمر بن حبيب بن وهب بن حذافة‬
\‫بن جمح بن عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي‬, iyo haweentiisa:
(Lix iyo labaatan) Faadhimah bintu Al Mujallal bin Cabdu Allaahi Abii Qays bin Cabdu Al
Wuddi bin Nasr bin Maalik bin Xisl bin Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫فاطمة بنت المجلل بن‬
\‫عبد هللا أبي قيس بن عبد الود بن نصر بن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي بن غالب بن فهر‬, iyo walaalkiis:
(Toddoba iyo labaatan) Khadh-dhaab bin Al Xaarith\‫ خطاب بن الحارث‬iyo haweentiisa:
(Sideed iyo labaatan) Fukayhah bintu Yasaar\‫فكيهة بنت يسار‬.
(Sagaal iyo labaatan) Macmar bin Al Xaarith bin Macmar bin Xabiib bin Wahb bin Xuthayfah
‫معمر بن الحارث بن معمر بن حبيب بن وهب بن حذافة‬bin Jumax bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy
. \‫بن جمح بن عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي‬
‫(السائب بن عثمان بن مظعون بن‬Soddon) Al Saa'ibu bin Cuthmaan bin Mathcuun bin Xabiib bin Wahb
. \‫حبيب بن وهب‬
(Kow iyo soddon) Al Mudhalib bin Azhar bin Cabdi Cawf bin Cabd bin Al Xaarith bin Zuhrah
317
bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫المطلب بن أزهر بن عبد عوف بن عبد بن الحارث بن زهرة بن كالب‬
\‫بن مرة بن كعب بن لؤي‬, iyo haweentiisa:
(Labo iyo soddon) Ramlah bintu Abii Cawf bin Subayrah bin Sucayd bin Sacd bin Sahm bin
‫رملة بنت أبي عوف بن صبيرة بن سعيد بن سعد بن سهم بن عمرو بن‬Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy
.\‫هصيص بن كعب بن لؤي‬
(Saddex iyo soddon) Al Naxxaamu\‫النحام‬, oo magaciisu yahay Nucaym bin Cabdu Allaahi bin
Asiid‫ نعيم بن عبد هللا بن أسيد‬, una dhashay Banii Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy\‫بني عدي بن كعب بن لؤي‬.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Magaciisu waa Nucaym bin Cabdu Allaahi bin Asiid bin Cabdu Allaahi bin Cawf bin Cubayd
bin Cuwayj bin Cadiyyi bin Kacb bin Lu'ayy ‫نعيم بن عبد هللا بن أسيد بن عبد هللا بن عوف بن عبيد بن عويج‬
\‫بن عدي بن كعب بن لؤي‬, waxaana Al Naxxaamu\‫ النحام‬loogu bixiyey ayadoo uu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"لقد سمعت نحمه في الجنة‬
“La qad samictu naxmahu fii al Jannati",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan Jannada dhexdeeda ka maqlay codkiisa"
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Al naxmu\‫ النحم‬waa qufaac dheer, oo bakhaylkana waxaa la yiraahdaa naxama\‫ نحم‬ayadoo uu
marka wax la weydiiyo qufoco oo uu qufacaas isku mashquuliyo."
Afar iyo soddon. Caamir bin Fuhayrah\‫عامر بن فهيرة‬
Caamir bin Fuhayrah\‫ عامر بن فهيرة‬, mawlaha Abii Bakr Al Siddiiq\‫أبو بكر الصديق‬, Allaha raalli
ka noqdee. Waana isla saxaabiga u adeegayey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, intuu hijrada ku jiray.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Caamir bin Fuhayrah\‫ عامر بن فهيرة‬waxaa dhalay laba addoon oo ka mid ah kuwa u dhashay Al
Asd‫األسد‬, wuxuuna ahaa nin madow, markaasuu Abuu Bakr Al Siddiiq‫ أبو بكر الصديق‬ka gatay".
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Fuhayrah\‫ فهيرة‬waa hooyadiis oo ah Fihr\‫ فهر‬oo la yareeyey, wuxuuna ahaa addoon madow oo
uu lahaa Al Dhufaylu bin Al Xaarith bin Sakhrah\‫الطفيل بن الحارث بن سخرة‬, waxaana ka gatay Abuu
Bakr‫ أبو بكر‬oo xoreeyey, wuxuuna islaamay ka hor intuusan Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, gelin Daaru Al arqam\‫دار األرقم‬.
Caamir bin fuhayrah‫ عامر بن فهيرة‬waxaa dilay Caamir Al Dhufayl\‫ عامر الطفيل‬Maal-inta Bi'ru
Macuunah\‫يوم بئر معونة‬.
Markaasuu markuu waranka geliyey waxaa meeshuu ka geliyey kasoo baxay nuur. Markaas
kaddib ayuu Caamir bin Al Dhufayl‫ عامر الطفيل‬wuxuu oranjiray:
318
"Waa kee ninka markaan waran geliye (oo uu dhintay) Samada kor loogu qaaday ilaa uu
dhexdeeda ka galay oo ayba ka soka martay?"
Taasina waa riwaayada Al Bakkaa'ii\‫ البكائي‬oo uu ka wariyay ibnu Isxaaq\‫إبن إسحاق‬.
Riwaayada Yuunus bin Bukayr\‫ يونس بن بكير‬oo uu ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ka wariyeyna waxay
leedahay inuu Caamir bin Al Dhufayl\‫ عامر بن الطفيل‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, weydiiyey, markuu u yimid (oo uu islaamay) oo uu yiri:
"Muxammadow (Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), waa kee ninka asxaabtaada ka mid ah oo
markaan waranka geliyey Samada kor loogu qaaday?"
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"هو عامر بن فهيرة‬
"Huwa Caamir bin Fuhayrah",
oo ah:
"Waa Caamir bin Fuhayrah‫"عامر بن فهيرة‬.
Hishaam bin Curwah\‫ هشام بن عروة‬wuxuu aabihiis ka wariyay inuu Caamir bin Fuhayrah ‫عامر بن‬
‫ فهيرة‬laga dhex raadiyay maydka dadka maalintaas la dilay oo laga waayey. Markaasey waxay u
arkeen inay Malaa'igtu Samada kor ugu qaaday ama ay duugtay.
Waxaa wariyay ibnu Al Mubaarak\‫إبن المبارك‬."
Waa intaas warka Al Suhaylii\‫السهيلي‬. Arrinkaan Caamir bin Fuhayrahna‫ عامر بن فهيرة‬wuxuu ku
xusan yahay Xadiithka afar kun iyo saddex iyo sagaashan ee Al Bukhaarii\‫البخاري‬.
(Shan iyo soddon) Khaalid bin Saciid bin Al Caas bin Umayyah bin Cabdu Shams bin Cabdu
Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫خالد بن سعيد بن العاص بن أمية بن عبد‬
\‫شمس بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي‬, iyo haweentiisa:
(Lix iyo soddoon) Umaynah bintu Khalaf bin Ascad bin Caamir bin Bayaadah bin Subayc bin
Jithcimah bin Sacd bin Mulayx bin Camr ‫أمينة بنت خلف بن أسعد بن عامر بن بياضة بن سبيع بن جثعمة بن‬
\‫سعد بن مليح بن عمرو‬, oo Khuzzaacah\‫ خزاعة‬u dhalatay."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
“Waxaa kaloo la yiri inuu magaceedu yahay Humaynah bintu Khalaf\‫همينة بنت خلف‬."
(Toddoba iyo soddon) Xaadhib bin Camr bin Cabdi Shams bin Cabdu Wudd bin Nasr bin
Maalik bin Xisl bin Caamir bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫حاطب بن عمرو بن عبد شمس بن عبد ود بن‬
\‫نصر بن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي بن غالب بن فهر‬.
(Sideed iyo soddon) Abuu Xuthayfah\‫أبو حذيفة‬, oo magaciisu yahay Mihshamun\‫مهشم‬, siduu ibnu
Hishaam\‫ إبن هشام‬u yiri, bin Cutbah bin Rabiicah bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy
bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫بن عتبة بن ربيعة بن عبد شمس بن عبد مناف بن قصي بن كالب بن‬
\‫مرة بن كعب بن لؤي‬.
319
(Sagaal iyo soddon) Waaqidu bin Cabdu Allaahi bin Cabdi Manaaf bin Cariin bin Thaclabah bin
Yarbuuc bin Xanthalah bin Maalik bin Zayd Manaat bin Tamiim ‫واقد بن عبد هللا بن عبد مناف بن عرين‬
‫بن ثعلبة بن يربوع بن حنظلة بن مالك بن زيد منات بن تميم‬, oo reer Banuu Cadiyyi bin Kacb\‫بني عدي بن كعب‬
axdi la lahaa."
lbnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Waaqid\‫ واقد‬waxaa keentay (Suuqa) qabiilka Baahilah\‫ باهلة‬oo markaasuu Al Khadh-dhaab bin
Nufayl\‫ الخطاب بن نفيل‬ka gatay, oo uu ka wiil yeeshay.
Markaasaa markay soo degatay Aayadda shanaad ee Suuradda Al Axzaab\‫ سورة األحزاب‬oo ka
cunug yeelashada xaaraantimeyneysa:
"‫وه ْم ِْلََبائِ ِه ْم‬
ُ ‫" ْاد ُع‬
"Adcuuhum liaabaa'ihim",
oo ah:
"Ugu yeera kuwaas aabayaalkooda" ayuu wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay Waaqid bin Cabdu
Allaahi‫" واقد بن عبد هللا‬, siduu u yiri Abuu Camr Al Madanii\‫"أبو عمرو المدني‬.
(Aafartan) Khaalid bin Bukayr bin Cabdi Yaalayl bin Naashib bin Ghiyarah ‫خالد بن بكير بن عبد‬
‫ياليل بن ناشب بن غيرة‬, una dhashay Banii Sacd bin Layth bin Bakr bin Cabdi Manaat bin Kinaanah
‫بني سعد بن ليث بن بكر بن عبد منات بن كنانة‬xulafada reer Banii Cadiyyi bin Kacb\‫بني عدي بن كعب‬, iyo
walaalkiis:
(Kow iyo afartan) Caamir\‫عامر‬, iyo walaalkiis:
(Labo iyo afartan) Caaqil\‫ عاقل‬iyo walaalkiis:
(Saddex iyo afartan) Iyaas\‫إياس‬.
Afar iyo afartan. Cammaar bin Yaasir\‫عمار بن ياسر‬
Cammaar bin Yaasir\‫ عمار بن ياسر‬, oo reer Banuu Makhzuum bin Yaqthah\‫ بنو مخزوم بن يقظة‬axdi la
lahaa."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Cammaar bin Yaasir\‫ عمار بن ياسر‬waa cansiyyun\‫عنسي‬, oo qabiilka Cans\‫ عنس‬oo Mathxij\‫مذحج‬
ka tirsan ayuu u dhashay."
Cammaar‫ عمار‬wuxuu u dhashay qabiilka Cans\‫ عنس‬ee dalka Yaman\‫ يمن‬dega.
Al Nawawii\‫ النووي‬wuxuu yiri:
"Cammaar‫ عمار‬wuxuu ka mid ahaa saabiqiinta\‫ السابقين‬islaamka u hormaray, oo isaga iyo
aabihiis iyo hooyadiis Sumayyah\‫ سمية‬waxay ka mid ahaayeen kuwa bilawgaba islaamay.
Cammaar‫ عمار‬waxay isku mar islaameen Suhayb\‫صهيب‬, intuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Daaru Al Arqam‫ دار األرقم‬ku jiray, soddon iyo dhawr nin gadaashood. Waxaa
320
Mujaahid\‫ مجاهد‬laga soo wariyay in qofka ugu horreeyey oo islaamnimadiisa muujiya ay
ahaayeen Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬iyo Bilaal\‫ بالل‬iyo Khabaab\‫ خباب‬iyo Suhayb\‫ صهيب‬iyo Cammaar\‫عمار‬
iyo hooyadiis Sumayyah\‫سمية‬.
Cammaar‫ عمار‬iyo aabihiis iyo hooyadiis Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬daraadiis ayaa loo cathaabi
\‫ عذاب‬jiray. Markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo agmaro ayagoo la
cathaabayana wuxuu ku yiraahdaa:
".‫ فإن موعدكم الجنة‬،‫"صبرا آل ياسر‬
"Sabraan Aala Yaasir, fa inna mawcidakumu Al Jannah",
oo macneheedu yahay:
"Reer Yaasirow\‫ ياسر‬sabra oo adkeysta, ballankiinuna waa Jannada."
Abuu Jahal\‫ أبوجهل‬ayaana dilay hooyadiis Sumayyah\‫سمية‬, oo sidaasay ku tahay Shahiidada ugu
horreysey ee islaamka.
Cammaar‫ عمار‬aabihii waa Carab, sidaan usoo sheegnay, hooyadiis Sumayyana\‫ سمية‬waxay
ahayd addoon uu leeyahay Abii Xuthayfah bin Abii Xuthayfah bin Al Mughiirah Al
Maghzuumii\‫أبي حذيفة بن أبي حذيفة بن المغيرة المخزومي‬, kanoo Yaasir\‫ ياسر‬axdi la yeeshay, ayadana
uu guuriyey.
Markaasey waxay u dhashay Cammaar‫ عمار‬, markaasuu xoreeyey. Sidaas ay ay mawlihiisa ku
yihiin.
Cammaar‫ عمار‬Al Madiinah\‫ المدينة‬ayuu u haajiray, wuxuuna goob joog ahaa Badr‫ بدر‬iyo Uxud
‫ أحد‬iyo Al Khandaq\‫ الخندق‬iyo mashaahidda\‫ المشاهد‬oo idil.
Wuxuu ahaa nin madow oo dheer, cirridana aan midabeyn jirin. Waxaa la dilay isagoo ciidanka
Imaam Calii\‫ األمام علي‬ka mid ah, intaan la dilinna wuxuu yiri:
"ii keena xoogaa caano ah oo aan cabo, oo waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, oo leh:
".‫"آخر شربة تشربها من الدنيا شربة لبن‬
“Aakhiru sharbatin tashrabuhaa mina al dunyaa sharbatu labanin",
oo macneheedu yahay:
"Waxa ugu dambeeya oo aaad addunkaan ku cabtid waxaa weeye cantuugo caano ah."
Waxay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calyhi Wasallam, yiri:
".‫"ويح عمار! تقتله الفئة الباغية‬
“Wayxa Cammaar, taqtuluhu al fi'atu al baaghiyatu",
321
oo macneheedu yahay:
"Allaw u naxariiso Cammaar‫ عمار‬, oo waxaa dilaysa kooxda xadgudubtay (oo gardaran)".
Shan iyo afartan. Suhayb bin Sinaan Al Ruumii\‫صهيب بن سنان الرومي‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
“Suhayb bin Sinaan Al Ruumii\‫ صهيب بن سنان الرومي‬, una dhashay qabiilka Al Namri bin
Qaasidh bin Rabiicah bin Nizaar\‫النمر بن قاسط بن ربيعة بن نزار‬.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
“wuxuu u dhashay Afsaa bin Ducmiyyi bin Jadiilah bin Asad\‫أفصا بن جديلة بن أسد‬.
Waxaa kaloo la yiri: Suhayb‫ صهيب‬waa mawlaha Cabdu Allaahi bin Judcaan bin Camr bin Kacb
bin Sacd bin Taym\‫عبد هللا بن جدعان بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم‬.
Waxaa kaloo la yiri inuu roomaan yahay. Kuwa yiri wuxuu u dhashay Al Namiri bin Qaasidh
‫ النمر بن قاسط‬waxay yiraahdeen: arliga ruumaanka wuxuu ku joogay qafaal ahaan, markaasaa
halkaas laga soo gatay.
Waxaana Xadiithka kusoo arooray inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫"صهيب سابق الروم‬
"Suhaybu saabiqu Al Rruumi",
oo macneheedu yahay:
"Suhayb‫ صهيب‬waa kan roomaanka islaamka ugu soo horreeyey."
Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬ku yiri:
"Hooyadiisna waa Salmaa bintu Qaciid ibnu Mahiis bin Khuzaaciyyi bin Maazin bin Maalik bin
Camr ibnu Tamiim\‫ سلمى بنت قعيد بن مهيس بن خزاعي بن مازن بن مالك بن عمرو إبن تميم‬, kuniyadiisuna
waa Abuu Yaxyaa\‫أبو يحيى‬, uuna u bixiyey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Waxaa Al Ruumii\‫ الرومي‬loogu bixiyey ayadoo ay ciidammo roomaan ah ay soo qafaaleen isagoo
yar, aabihiis iyo adeerkiisna waxay Guddoomiye ka ahaayeen gobolka Al Ubullah \‫ األبلة‬ee dalka
Ciraaq\‫عراق‬, ayagoo wakiil uga ahaa Kisraa Boqorka Furus.
Degmadooda iyo beesha ay degaanna waxay ku yiilleen jinka wabiga Dijlah \‫ دجلة‬magaalada Al
Muusil\‫ الموصل‬agagaarkeeda.
Waxaa kaloo la yiri waxay beeshoodu saarneyd wabiga Furaat\‫ فرات‬ee arliga Jaziirada\‫ الجزيرة‬.
Markaasaa waxaa soo weeraray roomaanka oo Suhayb‫ صهيب‬qafaashay isagoo yar. Sidaas ayuu
wuxuu ugu koray arliga roomaanka. Markaasaa waxaa halkaas ka gadatay qabiilka Kalb \‫ كلب‬oo
intay Makkah Al Mukarramah\‫ مكة المكرمة‬keeneen ku iibiyey, uuna ka gatay Cabdu Allaahi bin
Judcaan Al Taymii\‫عبد هللا بن جدعان التيمي‬, oo xoreeyey.
Markaasuu la joogay ilaa uu Cabdu Allaahi bin Judcaan‫ صهيب‬ka dhintay.
Suhayb‫ صهيب‬ehelkiisa iyo dhashiisa iyo Muscab Al Zubayrii\‫ مصعب الزبيري‬waxay yiraahdeen
322
inuu roomaanka kasoo cararay markuu weynaaday oo uu garaadsaday, oo uu markaas
Makkah\‫ مكة‬yimid uuna Cabdu Allaahi bin Judcaan‫ عبد هللا بن جدعان‬xilfi la galay, lana uu joogay
ilaa uu ka dhintay.
Markaasuu marka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lasoo diray uu rumeeyey
oo raacay, oo sidaasuu wuxuu ka mid ahaa kuwaa saabiqiinta islaamka ku hormaray.
Al Waaqidii\‫ الواقدي‬wuxuu yiri:
"Suhayb‫ صهيب‬iyo Cammaar\‫ عمار‬isku maalin ayay islaameen."
Suhayb‫ صهيب‬wuxuu ka mid ahaa kuwa la taag darraystay oo Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda lagu
cadaabi jiray markay islaameen.
Suhayb‫ صهيب‬wuxuu ahaa kuwaa dadka ugu dambeeya oo Al Madiinah usoo haajiray, wuxuuna
lasoo haajiray Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
bartamaha bisha Rabiicu Al Awwal\‫ ربيع األول‬ayadoo uu markaas Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Qubaa'\‫ قباء‬ku sugan yahay oo uusan weli ka baxin, oo uusan Al
Madiinah Al Munawwarah\‫ المدينة المنورة‬u guurin.
Suhayb‫ صهيب‬markuu Makkah\‫ مكة‬ka haajirayey ayaa waxaa raad raacay koox gaalada ka mid ah.
Markaasuu intuu gabooyihiisa fallaaraha ku jiray hortiisa uga soo daadiyey ayuu wuxuu ku yiri:
"Ragga Qurayshow\‫قريش‬, waad ogsoon tihiin inaad idiinku nishaab badanahay, oo wa Allaahi
\‫ وهللا‬inaydnaan isoo gaarayn ka hor jeer aan fallaar kasta mid idinka mid ah aan ku dhejiyo.
Markaas kaddib ayaan seefteyda idinkula dagaallamayaa, intay gacantayda wax uga haraan.
Haddaad waxaad doneysaan maalkeyga uu yahayna waan idiin sheegayaa meeshuu yaallo."
Waxay yiraahdeen:
"Maalkaagu meeshuu yaallo noo sheeg, adigana waan iska kaa deyneynaa."
Sidaas ayayna cahdi ku kala qaateen. Markaasuu u sheegay meeshuu maalkiisu (waana dahab)
Makkah\‫ مكة‬ka yaallo. Markaasu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka daba
tegey oo u tegey. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
"!‫ربح البيع أبا يحيى‬
"Rabixa al baycu Abaa Yaxyaa",
oo macneheedu yahay:
"Ganacsigu waa ribxay, oo laga faaiiday", ayadoo uu maalkiisa uu Diintiisa ku gatay.
Markaasaa waxaa kusoo degatay Aayadda laba boqol iyo toddoba ee Suuratu Al Baqarah ‫سورة‬
\‫البقرة‬:
ِ
ِ ‫الن‬
َّ ‫َو ِم َن‬
)217( ‫وف بِاْل ِع َب ِاد‬
ٌ ‫ض ِاة اللَّ ِه َواللَّهُ َرُء‬
َ ‫اء َم ْر‬
َ ‫اس َم ْن َي ْش ِري َن ْف َسهُ ْابر َغ‬
"Wa mina al nnaasi man yashrii nafsahu ibtighaa'a mardaati Allaahi wa Allaahu
ra'uufun bi alcibaadi."
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
323
"Dadkana waxaa ka mid ah mid naftiisa gadaya, isagoo ku doonaya raalli ahaanshaha Ilaahay,
Ilaahayna wuu u naxariistaa addoommada."
Suhayb \‫صهيب‬wuxuu ka qayb galay Badr\‫ بدر‬iyo Uxud\‫ أحد‬iyo Al khandaq\‫ الخندق‬iyo mashaahidda
\‫ المشاهد‬uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, goob joogga ka ahaa oo idil.
Darajadiisa sarreysa wuxuu ku darsaday khuluq fiican iyo kaftan, waxaana la wariyay inuu yiri:
"Waxaan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u imid isagoo Qubaa'\‫ قباء‬jooga, ay
hortoodana taallo rudhab\‫( رطب‬ahna timirta qoyan oo markaas geedkeeda laga soo gooyay) iyo
timir, aniguna aan daaf qabo. Markaasaan cunay. Markaasuu wuxuu Nabigu, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, yiri:
"‫"أتأكل التمر وأنت أرمد؟‬
"Ata'kulu al tamra wa anta armad?",
oo macneheedu yahay:
"Ma timir ayaad cuneysaa adigoo daafsan?"
Markaasaan waxaan iri:
"Bal waxaan ku cunayaa nuska (afkiisa) ishayda fiyow (xigta)". Markaasuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qoslay ilaa ay dhoolashiisu ka muuqdaan."
Suhayb\‫ صهيب‬wuxuu ku dhintay Al Madiinah\‫ المدينةة‬sanadka saddex iyo soddon, waxaa kaloo la
yiri sagaal iyo soddon isagoo saddex iyo toddobaatan jir ah, waxaana kaloo la yiri toddobaatan
jir ah, waxaana lagu duugay Al Madiinah\‫ المدينةة‬. Cumar bin Al Khadh-dhaab\‫عمر بن الخطاب‬
aad ayuu Suhayb\‫ صهيب‬u jeclaa, wuxuuna ka dardaarmay, marka la dooxay, inuu Suhayb\‫صهيب‬
ku tukado, uuna muslimiinta imaam u noqdo tujiya saddex maalmood inta Madaxweynihii isaga
ku xigay la dooranayo. Allow u naxariiso Suhayb bin Sinaan Al Ruumii\‫صهيب بن سنان الرومي‬.
Intaasaan uga baxaynaa warkiisa.
Muujinta Islaamka ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaabu Calayhi Wasallam, uu
tolkiis usoo bandhigay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Intaas kaddib ayuu dadku si is daba joog ah oo xoog leh islaamka usoo galay, rag iyo haweenba,
oo uu sidaas islaamku ugu faafay Makkah\‫ مكة‬dhexdeeda oo lagu sheekeystay.
Markaas kaddib ayuu Ilaahay Cazza wa Jalla\‫هللا عز وجل‬, Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, amray inuu daboolka ka qaado oo uu caddeeyo waxa xaqqa iyo baadhilka kala
saaraya oo uu xaggiisa ka keenay, iyo inuu dadka u sheego amarkiisa, uuna ugu yeero Ilaahay.
Marka uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arrinkiisa qariyey oo uu sireeyey,
oo uu asturay, ilaa goorta uu Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬amray inuu muujiyo Diintiisa, waxaa u
dhexeysey saddex sano, sida isoo gaartay, laga bilaabo marka lasoo diray.
Markaasuu Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬wuxuu yiri:
324
ِ
)12( ‫ين‬
ْ ‫اص َد‬
ْ ‫َع ِر‬
ْ ‫ع بِ َما رُ ْؤ َم ُر َوأ‬
َ ‫ض َع ِن اْل ُم ْش ِرك‬
ْ َ‫ف‬
"Fa asdac bimaa tu'maru wa acrid cani al mushrikiina(94)."
Waana Aayadda afar iyo sagaashanaad ee Suuratu Al Xijri\‫سورة الحجر‬, macneheeduna uu yahay:
"Muujina waxa lagu farayo, oo ah dadka oo lslaamka loogu yeero, iskagana jeeso gaalada(94)",
kaddibna ay Aayadda dagaalku nasakhday, waa isaga jeesigee,"
Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaa‫تعالى‬
‫هللا‬
yiri:
ِ ‫) فَِن عصو َك فَ ُق ْل إِِّني ب ِر‬217( ‫ض ج َناح َك لِم ِن ارَّبع َك ِمن اْلمؤ ِمنِين‬
ِْ ‫و‬
‫) َورََو َّك ْل‬216( ‫ون‬
َ ُ‫يء م َّما رَ ْع َمل‬
ٌ َ
َ ُْ َ
َ َ َ َ َ ْ ‫اخف‬
َْ َ ْ
َ
ِ ‫َعلَى اْل َع ِز‬
)217( ‫الرِح ِيم‬
َّ ‫يز‬
"Wa akhfid janaaxaka limani ittabacaka mina al mu'miniina(215)Fa in casawka faqul
innii barii'un mimmaa tacmaluuna(216)Wa tawakkal calaa Al Caziizi Al Rraxiimi(217)".
Aayadaha, oo ah kuwa laba boqol iyo shan iyo toban iyo lix iyo toban iyo toddoba iyo toban ee
Suuratu Al Shucaraa'\‫ سورة الشعراء‬macnohoodu waxaa weeye:
"Una raarici garabkaaga oo u naxariiso cidda ku raacda oo mu'miniinta ah(215)Hadday ku
diidaanna, waa gaaladee, waxaad ku tiraahdaa: anigu dambi laawe ayaan ka ahay waxaad
falaysaan(216)Waxaadna talo saarataa Lagama adkaadaha Naxariista miiran ah(217)."
Tukashada Salaadda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo asxaabtiisa
ee buuraha dhexdooda
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markay doonayaan inay
Salaadda tukadaan waxay aadi jireen buuraha dhexdooda, halkaasoo ay ku tukan jireen ayagoo
salaaddooda tolkooda ka qarinaya. Markaasaa maalin ayadoo uu Sacad bin Abii Waqqaas ‫سعد بن‬
\‫ أبي وقاص‬oo ay wehliyaan koox asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
ay buuraha Makkah\‫ مكة‬dhexdooda ku tukanayaan, ayaa waxaa kusoo baxay rag gaalada ka mid
ah, Markaasey salaadda ka carqaladeeyeen, ayna ku caayeen waxay sameynayaan. Markaasey
dagaallameen. Markaasuu Sacd bin Abii Waqqaas\‫ سعد بن أبي وقاص‬wuxuu maalintaas nin
gaalada ka mid ah ku dhuftay lafta qalka rati, oo uu sidaas ku dhaawacay. Kaasaa wuxuu ahaa
dhiigga ugu horreeyey oo islaamka dhexdiisa lagu daadiyey.
Colaadinta gaalada ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa
Sallam
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, tolkiis u muujiyey oo uu islaamka
usoo bandhigay, siduu Ilaahay ugu amray, tolkiis kama uusan fogaan, umana ayan jawaabin, ilaa
markuu ilaahyadooda ka warramay oo uu ceebeeyey.
325
Markuuse sidaas yeelay, way la weynaatay, wayna colaadiyeen, waxayna ku heshiiyeen inay
khilaafaan ayna colaadiyaan. Sidaas ayayna yeeleen, intaan ka ahayn inta islaamtay oo uu
Ilaahay islaamka ku ilaaliyey, kuwaanoo tiro yar, isqarinayayna. Adeerkiis, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, Abuu Dhaalib\‫ أبو طالب‬ayaa u qalbi iyo beer jilcay oo daafacay, ayagana ka
celiyey. Sidaas ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, amarka Ilaahay ugu
qumay, isagoo amarkiisa soo bandhigay, ayanna jirin wax taas ka reebaya.
Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬markay aragtay inuusan wax ka yeeleyn, ayagana uu dhinac iyo gooni
uga baxay, ilaahyadoodiina caayey, adeerkiis Abuu Dhaalibna‫ أبو طالب‬uu u beer jilcay, kuna
hagoogtay oo ay u dhaafi waayeen difaaciisa, una diiday inuu ayaga gacanta u geliyo, ayay
colaadiyeen."
Kulanka koowaad ee Abuu Dhaalib ‫ أبو طالب‬iyo Quraysh\‫قريش‬
lbnu lsxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasey rag Quraysh\‫ قريش‬ka mid ihi, oo madaxdooda ka mid ah waxay u tageen Abuu
Dhaalib‫أبو طالب‬.
Raggaas waxaa ka mid ahaa Cutbah bin Rabiicah bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf bin
Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib ‫عتبة بن ربيعة بن عبد شمس بن عبد‬
\‫ مناف بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب‬iyo walaalkiis Shaybah\‫ ;شيبة‬iyo Abuu Sufyaan
bin Xarb bin Umayyah bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah
bin Kacb bin Lu'ayy bin Ghaalib bin Fihr ‫أبو سفيان بن حرب بن أمية بن عبد شمس بن عبد مناف بن قصي بن‬
‫كالب بن مرة بن كعب بن لؤي بن غالب بن فهر‬.”
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Abuu Sufyaan\‫ أبو سفيان‬rnagaciisu waa Sakhr\‫صخر‬."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Iyo Abuu Al Bakhtariyyu\‫أبو البختري‬, magaciisuna waa Al Caas bin Hishaam bin Al Xaarith bin
Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫العاص بن هشام‬
‫بن الحارث بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي‬."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri: "
Abuu Al Bakhtariyyu\‫ أبو البختري‬magaciisu waa Al Caas bin Haashim\‫العاص بن هاشم‬."
Ibnu Isxaaq‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Iyo Al Aswadu bin Al Mudhalib bin Asad bin Cabdu Al Cuzzaa bin Qusayy bin KiIaab bin
Murrah bin Kacb bin Lu'ayy\‫;األسود بن المطلب بن أسد بن عبد العزى بن قصي بن كالب بن مرة بن كعب بن لؤي‬
iyo Abuu Jahl\‫أبو جهل‬, rnagaciisuna waa Camr\‫عمرو‬, waxaana lagu koofaari jiray Abaa Al Xakam
\‫ أبا الحكم‬oo ah xikmada aabeheed, ibnu Hishaam bin Al Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar
bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫إبن هشام بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن‬
\‫ ;مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي‬iyo Al Waliidu bin Mughiirah bin Cabdu Allaahi bin Cumar
bin Makhzuum bin Yaqthah bin Murrah bin Kacb bin Lu'ayy ‫الوليد بن مغيرة بن عبد هللا بن عمر بن‬
\‫ ;مخزوم بن يقظة بن مرة بن كعب بن لؤي‬iyo Nubayh iyo Munabbih wiilasha Al Xajjaaj bin Caamir bin
Xuthayfah bin Sacd bin Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb bin Lu'ayy ‫نبيه و منبه إبني الحجاج بن‬
326
‫ ;عامر بن حذيفة بن سعد بن سهم بن عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي‬iyo Al Caas bin Waa'il\‫العاص بن وائل‬."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Waa Al Caas bin Waa'il bin Haashim bin Sucayd bin Sahm bin Camr bin Husays bin Kacb bin
Lu'ayy\‫العاص بن وائل بن هاشم بن سعيد بن سهم بن عمرو بن هصيص بن كعب بن لؤي‬."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Iyo inta kale oo raacday oo la socotay. Markaasey markay u yimaadeen waxay yiraahdeen:
"Abuu Dhaalibow\‫أبو طالب‬, wiilka walaalkaa dhalay ilaahyadeennii ayuu caayey, diinteennana
wuu ceebeeyey, yididiilladeelmana wuxuu ka dhigay mid maangaabnimo, aabayaalkeelma wuu
baadiyeeyey. Marka, ama naga jooji oo ha ka haro waxaas uu nagu falayo, ama annaga iyo isaga
isaga kaayo dhex bax, maxaa yeelay adigu waxaad ku dul sugantahay diinteelnna, isagaadna tiisa
ku khilaafsan tahay, markaas annagaa isaga filnaaneynee."
Markaasuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu raggaas ku yiri hadal wanaagsan iyo jawaab qabow oo
qurxoon oo nabadeed. Markaasey ka gaddoomeen.
Kulanka labaad ee Abuu Dhaalib ‫ أبو طالب‬iyo Quraysh\‫قريش‬
Ibnu lsxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Sidaas ayuuna Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u sii watay wuxuu ku
taagnaa, isagoo Diinta Ilaahay soo bandhigaya oo caddeynaya, dadkana ugu yeeraya. Kaddib
isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo ayaga dhexdooda waxaa kasii dhalatay shar, uuna
raggu ku kala tegey, oo uu ku kala fogaaday, iskuna colaadiyey.
Qurayshna\‫ قريش‬waxay badisay ka hadalkeeda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo ay ku wada hadleen, ayna isku booriyeen colaadintiisa iyo colaaddiisa. Markaasey
mar labaad Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬isu raaceen oo ay u tageen, waxayna ku yiraahdeen:
"Abaa Dhaalibow‫أبو طالب‬, agteenna waxaad ku leedahay da'weyni iyo sharaf iyo madaxtinnimo
iyo makaan. Annaguna waxaan kaa codsannay inaad wiilka walaalkaa dhalay naga reebtid,
nagamana aadan celin, annaguna wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan kan ku sabrayn, isagoo aabayaalkeen
caayey, yididiilladeennana ka dhigay mid maangaabnimo, ilaahyadeenana ceebo u yeelay.
Waxaan ku weydiisaneynnaa inaad naga celisid, ama aan adiga iyo isaga oo dhinac ah iyo
annaga oo dhinac ah dagaallanno, ilaa labada qolo midkood halaagsanto."
Ama siday yiraahdeen. Kaddibna way ka gaddoomeen. Markaasaa waxaa Abuu Dhaalib ‫أبو طالب‬
la weynaatay ka go'idda tolkiis iyo colaaddooda, naftiisuna way yeeli weydey inuu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaga gacanta u geliyo oo uu garabkiisa ka baxo oo
uu hoojiyo.
327
Kulanka saddexaad ee Abuu Dhaalib ‫ أبو طالب‬iyo Quraysh\‫قريش‬
lbnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markay Qurayshi\‫ قريش‬warkaas ku tiri ayuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, u ciddiray, markuu u yimidna uu ku yiri:
،‫ وعلي نفسك‬،‫ فأبق علي‬،‫ للذي كانوا قالوا له‬،‫ فقالوا لي كذا وكذا‬،‫ إن قومك قد جاؤوني‬،‫"يابن أخي‬
".‫والتحملني من األمر ما الأطيق‬
“Yaa ibna akhii, inna qawmaka qad jaa’uunii, fa qaaluu lii kathaa wa kathaa, fa abqi
calayya wa calaa nafsika wa laa tuxammilnii mina al amri maa laa udhiiqu.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Wiilka walaalkeeyow, ragga tolkaa ayaa ii yimid, waxayna igu yiraahdeen sidaas iyo sidaas, oo
wuxuu u sheegay waxay ku yiraahdeen. Marka, anigana iiga tur, adiguna isaga tur, hana igu
xambaarin waxaanan qaadi karin."
Markaasuu Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu u maleeyey inuu
adeerkiis is tusay inuu garabkiisa ka baxo isagoo taageeridiisa kala noqonaya, oo uu ayaga
gacanta ka saarayo, uuna garabsiintiisa iyo u hiillintiisa iyo u kicidda difaaciisa uu ka
taagdarraaday.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ وهللا لو وضعوا الشمس في يميني والقمر في يساري على أن أترك هذا األمر حتى يظهره هللا أو‬،‫"يا عم‬
".‫أهلك فيه ما تركته‬
"Yaa camm, wa Allaahi law wadacuu al sh-shamsa fii yamiinii wa al qamara fii yasaarii
calaa an atruka haathaa al amra xattaa yuth-hirahu Allaahu aw ahlika fiihi maa
taraktuhu."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Adeerow, wa Allaahi‫ وهللا‬hadday qorraxda midigta ii saari lahaayeen, dayaxana bidixda si aan
amarkaan uga tago jeer uu Ilaahay libta iyo guusha i siiyo ama aan anigu anigoo ku dhex jira
amarkaan dhinto, yeeli mayo oo ka tegi mayo."
Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuu booyay, oo ay ilmadu
hoortay. Kaddibna fadhiguu ka kacay. Markaasuu markuu gaddoomay si uu u baxo, ayuu Abuu
Dhaalib‫ أبو طالب‬u yeeray, kuna yiri:
،‫ فقل ما أحببت‬،‫ "اذهب يا ابن أخي‬:‫ فقال‬- ‫ فأقبل عليه رسول هللا صلى هللا عليه وسلم‬- :‫ قال‬،"‫"أقبل يا ابن أخي‬
".‫فوهللا ال أسلمك لشيئ أبدا‬
“Aqbil yaa ibna akhii: ith-hab yaa ibna akhii, fa qul maa axbabta fa wa Allaahi laa
usallimuka li shay’in Abadan.”
328
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Kaalay wiilka walaalkeeyow." Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
kusoo noqday. Markaasuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu ku yiri:
"Soco, wiilka walaalkeeyow, oo wa Allaahi‫ وهللا‬inaanan ebedkey cidna kuu dhiibeyn oo
gacantooda ku gelineyn."
Kulanka afaraad ee Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬iyo Quraysh\‫قريش‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasey Qurayshi\‫ قريش‬markay ogaatay inuusan Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hillintiisa iyo difaaciisa ka noqoneyn oo uusan garabkiisa ka
baxayn si loo hoojiyo, uuna diiday inuu ayaga gacanta u geliyo, uuna goostay inuu taas
daraadeed ayaga ka go'o oo uu colaadiyo, way u tageen, ayagoo wada ninka la yiraahdo
Cumaarah bin Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫عمارة بن الوليد بن الغيرة‬, waxayna ku yiraahdeen, sida
isoo gaartay:
"Abuu Dhaalibow‫ أبو طالب‬, kani waa Cumaarah bin Al Waliid\‫عمارة بن الوليد‬, waana ninka
Quraysh\‫ قريش‬ugu xoog badan, uguna quruxsan ee isaga qaado, adigaana iska leh diyadiisa iyo
hiilkiisaba, wiilna ka dhigo oo adigaa iska leh, annagana waxaad gacanta noo soo gelisaa
wiilkaan walaalkaa dhalay oo diintaada khilaafay oo ka leexday iyo diinta aabayaalkaagii hore,
midnimada tolkaana kala firdhiyey, yididiiladoodana xumeeyey, si aan u dilno, oo waa nin nin
kale la dhaafsaday."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬wax xun ayaad igu malayseen oo aad ila dooneysaan. Ma waxaad i siineysaan
wiilkiinna si aan cunno idiinku siiyo oo u koriyo, aniguna waxaan idin siiyaa wiilkeyga si aad u
dishaan? Wa Allaahi‫ وهللا‬inayan taasu weligeed ahaaneyn."
Markaasu Al Mudhcimu bin Cadiyyi bin Nawfal bin Cabdu Manaaf bin Qusayy ‫المطعم بن عدي بن‬
\‫ نوفل بن عبد مناف بن قصي‬wuxuu yiri:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬Abaa Dhaalibow‫ أبو طالب‬, tolkaa way kuu garsooreen, waxayna ku dadaaleen
inay kaa duwaan waxaad kahato, umase jeedo inaad waxna ka oggolaaneysid."
Markaasuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬wuxuu Mudhcim\‫ المطعم‬ku yiri:
".‫ فاصنع ما بدا لك‬،‫ ولكنك قد أجمعت خذالني ومظاهرة القوم علي‬،‫"وهللا ما أنصفوني‬
“Wa Allaahi maa ansafuunii, wa laakinnaka qad ajmacta khathlaanii wa muthaahirata al
qawma calayya, fa isnac maa badaa laka.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
329
"Wa Allaahi‫ وهللا‬inayan ii garsoorin, laakiin adigu waxaad goosatay inaad ragga ugu hiillisid
hoojinteyda, ee waxaad doontid fal." Ama siduu yiriba.
Markaasuu arrinku kululaaday oo xarbi la isku diyaariyey, ragguna uu kala fogaaday oo is
colaadiyey, colaadana isku muujiyey."
Ku ololeynta muslimiinta
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Kaddib Qurayshi\‫ قريش‬waxay ku ololeysey kuwa qabaa'ilkooda ka midka ah o islaamay oo
asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, noqday. Markaasuu qabiil walba
ku booday oo weeraray kuwa muslimiinta ah oo ku jira, oo ay cathaabaan, ay diintoodana ka
fitneeyeen si ay uga baxaan. Ilaahayna wuxuu Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku
ilaaliyey Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬, isagoo uu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬markuu arkay wax ay
Qurayshi\‫ قريش‬faleyso, reer Banuu Haashim\‫ بني هاشم‬iyo reer Al Mudh-dhalib\‫ بني المطلب‬isugu
yeeray, uuna ku amray inay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gaashaan u
noqdaan aan loo soo dhaafi karin, siduu isaga laftiisu ugu yahay oo kale.
Markaasey sidaas ku heshiiyeen oo ay u goosteen, ayna la safteen, kana yeeleen wuxuu ugu
yeeray, intaan aka ahayn Abuu Lahb\‫أبو لهب‬, cadawga Ilaahay oo malcuunka ah.
Markaasuu Abuu Dhaalib‫ أبو طالب‬markuu tolkiis ka arkay wax farax geliyay, o ah go'aankooda
inay heegan u yihiin, una beer jilceen difaaca Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu
ammaanay, xusayna aabayaalkoodii hore iyo fadliga Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo makaankuu dhexdooda ku leeyahay, isagoo xoojinaya amarkooda iyo amarkiisa,
iyo inay u beer jilceen." Gabay ayuuna halkaas ka tiriyey:
‫فعبد مناف سرها وصميمها‬
‫ففي هاشم أشرافها وقديمها‬
‫علينا فلم تظفر وطاشت حلومها‬
‫إذا ما ثنوا صعر الخدود نقيمها‬
‫ونضرب عن أجحارها من يرومها‬
‫بأكنافنا تندي وتنمي أرومها‬
‫إذا اجتمعت يوما قريش لمفخر‬.1
‫فإن حصلت أشراف عبد منافها‬.2
‫تداعت قريش غثها وسمينها‬.3
‫وكنا قديما النقر ظالمة‬.4
‫ونحمي حماها كل يوم كريهة‬.5
‫ وإنما‬،‫بنا انتعش العود الذواء‬.6
1.Ithaa ijtamacat yawman Qurayshun li mafkharin\fa Cabdu Manaafin sirruhaa wa samiimuhaa
2.Fa ithaa xussilat ashraafu Cabdi Manaafihaa\fafii Haashimin ashraafuhaa wa qadiimuhaa.
3.Tadaacat Qurayshun ghath-thuhaa wa samiinuhaa\calaynaa fa lam tathfar wa dhaashat
xuluumuhaa.
4.Wa kunnaa qadiiman laa nuqirru thulaamatan/ithaa maa thanaw sucra al khuduudi nuqiimuhaa.
5.Wa naxmii ximaahaa kulla yawmin kariihatin\wa nadribu can ajxaarihaa man yaruumuhaa.
6.Binaa intacasha al cuudu al th-thawaa’u, wa innamaa\bi aknaafinaa tandaya wa tanmii
uruumuhaa.
Tixaha macnohoosu waxaa weeye:
1.Hadday Qurayshi maalin isugu timaaddo inay qabaa’ilkoodu isku faanaan\Cabdu Manaaf ayaa
330
ugu laan dheereysan uguna xoog badan.
2.Marka Cabdi Manaaf la soo qaadana\madaxdooda iyo kuwooda ugu qadiimsan waxay ku
jiraan Haashim.
3.Qurayshu waxay isu yeeratay jilbohooda taagta daran iyo kuwooda buuranba/wayna isugu kaa
tageen, mana ayan guulaysan, yididiilladeediina iyo waxay doonayaa way ka duuleen oo
waayeen.
4.Annagu waagi horena ma oggolaan jirin dulmiga\Markay dhabannadooda kibir la jeediyaanna
waa toosinaynnaa.
5.Waanna difaacaynnaa xaramkeeda maalinta la kahanayo\guryeheedana waa daafacaynnaa
marka lasoo weeraro.
6.Geedka baaliyoobay annaguu nagu noolaadaa, wuxuuna\ay biyo ka buuxsamaan oo uu ku
koraa annaga daraadeen.
Mawqifka Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫ الوليد بن الغيرة‬ee Quraanka\‫القرآن‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫ الوليد بن الغيرة‬agtiisa isugu yimid, isagoo agtooda makaan
iyo madaxtinnimo iyo da' weyniba ku lahaa, rag Quraysh \‫ قريش‬ah, ayadoo markaas muusimka
Xajka la joogo.
Markaasuu wuxuu raggaas ku yiri:
"Ragga Qurayshow\‫قريش‬, waxaa la gaaray waqtiga Xajka, waxaana soo cocda oo idiin imaanaya
wufuudda Carabta, ayagoo saaxiibkiinnaan -uuna ka wado Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam- warkiisa maqlay. Marka hal ra'yi ku heshiiya oo aad ku tiraahdaan, oo intaad
aragtiyo kala duwan ka bixisaan adinku ha is khilaafina, yuusan qaarkiinna qaarka kale beenin,
oo ay hadalladiinna qaarkood qaarka ka horyimaadaan."
Waxay yiraahdeen:
"Hadaba adigu, Cabdi Shams aabihiisow\‫با أبا عبد شمس‬, dheh oo ra'yi keen aan Carabta ku
niraahno."
Wuxuu yiri:
"Mayee, bal adinku ra'yi keena, aniguna waan idin dhegeysanayaa."
Waxay yiraahdeen:
"Waxaan leennahay waa kaahin, oo ah faaliye."
Wuxuu yiri:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬maya inuusan kaahin ahayn. Kuhaanta waa naqaannaa oo aan aragnay, isaguna
kuhaanta hoos u hadliddooda iyo nuunaaskooda daciifka ah ma laha iyo hadalladooda isku
miisaaman."
Waxay yiraahdeen:
"Hadaba waxaan leenahay wuu waalanyahay."
Wuxuu yiri:
"Maya, oo ma waalna, o dadka waalan waan aragnay oo naqaannaa, isaguna sidoodoo kale
hadalka ku ceegsami mayo, firgashadooda iyo guryankooda iyo hoos u hadalkooda midna ma
laha."
331
Waxay yiraahdeen:
"Waxaan leenahay waa gabayaa."
Wuxuu yiri:
"Gabayaa ma uusan aha, oo gabayada anwaacdooda oo idil waa naqaannaa iyo miisaankoodaba."
Waxay yiraahdeen:
"Waxaan leenahay waa saaxir."
Markaasuu wuxuu yiri:
"Isagu saaxir ma ah, oo waan aragnay oo naqaannaa kuwa wax sixra iyo sixirkoodaba, isaguna
ma laha wax tuftufiddooda iyo wax guntintoodaba."
Waxay yiraahdeen:
"Hadaba, Cabdu Shams aabihiisow\‫ أبا عبد شمس‬, maxaan niraahnaa?"
Wuxuu yiri:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬hadalkiisu -wuxuuna ka wadaa Quraanka Kariimka
macaan, oo asalkiisu, waa jirriddiisee, waa geed timireed, (oo siduu
macneeyey waa xoog badan yahay oo uu sugan yahay), faraciisuna waa
siduu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬u macneeyey waa macaanka markay timirtu
taalla ay bislaato)."
ah- wuxuu leeyahay
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬u
macaan yahay (oo ah
geedka laamihiisa ku
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Waxaa la yiraahdaa oo kale: "Asalkiisu la ghadhaqun\‫( "لغدق‬oo siduu Al Suhaylii\‫ السهيلي‬ku
macneeyey ah biyaha badan, oo sidaasaa nin ka mid ah adeerrada Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, loo oran jiray Al Ghaydaaqu\‫الغيداق‬, looguna bixiyey deeqsinnimadisa iyo
siday u badnaayeen wuxuu bixin jiray. Ninka candhuuf tufidda badanna waxaa la yiraahdaa
ghaydaqa al rajulu\‫غيدق الرجل‬, oo ah candhuuf tufiddiisa ayaa badatay).
Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫ الوليد بن المغيرة‬oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri:
"Mid ka mid ah intaasoo idil haddaad tiraahdaanna waxaa la ogaanayaa inuu warkiinnu been
yahay. Hadalka ugu dhow inaad ku tilmaantaanna waa inaad tiraahdaan waa saaxir, oo wuxuu la
yimid sixir uu ku kala geynayo ninka iyo aabihiis, iyo ninka iyo walaalkiis iyo ninka iyo
haweentiisa iyo ninka iyo cashiiradiisa, oo ah tolkiis."
Taas ayayna qaateen oo ay fadhigaas kula kala tageen. Markaasey waxay dadka Carabta ah oo
Xajka u yimid u fariisteen jidadka Makkah\‫ مكة‬soo gala oo idil, oo qofka soo marana waxay uga
digi jireen Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arrinkaas ay ku heshiiyeenna way u sheegi
jireen."
Quraanka Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫ الوليد بن الغيرة‬kasoo degay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"'Fadhigaas dabadiis wuxuu Ilaahay Tacaalaa Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫ الوليد بن الغيرة‬kasoo
dejiyay Aayadaha kow iyo toban ilaa shan iyo labaatan ee Suuratu Al Mudath-thir\‫سورة الدثر‬:
ِ
‫) ثَُّم‬12( ‫يدا‬
ً ‫ت لَهُ َم‬
ً ‫ت لَهُ رَ ْم ِه‬
ً ُ‫ين ُشه‬
ً ‫اَل َم ْم ُد‬
ً ‫ت َو ِح‬
ُ ‫) َو َمهَّ ْد‬13( ‫ودا‬
ُ ‫) َو َج َعْل‬11( ‫يدا‬
ُ ‫َذ ْرنِي َو َم ْن َخلَ ْق‬
َ ‫) َوَبن‬12( ‫ودا‬
َّ
‫ف‬
ْ ‫َي‬
َ ‫) فَقُرِ َل َك ْي‬18( ‫) إَِّنهُ فَ َّك َر َوقَ َّد َر‬17( ‫ودا‬
ً ‫ص ُع‬
ً ِ‫ان ِْلََيارَِنا َعن‬
َ ‫َن أ َِز‬
ْ ‫ط َمعُ أ‬
َ ‫) َكًل إِنَّهُ َك‬17( ‫يد‬
َ ُ‫) َسأ ُْرِهقُه‬16( ‫يدا‬
332
‫ال إِ ْن َه َذا‬
َ َ‫) فَق‬23( ‫اسرَ ْك َب َر‬
َ ‫) ثَُّم قُرِ َل َك ْي‬11( ‫قَ َّد َر‬
ْ ‫) ثَُّم أ َْد َب َر َو‬22( ‫) ثَُّم َع َب َس َوَب َس َر‬21( ‫) ثَُّم َنظَ َر‬21( ‫ف قَ َّد َر‬
.)27( ‫) إِ ْن َه َذا إِ ََّل قَ ْو ُل اْل َب َش ِر‬22( ‫إِ ََّل ِس ْحٌر ُي ْؤثَُر‬
"Tharnii wa man khalaqtu waxiidan(11)Wa jacaltu labu maalan mamduudan(12)Wa
baniina shuhuudan(13)Wa mahhadtu lahu tamhiidan(14)Thumma yadhmacu an
aziida(15)Kallaa innahu kaana li aayaatinaa caniidan(16)Sa urhiquhu sacuudan(17)Innahu
fakkara wa qaddara(18)Faqutila
kayfa qaddara(19)Thumma qutila
kayfa
qaddara(20)Thumma nathara(21)Thumma cabasa wa basara(22)Thumma adbara wa
istakbara(23)Faqaala in haathaa illaa sixrun yu'tharu(24)In haathaa illaa qawlu al
bashari(25)."
Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:
"Isu kaaya daaya Aniga iyo midkaan abuuray isagoo keligiis ah(11)Aanna u yeelay maal
badan(12)Iyo wiilal Makkah\‫ مكة‬goobjoog ka ah(13)Aanna rizqiga u waasiciyay(14)Oo hadana
damcaya inaan usii badiyo(l5)Sidaas uu doonayo ma ah, oo isagu wuxuu diiday
aayaadkeenna(16)Waxaan ku cadaabaya cadaab adag(17)Isagu wuu fakaray, waxbuuna
goostay(18)Lacnad korkiisa ha ahaatee sideebuu uu u goostay wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, iyo Quraanka ka oran lahaa(l9) Lacnad korkiisa ha ahaatee sideebuu uu u
goostay wuxuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Quraanka ka oran
lahaa(20)Kaddibna wuxuu fiiriyey wuxuu Quraanka ku celin lahaa(21 )Kaddibna wajiguu
kaduuday oo uu aruuriyey(22)Markaasu dib u jeestay oo uu is kibriyey(23)Markaasuu yiri:
Quraankaanu ma aha waxaan sixir ahayn lasoo guuriyey oo sixirka ka warramaya(24)Kani ma
aha waxaan hadal dad ahayn(25)."
Ibnu lsxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Ilaahay Tacaalaa wuxuu Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kusoo dejiyay iyo
raggii Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫ الوليد بن المغيرة‬la joogay oo hadalka u hindisay Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo waxay Quraanka ku tilmaameen Aayadaha
sagaashan iyo labo iyo sagaashan iyo saddex iyo sagaashan ee Suuratu Al Xijri\‫سورة الحجر‬:
ِ ْ ‫ِّك لََنسأَلََّنهم أ‬
ِ ِ ‫) الَِّذين جعلُوا اْلقُ آر‬11( ‫َكما أ َْن َزْل َنا علَى اْلم ْقرَ ِس ِمين‬
‫) َع َّما َك ُانوا‬12( ‫ين‬
َ
َ ‫َج َمع‬
َ ‫َن عض‬
َ ْ
َ
ََ َ
ْ ُ ْ َ ‫) فَ َوَرب‬11( ‫ين‬
ُ
َ
)13( ‫ون‬
َ ُ‫َي ْع َمل‬
"Kamaa anzalnaa calaa al muqtasimiina(90)Allathiina jacaluu Al
cidiina(91)Fawa
Rabbika
lanas'alannahum
ajmaciina(92)Cammaa
yacmaluuna(93)."
Aayada macnohoodu waxaa weeye:
Qur'aana
kaanuu
"Sidaan ugu soo dejinnay cadaab kuwii isku dhaarsaday (dhibidda xaqqa)(90)Ee ka yeelay
Quraanka
qaybo(91)Rabbigaa
ayaan
ku
dhaartaye
waa
la
weydiinayaa
dhammaantood(92)Waxay falayeen(93)."
333
Warka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo dalalka Carabta ku faafay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Raggaas Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫ الوليد بن المغيرة‬la shiray hadalkaas ayay Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku tilmaameen, ayna u sheegeen dadkay la kulmaan oo Xajka
u yimid. Sidaas ayuu dadkii Carabta ahaa ee Makkah\‫ مكة‬Xajka u yimid waxay dalalkooda dib
ugu laabteen ayagoo xogogaal u noqday amarka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo sidaasuu warkiisu dhammaan dalalka Carabta ugu faafay."
Sidaas ayuu Kitaabkii noogu dhammaaday, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiina wa Sallaa
Allaahu calaa Sayyidinaa wa Mawlaanaa Muxammadin wa calaa Aalihi wa Saxbihi Wasaallam
tasliiman kathiiran.
334
Taxanaha Siirada Nabi Muxammad Sallaa Allaa hu Calayhi Wa Calaa Aalihi
Wa Sallam
(Saddex iyo Toban)
Hijrada Arliga Xabashada
‫الهجرة إلى الحبشة‬
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan
335
Tusmada Kitaabka
Mawduuca
Bogga
1. Tusmada kitaabka
337
2. Araarta dhigaha kitaabka
337
3. Abuu Dhaalib oo nasabkiisa iyo wiilka walaalkiis dhalay ku faanaya
338
4. Amarka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo faafay
331
5. Xakiim bin Umayyah oo diiday colaadinta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
331
6. Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam dhibkuu tolkiis kala kulmay
321
7. Islaamidda Xamzah
322
8. Xamzah
322
9. Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam iyo Cutbah bin Rabiicah
327
10. Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam iyo Quraysh waxa dhex maray
371
11. Abuu Jahl iyo dhagaxiisa
372
12. Colaadda Al Nadru bin Al Xaarith
377
13. Wafdiga Quraysh ee yuhuudda Al Madiinah
371
14. Imtixaanidda Quraysh ee Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
361
15. Warka ragga la waayay
362
16. Asxaabu Al Kahfi wa al rraqiimi
362
17. Kasoo kicidda hurdada
367
18. Intay hurdeen
367
19. Tirada raggaas
366
20. Thuu Al Qarnayn
367
21. Darbiga celinaya Ya'juuj iyo Ma'juuj
361
21. Sida ummadda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam loo gumaadayo 361
22. Furashada boqortooyada roomaanka iyo boqortooyada Faaris
371
23. Duullaanka Al Axzaab, Salmaan iyo Dhagaxa wayn
373
22. Al Sayuudhii iyo Dr. Muxammad Cabdu Al Wahhaab: al xabashah
377
27. Darbiga celinaya Y’ajuuj iyo M’ajuuj: Quraanka Kariimka ah
377
26. Sunnada Carfoon
381
27. Sidee buu u ekaa radmigu?
387
28. Waa kuwee kuwa carabta halaagay oo aan indheheenna ku aragnay?
388
21. Yey yihiin Y’juuj iyo M’ajuuj?
311
31. Xamdi bin Xamzah Al Suraysirii Al Juhanii
311
31. Ancient Horse Men of Siberia
313
32. The Indo-European Migratin
313
33. Imran N. Hosein
317
32. Mohamed Abu Al ‘Ala Al Maududi
211
37. Ilaahay Tacaalaa ayaa Y’ajuuj iyo M’ajuuj halaagaya
212
36. Dagaalka way nee muslimiinta iyo NATO
217
37. Fiicnaanta degidda Al Shaam
217
38. Saacaddu kici mayso jeer uu Ciise dilo Dajjaalka
218
31. Carabnimada Ciise
211
21. Yaraanta carabta zamankaas
211
21. Kharaabidda hubka, qalabka is gaarsiinta iyo gaadiidka zamankaas
211
22. Siduu iyo goortuu Ilaahay Cazza wa Jalla Y’ajuuj iyo M’juuj halaagayo 212
23. Masjidu Al Amawii iyo Minaaradda Ciise
416
336
44. Muslimiinta dabadood: kuwuu qiyaamuhu kuu dhacayo
25. Ruuxa
26. Qaadidda buuraha Makkah
27. Naftaada wax u qabo
28. Ilaahay na hor keen aan aragnee
29. Al Rraxmaanu
50. Maal ayaan kuu uruurinaynnaa
51. Xaasidnimada gaalada iyo u quuri waagooda
72. Malaa'igta Naarta
73. Meel dhexaad
74. Saxaabiga ugu horreeyey oo Quraanka kor u akhriya
75. Ragga gaalada ah oo akhrinta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam dhegeystay
76. U quuri waaga Abuu Jahl
77. Akhrinta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
78. Siday gaaladu muslimiinta taagta daran u colaadisay
79. Bilaal
60. Dadkuu Abuu Bakr gatay oo xoreeyey
61. Abuu Bakr Al Siddiiqu iyo aabihiis
62. Fitnada kuwa la cathaabay
63. Hishaam oo diiday in walaalkiis Al Waliidu la dilo
64. Hijrada Al Xabashah
65. Al Sayudhii: al xabashah
66. Ibnu Xajar: Al Xabashah
67. Drs. Saamiyah: Ethiopia
68. Encyclopedia Brittaannica: Tigre iyo Amhara
69. Cabirrada dhulka amxaarada
70. Siday diinta krishtaanku arliga amxaarada ku timid
71. Boqortooyinka toddobada ah ee muslimiinta
72. Magaaladay degeen Muhaajiriintu
73. Sarreeye Guud Maxammad Caliu Samantar: amxaaroiyo Ximyar
74. Hijrada Koowaad ee Al Xabashah
75. Dekadday Muhaajiriintu ka dhoofeen iyo ijaarka doonyaha
76. Asxaabta Hijrada koowaad ee Al Xabashah
77. Taariikhda Hijrada koowaad ee Al Xabashah
78. Dekadday Muhaajiriinta koowaad ka degeen: Zaylac ee Soomaaliya
79. Hijrada labaad ee Al Xabashah
80. Tirada inta Al Xabashah u haajirtay
81. Wafdigay Quraysh u dirtay amxaarada soo celinta Muhaajirinta
82. Wada hadalka Muhaajiriinta iyo Al Najaashiyyu
83. Muhaajiriinta iyo guusha Al Najashiyyu
84. Siduu Al Najaashiyyu boqor u noqday
85. Islaamidda Al Najaashiyyu iyo janaazadiisa
86. Al Najaashii
416
423
424
424
427
428
428
429
429
431
431
432
433
434
435
435
438
443
444
445
446
446
448
448
449
449
450
450
450
451
452
452
453
454
455
456
466
466
468
473
474
477
479
337
Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi
Araarta dbigaba kitaabka
‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬
Araarta dhigaha kitaabka
‫الحمد هلل رب العالمين والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا كلما‬
‫ أما بعد‬،‫ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬
Kitaabkaan “Hijrada arliga Xabashada”, oo ka kooban afar iyo sideetan qaybood, waa kan
saddex iyo tobanaad ee Taxanaha Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Maraajicda dib loogu noqon karana waa kutubbada Tafsiirka Quraanka, gaar ahaan Tafaasiitka
Al Baghawii\‫البغوي‬, Al Qurdhubii\‫القرطبي‬, Al Aluusii\‫األلوسي‬, iyo kutubbada Xadiithka oo lagu
kalsoon yahay sida Bukhaarii\‫البخاري‬, Muslim\‫ مسلم‬iyo Axmad\‫ أحمد‬iyo Sunanka; Kutubbada
Siirada sida Ibnu Hishaam\‫( سيرة إبن هشام‬oo dhintay laba boqol saddex iyo toban sanadka
Hijriga), Al Rawdu Al Unuf\‫ الروض األنف‬ee Al Suhaylii\‫( السهيلي‬oo dhintay shan boqol kow iyo
sideetan ee sanadka Hijriga), Sharxu Al Callaamah Al Zarqaanii (dhintayna kun iyo boqol iyo
labo iyo labaatan Hijriga) calaa Al Mawaahibu Al Laduniyyah bi Al Minaxi Al
Muxammadiyyah\‫ شرح العالمة الزرقاني على المواهب اللدنية بالمنح المحمدية‬ee Al Qasdhalaanii\‫القسطالني‬
(oo la oofsaday sanadka sagaal boqol iyo saddex iyo labaatanka Hijriga) iyo Siyaru Aclaami Al
Nubalaa'i‫ سير أعالم النبالء‬ay xaashiyadiisana uu ku daabacan yahay kitaabka kale ee la yiraahdo
Ixkaanmu Al Rijaali min Miizaani Al Ictidaali Fii Naqdi Al Rijaali ‫احكام الرجال من ميزان اإلعتدال في‬
\‫ نقدالرجال‬oo labadoodaba uu allifay ee Imaam Al Thahabii \‫األمام الذهبي‬, oo la oofsaday sanadka
toddoba boqol iyo sideed iyo afartan Hijriga ayna daabacday Daaru Al Fikri ee Bayruut \‫درا الفكر‬
arliga Lubnaan, iyo Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬uuna allifay Ibnu Al Athiir\‫إبن األثير‬, oo la
oofsaday sanadka lix boqol iyo soddon ee Hijrada, iyo Cabdul Xamiid Jawdah Al Saxxaar ‫عبد‬
\‫الحميد جودة السحار‬, iyo Adhlasu Al Siirati Al Nabawiyyati\‫ أطلس السيرة النبوية‬ee Dr. Shawqii abuu
Khaliil\‫د\شوقي أبو خليل‬.
Tafsiirka af Soomaaligana waxaan in badan ka qaatay Kitaabka uu tarjumay Sheekh Maxmuud
Maxamad Cabdi Allaha dambigiisa dhaafee. waxaanna Ilaahay ka baryayaa inuu iga aqbalo,
qofka akhristana uu ku anfaco, ajarkiisana uu aniga iyo labadii i dhashay u nasiiyo. Waxaa
dhigay midka naxariista iyo dambi dhaafka llaahiis faqirka u ah:
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan,
Woonsocket, Rhode Island, USA.
Maalin axad ah, afar iyo labaatanka Bisha Jamaadu Al Aakhir\‫ جماد اآلخر‬ee sanadka kun iyo afar
boqol iyo lix iyo labaatanka Hijriga, una dhigantah kow iyo soddonka Luulyo laba kun iyo shan
Miilaadiga .
338
Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬oo ku faanaya nasabkiisa iyo wiilka walaalkiis
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markuu amarka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dalalka Carabta ku faafay,
ayuu Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬wuxuu ka baqay inay Carabtu ku biirto colaadinta tolkiis ee
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, oo ay sidaas ku wada colaadiyaan.
Markaasuu wuxuu tiriyay gabay uu colaaddaas Xaramka Makkah\‫ حرم مكة‬uga magan gelayo,
uuna ku sheegayo makaankiisa uu isaga laftiisu Makkah\‫ مكة‬ku leeyahay, uuna kusoo jiidanayo
quluubta tolkiis iyo madaxdoodaba.
Isla markaasna wuxuu gabaygaas ayaka iyo ghayrkoodba ugu sheegayaa inuusan isagu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaga gacanta u gelineyn, uusanna sina uga tegeyn
weligiis, uuna diyaar u yahay inuu difaaciisa ku dhinto. Gabaygaasu wuu dheer yahay oo afar iyo
sagaashan bayt ayuu ka kooban yahay. Labada bayt ee toddoba iyo sideed iyo soddon, isagoo
tilmaamaya Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri:
‫ثمال اليتامى عصمة لألرامل‬
‫فهم عنده في رحمة وفواضل‬
‫وأبيض يستسقى الغمام بوجهه‬.37
‫يلوذ به الهالك من آل هاشم‬.38
37. Wa abyada yustasqaa al ghamaamu bi wajhihi thimaala/al yataamaa cismatan lilaraamili.
38. Yaluuthu bihi al hullaaku min Aali Haashimi /fahum cindahu fii raxmatin wa fawaadili.
Labada tixood macnohoodu waxaa weye:
37. Waa cadyahay oo waa gob, wajigiisa ayaana lagu roob doonaa oo roob lagu helaa/wuxuuna u
qumaa u gargaaridda agoonta wuxuuna gaashaan u yahay uuna taageera haweenka garoobka ah.
38. Waxaa ku hareereysan ragga reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬oo u dhimanaya difaacaiisa/isagoo
ayaga u ah nicmo, naxariis iyo deeq.
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Dadka Al Madiinah\‫ المدينة‬deggan ayaa abaari haleeshay, markaasey Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, u yimaadeen oo ay u eed sheegteen. Markaasuu Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, minbarka fuulay oo uu u roob doonay. Markaasaa isagoo,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, meeshiisa ku sugan ayaa roob xoog leh yimid. Markaasaa
waxaa u yimid, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dadka hareeraha magaalada deggan oo uga
eed sheegtay inay biyaha badnidoodu hafajiyeen.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"أللهم حوالينا وال علينا‬
"Allaahumma xawaalaynaa wa laa calaynaa",
oo macnihiisu yahay:
"Ilaahayow, hareereheenna ku di'i ee korkeenna maya."
339
Markaasey daruuruhu Al Madiinah\‫ المدينة‬ka faydmeen oo ay hareereheeda ku wareegsameen
sida fara gashi oo kale.
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"لو أدرك أبو طالب هذا لسره‬
"Law adraka Abuu Dhaalib haathaa lasarrahu."
Xadiithka manihiisu waxaa weeye:
"Hadduu Abuu Dhaalib\‫ أبوطالب‬aninkaan soo gaari lahaa maanta wuu ku farxi lahaa."
Markaasuu nin asxaabtiisa ka mid ihi wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, waxaad mooddaa inaad u dan leedahay:
" 38. Waa cadyahay oo waa gob, wajigiisa ayaana lagu roob doonaa oo roob lagu helaa/wuxuuna
u qumaa u gargaaridda agoonta wuxuuna gaashaan u yahay uuna taageera haweenka garoobka
ah.
38. Waxaa ku hareereysan ragga reer Banii Haashim\‫ بني هاشم‬oo u dhimanaya difaacaiisa/isagoo
ayaga u ah nicmo, naxariis iyo deeq."
Markaasuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"أجل‬
“Ajal", oo ah "Haa".
Amarka Rasuulka, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, oo faafay
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Markuu amarka Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Carabta dhexdeeda ku
faafay, oo uu dalalkooda gaaray, ayuusan jirin qabiil Carbeed oo amarka RasuuIka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uga cilmi badan qabiilkaan Aws\‫ األوس‬iyo Khazraj\‫الخزرج‬.
Taasina waxay sidaas ku ahaatay inay ka maqli jireen culummada yuhuudda, oo ay xilfi la
lahaayeen, dalkana la degganaa, waana Al Madiinah Al Munawwarah\‫المدينة المنورة‬.
Markaasaa markuu amarkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinah\‫ المدينة‬looga
sheekeystay oo la xusay, ayna ku sheekeysteen khilaafka dhex maray Quraysh \‫قريش‬, ayuu Ab‫ا‬uu
Al Qays bin Al Aslat\‫ أبو القيس بن األسلت‬una dhashay Banii Waaqif\‫ بني واقف‬gabay ka tiriyey, uu
Quraysh\‫ قريش‬kula talinayo inay xiriirkooda wanaajiyaan. Abuu Al Qays\‫ أبو القيس‬waxaa u
dhaxday gabar Quraysh\‫ قريش‬u dhalatay.
Xakiim bin Umayyah \‫ حكيم بن أمية‬oo tolkiis colaadinta Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, ka reebay
Ibnu Isxaaq wuxuu yiri: "Xakiim bin Umayyah bin Xaarithah bin Al Awqas Al Sulamiyyu ‫حكيم‬
\‫ بن أمية بن حارثة بن األوقس السلمي‬, reer Umayyah-na\‫ بني أمية‬axdi la lahaa, wuxuu tolkiis ka reebay
colaadinta lagu heshiiyey ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Xakiim‫ حكيم‬oo
madaxdooda loo hoggaansan yahay ahaa wuu islaamay.
340
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Alllaahu Calayhi Wasallam, dhibkuu tolkiis kala kulmay
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markay Quraysh\‫ قريش‬ku badatay oo ku adkaatay xumaanta uga timid colaadinta Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo kuwa ayaga ka dhashay oo islaamay oo isaga
raacay, waxay ka adeejiyeen kuwooda maangaabta ah, oo markaasey kuwaanu been ka sheegeen
oo ay ka been abuureen, ayna dhibeen, ayna ku sheegeen inuu gabayaa' yahay iyo saaxir iyo
faaliye iyo inuu waalan yahay. Intay intaas falayaanna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, hawshiisa ayuu wataa, isagoo soo bandhigaya amarka Ilaahay oo uusan la
dhuumanayn, balse uuba usoo jeedinayo oo uu usoo bandhigayo waxay kahdaan, oo cayda
diintooda ah iyo inuu ka fogaaday oo diiday asnaamtooda, uuna dhmmaantood gaalnimadooda
daraaded uga tegey."
Ibni Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Cabdu Allaahi bin Camr bin Al Caas\‫ عبد هللا بن عمرو بن العاص‬wuxuu yiri:
"Waxaan ku iri aabahay:
"Waa maxay waxa ugu badnaa oo aad aragtay inay Qurayshi\‫ قريش‬u geysatay Rasuulka Ilaahay,
Salla Allaahu Calayhi Wasallam, markay colaadda ku weerareen?"
Wuxuu yiri:
"Waxaan goob joog ahaa maalin ay madaxdoodu Xijriga\‫ الجدر‬isugu yimaadeen, markaasey
Rasulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi WasalIam, ka hadleen, waxayna yiraahdeen:
"Ma aanan arag oo hore nooma soo mar in wax la mid ah sidaan ugu sabarnay amarka ninkaan:
wuxuu yididiilladeenna iyo nolosheenna ku tilmaamay maangaabnimo, aabayaalkeenna wuu
caayey, diinteennana ceebuu u yeelay, midnimadeennana wuu kala firdhiyey, ilaahyadeennana
wuu caayey. Arrin wayn ayaan u adkaysannay oo u dulqaadannay." Ama siday yiraahdeenba.
Ayagoo xaaladdaas ku sugan ayaa waxaa kusoo baxay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, oo yimid oo Dhagaxa Madow‫ الحجر األسود‬dhunkaday, kaddibna ayaga soo agmaray
isagoo Kacbada ku dawaafaya. Markaasuu markuu soo ag maray ayay wax xun ku yiraahdeen.
Inay sidaas yeeleenna waxaan ka gartay wajiga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam. Markaasuu ayaga dhaafay.
Markaasuu markuu marka labaad soo ag maraya, ayay sidii hore oo kale wax xun ku yiraahdeen.
Taasna waxaan ka gartay wajiga Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu mar saddexaad soo ag maray. Markaasey sidii hore oo kale wax xun ugu yiraahdeen.
Markaasuu istaagay, kaddibna uu yiri:
".‫ لقد جئتكم بالذبح‬،‫"أتسمعون يا معشر قريش؟ أما والذي نفسي بيده‬
"A tasmacuuna yaa macshara Quraysh? Amaa wa Allathi nafsii bi yadihi, la qad
ji'tukum bi al thabxi".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma maqleysaan ragga Qurayshow\‫ ?قريش‬Waxaan ku dhaartay Midkay naftaydu Gacantiisu ku
341
jirto, waxaan idiinla imid gawricid."
Markaasaa hadalkiisaasu raggi ku dhegay oo ay baqeen, ayna aamuseen oo ay dhaqaaqi waayeen
sida ayadoo nin walba uu madaxiisa shimbiri saaran tahay oo kale. Markaasuu koodii ayaga ka
mid ahaa oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ugu colaad iyo dhibid badnaa uu cabsida
uu hadalkaas ka cabsaday daraadeed, ayuu isagoo beer dulucsanaya wuxuu ku yiri:
"iska tag Al Qaasim aabihiisow\‫أبا القاسم‬, oo wa Allaahi\‫ وهللا‬inaadan dhiigyo cab ahayne."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka gaddoomay. Maalintii taas
ku xigtay markay ahayd, ayay hadana Xijriga\‫ الحجر‬isugu yimaadeen, ayadoo aan aniguna la
joogo. Markaasey waxay qaarkood qaarka kale ku yiraahdeen:
"Waxaad shalay sheegteen waxa idin gaaray iyo waxa isaga idinka soo gaaray oo adinka iyo
isaga dhex maray. Markaasaad markuu waxaad kahataan idinku yiri ayaad iska dayseen."
Ayagoo sidaas ku wada hadlaya ayaa waxaa kusoo baxay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam. Markaasey mar keli ah ku wada boodeen dhammaantood, sida ayagoo nin
keli ah oo kale. Markaasey hareereeyeen, ayagoo leh:
"Ma adigaa sidaas iyo sidaas tiri? ayna sheegayaan cayda ilaahyadooda iyo diintooda."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiraahdaa:
".‫"نعم أنا أقول ذلك‬
"Nacam anaa allathii aquulu thaalika!"
oo macneheedu yahay:
"Haa, oo anigaa sidaas leh!"
Markaasuu nin ayaga ka mid ahi wuxuu ku dhegay meeshay labada daraf ee go' iisu isugu
yimaadaan, oo luqunta ah. Markaasuu Abuu Bakr\‫ أبوبكر‬ka fujiyay oo uu kala dhex galay, isagoo
ooyaya oo leh:
"‫"أتقتلون رجال أن يقول ربي هللا؟‬
“A taqtuluuna rajulan an yaquula Rabbiya Allaahu?”
Oo macnihiisu yahay:
"Ma waxaad nin u dileysaan inuu yiri Rabbigay waa Ilaahay?"
Markaasey ka kala tageen. Taasaa ugu adkayd waxaan arkay oo ay Quraysh\‫ قريش‬u geysatay."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬ghayrkiisna waxay intaas uu wariyay ku kordhiyeen inay ceejiyeen, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, oo ay xoog u ceejiyeen, oo uu markaas Abuu Bakr ‫ أبوبكر‬ka fujiyay.
Markaasey Abuu Bakr‫ أبوبكر‬timaha madixiisa iyo garkiisaba ka jiideen, ilaa ay inta badan oo
timihiisu ay kasoo daateen."
342
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Nin ka tirsan qoyska Ummu Kulthuum bintu Abii Bakr Al Siddiiqu\‫أم كلثوم بنت أبي بكر الصديق‬
ayaa wuxuu ii sheegay inay tiri:
"Abuu Bakr‫ أبوبكر‬wuxuu maalintaas guriga kusoo laabtay ayagoo ay barta ay madaxiisa timaha
kala bara ay ka diilaaciyeen, siday u jiidayeen, iyo garkiisaba, wuxuuna ahaa nin timo badan."
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxuu yiri:
"Waxa ugu daran oo ay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, Qurayshi \‫ قريش‬ku
fashay waxay ahayd inuu maalin soo baxay oo u axad kasta oo la kulmaa uu beeniyo, dhibaatana
u geysto, ha ahaado mid xor ah ama addoonbee. Markaasuu Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, gurigiisa ku laabtay, oo markaasuu waxa ku dhacay xanuun ku qabtay oo uu
is duuduubay. Markaasuu Ilaahay Tacaalaa wuxuu korkiisa kusoo dejiyay labada Aayadood oo
ugu horreeya Suuratu Al Mudath- thir\‫سورة المدثر‬:
)2( ‫) قُ ْم فَأ َْنِذ ْر‬1( ‫َيا أَيُّهَا اْل ُم َّدثُِّر‬
"Yaa ayyuhaa al mudath-thiru(l)Qum fa anthir(2)",
oo macnohoodu yahay:
"Midkaagaan dedanow(1) Istaag oo (gaalada Makkah u) dig(2)."
Islaamidda Xamzah\‫إسالم حمزة‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo buurta Al Saffaa \‫ الصفا‬ag fadhiya, ayaa
waxaa soo maray Abuu Jahl\‫أبوجهل‬. Markaasuu dhib u geystay oo uu caayey, uuna u geystay
wuxuu kahdo oo cayda Diintiisa ah, uuna doonayo inuu ku wiiqo amarkiisa.
Markaasuusan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, juuq u oran oo uusan la
hadlin. Intaas waxaa dhegeysaneysa haweeney mawle u ah Cabdu Allaahi bin Judcaan bin Camr
bin Kacb bin Sacd bin Taym bin Murrah\‫عبد هللا بن جدعان بن عمرو بن كعب بن سعد بن تيم بن مرة‬, ayadoo
gurigeeda ku dhex jirta.
Markuu intaas u geystay ayuu ka tegey, wuxuuna aaday naadi Quraysheed \‫ قريش‬oo Kacbada
agteeda ku yiillay, oo uu ragga halkaas ku sugnaa la fariistay.
In yar kaddibba waxaa bartaas soo maray, waana meeshuu Abuu Jahl\‫ أبوجهل‬Rasuulka Ilaahay,
Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, ku aflagaadeeyey, Xamzah bin Cabdu Al Mudh-dhalib ‫حمزة بن‬
\‫عبد المطلب‬, Allaaha raalli ka noqdee, isagoo ay qaansadiisu garabka u suran tahay, oo ugaarsi
uu ku maqnaa kasoo laabtay, wuxuuna ahaa nin fallaarta uu qaansada ka gano ku ugaarsada.
Xamzah‫ حمزة‬caadadiisuna waxay ahayd in markuu ugaarsi ka soo laabto uusan gurigiisa tegin
jeer uu Kacbada ku dhawaafo. Markuu Kacbda ku dhawaafo kaddib ayuu markuu naadi
Qurayshi\‫ قريش‬leedahay ag maraba intuu la joogsado ayuu ragga halkaas fadhiya salaamaa, oo
343
uu la sheekeystaa.
Xamzah‫ حمزة‬wuxuu ahaa ninka Quraysh\‫ قريش‬ugu xoog badan, uguna go'aan adag oo aan la
liicin karin adayggiisa. Markaasuu markuu haweentaas soo ag maray, ayadoo uu Rasuulka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, gurigiisa u laabtay, ayay waxay ku tiri:
"Cumaarah aabihisow\‫يا أبا عمارة‬, miyaad ogtahay wuxuu wiilka walaalkaa dhalay uu haddeer
kala kulmay Abuu Al Xakam bin Hishaam\‫ ?أبو الحكم بن هشام‬Wuxuu ka helay isagoo halkaan
fadhiya, markaasuu dhibaato u geystay, uuna caayey, uuna ku falay wuxuu kahdo. Markuu intaas
ku falay kaddibna wuu ka tegey. Muxammadna\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) lama
uusan hadlin."
Markaasey Xamzah‫ حمزة‬caro qaadday, ayadoo uu Ilaahay doonayo inuu karaameeyo daraadeed.
Markaasuu orday, uusanna axadna ag istaagin, isagoo doonaya inuu Abuu Jahl \‫ أبوجهل‬ciqaabo.
Markaasuu markuu Masjidka galay wuxuu arkay isagoo rag la fadhiya, oo uu markaas isaga soo
aaday. Markuu dul yimid ayuu intuu qaansadiisa kor u qaaday madaxa uga dhuftay, uuna
dhaawac xun gaarsiiyey, kaddibna uu yiri:
".‫ فأنا على دينه أقول ما يقول؟! فرد علي إن استطعت‬،‫"أتشتمه‬
“A tash-tumahu, fa anaa calaa diinihi aquulu maa yaquulu?! Fa rudda calayya ini
istadhacta.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Ma waxaad caayeysaa (waa Nabigee, Sallaa Alalaahu Calayhi Wasallam) anigoo Diintiisa ku
taagan, hadalkeyguna uu hadalkiisa yahay? Car wax igu dhufo haddaad kartid."
Markaasaa waxaa Xamzah‫ حمزة‬usoo kacay rag reer Banii Makhzuum\‫ بني مخزوم‬ah (waana tolka
Abuu Jahl\‫)أبو جهل‬, doonayana inay Abuu Jahl‫ أبو جهل‬u hiilliyaan.
Markaasuu Abuu Jahl\‫ أبو جهل‬wuxuu raggaas ku yiri:
"Cumaarah aabihiis\‫ أبا عمارة‬iska daaya, oo anigu wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaan wiilka walaalkiis
dhalay ku caayey cay xun."
Sidaas ayuu Xamzah\‫ حمزة‬ku islaamay, islaannimadiisuna ay taam noqotay, uuna ku sugnaaday,
Allaaha raalli ka noqdee, awaamirta Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu u
hoggaansamay. Markuu Xamzah‫ حمزة‬islaamay waxay Qurayshi\‫ قريش‬ogaatay inuu RasuuIka
Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu noqday mid caziiz \‫ عزيز‬ah oo aan laga adkaan
karin oo ilaalsan, Xamzahna‫ حمزة‬uu ilaalinayo oo daafacayo. Markaasey waxay u geysan jireen
qaarkood ka hareen.
344
Xamzah\‫حمزة‬
Ibnu Al Athiir\‫ إبن األثير‬wuxuu Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬ku yiri:
"Xamzah bin Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashim bin Cabdu Manaaf bin Qusayy ‫حمزة بن عبد‬
\‫المطلب بن هاشم بن عبد مناف بن قصي‬, kuniyadiisuna waa Abuu Yaclaa\‫أبويعلى‬, waxaana kaloo la
yiri waa Abuu Cumaarah\‫أبو عمارة‬, oo Cumaarah\‫ عمارة‬waa wiil uu dhalay oo uu Al Nawawii
\‫ النووي‬yiri waxaa u dhashay haweeney reer Banii Al Najjaar ah\‫بني النجار‬.
Xamzah‫ حمزة‬hooyadiisna waa Haalah bintu Wahiib (Uhaybna waxaa yiri Al Nawawii iyo
ghayrkiisba) bin Cabdi Manaaf bin Zuhrah\‫هالة بنت وهيب – وقيل أهيب –بن عبد مناف بن زهرة‬,
ahna ina adeerta Aaminah bintu Wahab bin Cabdi Manaaf\‫آمنة بنت وهب بن عبد مناف‬, Nabi
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, hooyadiisa dhashay.
Xamzah‫ حمزة‬waxay isku hooyo yihiin iyo isku aabeba Safiyyah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib
bin Haashim\‫ صفية بنت عبد المطلب بن هاشم‬hooyada dhashay Al Zubayru ibnu Al Cawwaamu
\‫الزبير بن العوام‬.
Xamzah‫ حمزة‬waa adeerka Rasuulka Ilaahau, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, iyo walaalkiis
xagga nuugmada, ayadoo ay wada nuujisay Thuwaybah mawladii Abuu Lahab \\‫ثويبة مولى أبو لهب‬,
taasoo nuujisay oo kale Abuu Salamah bin Cabdu Al Asad\‫أبو سلمة بن عبد األسد‬.
Xamzah‫ حمزة‬wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka weynaa labo sano.
Waxaa kaloo la yiri afar sano, tan hore ayaana sax ah (Siiradaanna waxaan ku aragnay inuu
Xamzah‫ حمزة‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku fac yahay oo ay mar naas
wada nuugeen).
Xamzah‫ حمزة‬waa sayyidka madax u ah shuhadaa'da\‫ سيد الشهداء‬islaanka.
Xamzah‫ حمزة‬wuxuu islaamay sanadka labaad ee Bicthada\‫البعثة‬."
Usudu Al Ghaabah\‫ أسد الغابة‬warkaas islaamidda Xamzah‫ حمزةحمزة‬wuxuu ku kordhiyay in
markuu Abuu Jahl\‫ أبو جهل‬dhaawacay, sidaan usoo aragnay, inay raggaas usoo kacay inay u
hiilliyaan ay Xamzah‫ حمزة‬ku yiraahdeen:
"Xamzow‫ حمزة‬diintaada ayaad ka leexatayl"
Markaasuu Xamzah‫ حمزة‬wuxuu yiri:
،‫ فوهللا ال أنزع‬،‫ وأن الذي يقول حق‬،‫ وأنا أشهد أنه رسول هللا‬،‫"وما يمنعني منه وقد استبان لي منه ذلك‬
".‫فامنعوني إن كنتم صادقين‬
“Wa maa yamnacunii minhu wa qad istabaana lii thaalika, wa anaa ash-hadu annahu
Rasuulu Allaahi, wa anna allathii yaquulu xaqqun, fa wa Allaahi laa anzacu, fa
amnacuunii in kuntum saadiqiina.”
345
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Oo maxaa taas iga hortaagan kaddib markuu amarku ii caddaaday? Anigu waxaan marag ka
ahay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yahay, wuxuu leeyahayna uu xaq
run ah yahay. Marka wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan ka harayn, ee adinku iga reeba haddaad run
sheegeysaan."
Xamzah‫ حمزة‬wuxuu u haajaray Al Madiinah\‫المدينة‬, wuxuuna goob joog ka ahaa Badr\‫بدر‬,
halkaasoo uu balaayo weyn gaalada ku dhigay oo la wada ogsoon yahay, isagoo dilay Shaybah
bin Rabiicah bin Cabdi Shaams\‫شيبة بن ربيعة بن عبد شمس‬, kana qayb galay dilka Cutbah bin
Rabiicah\‫عتبة بن ربيعة‬, ayna diliddiisa isaga Cubaydah bin Al Xaarith \‫ عبيدة بن الحارث‬iyo Calii
bin Abii Dhaalib\‫ علي بن أبي طالب‬wadaageen.
Wuxuu kaloo dilay Dhucaymah bin Cadiyyi bin Nawfal bin Cabdi Manaaf ‫طعيمة بن عدي بن نوفلةبن‬
\‫ عبد مناف‬oo ah walaalka la dhashay Al Mudhcim bin Cadiyyi\‫المطعم بن عدي‬.
Calanka duullaan oo ugu horreyey oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
guntay wuxuu u guntay Xamzah‫حمزة‬, una diray xeebta Badda Cas ee arliga Juhaynah \‫جهينة‬.
Waxaana khilaafay ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬oo yiri calanka ugu horreeyey wuxuu u guntay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Cubaydah bin Al Xaarith bin Al Mudh-dhalib ‫عبيدة بن الحارث بن‬
\‫المطلب‬.
Markuu xarbi gelayo Xamzah‫ حمزة‬wuxuu isku calaamadeyn jiray isagoo surta baal goroyo.
Maalinta Badr\‫ يوم بدر‬wuxuu ku dagaallamay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Aallaahu Calayhi
Wasallam, hortiisa isagoo laba seefood ay gacanta ugu jiraan. Nin ka mid ah gaaladii la qafaalay
ayaa wuxuu yiri:
"Waa kee ninka baalka goroyo ku calaamadeysnaa?"
Waxay yiraahdeen:
"Xamzah‫"حمزة‬, Allaha raalli ka noqdee.
Wuxuu yiri:
"Waa nikaas ninka waxa weyn nagu falay oo dhibaatada noo geystay."
Xamzah‫ حمزة‬wuxuu goob joog ahaa duullaanka Uxud\‫غزوة أحد‬, halkaasoo lagu dilay maalinta
sabti ee nuska bisha Shawwaal\‫شوال‬. Intaan la dilin ka hor wuxuu gaalada maalintaas ka dilay
kow iyo soddon nin, uuna ka mid ahaa Subaac Al Khuzaacii\‫ سباع الخزاعي‬oo uu Xamzah‫ حمزة‬ku
yiri:
".‫"هلم إلي يا إبن مقطعة البظور‬
“Halumma ilayya yaa ibna muqadh-dacati al buthuuri.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Aniga ii kaalay midkay dhashayow midda kintirrada goysow", kaasoo ay hooyadiis gabdhaha
Makkah\‫ مكة‬ku gudi jirtay. Markaasuu dilay.
346
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Maalintaas Xamzah‫ حمزة‬wuxuu ku dagaallamayey laba seefood. Markaasuu nin wuxuu yiri:
"Xamzah‫ حمزة‬waa libaax!"
Markaasuu isagoo dagaallamaya uu turaanturrooday oo uu markaas xagga dhabarkiisa u dhacay.
Markaasaa cambuur bireedkuu xirnaa wuxuu ka faydmay calooshiisa. Markaasuu
Waxshiyyu\‫وحشي‬, mawlaha Jubayr bin Mudhcim\‫مولى جبير بن مطعم‬, waran caloosha ka geliyay, oo
uu sidaas ku dilay.
Markaasey gaaladu thakarkana ka gooyeen iyo labada dhegood iyo sanka, Hindana \‫ هند‬intay
calooshiisa dillaacisay ay beerkiisa soo bixisay oo ay inatay cad ka goosatay qaniintay oo ay
calaalisay, kaddibna ay soo matagtay.
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"لو دخل بطنها لم تمسها النار‬
"Law dakhala badhnahaa lam tamassahaa al Nnaaru",
oo macneheedu yahay:
"Hadduu caloosheeda geli lahaa, waa cadkaas beerka Xamzah‫ حمزة‬oo ay afka gashataye, Naarta
ma ayan gasheen, maxaa yeelay, siday riwaayad kale noo caddeysay, Ilaahay agtiisa Xamzah
‫ حمزة‬waa ka karaamo badan yahay inuu cad hilibkiisa ka mid ah uu Naarta geliyo."
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Xamzah sidaas ku arkay ayuu aad u
carooday, uuna yiri:
".‫"إلن ظفرت ألمثلن بسبعين منهم‬
"La in thafartu la amthilanna bi sabciina minhum",
oo macneheedu yahay:
"Haddaan gaalada reer Makkah\‫ مكة‬ka adkaadu waxaan sidaas oo kale u googoynayaa
toddobaatan ayaga ka mid ah."
Markaasuu Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\‫ سبحانه وتعالى‬wuxuu soo dejiyay Aayadaha boqol
lix iyo labaatan iyo toddoba iyo labaatan ee Suuratu Al Naxli\‫سورة النحل‬:
ِ
ِ ِ
ِ ِ ِ
‫ص ْب ُر َك إِ ََّل بِاللَّ ِه‬
َ ‫ص َب ْررُ ْم لَهُ َو َخ ْيٌر للصَّابِ ِر‬
ْ ‫) َو‬126( ‫ين‬
َ ‫اصبِ ْر َو َما‬
َ ‫َ لوِا ْن َعاقَ ْبرُ ْم فَ َعاقُبوا بِم ْثل َما ُعوِق ْبرُ ْم بِه َولَئ ْن‬
ِ ٍ ‫ك ِفي ض ْي‬
)127( ‫ون‬
ُ َ‫َوََل رَ ْح َزْن َعلَْي ِه ْم َوََل ر‬
َ
َ ‫ق م َّما َي ْم ُك ُر‬
"Wa in caaqabtum facaaqibuu bimithli maa cuuqibtum bihi wa la'in sabartum lahuwa
347
khayrun lilsaabiriina(126)Wa asbir wa maa sabruka illaa bi Allaahi wa laa taxzan
calayhim wa laa taku fii dayqin mimmaa yamkuruuna(127)".
Labada Aayadood macnohoodu waxaa weeye:
"Haddaad wax ciqaabeysaan waxaad u ciqaabtaan in la mid ah inta adinka la idinku ciqaabay,
haddaad sabartaanna sabarkaa u khayr badan kuwa sabra(126)Sabar, mana aha sabarkaagu
Ilaahay daraadiis mooyee, hana ka murugoon, hana ka ciriiryamin waxay dhagar falayaan(127)."
Abuu Hurayrah\‫ أبو هريرة‬wuxuu yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu dul istaagay Xamzah \‫حمزة‬oo
jirkiisa wax laga googooyeey, taasoo aan la arag wax qalbigiisa uga xanuun badan, markaasuu
wuxuu yiri:
".‫ فلقد كنت وصوال للرحم فعوال للخيرات‬،‫ أي عم‬،‫"رحمك هللا‬
"Raximaka Allaahu, ay camm, falaqad kunta wusuulan lilrraximi facuulan lilkhayraati",
oo macnihiisu yahay:
"Allaha kuu naxariisto adeerow, waxaa hubaal ah inaad ahayd mid riximka xiriiriya
khayraadkana suubiya."
Xamzah‫ حمزة‬koofaartiisuna waa Libaaxa Ilaahay\‫ أسد هللا‬iyo Libaaxa Rasuulkiisa\‫وأسد رسوله‬,
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaas la dilay Xamzah‫ حمزة‬waa toddoba iyo konton jir, ama sagaal iyo konton jir hadba
hadduu Rasuulka Ilaahay, SalIaa Allaahu Calayhi Wasallam, labo ama afar sano ka da' weynaa.
Xamzah‫ حمزة‬iyo shuhada'ada Uxud\‫ أحد‬waxaa ku tukaday Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasalla."
Waa intaas warkaan kasoo guurinnay Usudu Al Ghaabah\‫أسد الغابة‬.
Xamzah‫حمزة‬, siduu Al Nawawii\‫ النووي‬Tahthiibu Al Asmaa'i wa Al Lughaati\‫تهذيب األسماء واللغات‬
ku yiri, ciribi kama ayan harin.
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Cutbah bin Rabiicah\‫عتبة بن ربيعة‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Cutbah\‫ عتبة‬wuxuu ahaa sayyid, madax ah. Markaasuu maalin isagoo fadhiya naadi ay Qurayshi
\‫ قريش‬leedahay, Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu keligiis masjidka
dhexdiisa fadhiyo, ayuu wuxuu yiri:
"Ragga Qurayshow, maxay idinla tahay haddaan u kaco Muxammad (Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam) oo aan la hadlo, oo aan arrimo usoo jeediyo oo ay dhici karto inuu middood aqbalo,
oo aan markaas waxaas uu oggolaaday siinno, uu sidaas wuxuu wado naga joojiyo oo uu nagala
haro?"
348
Markaasna uu warkaas leeyahay waa kaddib islaamidda Xamzah\‫حمزة‬, ayna arkeen inay
asxaabta Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kordhayaan oo badanayaan.
Markaasey waxay ku yiraahdeen:
"Waa hagaag Al Waliidu aabihiisow\‫يا أبا الوليد‬, oo u tag oo la hadal."
Markaasuu Cutbah\‫ عتبة‬usoo kacay oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
lasoo fariistay, uuna yiri:
"Wiilka walaalkeeyow, adigu waxaad dhexdeenna ku leedahay gobannimo iyo
laandheerennimada cashiiraddaada oo aad ogsoontahay iyo makaanka sarreeya ee nasabkaaga.
Adiguna waxaad tolkaa u keentay arrin wayn oo aad midnimadooda ku kala geysay, oo aad
yididiilladoodana xumeysay, aad ilaahyadooda iyo diintoodana ceebeysay, aabayaalkoodii hore
oo dhintayna aad gaalo ka dhigtay. Marka i dhegeyso umuur ayaan kuu soo jeedinayaaye ee u
fiirso, waaba intaasoo aad midkood oggolaatide."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫ أسمع‬،‫"قل يا أبا الوليد‬
"Qul yaa Abaa Al Waliidu, asmacu",
oo macneheedu yahay:
"Hadal Al Waliidu aabihiisow‫يا أبا الوليد‬, waan ku dhegeysanayaaye."
Wuxuu yiri:
"Wiilka walaalkeeyow, haddaad amarkaan aad la timid maal ku dooneysid waxaan kuu soo
uruurineynnaa maal, si aad u noqotid keenna noogu maal badan. Haddaad madaxtinnimo ku
dooneysidna waxaan kaa dhigeynnaa madaxeenna, annagoo aan talo goysanayn adiga la'aantaa.
Haddaad boqortooyo ku dooneysidna waxaan kaa dhigeynnaa boqorkeenna, Hadday waxaan kuu
imaanayana uu jinni yahay aad aragtid, aadanna iska celin kar'in, takhtarro ayaan kuu
keeneynnaa, maalkeenna ayaanna gelineynnaa ilaa aad ka boogsootid, oo in badan jinniga
qofkuu yaqaanno oo u yimaada ninka wuu ka adkaadaa ilaa jeer laga daaweeyo," Ama siduu
yiriba, ilaa uu Cutbah\‫ عتبة‬hadalkiisa ka dhammaystay, uuna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, dhegeysanayo, markaasuu wuxuu yiri:
"‫"أقد فرغت يا أبا الوليد؟‬
"Aqad faraghta yaa Abaa Al Waliidu?"
oo macneheedu yahay:
"Hadalka ma ka baxday oo aad dhammeysatay Al Waliidu aabihiisow‫"?يا أبا الوليد‬
Wuxuu yiri:
"Haa".
Wuxuu yiri:
".‫"فاسمع مني‬
"Fa asmac minnii"
349
oo macneheedu yahay:
"Aniguna waxaan leeyahay hadaba dhegeyso,"
Wuxuu yiri:
"Waa yahay,"
Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:
ِ
ِ ‫اب ََل رْيب ِف‬
ِ
ُّ ‫ون ا ْفرََراهُ َب ْل ُهو اْل َح‬
ِّ ‫يه ِم ْن َر‬
‫ق‬
َ َ ِ َ‫) رَْن ِزي ُل اْلكر‬1( ‫ الم‬.‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‬
َ ُ‫) أ َْم َيقُول‬2( ‫ين‬
َ ‫ب اْل َعالَم‬
َ
ِ ‫ق الس‬
َِّ َّ
ِ ِ ٍ ‫ِّك لِرُْنِذر قَوما ما أَرَاهم ِمن َنِذ‬
ِ
َّ
‫ض َو َما‬
ْ ُْ
َ ‫َّم َاوات َو ْال َْر‬
َ ‫ير م ْن قَْبل َك لَ َعلهُ ْم َي ْهرَ ُد‬
َ َ َ‫) اللهُ الذي َخل‬3( ‫ون‬
َ ً ْ َ َ ‫م ْن َرب‬
ٍ ِ َّ ِ ِ
ِ ‫اسرَوى َعلَى اْل َع ْر‬
‫) ُي َدب ُِّر ْال َْم َر‬2( ‫ون‬
ٍ ‫ش َما لَ ُك ْم ِم ْن ُدونِ ِه ِم ْن َولِ ٍّي َوََل َش ِف‬
َ ‫يع أَفَ ًَل رَرَ َذ َّك ُر‬
َ ْ ‫َب ْي َنهُ َما في سرة أَيَّام ثَُّم‬
ِ ٍ َ ‫ض ثَُّم يعرج إِلَ ْي ِه ِفي يوٍم َكان ِم ْق َداره أَْل‬
ِ ‫ِمن الس‬
َّ ‫) َذلِ َك َعالِم اْل َغ ْي ِب و‬7( ‫ون‬
‫اد ِة‬
َ َ‫الشه‬
ُ ُ ْ َ ِ ‫َّماء إِلَى ْال َْر‬
َ ‫ف َس َنة م َّما رَ ُع ُّد‬
َ
َ
ُُ
َْ
َ
ُ
َ
ِ َّ ‫اْلع ِز ُيز‬
ِْ ‫ق‬
ٍ ‫ان ِم ْن ِط‬
ِ ‫اْل ْن َس‬
‫) ثَُّم َج َع َل َن ْسلَهُ ِم ْن ُس ًَللَ ٍة ِم ْن‬7( ‫ين‬
َ ‫َح َس َن ُك َّل َش ْي ٍء َخلَقَهُ َوَب َدأَ َخْل‬
ْ ‫) الَِّذي أ‬6( ‫يم‬
َ
ُ ‫الرح‬
ِِ
ِ ِِ
ٍ‫م‬
ٍ ‫اء َم ِه‬
‫) َوقَالُوا‬1( ‫ون‬
ً ِ‫ص َار َو ْالَ ْفئِ َدةَ َقل‬
َ ‫يًل َما رَ ْش ُك ُر‬
َ ‫َّم َع َو ْال َْب‬
ْ ‫) ثَُّم َس َّواهُ َوَنفَ َخ فيه م ْن ُروحه َو َج َع َل لَ ُك ُم الس‬8( ‫ين‬
َ
ِ
ِ
ِ
ِ
ِ
ٍ
ِ
ِ
ِ
ِ
ِ
َّ
ٍ ‫ض أَئَّنا لَفي َخْل‬
ِ ‫ضلَْل َنا في ْال َْر‬
‫ك اْل َم ْوت الذي ُو ِّك َل‬
ُ َ‫) ُق ْل َيرََوفَّا ُك ْم َمل‬11( ‫ون‬
َ ‫أَئ َذا‬
َ ‫ق َجديد َب ْل ُه ْم بِلقَاء َرِّب ِه ْم َكاف ُر‬
ِ ِ
ِ
ِ
‫ص ْرَنا َو َس ِم ْع َنا فَ ْارِج ْع َنا‬
َ ‫) َولَ ْو رََرى إِذ اْل ُم ْج ِرُم‬11( ‫ون‬
َ ‫بِ ُك ْم ثَُّم إِلَى َرِّب ُك ْم رُْر َج ُع‬
َ ‫ون َناك ُسو ُرُءوس ِه ْم ع ْن َد َرِّب ِه ْم َرب ََّنا أ َْب‬
ِ
ِ ‫َنعم ْل‬
َّ ‫اها ولَ ِك ْن َح‬
ٍ َّ
َّ ‫ق اْلقَ ْو ُل ِمِّني َلَ ْم ََل‬
‫َن َجهََّن َم ِم َن اْل ِجنَّ ِة‬
َ ‫صال ًحا إَِّنا ُموِقُن‬
َ َْ
َ َ ‫) َولَ ْو ش ْئ َنا َْلَرَْي َنا ُكل َن ْفس ُه َد‬12( ‫ون‬
ِ
ِ ِ
ِ ْ ‫اس أ‬
ِ ‫الن‬
َّ ‫َو‬
)12( ‫اب اْل ُخْلِد بِ َما ُك ْنرُ ْم رَ ْع َملُو َن‬
َ ‫اء َي ْو ِم ُك ْم َه َذا إَِّنا َنس َينا ُك ْم َوُذوقُوا َع َذ‬
َ ‫َج َمع‬
َ َ‫) فَ ُذوقُوا بِ َما َنسيرُ ْم لق‬13( ‫ين‬
ِ
َِّ ِ
)17( ‫ون‬
ً ‫ين إِ َذا ُذ ِّك ُروا بِهَا َخ ُّروا ُسج‬
ُ ‫َّدا َو َسب‬
َ ‫َّحوا بِ َح ْمد َرِّب ِه ْم َو ُه ْم ََل َي ْسرَ ْكبُِر‬
َ ‫إَِّن َما ُي ْؤ ِم ُن بِآ ََيار َنا الذ‬
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Xamiim(1)Tanziilun mina Al Rrraxmaani Al
Rrraxiimi(2)Kitaabun
fussilat
Aayaatuhu
Qur'aanan
Carabiyyan
liqawmin
yaclamuuna(3)Bashiiran wa Nathiiran fa acrada aktharuhum fahum laa
yasmacuuna(4)Wa qaaluu quluubunaa fii akinnatin mimmaa tadcuunaa ilayhi wa fii
aathaaninaa waqrun wa min bayninaa wa baynika xijaabun fa acmal inanaa
caamiluuna(5)".
Aayadahaas oo ah kuwa kow ilaa shan ee Suuratu Fussilat macnohoodu waxaa weeye:
"Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Xamiim(l)Waa soo dejinta (waa Quraankee) Al
Rraxmaani Al Rraxiimi(2)Waa Kitaab Aayaadkiisa la caddeeyey, waana Quraan afka Carabiga
ku dhigan, loona caddeeyey dad wax garanaya(3 )Quraankuna wuxuu bishaaro u yahay kuwa
Ilaahay adeeca, digana u yahay kuwa diida, intooda badanna way ka jeesteen, waxna maqli
mayaan(4)Waxayna gaaladii yiraahdeen: quluubteennu waxay daboollo uga jirtaa waxaad noogu
yeereysid, dhegeheennana waxaa ku jira culays, annaga iyo adiga dhexdeenana waxaa ah xijaab
ee camal fal, annaguna waan camal falaynnaaye(5)." Kaddibna Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, wuu sii waday akhrinta Suuradda isagoo ku dul akhriyaya. Markaasuu
Cutbah\‫ عتبة‬markuu maqlay aamusay, oo uu labadiisa gacnood xagga dambe ee dhabarkiisa ah
geeyey oo uu ku tiirsaday, isagoo ka dhegeysanaya.
350
Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, Aayadda Sajdada \‫ السجدة‬gaaray,
ahna Aaydda sideed iyo soddonaad, ayuu sujuuday.
Kaddibna wuxuu yiri:
".‫ فأنت وذاك‬.‫"قد سمعت يا أبا الوليد ما سمعت‬
"Qad samicta yaa Abaa Al Waliidu maa samicta. Fa anta wa Thaaka."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxaad maqashay Al Waliidu aabihiisow\‫ يا أبا الوليد‬waxaad maqashay, marka waa adiga iyo
kaas."
Markaasuu Cutbah\‫ عتبة‬inta kacay xagga asxaabtiisa aaday, oo markuu soo aaday ayay
qaarkood waxay qaarka kale ku yiraahdeen:
"Ilaahay ayaan ku dhaarannaye, Abuu Al Waliidu‫ أبو الوليد‬wuxuu idiinla yimid waji aan ahayn
midkuu idinkala tegey."
Markasuu markuu la fariistay ayay waxay yiraahdeen:
"iska warran Al Waliidu aabihiisow\‫"? يا أبا الوليد‬
Wuxuu yiri:
"Waxaa jira inaan maqlay hadal wa Allaahi\‫ وهللا‬mid la mid ah aanan hore u maqal, oo wa
Allaahi‫ وهللا‬inuusan gabay ahayn. Ragga Qurayshow\‫ !قريش‬Aniga i adeeca oo ninkan iyo wuxuu
ku dhex jiro isaga dhex baxa oo ka hara, oo wa Allaahi‫ وهللا‬hadalka aan ka maqlay wuxuu yeelan
doonaa mustqbal wayn. Markay hadday Carabi disho ghayrkiin ayaa idiinka filnaaday (oo
adinku ma aydnaan dilin). Hadduuse Carb ka adkaado boqortooyadiisa adinkaa iska leh oo waa
boqortooyadiinna, cizzigiisuna, waa xooggiise, waa cizzigiinna, adinkaana ahaanaya kuwa dadka
ugu nasiib badan oo ku liibaana."
Waxay yiraahdeen:
"Wa Allaahi‫ وهللا‬wuxuu kugu sixray carrabkiisa Al Waliid uaabihiisow‫"! يا أبا الوليد‬
Wuxuu yiri:
"Kaasu waa aragtidaan ka qabo, ee waxay idinla noqoto sameeya.·
Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo Quraysh\‫ قريش‬waxa dhex maray
lbnu lsxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markaasuu islaamku ku faafay qabaa'ilka Quraysh\‫ قريش‬dhexdooda, rag iyo haweenba, ayadoo
ay Qurayshi\‫ قريش‬isla markaas muslimiinta ka xabbiseyso intay awood u hesho, intay Diintooda
ka fitnayn kartana ay ka fitnayseyso.
Intaas kaddib, sida ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬la iiga wariyay, Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka
noqdee, madaxda qabiil kasta oo Quraysh\‫ قريش‬ah ayaa shiray.
Shirkaasna waxaa isugu yimid Cutbah bin Rabiicah\‫ عتبة بن ربيعة‬iyo Shaybah bin Rabiicah ‫شيبة بن‬
\‫ ربيعة‬iyo Abuu Sufyaan bin Xarb\‫ أبو سفيان بن حرب‬iyo Al Nadr bin Xaarith\‫ النضر بن حارث‬oo u
dhashay Banii Cabdu Al Ddaar\‫بني عبد الدار‬, iyo Abuu Al Bakhtariyyu bin Hishaam ‫أبو البختري بن‬
\‫ هشام‬iyo Al Aswadu bin Al Mudhalib bin Asad\‫األسود بن المطلب بن أسد‬, iyo Zamcah bin Aswad ‫زمعة‬
351
\‫بن أسود‬, iyo Al Waliidu bin Al Mughiirah\‫الوليد بن المغيرة‬, iyo Abuu Jahl bin Hishaam ‫أبو جهل بن‬
\‫هشام‬, Ilaahay ha lacnadee, iyo Cabdu Allaahi bin Abii Umayyah \‫عبد هللا بن أبي أمية‬, iyo Al Caasu
bin Waa'il\‫العاص بن وائل‬, iyo Nubayh\‫ نبيه‬iyo Munabbih‫ منبه‬labada nin oo uu dhalay Al
Xajjaaj\‫ الحجاج‬ee reer Banii Sahm\‫ بني سهم‬ah, iyo Umayyah bin Khalaf\‫أمية بن خلف‬, ama intii
kulankaas kasoo qayb gashayba.
Waxay shireen maghribka markay qorraxdu dhacday, isuguna yimaadeen dhabarka Kacbada oo
ah dhinaca ku beegan oo kasoo horjeedda dhinucuu albaabka Kacbadu ku yaallo, oo ah
wajigeeda. Markaasey waxay isku yiraahdeen:
"Muxammad\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) u ciddira, oo markuu idiin yimaado la
hadla oo la murma si aydnaan dabadeed eed u qaadin mustaqbalka."
Markaasey u ciddireen ayna u fareen:
"Waxaa kuu shiray madaxda tolkaa oo doonaya inay kula hadlaan ee u kaalay."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ugu yimid si
degdegsiimo leh, isagoo u malaynaya inuu wuxuu u sheegay ay saameeyeen, isaguna
wanaaggooduu ku dadaalaya, noloshooda xun oo ay ku noolyihiinna ay xanuujineyso oo jeclaa
inay hanuunaan.
Markaasuu lasoo fariistay. Markaasey waxay ku yiraahdeen:
"Muxammadow\‫محمد‬
(Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) annagaa kuu soo ciddirnay,
waxaanna dooneynnaa inaan kula hadalno. Annaguna wa Allaahi\‫ وهللا‬ma ogsoonin nin Carabta
u dhashay oo tolkiis soo dhex geliyay oo u keenay waxaad adigu tolkaa u keentay oo aad soo
dhex gelisay. Aabayaalkii hore ayaad cayday, diintaad ceeb u yeeshay, ilaahyadii ayaad cayday,
yididiilladii iyo qaab nololeedkeenna ayaad wax xun oo maangaabnimo ka dhigtay, midnimadii
ayaad kala firdhisay, oo ma uusan harin oo ma jiro arrin xun oo illaa adigu waad la timid, oo
annaga iyo adigaad nasoo dhex dhigtay." Ama siday yiraahdeenba.
Waxay yiraahdeen:
"Marka, haddaad warkaan ula timid si aad maal ugu hesho, maalalkeenna ayaan maal kaaga soo
uruurineynnaa si aad u noqotid keenna noogu maal badan. Haddaadse ku dooneysid inaad madax
noogu noqotid, madexeenna ayaanba kaa dhigeynnaa. Haddaadse boqortooyo ku dooneysid,
waxaan kaa dhigeynnaa oo kuu caleemo saareynnaa boqorkeenna. Haddii uuse midkaan kuu
yimaada uu yahay jinni aad aragtid oo kaa adkaaday, waxaan ku bixineynnaa maalkeenna si
lagaaga daaweeyo oo aan kaaga bogsiinno."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
‫ ولكن هللا بعثني‬.‫ وال الملك عليكم‬،‫ وال الشرف فيكم‬،‫ ما جئت بما جئتكم به أطلب أموالكم‬.‫"ما بي ما تقولون‬
‫ فإن‬.‫ ونصحت لكم‬،‫ فبلغتكم رسالة ربي‬.‫ وأمرني أن أكون لكم بشيرا ونذيرا‬،‫ وأنزل علي كتابا‬،‫إليكم رسوال‬
‫ حتى يحكم هللا بيني‬،‫ وإن تردوه علي أصبر ألمر هللا‬.‫ فهو حظكم في الدنيا واآلخرة‬،‫تقبلوا مني ما جئتكم به‬
".‫وبينكم‬
"Maa bii maa taquuluuna. Maa ji'tu bimaa ji'tukum bihi adblubu amwaalakum, wa
laa al sh-sharafa fiikum, wa taa al mulka calaykum. Wa laakinna Allaaha
352
bacatbanii ilaykum Rasuulan, wa anzala calayya Kitaaban, wa amaranii an akuuna
lakum Bashiiran wa Nathiiran. Fa ballaghtukum Risaalaata Rabbii, wa nasaxtu
lakum. Fa in taqbaluu minnii maa ji'tukum bihi, fa huwa xath-thukum fii at dunyaa
wa al Aakhirati. Wa in tarudduuhu calayya asbiru li amri Allaahi, xattaa yaxkuma
Allaahu baynii wa baynakum."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Waxa aad tiraahdeen ima hayaan, mana keenin waxaan idiinla imid inaan ku doonayo
maalkiinna iyo inaan madax idiinku noqdo iyo inaan boqor idiinku noqdo, laakiinse Ilaahay ayaa
Rasuulnimo idiinku kay soo diray, korkeygana Kitaab kusoo dejiyay, iguna amray inaan idiin
bishaareeyo (oo Jannada ugu bishaareeyo intooda islaamtay) iyo mid idiin digaya (oo cathaabka
Ilaahay uga digaya). Marka, Risaalaadka Rabbigay waan idin soo gaarsiiyey, waanna idiin
naseexeeyey oo idin waaniyay. Marka, haddaad iga oggolaataan waxaan idiinla imid, taasu waa
nasiib wanaaggiinna adduun iyo Aakhiraba. Haddaad iga diidaanna, amarka Ilaahay ayaan u
sabrayaa ilaa intuu Ilaahay aniga iyo adinka dhexdeenna na kala xumukayo." Ama siduu yiri
Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Waxay yiraahdeen:
"Muxammadow\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) haddaadan shay'na naga yeeleyn
waxaan kuu soo jeedinnay, hadaba adigu waxaad ogsoon tahay inuusan dadka ku jirin axad naga
dhul yar oo naga dhul ciriiri badan, naga biyo yar, nagana nolol adag oo dhib badan. Marka
Rabbigaaga kula soo diray wuxuu kula soo diray noo weydii inuu buurahaan na ciriiryay naga
dul qaado, beledkeennana noo fidiyo, hana nooga soo burqiyo wabiyo la mid ah wabiyada
Shaam\‫ الشام‬iyo Ciraaq\‫عراق‬.
Hana noo soo nooleeyo aabayaalkeenni tegey, kuwa uu soo nooleynayana ha ka mid ahaado
Qusayy bin Kilaab\‫قصي بن كالب‬, kaasoo oday run low ah ahaa. Markaasaan waxaad adigu
leedahay ka wareysaneynnaa: ma run baa mase waa been. Marka, hadday ayagu ku rumeeyaan,
waxaan ku weydiisannayna aad sameysid, markaasaan ku rumeyneynnaa, aanna ku ogaaneynnaa
makaanka aad Ilaahay agtiisa ku leedahay iyo inuu Rasuul ahaan kuu soo diray, sidaad adigu
leedahay."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallallaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku yiri:
‫ فهو‬،‫ فإن تقبلوه‬,‫ وقد بلغتكم ما أرسلت به إليكم‬،‫ إنما جئتكم من هللا بما بعثني به‬،‫"ما بهذا بعثت إليكم‬
".‫ حتى يحكم هللا بيني وبينكم‬,‫ أصبر ألمر هللا‬,‫ وإن تردوه علي‬،‫حظكم في الدنيا واآلخرة‬
"Maa bi haathaa bucithtu ilaykum, innamaa j'itukum min Allaahi bi maa
bacatbanii bihi, wa qad ballaghtukum maa ursiltu bihi ilaykum, fa in taqbaluuhu, fa
huwa xath-thukum fii al ddunyaa wa al aakhirati, wa in tarudduuhu calayya, asbiru
li amri Rabbii, xattaa yaxkuma Allaahu baynii wa baynikum."
Xadiithka, oo ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wariyay oo isagoo dheerna aan Siirada ku arki doonno,
haddii Alle idmo, macnihiisu waxaa weeye:
"Midkaas la iiguma kiin soo dirin, waxaanse xagga Ilaahay idiinka keenay wixii uu igu soo
diray. Wixii la iigu kiin soo dirayna waan idin soo gaarsiiyay. Marka haddaad oggolaataan waa
nasiib wanaaggiinna adduunka iyo aakhiraba. Haddaadse diidaan, amarka Ilaahay ayaan u
353
sabrayaa, ilaa uu Ilaahay aniga iyo adinka na kala xukumo."
Waxay yiraahdeen:
"Haddaadan annaga taas noo suubinayn, naftaada wax u qabo oo Rabbigaa waxaad weydiisataa
inuu kula soo diro malag kaaga marag kaca inay waxaad sheegeyso ay run yihiin, oo nooga kaa
warrama. Waxaad kaloo weydiisataa inuu kuu yeelo beero iyo qusuur iyo kunuuz dahab iyo
qalin ah oo kaaga filnaada waxaan aad ku sugan tahay oo wax raadinta ah, adigoo suqyada dhex
taagan sidaan annaguba u dhex taagannahay oo kale, waxaadna u hawl gashaa helidda waxaad
ku noolaan lahayd sidaan annaguba ugu hawl galno oo kale. Haddii taas lagu siiyo waxaan
ogaaneynnaa deeqda aad dadka dheertahay iyo makaanka aad Rabbigaa agtiisa ku leedahay,
haddaad Rasuul tahay sidaad leedahay."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Vasallam, wuxuu yiri:
،‫ فإن تقبلوه‬.‫ وما بعثت إليكم بهذا ولكن هللا بعثني بشيرا ونذيرا‬،‫ وما أنا اللذي يسأل ربه هذا‬،‫"ما أنا بفاعل‬
".‫ حتى يحكم هللا بيني وبينكم‬,‫ أصبر ألمر هللا‬,‫ وإن تردوه علي‬،‫فهو حظكم في الدنيا واآلخرة‬
"Maa anaa bi faacilin, wa maa anaa allathii yas'alu Rabbahu haathaa, wa maa
bucithtu ilaykum bi haathaa wa laakinna Allaaha bacathanii Bashiiran wa
Nathiiran. fa in taqbaluuhu, fa huwa xath-thukum fii al dunyaa wa al aakhirati, wa
in tarudduuhu calayya, asbiru li amri Rabbii, xattaa yaxkuma Allaahu baynii wa
baynikum."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Anigu midka taas yeelaya ma ihi, mana ihi midka Rabbigiis taas weydiinaya. Taasna la iiguma
kiin soo dirin, laakiin Ilaahay wuxuu isoo diray anigoo ah mid bishaareeya iyo mid diga. Marka
haddaad oggolaataan waa nasiib wanaaggiinna adduunka iyo aakhiraba. Haddaadse diidaan,
amarka Ilaahay ayaan u sabrayaa, ilaa uu Ilaahay aniga iyo adinka na kala xukumo."
Waxay yiraahdeen:
"Hadaba Samada oo goo'go'an nagu soo dul rid, sidaad u tiri inuu Rabbigaa yeelayo hadduu
doono, maxaa yeelay annagu ku rumayn maynno jeer aad taas fashid."
Wuxuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaas yiri:
".‫ إن شاء أن يفعله بكم فعل‬:‫"ذلك إلى هللا‬
"Thaalika i1aa Allaahi: in shaa'a an yafcalahu bikum facala."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Taasu Ilaahay ayay jirtaa oo hadduu doono inuu idinku falo suubinaya."
Waxay yiraahdeen:
"Muxammadow\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) oo miyuusan Rabbigaa hore u ogayn
354
inaan maanta kula fariisanaynno, aanna ku weydiineynno waxaan ku weydiinnay, aanna kaa
dalbi doonno waxaan kaa dalabnay, oo uu markaas hore kuugu sii sheego waxaad nagu oran
lahayd, uuna kuu sheego wuxuu nagu fali doono markaan kaa aqbali waynno waxaan aad noola
timid? Annagana waxaa nasoo gaartay inuu waxaan (Quraanka Kariimka ah) ku baro nin reer Al
Yamaamah\‫ اليمامة‬u dhashay oo la yiraahdo Al Raxmaanu\‫الرحمن‬, annaguna wa Allaahi\‫وهللا‬
inaanan weligewen Al Raxmaanu\‫ الرحمن‬rumaynayn.
Marka Muxammadow\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), annagu eed laawayaal ayaan
nahay, annaguna wa Allaahi‫ وهللا‬inaanan ku daynayn, ayaguna (oo waxay ka wadaan Malaa'igta
Ilaahay) waa gabdhaha Ilaahay", oo midkood ayaa yiri:
"Ku rumayn maynno jeer aad na hor keentid Ilaahay iyo Malaa'igta oo aan indheheenna ku
aragno."
Markay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, taas ku yiraahdeen ayuu agtooda ka
kacay, waxaana la kacay Cabdu Allaahi bin Abii Umayyah bin Al Mugiirah bin Cabdu Allaahi
bin Cumar bin Makhzuum\‫عبد هللا بن أبي أمية بن المغيرة بن عبد هللا بن عمر بن مخزوم‬, ahna ina eedadiis,
ayadoo ay dhahsya Caatikah bintu Cabdu Al Mudhalib\‫عاتكة بنت عبد المطب‬, wuxuuna ku yiri:
"Muxammadow‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam), tolkaa wuxuu kuu soo jeediyay wuxuu
kuu soo jeediyay, adiguna kama aadan yeelin. Kaddibna ayagaa naftooda wax kuu weydiistay si
ay ku ogaadaan makaankaad Ilaahay agtiisa ku leedahay, sidaad adigu leedahay, oo ay markaas
ku rumeeyaan oo ay ku raacaan. Adiguna ma aadan yeelin. Kaddibna waxay ku weydiisteen
inaad naftaada wax u qabatid waxay ku gartaan deeqda aad ayaga dheertahay iyo makaanka aad
Ilaahay agtiisa ku leedahay. Mana aadan yeelin. Kaddibna waxay ku weydiisteen inaad usoo
dedejisid wax ka mid ah cathaabtaad ku baajisid, mana aadan yeelin. Marka, wa Allaahi\‫وهللا‬
inaanan weligey ku rumeyneyn jeer Samada aad jaranjaro saaratid oo aad kor u taftid anigoo kuu
jeeda oo aad Samada dhex gashid, kaddibna aad la timaadid afar malaa'igta ka mid ah oo kaaga
marag kaca waxaad leedahay. Oo wa Allaahi\‫ وهللا‬haddaad intaasoo idil yeeshidna, u malayn
mayo inaan ku rumayn lahaa." Aama siduu yiriba.
Markuu intaas yirina wuu ka gaddoomay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.
Markaasuu Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, uu isaguna ehelkiisa iyo
gurigiisa xaggooda u gaddoomay; isagoo tiiraanyeysan oo ka xun waxa dhaafay oo uu damaca ka
lahaa markuu tolkiis usoo ciddiray, iyo aragga uu arkay siday isaga laftiisa uga fog yihiin. Cabdu
Allaahi-gaan\‫ عبد هللا‬wuxuu islaamay furashada Makkah\‫ مكة‬horteed, sidaan u arki doonno
indhaa'a Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
Abuu Jahl\‫ أبو جهل‬iyo dhagaxiisa
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markuu Rasuulka Ilaahay, Salalaa Allaahu Calayhi Wasallarn, fadhigooda ka kacay ayuu Abuu
Jahl\‫ إبو جهل‬wuxuu yiri:
"Ragga Qurayshow\‫ !قريش‬Muxammad\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waa diiday
waxaan ahayn ceebeynta diinteenna iyo cayda aabayaalkeen iyo xumaynta yididiilladeenna iyo
355
cayda ilaahyadeenna. Aniguna waxaan ballan Ilaahay ku galay inaan berri dhagax aanan qaad
karin ula fariisto masjidka dhexdiisa oo markuu sujuudo isagoo Salaaddiisa ku jira oo tukanaya
aan madaxa uga burburiyo. Markaan sidaas yeelo kaddib adinku ama i dhiiba oo gacantooda i
geliya ama i daafaca kaad doontaan. Markaas kaddibna reer Cabdi Manaaf\‫( عبد مناف‬oo ah
reerka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) waxay la noqoto ha falaan." Ama siduu yiriba.
Waxay yiraahdeen:
"Wa Allaahi\‫ وهللا‬inaanan ebedkeen cidna gacanta kuu gelineyn, ee waxaad doonto samee."
Markaasuu Abuu Jahl‫ إبو جهل‬markuu waabariistay ayuu wuxuu qaatay dhagax kii u tilmaamay
ah, wuxuuna u fariistay RasuuIka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, masjidka dhexdiisa
isagoo sugaya.
Markaasuu Rasualka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, jarmaado ku yimid, siduu
Saalaadda Subax ugu soo jarmaadi jiray oo kale. Rasuulka llaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, wuxuu ku sugnaa Makkah\‫مكة‬. Qibladiisuna waxay ahayd xagga Shaam‫الشام‬.
Markaasuu markuu salaadda tukanayo wuxuu ku tukadaa inta u dhexeysa Rukniga Kacbada ‫ركن‬
\‫ الكعبة‬oo uu Dhagaxa Madow‫ الحجر األسود‬ku jiro iyo Rukniga kaas la siman lana yiraahdo Al
Ruknu Al Yamaanii\‫الركن اليماني‬, ayadoo ay labadooduba xagga koofureed iyo arliga Yaman\‫يمن‬
xigaan.
Markuu, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, bartaas ku tukadanayo ayuu wuxuu Kacbada yeeli
jiray isaga laftiisa iyo arliga Shaam\‫ الشام‬dhexdooda, oo isaga iyo Qibladiisa waxaa u dhexeysey
Kacbada.
Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu CaIayhi Wasallam, Salaad u istaagay, ayadoo ay ragga
Qurayshna\‫ قريش‬ay ayguna soo jarmaadeen oo ay naadiyadooda fariisteen ayagoo dhawraya
wuxuu Abuu Jahl‫ إبو جهل‬sameeyo.
Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sujuuday ayuu Abuu
Jahl‫ إبو جهل‬dhagaxa soo qaaday oo uu xaggiisa la soo aaday. Markuu usoo dhowaaday Rasuulka
Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuu dib u gaddoomay isagoo argagaxsan,
isagoona midabkiisuba is beddelay oo uu wajigiisa dhiiguba ka tegey, ayna labadiisa gacnood
dhagaxa ku dhegeen, kuna dhegganaa ilaa uu mar dambe inta ka fuqay uu tuuray.
Markaasaa waxaa usoo kacay ragga Quraysheed\‫ قريش‬oo ku yiri:
"Maxaa kugu dhacay Abaa Al Xakamow\‫"?أبا الجكم‬
Wuxuu yiri:
"Waxaan u kacay inaan ku sameeyo waxaan xalay idiin sheegay inaan ku falayo, markaasaa
markaan u dhowaaday waxaa sokadiisa iiga soo horbaxay rati oo wa Allaahi‫ وهللا‬aanan
madaxiisa oo kale hore u arag iyo garbihiisa iyo luquntiisa iyo miciyadiisaba rati leh oo kale.
Markaasuu wuxuuba ku hammiyay inuu i cuno."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa la ii sheegay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
356
".‫ لو دنا ألخذه‬.‫ عليه السالم‬،‫"ذلك جبريل‬
"Thaalika Jibriilu, Calayhi Al Ssalaamu. Law danaa la akhathahu".
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"Kaasu waa Jibriil\‫جبريل‬, Calayhi Al Ssalaamu. Hadduuna soo dhowaan lahaa wuu dili lahaa."
Riwaayad kalena waxay warisay, uuna Al Baghawii\‫ البغوي‬tafsiirkiisa ku wariyay, inuu abuu
Hurayrah\‫ أبو هريرة‬yiri inuu Abuu Jahl\‫ أبو جهل‬Quraysh\‫ قريش‬ku yiri:
"Muxammad\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam) ma waji cad yahay isagoo dhexdiinna ku
sugan?"
Waxaa la yiri:
"Haa".
Wuxuu yiri:
"Waxaan ku dhaartay Al Laata\‫ الالت‬iyo Al Cuzzaa\‫ العزى‬haddaan arko isagoo tukanaya luquntaan
uga istaagayaa, aanna wajigiisa ciidda gelinayaa oo ku caddeynayaa."
Markaasuu u yimid Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo tukanaya, si uu
siduu ku andacooday luqunta uga istaago.
Raggii meeshaas fadhiyayna waxaa kadiyay isagoo si degdegsiimo leh ciribtiisa lasoo
gaddoomay, gacantiisana wax isaga dhigaya.
Markaasaa waxaa lagu yiri:
"Maxaa kugu dhacay Abaa Al Xakamow\‫"?أبا الحكم‬
Wuxuu yiri:
"Aniga iyo isaga dhexdeenna ayaa waxaa ah dhufays dab ah iyo wax laga argagaxo iyo baalal."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"لو دنا مني الختطفته المالئكة عضوا عضوا‬
“Law danaa minnii la akhtadhafathu al malaa'ikatu cudwan cudwan."
Xadiithka macnihiisuna waxaa weeye:
"Haduu ii soo dhowaan lahaa malaa'igta ayaa cad cad u googooyn lahayd."
Waxaas uu Abuu Jahl\‫ أبو جهل‬damcay inuu sameeyo waxaa kasoo degay Quraan. Wuxuuba
Ilaahay, Subxaanu wa Tacaalaa\‫ سبحانه وتعالى‬ku yiri Aayaadka sagaal ilaa sagaal iyo toban ee
Suuratu Al Calaq\‫سورة العلق‬:
َِّ َ ‫َرَْي‬
‫ت ِإ ْن‬
‫) أ َأ‬12( ‫َم َر بِالرَّ ْق َوى‬
‫) أ َأ‬11( ‫صلَّى‬
‫أ َأ‬
َ ‫َرَْي‬
َ ‫َرَْي‬
َ ‫ت ِإ ْن َك‬
َ ‫) َع ْب ًدا ِإ َذا‬1( ‫ت الذي َي ْنهَى‬
َ ‫) أ َْو أ‬11( ‫ان َعلَى اْلهُ َدى‬
ِ ‫اصي ٍة َك ِاذب ٍة َخ‬
ِ
ِ ِ َّ ِ‫) َك ًَّل لَئِن َلم ي ْنرَ ِه َل َنسفَعن ب‬12( ‫َن اللَّه يرى‬
َّ
َّ
‫اط َئ ٍة‬
َ
َ ‫) َن‬17( ‫الناص َية‬
َْ ْ
َ ْ ْ
َ ‫َكذ‬
َ َ َ َّ ‫) أََل ْم َي ْعَل ْم بِأ‬13( ‫ب َورَ َولى‬
َّ ُ‫) َس َن ْدع‬17( ُ‫) َفْل َي ْدعُ َن ِاد َيه‬16(
)18( َ‫الزَبانِ َية‬
"Ara'ayta allathii yanhaa(9)Cabdan ithaa sallaa(lO)Ara'ayta in kaana calaa al
357
hudaa(ll)Aw amara bi al ttaqwaa(12)Ara'ayta in kath-thaba wa tawallaa(13)Alam
yaclam bi anna Allaaha yaraa(14)Kallaa la'in lam yantahi lanasfacan bi al
nnasiyati(15)Naasiyatin
kaathibatin
khaadhi'atin(16)Falyadcu
naadiyahu(17)Sanadcu Al Zzabaaniyata(18)Kallaa laa tudbicbu wa asjud wa
iqtarib(19)."
Aayaadka macnohoodu waxaa weeye:
"Bal ka warran midka adoon Ilaahay (Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam)
tukashada Salaadda ka reebaya (waana Abuu Jahl\‫()أبوجهل‬9 iyo 10)Bal ka warran hadduu
addoonka salaadda laga reebayo uu hanuun dushiis yahay(11)Dadkana uu Alle ka cabsiga iyo
Tawxiidka iyo ikhlaaska farayo(l2)Bal ka warran hadduu midka wax ka reebayaa uu xaqqa iyo
runta beeniyey, iimaankana uu ka jeestay (waana Abuu Jahl\‫ أبوجهل‬iyo inta la midka
ahba)(l3)Miyuusan Abuu Jahl‫ أبوجهل‬ogayn inuu Ilaahay u jeeddo oo uu ka abaal marinayo( 14
)Bal isagu ma oga, ee hadduusan ka harin dhibidda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, iyo beenintiisa, waxaan kasoo dhufanaynnaa foodda timihiisa oo markaasaan Naarta
ugu jiideynnaa(l5)Foodda midkay ku taallo uu beenaale yahay dambiile ah: ibnu Cabbaas ‫إبن‬
\‫ عباس‬wuxu yiri: "Markuu Abuu Jahl‫ أبوجهل‬Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
tukashada Salaadda ka reebay, ayuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
canaantay. Markaasuu Abuu Jahl‫ أبوجهل‬wuxuu yiri: "Ma anigaad i canaananeysaa? Wa Allaahi
\‫ وهللا‬waxaan dusheeda waadigaan kasoo buuxinayaa fardo ayaxa fara le'eg iyo rag wada xoog
miiran ah."(l6)Hadaba ha u yeerto tolkiis iyo taageerayaalkiisa oo ha usoo
gurmadaan(l7)Annaguna, markaas, waxaan u yeereynnaa Malaa'igta la yiraahdo Al Zabaaniyyah
\‫الزبانية‬, oo ah kuwa Naarta ilaaliyah, oo sidaas loogu bixiyay, siduu ibnu Cabbaas \‫ إبن عباس‬yiri:
"Waxay ku tuuraan ehelu Naarka Naarta dhexdeeda" oo al zabnu\‫ الزبن‬waa ku
tuuridda(18)Arrinku ma aha siduu Abuu Jahl\‫ أبوجهل‬ku taagan yahay ee ha ku adeecin Salaadda
ka tegiddeeda, sujuudna Ilaahyna u dhowow: oo wuxuu Abuu Hurayrah \‫ أبو هريرة‬wariyay inuu
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:
".‫ فاكثروا الدعاء‬،‫"أقرب ما يكون العبد من ربه وهو ساجد‬
"Aqraba maa yakuunu al cabdu min Rabbihi wa buwa saajidun, fa aktharuu al
ducaa'a",
oo macnihiisu yahay:
"Markuu addoonku Rabbigiis ugu dhow yahay waa markuu sujuudsan yahay, ee intaad sujuudda
ku jirtaan badiya baryada Ilaahay."(19)
Colaadda Al Nadr bin Al Xaarith\‫النضر بن الحارث‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Markuu Abuu Jahl\‫ أبو جهل‬Quraysh\‫ قريش‬warkaas ku yiri, o ah inuu Nabiga, Sallaa Allaahu
Calayhi Wasallam, markuu sujuudo dhagax dhardhaar ah madaxa uga burburin doono, ayuu Al
Nadr bin Al Xaarith bin Kaladah bin Calqamah bin Cabdu Manaaf bin Cabdu Al Daar bin
Qusayy\‫( النضر بن الحارث بن كلدة بن علقمة بن عبد مناف بن عبد الدار بن قصي‬oo uu ibnu Hishaam\‫إبن هشام‬
yiri: "waxaa la yiraahdaa Al Nadr bin Al Xaarith bin Calqamah bin Kaladah bin Cabdi
Manaaf‫ )”النضر بن الحارث بن علقمة كلدة بن عبد مناف‬wuxuu yiri:
358
"Ragga Qurayshow\‫قريش‬, wa Allaahi\‫ وهللا‬waxaa idinku soo degay amar aad ilaa hadda xeelad u
la'dihiin. Muxammad\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah
oo dhexdiina ku nool, raallina laga wada yahay, idiinkuna runlowsan, idiinkuna ammaano wayn.
Markaasaad markaad dhafoorkiisa cirro ku aragteen, uuna idiinla yimid wuxuu idiinla yimid,
ayaad waxaad tiraahdeen: "Waa saaxir". Wa Allaahi‫ وهللا‬inuusan saaxir ahayn, oo kuwa wax
sixra waa naqaannaa ayaga iyo wax tuftufiddooda iyo siday wax u gunguntaan. Waxaad kaloo
tiraahdeen: "Waa faaliye". Wa Allaahi‫ وهللا‬inuusan faaliye ahayn. Oo kuwa faaliya waan
naqaannaa iyo dhaqankoodaba, iyo siday hadalladooda isugu beegaan. Markaasaad waxaad
tiraahdeen: "Waa gabayaa." Wa Allaahi‫ وهللا‬inuusan gabayaa ahayn, oo gabayada waa
naqammaa, noocyadooda oo idilna waan maqalnay. Markaasaad waxaad tiraahdeen: "Waa
waalan yahay". Wa Allaahi‫ وهللا‬inuusan waalnayn, oo waan naqaananaa qofka waalan, isaguna
sidoodoo kale hadalka kuma ceegsamo, mana laha hoos u hadalkooda iyo isku dardarsankooda.
Ragga Qurayshow\‫قريش‬, amarkaan u kuur gala oo ka fiirsada, oo wa Allaahi‫ وهللا‬waxaa idinku
soo degay amar wayn."
Al Nadr bin Al Xaarith‫ النضر بن الحارث‬wuxuu ka mid ahaa shayaadiinta Quraysheed\‫ قريش‬iyo
kuwa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhibaateeya, colaadna kala hortegey.
Al Nadr‫ النضر‬wuxuu hore u tegey gobolka Al Xiirah\‫( الحيرة‬oo arliga Ciraaq\‫ عراق‬ka mid ah, oo
waagaas boqortooyada Furus ka tirsanayd, uuna wakiil uga ahaa boqor Carbeed), halkaasuuna
kasoo bartay sheekooyinka boqorrada Furus\‫ الفرس‬iyo wararka boqorrada Rustum\‫ رستم‬iyo
Isfindiyaath‫إسفندياذ‬. Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
majlis fariisto oo uu ragga halkaas fadhiya Ilaahay uga warramo, uuna ugu yeero, dadkiisana uu
uga digo waxa aargoosi ah oo qawmamkii ayaga ka horreeyey ku dhacay oo haleelay, ayuu
majliskaas uga daba maraa, markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka kaco.
Kaddibna wuxuu dadkaas ku yiraahdaa:
"Ragga Qurayshow\‫قريش‬, wa Allaahi\‫ وهللا‬anigaa isaga ka war fiican, ee ii kaalaya, waxaanna
idiin sheegayaa war kiisa ka fiican."
Markaasuu wuxuu uga warramaa boqorrada \‫ فارس‬iyo Rustum\‫ رستم‬iyo Isfidhiyaath\‫إسفندياذ‬.
Markaas kaddibna wuxuu yiraahdaa:
"Muxuu warka Muxammad\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) kayga uga fiican yahay?"
Ibnu Hishaam\‫ إبن هشام‬wuxu yiri:
"Waana isaga midka yiri, sida isoo gaartay:
"Waxaan soo dejinayaa wax la mid ah wuxuu Ilaahay soo dejiyay."
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Ibnu Cabbaas\‫إبن عباس‬, Allaah isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee, wuxuu yiri, sida isoo
gaartay:
"Waxaa isaga kasoo degatay sideed Aayadood ee Quraanka ku jirta, ayna ka mid tahay:
ِ ‫ال أ‬
ِ
)17( ‫ين‬
َ ‫ير ْال ََّوِل‬
َ َ ‫ِإ َذا رُْرَلى َعَل ْيه آ ََيارَُنا َق‬
ُ ‫َساط‬
359
"Ithaa tutlaa calayhi Aayaatunaa qaala asaadhiiru al awwaliina(15)."
Waana Aayadda shan iyo tobnaad ee Suuratu Al Qalam\‫سورة القلم‬, oo macneheedu yahay:
"Marka Aayaadkeenna Quraanka ahna lagu dul akhriyo wuxuu yiraahdaa waa dadkii hore
warkoodii(15)."
ِ ‫ أ‬lagu sheegay isagay kasoo
Kulli Aayad kasta ee Quraanka ku jirta oo kalimada asaadhiir ‫ير‬
َ
ُ ‫َساط‬
degatay."
Wafdiga Quraysh\‫ قريش‬ee yuhuudda Al Madiinah\‫المدينة‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Quraysh\‫ قريش‬markuu Al Nadr bin Al Xaarith\‫ النضر با الحارث‬warkaas ku yiri waxay ergo ahaan
ugu dire en isaga laftiisa, ayna ku dareen Cuqbah bin Abii Mucaydh\‫عقبة با أبي معيط‬, culummada
yuhuudda ee Al Madiinah\‫ المدينة‬deggan, waxayna labadoodaas ku yiraahdeen:
"Ka wareysta xagga Muxammad\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), una sifeeya
tilmaamihiisa, wuxuu ku hadlayana u sheega, maxaa yeelay ayaga yuhuudda ahi waa ehelu
kitaabka hore, waxayna leeyihiin cilmi aanan annagu lahayn oo Anbiyada ku saabsan."
Markaasey labadoodaas Makkah\‫ مكة‬kasoo baxeen oo ay Al Madiinah\‫ المدينة‬yimaadeen.
Markaasey culummada yuhuudda intay u tageen ka wareysteen xagga Rasuulka Ilaahay, Sallaa
Allaahu Calayhi Wasallam, amarkiisana ay u sifeeyeen, wuxuu leeyahay qaarkiisna u sheegeen,
kaddibna waxay ku yiraahdeen:
"Adinku waxaad tihiin kuwa Tawraadda\‫ التورات‬la siiyay, waxaanna idiinku nimid inaad nooga
warrantaan saaxiibkeennaan."
Markaasey culummada yuhuuddu waxay labadoodaas ku tiri:
"Waxaan idin amraynnaa inaad saddex weydiisaan, oo hadduu idiin sheego isagu waa Nabi
Mursal\‫ مرسل‬ah.
Hadduusan idiin sheeginse waa nin iska hadlaya ee waxay idinla noqoto ka yeela. Waxaad
weydiisaan:
(Kow) Wuxuu yahay amarka rag waa hore la waayey iyo wuxuu amarkoodu ku dambeeyey, oo
raggaasu waxay leeyihiin qiso cajiib ah oo lala yaabo.
(Labo) Waxaad kaloo weydiisaan warka iyo arrinka nin safray oo gaaray arliga qorrax kasoo
bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba.
(Saddex) Waxaadna weydiisaan ruuxa: muxuu ruuxu yahay?
Hadduu saddexdaas arrimood warkooda idiin sheego, raaca ninka, maxaa yeelay waa Nabi.
Hadduusanse idiin sheeginse, waa nin iska hadalay, ee waxaad doontaan amarkiisa ka yeela."
Markaasey Al Nadr bin Al Xaarith\‫ النضر بن الحارث‬iyo Cuqbah bin Abii Mucaydh bin Abii Camr
bin Umayyah bin Cabdi Shams bin Cabdu Manaaf bin Qusayy ‫عقبة بن أبي معيط بن أبي عمرو بن أمية بن‬
\‫ عبد شمس بن عبد مناف بن قصي‬soo gaddoomeen, oo ay Quraysh\‫ قريش‬Makkah\‫ مكة‬ugu yimaadeen,
waxayna ku yiraahdeen:
"Ragga Qurayshow\‫قريش‬, waxaan idiin keennay wax adinka iyo Muxammad\‫( محمد‬Sallaa
360
Allaahu Calayhi Wasallam) idin kala saara. Culummada yuhuuddu waxay noo sheegeen inaan
weydiinno arrimo ay nagu amreen, oo hadduu idiin sheego oo uu warkooda idin siiyo ninku waa
Nabi. Hadduunsanse yeelin waa nin iska hadlaya ee arrinkiisa go'aan ka gaara."
Al Nadr bin Al Xaarith\‫ النضر بن الحارث‬waxaa lagu dilay, isagoo gaal ah, Badr\‫بدر‬, wuxuuna ka
mid ahaa ragga lasoo qafaalay, waxaana dilay Calii bin Abii Dhaalib\‫علي بن أبي طالب‬, Allaha
raalli ka noqdee, oo uu amray Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalla, siduu Al
Zubayru ibnu Al Bakkaar\‫ الزبير إبن البكار‬iyo ghayrkiisba u wariyeen, nana soo mari doonta,
inshaa' a Allaahu\‫إن شاء هللا‬.
lmtixaanidda Quraysh \‫ قريش‬ee Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam
Markaasey raggi Quraysheed\‫ قريش‬waxay u yimadeen Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, kuna yiraahdeen:
"Muxammadow\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam), waxaad noo sheegtaa rag waa hore
lumay oo la waayey, oo war cajiib ah oo yaab miiran ah leh. Waxaad kaloona noo sheegtaa nin
adduunka ku safray, gaarayna arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba. Waxaad
kaloona noo sheegtaa ruuxu wuxuu yahay oo uu ka samaysan yahay."
Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
".‫"أخبركم بما سألتم عنه غدا‬
"Ukhbirukum bimaa sa'altum canhu ghadan",
oo macneheedu yahay:
"Waxaan idiin sheegayaa waxaad i weydiiseen berrito", mana uusan oran Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam inshaa'a Allaahu\‫ إن شاء هللا‬..
Markaasey ka gaddoomeen.
Markaasuu wuxuu joogay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, siday leeyihiin,
shan iyo toban habeen, oo uusan Ilaahay intaasna wax Waxyi \‫ وحي‬ah u keenin, Jibriilna\‫جبريل‬
uusan u imaan.
Markasey reer Makkah\‫ مكة‬gilgisheen, oo ay yiraahdeen:
"Muxammad\‫( محمد‬Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) wuxuu na ballamiyay berri, maantana
waxaa laga joogaa shan iyo toban habeen oo aan ku waabariisannay isagoo aan waxba nooga
sheegin waxaan weydiinnay."
Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ka tiiraanyooday inuusan Waxyi
\‫ وحي‬u imaan, waxaana calool xumeeyey, aadna u dhibay warka ay reer Makkah \‫ مكة‬ku hadleen.
Markaas kaddib ayuu Jibriil\‫ جبريل‬u yimid, uuna Ilaahay Cazza wa Jalla\‫ هللا عز و جل‬xaggiisa
Suuratu Al Kahfi\‫ سورة الكهف‬uga keenay, dhexdeenana lagu canaananayo siduu reer Makkah\‫مكة‬
ugu tiiraanyoonayo (oo ah inayan islaamin), looguna sheegayo warka arrimaha ay weydiiyeen,
oo ah ragga tegey oo la waayey iyo ninka adduunka ku safray iyo Ruuxa\‫الروح‬.
361
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxuu yiri:
"Waxaa la ii shegay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa AIlaahu Calayhi Wasallam, markuu Jibriil u
yimid uu ku yiri:
".‫"لقد احتبست عني يا جبريل حتى سؤت ظنا‬
"Laqad ixtabasta cannii yaa Jibriilu xattaa su'tu thannan”
oo macneheedu yahay:
"Jibriilow\‫جبريل‬, waad iga joogsatay oo aadan ii imaan, ilaa heer aan wax xun maleeyey."
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu ku yiri:
"Anigaa kaa hilow badnaa, laakiin waxaan ahay addoon la amro, oo haddii la isoo diro waan soo
degaa, haddii la i reebana waan reebtoomaa."
Markaasuu Jibriil\‫ جبريل‬wuxuu ku yiri:
ِ
ِ
)62( ‫ُّك َن ِسيًّا‬
َ ‫ان َرب‬
َ ‫َو َما َنرََن َّزُل إِ ََّل بِأ َْم ِر َرب‬
َ ‫ِّك لَهُ َما َب ْي َن أ َْيد َينا َو َما َخْلفََنا َو َما َب ْي َن َذل َك َو َما َك‬
"Wa maa natanazzalu illaa bi’amri Rabbika lahu maa hayna aydiinaa wa maa
khalfanaa wa maa bayna thaalika wa maa kaana Rabbuka nasiyyan(64)."
Waana Aayadda afar iyo lixdanaad ee Suuratu Maryama\‫ سورة مريم‬oo macneheedu yahay:
"Kuma soo deganno amarka Rabbigaa mooyee, oo malaa'igtu Samaday kasoo degataa oo
dhulkay kusoo degataa marka hawl loo soo diro, Rabbigaasoo leh waxa horteenna ah iyo waxa
naga dambeeyaba iyo inta u dhexeysaba. Rabbigaana ma ah mid amarka halmaansan."
Riwaayad kalena, uuna Al Baghawii\‫ البغوي‬tafsiirkiisa ku wuxuu Rasuulka Ilaahay, SaIlaa
Allaahu Calayhi Wasallam, Jibriil\‫ جبريل‬ku yiri:
".‫"أبطأت علي حتى ساء ظني واشتقت إليك‬
"Abdha'ta calayya xattaa saa'a thannii wa ashtaqtu ilayka",
oo macneheedu yahay:
"Waa iga soo gaabisay ilaa heer ay maladeydu xumaatay, waana kuu hiloobay."
Al Suhaylii\‫ السهيلي‬wuxuu yiri:
"Kitaabka Siirada ee uu dhigay Al Taymii\‫ التيمي‬iyo kan Muusaa bin Cuqbah\‫ موسى بن عقبة‬waxay
wariyeen inuu Waxyigu kasoo gaabiyay oo uusan u imaan saddex maalmood, kaddibna uu Jibriil
\‫ جبريل‬Suuratu Al Kahfi\‫ سورة الكهف‬u keenay."
‫‪362‬‬
‫‪Warka ragga la waayey‬‬
‫‪ wuxuu yiri:‬إبن إسحاق\‪Ibnu Isxaaq‬‬
‫‪ ku‬سورة الكهف\‪, wuxuu Suuratu Al Kahfi‬هللا سبحانه و تعالى\‪"Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa‬‬
‫‪bilaabay xamdigiisa, wuxuuna sheegay Nabinnimada Rasuulkiisa, kaddib markay isaga taas ku‬‬
‫‪diideen, wuxuuna yiri:‬‬
‫بسم اهلل الرحمن الرحيم‪ .‬اْلحم ُد لِلَّ ِه الَِّذي أ َْن َز َل علَى ع ْبِد ِه اْل ِكرَاب ولَم ي ْجع ْل لَه ِعوجا (‪ )1‬قَي ِ ِ‬
‫ْسا‬
‫َ َ ْ َ َ ُ ًَ‬
‫َ‬
‫َ‬
‫ِّما لُي ْنذ َر َبأ ً‬
‫َْ‬
‫ً‬
‫اكثِين ِف ِ‬
‫ِ‬
‫يدا ِمن لَ ُد ْنه ويب ِّشر اْلمؤ ِمنِين الَِّذين يعملُون الصَّالِح ِ‬
‫ِ‬
‫ات أ َّ‬
‫يه أ ََب ًدا (‪َ )3‬وُي ْنِذ َر‬
‫َن لَهُ ْم أ ْ‬
‫َ‬
‫َج ًار َح َسًنا (‪َ )2‬م َ‬
‫َ ََْ َ‬
‫َشد ً ْ ُ َ ُ َ َ ُ ْ َ‬
‫ِ‬
‫ِ‬
‫الَِّذين قَالُوا ارَّ َخ َذ اللَّه ولَ ًدا (‪ )2‬ما لَهم بِ ِه ِمن ِعْلٍم وََل ِْلَبائِ ِهم َكبر ْ ِ‬
‫ون إِ ََّل َكِذًبا‬
‫ْ‬
‫ت َكل َمةً رَ ْخ ُرُج م ْن أَ ْف َواه ِه ْم إِ ْن َيقُولُ َ‬
‫َ‬
‫َ َ ْ َُ‬
‫َ ُْ‬
‫َُ‬
‫ِ ِ‬
‫ِ‬
‫َّ‬
‫َسفًا (‪ )6‬إَِّنا َج َعْل َنا َما َعلَى ْال َْر ِ‬
‫ض ِز َينةً لَهَا‬
‫(‪َ )7‬فلَ َعل َك َباخعٌ َن ْف َس َك َعلَى َآثَ ِارِه ْم إِ ْن لَ ْم ُي ْؤ ِمُنوا بِهَ َذا اْل َحديث أ َ‬
‫َن أَصحاب اْل َكه ِ‬
‫ِ‬
‫الرِق ِيم‬
‫ف َو َّ‬
‫ص ِع ً‬
‫يدا ُج ُرًاز (‪ )8‬أ َْم َح ِس ْب َ‬
‫لِ َنْبلُ َو ُه ْم أَيُّهُ ْم أ ْ‬
‫ت أ َّ ْ َ َ‬
‫َح َس ُن َع َم ًًل (‪ َ )7‬لوِاَّنا لَ َجاعلُ َ‬
‫ون َما َعلَ ْيهَا َ‬
‫ْ‬
‫ِ ِ‬
‫ِ‬
‫ِ‬
‫ِ‬
‫ِ‬
‫ِّئ لََنا ِم ْن أ َْم ِرَنا َر َش ًدا‬
‫َك ُانوا م ْن آ ََيار َنا َع َجًبا (‪ )1‬إِ ْذ أ ََوى اْلفرَْيةُ إِلَى اْل َك ْهف فَقَالُوا َرب ََّنا آَر َنا م ْن لَ ُد ْن َك َر ْح َمةً َو َهي ْ‬
‫ِ ِِ‬
‫ِ ِ‬
‫َح َ ِ ِ‬
‫َم ًدا‬
‫اه ْم لَِن ْعلَ َم أ ُّ‬
‫َي اْل ِح ْزَب ْي ِن أ ْ‬
‫ين َع َد ًدا (‪ )11‬ثَُّم َب َعثَْن ُ‬
‫(‪ )11‬فَ َ‬
‫ض َرْب َنا َعلَى َآ َذان ِه ْم في اْل َك ْهف سن َ‬
‫صى ل َما لَبثُوا أ َ‬
‫ص علَْي َك َنبأَهم بِاْلح ِّ ِ ِ‬
‫ِِ ِ‬
‫اموا‬
‫اه ْم ُه ًدى (‪َ )13‬وَرَب ْ‬
‫َمُنوا بِ َرِّب ِه ْم َوِزْد َن ُ‬
‫َ ُْ َ‬
‫(‪َ )12‬ن ْح ُن َنقُ ُّ َ‬
‫ط َنا َعلَى ُقلُوبه ْم إ ْذ قَ ُ‬
‫ق إَّنهُ ْم فرَْيةٌ آ َ‬
‫ب الس ِ‬
‫ات و ْال َْر ِ‬
‫فَقَالُوا َرب َُّنا َر ُّ‬
‫ض لَ ْن َن ْد ُع َو ِم ْن ُدونِ ِه إِلَهًا لَقَ ْد ُقْل َنا ِإ ًذا َشطَطًا (‪َ )12‬ه ُؤََل ِء قَ ْو ُم َنا ارَّ َخ ُذوا ِم ْن‬
‫َ‬
‫َّم َاو َ‬
‫ِ ِ‬
‫ان َبي ٍ‬
‫ون َعلَ ْي ِه ْم بِ ُسْلطَ ٍ‬
‫وه ْم َو َما‬
‫ِّن فَ َم ْن أَ ْ‬
‫ظلَ ُم ِم َّم ِن ا ْفرََرى َعلَى اللَّ ِه َكِذًبا (‪ َ )17‬لوِاِذ ْ‬
‫اعرََزْلرُ ُم ُ‬
‫ُدونِه آَلهَةً لَ ْوََل َيأْرُ َ‬
‫يعب ُدون إِ ََّل اللَّه فَأْووا إِلَى اْل َكه ِ‬
‫ف َي ْن ُشر لَ ُكم رُّب ُكم ِم ْن ر ْحمرِ ِه وُيهيِّئ لَ ُكم ِم ْن أَم ِرُكم ِمرفَقًا (‪ )16‬ورَرى َّ‬
‫الش ْم َس‬
‫َ ُْ َ‬
‫ْ‬
‫ََ‬
‫ْ ْ‬
‫َ َ َ َ ْ ْ‬
‫ْ ْ َ ْ‬
‫َ ُ‬
‫ال وهم ِفي فَ ْجوٍة ِم ْنه َذِل َك ِمن آَي ِ‬
‫ضهم َذ َ ِّ ِ‬
‫ات اْل َي ِم ِ‬
‫ات‬
‫إِ َذا َ‬
‫ين َ لوِا َذا َغ َرَب ْ‬
‫طلَ َع ْ‬
‫ت رََزَاوُر َع ْن َك ْه ِف ِه ْم َذ َ‬
‫ْ َ‬
‫ُ‬
‫ات الش َم َ ُ ْ‬
‫ت رَ ْق ِر ُ ُ ْ‬
‫َ‬
‫ات‬
‫ضلِ ْل َفلَ ْن رَ ِج َد لَهُ َولِيًّا ُم ْرِش ًدا (‪َ )17‬ورَ ْح َسُبهُ ْم أ َْيقَا ً‬
‫ظا َو ُه ْم ُرقُ ٌ‬
‫ود َوُن َقلُِّبهُ ْم َذ َ‬
‫اللَّ ِه َم ْن َي ْهِد اللَّهُ فَهُ َو اْل ُم ْهرَِد َو َم ْن ُي ْ‬
‫َّ‬
‫اسطٌ ِذراع ْي ِه بِاْلو ِ‬
‫ال و َكْلبهم ب ِ‬
‫ات ِّ‬
‫اْل َي ِم ِ‬
‫ت ِم ْنهُ ْم ُرْعًبا‬
‫ت ِم ْنهُ ْم ِف َرًا‬
‫ار َولَ ُملِ ْئ َ‬
‫ت َعلَ ْي ِه ْم لَ َولَّْي َ‬
‫ص ِيد لَ ِو اطلَ ْع َ‬
‫ين َوَذ َ‬
‫َ َ‬
‫الش َم ِ َ ُ ُ ْ َ‬
‫َ‬
‫(‪ )18‬و َك َذلِ َك بعثَْناهم لِيرَساءلُوا ب ْي َنهم قَ َ ِ ِ‬
‫َعلَ ُم بِ َما‬
‫ض َي ْوٍم قَالُوا َرُّب ُك ْم أ ْ‬
‫ال قَائ ٌل م ْنهُ ْم َك ْم لَبِثْرُ ْم قَالُوا لَبِثَْنا َي ْو ًما أ َْو َب ْع َ‬
‫َ َ ُ ْ َ َ َ َ ُْ‬
‫َ‬
‫ِ ِ‬
‫ِ ِ‬
‫ِِ ِ‬
‫اما َفْل َيأْرِ ُك ْم بِ ِرْز ٍ‬
‫ف َوََل ُي ْش ِع َرَّن‬
‫ق ِم ْنهُ َوْل َيرَلَطَّ ْ‬
‫لَبِثْرُ ْم فَ ْاب َعثُوا أ َ‬
‫َح َد ُك ْم ب َوِرق ُك ْم َهذه إلَى اْل َمد َينة َفْل َي ْنظُ ْر أَيُّهَا أ َْزَكى طَ َع ً‬
‫َعثَْرَنا‬
‫َح ًدا (‪ )11‬إَِّنهُ ْم إِ ْن َي ْ‬
‫ظهَُروا َعلَْي ُك ْم َي ْرُج ُمو ُك ْم أ َْو ُي ِع ُ‬
‫يدو ُك ْم ِفي ِملَّرِ ِه ْم َولَ ْن رُْفلِ ُحوا إِ ًذا أ ََب ًدا (‪َ )21‬و َك َذلِ َك أ ْ‬
‫بِ ُك ْم أ َ‬
‫َن السَّاعةَ ََل رْي ِ‬
‫ِ ِ‬
‫َن و ْع َد اللَّ ِه َح ٌّ‬
‫ق َوأ َّ‬
‫ون َب ْي َنهُ ْم أ َْم َرُه ْم فَقَالُوا ْابُنوا َعلَ ْي ِه ْم ُب ْن َي ًانا َربُّهُ ْم‬
‫َ َ‬
‫َ‬
‫ب فيهَا ِإ ْذ َيرََن َازُع َ‬
‫َعلَ ْيه ْم ل َي ْعلَ ُموا أ َّ َ‬
‫ِ‬
‫َعلَم بِ ِهم قَ َ َِّ‬
‫ون َخ ْم َسةٌ‬
‫ون ثَ ًَلثَةٌ َاربِ ُعهُ ْم َكْلُبهُ ْم َوَيقُولُ َ‬
‫ين َغلَُبوا َعلَى أ َْم ِرِه ْم لََنرَّخ َذ َّن َعلَْي ِه ْم َم ْس ِج ًدا (‪َ )21‬س َيقُولُ َ‬
‫ال الذ َ‬
‫أْ ُ ْ‬
‫س ِادسهم َكْلبهم ر ْجما بِاْل َغ ْي ِب ويقُولُون س ْبعةٌ وثَ ِ‬
‫َعلَ ُم بِ ِع َّدرِ ِه ْم َما َي ْعلَ ُمهُ ْم إِ ََّل َقلِي ٌل فَ ًَل رُ َم ِار‬
‫امُنهُ ْم َكْلُبهُ ْم ُق ْل َربِّي أ ْ‬
‫َ ُ ُْ ُ ُْ َ ً‬
‫ََ َ َ َ َ‬
‫ِ ِ‬
‫ِ ٍ‬
‫ِ ِ ِ‬
‫ِ‬
‫َّ ِ‬
‫ِ‬
‫اء‬
‫َح ًدا (‪َ )22‬وََل رَقُولَ َّن ل َش ْيء إِِّني فَاع ٌل َذل َك َغ ًدا (‪ )23‬إِ ََّل أ ْ‬
‫اء ظَاه ًار َوََل رَ ْسرَ ْفت في ِه ْم م ْنهُ ْم أ َ‬
‫َن َي َش َ‬
‫في ِه ْم إَِل م َر ً‬
‫ِ‬
‫ِ‬
‫ث ِم َئ ٍة‬
‫اللَّهُ َوا ْذ ُك ْر َرب َ‬
‫ب ِم ْن َه َذا َر َش ًدا (‪َ )22‬ولَبِثُوا ِفي َك ْه ِف ِه ْم ثَ ًَل َ‬
‫َّك إِ َذا َن ِس َ‬
‫يت َوُق ْل َع َسى أ ْ‬
‫َن َي ْهد َي ِن َربِّي لَ ْق َر َ‬
363
ِ ِ ِ ‫ات و ْالَر‬
ِ ‫َعلَم بِما لَبِثُوا لَه َغ ْيب الس‬
ِ
ِِ
َّ ِ
‫َس ِمع َما لَهُ ْم ِم ْن ُدونِ ِه‬
ُ ُ
َ ‫سن‬
ْ ‫ض أ َْبص ْر بِه َوأ‬
ْ َ ‫َّم َاو‬
َ
َ ُ ْ ‫) قُل اللهُ أ‬27( ‫ين َو ْازَد ُادوا ر ْس ًعا‬
ِِ
ِ ُ ‫ِمن ولِ ٍّي وََل ي ْش ِر‬
)26( ‫َح ًدا‬
َ ‫ك في ُح ْكمه أ‬
ُ َ َ ْ
“Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Alxamdu li Allaahi Allathii anzala calaa
cabdihi Al Kitaaba wa lam yajcal lahu ciwajaa(1)Qayyiman liyunthira ba'san
shadiidan mmin lladunhu wa yubash-shira al mu'miniina allathiina yacmaluuna al
ssaalixaati anna lahum ajran xasanan(2)Maakithiina fiihi abadan(3)Wa yunthira
allathiina qaaluu ittakhatha Allaahu waladan(4)Mmaa lahum bihi min cilmin wa laa
li'aabaa'ihim kaburat kalimatan takhruju min afwaahihim in yaquuluuna illaa
kathiban(5)Falacallaka baakhicun nafsaka calaa aathaarihim in llam yu'minuu
bihaathaa al xadiithi asafan(6)Innaa jacalnaa maa calaa al ardi ziinatan llahaa
linabluwahum ayyubum axasanu camalan(7)Wa Innaa lajaaciluuna maa calayhaa
saciidan juruzan(8)Am xasibta anna asxaaba al kahfi wa al rraqiimi kaanuu min
Aayaatinaa cajaban(9)Ith awaa al fityatu ilaa al kahfi faqaaluu Rabbanaa aatinaa
min lladunka raxmatan wa hayyi' lanaa min amrinaa rasbadan(l0)Fa darabnaa calaa
aathaanihim fii al kahfi siniina cadadan(ll)Thumma bacathnaahum linaclama ayyu
al xizbayni axsaa limaa labithuu amadan(12)Naxnu naqussu calayka naba'ahum bi al
xaqqi innabum fityatun aamanuu bi Rabbihim wa zidnaahum hudan(13)Wa
rabadhnaa calaa quluubibim ith qaamuu faqaaluu Rabbunaa Rabbu Al
Ssamaawaati wa al ardi lan nadcuwa min duunihii ilaahan llaqad qulnaa ithan
shadhadhan(14)Haa'ulaa'i qawmunaa ittakhathuu min duuniHi aalihatan llaw laa
ya'tuuna calayhim bisuldhaanin bayyinin faman athlamu mimman iftraa calaa
Allaahi kathiban(15)Wa ithi ictazaltumuuhum wa maa yacbuduuna illaa Allaaha
fa'wuu ilaa al kahfi yanshur lakum Rabbukum min raxmatihi wa yubayyi' lakum
mmin amrikum mirfaqan(16)Wa taraa al sh-shamsa ithaa dhalacat tazaawaru can
kahfihim thaata al yamiini wa ithaa gharabat ttaqriduhum thaata al sh-shimaali wa
hum fii fajwatin mminhu thaalika min Aayaati Allaahi man yahdi Allaahu fa huwa
al muhtadi wa man yudlil falan tajida lahu waliyyan mmurshidan(17)Wa
taxsabuhum ayqaathan wahum ruquudun wa nuqallibuhum thaata al yamiini wa
thaata al sh-shimaali wa kalbuhmn baasidhun thiraacayhi bi al wasiidi lawi idhdhalacta calayhim lawallayta minhum firaaran wa lamuli'ta minhum rucban(l8)Wa
kathaalika bacathnaahum liyatasaa'aluu baynahum qaala qaa'ilun mminhum kam
labithtum qaaluu labithnaa yawman aw bacda yawmin qaaluu Rabbukum aclamu
bimaa labithtum fa abcathuu axadakum biwariqikum haathihi ilaa al madiinati
falyanthur ayyuhaa azkaa dhacaaman falya'tikum birizqin minhu walyataladhdhaf
walaa yushciranna bikum axadan(19)Innahum in yath-haruu calaykum yarjumuukum
aw yuciiduukum fii millatihim walan tuflixuu ithan abadan(20)Wa kathaalika
actharnaa calayhim liyaclamuu anna wacda Allaahi xaqqun wa ann a al ssaacata laa
rayba fiihaa ith yatanaazacuuna baynahum amrahum faqaaluu abnuu calayhim
bunyaanan Rabbuhum aclamu bihim qaala allathiina ghalabuu calaa amrihim
lanattakhithanna calayhim masjidan(21)Sayaquuluuna thalaathatun rraabicuhum
kalbuhum wa yaquuluuna khamsatun saadisuhum kalbuhum rajman bi al ghaybi wa
yaquuluuna sabcatun wa thaaminuhum kalbuhum qul Rabbii aclamu biciddatihim
mmaa yaclamuhum illaa qaliilun falaa tumaari fiihim illaa miraa'an thaahiran wa laa
tastafti fiihim mminhum axadan(22)Wa laa taquulanna li shay'in inni faacilun
364
thaalika ghadan(23)Illaa an yahshaa'a Allaahu wa athkur Rabbaka ithaa nasiita wa
qul casaa an yahdiyani Rabbii li'aqraba min haathaa rashadan(24)Wa labithuu fii
kahfihim thalaatha mi'atin siniina wa izdaaduu tiscan(25)Quli Allaahu aclatnu bimaa
labithuu lahu ghaybu Al Ssamaawaati wa al ardi absir bihi wa asmic maa lahum min
duunihi min waliyyin waa yushriku fii xukmihi axadan(26)."
Aayadahaas macnohoodu waxaa weeye:
"Xamdiga waxaa iska leh oo uu u sugnaaday Ilaahay, ahna Ilaaha kusoo dejiyay addoonkiisa
Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Kitaab toosan oo ayan dhexdiisa qallooc, oo
ah is khilaaf ku jirin(1)Kitaab toosan oo aan la abuurine Hadalka Ilaahay oo azaliga ah oo
weligiis jiray, siduu ibnu Cabbaas u fasiray, si uu ugaga digo ciqaab adag oo xaggiisa ka
ahaatay, uguna bishaareeyo mu'miniinta waxa wanaagsan suubiya inay muteysteen oo
leeyihiin ajar fiican, oo ah Jannada oo ay galaan(2)Kuna waarayaan dhexdeeda weligood oo
aan laga soo saareyn(3)Una digo kuwa yiri Ilaahay wuxuu yeeshay caruur(4)Uma laha wax
cilmi ah ayaga iyo aabayaalkood midna, waxaana weynaatay kalimad, waa eraye, afafkooda
kasoo baxday, ahna oraahdooda inuu Ilaahay caruur leeyahay, waxay leeyihiinna ma aha
waxaan been ahayn(S)Adiguna, waa Nabi Muxammade, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam,
waxaad ku sigatay inaad naftaada halaagto sidaad raadkooda ugu taagan tahay oo aad ugu
dadaaleysid, una dooneysid inay rumeeyaan, aadna uga calool xuntahay inayan Quraanka
rumayn(6)Annagu waxaan ka yeelnay waxa arliga korkiisa ah wax quruxdeeda ah, si aan u
imtixaanno kooda camal fiican(7)Kaddibna waxaan ka yeeleynnaa waxa korkeeda ah did yaabis
ah oo aan waxba kasoo dhalan(8).
Asxaabu Al Kahfi wa Al Raqiimi\‫أصحاب الكهف والرقيم‬
Mase waxaad u moodday inay asxaabtii godka iyo kitaabku ama kuwa degay waadiga Al
Raqiimu\‫ الرقيم‬la yiraahdo dhiniciisa, sida ibnu Cabbaas\‫ إن عباس‬looga wariyay, ay ahaayeen
kuwa Aayaadkeenna ugu cajab iyo yaab badan?(9)Markay raggu ku hoydeen godka, oo ay
yiraahdeen: "Rabbigeenow! naga sii xaggaaga naxariis, oo na hanuuni, noona sahal amarkeena
waxaan ku heleynno raallinnimadaada, aanna ku hanuunsamaynno, oo siduu ibnu Cabbaas ‫إن‬
‫ عباس‬yiri:
"Naga saar godka annagoo nabad qabna".
Raggaas magac xoogaa kala duwan ayaa lagu sheegay, waxayna ahaayeen madaxda
boqortooyada roomaanka ee ka dhisnayd magaalada maanta dalka Turkiga ku taalla
Efesus\‫افسس‬, oo waagaas ka tirsanayd boqortooyada Rooma.
Magaalooyin kalena waa lagu sheegay, sida Cammaan\‫ عمان‬ee arliga Urdun\‫أردن‬, iyo Dimishiq
\‫ دمشق‬ee dalka Suuriya\‫سوريا‬, Armeeniya\‫أرمينية‬, arliga Spaaniya\‫ إسبانيا‬iyo kuwo kaleba.
Boqorka Roomaanka u taliyay, magaciisuna Daqyaanus\‫ دقيانوس‬ahaa, wuu ka leexday Diinta
islaamka ee Nabi Ciise\‫عيسى‬, waxayna bilaabeen inay asnaamta caabudaan. Raggaas godka
galay midkood wuxuu ahaa ku xigeenka boqorka ama Wasiirkiisa. Magacdooduna waa
Maksilmiinaa‫مكسلمينا‬,
Makhshalmiinaa\‫مخشلمينا‬,
Tamliikhaa\‫تمليخا‬,
Mardhuunus\‫مرطونس‬,
Kashdhuunus‫كشطونس‬, Yabruunus\‫يبرونس‬, Daymuus\‫ ديموس‬iyo Badhyuus\‫بطيوس‬.
Eygoodana waxaa la oran jiray Qadhmiir\‫قطمير‬. Raggaani waxay arkeen nin asxaabta Nabi Ciise
\‫عيسى‬, Calayhissalaamu, ka mid ah, ama nin asbaatiisa wax ka arkay, oo zamankaas ayay
noolaayeen, waxayna ku taagnaayeen Diinta Islaamka iyo Shareecada Nabi Ciise\‫ عيسى‬,,
365
Calayhissalaamu.
Al Imaam Muxmmnad Dhaahir ibnu Caashuur\‫األمام محمد طاهر إبن عاشور‬, oo reer Tuunis\‫ تونس‬ah,
wuxuu tafsiirkiisa Tafsiiru Al Taxriir wa Al Tanwiir\‫ تفسير التحرير والتنوير‬markuu Aayadda
sagaalaad fasirayo ku sheegay inuu zamanka asxaabu al kahfi\‫ أصحاب الكهف‬ahaa qiyaas sanadka
laba boqol iyo toddoba iyo soddon Miilaadiga, boqorka roomaankana uu ahaa Duuqyuus‫دوقيوس‬
ama Duqyaanuus\‫(دقيانوس‬10)Markaasaan hurdo ku ridnay ayagoo godka dhexdiisa ku sugan oo
ay sanooyin fara badan hurdeen(ll).
Kasoo kaca hurdada
Markaas kaddibna waan soo kicinnay si aan u aragno labada kooxood kooda koobid sugan intay
godka dhexdiisa ku sugnaayeen, ayadoo ay dadka magaaladaasi kaddib isku khilaafeen intay
godka ku jireen(12)Annagaa kaaga warramaynna warkooda, kuuna sheegeynna ruuta warkooda,
waxayna ahaayeen rag dhalliyaro ah oo Rabbigood rumeeyey, Annaguna waxaan u kordhinnay
hanuun(13) Waxaan ku xoojjinay quluubtooda sabar iyo sugnaan iyo nuurka iimaanka inay
magaalada dadkooda iyo ehelkoodaba ka qaxeen ayna Diintooda god kula carareen, markay hor
istaageen boqorkooda Daqyaanus‫ دقيانس‬markuu ku canaantay ka tegiddooda caabudidda
asnaamta, ayna yiraahdeen: "Rabbigeennu waa Rabbiga iska leh Samaawaatka iyo arligaba,
Isaga sokadiisana ilaah kale caabudi maynno, haddaan saas yeelnana oo aan ilaah kale caabduno
waxaan ku hadalnay hadal xadgudub iyo been ah(l4)Kuwaasuna waa tolkeen aan isla magaalada
deggannahay, waxayna Ilaahay sokadiisa ka yeesheen ilaahyo asnaam: mey keenaan wax
cibaadadoodaas xujjo cad u ah, yaana ka dulmi badan qofka Ilaahay ku been abuurtay, oo yiri
wuxuu leeyahay caruur ama shariik?(15)Markaasey raggaas qaarkoood waxay ku yiraahdeen
qaarka kale:
"Maad ka fogaataan dadakiinna iyo waxay caabudayaan Ilaahay sokadiisa, oo markaas u qaxa oo
gala godka, markaasuu Rabbigiin wax idiinka fidinayaa naxariistiisa, amarkiinnana idiin
sahlayaa iyo raaxaba(16)Waxaadna arkaysaa qorraxda oo markay soo baxdo uga iilaneysa
godkooda xagga midig, markay dhaceysana ka goyneysa xagga bidix, ayagoo ku sugan meel
waasac ah oo godka dhexdiisa ah, ayadoo ayan qorraxdu gubayn oo dhib u geysanayn. Taasina
waxay ka mid tahay Aayaatka Ilaahay. Qofkuu Ilaahay hanuuniyo ayaa hanuunsan, qofkuu
baadiyeynayana u heli maysid axad u gargaara oo hanuuniya(17)Waxaad mooddaa haddaad
aragto inay soo jeedaan, oo indhohoodu way furnaayeen, oo way neefsanayeen intaas ay
hurdeen, wayse hurdaan, waxaanna u rog rogaynnaa midig iyo bidix, si ayan ciiddu dhinocooda
u cunin, waxaana la yiri in la gadgaddin jiray sanadkiiba mar, sida looga wariyay ibnu
Cabbaas\‫إبن عباس‬, maalintaasna la yiri waxay ahayd maalinta Cashuuraa'\‫ عشوراء‬ee tobanka
bisha Muxarram\‫محرم‬. Eygooduna wuxuu jeeniyadiisa ku fidiyay albaabka godka. Haddaad arki
lahayd, Nabi Muxammadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waad ka jeesan lahayd oo ka
gaddoomi lahayd adigoo cararaya, waxaana lagaa buuxin lahaa xaggooda argagax(18).
Intay hurdeen
"Sidaan u seexinnay oo kale ayaan usoo kicinnay inay qaarkood qaarka kale is wareystaan.
Wuxuu yiri mid ka mid ihi:
"imisaad nagaaddeen?"
Waxay yiraahdeen:
"waxaan nagaannay maalin ama maalin qaarkeed", uuna sidaas u yiri ayagoo godka subax galay,
366
hurdana kasoo kacay markay casarkii tahay.
Waxay yiraahdeen:
"Rabbigiin ayaa u cilmi leh intaad nagaaddeen ee midkiin dira una dhiiba lacagtiinnaan qalinka
ah, una dira magaalada, hana idiinku soo gado cunno xalaal ah, hana idiin keeno cunno. Qofkaas
aad direysaanna ha is qariyo, oo si aayar ah oo asturan dariiqyada magaalada ha u maro, yuusan
axad ayaga ka mid ihi idin ogaanin(19)Maxaa yeelay ayagu hadday idin arkaan dhagax ayay
idinku dilayaan, ama waxay idinku celinayaan diintooda gaalnimada ah, oo aydnaan markas
weligiin liibaaneyn(20)Sidaas ayaanna u tusinnay dadka, waana markuu midkay lacagta usoo
dhiibteen oo cunnada usoo dirsadeen uu magaalada yimid, isagoo qaba dhar kooda ka duwan,
lacag tooda ka duwan kuna hadlaya af kooda ka duwan, oo marka la wareystay warkooda siiyay,
oo sidaasuu dadku wuxuu helayba daliil loo jeedo inuu Qiyaamuhu sidaasoo kale yahay, sida
raggaas intaasoo boqoloo sano hurday: inuu ballanka Ilaahay run yahay, Saacadana aan shaki ku
jirin oo ay dhacayso. Markaasaa boqorkii magaalada iyo dadkiiba, muslimkooda iyo
gaalkoodaba isi soo raaceen, si ay godkaas iyo ragga ku jira u arkaan. Markay godka afkiisa
yimaadeen ayuu ninkii raggaas ka midka ahaa oo soo waday godka galay si uu asxaabtiisa ugu
sheego inay la socdaan boqorkii iyo dawladdii oo muslimiin ah. Markuu galay oo uu la fariistay
ayaa dhammaantoodba nafta laga wada qabtay oo ay dhinteen. Markaasuu boqorku soo galay oo
uu arkay raggi oo wada mayd ah, ayna goosteen in meeshooda loo daayo oo ay xabashooda
tahay. Markaasey godka hortiisa ku murmeen amarkooda, ayna muslimiintu yiraahdeen waxaan
dushooda ka dhisaynna masjid uu dadku ku tukado, maxaa yeelay ayagu waxay ku taagan yihiin
diinteenna. Gaaladiina waxay yiraahdeen waxaan ka dhiseynnaa guri. Markaasey boqorka oo
muslim ahaa iyo asxaabtiisu amarkooda ku adkaadeen, ayna goosteen inay masjid ka dul
dhisaan, ayna yiraahdeen Rabbigood ayaa ogsoon ayagee(21).
Tirada raggaas
Waxay leeyihiin waxay ahaayeen saddex nin, oo sidaan ku timid: wafdi krishtaan ah oo reer
Najraan\‫ نجران‬arliga Yamaneed\‫ يمن‬ka yimid kana kooban lixdan nin oo culummadooda iyo
madaxdoodu ka mid yihiin oo ay hoogaaminayaan ayaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi
Wasallam, Al Madiinah\‫ المدينة‬ugu yimid sanadka sagaalaad ee Hijrada, una dhiganyah qiyaas
sanadka lix boqol iyo kow iyo soddonka miilaadiga ah, ayna hoggaaminayeen Al Sayyidu‫السيد‬
iyo Al Caaqibu\‫ العاقب‬iyo asxaabtooda.
Markaasey waxay halkaas ka maqleen, oo lasoo qaaday asxaabu al kahfi\‫أصحاب الكهف‬. Markaasuu
Al Sayyidu\‫السيد‬, oo mathhabka la yiraahdo Al Yacquubiyyah\‫ اليعقوبية‬ku taagnaa, wuxuu yiri:
"Waxay ahaayeen saddex nin, waxaana afareeyey eygooda”.
Markaasuu Al Caaqibu\‫العاقب‬, oo Nasdhuuri\‫ نسطوري‬ahaa, wuxuu yiri: "Waxay ahaayeen shan
waxaana lixeeyey eygooda". Markaasey muslimiintu waxay yiraahdeen:
"Waxay ahaayeen toddoba, waxaana sideed ku ahaa eygooda." Markaasuu Ilaahay hadalka
muslimiinta run ka dhigay. Marka Ilaahay wuxuu yiri:
"Waxay leeyihiin saddex, waxaana afareeya eygooda, waxayna leeyihiin shan waxaana lixeeya
eygooda, waana hadal ay iska ganayaan ayagoo aan cilmi u lahayn, waxayna leeyihiin
muslimiintu toddoba, uusanna Ilaahay ku tilmaamin hadal la iska ganay, waxaana sideed ku ah
eygooda. Waxaad tiraahdaa Rabbigay ayaa u cilmi leh tiradooda, mana uusan oga intaan in yar
ahayn."
Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\‫ عبد هللا إبن عباس‬wuxuu yiri:
367
”.‫ “أنا من القليل كانوا سبعة‬: ‫قال ابن عباس‬
“Anaa mina al qaliili: kaanuu sabcah.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
"anigu waxaan ka mid ahay intaas yar oo og, waxayna ahaayeen toddoba".
Hana kula murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana weydiin ehelu kitaabka
axad ka mid ah amarkaan, kaddib marka aan kaaga warrannay(22)Hana ku oran shayna berri
ayaan sameynayaa(23)Jeer aad tiraahdo inshaa'a Allaahu. Xusna Rabbigaa haddaad halmaanto,
oo haddaad marka hore hilmaantid oo aadan inshaa'a Allaahu oran, markaad xusuusato dheh,
waxaadna kaloo tiraahdaa waxaaba dhici karta inuu Rabbigay igu hanuuniyo wax ka dhow taas
oo hanuun iyo toosni ah(24)Ehelu kitaabku waxay leeyihiin inay godkaas ku nagaadeen saddex
boqol oo sano, ayna ku ziyaadsadeen sagaal sanoo kale. Markaasey wafdigii reer Najraan \‫نجران‬
waxay yiraahdeen:
"saddexda boqol oo sano waan garannay, sagaalkase cilmi uma lihi. Markaasey soo
degatay(25)Waxaad tiraahdaa Ilaahay ayaa u cilmi leh intay nagaadeen, waxaana Ilaahay u
sugnaatay ghaybka Samaawaatka iyo arliga, oo wax walba wuu u jeedaa, uuna maqlaa, dadkana
uma sugnaanin Isaga sokadiisa gargaare, Isaguna lamana wadaajiyo xukunkiisa axadna(26)."
Thuu Al Qarnayn \‫ذوالقرنين‬
Ibnu Isxaaq\‫ إبن إسحاق‬wuxu yiri:
"Weydiintooda xagga ninka arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba u kala safrayna,
waxaa kasoo degay Aayadaha saddex iyo sideetan ilaa sagaal iyo sagaashan ee isla Suuratu Al
Kahfi\‫سورة الكهف‬:
ِ ‫) ِإَّنا َم َّكَّنا لَهُ ِفي ْال َْر‬83( ‫ون َك َع ْن ِذي اْلقَ ْرَن ْي ِن ُق ْل َسأ َْرلُو َعلَ ْي ُك ْم ِم ْنهُ ِذ ْك ًار‬
‫ض َوآَرَْي َناهُ ِم ْن ُك ِّل َش ْي ٍء َس َبًبا‬
َ ُ‫َوَي ْسأَل‬
َّ ‫ب‬
ِ ‫الش ْم‬
‫ب ِفي َع ْي ٍن َح ِم َئ ٍة َوَو َج َد ِع ْن َد َها َق ْو ًما ُقْل َنا َيا َذا‬
ُ ‫س َو َج َد َها رَ ْغ ُر‬
َ ‫) َحرَّى ِإ َذا َبَل َغ َم ْغ ِر‬87( ‫) َفأَرَْب َع َس َبًبا‬82(
ِ ‫ف نُع ِّذبه ثَُّم يرُّد ِإلَى رب‬
‫ِّه فَيُ َع ِّذ ُبهُ َع َذ ًابا‬
َّ ‫) قَا َل أ‬86( ‫َن رَرَّ ِخ َذ ِفي ِه ْم ُح ْسًنا‬
َ ‫َما َم ْن‬
ْ ‫ب َ لوِا َّما أ‬
َ ‫َن رُ َع ِّذ‬
ْ ‫اْل َق ْرَن ْي ِن إِ َّما أ‬
َ
َ ُ ُ ُ َ َ ‫ظلَ َم فَ َس ْو‬
ِ
ِ ‫َما من آَمن وع ِم َل‬
‫) َحرَّى‬81( ‫) ثَُّم أَرَْب َع َس َبًبا‬88( ‫َم ِرَنا ُي ْس ًار‬
َ َ َ َ ْ َ َّ ‫) َوأ‬87( ‫ُن ْك ًار‬
ً ‫صال ًحا َفَلهُ َج َز‬
َ
ْ ‫اء اْل ُح ْس َنى َو َس َنقُو ُل َلهُ م ْن أ‬
ِ
ِ
ِ
َّ ‫طِلع‬
ِ
ِ ‫الش ْم‬
‫ط َنا